Quantcast
Channel: Opinion – RBC Radio
Viewing all 410 articles
Browse latest View live

Dood Furan: Soomaaliya Xagee bey Cadaaladi Taalaa, Yaase Dib u Heshiisiin u Baahan?

$
0
0

Nairobi (RBS Radio) Cadaalada waa eray aad u wanaagsan in lagu dhaqmaana waa ay wanaagsan tahay horumar iyo baraaraana lagu gaaraa.

Waxaa waayadaan danbe ku soo badanayey doodaha Soomaalida dhex mara.

- Madaxweyne Hebel cadaalad ma sameeyo.

- Reer hebel baa wada qaatay.

- Cadaalad laguma qeybin.

- Looma dhama iyo faraa ii taagan.

Dooda manta taalaa ayey waxa ay tahay

Soomaaliya Xagee bey Cadaaladi Taalaa, Yaase Dib u Heshiis u Baahan?

Dib u heshiin rasmi ah Soomaaliya wali kama aysan dhicin waa ay jirtaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya AUN Cabdullaahi Yuusuf iyo Raiisul Wasaarihiisii Cali Geedi ay shir dib u heshiin ahi ay Xamar ku qabteen iyada oo xamar dagaalo ba ani ka dhex socdeen wax  kasoo baxeyna maba ay jirin wax kasoo bixi karayna maba aysan muuqanin.

Hada waxaa la maqlayey in IGAD ay dib u heshiin ugu qabaneyso Kismaayo iyo Xamar is afgaranwaagana halkaas in lagu xaliyo la rajeynayo.

Dad baa qaba in xalka Soomaaliya uu ka dhow yahay sida lamoodayo, hadii xamar laftirkeeda dadka Dagan iyo dadka ka barakacay dib u heshiin rasmi ah laga dhex sameeyo hantida laka heystana si hufan la isugu celiyo uu wadanka intiisa kale ay ku dayan lahayd oo ay gacal tooyadii soo noqon laheyd.

Dad kalaa waxa ay qabaan in hanti ma guurtada maba ay guureysee in taas dib loo dhigo inta la sameynayo maxkamadihii hawshaas qaabilsanaa.

Akhristoow Horta yaa dib u heshiin u baahan?

Mida kale cadaaladi xagey ka taalaa Soomaaliya?

Muqdisho iyada oo ay Caasimadii dalka ay tahay ayaa gacanta ku haya maamulkeeda hal qoys oo kamid ah beelihii halkaas wada deganaa oo ay caasumada u aheyd.

Garoowe hal qoys oo kamid ah beelihii Puntland wada dhistay iyada oo ay tahay Caasimadii Puntland ayaa Gacanta ku haya maamulkeeda.

Hargeysa hal qoys bay Maamulkeeda Gacanta ugu jirtaa.

Waxaaba kasii daran waa ay isla wada saxan yihiin dhamaantood

Soomaaalidu xagey la dahay? in umadii ay inawada dhaaftay miyaanu u jeedin? in umadaha aduunka aan anagu ugu liidano miyeysan u muuqan Siyaasiyiintaan wada guracan?

Xassan SH isaga oo Shacabka Soomaaliya uu matalayo ayuu Safarkiisii ugu danbeeyey ee uu Jabaan ku tagay qoyskiisa ayuu wada kaxeysta, Siilaanyo safarkiisii ugu danbeeyey ee uu Mareykanka ku yimi qoyskiisa ayuu watay, Sidoo kale Faroole isana safarkiisii hada uu Austaraaliya qoyskiisa buu watey.

Ma Madaxweynayaal Qabiil baa?

Goormaa Cadaalad ay Soomaali wax ku qeybsatay?

Maxaa umada loo jahwareerinayaa?

Maxey Madaxweynayaasha isaga indha tirayaan qabyaaladaha qaawan ee hoostooda wada taala?

Maxeyse hadalada dadka kala geynaya umada ugu gudbinayaan y maxeyse ugu dagdagaayaan in dib loo noqdo?

Qabyaalada iyo Cadaalad darada miyeysan oolin meel walba?

Soo maahan in la gaaray waqtigii Siyaasiyiinta cadaalada xifiiskooda ay ka bilaabi lahaayeen?

Waqtigii Nacfiga iyo qabiilka in lakala dheereeyo soo lama gaarin?

Waa Dood Furan

Malyuun Cali
RBC Nairobi

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Boqolka halaagsamay halka ka badbaaday bilaan noqday! W/Q Axmed C/samad

$
0
0

Boqolka halaagsamay halka ka badbaaday bilaan noqday!
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Juunyo 13 2013

Dad ka dhaadhiciya inay TAHRIIBAAN oo isugu jira qandaraaslayaal iyo dhoohanayaal bilaash ku shaqeeya ayaa jira. Waxaa dabayaal kuwo dalkooda ka xarraasa oo geeya “meel daran iyo reero muskood”. Waa meel aan talo faro ugu jirin oo yeelis mooyee aysan diidmo lahayn. Dhalinyarada markii lagu hubsado gacanta kooxaha qawlaysatada ah waxay markiiba isu badalayaan MAFAACIIL halkay awal faaciliin ka ahaayeen!.

KAM YABIIC KAM YASIIR ka dib intii la furan waayo ALLE HA U NAXARIISTO, intii xorriyad ku meelgaar ah heshana in yar ka dib bay u bilaabanaysaa dib u beecintu. Ninkii guryaha xabsiga ah ee sahayda lagaga marinayo ka baxa, isla markaasna hela beesadii buufinta lagu kori lahaa isna markaas bay u bilaabanaysaa mowjadda labaad ee caddibaada iyo fursadaha halaaggu!.

Inta yar ee naf la gaarta badda gaddigeeda kale iyagana kolkaas buu u bilaaban wareeg kale oo cabiidsi ama busaarad ah ama uu dib ugu sii Tahriibaa Yurubta Talyaaniga iyo Malta ka dhadhamada roon!.

Tolow inta ka badbaada boholaas 5% ama 10% ma dhanyihiin?!. Xataa hadday 10% badbaado inta dalkii ku hartay waxaa loo soo wariyaa 10kaas ee 90-ka adduun iyo aakhiraba seegay la iskama waraysto. Waa JINNIGII khabarka samada intuu soo dhagaysto halka hadal oo uu ka soo maqlo 100ka beenood ku dari jirey, dadkuna halka runta ah kaliya qabsan jireen 100ka beenoodna iska dhagatiri jireen!.

Bukhaari iyo Muslim baa Nabiga ka wariyey inuu yiri: “Saacaddu ma dhacayso ilaa (webiga) Furaat uu ka faydmo buur dahab ah oo dadku ku diriraan, boqol kastana 99 laga dilo. Mid kastana wuxuu oranayaa: “Bilaan anigu kan badbaadaya noqday!”.

Dhalinyarada halaagga ku qamaamaysa waxaa wada hunguri la mid ah hunguriga nimanka ku dagaalamaya dahabkaas iyaga oo og in 99% aysan calfanayn laakiin ogow kuwaasi dahab loo jeedo ayay ku qamaamayeen, kuwaanise halaag loo jeedo oo xoolo la helayana aysan muuqan bay ku dhimanayaan.

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

 

==========================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Habka ugu haboon ee doorashada lamaanahaaga. Qeybtii 3aad. W/Q Sh. Axmed Dheeli

$
0
0

(qaybtii sadexaad)

Habka ugu haboon ee doorashada lamaanahaaga
Sh. Axmed Dheeli
awdheeli2000@yahoo.com
Juunyo 14  2013

Ha fududaysan doorashada

Soomaalidu waxay tiraahdaa ninku markuu guurdoon yahay wuxuu la mid yahay sidii nin mugdi kuu xaabaysanaya (qoryo guranaya waqti habeena), ninkaas habeenimada qoryaha guranaya iftiinkana aan haysan makala saari karo qoriga wanaagsan iyo ka xun waxaana dhici kara inuu naftiisa khatar galiyo oo abeeso qori moodo oo qaato kadibna ay qaniinto, hadaba saasoo kale ayuu noqonayaa ninka guurdoonka ah. waxay kaloo Soomaalidu tiraahdaa guur waa god gacanta geli godkaas oo wax ku jira aadan ogeyn laga yaabee inaad wax fiican ka heshid amaba bahal kaa qaniino.

Waxaa dhibaatada sii badinaya dhallinta in badan xiligaas ma xaqiijin karaan sifaha xunxun ee gabadhu leedahay maxaa yeelay gabadha iyo ehelkeeduba waxay ku dadaalayaan inay muujiyaan dhinaca fiican ee gabadha. Halka wiilkuna uu u hawoonayo cidkastoo hagoogan amaba wuxuu ku qancayaa muuqaalka kore ee gabadha kaliya.

Qaarkood waxay isku qanciyaan gabadha shukaanso oo la soco mudo dheer si aad u ogaato xaalkeeda saxna maahan arintaas maxaa yeelay gabadhu way ka digtoon tahay in la helo ceebteeda, khataro akhlaaqeed iyo kuwo kaleba waa imaan karaan wada socodka dheer.

Waxyaalaha qaldan waxaa kamida in la abuuro jacayl indho la,aan ah xiliga shukaansiga kaasoo labada qofba ka indha tira in ay wax iska hubiyaan kadibna markii reerka la dhiso ayaa ceebihii soo baxaan waana la kala boodaa , waqtiga ugu haboon ee ay tahay in la abuuro jacaylka waa xiliga labada qof qoys dhistaan oo waliba qof kasta xaqiiqsado wanaaga qofka kale.

Samayso qorshe cad.

Marka aad hawshaan gudo galayso samayso qorshe cad oo ku saabsan tilmaamaha marwada aad doonayso adoo ka qiyaas qaadanaya halka adiga aad ka taagan tahay bulshada waxna ku dhisaya aragtida ay gabdhuhu ka qabi karaan ninka adigoo kala ah tusaale ahaan adigoo laga yaabo inay kaa kala dhiman yihiin tilmaamaha ninka gabadhuhu wada rabaan shardi ha ka dhigan tilmaamaha gabadha gabdhaha ugu saraysa ee wax ka tanaasul hana iska hoos marin halka lagaa eegayo.maxaa yeelay shinbirba shinbirkiisa ayuu la duulaa.

Mida kale intaadan gabadha sheeko la furin u sahan tag inay leedahay tilmaamaha kuugu muhiimsan adiga oo kaashanaya cid walba ood xog ka heli karto.

Hadiiba ay dhacdo in tilmaamahaagii qaar aad kawaydo markaad sheekada furataan kadib ama markii horeba macluumaad qaldan lagu siiyey si xirfadaysan uga siibo adoon dhaawicin qalbiga gabadha.

Latashi badan samee

La tashigu waa dariiqa ugu wanaagsan ee lagu xulan karo marwada wanaagsan soomaaliduna waxay tiraahdaa (( waxaad qarsataa waa ku qarsadaan)). Hadaba yaa lagala tashanayaa? waa muhiim arrintaani maxaa yeelay waxaa dhici karta qofka kula talinayaa inuu muraad kale leeyahay waxaan xusuustaa ninbaa gabar damcay inuu guursado laakiin waxaa caqabad ku noqotay in gabadhii gabadhaas ka waynayd ay joogto si uu isaga hor wareejiyo ayuu gabadhii nin aad ugu qalqaaliyey ilaa uu ku guulaystay arinkii. Waxaa kaloo jiray in haweeney wiil ay qaraabo la ahayd oo guurdoon ahaa ay ku qalqaalisay gabar ayadoo gabadhiina culays wayn saartay oo qofba qofka kale uga dhigtay kii aduunka ugu sareeyey dadaal badana way ku bixisay ilaa ay is guursadeen laakiin gadaal waxaa ka cadaatay in haweentaas ay muraad kale lahayd oo ay maqashay ninkeeda oo hadal haya inuu doono gabadhaas saasna ay isku dhaafisay. Sidaa awgeed talooyinkaan qaado si aad talobixin wanaagsan u hesho:-

• Haku kaaftoomin hal qof taladiisa ee dhinacyo badan warayso.

• Qofka aad la tashanayso waa inuu yahay akhyaar sirta xajin kara adigana aan ku lugoonayn oo daacad kuu ah.

• Macalimiinta iyo ardada iyo dadka ay wada shaqeeyaan waa muhiim laakiin arimaha ma wada ogaan karaan sidaa awgeed waxaa kaloo muhiima dadka xogta ka haya habdhaqanka guriga.

• Dumarku way uga firfircoon yihiin ragga hawshaan sidaa awgeed taladoodu waa muhiim hadii dhagar laga nabad galo.

• Darisku waa xubinta ugu firfircoon ee gabadhaas ka warhaysa soomaaliduna waxay dhahdaa ((dariskaagu waa ilaalo aan laguu dirsan)).

• Xogta sadex qof iyo ka badan isku waafaqaan waa lagu kalsoonaan karaa.

• Haku gaabsan dhalinyarada kaliya inaad la tashato ee dadka waaweyn oo wax qaymayn kara taladoodu waa muhiim. dhallinyarada khatar baaba ka imaan karta oo way ku sii dhumin karaan! Marmarka qaarkood.

• Dadka lala tashanayo waa inay ahaadaan dad khibrad arimaha guurka u leh sidoo kale aqoon iyo ammaano leh, sida culimada, dhakhaatiirta cilmunafsiga , marwooyinka waa weyn IWM.

Gabadha iska arag

Nabigu NNKH wuxuu ku booriyey nin saxaabada RC kamida inuu iska arko gabadha wuxuuna sheegay inay keenayso in labada qof isku raagaan .

Qaab soo jiidashada iyo quruxda waa lagu kala aragti duwan yahay waxaa laga yaabaa dadkii kuusoo ilaaleeyey inay la qurxoon tahay adna quruxdaasi kuu muuqan waydo ama aysan ku cajabin.

Waxaa sii haboon inaad aragto haday kuu fududaato intiinaan heshiin oo wada hadalku socdo kana fogow inaad gabadha u muujiso inaad ku nacday muuqaalkeeda si aadan dareen ahaan ama qalbigeeda u dhaawicin.

Ayadoo ku og iyo ayadoo aan kaa warqabin labadaba waad arki kartaa hadii qasadku yahay guur.

