Quantcast
Channel: Opinion – RBC Radio
Viewing all 410 articles
Browse latest View live

Markaan Soomaali Nahay !!! W/Q F. Hiirane

$
0
0

Markaan Soomaali Nahay !!!
F. Hiirane
fahiira@gmail.com
Luulyo 20 2013

MAQAALSanadkii na dhaafay tirade Soomaaliya ( Somalia + Somaliland) waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad 11 Malyuun oo qof , 3.5 Malyuun oo kamid ah waxay ku nool ‘’Somaliland’’ UNPO waxay bogeeda ku sheegtay inay dadka ku nool ‘’Somaliland’’ ee tirisgooda lagu qiyaasay 3.5 ay isugu jiraan Soomaali , Swahili, iyo Oromo , meesha dadkaas aan soomaalida ahayn ay kaga noolyihiin ma garanayo marka laga reebo Oromada qoxootiga ah ee inta badan magaalooyinka ka dawarsada .

15 sano iyo wixii kawayn waxaa wax akhrin kara qorina kara 37.8%, Raggu tirsigaas waa 49.7% dumarkuna waa 25.8% , maamulada is diidan ee midba sheego inuu u adeego dadka halka uu taladeeda haysto miisaaniyad sanadeedkooda kuma jirto wax loogu tala galay adeegga wax-barasho hadday jirtana waa hadal xaashi lagu dhigay, kaliya waxay shacabka ku maaweeliyaan waxa laga soo dawarsado qolyaha yiraahda deeq ayaan bixinnaa ee dacarta waraabiyay dalkeennii mudnaa bari waa dullaaliinta aan u dabranhay.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa xarumo caafimaad heli kara ( waa kuwa gaarka ah ee lacagta lagu galo) 23% inta magaalo joogta , waa 0 % kuwa miyiga ku nool , cudurada laga qaado cuntooyinka dhacay ee lasoo dhoofiyo wuxuu gaaraa siisan yahay heer khatar ah , goobaha ganacsiga haddii aad dhex mushaaxdid waxaad ku arkaysaa cuntooyin fara badan oo taariikhdoodii dhaafay , qaar badan oo aan lahaynba astaan lagu garto , iyo kuwa uu bahal ku dhashay hadana dadkeenu ay habayn iyo maalin cunaan .

Arinta naxdinta leh sanadkii 2009 kii waxaa HIV/AIDS qabay 0.7% iyadoo sanadkaas ay la noolaayeen inta diiwaanada la galiyay 36,000 waxaana la diiwaan galiyay sanadka 2009 ka inay u dhinteen cudurkaan halista ah ee gogol dhaafka laga qaado 1600 oo qof , waxaa jira tiro aan yarayn oo aan la diiwaan galin ama aanay jirin cid ogaatay iyo qaar badan oo qarsanaya halisna ku ah bulshada inteeda kale inay ku faafiyaan.

1,000 kii qof ee Soomaali ah sanad waliba cel celis 12 qof oo dhalin yaro u badan ayaa dalka isaga Tahriiba waxayna aadaan halka ay isleeyihiin waxaad ka helaysaan nolol dhaanta midda ay ku haystaan Dalkeenna , badankood waxay ku nafwaayaan biyaha badaha , iyo lama dagaanka saxaraha , qaarka nasiibka leh ayaa xabsiyo gala wax ka samata baxana waa yar yihiin.

Maalin waliba waxaa hoteelada ugu qaalisan Xarumaha Geeska Afrika ku shira rag iyo dumar shafka ka naaxay oo shaqa ka dhigtay dumi kala didi iyo dantooda yaysan gaarin Soomaali.

“Ninka Guba Dhulkeenee Latashada Gumaystoow Kugu Garanay Taladaad La Guur Guuranaysee.. ” (Magool )

F. Hiirane

fahiira@gmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Waali dhaqan waa sidee. W/Q Ahmed A. Ali

$
0
0

Waali dhaqan waa sidee:
Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com
Luulyo 21 2o13

MAQAALWaali dhaqanku wuxuu ka mid yahay, dhaqamada xun ee laga dhaxlo isticmaalka noocyada kala duwan ee maandooriyayaasha. Waali dhaqanka isu soo jiida Ragga & Dumarka si ka baxsan shareecada islaamka ayaa ku badan maandooriyaha qaadka. Waali dhaqanka khamrigu wuu ka badanyahey ka qaadka oo waa waali rasmi ah iyo doqoniimo wada socda oo dadka isticmaalaa cagahooda ku raadsadaan. Inta badanna raga iyo dumarka wada cabbaa wey kala waashaan wuxuuna sababi karaa dil, kufsi iyo danbiyo kale oo ka sii waaweyn. Mujtamaca Soomaalidu wuu ka feejiganyahay Waali dhaqanka khamriga. Hadaba Waali dhaqanka qaadka ayaa aad ugu badan bulshooyinka Soomaalida. Wuxuu ku baahay marka laga billaabo madax sar-sare oo xilal ka haya Dawlada ilaa kuwa ugu hooseeya iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oy ku jiraan ardayda dugsiyada wax ka barata. Sidaasoo ay tahay, hadana bulshada badankeedu ma dareensana oo waxayba u haystaan wax iska caadi ah. Wacyi galina laguma dayin lagu baraarujinayo jiritaanka iyo waxyeelada waali dhaqanka qaadka marka laga reebo, dagaalka weyn iyo halganka dabargoynta ah ee uu kula jiro Caqliweyne Abukar Awale (Qaad Diid).

