Quantcast
Channel: Opinion – RBC Radio
Viewing all 410 articles
Browse latest View live

Soomaaliyaa Iyo Somaliland. W/Q F Hiirane

$
0
0

Somalia Iyo Somaliland
F Hiirane
fahiira@gmail.com
Luulyo 12 2013

MAQAALSanaddii 1970 kii Soomaaliya waxaa lagu lahaa dayn 0.0 ( Eber) Doolalar Sanadkii 1991 giina waxay la dhacday dayn gaaraysa 3 Bilyan oo Doolar , lacagtaas waxaa lagu leeyahay Jamhuuriyaddii Soomaaliya , dawladdii xiligaas jirtay lacagtaas amah + dulsaar badankeed waxay kaga baxday musuq iyo maamul xumo haraysay qarankii maantaa jiray , hase ahaatee meelaha nasiibka yeeshay ee kacaankii Askarta ay wax uun ka qabteen waxaa ka mid ah Bari ( Puntland ) iyo Woqooyi (Somaliland) sidoo kale waxaa mashaariic laga fuliyay dhulka ugu dhimashada badan haattan waa carro waamo (Jubbaland) .

Waxaan waydiiyay 50 arday jaamacadeed oo joogta Hargaysa cidda ay urkaan inuu cadaw ku yahay Somaliland , 47 qof waxay qabaan Somalia 1 wuxuu yiri itoobiya 2 nana waxay dheheen khaatumo iyo puntland , isla ardadaas waxaan waydiiyay saaxiibka ugu dhow Somaliland ? 32 waxay qabaan Itoobiya 9 waxay yiraahdeen UK , 7 qof ayaa yiri Jabuuti , 2 mooji .

Isla su’aalahan ayaan waydiiyay 50 arday oo jaamacad xamar ku taalla kuliyado kala duwan dhigta, cadawga Soomaaliya ? 43 waxay ku jawaabeen Itoobiya iyo Kenya , 6 ayaa aaminsan Ereteriya mid ayaa ku jawaabay Al-shabaab, Sidoo kale waxaan waydiiyay Saaxiibka Soomaaliya ? 37 waxay qabaan Jabuuti , 12 na waxay qabaan Saaxiib malahan. 1 qof ayaa yiri Suudan.

65 qof oo Joogta Garbahaareey ayaan waydiityay inay codkooda siin lahaayeen hadduu Duga magaalada u tartarmo Injineerkii Magaalada 1970 kii Eng Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland . 53 haa ayay ku jawaabeen , 9 ayaa bana naqaano yiri , 2qofna maya ayay ku jawaabeen Oday ayaa yiri Faysal asagoo eey wayn wata ayaan soo dhawaynay ee asagoo haattan islaanimadu ka muuqato marxaba weeye.

70 qof oo hargaysa joogta ayaan waydiiyay inay u codkooda siin lahaayeen hadduu duqa magaalada isu taago maareeyihii biyaha ay hargaysa cabayso haattan fuliyay C/llaahi Biyoole oo reer Garbahaareey ahaa 36 Maya , 19 Haa , halka 15 ayaa yiri ma naqaanno .

Nacayb ka ugu wayn waxaa laga dheehan karaa hadalada ay jeediyaan Siyaasiinta labada dhinac Somalia iyo Somaliland , shucuubta labada dhinac colaad kama dhex jirto qaar badan ayaa aamin san in guud ahaan soomaali ay eersatay madax adaygii askartii Kacaanka iyo mija xaabintii madax maal qabeenkii Puntland

Qolo kasta waxaa lagu shubay inay yihiin hormuudka Soomaali oo dhan ayaguna qaayibe , hasa ahaattee cidda hartay oo habaarku ku dhacay waa Soomaali oo dhan dunidana waxaa nalagu gartaa dad dilka ku farxa , dumintana shaqa ka dhigta , waxaa dalkii oo dhan qaatay shisheeye , koonfur waxaa taladiisa leh Askar African oo aan arxan u lahayn dhulka iyo dadkaba , woqooyina (Somaliland) Hay’ado shisheeye ayaa shilinka ay bixiyaan ku gumeeyay dadkii dalkiina ku yeeshay taladiisa xooggeeda , Puntland maslaxadda qabiilka ayaa qarankoo dhan ka saraysa oo haddii aysan helin booska ugu sareeya dalka Soomaaliya waa alif macalin tiray.

F Hiirane

fahiira@gmail.com

————————–
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Sucuudigu ma taariikh (celender) bay ku soomaan mise aragtida bisha? W/Q Sh Ahmed dheeli

$
0
0

Sucuudigu ma taariikh (celender) bay ku soomaan mise aragtida bisha?
Sh Ahmed dheeli
awdheeli2000@yahoo.com
Luulyo 13 2013

MAQAALWaxaad in badan ka maqlaysaa bulshada soomaaliyeed dhexdeeda sucuudigu waxay ku soomaan taariikh ama celender arintaasoo xaqiiqda aad uga fog.

Waxaana cadayn buuxda u ah bishaan Ramadaan ee hada bilatay dhamaan kelendaradu waxay qorayeen in bisha Ramadaan bilaabanayso maalintii talaadada , laakiin sucuudigu waxay ku dhawaaqeen in soonku yahay maalinta arbacada maadaama ay bishii arki waayeen sodonkiina uunan buuxsamin. Dhacadadan oo kale waxaan u soo joogay laba soon oo hore oo mid aan sucuudiga ku soomay.

Maxkamada sare ee sucuudigu waxay dadwaynaha ka codsataa intaan bisha ka horaysa dhamaan inay ku dadaalaan aragtida bisha, cid kasta oo aragtaana ay la soo xiriirto xarunta maxkamadeed ee ugu dhow waxayna ku faafiyaan bayaankaas dhamaan noocyada kala duwan ee warbaahinta waana kan bayaankii ugu danbeeyey ee sanadkaan:

Dhamaan umudaha muslimiintu meel kasta oo ay joogaan wax dhibaato ah kuma qabaan xiliga la soomayo iyo xiliga la afurayo waxayna inta badan uga danbeeyaan jihada maamusha arimaha diinta, halka soomaalidu ay ku jiraan khilaaf , qas iyo jaahwareer maalmahaas.

Xaga fiqiga maahan masalo dhib badan nabiguna NNKH wuxuu yiri (aragti kusooma aragtina ku afura hadaad arki waydaana dhamaystira sodon bari). Waxaa kaliyoo khilaaf ka jiraa aragtidaas ma muslimiintoo dhan baa wadaagta mise intii isku madlac ah(intii isku dhow soo bixida iyo dhicida qoraxda).labadaan masalo aad uma kala foga hadba tii qofku qaatona wuxuu helayaa nusuus taageeraysa.

Laakiin hadaaban qaadano tan danbe oo mad,habka shaaficiguna qaatay maxaan ku qiyaasaynaa inta isku madlaca ah wuxuuna xoojiyey Imaamu nawawi : waa sida kuufa , basra iyo khuraasaan oo kale. Sidaan ognahayna maagaalooyinkaas maanta isku wadan mawada aha.

Masalada sidaas u sahlan ayaa soomaalidu waxay ku qabaan dhibaato wayn oo aad yaabayso halka ay gaarsiinayaan sidii masalooyinka caqiidada oo kale oo xerada la isaga saaro ama la dhaho qofkii khilaafaa waa Bidci . qaarkood waxay aragtida u fasirtaan in qof walba ay tahay inuu asagu arko ayadoo ay adag tahay in bil kow dadku wada arkaan taasna sax maahan waxaana ku filan hal qof oo muslima inuu arko bisha sida dhacdayba xiligii nabiga NNKH.

Hadaba halkaan waxaan kuugu soo gudbinayaa dhacdooyin tusinaya dhibaatadaasi intay le,eg tahay:

1) Xiligii dawladii dhexe waxaa dhici jiray in culumo soomani ay dadka salaada ciida tujin jireen.

2) Waxaa dhacday in bishii laga sheegay magaalo noo jirta 200 oo KM ayadoo dhinacyada kala duwan ee culumada halkaa joogta kuwada qanceen aragtidaas,hadaba ayadoo laga duulayo in culumada qaarkood fatwoodeen inaan bisha lagu sugi Karin Idaacad, teleefoon IWM ee ay khasab tahay inaad la faariisato cidii bisha aragtay ayaa rag culumadaas kamid ihi baabuur qaateen oo soo waraysteen ragii bisha arkay kuna soo qanceen salaadii subax ayey yimaadeen umadii raacsanaydna waxay u iclaamiyeen ciid . subaxnimadii markii dadku isku diyaariyeen tukashadii salaada Ciida ayaa rag kale oo culumadaas ka mid ahaa ka hor yimaadeen arintii sababtoo ah qoladii bisha aragtay lama waydiin masalooyin kamida caqiidada waxaana mar labaad lagu dhawaaqay maanta inay soon tahay cidii afurtayna ay gadaal ka qallayso.

3) Anagoo fadhina makhaayad xilli fiid ah dadkuna sugayo akhbaartii bisha ayaa waxaa nagu soo baxay baabuur culumo saaran tahay oo qaadaya takbiirtii ciida oo dadka u sheegaya in bishii la,arkay waxaase yaab lahayd in baabuurkii markuu naga dhaqaaqay culumo kale rasaas ku fureen ayagoo diidan in bishii la arkay. Inkastoo rasaastii aysan cidna waxyeelin hadana masaladaas heerka la gaarsiiyey waxaa loogu bareeray dhiig muslim.

Dhacdooyinkaan iyo kuwo ka daranba way dhacaan mana wada koobi karno laakiin waxaan umada soomaaliyeed ugu baaqi lahaa in masaladaan aan laga badbadin oo heerkeeda aan la dhaafin maxaa yeelay khilaafka umada dhexdeeda laga abuuro oo dhala waxyaalahaas aan soo sheegnay ayaa wax walba ka shar badan.

W/Q Sh Ahmed dheeli

awdheeli2000@yahoo.com

==================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Hawaddu maaha mid Hargaysa & Muqdisho waa mid Soomaaliyeed!. W/Q Askar Darwiish

$
0
0

Hawaddu maaha mid Hargaysa & Muqdisho waa mid Soomaaliyeed!
Askar Darwiish
khaatumo2012@yahoo.com
Luuluyo 14 2013

MAQAALYuusuf Garaad dabcan waqtigiisa intii ugu badnayd wuxuu ku soo qaatay saxaafadda. Saxaafadda waxyaabaha asalka u ah ee laga barto waxaa ka mid ah, sida qofku aragtidiisa iyo hadafkiisa u meel mariyo isagoon la garan.

Saxaafaddana waa lagu dhigaa in been aan la sheegin laakiin “runta la rog rogo” oo si doqoni ma garatay ah war fikirkaaga ka turjumaya loo soo bandhigo. “Suppression of information” ama xogta oo lala kala hadho waxay iyana ka mit tahay khiyaanadda saxaafadu leedahay. Yuusuf taas ayuu u isticmaalay qoraal aan akhriyay maanta. Laakiin si uu u qariyo inaan taa la fahmin wuxuu qoraalkiisa ku badiyay faah faahin dheeraad ah oo si dad aan ula socota qoraalkiisa laakiin aan ahayn hadafkiisa guud. Wuxuu kaloo isticmaalay wax saxaafaddu aad u isticmaasho oo ah in fikradaha la badhxo oo lagu soo daro fikrado dhexdhexaad u muuqda lana soo geliyo fikir kale taas oo laga wado in hadalka loo ekaysiiyo dhexdhexaad iyo in dhegaystaha ama akhristaha aragtidiisa meelo kala du-duwan loo qaado si ay ugu adkaato inuu fahmo hadafka khaaska ah.

Muhiimaduna ay tahay in akhristuhu ama dhegaystuhu ugu dambayn u qaato qoraalka ama warka sidaad adigu u rabtay.

Yuusuf wuxuu iclaamiyay in Soomaaliya ay ka jirto dowlad aan ku meel gaar ahayn oo aduunku aqoonsan yahay. Laakiin nooma sheegin dowladda Soomaaliyeed ee aduunku aqoonsan-yahay xagay ka bilaabantaa xagayse ku dhamaataa? Yay aduunka u matashaa? Haddii dowladdu mid Soomaaliyeed tahay maxaa keenay gor-gortanka xukunkeedii lagu gor gortamayo? Wuxuu kaloo ogaan uga booday “Soomaaliland”  yay matashaa? Sharciyan iyo siyaasiyan midna ma u jirtaa? Dhamaan su’aalahaasi Yuusuf ogaan buu uga booday sababtoo ah waxay inoo sheegi lahayd fikirka uu ka duulayo markuu shacabka is leeyahay war geli.

Dabcan, Yuusuf aragtiyihiisii hore iyo kuwiisa dambaba “Somaliland” wuxuu u yaqaanaa meel Soomaaliya ka baxsan. Wuu cadeeyay fikirkiisa markuu leeyahay “waxay noqonaysaa guul u soo hoyatay Soomaaliya iyo Soomaaliland.” Wuxuu kaloo yiri “Midnimo ama deris wanaag mid uun la isku afgarto.” Iyo taariikhdiisa hore oo ummaddu ka dheregsantahay.

Dowladda Soomaaliyeed ma noqon kartaa dowlad dowlad kale hawadeeda ka wakiil ah? Sharci maanta dhigaya in “Soomaaliland” ka duwantahay Khaatumo, Puntland, Galmudug, Xibin & Xeeb iyo Jubbaland ma jiro. Haddii gobollo qaar ah awood loo siiyay inay wax ka maamulaan hawadda wadanka yaa u diiday inay kuwa kale iyana miiska soo fariistaan? Yuusuf wuxuu kaloo sheegay in Gudoomiyaha iyo ku xigeenka maamulaya hawadda midna Hargaysa soo magacaabayso midna Muqdisho.

Goorma ayaa Soomaali isku raacday in dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed qaybna Hargaysa loo dhiibo qaybta kalana Muqdisho laga maamulo? Miyayna ahayn haddii dowlad Soomaaliyeed ay jirto in iyadda looga dambeeyo wixii danta guud ee wadanka wada gaara? Haddii taasi ayna jirina waa in gobol kasta wakiil u joogaa ileen Soomaaliya maanta waa gobolo gobolo’e.

Yuusuf wuxuu kaloo is waydiiyay in “Somaliland” aqbalayso diyaaradaha ka degaya Khaatumo! Yuusuf muxuu isu waydiin waayay in dowladda Soomaaliyeed taa yeeli karto iyo in kale? Wuxuu naftiisa u sheegay in Khaatumo ka mid tahay “Soomaaliland.”

Awood ay ku diido iyo mid ay ku ogolaato midna ma laha maamulkaa Hargaysa jooga. Haddii dowladda Soomaaliyeed ayna maamuli Karin hantidii qaranka iyo wixii dadku u doorteen, lugooyadda inay ka dayso ummadda ayaa fiican oo howsha ku wareejiso dad howshan hanan kara. Taas Yuusuf ma ku fekeray inuu yiraahdo intuu raali galinta gobollo gaar ah u soo banaan baxayo?

Tan kale, Yuusuf wuxuu af-lagaado gaar ah u gaystay Puntland oo uu ku sheegay inay isku dhereriso “Somaliland.” Waa durid ula kaca oo uu Puntland ugu dan leeyahay.

Anigu waxaan aaminsanahay wax “Soomaaliland” haysato oo ayna Puntland haysan ma jirto. Sabab ay isugu dhererisaana iima muuqato. Haddii aqoonsiga iyo tixgelinta Muqdisho Hargaysa la daba taagantahay ay ku mutaysteen mowqifkooda reeraysan ee ay Soomaali kaga cararyaan, malaha Puntland qiimayn taa le’eg ayay heli lahaayeen haday wadaddaa maraan. Yuusuf iyo xulufadiisuna lugta ma sii mariyeen markay Hargaysa marxabaysiinayaan!

Ugu dambayntii, Fiirada Gaarka (F.G) ah ee ugu dambaysay qoraalkiisa wuxuu Yuusuf inoogu celiyay in cidda is hor fadhiday ay ahayd “Somaliland” iyo Soomaaliya. Taas wuxuu uga dan lahaa difaac uu ku difaacayo fikirkiisa qarsoon haddii la garto. Taas oo ah inuu ugu jawaabo anigu waaqica ayaan ka hadlayay ee kama hadlayn sharciga.Yuusuf hadda suxufi cabudhinaya fikirkiisa shaqsiyanka ah maaha. Wuxuu meeshan ku soo ban dhigaa waa fikir. Laakiin waa fikir uu ku difaacayo siyaasadaha Soomaaliyeed ee iska soo hor jeeda qaarkood. Siyaasigu markuu fikirkiisa siyaasadeed cadeeyo taageeroyaalna waa ku helaa qaarna waa ku waayaa. Qoraalo dahsoon oo la sharxay laakiin qofku kala soo dhex bixi karo fikirka ka dambeeya waxaa ka fiican in runta meesheeda loogu tago. Yuusuf maanta war noo sheegi maayo ee feker buu soo bandhigay. Fikir uu qolana ku buunbuuniyay, qolo ku xaqiray qolana ku duray.

Su’aashu waxaa weeye, maxaa asal u ah siyaasadaada?

Maxaad koox ku diidaa kooxna ku durtaa koox kalana ku taageertaa?
Waqtigii wax la isu qarin jiray maanta Soomaali waa soo dhaaftay! Truth sets you free!

Ogowna, haddii Soomaaliya leedahay dowlad Soomaaliyeed hawadda ha maamusho. Haddii kalana 18kii gobol ha isaga yimaadaan!

Askar Darwiish
khaatumo2012@yahoo.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Madaxweyne Faroole: Geesi Go’aan Adag. W/Q Shire Sumba

$
0
0

Madaxweyne Faroole: Geesi Go’aan Adag
Shire Sumba
shiresumba@yahoo.com
Luulyo 14 2013

MAQAALMarka bulsho meel deggan loo bandhigayo ama la doonayo in baro wax ku cusub, waxaa caada ah in ay bulshadaas ka dhiidhiso arrinta ku cusub. Waxaa caada ah inay ka hor yimaadaan arrinta ku cusub, oo ay weliba ka dagaalamaan. Waxaa taas kuu cadaynaya sooyaalkii la soo maray. Bal dib u jaleec dal walba iyo bulsha walba ee maanta harsaneysaneysa doorashada halka cod iyo dimuqraadiyada

Sanadihii lixdameeyadii markii la yiri ha la qoro af-soomaali, iyadoo la isticmaalayo farta laatiinka waxaa ka soo horjeestay dadkii Soomaaliyeed oo u haystay far Soomaaliga oo lagu af laatiin inay la midtahay dadka oo la gaaleysiinayo. Waxaa u daatay dhiig. Waxaa dhacay mudaaharaadyo badan. Laakiin mar danbe ayey dadka Soomaaliyeed baraarrugeen; waxayna garteen in far walba la isticmaali karo balse aysan diintaada waxba ka bedeleyn.

In yar haddaan taariikhda dib u jaleecno, wadamada hoggaanka u haya doorashada iyo dimuqraadiyada, waxaa ognahay inay dhiig fara badan u soo daadiyeen, in dad badan naftooda ku waayeen, iyadoo ay qaarna diidanyihiin doorashada iyo dimuqraadiyada, qaarna ay taageersanyihiin. Waxaan waqtigan la joogaa aragnaa waxa ka socda dalka Masar in madaxweynihii la doortay xukunka laga tuuray, iyadoo dad badan dhiig u daadiyeen.

Dowladdaha Yurub iyo Ameerika waan ognahay inay dad tira badan naftooda iyo dhigooda ku waayeen sidii ay dalkooda ugu soo dabaali lahaayeen doorasho iyo dimuqraadiyad. Waan oganahay in la raday boqotooyadii Farance, Ruushka iyo shuucayadii ka talin jiray Yurubta Bari si dimuqraadiyad loo gaaro. Haddaba talaabada uu madaxweyne Faroole u qaaday dhinaca dimuqraadiyada waxba kama duwana kuwaas aan soo sheegay waayo labadaba waxaa ka hor yimid xoogag diidan in hal cod wax lagu doorto.

Go’aanka Madaxweyne Faroole

Go’aanka uu madaxweyne Faroole qaatay, ahna in dib loo dhigo doorashada waxaa nooga soo baxaya dhowr qodob;

  1. Madaxweyne Faroole inuu yahay nin bislaaday oo ruug-cadaa ah, mas’uul ah, oo xil qaad ah, islamarkaasna awooda inuu dadka iyo dowladda Puntland hogaamiyo, iskuna hayo, kana shaqeeyo midnimadooda.
  2. Inuu yahay nin nabad jecel, oo aan dooneyn dhiig daata.
  3. Inuu yahay nin ku kalsoon naftiisa, dowladiisa iyo dadka Puntland, islmarkaasna ay ka dhabtahay doorashada iyo isbedel lagu sameeyo Puntland.

Sida ku cad taariikhda, koba waa heer, oo aan ula jeedo, maanta wuxuu madaxwyne Cabdiraxmaan Faroole qaaday talaabadii ugu horeysay ee loo qaado dhinaca doorashada. Waa tilaabo taariikhi ah, oo marar badan la xusi doono, lana xasuusan doono.

Bal ka warama hadduu madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole isna qaadi lahaa tallaabo lid ku ah arrinta ay sameeyeen kooxda Qardha joogta, oo amar ku siin lahaa ciidanka Puntland in xoog kula dagaalamaan kooxdaas ama uu ciidan u diro goobaha ee lala leeyahay waxbaa ka dhacay.