Lasoco qaybaha danbe

Sh. Axmed Dheeli

==============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Maxaa Xoosh loo xagxaganayaa?. W/Q Mursal Geeldoon

$
0
0

Maxaa Xoosh loo xagxaganayaa?
Mursal Geeldoon
Geeldooniya@Gmail.com
Juunyo 15 2013

Cabdiraxmaan Xoosh oo hadda xildhibaan ah waxaa loo arkaa ninka aad loogu neceb yahay Buntland marka aad aqrisid websaytyada qaarkood. Sanad ka hor wuxuu ahaa Wasiirkii Dastuurka oo wuxuu siyaasad ahaan ku sidkanaa Buntland. Markii ra’iisal wasaare Cabdiweli uu xilka wareejiyay kana tagay kursigisii xildhibaannimada, Xoosh Muqdisho wuxuu ku noqday keligiis. Nin Damul-Jadiid isu dhowaayeenna ma ahayn.

Waxay isaga iyo Buntland kala xiriir furteen markii Cabdiweli Gaas uu dhaliilo u soo jeediyay hooggaanka Buntland.

Buntland way iska illowday xildhibaannadeedii oo waxay fileysay in dadka Xamar ka jooga yihiin la-haystayaal. Waa run. Ma qof aan reer Buntland ahayn baa siyaasad ka horjeedda Buntland ka fidin kara Garoowe, Qardho, Boosaaso ama magaalooyinka Buntland maamusho? Ma qof ka horjeeda goosashada ayaa midnimo u ololeyn kara isaga oo jooga Hargeysa? Haddii jawaabaha labada su’aalood yihiin ‘maya’ maxaa loogu dudayaa Xoosh?.

Weli Soomali may heshiinnin, Xildhibaannada Buntland kuna sugan Xamar waxay ku jiraan halis badan, ma aha sida kuwa jooga Garoowe iyo magaalooyinka kale ee Buntland.

Immisa reer Buntland baa la shaqeeya dowladda? Waa su’aal u taalla dadka sida indha la’aanta ah u taageera Buntland. Jawaabta booskaar (post card) ku soo dir.

=================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Blue Nile-ka, Masar (Egypt) & Ethiopia & Saameynta ay ku Yeelan Karto Soomaaliya !. Q 2. W/Q Cali Sheikh Aadam

$
0
0

Qormadii Labaad:-

Blue Nile-ka, Masar(Egypt) & Ethiopia & Saameynta ay ku Yeelan Karto Soomaaliya !
Cali Sheikh Aadam
Adam783@rocketmail.com
Juunyo 19 2013

Qormadani labaad waxaan ugu tala galney in Qof walba oo Soomaali ah ogaado Cidda Maanta Dani naga leh & waxay horey inoo qabteen Caraboo idil, Ummad walbana waa iney ogaataa Danteeda gaarka iyadoo aan la oran kan & keer meeshaana laga ilaaliyo Arrimaha Qabyaaladda waayo Qoraalkeygan waxaan ugu tala galney oo keliya in Macluumaad Muhiim ah aan wada gaarsiinno Bulshada Soomaaliyeed si ay aayahoodii uga tashadaan si Xorriyad leh….. waayo waxaan u malaynayaa inayan jirin Cid rabta Wiilkeeda inuu uga dhinto si fudud Dagaal noocuu doonaba ha ahaadee, waxaanan shaki ku jirin in Soomaalidu ku dhammaaneyso Tahriibka Badaha,Berriga & Dilalka waxshinnimada loogu geysto waddamada qaarkii kolkaa cid waliba waxaa habboon iney badbaadiso dhiigga Ummadda siiba Dhallinyarada..

Dulucda kolkaan u daadegno 1. Carab Cahdi malaha waayo kuwii iibiyey Dhulka Palestine kana iibiyey Israel waxay hoosta kaaga sheegayaan Israel iney Ummadda Muslimka oo dhammi xiriir aan lala sameysan Karin iyaguna Safaaradaha Israel wey ku wada yaalliin Waddamadooda qaarkoodna si dadban ayaa Safaaraduhu uga yaalliin kaasoo ay uga yeeraan Xafiiska Tijaardda ee Israel sida Dowladaha Qadar, Mouritania, Morocco iwm laakiin Ummadaha Islaamka siiba Afrika & Asia waxaa laga dhaadhiciyey Israel iney tahay Cadowga Islaamka welibana Gummeysaneyso Palestine & in ay xoog ku haysato Masjidka al-aqsaa taasi waa dhab laakiin Carabtii warkaa naga dhadhicineysana ay Gogol Xariir ah uga wada fidiyaan Israel Waddamadooda Xiriir Diplomacy ahna la leh kolkaa Sow maaha innagu waa noo Xalaal idinkuna waa idinku Xaaraan!

Qaahiranna waxaa ku taallaa Safaaradda ugu weyn ee Israel & weliba Masaarida 6000 lix kun ayaa lagu tilmaamaa iney ka guursadeen Gabdhaha Reer Israel innagana waxaa nalooga sheekeeyaa Islaannimo waxaana nagala dhaadhiciyey Yuhuud inaan ugu yeerno reer Israel taasina waxay la mid tahay (Khud Cilmii walaa Ta,khud Camalii) ta kale Carab Ballan malaha Ciddii ballan ka sugeysaa waa wax iyada u yaal, ta kale Qof Qof kale Ilaahay agtii uga dhow yahay ma jiro illaa Taqwada Alle mooyaane… waa in dib loo fakiraa war Diintii Culimadeenu wey taqaanaa maxaa innaga khaldan ma is weydiiney marka hore? Macluumaad kale haddii aan ku siiyo Dowladda Masar Biyaha ugu badan Ee Webiga Niil ayadaa Isticmaashaa waa Nidaam kol hore Jirey waana waqtigii Isticmaarka Ingiriiska ta kale Dowladaha Afrika wey ka Doodeen arrintaa in mar kale lagu heshiiyo Xisooyinka Biyaha lagu wada qaybsanayo Dowladaha kawada dhexeeya Webiga Niilka laakiin Dowladda Masar Gaashaanka ayey u daruurtey.. ta kale hadii Mashruucaa Tamar Dhallinta ee Ethiopia uu hirgalo Soomaaliya wax weyn bey ka heleysaa Tamartaas kolkaa waxaa imaan doonnaa wax is wada dhaafsi waayo Ethiopia lagama tirtiri karo Map-ka Geeska Afrika meel kalena looma rari karo, Dadbaa waxay oranayaan Ethiopia waa Cadowgeenna taasi waa dhab waan kugu raacsanahay laakiin haddii Ummadda Soomaaliyeed ay wada heshiiyaan Cid wax ka qaadi karto ma jirto ta kalena Xaasidnimada ma dhammaato illaa iyo Qofkii Ilaahay u raxmado mooyaane.. ta kale waa in la xusuusnaadaa in Ethiopia ku nooshahay Ummad fara badan oo Islaam ah yaanan la arag oo qura kuwan Christian-ka oo keliya ee Cadowga u ah Soomaaliya.

Ta kale waa in Qof waliba dhowraa aragtiga Shakhsiga ah lana ilaaliyaa Asluubta akhrinta Saxaafadda ee marka hore Qofku uu fahmaa Ujeedada Maqaalka Xambaarsan ta kale meeshaa laga ilaaliyaa kala qaybinta Ummadda waayo ummadda Soomaaliya iyadaa iskeeda Mushkilad u haysata yaanan la abuurin mid kale ee aan loo joogin…

Waxaana loo baahan yahay in lays baraarujiyo si Ummadda looga badbaadiyo Shirqoolada Shisheeye soo wajihi kara sida haddaba ay Dowladda Masar Qorshe ugu yeelatey DFS. Fikrad wax toosisana la siiyaa DFS ee ayan ahayn Fikrad wax dumisa!

Waxaana loo baahan yahay Qof walboo Soomaali ah inuu ka tago taariikh Qiimo leh ee lagu Xasuusto waayo Qof waliba intuu noolaan karo waa inuu ku xisaabtamaa & Taariikhda uu Ummadda Soomaalida uga tegi doonno. Waxaanna Ilaahay ka baryeynaa in Ilaahay ka badbaadiyo Soomaaliya Shirqoolada Shisheeye ee Ummadda ku abtirsata Soomaaliya uu dhib u wada keeni karo haddii aanan laga fiirsan . ogoow Caalamku inuunan garan Cid ama Beesha aad tahay wuxuuna kugu qiimeynayaa inaad tahay Soomaali oo qura! Mowduuca aan ka hadleynana ma ahan in Ummadda Soomaaliyeed aan u wada qaybinno labo qaybood Qaybna Masar ay raacdo Qaybna ay Ethiopia raacdo keliya in aan uga digno Qorshaha Masar ee ay dooneyso inay siticmaasho Soomaaliya si ay wax ugu dhinto Ethiopia, Soomaaliyana ay aayaheeda uga tashato si Xornimo leh.

Haddii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heshiis la gasho Dowladda Masar oo ka dhan ah Dowladda Ethiopia looguna Duulo Gudaha Soomaaliya waxaa ka imaan kara in Soomaaliya lagu la,do mar kalena ayan Dowlad Cagaheedii isku istaagin Ilaahaynna ma kaso…. Ta kale Dowladda Masar waa Dowlad Da, weyn isla markaana Afrika oo idil kaga horreysa dhinaca Military-ga & Khibradaha Dagaalka iyada waa iney Maamulataa la Dagaalanka Dowladda Ethiopia ee ay ka fogeysaa Soomaaliya waayo Soomaaliya wey ku daashey Dagaal. Soomaaliduna ay gogol dib u heshiisiin ah wada dhigtaan kolley laysma huro. Xaqiiqda waa inaad ogaataa Dowladda Ethiopia 65% waa Muslimiin, waana Dalkii Bilaal Ibn Rabaax, Nagashi & Luqmaan al-Xakiim oo Ilaahay uga Magac darey (Suurat Al-Luqmaan) ay ka soo jeedaan….

1. Bilaal wuxuu ahaa Mu,adankii Rasuulkeenna Muxamed SCWS

2. Nagaashina wuxuu ahaa Boqorkii Ethiopia oo Caadilka ahaa ee Rasuulkeenna Muxamed SCWS amrey in loo Tukado Salaatul Gaa,ib waana Qofkii ugu horreeyey ee loo tukado Salaatul Gaa,ib(Salaadda Janaasada Gaa,ibka)

3. Luqmaan Al-Xakiim oo ka horreeyey labadaa aan kor ku soo xusney uuna ahaa Qof Ilaahay Xikmad ku Manneystey ee welibana Suurad Quraanka ka mid ah loogu Magac darey.

Waxaanna wannaagsan Qof waliba inuu ka fiiriyo meesha wannaaga ka iman karo ee aanan nalooga dhigin Ethiopia oo idil iney Soomaali Cadow la tahay meeshaa Muslimiin Fara badan ayaa ku nool oo haddii ay wax dhacaan noo hiilin doonno Muslinnimadaa awgee

Ali Sheikh Adam
E-Mail: adam783@rocketmail.com

=================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Ninkii tolkiis la taliyey. W/Q Axmed C/samad

$
0
0

Ninkii tolkiis la taliyey
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Juunyo 22 2013

Raggu iyaga oo garaad wada leh ayay kala aragti dheeryihiin ama iyaga oo isku aragti ah ayay kala daganaansho iyo samir badanyihiin. Waxaa jira rag aan naftooda iyo dareenkooda xakamayn karin markay xanaaqaan ama damac galo, taas oo dhaafisa xaq cadaan ah iyo gar muuqata.

Markii balaayo dhacdo qabiilooyinku inta badan caqliga iyo cilmiga meel bay sii dhigtaan, mana ka fakaraan dantooda diimeed iyo dantooda adduunyo midna ee waxaa ka hormuuqda reer hebel waxyeeleeya xataa hadday iyagu ku dan seegayaan. Ciddii wax dhexmaraanba waa in weerar lagu qaaciyo, haddii far loo fidiyana waa inay shan fidiyaan laakiin qabiilka dulqaadka meel iska dhiga oo walaalihiis wax yar ugu dulqaadan waaya aakhirka in dusha laga rarto oo cadowgiisu madaxa kaga kaadsho ayuu u dulqaadan doonaa!.

Qabiilkaan 100 nin baa laga dilay. Waxay u diyaargaroobeen sidii ay tii lagu dhigay oo kale u dhigi lahaayeen. Kolkii duullaankii soo dhawaaday ayaa nin indheergarad ah oo beesha ka dhashay taliyey, wuxuuna yir: hadda boqol nin baa ina ka dhimatay. Weerarka hadda la qaadayana rag inoo ku soo kordhi maayee kuwo kale oo aynu jecelnahay ayaa inooga sii dhimanaya. Waxa aynu reer hebel ka laynana waxba inoo tari maayo mar haddii raggeenii go’ay!.

Sidaa darteed waxaan ku talinayaa in weerarka la joojiyo oo aynu nimankii ragga inaga laayey la nabadno, isla markaasna aynu mag farabadan ka qaadano, ka dibna aynu raggeena nin walba ugu yaraan labo gabdhood u guurino; si aynu dhaqso ugu tarano!.

Sidii ayaa laga aqbalay, raggii laga laayeyna nin walba 200 halaad oo mag ah bay ka qaateen, xoolihiina raggoodii ayay ugu wada guuriyeen, sidaas ayayna kaga mid noqdeen qabiilooyinka ugu tirada badan deegaankooda!.

Gabagabadii tolow soomaali samankaan rag sidaa u taliya ma laga helayaa?, tol sidaas talada wanaagsan u wada qaatana ma la heli karaa?.

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Habka ugu haboon ee doorashada lamaanahaaga. Qeybtii 4aad. W/Q Sh. Axmed Dheeli

$
0
0

Qaybta afaraad

Habka ugu habboon ee doorashada lamaanahaaga
Sh. Axmed Dheeli
awdheeli2000@yahoo.com
Juunyo 29 2013

Haku kadsoomin kor ka faantada

MAQAALKalmada ((kor ka faanto hoos ka koko)) markii iigu horaysay waxaan ka maqlay nin sheekha oo masjid ka muxaadaraynayey abaare 1999kii, waana magaca iila haboon ee loogu yeeri karo gabdhaha maqaarkooda ku gubay daawooyinka kiimikada ah ayagoo qurux raadinaya.

Xaqiiqatan quruxda iyo midabku iskuma xira sida aan qabo oo waxaa jira gabar madow oo qurux allaah ku manaystay iyo mid cas oo laga qurxoon yahay. Midabada kala duwan ee allaah adoomihiisa ugu deeqay waa aayad tusaysa jiritaankiisa sida quraankaba lagu sheegay . gabdhaha soomaaliyeedna anigu waxaan qabaa inay ka mid yihiin gabdhaha bulshooyinka caalamka ugu qurxoon.