Waali dhaqan waa sidan:

Iyadoo aan la soo koobi kareynin  dhibaatooyinka qaadka, ayaa halkan tusaale ahaan waxeynu ku eegaynaa, waali dhaqan isu soo jiidaya wiil arday ah iyo gabadh dhalinyara ah oo labaduba qaadka cuna. Waali dhaqanku isla gabadhaa lafteeda wuxuu ka fogeynayaa, nin gayaankeeda ah oo aan qaadka cunin oo in badan isku dayey in uu guursado.

Wixii rag u kaco, Dumarkuna ku raacaan
Rabbina aqbalo, waa rumoobaan.
Caqliweyne Abukar Awale (Qaad diid). 2013

Waa goor casar liiq ah, oo cadceedu godka sii galeyso. Hawwo macaan baa dhacaysa oon aad u qaboobeyn. Saakana roob baa da’ay, waana la filayaa, xilliguna waa barwaaqo sooran.

Waa magaalo yar, dugsi weyni ku yaallo iyo meherado dhawra. Qaadkii cusbaa ayaa soo dhacay. Wiiggii mar ama laba goor ayaa la keenaa. Waa bahal cajiib ah. Waayadaa lama arag. Garaababa maleh. Subaggaa da’ayah. Midh laga tuuri mayo. Qori waliba fartaasuu buurrida la’egyahay. Waa dhagayare. Waa qori cas. Waa kii wiilasha lagu dhali jirey. Waa kii …waa kii ayaa meel walba la isla dhex marayaa. Mid cuna iyo midaan cuninba amaantiisaa la wada hayaa. Waa balaayo baase, markuu soo galo magaalada,  shanqadhaa korodha. Dadka iyo gaadiidka tirada yar ee magaaladu leedahaa is dhaafdhaafa. Ka heli karaa horuu ka qaataa oo wuu fadhiistaa. Kaan heysanna meel uu ka sii amaahdo iyo macaamiishuu baadh-baadhaa. Ardaygu tacliinta kuma xuma, waliba inta kale badi wuu ka sittaa. Dadaal ma leh intuu qaadka bartay, fahmo badan baase ilaahey siiyey. Kartibuu u dhashey, qaadkuuse ku walfey oo dib u riixayya. Magaalada waxaa ku taala meherad weyn oo waxyaabo kala duwan lagu iibiyo oo qaadku ka mid yahey. Qayb walba dad gaar ah baa ka shaqeeya, guudkana gabadh baa ka wada maamusha.

Gabadhu waa mulkiilaha ganacsiga. Waa gabadh ilaahey joog iyo jamaalba u dhameeyey. Waxeyse sida ardayga ku walaftey qaadka. Shaqadeeda wali wey ka adagtahay. Waxey ka mid tahay dadka yar ee  faro ku tiriska ah een qaadku shaqada u diidin. Waxaanse ka maqneyn waali dhaqanka qaadka. Markuu soo dhacayba intey yara baxday ayey deg-deg u soo cuntey in yar oo uurbeyso ama iney le’eg. Aqalkeedaan fogeyne dhakhsey meheraddii ugu soo noqotay. Ardaygii maalinkaa wali mijintii ma soo qaban. Qaadkaa sittee, meelo hore uu wax ka sii yara qaad qaatay ayuu is yidhi u doono. Wali muu gasariirine, hadana wuu ka yara maagey. Wuxuu yidhi, marbey maankayga ku soo dhacday, ma u tagtaa gabadhii lahayd meheradda magaalada u weyn. Misana waan ka yara maagey.