Wixii Cusub Bulshada Waa ka Baqdaa

Saykoloji ahaan, waa wax dabiici iska ah in bina-aadamka markay food-saaraan ama ay la kulmaan wax ku cusub noloshooda, deggaankooda ay ka dhiidhiyaan, ka baqaan, kana hortagaan. Maanta bulshada reer Puntland waxaa ku cusub, oo aanay weligood dhadhamin wax la yiraahdo dimuqraadiyad, wax la yiraahdo doorasho; waana markii ugu horeysay oo la isku dayo. Sidaas darteed, la yaab ma leh in dad badan kacdoon sameeyo, sidii lixdankii looga soo horjeestay qorista far soomaaliga si la mid ah. Sidaad darteed la yaab ma leh in bulshada ay qaldaan kooxo adeegsanaya magaca qbiilka, oo ay ku abuuraan baqdin iyo in reer hebel aysan dan ugu jirin doorashada.

Laakiins waxaa arrintan dab ku shidaya kooxo huwan magac qabiil, oo aanay u muuqan halka la tiigsanayo. Waxaa u muuqda reer hebel; waxaa ka buuxa jago jaceyl iyo hinaas daran. Waase laga guulaysanayaa. Inshaa Allaha; waxaana guuleysayanaya waxay dadka rabaan.

Taariikhda Ayaa Xuseysa Madaxweyne Faroole

Hubaal waxaa ah in talaabada uu qaaday madaxweyne cabdiraxmaan Faroole ay taariikhda xuseyso. Inuu muuqaalkiisa iyo magaciisa ka muuqan doono buugaagta taariikhda, sababtoo waa hoggaamiyihii ugu horeeyey ee bulshada reer Puntland u soo bandhigay doorasho furan oo ku saleysan dimuqraadiyad. Weli marna kama dhicin taariikhda Puntland ilaa iyo iminka inta la ogyahay in dadka loogu yeero doorasho

Wuxuu waddo u furtay dowladda Puntland, welibana u fududeyneysaa xukuumadaha soo socda in doorasho ay ka dhici karto Puntand, islamarkaana ay dadk Puntland diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan doorashada

Tusaale u ah Soomaaliweyn

Talaabada ay qaaday dowladda Puntland waxay tusaale u tahay dowladda dhexe ee Xamar fadhida. Waxay u direysaa farriin ah in iyagana laga rabo inay qaadaan talaabo ay dadka ku siinayaan codkooda inay dhiibtaan. Si looga fogaado shilka ka dhacay Puntland waa in ay dadka siiyaan waxbarasho iyo warbixino ku saabsan

Saameynta Qabiilka

Weli Soomaaliya oo dhan iyo sidoo kale bulshada reer Puntland waxaa doorashada iyo dimuqraadiyada iyo diintaba ka weyn, oo ka awood badan qabiilka. Taa waxaa kuu cadeyneysa ilaa immisa ku oo qof oo Soomali ah baa qabiil dartiis naftooda u waayey?, oo weliba qabiilkaas ay u dhinteen aanay u war heyn ama uga mahadcelin ama dadkii ay ka dhintaan ay meelaha weli ku rafaadayaan, oo qabiilkii ay u dhinteen uusan waxba u qaban.

Marka hore qabyaalada siyaasadeysan waa in xal loo helaa, xalkaasna wuxuu ku jiraa horumar dhaqaale iyo waxbarasho oo la helo.

Lixdan iyo Lix Oday Miyaa Wax Inoo Dooran?

Waxaan reer Puntland weydiinayaa, madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole wuxuu qaaday talaabo geesnimo leh, oo aysan xataa isku dayein kuwii ka horeeyey, isagoo leh ha laga baxo doorashada odyada.

Ma waxaan rabnaa 66 oday oo inta hal qol isku soo xira in ay aayatiinkeena go’aan ka gaaraan, oo ay doortaan hadba qofkii musharax ah ee lacag badan ku bixiya doorashada, mise waxaanu baahanahay in aan ka gudubno, oo aan annaga gacanteednna ku doorano qofkii aan dooneyno, oo aan isleenahay wuxuu Puntland u hogaaminaya horumar iyo barwaaqo? Waxaa ila habboon in ololaha doorashada la taageero, si loogu gudbo marxalada ku xigta ee ah doorashad madaxwnanimada.

Wacyi Gelin

Dowladda Puntland waxaa looga baahanyahay wacyi gelin ballaaran, oo idaacadaha maqalka iyo muqaalka, wargeysyada, iskuulada, masaajidada iyo goobaha ay dadka isugu tagaan inay ka jeediso, oo ay dadka barto macnaha doorashada iyo qiimaha ay leedahay qofka inuu doorto cida ama qofka uu isleeyahay dalka iyo dadka wuu hogaamin karaa.

Mid kale waxay tahay, si ay buslahda ugu bislaato doorashooyinka waa inay helaan ilo-wareedyo iyo warbixino waafi ah oo kordhisa aqoontooda ku saabsan dimuqraadiyada iyo doorashada.

Dhoola Cadeynta Nacabka Puntland

Mar aan dulmaray websityada isku baheystay cadowtinimada iyo burburinta Puntland waxaa qaarkood iiga muuqday farxad iyo reynreyn iyo in loo sacabo tumayo shilkii ka dhacay Puntland iyo doorashada dib loo dhigay. Shaki kuma jiro, doorashada Puntland waa ay dhaceysaa Inshaa Allaah, waxa kale oo aan shaki ku jirin websityada u sacaba tumaya dhibta ka dhacday Puntland, tooda ha ka tashteen, oo ha ka fekereen, waayo gurigga deriskaaga ah hadduu gubanayo, waa ay adgtahay inaad dabkaas ka badbaado.

Mareegaha qoraya hadalada jees-jeeska ah ee lagu xumeynayo shilkii ka dhacay Puntland amay u wanaagsanaan laheyd inay qoraan war dhab ah, oo ay ka fogtahay caadifad qabiil iyo xumaan, saa taas bay dan ugu jirtaa, balse ha ogaadeen, qabiil waa wax xun, iyagana yeesan moodin inay ka badbaadayaan xumaanta qabiilka.

Guntii iyo gebagabadii waxaan leeyahay reer Puntlan maanta adinka ayaa la idiin hanweynaa, oo adduunka oo dhan, weliba intuu madaxweyne Faroole xukunka joogay, si gaar ah baa isha loogu hayey, waxaanna laga sugayey inay hormood ka noqdaan isbedelka weyn ka socda Soomaaliya. War waa in nabada la ilaaliyaa, oo weliba lala shaqeeyaa dowladda

Wax weliba waqti bay leeyihiin, waqtigii doorashada Puntland waxaad modaa in aan la gaarin, laakiin waxaan rabaa inaan hoosta ka xariiqo madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole inuu qaaday talaabo geesinimo leh ee uu ku badbaadiyey dadka iyo dowladda Puntland. Walee waa geesi go’aan adag qaatay.

Shire Sumba

shiresumba@yahoo.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Puntland: Ceelna uma qodna , cidina uma maqna. W/Q Farah Aw-Osman

$
0
0

Puntland: Ceelna uma qodna , cidina uma maqna
Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com
Luulyo 15 2013

Puntlandtii (Shalay):

MAQAALUnkistii Puntland iyo jiritaankeeduba uu faraj fiican u noqday Soomaali guud ahaan. Maxaa yeelay Puntland waxay hoy u noqotay boqolaad kun oo Soomaaliyeed oo ka soo barakacay koonfurta dalka. Waxay kaloo sabab u ahayd bud dhigii iyo taageeristii maamulo badan oo lagu diirsaday sida kii Baay ee RRA oo uu hogaanka uu hogaanka u hayay Col. Shaati-guduud (Allah ha u naxariistee), kii Shabeelada Dhexe oo uu hogaanka u hayay Maxamed Dheere (Allah ha u naxariistee) iyo kii Hiiraan oo u hogaanka u hayay Yuusuf Dabageed. Waxaa kaloo Puntland Madaxweynaheedii hore (AUN) Mudane Col. Cabdulaahi Yuusuf isaga iyo ciidankii reer Puntland (oo kaashanayay ciidanmado dariska ah iyo kuwo ka socoda xulafada gobolada Soomaaliyeed ee kor ku xusan) sabababeen in markii ugu horaysan tan iyo burburkii 1991 ay xamar oo khad cagaaran kala oolaa midowdo, madaxtooyadii dalkana ay ka howl gasho dowlad Soomaaliyeed. Waxaa kale oo Puntland saldhig u ahayd qoristii Axdiga Qaranka ee Federaalka ah, iyo ka saarista dalka nidaamkii ku meelgaarnimada ahaa iyadoo loo gudbay dowlad rasmi ah.

Waxay kale oo unkistii iyo jirataanka Puntland dhabarjab weyn ku noqotay nidaamka ka dhisan Hargeisa ee goosashada ku salaynaa, iyadoo markasta oo la xuso Somaliland lagu lamaaniyo Puntland looguna yeero labada maamul ee Somaliland iyo Puntland , taas oo waran wadnaha ku taagan ku noqotay Masuuliyiinta Maamulka Hargeisa. Waxaa intaa sii dheeraa in shacabkii reer Sool , Sanaag iyo Cayn la midoobeen walaalahooda midnimada iyo wadajirta Soomaaliyeed u taagan ee reer Puntland, balse waxay Garaadada, Ugaasyada, Salaadiinta iyo Cuqaasha deegaamadaasi ka midka ahaayeen bud-dhigayaashii iyo aasaasayaashii maamulka Puntland.

Dhamaan qodobadaas kor ku xusani waxay Puntland u samaysay una soo jiiday dad badan oo Soomaaliyeed oo ku diirsaday jirtaanka Puntland , halka dhinaca kale markaad eegto aad arkaysid cadow badan oo jecel burburka Puntland sida; Midnimo diidka Waqooyi iyo Maamul iyo Dowlad diidka Koonfureed, kuwaas oo har iyo habeen ku howlan kala gaynta iyo kala furfurista maamulkaas isaga ah.

Puntlandta (Maanta):

Waxaad moodaa in sanadadii ugu danbaysay ay Puntland gashay khalkhal daakhili ah oo khatar ku ah jiritaanka iyo midnimada Puntland. Khalkhalkaas isaga ah waxaa masuuliyadeeda ama eedeeda leh xoogag kala duwan oo badankoodu daakhili yihiin.

Doorka Masuuliyiinta Talada Haysa:

Waxaa naxdin iyo nasiib daro ah in maamulkii laga filayay ilaalinta midnimada Puntland, xalinta khilaafaadka, adeega bulshada, kobcinta ilaha dhaqaalaha, horumarka dadka iyo deegaanka, xakamaynta dakhliga dalka iyo difaaca aayaha iyo iyo jirtaanka Puntland, uu qudhiisii qayb weyn kayahay dhibka taagan, balse aan oran karnaba siyaasadaha guracan, talaabooyinka khaldan, erayada aan lag fiirsan iyo macangagnimada iyo musuqmaasuqa joogtada ah ayaa sabab u noqotay in ay sii kala fogaadeen bahweyntii ku midoobay maamulka , taas oo kaliftay in reer Sool, Cayn iyo qaar ka mid ah reer Sanaag ay xariga goostaan , meesha reer Sanaag bari ay faraha hore ku taagan yihii iyagoo ku hungoobay wixii ay ka filayeen maamulka, samir caalwaa awgiis iyo meel ay aadan oo aan jirina ay ku kaliftay inay magac ahaan weli ku sii jiraan Puntland balse dareekoonka aan farxadi ka muuqan. Bari dareen iyo guux mucaarado oo wayn baa ka jira, meesha Mudug aysanba warba u hayn kana haybaysan maamulka jira, meesha ay Nugaalina ku jirto “Shidanaaba shidan”.

Dhaqaalihii Puntland hoos u dhac weyn ayaa ku yimid oo ay sababtay canshuurta Maamulku kordhiyay, degadii Xamar oo Shaqo dib u bilowday , Berbera oo xowli howlaheedii ku socdaan , Kiilka Shanaad oo wada mashaariic ay xoolo qalan toos ugu dhoofinayaan Khaliijka iwm. Ayaa iyaguna hoos u dhigay heerkii ganacsi ee Puntland lagu yiqiin. Waxaa intaa sii dheer khalkhalka amni oo isaguna dhaawac ku keenay isu socodka ganacsi ee gobolada iwm..

Sidaa awgeed , waxay dowlada xukunka haysaa ku fashilmatay inay dhacdooyinkaas iyo khatarta dhaqaale, ganacsi iyo canshuureed fahmaan , lana yimaadaan istraatiijiyo lagula falgalo laguna dardar gelinayo ganacsiga, sida canshuurta oo hoos loo dhigo, sida in amniga la adkeeyo, sida in heshiisyo ganacsi lala galo kiilka shanaad , sida in la waasiciyo dekeda Boosaaso, la dedejiyo oo la dhamaystiro Airport ka Boosaaso iwm….

Xiriirka Gobalada dalka iyo Maamulka Puntland:

Waxaad moodaa in maamulka jira intii uu isticmaali lahaa xeelado kasbasho shacab si loo xaqiijiyo midnimada dalka iyo kalsoonida shacabka, inuu meherad ka dhigtay isticmaalka istaraatiiyo qar iska xoornimo oo isku dhafan taas oo uu qoloba cayn ula mucaamiloodo sida:

Reer Sool, Cayn, Sanaag: Dhagaha ka furayso Reer Bari: Kala qaybi oo Xukun

Reer Mudug: kii firfircooniiyo waxqabad layimaada oo taageero shacabka mutaba shaqada ka eri, gaas dhagoole durbaanka kuu tumana booskooda u dhiib.

Reer Nugaaleed: San-dareerto sii si ay u ilaashadaan inaan naasku ka gurin, kursigana loogu iman Doorashooyinka Puntland iyo Dimoqraadiyaynta:

Beesha Caalamka waxaa dhaqaale badan looga cunay waxa loogu yeero hirgelinta iyo Dimoqraadiyaynta Puntland, sidaa awgeed, maadaama ay ka fog yihiin saaxada siyaasadeed ee Puntland waxay ku wax qaybsadeen kuna qanceen report –dada ay u diraan hay’adaha aan dowliga ahayn ee arintaan ku taxaluqa iyo maamulka talada haya oo hoygiisa labaad uu yahay Nairobi halkaas oo ay had iyo goor warbixin ku salaysan siday la tahay ama jecelyihiin siiyaan xubnaha beesha caalamka ee hoygoodu yahay Nairobi. Sidoo kale tayada iyo firfircoonida Mucaaradka oo aan jirin ama aad u hoosaysa ayaa kalintay in beesha Caalamku run moodo warbixinada labada kooxood ee kale, taas oo ku xambaartay in ay rabto in wax un doorasho u eg ka dhacaan Puntland si aan markaasi loo oran howshii waa fashilmatay, iyadoo beesha caalamku rabto in darsinka laga dhaxlo Puntland ay mid la mid ah ka fuliso koonfurta Soomaaliya.

Hadaba waxaa isweydiin mudan majirtaa meel ka mid ah caalamka oo ay doorasho xor ah ka dhacday oo aan laga helin shuruudaha aasaasiga u ah hirgelin afti xor oo shacabku codkiisa ku dhiiban karto:

? Maxkamadii Dastuuriga ahayd (ee madax banaanayd)

? Guddi doorasho xor ah (Dowlada oo qudha ayaa samaysay, nus xubnihiina waaba is casileen)

? Tirakoobka afti bixiyayaasha (Haba sheegin)

? Iyo aqoonsigii muwaadiniinta (bal adba)

Hadaba waxaan oran karnaa hab dhaqanka beesha Caalamku iyo dimoqraadiyada gacan ku rimiska ah ee ay sida indho la’aanta ah rabto inay uga hirgeliso Puntland waa mida sababtay dhibka maanta ka dhacay deegaamo iyo degmooyin badan oo ka mid ah Puntland.

Waxaa kaloo nasiib daro iyo qayrul masuulnimo ah in Madaxda Puntland iyagoo og dareenka shacabka, helay qaraarada indheergaradka iyo qucaasha deegaamo kala duwan kuwaas oo uga digay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii ay isku dayaan inay shacabka reer Puntland ku dirqiyaan doorashada gollaha deegaanka ee aan loo bislayn iyo kala doorasho axsaab aan jirin, hadana ku dhiiratay camalkii looga digay kaas oo maanta sababay dhiig Bisha Barakaysan ee Ramadaan ku daaday bilaa sabab.

Kor waayeel waa wada indho, waayeel waa kuma , waa inagoon is yeelyeelayn,!

Shacabku waa ogaa oo wuu arkaayay in siyaasada iyo dhaqana aan caalamka lagu arag ee ay rabeen maamulku inay dimoqraadiyaynta Puntland ku marin habaabiyaan, kuna jajuubaan shacabka doorasho hal xisbi iyo dhowr xisbiyo ku sheeg rimay gacmeed ku dhashay oo kor ka faanto hoos ka kooko ah (xisbiyo ku sheeg dowladu abuurtay balse sumad xisbi loo yeelay si dadka loogu hoodadeeyo). Waxaa taa ka sii daran dhaqan aan hore caalamka loogu arag kaas oo ah in dowladii ku dirqiday, ku jajuubtay una yeerisay dhamaan shaqaalihii dowlada (ciidan, agaasimayayaal, wasiiro, gudoomiyaaasha degmo iyo gobol iyo tan ugu daran oo ah xubnihii Baarlamaanka oo ah kuwo matala dhamaan qabiilada ku bahoobay Puntland inay xubno ka yihiin Xisbiga Horseed ay samaysteen raga maanta talada haya).

Ficilkani wuxuu meesha ka saarayaa helis doorasho xor ah, waa ficil iyo siyaasad guracan oo laga yaxyaxo. Waxaase ka sii naxdin badan in tiro shan qof aan ka badnayn maahee shaqaalaha iyo xubnaa baarlamaanka aan kor ku soo xusay qof ka hor yimid siyaasadan uusan jirin, ilayn maskiin mushahaaar ku nool ah baa garbo lagu socdo lehe. Taasi waxaan oran waxay tusaale ka tahay heerka maamul iyo maarayn, heerka musuqmaasuq, heerka siyaasad xumo iyo heerka xumo iska qabasha la’aanta ay gaareen shacabka iyo maamulka reer Puntland.

Mucaaradka:

Mucaaradku waa wajiyo badan aan isku ahdaaf, aragti iyo siyaasad midna ahayn, waxayna ku kala baxaan sidan:

? kuwii wasiirada hore uga soo noqday maamuladii tagay, kuwaas oo ka duulaya halku dhaga ah “Hadii Faroolelaba Madaxeyne noqday ana waan noqon karaa”, maadaama ay asxaab iyo isku jiil ahaayeen islana soo jabeen.

? Dhaqdhaqaaq aan ugu yeeray “waa tookadayadii “ oo aan dan guud iyo badbaado midna hadafkoodu ahayn balse “tocco per tocco” ka duulaya

? Xisbiyo Mucaarad ah oo markii hore run mooday kuna dagmay Dimoqraadiyaynta laakiin kadib markay arkeen hadimada ay ku dhaceen , ka xishooday inay shacabka ku xalaaleeyaan waxa la dhoodhoobayo sida Midnimo iyo Wadajir.

? Xirbiyo Mucaarad ku sheeg ah oo xukuumadu hoosta ka samaysatay kuwaas oo aan ugu yeero: muxalaliinta

? Issimo u jeeda waxa socda, horayna maamulku baalasha uga rifay , doorkii nabadoonimo iyo qaran badbaadis oo ay cayaari jireena laga hor istaagay, balse haday helaan wax lagu dhiiran karo diyaar ah inay mowqif qaataan.

? Issimo san-dareerto qaatayaal ah, hoostana kala jira maamulka, qowda maqashii waxna ha u qabana kula dhaqma mucaaradka iyo shacabka Puntland.

Isku soo duuboo , waxaa muuqata in Puntland ay qarka u saarantahay inay ku dhacdo dabinkii lala rabay, walow uu dhiig maanta daatay, hadaba waxaan qabaa in weli xal la heli karo lagu samato bixiyo Puntland sida:

Xal:

? Madaxweyne Faroole in looga mahad celiyo joojinta doorashooyinka deegaanka, taas oo ah talaabo jiho fiican loo qaaday. Balse waxaa dowlada looga fadhiyaa waa sidii ay leadership ku muujin lahayd iyo inay gebi ahaanba joojiso waxa ay ugu yeertay xisbiyada iyo dimoqraadiyaynta qiratana inay ku fashilmatay arintaas, dareentana inaysan suurta gal ahayn mudada yar ee xukunkeeda ka hartay inaysan ku hirgelin karin howshaas sanadada u baahan, sidaa awgeed, waa in ay diirada saartaa awoodeedada isugu gaysaa sidii ay ku badbaadin lahayd dhiig danbe oo daata iyo inaan Puntland gacantooda ku dhiman

? In mucaaradka abaabulada rabshadaha wata ay ka waantoobaan dhamaan wax kasta oo keeni kara isku dhac dhiig ku daayo iyo khalkhal dhaawaca sumcada iyo jiritaanka Puntland

? In Issimada reer Puntland ay shir degdeg ah isugu yimaadaan, shirkaasna ay ku dhagaystaan aragtida Dowlada, Mucaaradka , indheergaradka , Qurbajoogta, Ganacsatada, Ururada Bulshada iwm.. kadibna qaraaro wax ku ool ah oo lagu badbaadin karo Puntland la yimaadaan, iyagoo iska dhowraya inaysan cidna jeebka u gelin walaa mucaarad walaa muxaafid (waana in shirkaasi laga talo geliyaa dhamaan aasaasayaashii Puntland sida (isimada Sool, Sanaag iyo Cayn)

? In hadii Issamadu badbaadin kari waayaan , kana gaabsadaan doorkoodii , la unko Guddi

Badbaado Puntland oo ka kooban Ganacsato, Indheergarad, Qurbaajoog, Ururada Bulshada kuwaas oo ka madax banaan dhamaan xoogaga ku hardamaya xukunka, kuwaas oo agendahooda u bandhiga Dowlada iyo Mucaaradka inta aysan wax how ah ama talooyin ah la iman, wargeliyana ururada bulshada iyo beesha caalamka

? In inta laga helayo isbadal ama doorasho xor ah oo xalaal ah , talada dalka lagu ixtiraamo dowlada maanta jirta wax fowdo ama khalkhal gelin kara isu socodka ganacsiga iyo bulshadana aan laga samayn deegaamada Puntland

? In Ciidanka Daraawiishta iyo Boolisku ogaadaan inay ku dhaarteen difaaca dalka iyo dadka sidaa awgeed aysan dilin shacabka ay u adeegayaan, aan loo adeegsan dulmi, aysana ku dhaqaaqin wax ka baxsan shaqadii looga fadhiyay, maxaa yeelay maamuladu way isbedelaan, laakiin shacabku markasta waa baaqi

? In beesha Caalamku ka waan towdo isku dirqinta dimoqraadiyaynta dhiciska ah, una sheegto maamulka talada haya in aysan Puntland maanta ka hirgeli Karin Dimoqraadiyayntii sidaa awgeed dib loo dhigo dhamayntirka howshaan inta doorashooyinka Madaxweyne ee Jan, 2014 ay dhacayaan , hadba cidii ku guulaysatana ay meeshaa howshii ka sii wado

? In ururada aan dowliga ahayn ee howshaan ku lugta lehi sida PDRC iyo Somali Family Services of Garoowe, ay muujiyaan leadership, mowqif cadna ay istaagaan, dareenka shacabkana iyo kan dowladana u gudbin karaan beesha caalamka si loo ilaaliyo loona xaqiijiyo jiritaanka Puntland

? Iyo ugu danbays in dhacdooyinkaan iyo ismaan-dhaafkaan aan shaar qabiil loo galin ee la ogaado waxa socdaa inay tahay kala duwanaan fikar siyaasi ah, cidii ficil dhiilo ah la timaadana (ama mucaarad ama muxaafid ha sheegatee ) ay taariikhda Puntland baal madow ka galayso maada ay sabab u noqon doonaa burbur ku yimaada Puntland.