Hadaba haku kadsoomin kor ka faanto adigoo ka eegaya dhinacyadaan :-

· Waxay ku jirtaa khatar caafimaad oo ay ka digeen in badan oo kamida dhaqaatiirtu.

· Waxay la mid tahay sida qof balwad leh oo kharashka daawooyinkaas waa joogto waana culays.

· Intooda badan waxayba kororsadaan foolxumo siyaada ah sida kuwa jirkoodu noqdo bar guduudan iyo mid cad iyo mid madow halka qaar kalena meela aan munaasib ku ahayn ay xaad iyo timo buuxiyaan sida wajiga.

· Sida sheekha aan kalmada ((kor kafaanto)) ka faaiidaystay uu ku fasiray gabdhahaas jirku waa kala midab oo inta muuqataa waa faanto(casaan) inta qarsoona waa koko(madaw).

· Uma diyaarsana gabdhahaani inay noqdaan marwo reer maamusha uma dhawaan karaan dabka sida la sheegay shaqada guriguna waa ku dhib.

· Waxay u badan yihiin dad aan isku kalsoonayn oo aan shaqsiyad lahayn, waxaa jirtay gabadh gabdhahaas kamida oo idaacad laga waraysanayey ayaa wariyihii waydiiyey maxaad faaiiday intii aad is cadaysay kadib ? waxayna ku jawaabtay ((waagii aan madoobaa markaan dariiqa marayo wiilshu ima faduulin jirin laakiin hadda aad bay ii maagaan sababtoo ah waan cajabiyey!!!)).

Degdega iska ilaali

Maadaama hawshaani muhiim tahay iska ilaali go,aanka degdeg ah oo arintaada haka dhigin waan ku arkay waan kaa helay aan is guursano, kama hadlayno amoore iyo waqti dhumis laakiin waa daruuri in wax la hubiyo waxna la daraaseeyo, waxaan xusuustaa xiligii qaxa ee 1990kii anagoo tuulo daggan ayaa waxaa galab nagu soo dagay gabar dadkii tuulada deganaa anaga kaliya ka garatay korna aan iska aqoon jiray xiligii magaalada la joogay oo markaa Bosaaso ka timid gabadhaas oo aad u qurux badnayd waanu marti galinay , 4saac oo habeenimo ayaa hurdada waxaa iga kiciyey nin ka mida dadkii tuulada deganaa reerna baadiye u daganaa wuxuu ii sheegay in gabadhii galabta nagu soo dagtay ay ku heshiiyeen inay is guursadaan wadaadna ay u tageen laakiin shuhuudii kala dhiman tahay oo cid kale la waayey oo la iga rabo inaan shuhuuda kamid noqdo ayadoo waliba gabadhu diiday in la ii sheego mawduuca hadana cid kale waa la waayey, aad baan arintii uga yaabay markaan waydiiyey inuu hore u yaqaanay wuxuu ii sheegay in galabta ugu horaysay , habeenkii waa la isu mehershay, waana wada seexdeen, subixii ayey ka codsatay lacag ay kusoo iibsato dhar iyo adeeg yaryar, dhawr neef ayuu baadiyaha ka dalbaday oo uu gaday, markay lacagtii heshay ayey baabuur hore u raacday maalintii baana ugu danbaysay.

Kadib mar aan Bosaso tagay ayaan gabadhii warkeeda raadiyey waxaana la ii sheegay in Bosaaso gudaheeda dhawr nin oo aan is ogayn ay ku guursatay kadib markii arintii fashilantayna way carartay xiligaas oo abaarihii ku aadan xiligii ay noo timid.

Ha raadin qof dhamaystiran

Hadaad raadiso qof dhamaystiran heli maysid waanad ku dib dhacaysaa, waxaan xusuustaa nin magaaladayada daganaa oo akhyaar ahaa oo guurdoon ku gaaray 50 jir oo gabdhuhu kula kaftami jireen NAAGO WAAWAYNE oo ay ka wadaan naagta uu rabo dhulkaan ma joogto, waagii danbe gabadhii uu guursaday gabadhaha qurux iyo qaymo midna ma dheerayn aragtidayda.

Tilmaamaha qaarkood waa la dhexdhexaysan karaa sida quruxda oo kale oo waad guursan kartaa gabadha ku tilmaaman ((heblo aad uma qurxoona laakiin il kanax malaha))oo micneheedu yahay heblo quruxdeedu waa dhexdhexaad hadii tilmaamaha daruuriga ah laga helo sida diinta iyo akhlaaqda wanaagsan.

Ogowna gabadha quruxda saaidka ah leh kama marna dhibaatooyin la socda oo aanan halkaan ku faahfaahinayn.

Ha u guursan gabadha dano kale

Raga qaar ayaa dumarka u guursadsa dano ka baxsan in la aasaaso qoys lagu nasto iyo ilmo, qaarkood waa kuwa soomaalidu tiraahdo RUUBAA RAQE oo gabdhaha ugu xisha arimo dhaqaale tusaale ahaan haku biisho oo kale ragaasi dan kama laha gabadha da,deeda, quruxdeeda, inay dhasho iyo in kale, cida reerka maamulaysa, dhaqanka gabadha ha xumaado ha wanaagsanaado midna, dantiisu waa inuu helo cunto, jaad, IWM. Guurkaasi inta badan fashal iyo qoomamo ayuu ku dhamaadaa waxaa intaa u dheer aragti xun oo ninkaasi kala kulmo bulshada gaar ahaan qaraabada gabadha oo aad u yasa una arka nin aan qiimo lahayn.

Qaarkood waxay ugu xishaan haku dhoofiso markay dantooda gaaraana way ku balan furaan inta badan . halka qaar ugu dhawaadaan aabeheedaa madax ah ama dhaqaale haysta oo ayana ceebteeda leh.

Si kastaba ha ahaatee waxaan kula talin lahaa inaan hawshaan lagu fududaan oo guurka danihii loo jideeyey aan la dhaafin . dhib ilama laha hadii la helo gabar sharaf leh hantina haysata inay nin akhyaar ah oo aan wax haysan guursato laakiin aysan naagnimadeedii iyo maamulkii ninka midna laga tanaasulin oo qoys la yaqaan la noqdo sidii Khadiijaba RC ayadoo maalqabeen ah ay nabiga NNKH guurka ugu soo bandhigtay , qoysas saxaabadii ahna way jireen oo sidaasoo kala ahaa sida Zaynab RC oo ahayd haweentii C/laahi binu Mascuud .

Mida kale ninkii gabar u guursada haku dhoofiso yuusan balanta uga bixin oo Allaah ha uga baqo waxaase kasii fiican inaan marka horeba hawshaas la galin.

La soco qaybaha danbe

Sh. Axmed Dheeli

==============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

DOOD FURAN: SH Xassan Daahir Aweys Sidee Laga Yeelaa?

$
0
0

SDOOD-FURAN-RBC-Radio2ida hada laga wada warhayo Sh Xassan Daahir Aweys waxa uu ku sugan yahay Magaalada Cadaado oo ay hoos timaado maamulka Ximan iyo Xeeb.

Xassan waxa uu kamid ahaan jiray ciidamadii xooga dalka Soomaaliya oo ilaa heer sarkaal ayuuna ka gaaray.

Burburkii Dowladii dhexe waxa uu hormuud ama qeyb weyn ku lahaa dagaaladii ay wadaadii akhwaanka ay ka wadeen qeybo kamid ah dalka Soomaaliya iyaga oo doonayey in talada dalka la wareegaan.

Maxkamadihii ayaa waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa ninkii aasaasay oo waxa uu gudoomiye ka ahaa golaha shuurada ee Ururka Maxkamadaha.

SH Xassan Daahir Aweys waxa uu dagaal weyn oo naf iyo maalba ay ku lumen ayuu la galay dowladii Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa AUN Ccabdullaahi Yuusuf.

Sidoo kale xiligii uu Dalka Madaxweynaha ka ahaa SH Shariif oo ay kawada tirsanaayeen urukii Maxkamadaha dagaal dad badani ay ku naf waayeen ayuu la galay.

Markii la jabiyey ciidamadii Xassan Waxa uu ku Biiray Al Shabaab Gumaadkii Al Shabaab ayuu marar badan u qiil bixiyeyay.

Ururka Al Shabaab ee uu SH Xassan kamid ahaa waxa ay dhib weyn u geysteen shacabka Soomaaliyeed qayb walba oo kamid ah.

Tan hada ugu weyn oo Soomaalida iyo wadaniyiinta xorta ah ee Soomaaliyeed ay  is weydiinayaan Xassan Sh Sida Laga Yeelayo.

Waxa ay hada u muuqataa wada hadaladii ay wada lahaayeen Dowlada iyo Xassan SH in ay burbur ayba burbureen.

Haduu diido talada Dowlada iyo tan maamulka Ximan iyo Xeeb maxey talaabada xigta ay noqon kartaa?

Dowlada ma in ay iska cafisaa?

Ma in Maxkamad la saaro wixii kasoo baxana la fuliyaa?

Miseba waaba Hogaamiye Al Shabaab oo maxkamad uma baahnee waa in laga gooyaa dhibkay dalka iyo dadka ay u geysteen?.

Maxaa laga yeelaa Xassan Daahir?.

Adigoo Caqligaaga iyo Cilmigaagag Adeegsanaya si cilmiyeysan uga dood.

Waa Dood Furan

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Muqdisho iyo muuqaalka subaxnimo!. W/Q Axmed C/samad

$
0
0

Muqdisho iyo muuqaalka subaxnimo!
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Juunyo 29 2013

MAQAALMaalintii magaalagu aad bay u camirantahay. Ciriiriga dadka iyo gaadiidka ayaadan wax badan arkayn ama dareemayn. Saaka fajarkii ka dib ayaan magaalada ku dhex lugeeyey. Ka dib biibito shacbi ah ayaan fariistay oo qaxwe kharaar ka cabbay.

Muuqaalada ugu murugada badan waxaa weeye dhismayaasha shubka ah ee laga hor dhisay hotelada iyo biraha dhaadheer ee lagu horgooyay dhismayasha muhiimka ah. Waxaa kale oo naxdin leh askarta qoryaha haysata ee waddooyinka waaweyn iyo isgoysyada fadhida. Yaa shubka iyo biraha la isaga dhigayaa, askartuse yay dadka ka waardiyeynaysaa?. Bal adba?.

Muuqaaladaas maalintii aad looma dareemayo laakiin kolkii dhulku cidla noqdo ishaada iyo dareenkaagaba si weyn bay u jiidanayaan, waxaana kugu dalanaya su’aalo is dabajoog ah.

Nolosha dadweynaha iyo hab dhaqanka oo dhan baa is badalay. Kolkii aad galaysid hotel, xafiis ama meel muhiim ah waa in lagu baaro rag ahow ama dumar ahow, yarow ama weynow!.

Kaaga darane dadku raalli bay ku yihiin baaritaankaas iyo dhibtaas; waayo indhohoda ayay wax ku arkeen. Hotelka ama goobta la ogaado in aysan baaritaan adag lahayn suuq la’aan baa ku dhacaysa; sababtoo ah cidna isku aamini mayso.

Hotelada magaalada Muqdisho waxaa laga wada dhisay masaajid ama mowlacyo; si dadka degan iyo kuwa usoo shaah iyo sheeko doonta ugu tukadaan jimcaha iyo jamaacada; dad badan baa masjidka in lagu dilo ka cabsanaya.

Berigii hore ragga waxan ku oran jirey masaajida ku tukada anaa ideiin balanqaadaya in aydnaan waqtigiia ka hor dhimanayne laakiin 2011 markaan Muqdisho imid waxaan ku qancay dadka waardiyeyaasha wata in aanay masaajida caamka ah nagaga tukan waayo waxaa ka dhalanaysa in masjidka iyo inta ku tukanaysa la wada qarciyo iyadoo ninkaas la waardiyeynayo loo jeedo!. Dabcan inta kalena niyadoodaa aakhiro lala soo saarayaa!.

Si kastaba ha ahaatee ma kula tahay dadweynaha Muqdisho degan in aysan hadda gaalo iska waardiyeyn ee ay uga daraadeen dad gaaladiiba nasiyey oo xilkii muslin laynta ahaa ka soo furtay?.

Dadkaan Ilaah bay leeyihiin, wuuna difaaci karaa ee dad buu imtixaanayaa ee Ilaahay xaqa ha inagu sugo, fitnadana ha inaga leexiyo.

Gabagabadii muuqaalka aan Muqdisho kaaga sheegay barbardhig marxalado hore oo aad ku noolayd adiga oo aan cidna ka baqayn, cidina kaa baqayn, lagu baarayn, adna aadan cid iska baarayn, isla markaasna dhismayaasha aan shub iyo biro midna lagu xirayn. Ilaahow sideedii iyo ka sii fiican noogu celi iyada iyo dalkayaga oo dhan.

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Kadeedka Kismaayo. W/Q Aadam Zaki

$
0
0

Kadeedka Kismaayo
Aadam Zaki
Aadan17@hotmail.com
Luulyo 02 2013     

waxay labada kooxood ee Colaadda hor boodaya ay isku adeeg sanayaan wiilal soomaaliyeed waa jiilkii xarumaha Wax-barashada u dareeri lahaa , waxaa maalin walba lagu xad gudbaa hooyo iyo gabar soomaaliyeed , waxay dhiigooda banaysteen qof walba oo Soomaali ah oo ku noolaan kara Kismaayo iyo dhulka ku xeeran.

Moorgan waxaa xaabo u ahaan jira mudooyinkii uu dagaalka holcinayay wiilal laga soo aruuriyay Afmadow ilaa ilinka Libooyo , waxay u dhimanayeen, dhaawac mayeen nolosha Janaraal Moorgan oo kaliya iyo inta ku xeeran , waxaa maankooda lagu kicinayay reerkiina ayaa laga xoogayaa Kismaayo ,xaqiina weeye xoog u dagaalama , midka dhaawacma waxaa lagu iloobaa xarumaha ay furtaan gafanayaasha dhiigga shacabka dhinacooda uga naaxay waa Hay’adaha Gargaarkee.

Barre Hiiraale kama liidan Seedigii Moorgan oo isaguna intaas in le’eg ayuu xaabo ka dhigtay uu ku hursado dhariga dabka u saaran ee dheecaankiisa uu muudsanayay markuu haystay Kismaayo , maantana wali waxaa u muuqda dharigii hilbaha macaanaa , waxaa heegan u ah wiilal aysan waalidkood u ducayn inay habaar qabaanna u badan tahay oo qoriga inay ninkaan u sidaan ka doortay dantooda iyo danimo ay yeeshaan , waxaa maankooda lagu shubay siday reer hebel idiinka adkaan karaan , huriya mooyaane hadal kale waa laga waayay .