Waxaan is idhi taasi kulaba hadli meyso, hadana yeelkadeede isku qaad. Misana waan ka yara maagey. Waxay ku amaahiso daaye, armey ku ceebeysaa oy dadka kale ku maqashiisaa. Qaadkay ammaanayeenbaa maskaxdayda ku wareegayee, soo mar qudha ismaan arag anigoo dhextaagan macdaarkii magaalada u weynaa. Calool adayg waa rag wehelkiiye, intaan qaadka la dhameysan, maamulaha guud iyo mulkiilaha u tag. Iskaba daayoo kaba seexo. Iskuulkaagii iska tagoo wax is ka akhriso soo intaba  ismaan odhan. Meel aanan fileyn soo maamulihii kamey soo bixin. Saanee: naa bal warran, miyaan la isba salaameyn. Seytee: miyaad igaba sugtey. Saanee: maxaan kaa sugaa, waxaan is lahaa gacantaa lagaa salaamayaa, waa lagu soo dhaweynayaa oo wan baa laguu qalayaa. Seytee: wax ka badan baad istaahishaa, laakiinse, soo horta in lagu arkaa kama horeyso. Saanee: hawlahaa igu badnaa, imtixaanana waanu lahayn. Seytee: iska daa waanad na rabine, jaarkayganba waad timaadaa oo halkaasaad ka noqotaa. habeyn dhaweydna, halkaasaaban kaa maqlayey oo waxaad qaadeysey hees aan jeclahay. Saanee: naa waa mar-mar aan soo yara maro. Waayo anigu meelahan oo kale ma fadhiisto, ee waxayaga intaanu iskuulka kula noqonno ayaanu qalaylka ku liqnaa.  Waxaanse ku weydiiyey, waa tee heesta aad jeceshahay. Seytee: waa hees aan aniguba qaado, adiga wax kuu geeyey garanba maayee. Waa hees ay qaado fannaanada weyn ee Hibo Maxamed. Waa hees wiil ay jeceshahay, si ay ugu sheegtana garan la’dahay. Saanee: oo magaceed. Seytee: magaceeda anigaa kuu sheegi doonee, maxaa ku fadhiisinaya iskuulka, aqalkaygaan ku soo tusayaaye, halkaa kaalay markaad rabto inaad fadhiisatid. Mar danbana qalayl iyo rafaad ha ku qayilin. War ileyn tanoo kale. Indhahaan kaga brig-brig siiyey. Anigii baa rumeysan waayey waxaan arkayo ama maqlayo. Heestan ay sheegeysana markiiba gartay. Macnaheeda iyo ujeedadana markiiba maleeyey. Maskax garaadaa i shaqaysay. Mijin horoon ka amaahday oo maankeygaba ka baxday iyo mas’alooyin horaan xasuustay.  Arday aanu saaxiib nahay baa, mar sii horeysay oo muddo laga joogo igu yidhi:  Gabadhaasi markaan arkaba wey ikaa weydiisaa. Waxay tidhaahdaa salaan diiran iga gaadhsii. Aniguna hoostaan ka odhan jiray: faan weynaa, ma anigaa ayaankaaba leh. Mar walba waxaan u qaadan jirey inuu ila kaftamayaa. Anigoo xishooday oo isku yara meeraystay bay aragtay. Iska fadhiiso waan kuu soo noqone, bay si hoose ii tidhi. Wax yar dabadeed waxaan is arkay anigoo maqsin weyn oo muraayado badan dhextaagan. Minanku minankaagii waaye, waan inna soo maamulayaa, shaqaalahana waan la soo ballamayaa ee isa sii kala bixi (ma awalbaan isku jirey) hadaad wax u baahatana, halkaa taabo, shaqaalahaa kuu imandoontee soo la ima odhan. Oo macawis udgoon iyo maryihii qaadka la ima odhan, waa kuwaase qaado. Soo oon heer sare ah, qaboow iyo kulayl ba leh mac-macaan ku jiro la ima  cunsiin. Macdan baa la iga baadhayaaye soo maydhasho wacan la iima diyaarin. Soo laamaha qaar fiidkaba maan sii feen-feenan. Soo maamulihii mashruucan oon waa hore miliilicay, maankaygase ka weyneyd iimay soo noqon. Magaalada oo dhanbaa sida koobka aduunka tartan ugu jirtee, anigoon is reeb-reeb soo marin soo cidla kamaan helin. Soo markaa labadiinu  mirqaankii miliiniyamka oon laba gaadhin iyo mawjado dhaa-dheer wada fuulimeysaan. Soo heestay jecleyd iyo kuwo kaleba wada qaadi meysaan. Soo galinka danbe labiga dhawr goor ka soo boodimeysid. Adigoon fileyn, soo waagu sidaa ku baryimaayo. Soo diigii waabari ciyi mayo. Arday baad tahaye soo hoosta ka nixi meysid. Waa goor horee, iska joog, barqadaad kiciye sii yara fadhi soo lagu odhanmaayo. Miyir ma jiree, tani waa maskax miidhan, maxay macluumaad haysaa (halkey maskaxdiyo & macluumaadku joogaan) markalaad soo noqondoontaaye la sii yara joog soo is odhanmeysid. Manhajkaagii markaa soo ku seegi meysid. Maalinta danbe mid macalinoo camal xun, oo maadada ingiriiska dhiga soo kalimaad badan marqudha ku weydiin mayo.

Mid-mid u macnee soo ku odhan maayyo. Muraad kaluu leeyahee soo iskakaa maagi maayyo.

Mar danbaan  wax ogaaday. Shaw macallinku shaluu sheeda iga arkay. shaw intaan shooladda ku jireyba shaydaan baa u waramaayey. Shaw shilimadiisa badanaa halkaasaa shubata. Shaw tiraba shan goor mar-marsiinyo aan macno lahayn iyo maanaa guurba gaadhey, ganacsato weyn baan ahay, ninba uma baahni iyo muran soo mutuxan baa lagu masheysiiyey. Soo Waali dhaqanka qaadku aniga iyo macalinkii iskumuu kaayo dhufan. Soo iskuulkiiba igamuu eryin. Soo isbatoorihii bileyska iigumuu yeedhin. Soo magaalada ka wajaaf, habluhuu kharibayaaye kumuu odhan. Soo mooradii muraayado badan, madrasaddii iyo magaaladii mar la igama wada musaafurin.

Mahadsanidin;

Ahmed A. Ali

E-mail: ahmedqadhabo@gmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Geedi & Baadiyow Dhagaxii la soo Tuuray Miyaa? W/Q Dr.Ali A Hirabe

$
0
0

Geedi & Baadiyow Dhagaxii la soo Tuuray Miyaa?
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com
Luulyo 21 2013

Dr. Ali A Hirabe

Dr. Ali A Hirabe

Haddii dhagax lagugu soo tuuro ama lagugu dhufto ilama ah in caqligaaga ku siiyo in aad dhagaxaa la hadashaa ama aad weeydiisaa cida soo tuurtay balse waxaa caqliga kuu sheegaya in dhagaxa uu qof soo tuuray qofkaasna uu yahay ruuxa rabaay in uu ku dhaawaco ama ku dilo ,Geedi & Baadiyow xaqiiqdii waa dhagaxa la soo tuuray halka kuwa shirka abaabulay aay noqonayaan kuwii dhagaxa soo tuuray rabayne in dowlada federaalka ee Prof.Xassan Sh.Max´ud lagu kiciyo inta wax magaradka ah halkaasna lagu burburiyo iftiinka dowladnimo ee xiligaan umada Somali u bilowday.