Farah Aw-Osman

awosman@gmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Aqooneey Ba’. W/Q J. A. Yasin. Cambaashe

$
0
0

Aqooneey Ba’
J. A. Yasin. Cambaashe
jama.yasin1010@gmail.com
Luulyo 15 2013

MAQAALAkhristayaal waxaan qoraalkaygan usoo qaatay kaddib markii aan dhegaystey barnaamij galabta kabaxay Idaacadda VOD-da kuna saabsanaa Puntland iyo siyaasaddeeda maanta halka ay marayso. Barnaamijka waxaa kaqayb galay niman aqoonyahanno iyo siyaasiyiin ah sida ay sheegteen welibana aan filayo in ay kasoo jeedaan Puntland midna aan hubo gaar ahaan 2da nin ee kala jooga USA iyo Egypt ee aan qormadadan kaga hadli doono. Kuwaas oo kala ahaa:

1- C/raxmaan Sh Maxamed (Qablax) Jooga Qaahira
2- C/qafaar Cabdi Wardheere Jooga USA Virginia iyo
3- Burhaan Aadan Aw Abdi Jooga Garoowe Puntland

Haddii aan mid mid usoo qaato kuna hormaro, C/qafaar Cabdi Wardheere oo jooga Gobolka Virginia ee waddanka United States of America, waxa uu soo qaatay kuna dooday in ay jiraan wax qoran iyo shuruuc caalami ah oo larabo in laraaco oo lagu dhaqmo taasina aanay maanta Puntland iyo meeshaba oolin sida uu hadalka u dhigay.

C/qafaar Shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah ee uu tusaalaha usoo qaatay in loo baahan yahay in Puntland lagaga dhaqmo sida tirakoob, kaarar aqoonsi, dhaqaale, waraaqaha codaynta, iwm. Waa yaabe C/qafaar xaggee joogaa, xaggeese ka hadlayaa, miyaanu soomaali ahayn, ma meesha uu joogo ee America iyo Puntland ayuu isbar-bar dhig u samaynayaa, ma meesha uu hadda joogo ee USA ayuu ku dhashay oo Soomaaliya iyo Puntland baanu aqoonba u lahayn, u malayn maayo, miyuu riyoonayaa, mise aqoonta uu leeyahay ee uu sheeganayo ayaa noocaas ah, mise waa ka garaad xumo oo meesha ayay lamartay.

Yaab! Aqooneey ba’ haddii aad noocaas tahay balse waa nin iyo aragtidiis, caqligiis ama garaadkiis.

C/raxmaan Qablax waxa uu sheegay oo uu ka hadlay in loo baahan yahay in Odayaasha dhaqanka latirakoobo loona dabafariisto talada dalka iyaga, yaab!

Waa yaabe dawladdu ma odayada dhaqanka ayay tirakoobtaa, miyay magacawdaa, mise dawladda ayay xubno ka yihiin sida madaxweyne, kuxigeen, wasiirro, baarlamaan iyo waxii lamid ah, waar dadkan sidee wax ka yihiin, mise annaga ayaa waalan oo cadan baalaga heesayaa, yaab! adduunyada nin joogow maxaa aragti kuulaaban, adduunyadan haddaad siijoogtid wax walba waad arkaysaa, reer xamarku waxay oran jireen indhihii dhiman waayaa geel dhalayana waa ku tusaan, waan yaabanahay ee mayla yaabteen oo mayla aragteen ama maqasheen waxa meesha yaal ee nimankii sheeganayey in ay yihiin aqoon yahanno iyo xeeldheerayaal welibana xil iyo mansab siyaasadeed ka doonayay in ay xukumaan Puntland oo madax ka noqdaan weliba xilka ugu sarreeya ee Madaxweynenimo ayay u hanqaltaagayaan in ay qabtaan kuna fadhiistaan kursigaas oo ay hoggaamiyaan Puntland iyo dadkeeda waxa ay ku hadleen, yaabnaye mayaabteen, masidan baa aqoon lagu sheeganayaa oo dad iyo dal larabaa in lagu hoggaamiyo, labada nin waxa ay kala joogaan America iyo Egypt ee ogow, reerahoodii, caarruurtoodii iyo xaasaskoodiina kolley meelahaas iyo dibadaha ayay jiraan sidaan filayo dadka reer puntland-na colaad, dagaal, baaba’ iyo halaag bay ugu baaqayaan una saadiyeen oo ay idaacadda ka iclaamiyeen hadda bal ogow iyana (dadka reer puntland) waa ku maqlayaan waxa aad sheegaysaan iyo belaayada aad lamaaggan tihiin, waase haddii ay idinka yeelaan, ninkii waxa uu yiri waad inoo wada sheegtay.

Waxa labada nin ka hadlayaan maaha wax Puntland iyo Soomaaliya maanta yaal horena looma soo arag inta ay soomaaliya jirtey, 100 sano oo soosocotana laga filimaayo.

Waxa ay is bar-bar dhigeen waddammo hore u maray oo dhammaan dadka kunooli ay tirokooban yihiin oo kaarar, aqoonsiyo iyo waraaqo dhalasho leeyihiin iyo Puntland, cajaa’ib weligeed Soomaaliya ma yeelan waxa ay ka hadlayaan mana yeelan doonto boqollaal sano oo soo socda.

Waxa ka mid ahaa waxyaalaha uu C/Qafaar tusaalaha usoo qaatay waxa looyaqaan Ballot Papers oo laga isticmaalo waddamada reer galbeedka sida kan hadda uu joogo iyo kan aan anigu hadda joogo kuwaas oo ah waraaqaha lagu codeeyo xilliga doorashadu dhacayso oo uu sheegay in aanay Puntland ka jirin lagana helikarin, waxa aan maqli jirey waa sheegayaa oo haddana shareerayaa, arkijirey doon iwm.

Dadku mayagaa yaqaanba waxa uu ka hadlayo, isaguse ma American buu ismoodey miyaanu soomaali ahayn mase ku ogaa Soomaaliya waxa uu hadda ka hadlayo markii uu joogey mise waxa uu wadaa waa sheekadii ridu madhiiqayso, muxuuse wax adag uga dhigayaa waraaqaha isba maalin ayuu arkay oo fahmay kuna codeeye, ma’isagaa hore u yaqaanney, muxuuse wax micno wayn leh ama adag uga dhigayaa, mise erayga ingiriiska ah ee uu ku isticmaalay ayuu wax wayn u arkaa, maxaa dadka loo qaldayaa oo waxaan jirin loogu sheegayaa! Illeen kolley Puntland waraaqo lagu codeeyo waa yaalliine. Aqooney ba’.

Waxaan dhihi lahaa C/qafaar iyo Qablax haddii aad wax taqaannaan oo waxa aad sheeganaysaan dhab idinka yihiin kaalaya dalka oo dadka waxa aad sheeganaysaan kubiiriya haddii ay run yihiin ama aad wanaag doonaysaan ku kordhiya haddii kale kadaaya dadka iyo dalka dhibka iyo belaayada aad u saadinaysaan mana jiraan waxa aad sheegaysaan waase shar iyo dhib aad ka shaqaynaysaan idinka iyo idaacadda VOA-da.

Waxaan ka warhaynaa in dalku meel wanaagsan marayo dhibna aanay ka jirin balse ay kashaqaynayaan shaqsiyaad dano gaar ah leh, kuwaas oo isugu jira kuwo dhaqaale kusoo qaatay iyo kuwo xil sidaas ku doonaya iyo idaacado cadawga Puntland ah oo ka shaqaynaya bur-burinta puntland, mase dhacayso waxa ayka shaqaynayaan oo dadka reer puntland waa dad ka koray waxa aad ka hadlaysaan, waa dad kala yaqaan cadawgooda iyo nasteexooda, waa dad kala yaqaan waxa dantu ugu jirto iyo waxa aanay ugu jirin, waa dad ka dheregsan maanta waxa soomaaliya yaal iyo idaacadaha bur-burkooda kashaqaynaya ilaahay bayse kamagan galeen sharkooda dhegna u dhigimaayaan insha’allaah, annaguna waxaan leenahay kuwa kashaqaynaya bur-burka iyo baaba’ puntland ilaahay iyaga haku celiyo oo guryahooda iyo kuwa ay ka jecelyihiin puntland hala heleen, allow Puntland belaayada ka hay.

Qablax waxa uu sheegay in Puntland ay reero tahay, waa sax balse aan ku waydiiyee, haddii sida aad sheegtay aan kuu raaco Puntland waxa soo maray 3 madaxwyne, waxay kala ahaayeen, Mudane/marxuum. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Cadde Muuse iyo Cabdiraxmaan faroole, waxa soo maray oo ugu horreeyey xilka Puntland reerka aad kasoo jeedid, waxa ku xigay cadde muuse oo isna reer kasoo jeeda ahaana madaxweynihii ugu danbeeyey ee c/raxmaan faroole xilka uu hadda hayo kala wareegay dadkana idinka ayaa maanta ugu qaylo dheer, bal eeg cadde muuse iyo Gen. Samamatar oo isku dhinac ah iyo Qablax iyo Gaagaab oo iyana isku dhinac ah, kuwaas oo ka soo jeeda reerihii soomaray xununka madaxnimo ee dalka Puntland, maantana iyagii ayaa u taagan xilka Puntland in ay qabtaan markale, oo meeye reerihii kale miyaan cid kale jirin, cid kale oo qaylinaysa, ama hanjabaysa majirto, ma waxaad rabtaan in maantana xilka Puntland aad qabataan oo aad weliba reer ahaan ku qabataan iyo nidaamkii hore ee qabaliga ahaa, yaase idinka yeelaya taas, illeen reero ayaynu nahay sida aad idinba sheegteene, miyaydnaan xishoonayn, miyaydnaan ismaqlayn, miyaydnaan is arkayn, meeye reerihii kale, maxaa dadka idiinku soo hormariyey oo idinka qaylisiinaya, meeye kuwii kale, waar isla yaaba oo dib u fadhiista oo dadka iyo dalka ka xishooda, mise waxa aad waddaan waa dhadhanshaa waalan dhergaana kadaran.

Hadda ogoobeey anigu ma’ahi reeraha aan kasoo sheekeeyey, weliba aan idiin saafee waxaan kasoo jeedaa gobollada SSC balse waxaan aad u aamin sanahay weligayna aaminsanaa, aaminsanaan doonaana jiritaanka iyo wadajirka shucuubta reer Puntland.

Mashaki baa kujira in dimuqraadiyaddu ayka fiican tahay nidaamka hadda jira ee qabaliga ah, jawaabtu waa iska caddahay waana maya. Nidaamka cusub ee hadda dawladdu waddo waa danta dalka iyo dadka. Waxaa ku jira sharafta, karaamada, cisiga, horuumarka, jiraanka dalka iyo dadka reer Puntland waana dhab taasi haddii aan lays yeelyeelayn. waxaan rabaa oo aan halkan idiinka caddaynayaa haddii markale puntland lagu doorto nidaamka hadda jira ee qabaliga ah oo aad markale kusoo noqotaan xukunka dalka idinkoo ah reerihii aan kor kusoo xusay soona maray talada iyo xukunka Puntland, haddii aan sikale u dhigo, haddii 3dii reer ee talada soomaray nin ka mid ahi markale xukunka dalka Puntland kusoo noqdo xilligan. Puntland maalintaas ayaa bur-bur kow u yahay jiritaankeeda iyo in lagu kala dhaqaaqaba, waana sida aad rabtaan hadda ee aad wax u waddaan, ilaahay kama dhigo oo sharkiinna haka nabadgeliyo hana ka hayo.

Waxaan hubaa oo aan marag iyo markhaati ka ahay in C/raxmaan Faroole yahay halyey Puntland iyo dadkeedaba badbaadiyey. Waxaan hubaa in Dr. C/raxmaan yahay siyaasi, mufakar, hal abuur, geesi hoggaamiye caqlibadan, fahansan xaqiiqda dhabta ah ee jirta midda gudaha iyo tan dibaddaba, markuu fahmey, ogaaday, arkay waxaas aan kor kusoo sheegay iyo waxyaalo kale oo badan oo uu inooga xogogaalsan yahay dhinacyo bandanna kaga imaanaya Puntland iyo dabinnada looqoolayo ayuu go’aansaday in uu Puntland ka raro nidaamka qabaliga ee hadda jira una raro nidaamka axsaabta badan.

Waxaan hubaa in C/raxmaan maanta Puntland bad baadiyey dad iyo dalba oo uu ku hagoogtey sharafteeda, sumcaddeeda, karaamadeeda, dadnimadeeda iyo jiritaankeeda.

Waxaana ugu ducaynayaa ilaahow aan dhaxantaa soodhicin oo cadawgaaga cagta hoostiisa geli. Waa halyey aan nin neceb, nin jecel, nin u dhow iyo nin u reerba aan dhabbo uga leexan, waa geesi aan nixin oo nacab iyo nin liita toonna agtiisa qori ka jebin, noolow madaale, ma’anaaba islahaa Puntland waa laga helayaa nin C/raxmaan oo kale ah C/hi Yuusuf dabadii, cadaw jebiye jir oo jog, horaa loo yiri nacas iyo nin ragi markay madax noqdaan yaa lakala nacaa.

Waxaase layaab leh waxa dawladihii reer galbeedku arkeen ee kuwii soomaalida ahaa arki waayeen, waxa dawladihii reer galbeedku garteen ee kuwii u dhashay dalka ee soomalida ahaa garan waayeen.

Ogoobeey dowladaha caddaanka, reer galbeedka ee dhaqaalaha ku bixinaya in Puntland ku tillaabsato nidaamka axsaabta badan kana guurto kan qabaliga ee hadda lagu dhaqmo waa ogyihiin waana ka warhayaan Soomaaliya iyo wax aka jira, waa ogyihiin in dadku hubaysan yahay, in aan dadku tirokoobnayn, in aan dadku kaarar aqoonsi lahayn, way ogyihiin in dadku yahay reer guuraa iyo qabaa’il, iyaga oo waxaas oo dhan arka oo og ayay haddana ku qanacsan yihiin kuna dhiirri geliyeen in laqabto doorashada loona guuro nidaamka axsaabta badan oo ah mid ka wanaagsa kana caddaalisan, balse waxay iyagu ku qanacsan sidaas in layeelo waana sababta ay dhaqaalaha ugu bixinayaan, kuwa dadka iyo dalka u dhashayna waxa ay garan waayeen ajaanibtii garatay mise dan baanay ka lahayn tolow, mise waxay dadka iyo dalka Puntland ka door bideen dan shakhsiyadeed iyo shilimaad lagu soo siiyey sidii puntland loo bur-burin lahaa waa yaab.

Cadde muuse waxaan oran lahaa isaga, waxaad tahay nin weyn oo cimri ah manta soona maray xilka madaxweynenimo ee puntland weliba ugu danbeeyey kana soojeeda reerkii iyo raaskii boqornimada magaca guud cisi iyo karaamana ku dhexleh magaca guud iyo bulshada dhammaanteed ee waxaad ka fogaataa wax alla waxii wax u dhimaya magacaaga, sharaftaada, karaamadaada shakhsiyadeed, tan reer ahaaneed iyo isim ahaaneedba, run ahaantiina dadku majeclaysan waxa dhegahooda beryahan kusoo dhac-dhacayey ee warbaahintu kaa tebinaysey waana wax aan lagaa filayn ee bal dib u fariiso oo inyar ka feker waxa ku qoran qormadaydan adoo mahadsan.

Isimada reer puntland waxaan leehayay aniga oo sharaf iyo xurmo u haya dawladdu iyada ayaa mas’uus ka ah hagidda siyaasadda waddanku meesha ay u socoto ee u daaya talada dalka, idinku matihiin madaxweyne, wasiirro, xildhibaanno iwm balse waxaad tihiin kuwii soo dhisay waxaas oo dhan aabbahana u ahaa waana laydiin hayaa oo laydiin ogyahay balse hoggaanka talada waddanka dawladda ayaa lagarabaa in loodabo fadhiisto oo ay fuliso ee yaan lagu qabsan, hana ku mil-mina siyaasadda haddii kale waxaad lamid noqonaysaan Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye iyo nimanka lamagac baxay odayaasha beelaha Hawiye oo waddankii iyo dawladdii ladhisaaba ka dhaqaaqi weydey oo lig-liga haysta waana ceeb haddii taas oo kale dhacdo ama puntland ka dhacdo, dhaqan iyo sooyaalna dadka reer puntland iyo isimadooduna uma laha dhaqan ahaan iyo dad ahaanba.

Waxaa idinka laydiinka fadhiyaa oo keliya in aad ajiibtaan ama ka jawaabtaan marka dawladdu idiin yeerto, idiin baahato, idin casuunto iyo in aad dadka waxii dhib iyo qas wada lahadashaan oo ka waanisaan una sheegtaan in hawsha lakala leeyahay waxaa larabona dariiq nabad iyo xalaal ah lagu raadsado balse aan lagu raadsan dagaal, fawdo, iyo dhib oo aan cidna dani ugu jirin.

Gaba-gabadii waxaan kusoo gunaanadayaa dhammaan, isimada, siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoon yahannada, dhallin yarada, haweenka, dawladda iyo bulshada reer puntland waxa aan u sheegayaa in waxa meesha yaal ay tahay mas’uuliyad wadareed (collective responsibility) ee yaan cidna lagu eegin qof walowba waajibka kaa saaran qaado oo maxay tahay waa inaadan yeelin, u dulqaadan, ku eegin, ugu hiilin waxii wax u dhimaya waxaas aad wada leedihiin oo ah dad iyo dal oo aad ogaataan waxa maanta mindida daabkeeda hayaa ay tahay dawladda ee aan lala qabsan mindida daabkeeda waana khalad haddii taasu dhacdo waxaana imaanaysa maah-maahdii oranaysey doon labo naakhuude lihi waa degtaa, teeda kale qofka maanta fawdo iyo dagaal wax ku raadiya side buu hadhow rabaa in loogu hoggaansamo oo lagula shaqeeyo waxna ku maamulo, madhacayso taasi lagaana yeelimaayo waxii shalay aad diidday adiguba ee ogow, waa dhab haddii aad maanta dawladda hadda jirta aad u diiddo in ay hawsheeda si nabad ah u maamusho oo aad diidid in aad si nabadgelyo ah ulashaqaysid waxna ku raadsatid doorashadana kaga qayb gashid adna hadhow waxii aad diiday lagaa yeelimaayo ee ogow cid sidaas ku faa’iidaysaana majirto dadka iyo dalkuna waa ku baaba’ayaaye ogsoonow.

Qore: J A Yasin. Cambaashe

England, Uk

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Qar Kasoo Noqoshada Puntland. W/Q Farah Jama

$
0
0

Qar Kasoo Noqoshada Puntland
Farah Jama
farahmentor@gmail.com
Luulyo 15 2013

MAQAALGobolada Puntland ee Soomaaliya waxay la daalaadhacayeen xasilooni-daro siyaasadeed muddo sannado ah, ka dib markii la isku qabsaday in la bilaabo doorashada asxaabta xisbiyada badan iyo in mar kale la sii isticmaalo nidaamkii qabaa’ilku soo dooranayeen wakiilada baarlamaanka si ay aakhirka u doortaan madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa. Waxaa ka jiray hardan siyaasadeed oo ka socday degaankaas dhawrkii sanno ee la soo dhaafay. Mararka qaar rabshado dad ku rafwaayeen ayaa ka dhacay magaalooyin ka tirsan Puntland.

Mucaaradka aan isku dubaridnayn ee madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole waxay ku askaysanayeen in issimada Puntland shir isagu yimaadaan si loo dejiyo khariidad siyaasadeed oo lagu dooranayo madax cusub marka maamulka Madaxwayne Faroole waqtigiisu dhamaado.

Waxay mucaaradku ku adkaysteen in xilligii Faroole uu ku ekaa Janaayo 2013, laakiin nidaamka Faroole wuxuu ku adkaystay in ansixintii dastuurka Puntland uu siiyay hal sanno oo ay ku diyaarinayaan doorasho xor ah oo xisbiyo badan ku tartamayaan golloyaasha dowladaha hoose iyo tan madaxwaynahaba.