Iyadoo wali colaaddii la hurinayo ayaad moodda inuu Moorgan hawl gab noqday ama laga dhigay oo mar kale Garoowe lagasoo kilkilay Janaraal Darwiish oo lagu garan ogyahay markuu ahaa Taliyaha nabad sugidda xiligii Xukunkii Xamar ee C/llaahi Yuusuf siduu xabsiyada xamar ugu xaraashi jiray dadka la’iska soo xir xirto , qaarka laga waayo madax furashana uu ugu biirin jiray ciidda xamar , Janankan ku cusub dirirta Kismaayo wuxuu dhaxlay xoogagii Moorgan ee laga soo aruurin jiray Dhoobleey ilaa Libooyo oo ay haattan ugu darsameen Jig-jiga iyo Gaarisa qaar badan oo laga soo afuufay .

Mooggaan Xukuumadda Xamar waxaad moodaa inay ku midoobeen la jirsiga Barre laakiin Booskii uu maantii Dooxada Jubba iyo SPM tii Moorgan hardamayeen ay dhariga iyo dhuxushaba uga wada helayeen xafiisyo isku dhaganaa oo xamar wada yiilay ( Xafiiskii Madaxwayne C/qaasim oo Barre Hiiraale garab siinayay iyo Xafiiskii Cali Khaliif Galayr oo Moorgan u hiilinayay ) maanta booskii Galayr waxaa u buuxiyay Faroolaha Puntland oo ruuxaantu tustay Kismaayo kuna ilboobay agoontii Garoowe iyo Boosaaso agoomaynta ilmo soomaaliyeed oo Kismaayo ku nool .

Masuuliyiinta Soomaalida waxay xoogga saarayaan danaha gaarka ah halka tan shacabka ay agtooda kaga darajaysan tahay Eber , Muqdisho , Garoowe ,Kismaayada kadeedan, ilaa Garbahaareey shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dhalintooda waxay u qaawan yihiin qabiil iyo qolo diinta qaloocisa Qarankii Soomaaliyeedna quruumo kale ayaa Qalin iyo Qori ku xalaashaday .

Aragtida Aadam Zaki

Aadan17@hotmail.com

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN  RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO  RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Afka Soomaaliga iyo Badbaadintiisa. W/Q Maxamed Cabdullaahi Maxamud (Ildab)

$
0
0

Afka Soomaaliga iyo Badbaadintiisa
Maxamed Cllaahi Maxamud
Ildab20@gmail.com
Luulyo 02 2013

maqaalWaxaa maqaalkan igu sii dhiirigashay in aan wax ka qoro anigoo markii horeba walaac badan ka qabay sida Afkeena Soomaaliga ah uu uga sii baxayo fagaarayaasha waxbarashada ee Soomaaliya gudaheeda kadib markii ay meesha ka baxeen wax alla wixii luuqad jiritaankeeda lagu ilaalin jiray. Dooda lagu qabtay dalka Maraykanka 27.6.2013 oo uu ka qayb galay qoraaga Soomaaliyeed Axmed Faarax Idaajaa ayaa waxay ahayd mid u muuqatay sidii mid qaylo dhaan ah oo kaleeto in luuqadda Afka Soomaaliga ay hayso wadadii ay ku sii baa’bi lahayd.

Waxyaalaha ugu muhiimsan ee far ama luuqad lagu ilaashaa caalamka waxaa ugu muhiimsan goobaha tacliinta oo luuqaddaasi ay ka howlgasho iyo xarumaha dowladda oo lagaga shaqeeya iyo waliba saxaafadda dadka oo lagu baahsho fartaas.

Goobaha Tacliinta

Waxaase jirta arin aad u khatar badan oo dadka Soomaaliyeed khaas ahaan kuwa goobaha tacliinta ka howlgala iyo kuwa go’aannada siyaasiga ah qaata ay inta badan ka galaan jiilasha soo koraaya ee Soomaaliyeed khalad , isla mar ahaantaasna aad moodid in aysanba ku baraarug sanayn mas’uuliyadda ka saaran sidii luuqaddan Afka Soomaaliga ah u noqon lahayd luuqad aqooneed ka howlgasha goobaha waxbarashada, xarumaha dowladda iyo waliba calaamadaha dhegan meel kasta oo qof Soomaali ah ku ganacsanayo iyo ugu yaraan in luuqadda Soomaaligu ay bar bar socoto kuwa kaleeto .

Ardayga Soomaaliga ah waxa uu xaq u leeyahay in uu marka uu waxbarasho bilaabo uu wax ku barto Afkiisa Hooyo si uu u kobciyo aqoon ahaan iyo dhaqan ahaanba luuqadda uu leeyahay dhalasho ahaan, Arintaasi waxa weeyaan marka laga eego siyaasad ahaan dhanka waxbarashada.

Waxa aad usii yaraanaysa dugsiyada asaasiga ah ee mudnaa in ardayga Soomaaliyeed ay ahayd in uu manhajkiisa waxbarasho uu ku qornaado Af-soomaali, taas oo ardayga ka caawin lahayd laba arimood. Tan kowaad in uu si sahlan ula jaanqaado nuxurka waxbarasho ee maadooyinka ku baxaya Afkiisa hooyo maadaama isaguba uu maalin walba la kulmayo caqabado cusub oo Af-soomaali ah oo micnahooda iyo waxa loo adeegsado uu u baahanyahay in uu fahmo. Tan kale waxa weeyaan qoraalka Afka Soomaaliga oo uu u howlgalinayo si joogto ah iyo waliba isaga oo ah fariin qaadihii mustaqbalka ee luuqaddan si uu sii gaarsiiyo jiilasha danbeeto ee mustaqbalka sababtoo ah aqoonyahannada Afka Soomaaliga horay wax ugu bartay waligood ma sii jiri doonaan.

Manhaj Soomaali ah

Ma dhihi karno majiro Manhaj Af-soomaali ku qoran oo diyaarsan balse waxaa jira kuwo qoran oo ay iska kaashadeen aqoon yahano Soomaaliyeed iyo UNESCO, inkastoo aysan gaarsiisnayn heerkii loogu talagalay, haddana Manhajkaas ku qoran Afka Soomaaliga inta badan Iskuulada Soomaaliya laguma dhigto sababtoo ah dadka oo laga dhaadhacsiiyay fikir khaldan oo ah in ardayga Afka Soomaaliga wax ku barta uusan la aqoon ahayn kan wax ku barta afafka kaleeto ee ajnabiga ah balse waa been fikatay runi ma gaarto. Dhinac kaleetana waxay arintaasi dhaawac ku noqonaysaa in aynaan ilaashan karin luuqaddeenii Afka Soomaaliga oo goobaha waxbrashadu ay ka mid yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhaqanka iyo luuqadda lagu ilaasho si aysan u dabar go’in amase loo cash-cashayn.

Sidoo kale waxaa la aaminay in Manhajka Afka Soomaaliga ku qoran ee haatan qaybiso UNESCO iyadoo soo marinaysa wasaaradaha tacliinta ee ka dhisan maamullada Soomaaliya ka jira in loogu tala galay oo kali ah ardayda Soomaaliyeed ee Barakacayaasha ah iyo Iskuulada Unicef kaalmayso ee ardayda danyarta ahi dhigtaan. Taasina waa arin khaldan oo aad moodid in lagu wiiqayo wixii aynu lahayn , wax aynaan lahayna lagu dhiirigalinayno.

Isla jaanqaadid

Marka aan qoraalkaygan awoodda ku saarayo in luuqadda Af-soomaaliga wax lagu baro ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada asaasiga ah maaha taas micnaheedu in aynu soo saarno ardo damman ka ah luuqadaha maanta lama huraanka u ah horumarka tacliimeed sida Englishka iyo Caribiga ee waxa weeyaan muhimaddu in la ilaasho qiyamka iyo dhaqanka luuqadeed ee ardayga Soomaaliyeed xaqqa u leeyahay sida waddamada caalamka oo kaleeto.

Sidoo kale waxaa taas barbar soconaysa in siyaasad ahaan ardayga Soomaaliyeed ogyahay Carabigu in uu yahay luuqaddiisii labaad marka laga eego Diin ahaan iyo Juqraafi ahaanba sababtoo ah ardayga Soomaaliyeed labadaas arimood ee aan kar ku soo xusay (Diinta iyo Juqraafiyadda) ugama maarmi karayo carabi la’aan cid kastoo arintaas dagaal hoose ku haysa, qorshe qarsoona ka leh.

Afka Ingriiska barashadiisu waa muhim marka laga eego caalamka maanta aynu ku nool nahay waayo waa luuqad gacanta ku dhigtay dhammaan kaabayaashii wax lagu kala socodsiinayay dunidan maanta aynu ku nool nahay; waxaa ku daabacan aqoontii, waxaa wax lagaga bartaa jaamicaadka intiisa badan, waxaa isku fahma labo kala dub iyo diir ah, waxaa xittaa marka u danbaysa markii loo kala turjumo afka isku soo dhaweeya madaxda adduunka iyagoo siyaasad ahaan ku kala tagsanaa luuqaddan iyo ku hadalkeeda. Sidaas daraadeed barashada Luuqaddani waa in ay bar bar socotaa waxbarashada sare ee aan laga dhigin mid ilmaha lagu ababsho isagoo aan aqoon tiisii hooyo sida loo qoro ama loogu hadlo.

Dhaqan galin

Sida arintaas loo dhaqan galin karaa maaha wax adag oo u baahan dadaal iyo dhaqaalo ballaaran marka laga eego dhinac. Haddaba waxaa waddanka ka furan Iskuulo tiro badan oo Manhajkoodu ku qoranyahay afaf kaleeto oo aan Soomaali ahayn oo ilmaha Soomaaliyeed wax laga baro iyadoo dad iskood isku xilsaaray ay waqti iyo dhaqaale badan gasheen.

Waxa ugu muhiimsan ee aan isleeyahay arinkaasi waa fududayn karaan in ilmaha Soomaaliyeed ugu yaraan waxbarashadooda asaasiga ah iyo midda dhexaba in Af-soomaali lagu siiyo, luuqaddiina lagu ilaalin karaa waxa weeyaan:

  • In marka horeeto dadka fagaarayaasha tacliinta hormuudka ka ah ay fahmaan waajibaadka akhlaaqiga ah ee ka saaran Luuqaddooda hooyo sidii wax loogu bari lahaa da’yarta Soomaaliyeed.
  • In maamullada waddanka ka jira iyo dowladda dhexeba ay soo saaraan siyaasad qeexan oo ku wajahan sidii luuqaddan Soomaaliyeed loo ilaalin lahaa, waxbarashada asaasiga ah iyo midda dhexena ay uga muuqan lahayd Af-soomaaligu.
  • In dhiirigalin tacliimeed loo sameeyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ku qora, waxna ku daabaca Afka Soomaaliga halkii Ingiriiska
  • In ugu yaraan la qaado olole baahsan oo waxbarasha asaasiga ah iskuulada waddanka oo dhan Af-soomaali lagaga hirgalinayo, iyadoo aan la ilaawayn in luuqad ahaan loo baran karo Afafka maantay saldhiga u noqday waxbarashadeena, laguna daro maadooyinka tacliinta ka maaddo ahaan.
  • In luuqadda Soomaaliga lagu socodsiiyo dhammaan xarumaha shaqo ee gudaha waddanka sida Isdhaafsiga ganacsiga, xafiisyada dowladda, kuwa hay’adaha maxalliga ah, saxaafadda, kulamo cilmiyeedka iyo wax qabad kasta oo dad Soomaaliyeed ku lug leeyihiin.
  • Iyo ugu danbayn in la horumarsho, korna loo qaado manhajka waxbarasho ee ku qoran Afka Soomaaliga, lagana dhigo mid tayaysan oo la saan qaadi kara waxbarashada caalamka sida kii ugu danbeeyay oo Soomaaliya lahayd markii ay dhacday dowladdii Militariga ahayd 1991.

 

Maxamed Cllaahi Maxamud

Ildab20@gmail.com

=======================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Caddaaladdiiyoo ceebo loo doonay. W/Q Cabdiraxmaan Xassan Yuusuf

$
0
0

Caddaaladdiiyoo ceebo loo doonay
Cabdiraxmaan Xassan Yuusuf
dr.abdirahmandiiko@gmail.com
Luulyo 05 2013

MAQAALQof kastaa ma dhammaystirna, laakiin waxaa qofka lagu qiimeeyaa markala isbarbar dhigo wax qabadkiisa iyo wax qabad la’aantiisa, labadaas waxyaalood tii kor martaana loogu magac daraa.

Bal haddaba aynu eego qayb ka mida wax qabadkii halkii sanoo lasoo dhaafay uu qabtay Madaxwaynaha Masar Maxammed Mursi ee sida dahsoon hadda loo Inqilaabay:

1) Badanaa madaxda adduunka lacag lunsasho iyo Xoolo ku xadgudbid baa lagu eedeeyaa, laakiin Mursi Guri kiro ah, oo xaafad Shacab ku yaalluu madaxtooyada ka daganaa, Dalxiiska xaafaddiisana Mushaarkiisuu ka bixin jiray.

2) Wuxuu daymo ka cafiyay 41Kun oo beeraleey ah, lacag gaadhaysa 15,505,000$, si wax soosaarka dalka kor loogu qaado.

3) wuxuu diiday in la daabaco, lana qaybiyo sawirkiisa, taasina waxay masar u baajisay lacag gaadhaysa 71,123,755$ sanadkuu xilka hayay, asagoo sidoo kale diiday in sawirkiisa lagu dhajiyo dhismayaasha Hay’adaha Dawliga ah.

4) 17Kun oo shaqaalaha dawladda ah ayuu u sameeyay Health Insurance.

5) wuxuu diiday in waddooyinka la xidho, markuu marayo, asagoo Ilaalinaya waqtiga shacabkiisa.

5) 10, 242Kun oo Dollar ayuu suuq ugu dhisay ganacsatada giririflaysa ( kuwa aan fadhin ee magaalada la wareega bagaashka), asagoo faaruqiyay, nadiifiyayna fagaarayaashii bannaan baxyadu ka dhacayeen.

6) Wuxuu go’aamiyay in 26 Malyan oo M^2(mitre square) oo dhul dawladeed ah, ay maal gashtaan shirkadaha dalka laga leeyahay.