Gudoomiyaha Ganacsatada Jubaland oo la weydiiyay waxa ka jira in Shirkii Hotel Grand Regancy in uu asaga qaban qaabadeeda lahaa ayaa si aanan qarsoodi laheeyn u sheegay in uu ahaa Aabihii ka danbeeyay shirkaa ujeedkana uu ahaa in Prof.Xassan Sh.Maxud lagu ifiyo reerka uu ka dhashay oo aay ugu horeeyaan Geedi & Baadiyow, wax cusub lama aayan imaan shiqoolkaani waxuu bilowday mar hore,sida taariikhda ku cad markii Prof.Xassan noqday madaxweeyne Somali waxuu casho sharaf u sameeyay dhamaan inti ka qeeybqaadatay u tartanka xilka madaxweeynenimo ee Somalia ,habeenkaa waxaa meesha laga sheegay in mucaarad-danbe aanan loo baahneen marba haddii laga baxay ku meelgaar,guuxa cashada waxaa ugu cad cadaa oo meesha laga sheegay mucaaradka ugu horeeyaa in aay noqon doonaan Cali Khaliif iyo Axmed Samatar runtiina waa aay dhacday,waxaa xigay abaabulkii xildhibaano isku hadaf ah oo caadifad qabiil ka duulaya in aay Motion keenaan intaba waa aay u mari-weeyday Cali Khaliif iyo Xirtiisa,waxaa xigay Hotel Grand Regancy shirkii lagu qabtay oo aay ka qeeybgaleen ragii ku fashilamay siyaasada Somalia oo uu ugu horeeyo Cali Khaliif , Cumar C/dirashiir , Gaandi Mohamed Darwiish, kuwaas oo lahaa abaabulka Jubbaland sow lama dhihikaro Jubbaland ayaa kuwii maleegay Hotel Grand Regancy shir ugu qabtay rag mucaarad ah oo aay is xigaan reer ahaan Prof.Xassan caalamkana loo sheego in dowladnimadii fashilantay.

Dowlada Federaalka waxaa quman in aay noqoto dowlad adag oo wax ka qabata kuwa dulaanka ku ah iftiinka umada Somali u bilowday,waxaa quman in Xassan Daahir Maxkamad la soo taago si umada u qirto in dowlada tahay dowlad adag oo wax qabata,maaha in odayaal Mudulood iyo H/gidir aay ku dul wareegaan Madaxweeynaha sabbabta oo ah Xassan Daahir waxuu danbi ka galay Somali Xassan Sh.Maxud howl u taal maaha,Jawaari howl u taal maaha waxaa loo baahan yahay in xeerilaaliyaha dowlada iyo maxkamadaha dalka howshooda in aay qabsadaan si cadaalada loo taageero,sida oo kale kuwii dilay gabadhii ku xigtay G.degmada Yaaqshiid waa in maxkamad la soo taagaa haddii kale dowlad ma jireeyso.

Dowladnimada waa in aay noqotaa mid awoodeeda shacabka uu dareemo,kan aan xooga laheeyn ee kan xooga leh ku dhibaayo in uusan xoog laheeyn waxaa quman in dowlada ka qabato una tusto kan xoga sheeganaya in laga xoogweeyn yahay.Ramadaan Wanaagsan Allow xaqa na waafaji.

Dr.Ali.A.Hirabe

Hirabe_a@hotmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Imaantinki Damjadiid looma reyn, MW Xasan Shikh amnigi dalka waa la degtay, fursadna adigaa siiyay qaswadayaal. W/Q Cabdullahi Macalim Maxamuud (Cabdullahi Siyaasi)

$
0
0

Imaantinki Damjadiid looma reyn, MW Xasan Shikh amnigi dalka waa la degtay,fursadna adigaa siiyay qaswadayaal.
Cabdullahi Macalim Maxamuud (Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Luulyo 22 2013

Abdallah Moallim Mahamud  “Cabdullahi Siyaasi”

Abdallah Moallim Mahamud “Cabdullahi Siyaasi”

In badan oo somalida ka mid ah waxay aad ugu heelaneyd isbedalki ay u olaleeyeen in mirihiisa la gurto inta lagu guda jiro afarta Sanadood ee madaxda dalka hogaamiso nasiib u heleen ama loo doortay in ay dalka Soomaaliya hogaanka u sii hayaan.

Nasiib darro isbedalki lala yimid ummadda kuma hogaamin sidi wax loo rabay ,runti in yar oo soomalida ka mid ah ,daaha gadaashiisana ka arkayay khaladaad badan oo jiray waxay aad uga soo horjeedeen isbedalkaas ,diidmadoodana waxay sal uga dhigayeen haddii kuwi keenay guushan ku meelgaarnimadi looga baxay la bedalayo ,kuwa imaanayo ha ahaadeen kuwa si aad ah looga fiirsado soo doorashadooda.Taa madhicin oo raggi la soo doortay gudoomiyaha barlamaanka ,madaxweynaha dalka iyo wasiika koowaad oo ay ayaga la yimaadeen ma noqon hogaamiyayaal la yimid isbedalki dadka soomaaliyeed u bukeen ,waxay noqdeen rag fadhiid ah oo mid walba leeyahay boog u gaar ah oo uunan horay uga socon Karin.

Raggan eedooda waxaan ku soo koobayaa shaqada loo doortay sidi la rabay ma uga soo baxeen masa maya.