Maamulka Faroole waxuu ku guulaystay inuu jiiro mucaaradkiisa si nabad ah ka dib markii Janaayo 2013 dalkii aysan ka dhicin wax lagu tilmaami karo hubaal la’aan siyaasadeed. Sidoo kale, waxay dardargalin ku sameeyeen qorshahoodii siyaasadeed oo ahaa inay sameeyaan doorashooyin deegaan 15ka July 2013.

Dad badan oo waxgarad ah waxay dareemeen kooxda Faroole oo mucaarad kulul kaga imaanayay siyaasiyiin degaanka ah inuu u dan leeyahay inuu rabo inuu sameeyo doorasho magac u yaal oo la rabo in isaga iyo taageerayaashiisu ku shubtaan. Waxaa jiray xisbiyo badan oo markii hore is-diiwaangaliyay, laakiin markii danbe ku dhawaaqay inaysan ka qaybgalayn doorashada cabsi ku shubasho awgeed. Waxaa kale oo jirtay eedaymo ka imaanayay xisbiyada is-diiwaangaliyay oo ahaa in dowladu diiday in guddiga doorashada ay xubno ku yeeshaan.

Cabdi Salaad oo horay u ahaa sarkaal sare oo ciidamada ka tirsanaa wuxuu aaminsan yahay “In ceebta ugu wayni ay timid markii Madaxwayne Faroole samaystay xisbigiisa Horseed oo soo jeediyay in dhamaan ciidamada daraawiishta, booliiska, baarlamaanka, shaqaalaha dowlada iyo madaxwayne ku xigeenkuba ay yihiin xubno ka tirsan xisbigiisa Horseed”.

Cabdi salaad wuxuu sheegay inuu soo xasuustay beryihii Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed oo xeerkiisu ahaa in qofkasta si khasab ah uga tirsan yahay xisbiga kacaanka.

Si kastaba giraantu ha u wareegtee, waxay soo gaartay 14/07/13 oo ah maalin ka hor maalintii loo balamay in doorashada dowladaha hoose ee Puntlanad ay dhacdo. Dowladu waxay kicisay ollole ciidamada la adeegsanayo oo santuukhda cod-bixinta si xoog ah meel kasta oo Puntland maamusho lagu gaynayo.

Mucaaradka Puntland waxay si aan wanaagsanayn u isticmaaleen inay ka hortagaan in doorasho nabad ahi dhacdo. Mucaaradku waxay isticmaaleen maleeshiyo hubaysan oo u diyaargaroobay inay la dagaalamaan ciidamadii dowlada. Dhamaan magaalooyinka waawayn ee Puntland waxaa ka jiray welwel iyo cabsi ku saabsan xiisadaha ka imaan kara iska-hor-imaad hubaysan oo ku taxaluqa doorashada.

14kii July magaalooyinka Gaalkacyo iyo Qardho waxaa ka jiray kacsanaan iyo xiisado sii kordhayay. Inkastoo magaalada Gaalkacyo uusan ka dhicin dagaal, haddana magaalada Qardho waxaa ka dhacay isku dhac rasaas la isku adeegsaday. Dad badan ayaa ku dhintay oo uu ku jiro sarkaal sare oo tarsinaa ciidamada Puntland. Sidoo kale waxaa Qardho lagu gubay agabkii doorashada lagu fulin lahaa oo u socday Qardho iyo agagaarkeeda.

Saacado yar ka dib Faroole oo dareemay hadda khatarta ku soo fool leh Puntland iyo mashruuciisii doorashada ayaa ku dhawaaqay in si ku-meel-gaar ah loo joojiyay doorashooyinka degaanka ee Puntland.

Warar diblomaasiyadeed oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay tibaaxeen in ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nick Kay, oo maalin ka hor rabshadaha Qardho, tagey Garoowe uu caddaadis ku saaray Faroole inuu dib u dhigo doorashooyinka. Warar kale waxay sheegayaan in la- taliyeyaasha Faroole oo war macaan uga sheegi jiray mashruuca doorashada uu odaygu indhihiisa ku arkay Puntland oo qarka ku sii durkaysa. Dadku waxay isku raaceen in go’aanka Faroole uu ku joojiyay doorashada uu ahaa mid loo baahnaa oo xikmadaysan.

Haddaba xalku muxuu noqonayaa mar haddii madaxwayne Faroole mashruuciisii doorashada mucaaradku fashiliyeen?.

Nidaamka Faroole ma ogolaanayaa haddii mucaaradku ku sii adkaystaan in issimadda Puntland shir ku yeeshaan Qardho si loo dejiyo khariidadii doorashada madaxwaynaha 5aad ee Puntland iyadoo la isticmaalayo magacaabida qabaa’ilka ee wakiilada?.

Issimadda Puntland, oo lagu eedaynayay waayahaan inay lumiyeen kaalintoodii, ma aqbali doonaan iyagoo midaysan qaylada ka soo yeeraysa mucaaradka?.

Mucaaradka Faroole ma yeelanayaan midnimo ay iska soo hormarin karaan wajiyo shacabka Puntland u soo istaagi karaan?

Dhamaan su’aalahaani waxay mudan yihiin in la lafo-guro maalmaha iyo asbuucyada soo socda oo xasaasi u ah horumarka iyo bisaylka siyaasadeed oo Puntland.

Farah Jama
farahmentor@gmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Habka ugu habboon ee doorashada lamaanahaaga. QaybtII 6aad. W/Q Sh. Axmed Dheeli

$
0
0

Qaybta 6aad

Habka ugu habboon ee doorashada lamaanahaaga
Sh. Axmed Dheeli
awdheeli2000@yahoo.com
Luulyo 15 2013

Gaadasho mise guri ka guursi

MAQAALWaxaan halkaan ula jeedaa ma waxaa haboon in aad guursato gabar aad qaraabo tihiin ama isku beel hoose tihiin mise gabar xoogaa kaa fog oo kasoo jeeda beelaha kale?

Soomaalidu barigii hore ma guursan jirin qaraabada hadase waxaa badan in qofku gudaha beeshiisa iyo qaraabada wax ka doonto.

Gabadha wanaagsan oo leh sifaha aan soo tilmaanay labadaba way noqon kartaa. laakiin dood dheer baa ka taagan labadaas qaybood ka sii wanaagsan.

Doodi waxay leedahay :-

· Inaad ka guursato dadka kaa fog waxay kuu abuuraysaa xidid iyo qaraabo cusub waxayna kuu furaysaa albaab awal kaa xirnaa laakiin hadaad xaafadaada ka kaluumaysato waxba maadan soo kororsan.

· Xididnimo iyo xushmo dheeraada ayaa idin dhex maraysa qolada cusub laakiin qaraabada waxaasi ma jiraan oo seedigaa wuxuu kuu arkaa ina adeerkiis.

· Ilmahaagu waxay yeelanayaan abtiyaal aan ahayn adeeradood.

· Gabadhu waa safiir isku xira labo beelood qayb wayn bayna ka qaadan kartaa isku xirnaanta bulshada.

· Dhiigaga kala fog waxay ka hortagaan cuduro badan oo looga baqo dadka ay iska dhalaan qaraabadu.

· Waxaan anigu ku kabayaa qoladaan qiso uu nooga sheekeeyey nin oday ah oo ahayd (( anoo dhalin yaro ah ayaa waxaa la dilay nin walaalkay ah labadii reer waxay ku heshiiyeey mag iyo gabar godob tir ah oo la dhalatay ninkii wax dilay oo lagu daray nin walaalkay ah laakiin aniga waxaa ii qarsoonaa inaan dilo ninkii walaalkay dilay ama walaaladiis mid kamida goor hawshaasi ii dhawdhawdahay oon rabo inaan falkii fuliyo ayaa la iisoo sheegay gabadhii wiil bay dhashay kolkaasaan aad ugu farxay kadibna waxaan is iri oo ma wiilka aad adeerka u tahay abtigiis ayaad dilaysaa go,aankaygiina halkaasaan uga tanaasulay)).

Dooda kale waxay leedahay:-

· Kolay hadaad guursanayso maad u qaraabo kiishid mida kula dhalatay oo dayacan maxaa kaa galay gabdhaha islaameed tanaa ceebteedu kuu taalaaye.

· Qaraabadu way jecel yihiin reerkaan maxaa yeelay oo waxay yiraahdaan ((waa walaalkay iyo walaashay midna ka qaloon mayo)).

· Hadii wax si kaa noqdaan gabadhaani waa ku garab istaagaysaa oo waa walaashaa oo kaa cad goosan mayso.

· Markaad doonaysid kaagama baahna baarbaaris badan oo xogteeda ayadoo faahfaahsan baad haysaa.

· Ana waxaan ugu kabayaa qoladaan nabi Max,ed NNKH ha ahaatee gabadhiisii faadumo RC oo uu aad u jeclaa wuxuu siiyey ina adeerkiis Cali Bini Abii Daalib RC.

Marka laga sootago labadaas doodood waxaan ku baraarujin lahaa ninkii ay noqoto inuu guursado gabar adeerkiis dhalay ama abtigiis ama inta la siman waa inuu aad u taxadaraa una sabraa maxaa yeelay waxay keeni kartaa markii labadaas qof kala tagaan ama is xumaansadaan in qaraabadii ay saamayso ama ay kala fogaadaan dadka xigtada ah waana khatar!!!!!!.

Beena waa lagu xero galiyaa Runa waa lagu dhaqaa

Waa maahmaah aad u khaldan qayb wayna ka qaadatay marin habaabinta dhalinta soomaaliyeed. Ayadoo sideedaba beentu xaaraan tahay ayaa hadana arintani waxay abuurtaa mushkilad la kowsata asaaska qoyska curdinka ah waxayna abuurtaa kalsooni daro balaaran.

Ogaada marka ugu horaysa oo reerka la dhiso qof walba gaarkiisuu uu welwelsan yahay, asagoo ka baqaya inuu qofka kale ku xumaado ugu yaraan lix bilood bay qaadataa in la dhiso kalsooni dhab ah. Hadaba xaalku see noqonayaa markii gabadhii ay u cadaato in saygeedii khiyaamay oo been u sheegay waxaan dhihi karaa waa burbur qofkuna maahan inuu mushkilada asagu gacantiisa ku samaysto.

Dhalinta inta badan waxaa arintaan ku xanbaara ayagoo is leh kusoo jiido gabadha, halka qaar kalena ay ka baqayaan inay diido. Laakiin ogow hadii gabadhaan aad heshiin waydaan in gabdhuhu badan yihiin lagana yaabo inaad hesho mid kaaga fiican oo sidaada kugu rabta. Anigu waxaaban ku talin lahaa inaad wax la harto oo aadan wada sheegin waxa aad haysato ha ahaadeen dhaqaalo ama fursado kale oo hadhow markay marwadaadu ogaato ay hesho kalsooni dheeraad ah. Nabiguna NNKH wuxuu yiri ((shardi waxaa ugu mudan in la fuliyo midkii aad ku banaysateen (ku guursateen) gabar muslima )).

Istikhaaradu waa muhiim

Waa salaad iyo duco ay mudan tahay inaan laga tagin xiliga aad go’aanka guurka qaadanayso ducadaas oo Allaah looga baryayo inuu ku waafajiyo sida sawaabka(toosan) ah.

Waa calaamad lagu yaqaan qofka mu,minka ah oo allaah ku xiran waxaan warkeeda hayaa in wiil dhalin yaro ah ay gabar guur ku heshiiyeen , gabadhaas wuxuu ku doortay diin iyo toosnaan ay waliba daaciyad ku tahay oo diinta faafisa ma uusan ka dalban inuu wajigeeda arko. Wiilkii markuu reerkoodii u sheegay inuu guursanayo ayaa hareeraha waxaa ka galay gabdho walaalihiis ah iyo hooyadii ayagoo u sheegaya inaysan u cuntamin gabadhaasi ceebo badana ka sheegay. Inkastoo uu murugooday hadana waa is adkeeyey oo wuxuu ugu jawaabay anigu gabadha diin baan ku doortay ee mahaysaan ceeb xaga diinteeda ah? maya ayey ku jawaabeen.

Asagoo aad u walbahaarsan ayuu isku dayey inuu seexdo habeenkaas, laakiin hurdo way kasoo dhici wayday oo hadba waxaa hor imaanayey hadaladii hooyadii iyo walaalihiis dhinaca kalena gabadhii uu ku yiri diinta aad ku caanbaxday darteed baan kugu guursanayaa inuu waxyaalo kale uga tago way ku adkaatay , saq dhehe ayuu go,aansaday inuu allaah baryo oo istikhaaraysto ducadii iyo salaadii kadib markiiba wuu gam,ay wuxuu arkay riyo qurux badan wuxuuna kusoo toosay xasiloonaan ka duwan welwelkii oo xalay ka seexan waayey sidaasuuna gabadhii ku guursaday, reerkiina waa baraaray allaahna waa isku liibaanay 20sano ku dhow ayuuna dhisan yahay hadda.

La soco qaybaha danbe

==============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Isbeddel ummadeed. W/Q Kawsar Abdirizak Abdi

$
0
0

Isbeddel ummadeed
Kawsar Abdirizak Abdi
kawsarcc@gmail.com
Luulyo 16 2013

MAQAALMarka ummad isbeddel ku dhacayo wuxuu marka hore ka bilowdaa in qofafkeedu isbeddelaan. Inuu qofku isbeddelana waxay ka bilaabataa in sida maskaxdiisu u fakarayso isbeddel ku yimaado iyo sida caqligiisu wax u arko oo uu niyadda iyo qalbigana ku haysto. Markii ay kuwaasu isbeddelaan ayaa dabadeed dhaqankiisa iyo noloshiisuna isbeddelaan oo uu ka guuraa xaaladdii hore ee uu ku sugnaa una wareegaa xaaladda cusub oo isbeddelka ah. Isbeddelka xaqiiqada ahi ma aha isbeddel-duleed ama wax la xiriira farsamo iyo taatiko iyo xeelad daahirka kore ah. Isbeddelka runta ahi waa midka qofka gudihiisa iyo baaddinkiisa ka dhaca dabadeedna ku faafa oo baddela ficilkiisa, qawlkiisa iyo dhaqankiisaba. Ummadna waxay beddalantaa markii ay qofafkeedu sidaas u beddelmaan. Waxay isbeddeshaa markii ay qaadato mabda` iyo caqiido iyada beddela oo ay nolosheeda si cusub u waafajiso.

Dalalka gaalada oo maanta itaalka rooni waxay mar hore go`aansadeen inay qaataan caqiido ku salaysan inay noloshooda Ilaah iyo diin iyo aakhiro ka dhexsaaraan kaddibna iyagoo aan awood ka korraysaa jirin iyo xisaab ka danbaysa toonna inay markaas noloshooda adduunka u taashadaan. Waxay yiraahdeen ma jirto awood shacabka ka korraysa oo wax farta ama wax reebta. Wixii aan garanno weeye arrintu. Wixii aynu xaaraamaynno ayaa xaaraan inaka ah, wixii aan xalaalaynno ayaa xalaal inoo ah, wixii aynu rabno ayaynu samaynnaynnaa wixii aynaan rabinna waa diidaynnaa. Wadaadka iyo boobkuna warkooda kaniisadda ha la galeen qofkii iyaga warkooda rabaana halkaas ha ugu tago, laakiin nolosha iyo hannaankeeda ma soo dhexgelin karaan waxa ay kaniisadda ku hayaan. Waana halka ay ka timid erayga ay calmaaniyiintu had iyo jeer isticmaalaan oo ah diin haddaad haysid masaajidka la tag.

Caqiidadaas ayay dalalkaasu samaysteen dabadeedna si iyada waafaqsan ayay ku dhaqmeen oo dhaqan iyo hidde ka dhigteen, sidaas ayayna shuruucdooda iyo qawaaniintooda, xeerarkooda iyo dastuuurradoodaba ay ku saleeyeen, mana aha wax ay isku khilaafsan yihiin oo qof hadal ka keenayaa uu jiro ee waa iimaankooda iyo dhaqankooda ay rumaysan yihiin. Aan isu nimaadno oo tashanno wax walbana waa sidii aan ka garanno denbi iyo ajar iyo aakhiro iyo cadaab iyo jananna lagama hadli karo iyo xisaab iyo qiyaame toonna.

Taasu waa caqiidada iyo mabda`a ay dalalkaasu maanta isku maamulaan oo isku dhaqaan oo xorriyadda iyo tala-wadaagga lagu tilmaamo demoqraadiyaddana la yiraahdo. Haddii marka ay ummadi isku raacdo wax ay mabda` ka dhigato oo ay isku waaafaqsan tahay, nolosheeda iyo qawaaniinteedana waafajiso iyo xeerarkeeda, iyadaa ikhyaar leh ummaddaasu oo wixii ay nafteeda ka yeelayso xor u ah, wixii ay la kulmayso iyo wixii ay mudanaysana nasiibkeed.

Markii aan u nimaadno caqiidada islaamka iyo diinteenna xaniifka ahna waxay arrintu tahay Ilaahay ayaa koonka abuurtay iyo aadimiga iyo wax walbaba aakhiro iyo adduunna leh, isagaana Taliyaha sare ah oo amarka iyo nahyigu ka soo fulaan, makhluuqaadkuna waa addoomo la leeyahay oo dawladnimada Ilaahay hoosjooga waajibna ay ku tahay inay dawladnimadiisa u hoggaansamaan, qawaaniintiisa, xeerarkiisa iyo shuruucdiisana fuliyaan. Arrintuna waa Alle wax abuuray oo wax irsaaqa oo wax leh iyo addoonkiisii uu abuurtay oo isaga aqbalsan oo okobboon. Waa Ilaah xog ogaal ah iyo addoon xogtaas qaadanaya oo ku dhaqmaya, taasuna waa caqiidada islaatinnimada oo Ilaahay addoomadiisa u soo rogey.

Waa mabda` ay ku weyn yihiin Ilaahay iyo diinta iyo aakhiro iyo janno iyo naar iyo denbi iyo ajar iyo xisaab iyo qiyaame. Waana caqiido aan adduunka iyo nolosha adduunka iyo waxa muuqda keliya ku koobnayn oo ku indha la`ayn ee aakhiro iyo adduunkaba ay xisaabteeda ku jiraan oo labadaba ka hadlaysa oo tixgelinaysa.

Markii aan u nimaadno ummadda islaamka ama waxa maanta caalamka islaamka loo yaqaan, waxaa la oran karaa xaqiiqo ahaan waxaa haysta masiibo caam ah oo kulligood dusha ka saran markii laga reebo wax fara ku tiris ah. Caalamka islaamku waxay yeesheen madax gaalo ku xiran oo gaaladu tababartay oo dhaqankooda iyo maskaxdooda beddeshay oo aan daacad u ahayn diintooda iyo dalalkooda midna.

Ummadaha islaamka ee maanta jira laguma dhaqo mabda` muslim iyo mid gaalo midna sidaas ayayna adduunkiina ku seegeen aakhirana waxay mudan doonaan aan la ogayn. Waxaa loo xukumaa si aan la aqoon, waxaana lagu xukumaa wax aan la qoon wax ay yihiin oo aan xeer gaalo iyo mid muslin midna ahayn, sidaas darteed ayayna waxay noqdeen wax indhihii laga riday oo kale oo aan waxba u jeedin. Waxaa taas ka sii daran oo ka sii xanuun badan madaxda iyo boqorrada gaalada ku xiran oo muslimiinta xukumaa waxay samaysteen wadaaddo diinta Ilaahay ka beensheega oo hadba sidii madaxdu rabto diinta u dhiga oo u sawira.

Waa masiibo labanlaaban taasuna, maxaayeelay waxay kuwaasu mugdi geliyeen iftiinkii diinta, xalkii nolosha iyo xaqii Ilaahay, waxayna khaldeen iyaga iyo madaxooduba caqliyaddii dadka muslimiinta ah iyo sidii ay u fakari lahaayeen. Waxaa la aqoonwaayey si la yeelo iyo wax la sameeyo. Waxaa dadkii ku dhacday jirro aan la aqoon wax ay tahay oo maskaxda iyo qalbigaba ka haysa oo ka dabooshay oo ay dulmigaas iyo mugdigaasu keeneen. Haddii qofka wadnihiisa la qabto intiisa kale ma nuuxsan karto, wadaaddadaas iyo madaxdaasuna muslimiinta wadnihii ayay qabteen waxaana lagu dhacay god madow oo dibudhac noloshii adduunka lagu mutay iyo dulli aakhiro oo halis loo yahayba.

Dabadeedna waxaa la noqday harjad aan madax iyo majo lahayn oo fargasho iyo xayraan ah, iyo neef la gawracay geedo kama waabto. Markaas ayay kuwo qoryo qaateen oo yiraahdeen muslinkaan difaacaynnaa iyo diinta islaamka dabadeedna muslin iyo gaalo iyo naftoodiiba huf ka dhigeen oo la mid noqdeen oog kacday oo aan waxba reebayn, iyagoo waddo u cad oo ay hayaan aan la arag oo mar hore la khalday oo la wareershay.

Kuwana wadaadka diinta baddeley iyo diintiiba waa ka fiigeen oo waa isla tuureen markii ay ka yaabeen mugdiga uu wax kuwado isaga iyo madaxdiisuba, waxayna istaageen mawqif ay leeyihiin mushkiladda ina haysaaba waa diinta iyo islaannimada aan rumaysannahay ee waa in diintaan iyo aakhiradeedaba meel la iska dhigaa oo noloshaan aynu innagu u tashannaa, inkastoo ay qarsanayaan oo aysan sidaas ula bareeri karin badankoodu. Kuwaanu waxay isugu jiraan kuwo xanuunka ummadda islaamka haysta u adkaysan waayey oo harjad ah oo sidaas xal mooday iyo kuwo iyagu gaalada u adeegaya oo ay gaaladu beddeshay, wadaadka wax bi`iyeyna marmarsiinyo ka dhiganaya.