7) Wuxuu soo fasaxay 700 qof oo maxbuusiin xabsiyada sacuudiga ku xirnayd ah.

Waxyaabaha u waynoo ay mucaaradka masar ku dhalleeceeyaan Mursi waxaa ka mida in uu sicir barar ku riday dalka, inuu xisbigiisa jagooyinkii ku taxay.

Haddaan midmid u kala qaadno, tan horoo sicir bararka ah, waa run waa jiraa sicir barar, laakiin sicir bararka dalka masar wuxuu salka ku hayaa kacdoonkii 25 january, oo Bangiga dhexoo masar wuxuu ku qiyaasay Dhaqaalihii masar ka burburay intuu kacdoonku socday 2.2 Billion $, si hal sano looga soo kabtaana way adagtahay dhaqaalaha intaa le’eg.

Tan kaloo ah in uu Xisbigiisii jagooyinkiiyoo dhan ku taxay, buunbuunin baan u arkaa, hadday jirtana, waa wax habboon in madaxwaynuhu cidduu fahmi karo, oo siyaasaddiisa la hormarin karta uu jagooyin u dhiibo, asagoon iska indha tirayn ururada kaloo dalka ka jira.

W/Q: Cabdiraxmaan Xassan Yuusuf

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1dii Luulyo: Dagaal iyo dabbaal deg!. W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

1dii Luulyo: Dagaal iyo dabbaal deg! 
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Luulyo 06 2013

MAQAALIlaa iyo intii maamulka Jubabaland la baxay la bilaabay dhismihiisa magaalada Kismaayo oo ah meeshii lagu yagleeliyay maamulkaas waxaa ka aloosnaa colaad iyo fidnor ay dowladda federal-ka ka dambaysay oo saameeyay magaaladaas iyo deegaannada ka tirsan, waxaana ka dhacay dagaalo run ahaantii ka dhashay siyaasada guracan ee madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud iyo ra’iisal wazaare Cabdi Faarax SHir-doon (Saacid).

Labada mas’uul run ahaan waxaa la oran karaa dhibaatad iyo burburka dhacay iyaga iyo Barre Hiiraale ayaa dano-wadaag ku ahaa, waxaana ceeb weyn iyo af-lagaado ku ah dhammaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Jubbaland in madax-weyne Xasan SHiikh iyo Saacid oo ah ragga hadda dib u soo noleynaya colaadihii lays lahaa waa laga soo doogsanayaa ay isaga dhigaan niman ka xun dhibaatada Soo gaartay oo ay uga tacsiyeeyaan.

Waxaa dowladda gef ku ah in dad-weynaha jubooyinka ay ul dagaalanto sidii ay yihin dad dulaan ku yimid dalka, madax-weynah malaha wuxuu u qaatay hadii madax-weyne uu yahay inuu qof kasta ka muwaadhisanyahay, sida uu ula hadlayo fariimaha wada go’aanka ah iyo hanjabaadaha uu u jeedinayo, waxadna arkaysaa in madax-weynuhu in badan xaqiiqda ka durkayo marka uu ka hadlayao arimaha Jubbo land, siiba marka dagaal dhaco waxaa kuu soo baxaya qaybta iyo kaalinta ay dagaalkaas ku leeyihiin isaga Saacid, waxaana si fudud indhahaaga u qabanayaan inlabada mas’uul ay ka mid yihiin dhinacyada dagaalamaya.

‘Ciidammada Kenya waxaan ugu baaqaynaa inay dhexdhexaad ka noqdaan dagaalada ka socda Kismaayo!’

La yaab ma lahayn in madax-weynuhu siyaasad ahaan ka hor yimaado dhismaha maamul goboleedka Jubbaland waliba iyadoo qaynuun ahaan uu dhismaha maamulka iyo qaabka uu ku yimid ay aasaasayaasha maamulka ku doodayaan in xuquuq dastuuri ah uu ku salaysanyahay dhismaha maamulka, laakiin waxaa la yaab ahayd waliba shrci ahaanshaha madax-weynaha Xasan SHiikh weydiin gelin karta in nin ka mid ahaa qabqable ah (waa Col. Barre Hiiraale ) inta uu ciidamo ku soo daro oo soo lacageeyo uu yiraahdo dagaalo ka rida magaalada si aan maamul u soo bixin!

Wax kasta waxaa kaaga daran Barlamanka sax iyo khalad aan midna xukuumadda u sheegi karin , maalin kastana shirsan, Golaha shacabkase waa ku fikir noqon karaa madax-weynaha iyo xukuumadda, hasa yeeshee kagama aamusi karaan waxa ay hadda Kismaayo shacabkeeda ku sameeyeen oo kale, waa wax laga xumaada!

Mise aragtay madax-weynaha laba oraah oo uu ku hadlayo macnaha ay leeyihiin!…waxaa laga yaabaa inaad is leedahay ninkaan muxuu ka cadayn karaa in dowladda ay iyada dagaalkan ka dambaysay? Bal adigu qeex erayadan madax-weynaha Xasan SHiikh Max’ud intii ay dagaaladaas socdeen wuxuu ku celcelinaayay laba baaq oo dhab ahaantii cadayn weyn u ah rajada uu qabay inay ahayd in ninkaan uu soo diray ee Barre Hiiraale burburin doono maamulka Jubba land, wuxuu isticmaaliyay weedhahan : Waxaa dhinacyada dagaalamaya ugu baaqaynaa inay dhaqso u joojiyaan dagaalada!.. laakiin weedhaas inaysan madax-weynaha ka dhab ahayn waxaa ku tusaya weedhiisa kale ee ahayd :waxaan ciidammada Kenya ka codsanaynaa inay arrimaha (dagaalada) halkaas ka socda dhexdhexaad ka ahaadaan! halkii ay ahayd inuu yiraahdo”waxaan ciidammada Kenya ka codsanaynaa inay kala dhex galaan dhinacyada dagaalamaya, waxaana la moodaa in madax-weynaha uu ka cabsanayay in ciidamada AMISOM ee Kenya ay hor joogsadaan guul uu rajo ka qabay ciidamadiisa uu Barre Hiiraale hoggaminayay ay gaaraan!…….tan kale marka aad fiirso baaqa madax-weynaha wuxuu ku beegnaa markii uu xaqiiqsaday in laga itaal roonaaday ciidamdii uu ka dhur-sugayay.

‘ Dabaal degga 1da Luulyo: hal dhagax labo shimbir ku dil!’

AfkaMarka aad fiiriso qiyaasta dadka sida uu u kala fogeeyay madax-weyne Xasan SHiikh Max’uud muddadii gaabnayd ee uu xafiiska ku soo booday waxaad arkaysaa in uu burburiyay dhammaan wixii xiriir ahaa ee ka dhexeeyay dadka Soomaaliyeed hadday ahaan lahayd xag dhaqaale, siyaasad, iyo bulshnimo, run ahaantii waxaa la dhihi karaa Madax-weyne SHiikh SHariif Axmed xilligiisii aad bay u soo xoogeysanaayeen xiriirada guud ahaan dadka Soomaaliyeed, waxaana muuqatay saansaan xagga is fahamka ah.

Laga soo bilaabo tan iyo markii la doortay madax-weyne Cabdi-qaasim Salaad Xasan (sanadkii 2000) heerkii ugu xumaa kala fogeynta dadka gaarto waxay dhacday muddada gaaban ee uu joogo madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud walina waxaa muuqata in siyaasaddiisa ku aaddan arrintaas ay dar-dar ku socoto.

SHaki kuma jiro in dad badan oo xil-kas ah ay is weydiin karaan sababta ay dowladda ugu dabaal degaysay munaasibadii 1da Luulyo xilli dad kor u dhaafay laba boqol iyo todobaatan qof ay ku dhintteen dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo isla markaasna ay ku dhaawacmeen dad intaas ka badan sidaasoo kalana ay hanti badan oo isugu jirta nool iyo moodba ay ku luntay.

Waxaase jira warar sheegaya in dowladdu ay ku talo gashay inay mar wada qabato xaflad balaaran oo ah tan dadka loo sheegay ee 1da luulyo iyo mid aan dadka loo sheegin oo ahayd sida dowladdu filaysay in maamulka Jubboland dagaalada looga adkaado, labo dabbaal deg laakiin hal isku ah! waxaanu qorshahu ahaa sida ay madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud, ra’iisal wazaare Cabdi SHir-doon, waziirka arrimaha gudaha Cabdi-Kariim Xuseen Guuleed, waziirka gaashaan-dhigga Cabdi-Xakiim Fiqi oo runtii ay haboonaan lahayd in wakiillada shacabka ay weydiin tuhummada la xiriir sababihii socdaalkiisii Kimaayo, waayo waxyaabaha lagu eedaynayo ayaa waxaa ka mid ah inuu lacago qaybiyay si uu isaor keeno isagoo beelo u kala saaraya dadka wada dega Jubooyink, iyo Col. Barre Hiiraale ay ku balnsanaayeen in dagaaladii bilowday 28kii bishii juun maamulka Jubbaland looga qabsado Kimaayo mar keliyana loo wada damaashaado guushaas iyo maalinta gobanimmada!……

Waa nasiib darro! Waxa dhacay iyo haddii ay dhab tahay in madaxdii dalku sidaas u fekerayaan waa qayb ka mid ah ayaan darrada muddo dalka soo haysatay, waana quus weyn iyo rajo xumo, eedaha ciidmmada Kenya ee jooga Kismaayo loo jeedinaayana waxba macno weyn ma samayniyaan, run ahaanna sida aan ka soo xiganay goob joogayaal reer Kismaayo ah ciidammada Kenya dagaalkaas kama qayb qaadan hasa yeeshee hadalka dowladda ka soo yeeray ayaa loo qaadan karaa raad gadasho aan xil-kasnimo cuskanayn, waxaana dowladda looga baahanayahay inay cadayso lug intee la eg bay ku lahayd dagaalladaii ka dhacay magaalada Kismaayo?!

‘Kismaayo, dagaalo hor leh baa soo muuqda!’

BarrehHaddii aad u dhabo gasho siyaasadda dowladda ee ku wajahan Jubbaland waxaa kuu muuqanay fikrado iyo dabeecado badan oo aad ugu eg ama u shabaha kuwii qabqablayaashii dagaalka ee dalka burburiyay, waxaa hadda ka socda xafiiska madaxtooyada Muqdisho dacwooyin iyo eedo loo haysto ciidammada Kenya si Midowga Afrika (African Union-ka) looga dhaadhiciyo in ciidammada Kenya laga saaro Kismaayo! Oo taas haday dhacdo maxaa qorshaha dowladdu yahay?! Ma waxay doonaysaa in ciidammada AMISOM ee ay iyadu u taqaan saaxiibadeed Soomalida uga sokeeya inay keento Kismaayo? Ma waxay doonaysaa inay isku hubayso beelaha magaalada deggan si ay ugu burburiso maamulka Jubbo-land? Mise iyadaa rabta inay xoog ku soo gasho?! Waxaa arrin cad ah AMISOM sababta ay dalka u joogto xataa dowladdena inaysan garan!

Qorshaha dowladda ma aha mid u baahan in la qeexo waxayna ka muuqataa sida madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud iyo ragga uu daadihinayo ula dhaqmeen dhaawacyadii dagaalladii ka dhacay Kismaayo, laakiin tani waxay cadayn kale oo buuxdo u tahay kaalinta ay dowladda kaga jirtay dagaalkaas iyo colaadihii ay dadka faraha badan ku naf waayeen, waxaana khalad weyn ahayd markii ay dowladda sidaas u dhaqantay in maamulka Jubbalan uu taas ka yeelay oo waxaa ka haboonayd in maamulka Jubba-land culayska daaweynta dhaawacyada labada dhinac ay dusha u ritaan, waase is-weydiinee xukuumadda ama golaha wakiillada shacabka, qaynuun ahaan maxay ku sababayniyaan godobtaas?!

Xafiiska madaxtooyada ayaa hadda hadal haya dagaal rogaal celin ah iyadoo rajadu ay tahay in mar kale la hawl geliyo Barre Hiiraale, talooyinka siyaasadeed ee dowladdu ku wajahayso Jubbooyinka ayaad moodaa inta badan in diirradda lagu saarayo rabitaanka madax-weynaha uu ku raadinaayo inuu awood ku maquuniyo gobollada si uu isaga maamulo ugu magacaabo, muranka arrintan ayaa sida laga war qabo gobolo badan ay cabasho ka muujiyeen waana hubaal in haddii uusan xafiiska madax-weynuhu la imaan fiiro dheer ay ku soo dhammaanayaan sida Jubbaland dagaalo iyo in kolba uu madax-weynaha lacag u sii dhiibo Fiqi!….

Xasan SHiikh Max’ud, aad buu u nasaiib badanayahay, labada gole ee dowladda (Waziirrada iyo Xil-dhibaannada) malaha waa waxa uu helay noocyada dadkii uu is oran lahaa way ku haboonyihiin inay kula shaqeeyaan ayaa hadana waxaa ku adkaaday siiqadii iyo marinkii uu af-garad ula yeelan lahaa dadka ulana qabsan lahaa is-bedelka ku dhacay nidaamkii siyaasadeed ee dalka, wuxuuna aad ugu wareeray in isagoo shakhsi ka ah oo doonayo inuu qasab ku minjo xaabiyo waxay ummadda ku soo heshiisay.

Maamulka Jubbo-land ayaa lagu dhaliili karaa jileec iyo habacsanaan aad u baahsan marka la eego dhibaatada dhacday inta soo jiitamaysay iyo heerka ay gaarsiisantahay wax-yeellada dad-weynaha soo gaartay, waxayna ahayd maadaama ay gacanta ku hayeen magaalada inay mas’uuliyad buuxda qaataan oo aysan yeelin in dagaal oogayaasha iyo maleeshiyaadka hubaysan ee aan maamulka hoos imaan ay hub ku haystaan magaalada gudaheeda, waxaana digniin kama dambaysa ah in deegaan kasta oo dalka ka mid ah aqoonsado cadowga keliya ee ay leeyihiin inuu yahay qof kasta oo handdadaad ku haya amaanka deegaankooda.

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

———————-

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Habka ugu habboon ee doorashada lamaanahaaga. Qaybta 5aad. W/Q SH Axmed Dheeli

$
0
0

Qaybta shanaad

Habka ugu habboon ee doorashada lamaanahaaga
SH Axmed Dheeli
awdheeli2000@yahoo.com
Luulyo 07 2013

Ha ka guursan facebook iyo MSN IWM

maqaalIn la iska barto baraha bulshadu ku xiriirto sida facebook-ga iyo paltalk-ka dhib ilama leh laakiin waxaa wax lala yaabo ah in dhalinta qaar uga wada hadlaan arimo guur qof uusan si kale u aqoon, waxaana dhibaatada ka dhalata nooga filan sheekooyinka maalin walba ay la kulmaan dhalintaas oo websiteyada aan ka akhrino .