Gudoomiyahaya Barlamaanka Prf Maxamed Cusmaan Jawaari oo isaga lugaha si cad ugula jiro dhiiqo uu ilaa haddeer wax ka qaban, taas waa barlamaanki loo hanweynaa oo tirada xildhibaanada soo fadhiisto fadhiyadiisa aynan weli kor u dhaafin 170 tan iyo marki la doortay madaxda dalka keddib, halka tirada xildhibaanada tahay 275 xildhibaan.

Runti waxaa jirto in gudoomiyaha barlamaanka mar ama labo jeer mediyaha ka sheegay iyo xildhibaanada hortooda in xildhibaanada aanan soo xaadirirn fadhiyada barlamaanka tilaab cad oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono maqnaashahooda joogtada noqday.taa madhicin.

Haddaba waa su’aal, barlamaan mar walba ay fadhiyadiisa ka maqan yihiin in ka badan boqol xildhibaan, sharciyada uu sameeyo siday u noqonayaan kuwa wax gal ah ama sharci sax ah iyada oo aynan jirin cudur daar cad oo ay ku maqan yihiin xildhibaanada ka maqnaado fadhiyada barlamaanka? taa waxaa u dheer barlamaankan, in ay jirto xildhibaano aanan shirka soo xaadirin,dowrna ka qaato ka arinsiga sidi jalaafo loogu dhigi lahaa dowladan ay barlmaankeeda xildhibaano ka yihiin iyo waxaa jiro kuwa iska aado halwo aanan barlamaanka u idmin qabashadooda sidi xildhibanaadi aaday kismaayo ,sheegayna in ay halkaa ku tageen hawl barlamaaka u dirsaday.

Waxaa fooda nagu soo haayo in maalmaha soo socdo barlamaanka cod u qaadi doono xeerka kaluumeysiga oo ay dowladda Fed Soomaaliya hor keentay barlamaanka maalma ka hor,xeerkan waxaa ka buuxo arrima badan oo maldahan, lana rabo in lagu tirtiro shaciga badda ee soomaliya oo dhigayay in xuduuda baddeena tahay 200 mayl, xeerkan ay dowladda horkeentay barlamaanka wuxuu si cad u sheegayaa in baddeena tahay 12 mayl isaga oo aanan cadeynin halkaa uu ka soo xigtay in baddeena tahay 12 mayl.cajiib. isxasuusin 2012 barlamaanki dowladi ku meelgaarka waa ku gacan seyray qorshahaan soomalida laga daba wado ,laguna doonayo in lagu milki guuriyo qeyb ka mid ah baddooda, barlamaankanna waaan ka rajeyneynaa in ay sidoo kale ugu gacan seyraan xeerkan lagu soo hoos qariyay qodob la rabo in baddeena lagu boobo.

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shikh Maxamud isaga xaaladiisa waa budo gaar u tuman,waa hogaamiyaha dalka,waa mas’uulka khalad walba oo ay dowladiisa gasho ma’uuliyadeeda iska leh ,wanaag haddii ay la timaadana amaanteedaa iska leh.

Madaxweynaha marki laga reebo guul yar oo uu ka soo hooyay dhanka siyaasada dibada ama diblomaasiyada ,ma jirto wax horumar ah oo uu la yimid marki la soo hadal qaado lixda qodob oo uu fadhi uga dhigay hawlqabadka dowladiisa ,waxaaba ugu darran qodobki uu u hormariyay lixda qodob oo isaga ah amniga dalka ,markuu ka hadlayana uu ku celcelin jiray tira saddex jeer ,Amniga waxba kama qaban amnigi dalka ,waxaana naaqusay nabadi yareyd ee aan horay u heysnay, mana laga yaabo in shanta kale si wacan u shaqeeyaan haddii amniga xumaado.

MW Xasan sheikh lama haayo meel uu ku wanaajiyay ama ku adkeeyay xiriirka kala dhaxeeyo labada dowladood ee Ugandha iyo Brundi oo iyaga leh ciidamada ugu xoog badan ee joogo magaalda Muqadisho isla markaasna xamar ka xoreeyay Alshabaab ,welin gacan weyn ku leh ilaalinta nabada magaalada Muqadisho.

MW Xasan waxaa lagu xantaa in uunan cilaaqaad joogta ah ama maalinla ah la laheyn madaxda amniga dalka guud ahaan iyo kuwa muqadisho gaar ahaan.

MW Xasan qaladki ugu weynaa ee dowladiisa gashay wuxuu ahaa kolki iyada oo leh ciidan dowladeed uu qabashada nin dadka iyo dalka dembi weyn ka galay u diray kaabo qabiilo, iyada oo awood u leh in ay cadaado u dirto ciidan xoog leh oo soo qabto denbiilahaas aanan si cad weli uga towba keenin falal dembiyeedyadi uu lugaha kula jiray,weliba waxaa jirto in maamulka cadaado ku dhawaaqay in Shikh Xasan daahir isaga baxo Cadaado ama dowlada isu dhiibo.dhibka arrintan ay keentay weli wax xal ah looma helin haddiiba aynan habacsanaan ku soo kordhin amni xumadi beryahanba dadka soomaliyeed ay ka sheeganayeen.

MW Xasan tan iyo inti uu yimid dowladiisa dhulki ay DKM ku wareejisay waxaa ku soo siyaaday oo kaliya magaalada Jowhar iyo balcad oo iyaga qorshaha qabaashadooda horay u degsanaa.

Madaxweynaha dhinaca isu soo dhaweynta Somalida warkeeda iska daa, in uu sii kala fogeeyo maahine wallow ay haddana jiraan dad dhaliilahaa la wadaago oo maslaxada gaarka ah ay kala weyn tahay danta guud ee Soomalida, haddana isu dhaweynta waa mas’uuliyad isaga si gaar ah u saaran ,loona baahnaa in waxyaabaha qaar uu ku dayo basar iyo siyaasad haddii uu u arko is adkeynta in ay uga sii dareyso qadiyadaha qaarkood.