Shaki kuma jiro in isbeddel ummadeed ay soomaaliya u baahan tahay iyo caalamka islaamka oo dhammi, laakiin su`aashu waxa ay tahay isbeddelka aynu ku baaqaynno mabda`ee ku salaynnaa oo maxaa caqiido inoo ah oo aan nnidaamka nolosheenna waaafajinnaa. Mise harjad baynu ku jirnaa oo wax inooma cadda ee naf la caari bay inaga tahay arrintu iyo madax dhul la dhac. Dabcan kulligeen ijtihaad baynu ku jirnaa iyo sidee xal loo helaa laakiin waxaa meesha ku jirta inaan lagu khatalmin oo lagu hodmin erayada dusha ka wanaagsan oo bidhaamaya oo mabaadi`da gaalada la inooka soo xanbaarayo.

Waa in aynu ku fakarnaa xalku inuu ka yimaado diinteenna, dhaqankeenna, dadnimadeenna iyo shakhsiyadda ummaddeenna. Waa run in diintii ay wadaaddo isku gudbeen oo ka dhigeen sidii wax iyagu ay leeyihiin oo u afduuban isla markaasna ay firqooyin sii kala noqdeen aan wax isu keeni kara la arag bal xal ay keenaan ha joogee. Sidoo kale waa run in dhaqankii soomaaliyeed oo wanaagsanaa burbur ku dhacay oo aad loo dhaawacay wax badanna laga ba`shay.

Waxaa iyaduna run ah soomaaliya inaysan maanta haysan madax iyo hoggaamiyayaal ay u baxsan karto oo dalka iyo dadka badbaadinaya. Laakiin intaas oo ina wada haysta qabyaaladda iyo qabiilkuna ay inoo sii dheer yihiin ma inoo bannaanaanaysaa oo wax aan dooran karno ma tahay inaan Ilaahay iyo aakhiro iyo diintaba iska tuurno mabda`a gaaladana qaadanno oo xal ka raadinno. Sidaas ma dooran karnaa? Dabcan waa maya. Waxaa haddaba ina sugaysa inaynnu Ilaahay kaashanno diintiina waa inoo taal oo kitaabkii waa dhawrsoon yahay ee aan caqiidadiisa cuskanno, maskaxdana tuujinno, dadnimadeenna, hiddeheenna iyo ummadnimadeennana ku tashanno, dhibaatada sidii aan uga bixi lahaynna ha inaka go`naato, Ilaahay baana mahad leh, dalkayga iyo dadkaygana Ilaahay ha badbaadsho iyo ummadda islaamkaba

Kawsar Abdirizak Abdi

Addis-Ababa, Ethiopia

kawsarcc@gmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Puntland waynu wada samaysanay, wanuna wada badbaadin karnaa. W/Q Ismail Adam Dirie

$
0
0

Puntland waynu wada samaysanay, wanuna wada badbaadin karnaa.
Ismail Adam Dirie
Gudoomiyaha Ururka Iftiimin
ismailadamdirie@gmail.com
Luulyo 16 2013

Ismail Adam Dirie

Ismail Adam Dirie

Ugu horayn waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan Soomalida gaar-ahaanna ehaladii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday ama wax ku gaareen, dhibaatooyinka Puntland ka soo cusboonaaday gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, iyo tii ugu danbaysay ee ka dhacday magaalada Qardho, 14-07-2013.

Puntland waxay nasiib u yeelatay inay ka badbaado inta badan wax yeelooyinkii hareeyey Soomaaliya oo dhan laga bilaabo dabayaaqadii 1990, kuwaas oo ilaa iyo hadda aan laga bogsoon qaadateyna muddo 24 sannadood ah.

Puntland inay ka bad-baaddo burburka ka jiray dalka intiisa kale waxaa subab u ahaa, dhaqanka dadka oo ku dhisan dulqaad iyo ayaga oo ku dhaata nabadda, lehna hab soo jireen ah oo ku salysan kala gar-qaadasho iyo qaab nololeed ku dhisan talo-wadaag.

Maaha markii ugu horaysay oo ay Puntland ka curtaan khilaaf siyaasi ah oo sababa gacan ka hadal dadna noloshooda ku waayaan, waxaase khilaafyadaas looga baxay xikmad, talowadaag, iyo isutanaasul.

Waxaa xusid mudan in xukuumadda Puntland ee uu madaxda u yahay DR Faroole iyo mucaaradka diidan qaabka loo wado demuquraadiyaynta (democratization), aysan ahayn kuwa isku khilaafsan jiritaanka Puntland, sida in la helo Puntland oo midaysan talowadaagna ah (democracy), laakiin halka la isku hayaa ay tahay sida ama qaabka loo daadihinayo talo-wadaagnimada Puntland.

Waxaan soo dhawaynayaa go’aankii madaxweynaha ee ahaa in la joojiyo doorashooyinka 15-07-2013, ka dib markii uu la tashaday madaxda dawlada iyo bulshada rayidka, eegayna khatarta ku imaan karta amniga, nabadgelyada, iyo xasiloonida Puntland.

Waxaa shaki kuma jireen ah inkastoo uu khilaafkani ahayn mid asaasi ah, misana haddii aan la xakamayn ay ka dhalan karto natiijooyin aan la mahdin, waxyeeleeyana dalka iyo dadkaba, waxaana baaxadda dhibaatooyinkaas tusaale u ah natiijadii waxyeelo ee magaalada Qardho, sidaa daraadeed waxaan u soo jeedinayaa xukuumada, mucaaradka iyo waxgaradka reer Puntland talooyinka hoos ku xusan:

• In geeddi socodka talo wadaagnimo ee Puntland la turxaanbixiyo, si taa loo gaarana ay lagama maarmaan tahay, in dib u habayn lagu sameeyo gudiga doorashooyinka , lagana dhigo mid ay iska dhex arki karaan dhammaan dhinacyada siyaasadeed iyo qaybaha bulshadaba, xubnaha guddigaasna ay noqdaan kuwo sumcad & kalsooniba ka haysta mujtamca.

• Guddigaas markii la helo in dib loo furo diwaangalinta xisbiyada, taas oo suurto galin karta in la helo ururo cusub oo la yimaada afkaar kala gedisan, iyo ka qaybgalida talawadaagnimada. oo ka baahsan hada sida ay tahay.

• Tirada xisbiyada waa in aan lagu xaddidin saddex oo kaliya, balse la sameeyo nidaam ku salaysan tiro boqoleey ah, oo mecnaheedu yahay xisbigii helo boqolkiiba intaas oo codbixiyaal ah, natiijooyinka ka soo baxa doorashooyinka golayaasha deegaanada, inuu noqdo xisbi rasmi ah.

Qofwalbaba dantiisa gaarka waxay ku jirtaa danta guud, iyadoo la iska wada dhex arkana maslaxadaa ku jirta.

Ismail Adam Dirie
Gudoomiyaha Ururka Iftiimin
ismailadamdirie@gmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Xiligii Faroole D.F maxkamad geeyn laheeyd sow maaha. W/Q Dr.Ali.A.Hirabe

$
0
0

Xiligii Faroole D.F.maxkamad geeyn laheeyd sow maaha.
Dr. Ali A Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com
Luulyo 16 2013

Dr. Ali. A. Hirabe

Dr. Ali. A. Hirabe

Haddii aayan ka hadal dowlada federaalka gumaadka Faroole ka wado dhulka Puntland sow lama dhihi karo dowlada federaalka ayaa qeeyb ka ah gumaadka sabbata oo ah shacabka la gumaadayo waa shacab Somali ah xilka badbaadinta shacabkaa waxuu dusha ka saaran yahay dowlada Federaalka oo loo idmaday badbaadinta iyo nabad ku noolaanshaha dhamaan umada Somali.,waxaa waajib ah in dowlada Federaalka aay dhexdhexaad ka noqoto loolanka siyaasadeed ee ka dhex jira reer Puntland ,Faroole asaga oo xiligiisa dhamaaday ayaa raga ugu sareeyo dowlada federaalka sida R/wasaaraha iyo Madxaweeynaha ay garab istaageen kuna booqdeen Garowe Faroole xili siyaasiyiinta reer Puntland ku wargeliyeen in Faroole uusan ciddna xilka u hayn balse loo baahan yahay in gogol dib u heshiisiin ah loo qabto Isimada iyo qabiilada reer Puntland si meesha looga saaro xurgufta siyaasadeed ee sabbabi karta dagaal in uu ka dhaco Puntland, runtii dowlada federaalka waa aay garan weeyday xilgaa maanta waxaa looga fadhiyaa dowlada federaalka sidii aay nabada loogu soo danbaali lahaa dhibka iyo gumaadka uu Faroole bilaabay,waa fursad qaali ah in dowlada Federaalka aay u muujiso shacabka Puntland in xil adag uu ka saaran yahay,dowlad federaalkana aay diidan tahay gumaadka Faroole ee shacabka uu Puntland, shacabka iyo qabiilada Puntland dowlada Federaalka waa in aay u fidisaa gogol nabadeed si nabad iyo wadanoolaansho dhab ah uga hirgasho Puntland.

Xildhibaanada Federaalka ee ka soo jeeda Puntland waxaa quman in aay cod dheer ku dhahaan Faroole waa danbiile dagaal mudan in maxkamad la geeyo, xildhibaanada federaalka ee Puntland waa in aay kala doortaan Faroole iyo shacabka, haddii aay garab istaagaan Faroole waxaa aay luminaayaan sumcadii aay ku lahaayeen umada Soomaali guud ahaan gaar ahaan shacabka Puntland.

Faroole waa qaswade mudan in maxkamad la soo taago sabbabta soo socota

MAQAAL1. Xil uu umad u hayo ma jirto balse waxuu gumaad ka geeystay G. Bari iyo G. Mudug akhristow bal dib u xusuuso gumaadkii Gaalkacayo xaafada Garsoor oo u adeegsaday ciidamada Puntland iyo hubkii lagu gaday canshuurtii laga qaaday shacabka Puntland.

2. Waxaa uu sabbab u ahaa dagaalka ka socda Jubooyinka asaga oo ujeedka uu ku taageeray Jubbaland ay aheeyd in wallaalo fooda is daraan.

3. Wuxuu dalka u ogolaaday inay ka hawlgalaan shirkado shisheeye oo aan sumcad iyo xurmo ku lahayn adduunka sida shirkadda SARACEN INTERNARTIONAL oo ay leeyihiin calooshood u shaqeystayaal South African ah, iyadoo la ogsoon yahay in dawladii ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya ay kala noqotay ogolaanshihii horey loo siiyey markii la ogaaday hab dhaqanka Saracen.

4. Faroole waa uu ka soo horjeedsaday dastuurka qabyo qoraalka ee lagu saxiixay Garowe, waxaa uu marar badan cadeeyay in dowlada federaalka aay ka baxaayaan sow qaswade maaha mudan in maxkamad la soo taago.

Waxaan ku wargelin lahaa Faroole in xiligiisu dhamaaday aayna mudan tahay in uu si nabad ah isga tago Puntland si shacabka Puntland iyo Odayadooda siyaasiyiintooda uga tashadaan aayaha Puntland ,haddii aadan qaadan taladaa wallaahi adiga oo intaa kasii foolxun ayaad ka tageeysaa Puntland, inta gacantaada ku dhimatay intii aad xukunka qabatay Puntland kuma aayan dhiman, taariikhda Puntland waa mid la qoray maxkamadna lagu soo taagi doono Faroole.

Dr.Ali.A.Hirabe

Hirabe_a@hotmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Madaxweyne Faroole Ku qiimee wax qabadkiisa ku dhaleecee wax qabad la’aantiisa. W/Q Said Qaas

$
0
0

Madaxweyne Faroole Ku qiimee wax qabadkiisa ku dhaleecee wax qabad la’aantiisa
Said Qaas
qaas20@hotmail.com
Luulyo 16 2013

MAQAALMadxaweyne Cabdiraxmaan shiikh Faroole wixii u qabsoomay iyo wixii uu u qabsomi waayey isaga iyo Golihiisa Xukuumada :

Waxaa u qabsoomay isaga iyo xukuumadiisa:

1-Hir galinta Dastuur,calan iyo kal danbeyntii sharciga

2-kor u qaadistii siyaasada Dibada

3-Dhisida ciidamo dhaqan dowladeed leh sida kala danbeyn qalabeysan.

4-Hir galinta Tv&Radio u gaar ah Puntland.

5-Kor u qaadista Tayada waxbrashada iyo Caafimaadka Puntland.

6-Kor u qadista bilicda caasumada Puntland oo ah astaanta Puntland.

7- Hir gilinta dhismayaal iyo wasaarado.

8-Ka qeyb qaadsho shariifnimo ah dib u soo nooleyntii Soomaaliya.

9-taageero xoog leh iyo aasaasidii jubbaland state.

10- Go’aan qaadashii masiiriga ahayd ee bad baadinta Puntland iyo nabad.

Waxaa u qabsoomi waayey isaga iyo xukuumadiisa:

1-soo celinta gobolada maqan

2-Kor u qaadida arimaha dhaqaalaha.(aduunka oo dhan ayaa tani haystaaa)

3-Hir galinta mashruuca Bandar Qaasim Airport

4-Hirgalinta nidaamka axsaabta.

5-Hir galinta aqalka guurtida (aqalka sare) oo ah isimada Puntland (tan waxaa ku fashilmay kuwii isaga ka horeeyey oo dhan) waana qodob ku xusan dastuurka Puntland.

6- Adkeynta midnimada beelaha deegaanka (waxa uu isticmaalay siyaasad iska hor keenid ah)

Madaxweynaha waxa uu qabtay tilaabooyin Taariikhi ah waxa uuna mudanayahay mahad celin iyo Maamuus. Madaxweynaha waxaa soo wajahay caqabado badan iyo talooyinka oo marar badan ka qaloocday.

Waxaan u arkaa nasiib daro dadka u durbaan tumaya cid kastoo ku hawlan ama ka shaqeynaya duminta iyo xasilooni la’aanta Puntand iyagoo damac siyaasadeed wata ama dano dhaqaale.

Madaxweyne kale oo yimaada wax badan soo kordhin mayo ee Waxaa Puntland u baahanatahay is badal dhab ah oo lagu sameeyo maareeyaasha iyo xisaabiyayaasha gobolada oo kuwo qaarkood hayaan xilalkaas 10sano ka badan si loo helo nidaam loona yareeyo musuqmaasuqa.

Ummada Puntland waxaan u rajeynayaa in waqtiga xasaasiga looga gudbo isku tanaasul iyo Midnimo sidii ay caanka ku ahaayeen.

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Hiraaboow ma waxaad jeclaan laheyd in Faroole la keeno Maxkamaddii gabadha miskiinta ah kufsiga & xarigga isugu dartay?!. W/Q Farah Warsame

$
0
0

Hiraaboow ma waxaad jeclaan laheyd in Faroole la keeno Maxkamaddii gabadha miskiinta ah kufsiga & xarigga isugu dartay?!.
Farah Warsame
Melbourne, Australia
Bile1971@hotmail.com
Luulyo 16 2013

Maqaal Jawaab u ah af-lagaadadii Ali Hiraabe u geystay madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Sh Max’ed Faroole. [Halkaan ka akhriso]

Faarax Warsame

Faarax Warsame

Waxaan akhriyay maqaal xumaan & dhaqan-xumo xambaarsanaa ee uu qoray shakhsi isku magacaabay Ali A. Hirabe ma ahan markii ugu horreysay ee shakhsigan af-lagaado toos ah & mid dadban-ba u geysto ummadda reer Puntland & madaxdoodaba.

Damiirka ayaan kuu saamaxeyn in aad ka aamusto shakhsigan oo kale ee caadada ka dhigtay in uu had & jeer aflagaado & isku dir kula dhex wareego ummadda Puntland ee nidaamka & kala dambeynta horseeday. Waa shakhsi aan xishoon, wax walbana u heysta in uu magac ku helayo. Wuxuu u soo tafaxeytay sidii uu ummad islaam ah isaga horkeeni karaa, waqti kaleba yeelkeede, wuxuu xitaa xushmeyn waayay bishan aan ku jirno ee Ramadaan ee barakeysan. Waxaan markaa ku khasbanaaday in aan wax ka iraahdo maqaalkaa af-lagaaddada, isku dirka & qabyaaladu ka muuqatay ee uu hawada soo mariyay shakhsigaasi.

Maqaalka Hiraabe wuxuu u muuqday in uu qoray daqiiqado uun ka dib markii la maqlay magaalo/ooyin Puntland ka tirsan ayay wax ka dhaceen. Ma hubsan kamana dharagsana waxa dhacay waxa ay yihiin. Isma barbar dhigin waxa halkaa ka dhacay & waxa magaalooyinka kale ee soomaaliyeed ka dhaca. Ma sugin waxa dowladda Puntland arrintaa ka yeeli doonto, ma sidii dagaal-oogayaashii ayay qoryaha cabbeysan doontaa mise si caqli ku jiro ayay wax u xallin doontaa? Ma sugin waxa qaramada midoobay ka oran doonto halkaa oo weliba wakiilkeedu goob joog ka ahaa. Ma hubsan xaalku sida uu ku dambeyn doono ee fudeydkii aan dadka qaar ku aqiin ayuu lasoo baxay qalinkiisii xanafta watay-na kula boobay.

Waan hubaa Hiraabe qaabka degdeggu ka muuqdo ee qoraalka u soo gudbiyay hadduu wax yar dib u dhigi lahaa in uu calyada dib u liqi lahaa. Farxadda uu la batbatay ee ku kalliftay in uu sidan wax u qoro-na murugo isu badali laheyd, inkastoo aan aaminsanahay in ay mar horeba taabatay.

Fudeydka Hiraabe ma aha mid iska yimid, keligiina kuma aha ee waa mid meelo kale oo badan ee ay Villa Soomaaliya kamid tahay laga qabo, makarafoonada ayaa la boobaa marka la maqlo in gabari ku kuftay Puntland. Xishood la’aantooda isla waqtigaa ay gabadha kuftay ka sheekeynayaan waxaad maqleysaa dhawaaqa rasaasta ka socota meel aan ka fogeyn halka ay khudbada ka hayaan, waxaaba suurto-gal ah in 10 dhimatay. Waxaanse is-weydiiyaa waqtiga ay Puntland gelinayaan may dhibta jirta wax uga qabtaan? Kii wax u sheegi lahaa waa kanoo kale oo aflagaadada lasoo taagan, markaasaan iska qancaa. Waxaa sidoo kale jira dad badan oo gudaha & dibeddaba ku nool dhagtu isaga sii taagan tahay, kuwaas oo jeclaan lahaa in ay mar uun maqlaan Alle kama dhigee Puntland oo dab ka holcayo.

Ujeedada maqaalkan ayaa ah in aan shakhsigaas xumaanta intaa le’eg u bareeray wax u sheego. Dhagihii Alle waaniyo ayaa waansan ayay soomaalidu tiraahdaa, ma filayo in uu wax ku qaadanayo, laakiin dhowr kelmadood aan iraahdo

Hiraaboow meeshu waa Puntland.

Haddaad arki jirtay ummad aad qabyaalad, qurun & isku dir inta kula dhex wareegto kaa dhageysta dabadeed qoryaha isu cabbeysa oo hadhoow dhiigga & hilibka la kala garan waayo, Puntland meeshaas ma aha!. Puntland waa maamul caan ku ah nabad & kala dambeyn, dad aqoon & khibrad dheeraad ah leh ay hagayaan.

Waxaan ka dareemayaa hadaladaada & kuwa kula fikirka ah in ay aad u dhibsadeen laf dhuun gashayna ku noqotay siyaasadda & hadalada Faroole. Shalay haddaad ka qeylineysay AUN C/laahi Yuusuf ama Cadde Muuse maanta in aad Faroole hoos u jiideyn anba waan ogahay, wax kalena maahee waa cuqdada qabyaaladeed ee kaa buuxda. waan ogahay in aad jeclaan laheyd/laheydeen in aad aragto madaxweyne Faroole oo kursiga Puntland baneeyay.

Aan kaa sii farxiyee Madaxweyne Faroole mar ay noqotaba kursiga wuu ka dagi laakiin kuma oran karo waa waqtigaa, waxaanse kaaga nixinayaa in kii yimaadaba uu kuu darnaan doono. Haddaan reer Purnland nahay shakhsiga kuwa fidno wadayaasha (mooryaantu) neceb-yihiin annagu waan jecelnahay, xitaa haddaan badalno kan aan ku badalnaa waa mid doonaya in uu xumaanta kaa reebo, maadaama aadan jecleyn in xumaanta lagaa reebo-na dabcan qeyladaadu wey sii socon inta caqligu kaaga hagaagayo.

Kee istaahila in Maxkamad lasoo taago?

MAQAALMa kan dadkiisa & dalkiisa wax u qabtay oo shisheeye & sokeeyaba ku nabad galeen, mise kan meelna looga baxsan waayay? Ma kan dalkiisii la dayacay ka dhigay meel la dagi karo mise kan weli burburinaya tii ummaddu wada laheyd? Ma kan nidaamka & sharciga inta sameystay kii soomaaliyeed-na ku daray, mise kan sharcigii bililiqeystay ee Cabdalla Shideeye geeyay? Ma kan ummadda hantidoodii ka dhacay soona bara-kiciyay, mise kan kuwii hantidooda la dhacay ee la dhibaateeyay (barakacayaasha) soo dhaweeyay? Ma kan kufsiga & dilku caadiga u tahay mise kan dadkiisa u damqanaya? Ma kan dhulkiisa ilaashanaya mise kan iibsanaya?

Waxaan aaminsanahay hadduu innaba caqli kugu jiro cid hala maxkamadeeyo lama soo shir tagteen illeyn ma ogid in aad markhaati isku fureyso’e.

Maxkamad vs Hiraabe.