Mararka qaarkood rag baa iska dhiga dumar ayagoo shaxaad doon ah, mararka qaarkoodna gabdhaa rag ku shukaansada sawiro aysan lahayn. sanadkii 2012kii waxaan garteeda wax ka galay koox rag iyo dumar isu jirta oo nin qurba joogta kamida u heshiiyey dhaqaalo badana ka burbursatay , ninkaasi reer uu yaqaan buu nin uu qaraabo la yahay gabar uga dirsaday ninkiina reerkiiba ma aadine kooxdaan burcada ah ayuu isku dubaritay oo ka kooban ninkii iyo labo dumar ah.

Gabadhi waxay jilaysaa sodohdii mid kalena gabadhii uu rabay ayey iska dhigaysaa ninkiina waa xiriiriye bil walbana qorshe dhaqaale lagu cuno ayey soo alifaan, markii ugu horaysana waxaa loo soo diray sawir gabar uu aad ula dhacay oo been abuura maxaa yeelay gabdha uu doonayo muusan aqoon oo ayadoon dhalan buu wadanka ka haajiray. Inkabadan labo sano ayuuna biilayey halka jirooyinka, isbitaalada, tigidyada, shoobinka intuba u dheeraayeen.

Ha is dhibaatayn adoon diyaar ahayn

Waxaa dhacda dhalintu ayagoo aan diyaar u ahayn guur duruuftooduna aysan saamaxayn ama ardayba ah inay badsadaan shukaansiga iyo xiriirka dumarka, habeenkii oo dhan uu kusoo jeedo message mobaylka la isugu diro oo caloosha la iska soo rido ama baraha bulshadu ku xiriito ilaa hadaladaas macmacaan ay wiilka shahwadii ku kiciyaan, xiligaasna waxyar baaba kicin kara shahawada ninka dhalinta yar halkaasna ay ka timaado dhibaatooyin waawayn oo lagaba yaabo inay mustaqbalkiisa aakhiro iyo aduunba burburiyaan tusaale ahaan:-

· Qaarkood waxay is yiraahdaa mushkiladaan ku xali guur qarsoodi ah oon shuruudihii u dhamaystirayn dhibaatooyin kalana la imaan kara.

· Qaarkood waxay ku dhacaan sino iyo faaxisho mustaqbalkiisa burburisa aduun iyo aakhiroba ogaadana hadba qofku shahwada wuxuu ku bilaabo way ku adkaataa inuu ka haro.

· Qaar kalena waxay isku qanciyaan inay daawadaan filimo xunxun oo akhlaaqdooda iyo diintoodaba burburiya amaba siigaysi iyo waxyaalo kasii xunxun.

· Qaarka intaasba ka badbaada kama badbaadi karaan inay ku noolaadaan cuqdad nafsi , feker, welwel iyo isla hadal la xariira sidii shahwadaas uu isku kiciyey ku xalin lahaa.

Hadaba waxaan ku talin lahaa halaga fogaado xiriirka gabdhaha iyo haasawahooda inta laga gaarayo xiliga aad diyaarka u noqonayso inaad guursato mida kale iska ilaali firaaqada oo waqtigaaga oo dhan ku buuxi wax ku anfaca sida waxbarasho, shaqo, jimicsi, caawinta ehelka IWM.

Gabari waa mida gurigooda joogta

Inkastoo duruufta maanta umada soomaaliyeed ku jirtaa ay khasabtay in gabdho badan qoysaskoodii ka tagaan hadana qodobkaani waa aasaasi marka laga hadlayo yaa fiican gabadha la nool qoyskoodii oon waligeed meela uga bixin iyo mida ka baxday.

Waxaase sii kala fiican mida markay qoyskoodii kasoo tagtay sabab kastaa ha keentee la midowday qoys kale oo qaraaba ah oo halkaa ku xafidan iyo mida kaligeed nool.

Waxaa dhibaataas aad u dareemi kara ood faahfaahin dheeri ah ka heli kartaan raga maray tahriibka oo la safray gabadhahaas wadadaas adag kaligood maray . micnuhu maahan in gabar kasta oo reerkoodii kasoo tagtay ay tahay gabar xun ee waxaa weeye in baaritaan iyo iska eegid ka badan mida gurigooda joogta ay u baahan tahay.

Waxaa isoo martay in wiil aan ehel nahay soo ilaalaystay gabar ka shaqaysa meel cuntada laga cuno oo halkaana gabar kale la shaqaysata halka qoyskooduna deganaa meel tuulo ah oo fog gabadhaas oo ahayd mid aad u qurux badan ayuu ii sheegay inay guur ku heshiiyeen . Wiilkaas oo ganacsade ahaa horayna aan u guursan haystayna fursado uu wax ku kala dooran karo, hadana waa naga talo diiday inuu raadsado gabar gurigooda joogta ugu danbayna labo sano kadib guurkaas fashal buu ku dhamaaday asagoo waliba aad isu adkeeyey oo islahaa yaan lagu dhihin shaluu naga talo diiday.

La soco qaybaha danbe

———————-

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Guusha Soomaalida UK & Gunuunuca Dowladda Kenya. W/Q Abukar Awale (Qaad-Diid)

$
0
0

GUUSHA SOOMAALIDA UK & GUNUUNUCA DOWLADA KENYA .
Abukar Awale (Qaad-Diid)
abukar_aw@yahoo.co.uk
Luulyo 07 2013

Guusha Soomaalida UK & Gunuunuca Dowladda KenyaWaa ilaahey mahadiise waxaa guul laga gaaray halgankii dheeraa ee muddada 8da sanaa qaatay kasoo looga soo horjeeday sharciga qaadka wadanka UK , kadib markii 3/7/2013ka ay wasiirka arimaha guduhu ku dhawaaqday in qaadkii gebi ahaanba laga mamnuucay wadanka ingiriiska.

Halmar ayaa warkaasu wuxuu gilgilay idaacadaha iyo websideyada soomaalida iyo kuwa kale ee aduunka , waxaa sidoo kale weli magaalada London ka soconaya ALLE bari iyo in xaflado lagu soo dhaweeynayo go,aanka kasoo baxay Teressa May wasiika arimaha gudaha.

Shaqsi ahaan waxay ii ahayd maalinkaasi maalin weyn oo aanan dareenkeeda qoraal lagu soo koobi Karin, waxaan oran karaa waxaan kufo oo dhacaba , waxaan kalahoon jarmaado, iyadoo weliba ay jiraan dad diidanaa in arintaasi suuro gasho ayaa waxaan halkayaga ka ilaaliyey inaan quusto, waana tii soomaalidu tiri wixii rag ukaco rabina aqbalo waa rumoobaan,’ HANTAY HIMALADAYDII ‘ilaahbaa mahadlehe.

Dhanka kalena waxaa dowlada ingiriiska soo gaaraya dhawaaq iyo qeylo dhaan kasoo yeeraya wadanka Kenya ,oo ku dhawaaqaya in laga noqdo go’aankaas ay ku tilmaameen mid hoos udhac weyn ku keenaya dhaqaalaha wadanka Kenya..

Arintaas waxaan u aragnaa nacasnimo iyo iska hadal dhicina mayso in go.aankaas laga noqdo marna, waxay kaloo beeraleyda Kenya ku goodinayaa in marka go,aankani dhaqan galo ay qaadka ku siyaadin doonaanSoomaaliya kana dhigi doonaan 3 jibaar qaadka soomaaliya la geeyo, taasna waxaa laga rabaa in madaxda soomaaliyeed ay difaacaan weerarka cirka ah ee diyaaradaha qaadka sida ee wadanka Kenya ku soo qaadayaan inay dhibaateeyaan caruurta Soomaaliyeed, inay ka oohiyaan hooyooyinka Soomaaliyeed, inay gurtaan dhaqaalaha wadanka, Sunta cagaarana ku dumiyaan maskaxda dhalinyarada.

Waxaan ugu baaqaynaa madaxda iyo masuuliyiinta soomaaliyeed in ay isku meel looga soo wada jeesto, qaadka oo aan ku tilmaamay ( GUMEYSIGA CASRIGA AH ) kasoo lagu guranayo maaliyadii Soomaalida, laguna duminayo maskaxda dhalinyarada.

Abukar Awale (Qaad-Diid)
Gud La dagaalanka Qaadka
Fallow on Twetter @ Abukar Awale
===========================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Xasan Sh.Maxamuud oo Noqday Ratigii Heeryadiisa Dib u Cunay!!!. W/Q Maxamed A.Ibraahim (haaji)

$
0
0

Xasan Sh.Maxamuud oo Noqday Ratigii Heeryadiisa Dib u Cunay!!!
Maxamed A.Ibraahim (haaji)
haaji252@gmail.com
Luulyo 08 2013

MAQAALSanadkii tagay waxaa soomaaliya ka dhacay isbadalo siyaasadeed oo soomalidu aad ugu rajo waynayd in badana la sugayey in laga baxo kumeel gaarka loona gudbo dowlad rasmi ah waxaa kaloo guul ahayd waxay ahayd sanadkii ugu horeeyey oo wadanka soomaliya gudihiisa lagu qabto shirar siyaasadeed oo looga baxayo dhibaatadii dhacday labaatan iyo labadii sano ee lasoo dhaafay shirarkaas oo ay ka mid ahaayen Garowe one iyo two iyo galkacyo iyo kuwii xamar.

Mahadi haka gaartee waxaa arintaas dadaal dheer ku bixiyey madaxdii waqtigaas wadanka qaybihiisa kala duwan ka ariminaysay sida Madaxwayne Dr.C/raxmaan faroole ,Madaxwayne shariif sh.axmed ,Raysal wasaare C/wali maxamed cali gaas iyo madax kale,waxaana la ilaawi Karin in madaxdaas ay kasoo baxeen kaalintoodii taariikhda soomaliyana ay ka galeen baal dahab ah.

Nasiib Daro Maxaa Dhacay ?

Waxaa la doortay xasan sh.maxamuud iyo jawaari oo labaduba ku cusbaa siyaasada wadanka waxaana loo muujiyey taageero lixaadleh dal iyo dibadba, shacabka waxuu islahaa sanadkaan waa sanadkii soomalidu dhibta ka bixi lahayd sheekaduse, waxay noqotay ka daroo dibi dhal iyo halkii laga soo tagay 1991 iyo dagaal sokeeye oo horleh kuna salaysan qabiil arintaas oo uu, madaxwayne xasan sh.maxamuud hormuud ka ahaa qabiiladii soomaaliyeedna hub isugu dhiibay meeshii laga rabay in uu sameeyo Nabadayn, Cadaalad, Horumar iyo in uu soomalida dunida dacaladeeda ku dhibaataysan dib dalkoodii hooyo ugu soo celiyo nasiib daro se waxa uu bilaabay qaxin iyo barakicin horleh nabadii soo iftiimaysayna wuu damiyey rajadii soomaliyeedna god dheer buu ku tuuray isagoo noqday ratigii heer yadiisa dib u cunay!!!

Maxaa la Gudboon Madaxdii iyo Shacabkii Naftooda u huray qaranimada Somaliya ?

Waxaa la gudboon in aan lagu daawan dalka iyo dadka soomaaliyeed oo laba iyo labaatan sano kadib galay mugdi horleh iyo dagaalo sokeeye oo laga hortago dhibaatada uu wado xasan sh.maxamuud shacabka soomaaliyeedna inta hartay la badbaadsho shir degdeg ahna la isugu yimaado looga arinsanayo dhibka cusub ee dalka kusoo kordhay shirkaasoo lagu qabanayo wadanka gudihiisa gaar ahaan magaaloyinka nadada ah ee soomaaliyeed.

Waa Qalinkii :Mr.Maxamed A.Ibraahim (haaji)

Email:haaji252@gmail.com

Puntland,Somalia.

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dhegoole qabyaalad maqlaaya! W/Q Jaabir Xuseen Gacayte

$
0
0

Dhegoole qabyaalad maqlaaya!
Jaabir Xuseen Gacayte
gacaytea@gmail.com
Luulyo 08 2013

MAQAALWaxaan ku bilaabayaa Eebe wayne magaciis, naxariis iyo nabadgalyo Nabi Maxammad korkiisa ha ahaato intaa ka gadaal.

Maqaalkan waxaynu ku falanqayn doonaa aragti ugub ah haddana aan ahayn ugub!.

Waxaynu kalloo isla qaadaa dhigi doonaa cinwaanka maqaalka oo ah ” Dhegoole qabyaallad maqlaaya” Si aan u sahalno inaan mawduuca u daadagno waxaan u kala qaadi noodaa sidan.

Afeef, Hordhac iyo Dareen.

Afeefta maqaalka.

Waxaa caado baryahaan danbe Soomaali u noqotay inta aanu akhristuhu u daadagin qaraallka iyo wuxuu xanbaarsan yahay, inuu durbadiiba ka boodo oo aanu dhamaystirin qoraalka, taas oo sabab u ah inuu dareemo ereyo ama sadar ka mid ah qoraallka oo booggtiisa damqaaya. Waxaanse ka afeefan doonaa cid gaara inuu waxyeello loogu talagalay ahayn, ama hadaan si kale udhigo aan qolo gaara aynaan ku bartilmaamayd sanayn.

Hordhaca maqaalka.

Sida aynu lawada socono waxaa Dalkeenii iyo Dawlad-nimadeenii burburiyay waa qabyaallad, mase aha qabiilka.

Waxaa kaloo aan la soconaa in Ujeedada Qabiilku aanu ahayn sida Soomaalidu u fahantay, ee uu yahay wax sharci ah oo ( Waaq) ama Eebe wayne kolkuu abuuray, noolahan looyaqaan Binu Aadanka ee qaybta ka ah Noolayaasha Eebe wayne abuuray kuwooda caqliga leh, ayuu inooku sheegay Qabiilku inuu yahay in laysku garto ama qofku aanu ka lumin qaraabadiisu iyo meesha uu nasabkiisu kasoo jeedo.

Dhumucda maqaalka oo ah Dareen.

Sida lookala duwanyahay muuqaalka iyo qaab-dhismeedka jirka ama jidhka ayaa lookala duwanyahay aragtida iyo sawirka qofka nooli kaqaato waaqica uu kunoolyahay markaas.

waxaa muhiima kolka aynu soo sheegnay in aragtidu kala duwanaan doonto inaan isku ixtiraamno daqiiqadaha aan ku guda jirno maqaalkan iyo dhumucda sheekadiisa.