MAQAALMW Xasan ilaa haddeer lama imaan xal wacan oo lagu mideyn karo dadka reer kismaayo ,joogitaanka ciidanka kenyana looga maarmi karo ,jabhadaha qabiil ee halkaas isku heysatana hubka looga dhigo karo si siman oo aanan eex ku jirin ,dadka reer Kismayana ay ka dhax heli karaan maamul aanan jabhad iyo qabiil toona aynan ku gacan sareyn maamulkooda.

MW Xasan Aminga waxba kama qaban toban bilood ,bishi u dambeysay waxaa soo kordhay in habeen walba magaalada Muqadisho qof ama labo lagu dilo si bareer ah ama qarax ka dhaco oo ay dad badan ku dhintaan ,qaarna ku waxyeeloobaan,hanti badana ku halowdo.

MD Xasan war iyo dhamaantiis eediisa ugu weyn waxay noqotay qodobki Amniga oo uu lahaa isaga ayaa ugu muhimsanaan doono wax ka qabadkeyga ,runtina haddii amniga wax laga qabto wax badan oo kale ayaa hagaagi lahaa ,laakin nasiib daro sidi Madaxweynaha uga seexday ayaa hay’adihi amnigana uga seexdeen hawshooda.

Wasiirka Koowaad Cabdi Farax Shirdoon waa nin qabow oo qoray dab leh haddii aad ku qabato aanan juuq lahayn,waa mas’uul aad u gaabiya,aad u jecel madaxda caalamka ee dalka timaado la kulankooda oo kaliya balsa aanan nasiib u helin in uu dibadda dalka u baxo sida caadada u ahayd madaxda Soomalida mudooyinki dambe, haddii bixidaas hawl muhim ah tahay iyo haddii aynan ahayn ,dowladiisa wasiiro badan oo ka mid lalama xisaabtamo sida wasiirka warfaafinta iyo wasiira kale oo ay midiyaha soomaliyeed ku tilmaameen in ay astaan u yihiin musuqmaasuq iyo wax isdaba marin ,fadiixada ugu weyn ee wasiirka koowaad ilaa haddeer ku jiro waa in uu si cad u sheegay in dowladiisa aynan aqbalayn in wax laga bedalo xeerka badda Soomaaliya oo dhigayo in baddeena tahay 200 mayl ,haddana waxaa dhacday in uu barlamaanka horgeeyay xeerka kaluumeysiga ee ka hor imaanayo hadalki uu kor u sheegay si cad ,xeerka kaluumeysiga waxa lagu soo dhax qariyay qodob dhigayo in baddeena tahay 12 mayl ,xeerkaas badda ee barlamaanka la horgeeyay waxaa ku saxiixan wasiirka koowaad. Calaa kulli xaal wasiirka koowaad waa caana ma daadshe u jilcan Somalida iyo wufuuda caalmkaba sida lagu xanto,waa mas’uul xumaan iyo samaan wixi loola yimaado aanan dood badan ka keenin marba haddii aanan mansabkiisa dood la gelinayn ,yacnii waa hor-ujeed sida ay dadka soomalida ugu yeeraan shakhsiyadan oo kale.

Gunta qoraalkan ma ahan in lagu ceebaynayo madaxda dalka ama in loo muujinayo neceyb gaar ah oo loo qabo balsa waa tusma lagu tilmaamayo maxaa naga qaloocan, waxaa la yiraahdaa ruuxa kuu tilmaamo waxa kaa qaloocan in uu yahay ruux ku jecel haddii aad weli heysato waqti aad ku saxdo qaladaadkaas ummadda u wada muuqday.

Waxaa iyadana jiro qolooyin beryahan ka soo dhax muuqday mediyaha oo in badan oo shacabka ka mid ah ay ku tilmaameen in ay yihiin qaswadayaal, qaswadyaashan waxaa kiciyay oo keenay in ay kulmaan ama u hunguriyeeyaan in ay mar uun ku fadhiistaan xilalka u sareeyo ee dalka waa uun dulduleelo, fadhiidnimo iyo horusocod la’aan laga arkay madaxda DFS.

Fariin gaaban ,madaxdeena waxaan idinka kaga mahadnaqaynaa hawlaha wacan oo aad qabateen ,waxaansa dhinaca kale idinka codsaneynaa in aad si degdeg ah amni xumada xoogeysatay wax uga qabataan ,taana waxay ku imaan kartaa idinka oo ku dhax milmo si hoose ha’adaha amniga ,si maaalinla ahna ula socdo hawlahooda. Waqtiga idiin haray ka faa’iideysto ,taariikhda waxba kama tagto xumaan iyo samaan ,haddaba weli fursad iyo waqti dheer ayaad heystaan ee la soo noqdo sumcadiina inti goori goor tahay.

Abdallah Moallim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi).