Ma adaa maanta Maxkamad ka sheekeynaya? Bal caqligaa day! Goormaad Maxkamad & waxay qabato baratay? Maxkamaddaadu sow ma aha tii gabadha miskiinta ah kufsiga & xariga isugu dartay? Maxkamadaadu sow ma aha tii weriyiyaashii xumaanta soo bandhigay habeenka madow jeelasha ku gurtay oo carab & cajami-ba ka qeyliyeen? Maxkamadaadu sow ma aha tii bixisay LOOMA OOYAAN ee masaakiiinta oo keliya ka adkeyd? Maxkamaddaadu sow ma aha midda daggan guri dad leeyahay oo xoog lagu heysto. Goormaad heerka ereyga maxkamad in aad afka ka tiraahdo gaartay?.War Soomaali waa ku taqaane ma dad aan ku aqoon ayaad wax u sheegeysaa? Mise kuwii awalba ku dhageysan jiraya ayaad wax u akhrineysaa?

Waan ogahay in aad jeclaan laheyd in aad aragto shakhsi Puntland kasoo jeeda oo MAXKAMADAADA (kama wado tan aadamiga) lasoo saaro,laakiin waxaadan ogeyn in Puntland tahay dowlad federaalka ka tirsan nidaamkeedana u madax banaan, sida garsoorka, fulinta & sharci dejinta. Aan ku saxee shakhsiga Puntland u dhashay garsoorka wuxuu u sameystay in uu isku xukumo. Xitaa adigan sidan u hadlaya ee fidnada wada haddaad Puntland joogi laheyd caddaalad la yaqaan ayaa lagu marin lahaa, xuquuqdaada ilaalineysa ee aan aheyn tii gabadha miskiinta ah la mariyay.

Sheegsheegista ereyga FEDERAL waxaa ka fiican macnihiisa oo aad barato

Inta aad waqtiga ku dhumineyso af-lagaaddo & isku dir ummadeed, baro macnaha dowladnimo & waxa Federal loola jeedo. Markaad barato u gudbi kuwa indhaha ku kala qaaday xukuumaddii KACAANKA ee u heysta in dowladnimadu tahay madaxweyne 3-da hey’adoodba isku heysta. Waan ka xumahay in aad macnaha Federal u qaatay nidaamka Muqdisho maanta yaalla. Waxaa qurux badnaan laheyd in aad daqiiqad-ba allaha ka dhigee fursad siiso sidii aad u akhrin laheyd waxa Federaal loola jeedo, weliba isagoo luqado badan oo Af-soomaaligu ku jiro, ku qoran ayaa la heli karaa. Haddaad sidaa yeesho waan hubaa in aadan maqaalkan oo kale soo qorteen.

Aqoonta & xirfadda waa la bartaa ee lama sheegto

Hiraaboow haddaad arki jirtay qof wuxuu iska sheegto lagu dhajiyo sida Jeneraal, Doctor, Xildhibaan iwm, raad-raacna laheyn, annaga maaha ciddaad isugu sheegi laheyd. Waxaad iska soo hormarisaa ereyga DR oo magacaaga ka horreeya mar walba, kuma oranayo magacan Hiraabe & Dr-nimo isma qaadan karaan!! ee waxaan ku oranayaa Dr-nimadu xoog & anaa ku habsaday maaha ee waa heer aqoon oo uu qofku gaaro. Midse waan kuu qirsanahay adiga & kuwa magacyada (title)-da cusub la baxay, in aad caalamka kusoo siyaasideen cilmi cusub oo aan u baahneyn in waqti & lacag lagu lumiyo, waxaanse ku faraxsanahay in dadka aad Dr-ka u tihiin oo keliya ay khibraddaa idinka qaadan doonto mustaqbalka dhow.

Maalin dhoweyd oo aan TV-yada Soomaalida daawanayay waxay indhaheygu qabteen ciidamo loo khudbeynayo oo xero ciidan ku jira, haddaan been iska dhowro intuba korneel & wax ka sarreeya ayay ahaayeen. Caad igama saarna in talada noocaas ah ee ciidamadii wada jeneraal ka dhigtay bilaa khibrad & aqoon ah, ay adiga & mid kula mid ah maskaxdooda kasoo maaxatay.

Haddaan runta kuu sheego shakhsiga aad leedahay maxkamad hala soo taago, isagaaba xabsiyo waaweyn magaaladiisa looga wadaa dhisme. Beenna kuu sheegi mayee adiga & kuwa kula fikirka ah ee ummaddu ka harsan weysay ayaa lagu wadaa in laga buuxiyo. Waana qaabka keliya ee aad wax ku fahantaan adiga & kuwa kula midka ah ee u heysta in noloshuba tahay fitno la abuuro, ummad la isku gubo, dad la laayo iyo aqoon aan la heysan oo la sheegto.

Waxaanse kusoo gabagabeynayaa intaadan ka hadal maxkamad & meelo kaa fogfog waa howlo waaweyn oo aadan weli gaarine bal marka hore hoostaada waxa yaalla ee foolxumo ah eeg waxna ka qabo taasaa adduun & aakhiroba dan kuugu jirtaaye.

Farah Warsame

Melbourne, Australia

Bile1971@hotmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

In aad Masuuliyad Qaadid Garrashaa ka Horreysa. W/Q C/Qaadir X Cabdi Cumar

$
0
0

In aad Masuuliyad Qaadid Garrashaa ka Horreysa
C/Qaadir X Cabdi Cumar
Shaakir1977@hotmail.com
Luulyo 17 2013

MAQAALCulimada bulshadda waxa ay isku raaceen, Ummadii markay wada sinaadaan way burburaan sid oo kale maahmaah Caalami ah ayaa tidhaahda, Qofkasta haduu amiir ismoodo, waxaa lawaayi doonaa cid xayawaanka kaxaysa macnuhu waa marka qofkasta lagaranayo waxa uu ku wanaagsan yahay, isla markaana loo qirsanyahay, waxa dhacaysa waxkasta halka ay ku haboon tahay iyo qofkii ay ku ha boonanayd in lala doonto kadibna ammurahaas waxay noqdaan kuwa horumar laga gaaro, amarka iyo kaladanbeyntuna fulaan.

Badanaaba Soomaalidu waxay leedahay Caadooyin Cajiiba waxaakamid ah Caadooyin kaas waxay Geela Udiraan kii maqasha adhiga iyo loda, lagala quustay ee waxbadan oo hawl maalmeed ah guulo kasoo hoyn waayey Sidaasina waa hor usocod dib usocod,( Jug jug meeshada joog iyo bartaada hadhaafin.

Sidookale arrimuhu way lumaan marka kii loo igmaday ka soo bixi waayo waajib kiisii aadna arrimuhu waxay sii cakirmaan marka khaladka shaqsiga hogaami yaha ah lasixiwaayo layslana sixiwaayo wixii umada kadhexee yay mana aha in talada la wadaago lagusaxo gacan iyo dagaal ama carab xanaf leh ee waa in lagu saxaa lagula taliyaa hogaami yaha maskax fiican iyo caqli saliima lana sameeyo wada tashi buuxa.

Maah maah ayaa oranaysey Cududa buur maahee waa caqliga buur wax kasta oo lawada leeyahay waa in lagawada tashadaa Cida hogaanka ahna waxaa loga baahan yahay in ay cida ku haboon talada hadba meeqaanka ay joogto ay talada lawaagto umada lashaqeynaysana marka hore ay ku yimaadaan in aad masuuliyad Qaadid Garrashaa ka horreya macnaha aan wax umada kugu dhiib nee maxaa taqaan oo umada ugu shaqeynaysaa wabilahi Faataale Dejiye Towfiiq.

by C/QAADIR.X. Cabdi Cumar

Email, Shaakir1977@hotmail.com

twitter, @abdigadir abdi omer

facebok, abdigadir omar

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Qardho & Gaalkacayo Qaylo dheeraa! Ma Saxan saxo roob baa ku saaqday?. W/Q Shiine Culay

$
0
0

Qardho & Gaalkacayo Qaylo dheeraa! Ma Saxan saxo roob baa ku saaqday? 
Shiine Culay
shiine.culay@gmail.com
Luulyo 17 2013

culay1991 Markii ay burburtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya laguna guuldaraystay dadaalkasta oo dib u heshiineed si Dalka loogu dhiso Dowlad dhexe oo soo celisa kala danbayntii & Xasiloonidii, Dadweynaha ku dhaqan Gobolada Bari, Nugaal, Mudug, Sool & Sanaag waxay ku heshiiyeen sanadkii 1998 inay dhistaan Dowlad Goboleed si loo soo cesho kala danbayntii maamulka & Nabadgelyada.

Xukuumadii Madaxweyne Ahn. Cabdulaahi Yuusuf 1998 – 2004.

Dadaal dheer kadib waxaa lagu guulaystay in la dhiso Maamul Goboleed loogu wanqalay (Puntland) waxaana Madaxweynihii ugu horeeyey loo doortay AH. Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyadoo Hay’adihii markaas la asaasay mudada xil hayntoodu ahayd 3 sano oo ku eg 2001.

Xukuumada Yuusuf waxaa horyaalay caqabado waaweyn sida Maamulka oo ahaa ban ka ood (Curdin), Hay’adihii Dowlada oo aan dhisnayn, Amaanka oo ahaa mid aan hagaagsanayn, Kaabayaasha dhaqaale oo aad u liitay, Maleeshiyaad beeleed fara badan oo meelkasta dhooban & Dadka oo aan khibrad fiican u lahayn Nidaamka Maamul Goboleed.

Iyadoo ay jireen caqabadahaas badan Xukuumadii curdinka ahayd waxay ku guulaysatay inay dhisto Ha’aydihii Dowlada, Xaqiijiso Amaan la isku halayn karo, Maamulka ku haabiso goobo badan.

Nasiib daro xilkii wuxuu ka dhamaaday iyadoo aan wax talaabo ah u qaadin sidii Dalka looga hirgelin lahaa hanaanka Asxaabta badan si loogu soo doorto Xukuumadii iyada bedeli lahayd marka laga yimaado Dastuur qabyo ahaa oo ay soo diyaariyeen gudi uu madax ka ahaa Siyaasiga Maxamed Cabdi Yuusuf Gaagaab oo wakhtigaas xubin ka ahaa Golihii Wakiilada.

27 Jun, 2001 Golihii Wakiiladu iyagoo ka duulaya dhamaadka wakhtigii hay’adihii Dowlada waxay go’aan ku gaareen inay Dowlada u kordhiyaan 3 sano oo cusub go’aankaas oo uu qalinka ku duugay Madaxweyne Yuusuf waxaase si weyn uga horyimi Gudoomiyihii Maxkadama sare Yuusuf Xaaji Nuur oo taageero ka helayey qaar ka mid ah Isimada talaabadaas oo Dalka u horseeday qalalaase siyaasadeed & Dagaal sukeeyo oo dhiig badani ku daadatay lagana dhaxlay dib u dhac baahsan & kala daadsanaan.

Xukuumadii Madaxweyne Cade Muuse 2005- Jan 2009.

Dhamaadkii 2004 Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf waxaa loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya waxaana xilkiisii si ku meel gaar ah ula wareegay Maxamed Cabdi Xaashi oo ahaa Ku xigeenkiisa iyadoo Jan, 2005 Dalka laga qabtay Doorashooyin taas oo uu ku guulaystay Gen. Cade Muuse.

Xukuumadii Gen. Cade waxay haysatay fursado ka fiican kuwii ay haysatay Xukuumadii iyada Xafiiska ugu horaysay ugu yaraan waxay la wareegeen wadan uu ka jiro kala danbayn, leh Hay’ado Dowladeed oo dhisan, Shacab u ooman Isbedel & iyadoo laga soo kabtay dagaalkii sukeeyo Dalkuna uu ka baxay qalalaasihii siyaasadeed oo ragaadiyey horumar balaaran oo la gaari lahaa.

Rajo kasta oo laga qabay Xukuumada Gen. Cade waxay isku soo gurtay mudo gaaban kadib markii Amaankii faraha ka baxay, Ciidamadii Dowladu kala daateen, Hay’adihii Dowladu noqdeen kuwo fadhiid ah, Dalkii uula degay sicir barar baahsan ilaa ugu danbayntii Somaliland ka faro maroorsatay Puntland caasimadii Gobolka Sool ee Laascaanood.

Waxaa yaraatay kalsoonida Beelaha qaar ku qabeen Xukuumadaas kadib markii Ciidamadii Dowladu dagaalo hubaysan la galeen qaar ka mid ah beelaha Puntland.

Xukuumadii Madaxweyne Faroole Jan 2009 – ___?

Doorashooyinkii 2009 waxaa ku guulaystay Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) kaas oo mudo kooban dabadeed soo dhisay Xukuumada hada xafiiska joogta.

Xukuumada Dr. Faroole waxay talada Dalka la wareegtay iyadoo ay jirtay kala daadsanaan weyni, Ciidamadii Dowlada oo kala yaacay, Hay’adihii Dowlada oo fadhiid ah, Dhaqaalaha oo aad u liita, Caasimadii Gobolka Sool oo ka maqan gacanta Puntland & Kalsoonida beelaha qaar ku qabaan Dowlada oo wiiqantay waxa keliya oo ay ku macasalaamaysay Dowladii ay xilka kala wareegtay waxaa ugu muhiimsanaa deymo xad dhaaf ah.

Mudo yar gudaheed waxaa la diyaariyey miisaaniyad isu dheeli tiran, waxaa la soo ururiyey firxadka Ciidamadii kala bay hoofay, Waxaa boorka laga jafay Hay’adihii Dowlada oo ku suntanaa wax qabad la’aan, Waxaa la wiiqay musuq maasuqii, Waxaa la bilaabay Geedi socodka Dimuqraadiyada & Dib u heshiisiinta beelaha wax kala tabanayey.

Geedi socodka Dimuqraadiyada.

Xukuumada Dr. Faroole waxay ku guulaysatay inay furto albaab ay furi waayeen Xukuumadihii uga horeeyey Xafiiska waxay ku dadaashay sidii ay Dalka ugu soo dabaali lahayd hanaanka Xisbiyada badan oo ahaa mid loo qabo hamuun lana aaminsanaa in lagu gaari doono horumar fiican & maamul suuban.

Go’aanka Dowladda.

Go’aanka Madaxweyne Faroole ku hakiyey Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka waa talaabo dhiiri gelin mudan oo loo qaaday dhinaca saxda ah wuxuuna muujiyey bisayl siyaasadeed iyo sida ay uga go’antahay inuu Dalka ka badbaadiyo waxkasta oo u keeni kara qalalaase .

Sheki kuma jiro mucaaradada looga soo horjeedo Dimuqraadiyada inay ku jiraan gacmo shisheeye oo ka faa’iidaysanaya sidii ay Puntland uga hurin lahaayeen colaad una fashilin lahaayeen xasiloonida & Deganaanshaha ka hana qaaday mudadii burburka waxaana tusaale kuugu filan sida ay uga hadleen dhacdooyinkii shalay warbaahinta ku hadasha afka Dowlada Federaalka gaar ahaan webka Radiomuqdisho.net, Xildhibaana ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo jooga gudaha Puntland kuwaas oo qaarkood si weyn loogu tuhmayo in jeebabka loo soo buuxiyey & Hanjabaadaha is daba jooga ah ee ka imanaya Maamulka Somaliland.

Qardho & Gaalkacayo Qaylo dheeraa.

Puntland waxay ka koobantahay 37 degmo oo u qaybsan sadex kooxood oo kala ah A, B & C waxaana lagu kala qiimeeyaa Degmo kasta inta ay baaxadeedu le’eg tahay, Degmooyinka A waxaa ah dhamaan magaalo madaxyada 8 Gobol ee ay Puntland ka kooban tahay.

Maalinimadii shalay waxaa rabshaduhu ka dhaceen Degmooyinka Gaalkacayo & Qardho halka inta kale Degmooyinka Puntland deganaayeen, Waxaad ka daalacan kartaa inta badan mareegaha (Website-yada) ama wararka tooska laguugu soo tebiyo Qardho Mudaharaad Dowlada looga soo horjeedo baa ka dhacay, Gaalkacayo Shir lagu diidan yahay Xisbiyada Siyaasada baa ka qabsoomay, Odayaasha Qardho waxay ku baaqeen in bisha July Isimada Puntland shir isugu yimaadaan, Qardho & Gaalkacayo waxaa ka socda shirar taxane ah oo Xukuumada looga soo horjeedo, Mucaaradka xoogiisu wuxuu joogaa Qardho & Gaalkacayo.

Ku-soo-biir-F-I

Marka aad intaas maqasho bal is weydii labada Degmo maxay arkaan oo aysan arag 35 Degmo ee kale? Waxgaradka Puntland ma labadaas Degmo bey ku noolyihiin oo inta kale maxaasta baa la isugu geeyaa? Mise waxay u xilsaaranyihiin Arrimaha Siyaasada oo dadka inta kale shaqooyinka kale bey qaabilsanyihiin? Xukuumada miyaysan labada degmo ku lahayn xubno? Mise waa Ohia-dii Puntland? Waa su’aalo marar badan aad is weydiin karto Hadii aad si fiican maskaxda uga shaqaysona si sahlan waxaa kuugu soo baxaysa jawaabta..

Yaa diidan Dimuqraadiyada.

In badan oo aan anigu ka mid ahay ma soo dhoweyn qorshaha Xukuumada laakiin waxaa hubaal ah xoogagii ka soo horjeeday qorshahaas inaysan lahayn ujeedo midaysan, qaar waxay aaminsanaayeen in Dowladu daacad ka ahayn arrinta, qaar waxay aaminsanaayeen in qorshahani ceel dheer ku ridayo han siyaasadeed oo ku jiray, qaar waxay u arkayeen fursad ay ku fashilin karaan Waxqabadka Dowladda, Halka inta badan ay aaminsanaayeen kursi iyaga u xayn daaban in Faroole banaanka soo dhigayo.

Hogaamiyayaasha ka soo horjeeday hirgelinta Hanaanka Asxaabta badan ayaa isugu jiray kuwo horay uga soo qabtay Maamulka xilal kala duwan halka qaar ay ahaayeen kuwo ku cusub masraxa siyaasada oo hada quudaraynaya inay soo fuulaan .

Inta badan waxay ka soo jeedaay Degmooyinka Gaalkacayo & Qardho taas oo keentay markale su’aasha ah “Maxaa ku dheerad ah”? Maxaase ka dhigay dhamaantood rag ka soo jeeda Degmooyinkaas? Mise Saxan saxo roob baa ku saaqday! (Saxan saxada waxaa la dareemaa marka roobku soo dhow yahay marka waxaan ula jeedaa malaha kursigii baa u soo dhowaaday).

Tare ama Mado .

Tare ama Mado waa kelmado la adeegsado marka Geelashu ceelsha isugu yimaadaan ama wuxuun la qaybinayo micnaheeduna waxa weeye in la dhowro nidaamka oo Geelba markiisa ceelka ka cabo markaas kadibna Geela ku xiga uu darka u baneeyo.

Xirmo: Reer Guuraagu wuxuu u adeegsadaa erayga Xirmo marka Qoys ama Beeli meel uun sida Ceel ama dhul daaqsimeed xirmaysato oo u diido xoolaha inta kale in laga waraabiyo ama loo daaqsin geeyo .

Hogaanka Puntland.

Dad badan oo ka mid ah reer Puntland waxay aaminsanyihiin in kursiga ugu sareeya Puntland uu beelo gaar ah u xirmaysan yahay ayna iyagu mado u galaan, Hadaba aan is weydiino shekigaas maxaa keenay? Maxaase ka jira? xiriir intee le’eg buuse la leeyahay diidmada Dimuqraadiyada?.

Shekiga maxaa keenay? Shekiga waxaa keenay sadexda Madaxweyne ee soo maray Puntland dhamaantood waxay ka soo kala jeedaan Gaalkacayo, Qardho & Garoowe .

Maxaase ka jira?

Waxaa la aaminsanyahay inuu jiray is fahan & is gaashaan buuraysi u dhexeeyey beelaha Gaalkacayo & Qardho kaas oo soo bilaabmay wakhtigii Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf & Gudoomiyihii Jabhada GPB heshiiska kala saxiixdeen.

Markii heshiiskaas la kala saxiixay dadka qaar waxay qabaan tuhun ah in AHN. Madaxweyne Yuusuf oo markaas rajo ka qabay in loo doorto hogaanka Soomaaliya uu u balan qaaday Gen. Cade inuu ku taageeri doono sidii isagana loogu dooran lahaa Madaxweynaha Puntland.

Maxamed Cabdi Xaashi oo looga adkaaday Doorashadii dhacday 2005 wuxuu dhowr jeer sheegay in doorashadaas la isku baahaystay ayan lug weyn ku lahayd dowladii Federaalka ee uu markaas hogaanka u hayey Madaxweyne Yuusuf.

Markii Gen. Cade xilka qabtay wuxuu u magcaabay Wasiirkiisa Maaliyada Maxamed Cabdi Yuusuf Gaagaab oo ka soo jeeday Gobolka Mudug waxana la rumaysan yahay magcaabistiisu inaysan si caadi ah ama go’aan Madaxweyne Cade u gaar ku iman .

Iyadoo uu jiro is gaashaan buuraysigii Qardho & Gaalkacayo oo ka soo bilaabmay heshiiskii GPB & Xukuumada, Waxaa soo galay wakhtigii doorashada Puntland sanadkii 2009 doorashadaas oo ay isku soo sharaxeen rag badan oo quudaraynayey inay qabtaan hogaanka Puntland.

Markii la galay ololihii doorashada waxaa soo baxay kala sheki u dhexeeyey Xukuumadii Gen. Cade & Musharaxiintii kula loolamaysay Xafiiska taas oo sababtay inuu soo dhex galo Madaxweynihii Dowlada Federaalka Soomaaliya hase ahaatee musharaxiintu waxay aaminsanaayeen Dowlada Federaalku inay ku taageerayso Xukuumada sidii ay markale Xafiiska ugu soo noqon lahayd taas oo dhabada u xaartay in wax is afgarad ah laga gaari waayo kulan ka dhacay xarunta Madaxtooyada .