Dhegooluhu inuu maqlo wax waxuu u baahanyahay inuu helo sameecadda wax lagu maqlo , taas oo u jeedada maqaalku uu yahay Sameecadda lagu maqlo qabyaallada.

Haddaba waxaa jira dad badan oo dhegoole ah oo Sameecadda wax lagu maqlo aan haysan balse loogaliyo dhagaha kolka ladoonayo inla isticmaalo dhagihiisa, waxaynu u qaybin doonaa Sadex qaybood oo soosocda.

Qaybta 1-aad.

Waa qaybta ugu caansan dhegoolayaasha maqla dhawaqa qabyaalada, waana kuwa maalinkasta Soomaaliya isku xasuuqa, isku duleeya, dulmi isku taageera oo hilmaama kolkaas Aakhiro iyo xisaabteeda, waana kuwa dhagta dhiiga u darayn Dadnimadii iyo Dalkii dhisnaa.

Qaybta 2-aad.

Waa qaybta iyagu soo baraaruga kolka dhiillo caloodeed timaado ama xurguf yari dhexmarto qoladooda iyo qolo kale, kuwaani waxay uga duwanyihiin kuwii hore maaha kuwo markasta ubaahan sameecadda wax lagu maqlo. Taas oo macne ahaan u dhiganta inay wax maqli karaan Sameecad la aanteen laakiin aanay ka maarmi karin kaalmada Sameecaddu siiso oo kaliftay inay ku tiirsanaadaan mar walbo, sida mararka codku gaaban yahay oo kale amaba aan oran karno marka kaabba qabyaaladeedku aanu haysan qandaraas dhiig iyo maal cido kale lagu daadin karo, oo dad kooda dhinac kaga jira waloow ay halis badan yihiin kolka loogaliyo Sameecadda wax lagu maqlo.

Qaybta 3-aad.

Waa qaybta ujeedada maqaalku yahay amaba sikale haddaan u dhino dhumucda maqaalka ah, waana qayb aan qorraaga Soomaaliyeed aanu ka hadal hadduu jirana uu yaryahay. Kolkaas dadbadan ayaa iswaydiin doona qaybtan iyo waxay tahay laakiin waa qaybta ugudarran haddana ugu sahlan, amaba Soomaali ku badbaadi doonto haddii looxaadho wadada qodxayahabadan ee halaqu susumayo micidana laseeggihayn.

Qaybtaan waa qaybta qabyaalladdiidka ah oo iyagu waxay isticmaallaan sidda ay iyaga latahay Sameecad aan qabyaallad wadan oo nadiifa, laakiin xaqiiqadu waa ka duwantahay siddaas oo waxaa dhacay mararbadan in dadka qabyaallada diidaa qaybtood dhagoolo ay yihiin oo u baahan kolkaas Sameecada wax lagu maqlo. Kolka dhagoolihii qabyaalladdiidka ahaa Sameecad u baahdo waxaa durbaddiiba u heelan oo ula soocararaya Labadii qaybood ee hore, kuwaas oo Sameecada ka magashiinaya oo kaliya weedho ama weerihii lagu dagi lahaa oo ah qabyaaladu waa xaar waa xumaan waa xaaraan dabeetona uu uriyaaqi isagoo dhalan rogan ama jidbaysan.

Laakiin xaqiiqadu waa ka duwantahay sidaas maxaa yeelay ruuxa Sameecada dhagoolka qabyaaladdiidka ah u galiyay dhagaha waa Qabyaaladiiste ay lafaha ka gashay qabyaalladu laakiin isticmaalaya hab uu ku adeegsado dhagoolkaan.

Tusaale dhegoolka qabyaaladdiidka ah waxaa caado u ah inuu qabiilka diido si uu qabyaalad ugabadbaado, laakiin waxay keentaa halista ah inuu dabin ama siriq uu kudhaco loomaleegay isaga oo aan ka digtoonaan karin sababo laxirriira inuusan garan karin ruuxa dabinka u dhigaya, khibradda oo aad uyar iyo waliba dhagar malleegaha dabinka u dhigaya oo aad ugu-xeeldheer inuu jillo ama matallo inuu dhagoolkan Sameecaad wanaagsan oo nadiifa u galinayo taasna ay tahay halista ugu wayn ee muuqata haatan.

Intaanan gunaanadin qormadaan waxaan idiin sheegi doonaa inuu jiri doono qormooyin dhawra oo cilmibaaristaan dhegoolka ku salaysan , haddaad is tiraah-do maqaalka madhamaystirna qaybaha danbe ayaad helidoontaa haddii Waaqa wayni idankiisa ay ahaato.

Halkudhiga qormaduna waxay tahay maanso aan cadceeda uga hadlayo meerinso ku jira ayaa waxay oranayaan sidan:

Ninkii cagligiisu maranyahay

Asay cududiisu xoogtahay

Cirkaan dumin buuku taamaa!

Mahadsanidiin

Qorre. Jaabir Xuseen Gacayte

Facebook: Filosof Jaber Gaeyte

Geedka dhamasa hoostiisa.

—————————–

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Waa Su’aal Weynoo Madaxa Daalinaysee. W/Q Ayanle M. Jama

$
0
0

WAA SUAAL DA’ WEYNOO MADAXA DAALINAYSEE
Ayanle M. Jama
Ayanlenuuh@yahoo.com
Luulyo 09 2013

Waxaan jeclaan lahaa in aan maqli karno waxa ay ka oran lahaayeen marxuumayaashii u soo halgamay xornimada qof walba oo soomaali ah uu harsanayo maantay meesha la dhigay. Waa waqti mugdi ah oo dad badan oo soomaali ahi ay kala saari la’yihiin farqiga u dhexeeya nolosha iyo dhimashada. Su’aalaha hoos ku taxani jawaab ma leeyihiin?

1. Yaa Soomaali ah?
2. Soomaalinimadu maxay tahay?
3. Soomaaliya yaa leh?
4. Maxaa kula gudboon hadaad soomaali tahay?
5. Ma soomaali xor ah baad tahay?

MAQAALDadka inta badan jawaabtu waxay ula muuqaataa fudayd balse ma dhihideeda ayaa fudud mise garashadeeda? Hadii aad garowsanweyso wixii dhacay mudadii dagaalka sokeeye socday, maxaa ku xiga oo dhici kara ayey kula tahay?

Meelo faro badan maantay soomaaligu wuxuu ku taahaa in soomaaligii la isaga hor keenay qabyaalada ay sababtay in soomaaligii caqligiisii tago dabadeedna uu kala saari waayo qaladkii iyo saxii. Qaar waxay leeyihiin waxaad moodaa in laga soo yare raysanayo cudurkii dadka laayay dalkiina saylada geeyey. Qaar waxay leeyihiin cudurkii maantuu ugu daranyahay oo uu dadkii u kala qoqobay xero xero.

Laakiin akhristow maxaa ku xigi kara hadii caqligii qofka Soomaaliga uusan dhaqso u soo noqon?

Bal aynu yare eegno casharada taariikhda aduunka labo qoys oo anagoo kale mar ahaa?

Qoyska ugu horeeya waa qabiilada cali beesataynka aynu u naqaan (Red Indian tribes) oo gaarayey shan boqol oo qabiil oo loogu yimi waqooyiga America qarnigii shan iyo tobnaad. Qoyska kalena waa qoyskii carabta ahaa ee loogu yimi dhulka maantay loo yaqaan falastiin, Siiriya, libnaan iwm horaantii qarigii sagaal iyo tobnaad?

Taariikhdu waxaan ka baranaynaa in qabiiladii calibeesataynka ahaa ee loogu yimi waqooyiga America ay dagaalo mar mar dhexdooda ka dhici jireen balse ay mar walba ay taasi uga weyneeyd waxa ka dhexeeya oo ahaa iyagoo dad walaalo ah oo isku dhaqan, midab, iyo mabda’a ba ahaa. Dadkaasi waxay sidaas ku noolaayeen kumanaan sano. Dabadeedna wax walba way is bedeleen markii qofkii ugu horeeyey ee cadaanka ahaa u yimid waqooyiga America mudo laga joogo in ka badan shan boqol(500) oo sano. Waxaa dhacday in dadkii la derso sida la isugu diri karo dabadeedna hantidoodii dhul iyo baadba ahayd lagala wareegay mudo ka yar ilaa sadex boqol(300) oo sano. Waxaan ka baranay taariikhdan in heshiis kasta oo lala galay oo dhulka la yiri waxaa la idiinku bedelayaa lacago joogta, iyo balan qaadyo faro badan intaba looga baxay. Dabadeedna caruurtoodii lagu khasbay in laga kaxeeyo oo lagu xareeyo dugsiyada xanaanada (boarding schools). Caruurtaas oo da’doodu aad u yarayd dabadeed intoodii badnayd ay u dhinteen cuduro iyo hilow ay dadkoodii u hiloobeen, qaar waa la toogtay markii ay damceen inay baxsadaan, qaarna waxaa lagu soo celiyey dadkoodii iyagoo dhaqankoodii iyo luqadoodiiba labedelay oo korka ka ah calibeesatayn una fekeraya sidii cadaankii. Caqabada ugu wayn ee qabsatay caruurtaas waxay ahayd afkoodii oo laga bedelay. Taariikhdu waxay noo sheegaysaa in khayaamadii lagu sameeyey qabiiladan ay ka dhaxleen waxa loo yaqaan dhebrashanka, ama nooc waalida ka mid ah oo qaracan ah, dabadeedna maskaxdoodii lagu qanciyay aalkolada maandooriyaha ah si ay u ilaabaan khayaanadii lagu sameeyey mar marka qaarkoodna ay ka dugsadaan gaajada xiliga barafku dhacayo.

Qoyska kale ee mudan inaan eegno waa qoyskii ku noolaa jaziiratul carab, gaar ahaan dhulkii reer shaam. Taariikhdu waxay noo sheegaysaa in dadkaasi markii hore laga xukumi jiray xukuumadii islaamka ahayd ee loo yaqaanay cusmaaniyiinta, dabadeedna gumaysigii ingiriiska ahaa uu adeegsaday falsafo ah qaybi oo xukun.Waxaa carabtii xiligaa joogtay loogu sheekeeyey in ay iyagu dhulka leeyihiin dabadeedna ay khalad tahay in ay xukumaan dad Turki ahi. Taasi waxay dhalisay in iyaga iyo turkigii la isku diro dabadeedna carabtii laga dhigo qowmiyado yar yar oo gooni gooni u taagan. Taasi dabadeed waxay sababtay in dhulkoodii qaar laga qaado oo la siiyo yuhuuda oo labo kun oo sano ka hor laga musaafuriyey caradaas. Taariikhdan oo dheer oo aan halkan lagu soo koobi Karin waxay noo tilmaameysaa in dadka loo yaqaan reer falastiin mudo laga joogo lixdan (60) sano u dhow dhulkoodii laga musaafurinayey dabadeedna la soo dejinayey yahuud laga keenay yurub. Dadka yuhuuda ahi waxay ku andacoodaan in dhulkaas ay iyaga awoowayaashood ay lahaayeen dabadeedna ay xaq u leeyihiin.

Hadaba maantay waxaanu arkaynaa in labadan qoys ay qaylinayaan balse aduunka aad moodid in uusan maqlay qaylo dhaantooda ama markii la eego loo arko in ay iyagu yihiin kuwa waalan.

Hadaba akhristow maxay kula tahay soomaalidu maantay inay kaga duwan tahay ama ay kaga mid tahay qoysaskaas? Xagee bayse kula tahay inay ku danbeyn doonto boqolka (100) sano ee soo socota?

Ayanlenuuh@yahoo.com

—————————————–

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Maxaa dadkeenna dayowga ka bi`in kara? W/Q Kawsar Abdirizak Abdi

$
0
0

Maxaa dadkeenna dayowga ka bi`in kara?
Kawsar Abdirizak Abdi
kawsarcc@gmail.com
Luulyo 12 2013

MAQAALDayowgu waa nooc habowga iyo dhunsanaanta ka mid ah laakiin fog oo xeel dheer. Qofku markii uu habaabo ama dhumo waa is ogyahay wuxuuna bini`aadamka su`aalaa in la tilmaamo isagoo doonaya meeshii saxda ahayd inuu helo, laakiin markii uu dayoobo ma garawsana inuu habowsan yahay lagamana dhaadhicin karo, waana isla saxan yahay isagoo dhunsan. Arrintaasuna waxay shabbahdaa qof waalan oo isdareensan iyo qof waalan oo aan isdareensanayn ee isla saxan, taasoo muujinaysa inuu qofka isdareensani jirro sahlan yahay labadooda.

Ummadda soomaaliyeed balaayada ku habsatey waxaa uga sii daran iyadoo dayeysan oo aan haddana is-ogayn meel wax ka jiraanna aan garanayn. Mar waxaa masiibada loo saariyaa qabiilka iyo qabyaaladda. Mar waxaa loo saariyaa xukunxumo iyo madax la`aan. Mar waxaa lala aadaa jahhli iyo aqoon la`aan. Mar kale waxaa lagu sababeeyaa aafo gumaystihii inooka tegey iyo faragelintisii oo joogto ah. Mar waxaa la yiraahdaa masiibdu waa calmaaniyiinta ardada gaalada ah oo iyaga ku xiran dhaqanka shisheeyana xanbaarsan oo ajnabi u adeegga ah. Mar kale waxaa la yiraahdaa sababtu waa soomaalida oo reer guuraa ah oo aan miyir iyo degganaan dhaqan u lahayn iyo dabeecad wax wadaag ah oo ay dawladi ku dhismi karto. Marna waxaa la sheegaa mayee mushkiladda ina haysaa waa xagga diinta oo ay wadaaddadii diintii tafaraaruq geliyeen talana aysan hayn, wax talo iyo ra`yi lala wadaagi karana aysan ahayn.

Haddaba wixii ay arrintu tahayba haddii si miyir ah loo baari lahaa sababta xaqaiiqada ah ee masiibada inaku habsatey ka danbaysa waa la heli kari lahaa xalka iyo daawada maxaayeelay wax aan xal lahayni ma jiraan.