Moallem10@hotmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Golaha Badbaadinta Soomaaliya armay naf-ta kusoo celiyaan dowladdan sii dhimaneysa?! W/Q Farah Warsame

$
0
0

Golaha Badbaadinta Soomaaliya armay naf-ta kusoo celiyaan dowladdan sii dhimaneysa?!
Farah Warsame
Bile1971@hotmail.com
Luulyo 22 2013

Faarax Warsame

Faarax Warsame

Waxaan maq-maqalayay in qaar ka mid ah siyaasiyiintii Soomaaliya hore u soo maray xilalka waaweyna kasoo qabtay Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ka aasaaseen gole la magac baxay Golaha Badbaadinta Soomaaliya. Waa magac wanaagsan waana gole marka dhinac laga eego u baahan in la dhiso maadaama la doonayo in la helo cid u damqata dalka kana damqata dhabbaha halista ah ee dowladdani kusii socoto. Dhinaca kale markaad ka eegto waxaa suurto-gal ah in golahani uu hurdada ka kiciyo dowladdan sii socota ee Soomaalidu ka rajo dhigtay.

Haddii hadafka golahan loo aas-aasay ay tahay in lagu badbaadsho Soomaaliya, waan soo dhaweynayaa, laakiiin uma qalanto dowladdan in la saxo waxna la taro dhow arrimood awgood.

1) Dowladdan waxay taladii waddanka kusoo koobtay magaalada ay dagan tahay oo qiyaas ahaan u dhiganta 5% baaxadda dhulka ay soomaalidu dagto oo ay sheegato in ay dowlad u tahay.

2) Haddii ay sii socotana waxay kusoo koobmi doontaa Villa Soomaaliya marka laga tusaale qaato magaaladaa laftigeeda oo dadku qaab qabiil u sii kala baxbaxayaan taas oo soo celin karta khadadkii cagaarnaa ee beelaha & qabqablayaasha.

3) Waxay si cad oo aan gabad la heyn uga hor yimaadeen dastuurkii dalka loo soo dhisay ee waqtiga & maalka badan ku baxay, iyaguna ku yimaadeen.

4) Waxay dagaalo ka huriyeen degaano nabdoon, iyagoo weliba aan qarsaneyn ku lug lahaanshaha dagaaladaas sida madax dowladda ka tirsan oo goob jog ka ahaa, dhinacna la safnaa.

5) Waxay u tafa-xeyteen khalkhal gelinta maamul soomaaliyeed oo soo jireen ahaa (Puntland) maamulkan oo horseed u ahaa dhismaha dowladdan iyagoo kuwo maamulkaa la mid ah soo dhaweeyay sokeeye-na ka dhigtay.

6) Waxay galeen khiyaanooyin qaran oo waaweyn oo uu ka mid yahay heshiisyadii badaha, dhulalka & hantida qaranka ay uga iibiyeen shirkado & dalal shisheeye.

7) Waxay maamulkii federaalka oo sida aad magaca ka fahmeysaan ah magac baahsan oo dadku awoodda leeyihiin ka dhigeen mid uu leeyahay koox 5 illaa 10 aan ka badneyn oo cidda ay u shaqeeyaan aan la garaneyn.

8) Hantidii qaranka & kaalmadii caalamka ayay si aan sharciga waafaqsaneyn u lunsadeen uguna takri faleen sida ku cad warbixiintii Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa lunsada malaayiin doolar oo Baanka Soomaaliya lagala baxay

9) Madaxda Dowladdan ayaa laftigoodu guusha ku helay doorasho aan xalaal aheyn sida lagu caddeeyay warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saareen Golaha Qaramada Midoobay ee la socodka cuna-qabateynta hubka Soomaaliya. (Hal xaaraan ahi Nirig xalaal ah ma dhasho) waa maahmaah soomaaliyeed oo wax badan ku fahmsiin karta.

Waxaa intaa dheer oo dadka oo dhammi ka warqabaan in dowladdani tahay dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya soo marta oo iyada oo 30 casho jirta, ummaddii shaki ku kala abuurtay!!!. Wixii 30-kaa casho ka dambeeyayna daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa dhiiqo lugta la sii galeysay illaa ay gaarto heer ah markii ay 5 bilood sii mareysay in dadkii soomaaliyeed ku qiyaaseen in dowladdani dalka dib ugu celineyso dagaaladii sokeeye ee ahliga ee 1991-dii dalka soo maray.

Halkan ka akhriso siduu xaalku ahaa maalmo uun kadib markii dowladdan la doortay & sida dadku ahaayeen oo aan maqaal ka qoray, maqaalkan oo in ka badan 50 bog oo soomaali ah daabaceen. http://www.raxanreeb.com/2012/12/madaxweyne-sh-shariif-ma-la-tabay-mise-anaa-mooday-wq-farah-warsame/

Haddii intaa oo arrimood iyo kuwo kasii badan ay jiraan welina soo wadaan qorshayaal kuwaa ka sii khatarsan oo dalka & dowladdaba dhibaato u horseedi karta. Waxaa soo muuqday ururkan ay siyaasiyiintan culuculisi ku bahoobeen. Waa masuuliyiin qaran waana waajib in talo ka geystaan dalkoodii hooyo, maadaama intooda badani ay wax ku soo barteen canshuurtii dalka, waajibna tahay in ay dalkii wax baray wax uga soo celiyaan.

Laakiin arrinta meesha soo geli karta oo maqaalkani horudhaca u yahay ayaa ah in soo muuqashada golahani dhiiro-gelin karto dowladdan sii socota, iyagoo markaa (waa dowladdee) isu arki kara in ay yihiin dad wax ka khaldameen sixina kara ama is-bedel sameyn kara taasoo ah wax aan meeshaba ku jirin.

Haddaba su’aalaha dadka arrimaha dowladda wax ka yaqaana ama siyaasadda odorosa is weydiinayaan ayaa ah:

YAA DOWLADDA SAXAYA? Ma siyaasiyiinta Nairobi ku shiray ee golaha Badbaadinta Soomaaliya la baxay mise ciddii xaqa u laheyd in ay saxdo ee golaha Baarlamaanka & Maxkamadda Sare? Haddii kuwii sharciyadda u heystay in ay saxaan fowdada qeyb ka yihiin ama awooddoodii lala wareegay sida muuqata, muxuu noqon karaa xalka rasmiga ah ee kama dambeysta ah?