Xulufada Qardho & Gaalkacayo doorashadii 2009 ma noqon kuwo si weyn isugu xiran sababta oo ah labada dhinacba waxaa ka soo baxay rag han siyaasadeed ka qabay hogaanka Puntland waxayse bilaabeen wakhtigaas dacaayad ah in beesha Garoowe ay doonayso inay xilka qabato iyadoo aaminsan in Xukunku Meerto yahay.

Waxaan xasuustaa mid ka mid ah Tixo wakhtigaas la isugu diri jiray SMS-ka kaas oo ahaa:

• Adeer Arrintu Tare maaha
• Tolka kale Iloow maaha
• Toban soo sharaxa maaha.

Cidii tixdaas tirisay ugama dan lahayn inay ku muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan in kursiga Puntland loo galo Tare ama Mado balse waxay ku doonayeen inay iskaga riixaan musharaxiinta reer Garoowe oo ay u arkayeen khatarta ugu weyn ee tartanka kaga guulaysan karta waana tusaale fiican oo kuu cadayn kara sida kursiga Puntland tare ahaan loogu jiro.

Ololaha hada socda.

Hadii aad eegto siyaasada Puntland ee wakhtigan waxaa kuu soo baxay inay jirto xulufo la mid ah tii ka dhalatay heshiiskii GBP & Xukuumadii wakhtigaas oo ay hada ku wada jiraan Gaalkacayo & Qardho marka aad aragtid sida wada jirka ah ee ay ugu soo horjeesteen Nidaamkii Dimuqraadiyada & sida ay isaga kaashaanayaan shirarka joogtada ah ee lagu xagal daacinayo qorshyaasha Dowladda.

Dimuqraadiyad wax lagu waayey 66- Xildhibaan laguma heli doono.

Hadii laga soo horjeestay Nidaamka Dimuqraadiyada oo qof walba xaq u siinayey inuu soo doorto cidii isaga meteli lahayd ama uu fursad u helo uu ku soo bandhigo kartidiisa si uu codad uga helo bulshada inteeda kale oo loo sacabo tumayo in dib loogu laabto hoolkii Baarlamaanka oo ay fadhiyaan 66 Xildhibaan.

Waxaan xasuusin lahaa inta aaminsan inay kursiga ku fuuli karaan short cut ama Tare oo Aqalka Baarlamaanku uu u dhaamo hor istaaga shacabka inay isku dhufsadeen xisaab khaldan wixii ay ku waayeen dimuqraadiyadna aysan ka heli doonin Hoolka Baarlamaanka.

Gunaanad.

Gebo gebadii Waxaan bulshada reer Puntland xasuusin lahaa inuu jiro cadow diidan xasiloonida & horumarka ay gaareen mudadii burburka kuna mashquulsan markasta sidii uu u burburin lahaa guulaha ay ku naaloonayaan.

Waxaa tusaale idiin ku filan sida la isugu baahaystay sidii loo hor istaagi lahaa Shacabka Reer Jubaland oo iyagu sideena oo kale tashatay goostayna inay ka baxaan dib u socodnimada .

Waxaan idiin ku baaqayaa inaad ilaa shataan xasiloonidiina ogaataana inaad tihiin dad walaalo ah oo aan meel kala tegi doonin dhib & dheef, Waxkasta oo dhibaato keeni karana aad ku dhamaysataan wada hadal & Isu tanaasul.

Sidoo kale waxaan idiin ku baaqayaa inaad la shaqaysaan Dowladiina sharciga ah ee haysata mande-ka ee aanu idiin ka war xumayn siyaasi jago doon ah ama shakhsiyaad dano gaar ah wata .

Dowlada waxaan ku hambalyenayaa dadaalka & dhabar adayga ay muujisay waxaana leeyahay nin xil qaaday eed qaad waxba ha niyad jabinina waxkastaana waa qadarta Eebe idinkaa la idiin doortay oo Dalka dhan masuul ka ah ee yaanu idin niyad jebin nin aan la dooran oo gurigiisa keliya masuuliyadi ka saaran tahay .

Tixda Gabay hidaan u lahaa oo Gorfayn jiraye
Gacaylkiyo xigtada waan kula tashaa Gugan maanta ahe .
Guul Eebe & Horumar waara.

Shiine Culay
Qoraa, Faaloode & Saxafi madax banaan.
Facebook: Shiine Culay Follow on Twitter: @Shiineculay E. shiine.culay@gmail.com

 

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Reer Puntlanow NABAD baa naas lanuugo leh!!. W/Q Xassan Muuse Nuux

$
0
0

Reer puntlanow NABAD baa naas lanuugo leh!!
Xassan Muuse Nuux
abuxassaan22@gamail.com
Luulyo 18 2013

Marka hore ilaah baa mahad oo dhan iska leh marka xigta nabigeena naxariis iyo nabdgaliyo kor kisa ha ahaato. intaas kadib.

MAQAALDadka reer Puntland oo waligood lagu yaqaanay nabad jacayl iyo wax wada qabsi kaladanbayn iyo hufnaan . lakiin waxaa layaab leh waydan danbe inay jiraan is qab qabsi iyo xiliftan siyasadeed oo ku dhisan ijiid aan ku jidee tasoo ay ka dhalaty gacmo daalis , haa waa jirtaa in darafyada is hayaa (dawlad iyo mucaaradba) mid walbaabi aaminsanyahay inuu saxanyahay kan kalena uu dhex mu quranayo khalad iyo waxaan jirin .

Hadaba anigu marabo in aan xukumo oo kasaa khaldan kasana saxan aan dhoho ee waxan rabaa inaa xoogga saaro waxa danta-guud iyo sulxigu ummadu ku jiro tasoo ah mid waajib inaga saranyahay inaynu kawda shaqayno mel walbaan joono walaalayaal sulxigu kaliya maha in si siman wax loo xukumo ee waxaa la firyaa isku tanasul iyo is cafin xataa sulxiga diintenu qabto waa sidaas walalaal hadan u gudbo taldayda oo ah ubucda qormadaydaan :

1- Dawlada pntland :

Waxay dawladu qaadatay go‘aan rasmi ah oo runtii wax ku ool ah oo tarikhda galay kasoo ah inay joojisay dorashoyinkii dhicilaa ee dawladaha hoose iydoo xeerinysa nabada iyo xasilonida puntland , runtii aad bay dawladu ugu mahad santay wax qabadkaas ay muu jisay iyo ka hortga fitanta dhici lahayd, go‘aankas runtii xukumada jirta taarikhdaa ku xusi doonta.

Inkastoo mar hore ay ku haboonayd in dawldu go‘aankan oo kale qaadato lakiin hada wixii kadanbeyana dawladu waa inay ka firsataa talabo kasta , wana inay furtaa gogol nabdeed oo is ku keentaa dadka dhaman mucarad iyo muxafadba lagna wada tashtaa danta-guud iyo sidii la isku afgaran lahaa lona tabo galin lahaa nidaamka xisbiyda badan ee ay dawladu doonayso iyadon wax dhibana ka dhicin waqti ku filanna lasiiyo .

2- Dadwaynha ( shacabka ) :

Waxan lahadlayaa gaar ahaan shacabka ku dhaqan Qradho iyo Galkcayo oo baryhanba ay rabshaduhu ladarseen , ogaada nabadu idinkuma nolee idinkaa kunool nabad la‘aana nolol majirayso , dawladu waa dawladinii idinkaa dortay dadka katirsan dawlda waa dadkinii melkale kama imaan maaha dawldu mid noga timi wadama shisheeye iyo gumayste mana aha mid cadaw idin ku ah ee wada tashi iyo is afgarad ku dhameya oo waxaa tabanysaan ugudbiya oo dirirta daaya war dagaal kugari maysaan meel waxaa donaysanna dgaal kuma celin kartaan ee radiya xal kale iyo wada hadal iyo nabdayn .

3- Isimada iyo wax gardka aqoon yahaynka iyo nabdoonadda :

Lama hayo ilaa hada kalinti isimada oo ahaa marjica asaasiga ah ee umada rer puntland maqaan waxay la amuseen mawaxay hadli donaan goor xeriyo fandhaal kaladhacaan , sidoo kale siyasiyiinta iyo aqonyhanka dhaman waa ianay kakcan meesha oo ay wada hadal iyo is afgarad ku dhameyaan arinta oo la is dhagaystaa nin walba wuxuu tabanayo iyo say wax latahay .

4- Beesha-caalamka :

Besha-caalamka waxan leeyahay isga dhex baxa umadda somaliyeed ee walalaha ah kana daaya fara-galinta guracan. waa lahubaa hadii aan somali nahay hadan nalaku dhexjirin waa is afgaranaa gartana gogol iyo geed baan ku warnaa tasna umada somaliyed tariikhdaa uga marag ah .

Ugu danbayntii :

ninkii somaaliyeed ee gabyay wuxuu yiri :
Bal dhagaysta codkaan labada dhinac laysu cirif saaray
Nabadbaa canceeno iyo khayr caafimaad talisa
Colaaduna shartay caawisaa cudurka hoygiisa

Carradoo barwaaqaa dadkoo farax ku ciidaaya
Cal-calyada xareedoo dhulkii badi u ceegaagta
Isu ciirsi calooshoo fiyow nabad cuddoonbaa leh

Abaar culus dhulkoon calaf lahayn ciiradiyo boorka
Waxka caymi xoolaha cid geli cadawgu yuu qaadan
Calwasaad cataw iyo habaar guluf colaadbaa leh.

ILAAHAY waxaa kabaryaynaa inuu xasiliyo oo nabad ku dabbaaalo dhamaan gayiga islaamka iyo wadankeena somaaliya iyo gobolka puntland oo dadka qulubtoda isku soo jedsho iskuna laab fiyobsho nagna qabto wixii xumaan iyo qalalaase wada . amiiin .

W/Q: xassan muse nux

khartum sudaan

abuxassaan22@gamail.com

alnuxi114@hotmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

SOMALIA: Federalism and Somalia. By Aden Hire

$
0
0

Federalism and Somalia
Aden Hire
hire01@yahoo.ca
July 18, 2013 

OPINION 

OpinionFederalism is a governance system whereby power of distribution is divided between federal (national) and state (local) governments. In many countries federalism is a great success story, but in some is not always the best. The 19th century saw the creation of new federal states. Switzerland and the United States are the oldest federations. Today there’re around 193 countries in The United Nations approximately 30 are federal. To name some they include, Argentina, Brazil, India, Australia, Nigeria, Ethiopia, Pakistan, Canada, Spain, Germany, South Africa, Austria, United Arab Emirates, Comoros, Sudan, Kenya and Mexico.

Every federal state that exists today has a very unique federal system that is supposed to solve some specific issues in a country. Generally it’s true but not always the case that federalism is implemented when a country is too large in terms of its size, has different ethnic groups, religions and languages. United Arab Emirates which is a small country by size has one culture, religion and language and yet the country is federal. Simply Abu Dhabi and Dubai had serious political and economic differences and couldn’t trust each other. Dubai originally wanted to become a city state of its own, but after a long negotiation brokered by the British it agreed to join the federation of United Arab Emirates. Comoros in Africa and the islands of St. Kitts and Nevis in the Eastern Caribbean are very tiny islands, but use federalism as a model of governance.

It’s also a fact that federalism has been adopted in a number of a post-conflict environment such as Bosnia-Herzegovina, the Democratic Republic of Congo, Ethiopia, Sudan, Iraq, Kenya and South Africa. Federalism has also been attempted in Sri Lanka, and Nepal.

The discussion of federalism didn’t start in Somalia now; it began in mid 1950s when some members of the Somali Territorial Council under the Italian Trusteeship brought a federalism motion to the Council. The motion was later defeated, because Somalis of that time didn’t see an interest in federalism and believed that they were homogenous society. A key member who brought the motion was Honorable Abdulkadir Zoppe from Bur Hakaba constituent.

After two year long negotiations in Kenya, Somalis with the help of international experts in post conflict chose federalism in 2004 as a way forward. One of the main reasons they chose federalism is due to the civil war and the huge mistrust among regions and communities in the country. During the past 22 years and before an estimated 2 to 3 million Somalis perished in an armed conflict, hunger and diseases. Somalia has one of the longest civil wars in modern history and the biggest refugee camp in the world. There is too much trauma in our society which will take a long time to heal and forget.

Before I go further on whether federalism or unitary system is suitable for Somalia or not, the real question is do we really want to govern ourselves? I can only hope that the answer is yes. If there is a will there is a way.

I agree that federalism is a complex and challenging system especially in Somalia whereby there is no governance capacity, rule of law, democracy, and tolerance at this moment at least. Having said that we may have no choice now other than implementing federalism if we want to see the country waking up from the deep coma it entered more than 22 years ago. For the sake of argument let us assume Somaliland is still part of the union, shall we expect from them to accept a governor appointed by a unitary government? The answer is very clear. The same concept can be definitely replicated in Puntland, Gal-Mudug, Jubbaland, Southwest, etc. A decentralized unitary system which permits states and cities to elect Governors and Mayors directly could be an option only after Somalis do a very serious real truth and reconciliation that goes back to 1960 and even before which studies and documents all of the political, economic, social, and military mistakes that we did and the atrocities committed by Somali Governments, opposition groups, movements, organizations and prominent individuals. Unless Somalis forgive each other through this process, a unitary system is out of topic in my view.

With regard to how many federalism models exist, there’re number of them, but can generally be summarized into two: dualist (decentralized) and cooperative (an integrated, interlocking) model which is centralized.

The dualist model usually assigns exclusively different jurisdictions to two different levels of governments. In this model both federal and state governments share some jurisdictions at different capacities as well. In dualist model the federal government is the highest authority in the country while state governments have a lot of powers and space to run their affairs. The federal government has many departments and larger civil servants in the country. Canada, United States and Brazil use largely dual federalism.

Under the cooperative or centralized model, fewer jurisdictions are exclusively assigned to federal government, and more jurisdictions are shared whereby the federal government sets legislations and policies and state governments deliver services. This model can be called administrative federalism because the real powers of the states are administrative. Usually this creates a lot of conflicts and confusion over what each jurisdiction does. In this model the federal government has a lot of power and control and has fewer civil servants in the country. South Africa and Germany use cooperative model.

In both dual and cooperative models there are always conflicts and hiccups, but the cooperative (centralized) has more conflict than dual federalism and this is the time courts step in and resolve matters.

Here is some of the general division of powers between federal and state governments:

Air traffic, customs, border services, coast guard, ports, international airports, navigation and shipping, immigration and citizenship, passports, defense, federal courts, federal appeals courts, post and telecommunication, treaty ratification, radio and television, patents and copyrights, banking, currency, interest rates, pension, external trade, foreign affairs and more fall under federal government.

Hospitals, education, natural resources, roads and infrastructure, local police, prisons, property and civil rights, marriage licenses, lower courts, lower appeals courts, housing, transportation and driver’s license, insurance, property taxes and more fall under state level.

Trade, environment, labor, major infrastructure, agriculture, criminal law, corporate and personal taxes are shared between the federal and state governments.

Clearly, Somalia with its current situation can’t implement neither unitary nor federalism smoothly by itself without the help of the international community. With real leaders with greater vision we could do it. To begin with if 20,000 of highly trained and educated Somalis in the Diaspora are willing to go back to the country with their local counterparts and serve, then there might be a good chance of implementing federalism. My observation is that we shall implement a dual federalism due to the reality on the ground and let people run their local affairs.

Aden Hire

Mississauga, Ontario. Canada

Aden Hire is a Finance Officer at one of the Fortune 100 Companies and Somalia Analyst.

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dariiqooyin Muhiim ah oo kuu Fududaynaya Xifdinta Qur’aanka Kariimka ah. W/Q Dr Hassan Ahmed Ali

$
0
0

DARIIQOOYIN MUHIIM AH OO KUU FUDUDAYNAYA XIFDINTA QUR’AANKA KARIIMKA AH
Dr Hassan Ahmed Ali
mattaan007@googlemail.com
Luulyo 18 2013

MAQAALWalaalka/walaasha muslimka ahow, waxaad ogtahay fadliga weyn ee barashada iyo xifdinta qur’aanka kariimka ah, nabiguna csw, wuxuu yiri: (waxaa idinkugu kheyr badan ruuxa qu’aanka barta oo hadana dadka sii bara).

Hadaba, waxaan halkan idiinkugu soo gudbinayaa qaaciddooyin muhiim ah oo kaa kaalmaynaya sidii aad qur’aanka kariimka ah si fudud ugu xifdin laheyd; Allah ayaan weydiisanayaa inuu nagu anfaco annaga iyo idinkaba, aamiin..

IKHLAAS (ALLAH DARTIIS U BARO)

Waxaa waajib ku ah ruuxa qur’aanka xifdinaya in uu ujeedka wanaajiyo, niyaddanna Alle dartiis ka dhigo; waa inaad qur’aanka u xifdisaa Allah dartiis iyo inaad ku gaartid jannadiisa iyo raalli ahaanshihiisa weyn! Maxaa yeelay Allah ma aqbalo camal ujeeddo kale loo sameeyay, Allah wuxuu qur’aanka ku yiri: (Allah caabud adigoo cibaadada u baraxtiraya, war hooy, Allah waxaa u sugan diin barax la’) [suuradda Zumar, aayadda 2,3]

Nabiguna csw, wuxuu xadiisu qudsi Allah uga weriyay:(anigu waan ka deeqtoonahay kuwa wax isku darsada shirkadooda, qofkii sameeya camal uu aniga cid wax iigu darayo, waan uga tagayaa asaga iyo shirkigiisaba). [Bukhaari & Muslim]

Sidaas darted, ajar kama helayo qofkii qur’aanka u xifdiya istustus iyo inuu magac ku helo, sidoo kalana qofkii qur’aanka u barta inuu adduunyo ku helo shaki ma leh inuu ku danbaabayo.

ISKA SAX KU DHAWAAQIDDA IYO AKHRINTA QUR’AANKA

Tallaabada ku xigta ikhlaasku, waa inaad si sax ah u barataa oo ugu dhawaaqdaa xarfaha iyo kalmadaha qur’aanka, taasoo aad ku gaari karto inaad qur’aanka ka barato qof si wanaagsan u yaqaanna iyo macallin xaafid ah oo sugi kara ku dhawaaqidda saxda ah ee Qur’aanka kariimka ah.

Qur’aanka waxaa lagu bartaa in uu macallin kuu meeriyo oo aad kadaba akhriso, dabadeedna aad macallinkaaga ku dul akhrisid oo uu kaa dhagaysto! Maxaa yeelay (nabigeennu csw, isagoo ahaa carab midka ugu carrab fasiixsan ayuu qur’aanka af ahaan uga meersaday Malakul Jibriil (caleyhi salaam), sidaas oo kale nabigu csw, qur’aanka ayuu u bandhigi jiray malakul Jibriil oo ku dul akhrin jiray sannad walba bisha Ramadaan hal mar, wuxuuna u bandhigay sannadkii nabiga la oofsaday labo jeer). [waxaa weriyay Bukhaari].

Nabiguna csw, sidaas ayuu saxaabadiisa u baray oo ay uga meersadeen afkiisa, ugana dhageystay, saxaabaduna sidaas oo kale ayay ugu soo gudbiyeen jiilalkii ka danbeeyay, annagana uu nagu soo gaaray!

Sidaas darted waxaa waajib ah in qur’aanka laga barto qof akhrintiisa ku xeel dheer, lamana oggola in aad tiraahdo cajal ayaan ka baranayaa amaba aniga ayaa is baraya xitaa haddii aad tahay mid caalim ku ah luuqadda carabiga oo uu qur’aanku kusoo dagay! Maxaa yeelay Qur’aanku waa mucjiz! waxaana ku jira aayado fara badan oo ku yimid si khilaafsan naxwaha carabiga ee lawada yaqaanno!!!

QORSHAYSO QADDARKA AAD XIFDIN KARTID MAALIN WALBA

Qofka doonaya inuu qur’aanka xifdiyo, waxaa la gudboon inuu qorshaysto inta uu awoodo ee uu xifdin karo maalin walba, tusaale ahaan: 5 aayadood, bog barkiis, hal bog, labo bog ama xizib oo ah 1/8 Juz (juzka oo siddeed loo dhigay meeshiis). Markaas ayuu bilaabayaa inuu xifdiyo maalin walba inta uu qorshaystay isaga oo iska ilaalinaya inuu baajiyo, wuuna ku celcelinayaa isagoo akhrintana qurxinaya (tajwiid ku akhrinaya).

Qur’aanka in akhrintiisa codka lagu qurxiyo waa arrin layska doonayo oo aysan bannaaneyn in laga tago, nabiguna csw, wuxuu yiri: (Ruuxii aan qur’aanka ku luuqeeyn, nagama mid aha) [waxaa weriyay: Bukhaari & abuu Daa’uud]

HA KA GUDBIN QORSHE MAALMEEDKAAGA

Uma habboona ruuxa qur’aanka xifdinaya inuu u gudbo cashar cusub ilaa uu si fiican uga xifdinayo casharkii hore, oo uu qalbiga si wanaagsan ugu dhagayo, taasina waxay ku imaan kartaa in xaafidku u sameeyo xifdinta casharkiisa waqti u gaar ah, iyo in uu ku tukado qur’aankii uu xifdiyay salaadaha, (waajib iyo sunnaba) akhriyana waqtiyada uu salaadaha sugayo iyo marka uu salaadda ka baxaba.

Dariiqadani waxay fududaynaysaa xifdinta, qof kastana wuu samayn karaa xitaa haddii uu mashquulsan yahay.