Qabiilku waa jiritaan Ilaahay abuuray waana dadka laftigiisa sidaas darteed ma uu aha kaankaro iyo jirro ha la gooyo ay run noqon karto ee waa in la helaa sida uu waxtarka iyo wax ku oolka ku noqon karo. Xukunxumada iyo madax la`aantuna ma ahaan karaan wax daa`in ah oo aan laga bixi karin. Jahliga iyo aqoon la`aantuna waa sidoo kale oo iyagana waa laga bixi karaa. Aafada gumaystaha iyo faragelintiisana maaro waa loo helli karaa oo in la iska xoreeyo oo la cayriyaba waa la awooday. Calmaaniyiintuna ma wada aha khaa`inul waddan oo waa suurtagal in laga saxo fikradaha iyo dhaqanka ajnabi oo lagu shubay. Somaaliduna haddii ay dabci reer guuraa leedahay oo aysan dhaqan dawladnimo iyo wax wadaag lahayn waa la bari karaa oo taasu waa wax tarbiyad iyo toosin u baahan. Wadaaddada diinta tafaraaruqa geliyeyna sababtu waa iyagoo noqday ardo carbeed oo isku khaldaya diintii iyo dhaqan-carbeedkii, sidoo kalena isku khaldaya ra`iyigooda iyo naskii diiniga ahaa oo sidaas darteedna ra`yigooda ugu adag sidii ay aayadda ugu adkaan lahaayeen, taasuna waxay u baahan tahay in wadaadka la fahansiiyo inuu qof yahay oo uusan nas diiniya ahayn isaga iyo ra`yigiisa iyo dhaqan-carbeedkuba.

Waxaas oo dhammi waxay u baahan yihiin in si u qalanta oo mudankooda ah loo wada dul istaago iyadoo aan la degdegayn ee u fiirsi xeeldheer la kaashanayo iyo baaritaan wax sal gaari kara iyo sidoo kale in la siiyo wakhti ku filan iyo kala hormarinta ay kala mudan yihiin, wixii wakhti dheer ah, wixii wakhti dhow ah iyo wixii wakhti dhexe ahba.

Soomaalidu dad xun ma aha ee waa isir noociisu aad qaali u yahay oo isirrada adduunka kuwa ugu horreeya ku jira, mana aha in la bahdilo ama bahdilka cadawga loo jabo ama lagu qiimeeyo marxaladda xanuunka badan oo ay maanta marayso oo ku sugan tahay. Wax baa inaka khaldamay sababo badan oo kulmay ayaana ina harreeyey oo ina hafiyey, waxaynuna nahay isir madi ah oo aan carab iyo Afrikaan, yurub iyo indhayar iyo maraykan toonna aan isir la nooc ah iyo garab toonna ku lahayn, taas oo ay inoo dheer tahay islaantinnimada oo ay gaalada xoogga lihi inaku sii colaadinayso la inoona bahdilayo dalal xafiiltan inaka dhexeeyo oo kiristaan ah ilaa gabadha soomaaliyeed ay jabto oo aqbasho inay dalalkaas guryahooda jaariyad ka noqoto una adeegto gabadhooda asaaggeed ah, taasuna waa waxa gabadha soomaaliyeed laga la`yahay ilaa hadda, mana dhici doonto inshaa Allaahu.

Waxaan hadalkayga ku soo gabagabaynayaa Ilaahay ummaddayda iyo dalkayga ha badbaadiyo, dadkaygana waxaan ku leeyahay: “Soomalaiyeey waa la doogsane yaan la dacaroon”, aan adkaysi iyo dulqaad yeelanno maskaxdana aan tuujinno oo ka soo miirno xalkii waddankeenna, Ilaahayna aan barino inuu tawfiiqda iyo sida khayrka leh ina waafajiyo

Kawsar Abdirizak Abdi
Addis Ababa, Ethiopia
kawsarcc@gmail.com
————————–
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Heshiiskii Ankara waa sawirka saxa ah ee is xulufaysiga Muqdisho iyo Hargaysa. W/Q Ururka Iftiimin

$
0
0

Heshiiskii Ankara waa sawirka saxa ah ee is xulufaysiga Muqdisho iyo Hargaysa.
Ururka Iftiimin
ururkaiftiimin@gmail.com
Luulyo 12 2013

IFTIIMINHaddii Muqdishu hawada Soomaaliya kala heshiisay Hargaysa oo ka talisa hal gobol iyo bar ka mid ah 18kii gobol ee Soomaaliya iyadoon tixgelin Soomaaliya inteeda kale, su’aashu waxay tahay Muqdisho ma ku helaysa midnimada ummadda raalligelinta Hargaysa keliya?

Masraxiyadii Ankara (Turkey) ee shirka lagu sheegay wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland, marna lagama sugayn natiijooyin cadaalad ah oo lagu wada diirsado, sababaha hoos ku xusan dartood:

• Madaxda labada ergo kala watay waxay ahaayeen kuwo ka midaysan duudsiga xuquuqda qaybo ka mid ah bulshada midnimo doonka ah ee 5ta gobol ee deegaanada gobolada waqooyiga Soomaaliya ee isticmaarkii ula baxay (Somali British land) ee kala ah: Awdal, Sanaag, Sool , Togdheer iyo Waqooyi galbeed.

Sedex Gobol iyo bar ka mid ah shantaas oo kala ah Sanaag, Sool, Awdal iyo deegaanada Cayn oo ah qayb wayn oo ka mid ah Gobolka Togdheer, cidi kuma matalayn shirkaasi lagaga hadlayey aayahooda, waana laga tashaday dadka matala rabitaanka bulshadaasi doonaysa midnimada Soomaaliya, sidoo kale waxaa laga fogeeyey wada hadalka inta aaminsan midnimada Soomaaliya ee ka soo jeedda Waqooyi Galbeed iyo Togdheer.

• Xulashada ergooyinka uga qaybgalayey labada dhinac masrixiyadan, waxaa gooni u lahaa Somaliland, iyadoo kuweedana lagu faragelin, magacyada ergada Muqdishana Hargeysaa yeerisay waayo waxay Soomaaliland si aan qarsoodi lahayn u yiraahdeen hebel iyo heblaayo kama qaybgalayaan shirka, arrintaan oo noqonaysa cashar ku cusb siyaasada wada hadallada, in qolo ka mid ah labada dhinac ee wada hadalayaa, soo xulato ka qaybgalayaasha oo dhan!, su’aashu waxay tahay haddii hal dhinac sida uu rabo loo wada xulo ergada oo dhan maxaa laga wada hadlayo?

• Maamulka Hargaysa wuxu ka mid yahay maamulada ugu dhulka yar ee ka shaqeeya deegaan Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, marka laga reebo kan Muqdishu ee ku tiirsan ciidamo shisheeye, iyo maamul xaafadeedyada ka jira meelaha qaarkood.

• Puntland lagama qaybgalin ka talinta aayaha hawada dalka iyodoo weliba ah maamulka ugu baaxada wayn dalka,, kana talisa inta badan hawada waddanka, maadaama ay ku fadhido sedex meelood meel, dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, isla markana Puntland ku taal marin ay maraan diyaaradaha u kala gooshaya inta badan caalamka sida bartamaha iyo galbeedka iyo waqooyiga Africa, Bariga dhexe, Europe iyo Qaaradaha Australia, Koonfur iyo Waqooyi America, ahna meesha ay ka qabsadaan marinka hawada ee caalamiga ah.

Puntland waxay dhacda dhulka ug istratejisan Soomaaliya, halkaas oo ay iska galaan labada badood ee Badwaynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

• Sidoo kale Jubaland oo dhul weyn oo labada dal oo deris ah iyo Badweynta Hindiya xad la leh lagalama tashanin ka talinta aayaha hawada Soomaaliya.

• Nasiib darro madaxda Muqdisho waxay u muuqdaan kuwo aqoon darro ka haysato muhimada ay leeyihiin deegaanada Soomaaliya ee ka baxsan Muqdisho, arrintan oo aan ku cusbayn maamuladii Muqdisho tan iyo dagaaladii sokeeye, Tusaale Muqdisho waxaa soo maray hogaamiye kooxeedyo Soomaaliya ka yaqaana Xaafada ay ka degan yihiin, iyagoo ay kaga dhegtay magaalo madaxda haddii aad xukunto cid kale uma baahnid, ,Soomaalida inteeda kalena,waxay ku khasban yihinn dadka Muqdishu waxay rabaan, arrintan oo riyo maalmeed ah haddii soomaalidu wada tashan weydo.

• Madaxda Muqdisho waxaa ka muuqda dhaqankii ahaa ama guulayso ama halagaa guulaysto, (win beat geme) halka guusha saxda ahi ku jirto in la wada guulaysto (win win game), sideedaba cidda aad heshiiska uga baahan tahay waa cidaad is haysaan waayo cidaad horay xulufo u ahaydeen ismaba diidanidiin.

Maxay tahay saansaanka ka muuqda siyaasada Madaxweyne Xasan, la taliyaashiisa iyo in badan ee bulshada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ?

Waxad moodaa in madaxweynaha iyo la taliyaashiisuba, kula coloobeen dadka iyo dawlad gobolleedyada Puntland iyo Jubaland iyo dadka deegaanada ugu baaxada wayn ee waqooyiga ee Sool, Sanaag, Awdal iyo cayn, u ololaynta midnimada Soomaaliya, halka maamulka Hargaysa kaga mutaysteen kala goynta wadanka, ixtiraan iyo abaalmarin dalabka iyagu leeyihiin.

Waxaa Reer Muqdisho iyo inta la fekerka ahi u arkaan ka talinta aayahooda lamaga taabtaan iyo iyaga maahee cid kale shuqul ku lahayn iyadoo la og yahay in Muqdisho ay taalo hantidii Soomaali oo dhan, misana waxa ka taliya degmooyinkeeda oo dhan dhowr qof oo ilma adeer ah.

Dhanka kale Muqdisho waxay faraha kula jiraan ka talinta aayaha inta badan bulshada gobolada waqooyiga, iyadoon laga tixgelin,waxana ugu wacan koobnaanta aqoonta juquraafiyeed (geography) ee reer Muqdisho u leeyihiin deegaanada Soomaaliya inteeda kale, waayo Reer Waqooyi waxay u yaqaana dadka Hargaysa ama Burco,sidaa darteed arrinta Waqooyiga looga danbeeyo Soomaaaliland, inta kalena sugaan waxa Muqdisho iyo Hargaysa ku wada hadlaan oo keliya, dhanka kale waxay ilowsan yihiin in haddii aayaahooda cid kale uga talo diideen waxa faraha u geyshay ayaaha dadka kale.

Cuqaasha iyo akhyaar beesha madaxweyne Xassan, waxay shir maqal iyo muuqaal ah, ku diideen Gudoomiya gobolka Banaadir Tarzan, iyagoo leh waa nin reer Hiiraan ah, waxayna ku doodayaan in caasimada Muqdishu tahay meel jilib reer ka tirsan leeyihiin, marka haddiba Tarzan laga xigsaday yaa lagu sirayaa Muqdishu waa magaalo madax Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dawladda Federaalka, Mudane C/kariim Xuseen Guuleed oo reer Muqdisho ah ayaa watay ergada lagu sheegay inay matalaan koonfurta Soomaaliya, halka masuulka reer Hargaysa ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdulahi Cumar uu watey ergada Hargaysa.

Gunaanad

Awooda dawlada federaalka waxay gacanta u wada gashay,Madaxweynaha oo seddex geeska awood qaybsiga dawladda ee sharcidejinta (Parliament), fulinta ( Golaha wariisara) iyo Garsoorka(judiciary) ay haatan si dhab ah u maamulaan isaga iyo xulafadiisa, iyadoo cilmiyan la og yahay in hadii kooxi ku keliyeysato xukun uu lumayo dhaalitirka maamulka iyo cadaalada, waxana caddaan ah in Madaxweynaha si aan awooda loola yeelan uu meesha ka saaray wixii dheelitir ahaa oo aan ka ahayn kooxdiisa, waxana tusaale u ah is-hor-taagga aqalka sare, oo si cad dastuurka ugu qeexan.

Waddamada uu ka jiro nidaamka tala wadaaga, xisbiyada ka jira waxay yihiin, kooxa fikirka ku kala duwan wadaagaana hal mabda, markii taas la soo dhaafana hay’adaha dawladda ayaan sinaba u gali karin gacanta koox keliya.

Golaha shacabka (parliament) waa inuu yahay mid la xisaabtami kara Madaxwaynaha ama prime-minster-ka, markii seddexdoodu wax isku qabtaana waa in maxkamada sare noqotaa halka ay ku kala baxayaan, oo fasiraad ka bixinaysa sharciga ama qododbka datuuriga ah ee laysku hayo, nasiib darro kama jirto dalka maxkamad awoodaa leh.

Punland iyo Jubaland oo ah dawlad gobolleedyo qaanuuniyan u buuxiyey, xubno ka noqoshada dawladda dhexe ee federaalka ah inkastoo aqoonsiga arrinta Jubaland si aan sharci ahayn Madaxweynaha iyo xulufadiisa uga caga-jiidayaan, waxaa qumman in Puntland iyo Jubbland sameeyaan gole cod u noqda deegaanada aan weli dhisan qaanuuniyan maamul-gobolleed iyo kuwa dawlada federalku ka hortaagan tahay in ay dhistaanba.

Puntland oo geed dheer iyo geed gaabaan u fuuushay 24t-ii sano ee burburka, ilaalinta midnida ciida iyo soo cilinta qaranida Soomaaliya, waxayna Puntland ku seegtey arrintaa dano badan, waxayna ku lumisay nafaf iyo maal badan, sida muuqatana waxay midnimo raadintu u abuurtey cadaawad badan .Sidaa darteed Puntland waa in danaheeda siisa ahamiyada wayn iyadoo kaalinta kaga aadan ka qaadanaysa ilaalinta danta guud ee ummadda Soomaalida ka dhexaysa.

Dawladda federaalka waxay bulshada Puntland ula dhaqantaa sida marti magan uga ah danaha Soomaaliya, Puntland waxay u baahantahay shirwayne in ay Dawlada Puntland dan u tahay kasii mid ahaanshaha Soomaaliya, loona dejiyaa istraateejiyad lagaga hortegayo burburinta Puntland. waana in dadka reer Puntland ka waantoobaan wadaniyada ku salaysan laab la kaca, Shacabkana kala shaqeeyaan xukuumada xasiloonida amniga, waxbarashada iyo horumarka guud.

Xarunta Ururka Iftiimin.

Ururka Iftiimin waxa uu u taaganyahay Dawlad Wanaag iyo Cadaalad Bulshadeed.

Kala xiriir ururka:

ururkaiftiimin@gmail.com

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Viewing all 410 articles
Browse latest View live