ISTICMAAL MUSXAF GAAR AH

Haddii aad ku talagashay inaad qur’aanka xifdisid, waa inaad samaysataa kitaab (musxaf) kuu gooni ah oo aadan marnaba baddalin. Sababtoo ah qofku wuxuu kaloo wax ku xifdiyaa eegmada, taasoo ah: bilowga aayadaha iyo halka ay musxafka kaga yaalliin ayaa ku daabacmaya maskaxda qofka; eegmada badan ee kitaabka dartiis, haddii qofku baddalo kitaabka uu qur’aanka ka xifdinayo ama isticmaalo musxafyaal ku kala duwan halka aayaduhu ka bilawdaan waxaa dhumaya sawirkii qalbigiisa ku sawirmay xifdiguna wuu ku adkaanayaa.

Sidoo kale, Macallinkana waxaa laga doonayaa inuu ardayga uga dhagaysto kitaabkiisa isla markaana uu u calaamadiyo meelaha uu gafay, ama akhrintu aysan saxneyn, (isagoo isticmaalaya qalin qori) taasi waxay ardayga qur’aanka baranaya ka kaalmaynaysaa inuu xasuusnaado gafafkiisii isla markaana ku dadaalo inuu iska saxo!

Sidaas darted, waa in ruuxu ka bartaa Qur’aanka hal musxaf oo uusan marnaba baddalin!

BARO TAFSIIRKA QUR’AANKA

Waxyaabaha xifdinta kaalmeeya waxaa ka mid ah fahamka tafsiirka qur’aanka; sidaas darteed, waa in ruuxu garanayo macnaha aayaadka uu xifdisan yahay iyo sida hadalku isugu xiran yahay, sidoo kale waa in qalbigiisu usoo jeedo qur’aanka uu akhrinayo, taasi waxay fududaynaysaa in ruuxii aayadihii wada xasuusto.

Sidaas darted, aad bay muhiim u tahay in ruuxa qur’aanka baranaya uu hadana barto macnaha qur’aanka si uu u helo faa’iidooyin badan, oy ka mid tahay inuu guud ahaan fahmo ujeedka risaalada islaamka, iyo in xifdintii u sahlanaato!

HAKA GUDBIN SUURAD ILAA AAD WADA XIFDISO MOOYEE

Marka uu ruuxu dhammeeyo suurad qur’aanka ka mid ah waxaa la gudboon inuusan suurad kale ugudbin ilaa uu suuraddii hore si fiican u xifdiyo mooyee, bilowgeedana ku xiro dhammaadkeeda; waa in xaafidku uusan ku joogjoogsan ee uu akhrinta iyo ku celcelinta ku badiyo ilaa ay qalbigiisa ku dhagto. Sidaas oo kale waa in uu suuraddaas dhammaanteed hal mar ka wada baxaa, xifdiguna uu ahaadaa sidii faatixada oo kale! Markaasna waxaa qofka qur’aanka baranaya u suurtoobaysa inuu suuraddii sidii biyaha u shubo xitaa isagoon ku baraarugsaneyn! Sidaas darted xaafidku waa inuusan suurad kale bilaabin ilaa uu tan hore xifdigeeda sugo maahee.

MAR WALBA DHAGEYSO QUR’AANKA

Dhageysigu wuxuu ka mid yahay dariiqooyinka wax lagu barto waxna lagu xifdiyo, sidaas darted, ruuxa qur’aanka qaybaya waxaa waajib ku ah inuu dhageysi fara badan sameeyo, ha ahaado inuu macallinkiisa ama ruux kale oo qur’aanka yaqaanna ka dhageysto amaba uu cajal sheekh Qaari’ ah duubay uu ka dhageysto; dhageysigaas oo uu waliba mar walba joogtaynayo, wuxuu ka caawin doonaa in uu ku baraarugo meelo uu khalad u akhrin jiray amaba uu xifdigii maskaxda kusii dhajiyo; oo uu gaaro heer uusan qur’aanka si sahal ah ku hilmaami Karin!

SUBAC JOOGTA AH SUBCI

Qur’aanku wuu ka duwan yahay waxyaabaha kale ee la xifdiyo sida gabayga, geeraarka iwm, waayo qur’aanku waa mucjiz, maskaxdana si dhakhso leh ayuu uga tirmaa, rasuulkuna csw, wuxuu yiri: (Allahii baan ku dhaartay ay nafsaddaydu gacantiisa ku jirtaye, wuxuu ka fakan og yahay geela dabran) [waxaa weriyay: Bukhaari & Muslim]. Hadii qur’aanka muddo aad u gaaban aan la akhrin dhakhso ayuu qofku u hilmaamayaa, sidaas darted, waxaa lagama maarmaan akhrin iyo subac joogta ah, nabigu csw, wuxuu xadiis kale ku yiri: (qofka qur’aanka xifdiyay wuxuu la mid yahay ruux geel dabraday, haddii uu ilaashado wuu haynayaa, haddii uu faraha ka qaadana, waa baxsanayaa) [Bukhaari &Muslim]

Sidaas darted, sida ugu wanaagsan ee ruuxu uu ku hayn karo qur’aankii uu bartay waan inuu samaystaa subac iyo wardi joogta ah, taasoo ah inuu akhriyo ama ku subciyo ugu yaraan hal Juz maalin walba, sidaasna uu qur’aanka ku khatimo bil walba; ama ugu badnaan uu akhriyo 10 Juz maalin walba, oo uu qur’aanka ku dhammeeyo 3 maalin, ka yar in qur’aanka la dhammeeyana lama oggola, maxaa yeelay nabigu csw, wuxuu yiri: (ruuxii qur’aanka (dhan) akhriya 3 maalin ka yar ma fahmo) [Bukhaari & Muslim]

SI GAAR AH U ILAALI AAYAADKA IS SHABBAHA

Qur’aanku waa mid is shabbaha (isku eg-eg) xagga macnaha, erayada iyo aayadahaba, Allah wuxuu yiri Sareeye: (Alle ayaa soo dajiyay hadal midka ugu wanaagsan, waa kitaab isku eg-eg…) [Suuradda Zumar, aayadda 23]

Haddii qur’aanku ka kooban yahay 6000 iyo xoogaa aayadood, ku dhowaad 2000 oo aayadood waxaa ka dhexeeya isu ekaansho aad ah oo mararka qaar farqigu noqonayo hal xaraf oo qur ah ama hal kalimo ama labo kalmadood iwm. Sidaas darted, xaafidka waxaa waajib ku ah inuu taxaddar gooni ah siiyo aayaadka is shabbaha, si gooni ahna u barto suuradaha ay ku kala jiraan, kalimaadka ay ku kala duwan yihiin iwm.

Si xaafidku arrintaas u sii xaqiijiyana waxaa la gudboon inuu sii daba galo oo akhriyo kutubta baabkaas laga qoray oo ay ugu caansan yihiin:

AL-aayaatu mutashaabihatul alfaad fii kitaabi -llaahil caziiz (oo uu qoray Al ustaad diktoor Siraaj Saalax Malaa’ikah)
Durratu tanziil wa ghurratu ta’wiil fii bayaani al-aayaat almutashaabihaat fii kitaabil caziiz (oo uu qoray Khadiib al Iskaafii,) iyo
Asraaru ttikraar fil qur’aan (oo uu qoray: Maxamuud bin Xamza bin Nasar Alkirmaani)
iyo kutubta la midka ah.

KA FAA’IIDAYSO DA’DA WAX XIFDINTA!

Dariiqada ugu danbeysa qaaciddooyinkan dahabiga ahi waa in laga faa’iidaysto da’da ay ugu fiican tahay wax xifdintu! Waana da’da u dhexaysa 5 jir ilaa 23 jirka, da’dan qofka xifdigiisu aad buu u sarreeyaa, hilmaankiisuna waa hooseeyaa; marka da’daas laga baxana xaalka ruuxu wuu is baddalayaa oo waxaa hoos u dhacaya xifdigiisa, dhib ayuuna kala kulmayaa xifdiga, illowshuhuna waa ku badanayaa! Waana meesha looga maahmaaho ( yaraanta oo wax lagu xifdiyo waxay la mid tahay dhagax wax lagu nashqadeeyay, weynaanta oo wax lagu xafidaana waxay ka dhigan tahay biyo wax lagu qoray!)

Sidaas darted; waxaa nagu waajib ah inaan ka wada faa’iidaysanno da’da loo yaqaan (da’da wax xifdinta dahabiga ah, i.e 5-23); haddii ay annaga na dhaaftayna aan uga faa’iidayno ilmaheenna iyo jiilka soo koraya.

Allah ayaan weydiisanayaa inuu nagu arzuqo xifdinta kitaabkiisa iyo u akhrintiisa sida uu raalliga ka yahay. Aamiin.

Dr Hassan Ahmed Ali

mattaan007@googlemail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Puntland way Dhaqaaqday. W/Q Yuusuf Omar

$
0
0

PUNTLAND WAY DHAQAAQDAY
Yuusuf Omar
Mashruuc5@hotmail.com
Luulyo 19 2013

MAQAALBurburkii dawladii dhexe ee soomaaliyeed iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ayaa sababay in dagmooyinkii iyo gobaladii dalku kala irdhoobaan oo lakala joogo. Tani waxay keentay isku tashi ah inta dalku xalguud oo dawladeed oo nabadeed oo uu kumidaysan yahay laga helayo in cidwaliba dagaankeedii dhisato oo is maamusho. waxa u horeeyay gobolada waqooyi ama somaliland kadibna waxaa dhibada loo taagay Puntland 1998 dii.

Ilaahay mahadii dagaanada uu kataliyo maamulka puntland waxa uu gaaray hormar fiican iyo nabad galyo mudadaas ilaa maanta.shacabka puntland dagani waa shacab jecel hanaan iyo kala danbayn amaan taasoo ah waa khasab in dawladi jirtaa.mudadaas dheer ee puntland jirtay waxaa lagu soo waday hal fikir oo ah 66 xil dhibaan kadibna doorta madaxwayne iyo ku xigeen. arintaan oo ah hab caalamku dawlado badani ku soo caano maaleen ayaa hadana ah nidaam gaboobay oo duqoobay oo ilbaxnimadu ka hormartay dadkiibaa dhaafay habkaan la maamulayay sidaa daraadeed nidaamkaan kaligii talisnimo waxa uu leeyay dagaal badan iyo iska horkeen bulsho iyo isqabqabsi siyaasi. waynu aragnay inta jeer ee dhiig badan lagu daadiyay kursigaa dhex yiilay 66 xildhibaan. Tani inoogu filan cashar mudaduna mayara ogaada.

Puntland maxaa cusub?

Imaanshihii Madax wayne Dr Abdirahman waxan u aragnaa mid reer puntland u ah guul taariikhi ah oo ah wuxuu keenay fikir cusub wana midan ta loo baahan yahay caalamkuna ku hormaro.waxa shacabku puntland deeqa indhahooda oo arka wax cusub oo hormar ah. hada Dr Abdirahman wxuu keenay in aynu ka gudubno nidaamkii kaligii talisnimo ee dhinacna aynu kusoo faa iidnay dhana dadkeenii qaaliga ahaa baabashay ileen hal qof oo kaa dhintaa wax loo dhigo majiraane. waxa uu inoo wadaa nidaam xisbiyo oo caalamka kajira meelahooda hormarsan ee xasiloon. nidaamkani waxa uu burburinayaa in qofku u fakaro qaab qabiil madama xisbigu isugu jiro qabiilooyin kala duwan. waxa dad waynuhu ee ganayaan xisbigee danta dalku ku jirtaa wax bay kala dooranayaan waxayna dareemayaan xuquuqdooda wadaniyad iyo in shacabku dalka leeyahay.

Talo shacabka laga qarsaday oo dhawrnin isu sheegaan mudo intaan kabadan laguma sii jiri karo.guurida laga guuray habkii hore ee kaligii talis nimo loona guuray hab xor ah oo xisbiyo ah waxay puntland dhaxal siinaysaa ilbaxnimo iyo in ay caalamka la jaan qaadaan. maqabo in maanta caalamku halkuu marayo aynu garan wayno waa maxay xisbi? manta hadaynu baran wayno inaga is dabrayna oo dib isu celinayna oo is indha tirayna oo la dagaalamayna ilbaxnimada iyo hormarka.

Dr Abdiraxmaan wuxuu utagayaa sida uu utagay alle ha unaxariistii Abdullaahi yusuf,sida uu utagay ina xaashi iyo cade muuse laakiin suaashu waxa weeye maxay inooga tageen? dadka nidaamkaa deeqa iyo hormarka shaqsi laguma mashquulo muxuu qabtaa lagu mashquulaa hadaba ninka inoo diyaariyay nidaam xisbiyo wax wayn buu inoo qabtay oo taariikhi ah oo ilbaxnimo ah oo aan ka daahnay.puntland waa in ay ka guurtaa halkay taagan tahay 20 sanadood!!! shacabka puntland wali ma yaqaanaan inay nidaamka xisbiga markaa ma aakhiray ku baran doonaan hadaysan hada aduunka ku baran in uu yahay nidaam jira oo siyaasadeed oo lagu dhaqmo?

Dankamalihi Dr Abdirahmaan iyo inta wax lamaamulaysa hada ee waxaan dan kaleeyahay nidaamka ay noo jeexeen kaasoo anfacaya siyaasiyiinta iyo shacabka puntland.waxaan leeyahay siyaasiyiinta xiisaynaya kursiga madaxwayne nimo hala yimaadeen koow inay taageeraan nidaamka xisbiyo hana kasbadaan dadka hana ogolaadaan hadii laga guleeysto balse puntland dib haloo celiyo oo nidaamkii gaboobay halagu hayo taa nin yeelaya majiro macnaheeduna waxaa weeye hormar la dirir waana fikir ninka aamin san uu laba mid uun yahay doqon ama shisheeye kalkaal la adeegsanayo. halayga raali ahaado shaqsiyaad ma magaacaabin waana jeclahay dadkayga kii mucaarad ah iyo kii mu ayid ah ee waxaan taageersanahay nidaamka maha shaqsi. xisbiyo aan ugudubno oo ninkii fikirkaa wada aan taageerno oo kabaxno sheeg sheega qurunka qabiilka.

Dr Abdirahman waa hogaamiye hana lasiiyo libintiisa maha raganimo in nin libintiis laga xastaa oo aan uula jeedo waxa uu inaga raray nidam gaboobay oo inoo raray nidaam inagu cusub oo aynaan waligeen hore u arag qaarkeena umaqlinba.waqtigaana ina qasbayoo waad aragtaan in dalalkii carbeed ee kaligii taliye haystay iyo caalamka daafihiisa lga diiday nidaam koox yari haysato oo dikteeytar ah kaligii taliye markaa sina uuguma sii jiri karaba kaligii talisnimo markaa waa ku aamanaynaa isaga iyo inta hada hawsha lawadaba hormarka cusub ee ay ka yagleelayaan puntland iyo siyaasadan furfuran ee xisbiyada ah waana guul usoo hayatay guud ahaan soomaali gaar ahaan reer putland waxaana aabe u ah Dr Abdirahman.

Waxaa laynugu xantaa ilbaxnimo wax na waa ka jiraan balse shacabka somaliland waxay yaqaanan maanta waxa xisbiyahay? shacabka puntland ilbaxnimadaa ma gaarin wali soow maha hadaba in aan hore u dhaqaaqno? Dr Abdirahman wixii toos toosin xisbiyada ah ee maamul dhaliilid ah waa lasixi karaa balse laguma qabsankaro xisbiyo maxaad inoogu samayn tani markaa duulan baynoqonaysaa lagu duulaan yahay puntland ogaada taas.hadii xisbiga Dr Abdiraxmaan guulaysto oo isaga uu nasiib u yeesho in uu soobaxo waa khayr balaayo ma dhicin suga fursadiina laakiin mid yeeli mayno in uu mar sadexaad soo noqdo yeeli mayno codka siin mayno ileen meesha dagaal majiro arintu waa siyaasad ah cod iyo kasbasho waa inaan ilbaxnaa samir yeelanaa iyo dulqaad.waa in siyaasiga puntland ee qar iska tuurka ah ee aan dadkiisa u naxayn tiisa uun raba iska ilaalinaa waa inaan dadka la iska layn qaaliga ah laakiin siyaasada nin kii xiisaynayaa farsamo kale ku raadiyaa dhiig maya walaalayaal.

Xisbiyadu waa hormar iyo tartan warninkaan intaa aan ka dhaxalo inoo daaya kuna taageere ileen bari buu tagayaaye.ninkii wax isku hayaa hasoo safto isagoo xisbi ah oo aan ahayn qurun waxaan ula jeedaa qabiil.mucaarad dadka laynaya oo amaan kooda burburinaya oo dib u dhac ku ridaya mucaarad maha waa horar iyo dad qalato loomana baahna kursi baan rabaa dadkaan laynayaa inama qabato maanta. Adeer taageer nidaamkan cusub soo diyaar garoow xisbi ku biir halkaa kasbo shacabkaaga hadaad tahay nin diin leh dad jecel dal jecel kursiga u doonaya in uu dadkiisa iyo dalkiisa hormariyo sidaas ayaan taageersanahay anoon cidna duulaan ku ahayn mu ayid iyo mucaarad danta puntland sidaas ayaan u arkaa. mar hadii reer kii guuray ninkii awrkiisa reer yada saaran waaya ee xirxiran waayaa jabadkaa looga guuraa war puntland guurtaye yaan lagaa tagin hurdoow toos xisbiga dalbo yaan lagaa taginee hurdow toos.

Yuusuf Omar

Mashruuc5@hotmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Diricnimada Kenya iyo Doqonimada Soomaalida!. W/Q Abukar Awale (qaad Diid)

$
0
0

DIRICNIMADA KENYA & DOQONIMADA SOOMAALIDA! ( Qaadka )
Abukar Awale ( qaad Diid )
abukar_aw@yahoo.co.uk
Luulyo 19 2013

Abukar AwaleTan iyo maalinkii lagu dhawaaqay in dowlada ingiriisku wadankeeda ka mamnuucday qaadka ayaa waxaa isa soo taraya guuxa iyo bulaanka kasoo teeraya beeraleyda Kenya iyo madaxda iyo masuuliyiita Kenya oo iyagu daddaal weyn igu jira sidii go,aankaas looga noqon lahaa.

Inkastoo arintaasi aanay dhici doonin qaadkuna joojsan doono billaha soo socda hadii alle idmo , ayaa waxaan qirayaa in Kenyaatigu dagaalameen oo daddaaleen inay ganacsigooda difaacdaan.waana qayb kamida diricnimada aan kenyaatiga ku tilmaamayo.

Waa sida uu qoray joornaalka daily Nation ee kasoo baxa Kenya madaxda Kenya qaarkood waxay ku doodayaan, ingiriiska maxaa kagalay caruurta cadaanka ahi qaad ma cunto, waxa qaadka cuna waa Soomaali, wadankoodana si sharci ah ayaa lagu geeyaa,kamana hadli karaan.

Hadalka hadaan sida kale u dhigana Kenyaaatigu waxay ku doodayaan xoolahan ( soomaalida ) anakay noo daaqaane ingiriisoow noodaaya aan daajinee doolarkana ka guranee.

Waxaa yaab iyo mamakaag ah , oo ah runtii , oo ah wax laga xishoodo ah, dad lagu gorgortamayo, oo Kenya leedaha iidaaya aan dilee , ingiriisna leeyahay iska daaya masaakiinta, naf kuma harine. Oo iyagii aan warkooda lahayn.inkastoo madaxda Kenya dagaal ugu jirto in go,aankii qaad joojinta laga noqdo ,ilaa iyo hada lama hayo, HAL masuul oo dowladaha Soomalida ah oo soo dhaweeyey arintaan lagu tilmaami karo guul weyn Soomaali usoo hoyatey.

Hadaba waa su,aale ma caqli xumo ayey katahay madaxdeena ? Mise cabsi ayaa jirta ? maxaase laga yeli doonaa beeraleyda qaadka Kenya ee u goonineysa qaadka Soomaaliya la geeyo ayaan sadex jibaari doonaa , marka qaadki ka istaago UK.maxaa madaxdii dowlada federaalka ku dhacay ?

Waxaa xusid mudan oo aan ku timaami karaa ( xildhibaano Xaniiyo leh ) labada xildhibaan eek ala ah, Diiriye Abdulaahi Mohamed Xildhibaan koonfurta wajeer, iyo Xildhibaan maxamed shidiye ( lagadera ) labadaas xildhibaan oo ah soomaalida Kenya ayaa si xaniiyo , karti,iyo hufnaaba leh ugu dhiiraday in ay soo dhaweeyeen qaadka laga joojiyey UK, waxay kaloo baaqooda ku dareen in Xitaa gudaha Kenya qaadka laga mamnuuco.iyagoo og in waxa dhibani ay yihiin Soomaali.

Dhanka kalena waxaan hadaan nahay bahda la dagaalanka qaadka kujirnaa heegan aan ku difaacayno weerarada warbaahinta la isu marinayo baaqyo kala duwana loo dirayo dowlada ingiriiska, dhankayaga waxaan ilaa hada soo aruurinay waraaqo ka kala socda jaaliyadaha Soomaalida ah ee UK , kuwaasoo dhambaal iyo mahadnaq u diraya wasiirada arimaha gudaha ee UK.

Waxaan ku kalsoonahay inaan difaacan karno maatayada qube joogta ah, oo aan qaad danbe loo keeni doonin, laakiinse waxaa sidoo kale laga rabaa madaxda Soomaaliyeed inay u hiiliyaan oo difaacaan Caruurta Soomaaliyeed oo Midiyaha loo soo soofeysanayo, diyaaradaha Sunta ahna loogu keenayo wadankooda. Hadii kale , aan qirano , Madaxda Kenya waa diricyo, kuwa Soomaaliduna Waa doqomo

Abukar Awale ( qaad Diid )
Godoomiyaha la dagaalanka qaadka .

https://twitter.com/Abukarawale

 

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Viewing all 410 articles
Browse latest View live