MAQAALJawaabaha & aaraadu wey kala duwanaan karaan, laakiin fikirka saliimka ah wuxuu na oranayaa mar haddii ciddii xaqa u laheyd in ay arrimahan wax ka qabtaan ay ka gaabsadeen howshooda ama qeyb ka yihiin fowdada ama awooddoodii lala wareegay sidaad doonto-ba u dhigoo, waxaa muhiim ah in laga fakaro qaabka loo badbaadin karo DALKA, qaar haddaan ka sheego-na waxaa ka mid ah:

a) In Madaxdani si toos ah oo aan gabad laheyn arrintan shanta ula soo galaan iyagoo ka saaraya arrintan wax u sheegid iwm ah, una badalaya wax-qabad.

b) In la helo meel dhex-dhexaad ah oo dalka soomaaliya ka mid ah oo lagu qabto shir ay ka soo qeyb galaan dadka wax-garadka (elite) u ah Soomaaliya.

c) In halkaa lagu dhameystiro waxyaabihii dowladdani ka baaqsatay in ay wax ka qabato ee dastuurku qeexayay sida in la dhiso maamulada kale ee federaaalka, dhisamaha golaha odayaasha (senate-ka) loo yaqaan, dibna loo saxo dastuurkii ay ku ciyaareen.

d) Iyo in la helo magaalo si KMG ah caasumad ugu noqon karta Soomaalida oo aan lakala sheegan, dadkana u dhaxeysa oo howlaha dalka lagu badbaadinayo lagu wado

Ugu dambeyn waxaan kusoo gabagabeynayaa qoraalkeyga, haddii hadafka & ujeedada loo aasaasay Golaha Badbaadinta Soomaaliya ay tahay in ay badbaadiyaan dalka, buuxinayaan shaqadii ay dayacday dowladdan waa fikir wanaagsan oo macquul ah, tariikhda geli doona mustaqbalka, soomaliduna soo dhaweyn doonto. Laakiin haddii arrintu tahay hadal-tiro iyo sidaa dowladdu ha sameyso, waxay ila tahay waxba soo kordhin mayso maadaama hore looga quustay dowladdan wax u sheegis iyo waxa la midka ah cid ay dhageysato-na heysato (Damul-jadiid). Waxaa marka loo baahan yahay in la helo qaabkaa qaab ka duwan oo IS-BADAL dhab ah oo dalka & dadka lagu badbaadinayo lala yimaado, haddii lagu sii fiirsado dowladdan qaabka ay hadda howsha u wado, waxaa imaan doonta maalin dadka soomaaliyeed ka shallaayaan (runtu ragga waa ka nixisaa wax’se ma yeesho)

Wabillaahi Towfiiq

Farah Warsame

Bile1971@hotmail.com

Melbourne, Australia.

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dr Baadiyow Xaquu La Bururaye Baadil Yaan Loogu Af Celin. W/Q Caaqil Saciid Yusuf

$
0
0

Dr Baadiyow Xaquu La Bururaye Baadil Yaan Loogu Af Celin
Qalinkii Caaqil Saciid Yusuf
Gamadiid77@gmail.com
Luulyo 22 2013

MAQAALWaxaan la fariistay,…iswareysanay,… aragtida Soomaali u dan ah labalisnay, …halka qaloocu ku jiro weydiiyay, …waxa uu xal u arko bidhaamiyay,… wixii lasoo maray damaqeed la olalayay,… waayihii Soomaaliyi Soomaali aheyd xasuusteedii gocanayay,… min Loowyacado, Hargeysa iyo Balidoogle xilalkii uu qaranka ugu shaqeynayay iyo sidii uu u gudanayay Difaaca Dalkiisa iyo Dadkiisa sooyaalkiisii ka muuqdeen,… iyadoo laabtiisii talow kusoo tiri baahidii loo qabay markii Raashiya wadanka laga saarey in uu noqday Injineerkii kaliya ee soomaaliyeed ee sawaariiqda SAM-ka ah aqoonteedii lahaa, masuuliyadeediina qoorta loo suray, IYANA MAALIN BAY AHEYD.

Anoo si hal haleelo ah hadalka uga boobay, ayaan ku hadaaqay,  maalintaas sidaad kali ugu aheyd Soomaali daboola baahidaas Raashiyaanku baneeyeen ayaad maantana Banaadir iyo Bulshada Soomaaliyeedba ugu kali tahay in  aad daboosho Baahida loo qabo Hogaan xaliya hagardaamada wadanka taal,… iiguse af celi Rag fiican kali kuma ahiye Baarlamaankeena CODKOODA RABOOW CALAF HOWGALIN,… ana iri OO MALAGU KARAYAA in cood uusan u galin codkaan Soomaali in ay danteeda ku baadigoobaan aheyd, …anoo ay u hor yimaadeen xubno Baarlamaanka loo xulay oo sugan la’ in ay toban codeeyaan ayagoo ku hadaaqaya HALI MAALIN BAY CEEL JOOGTAY.

Musharaxiintaan horfariistay xiligii olalaha ba’an socday Muqdisho sanadkii hore, kii ugu bilnaa buu ahaa kan oraahahaas aan is dhaafsiisaneynay, Waa Dr: Baadiyoow, weysuu ku maqnaa markaan xaafiiskiisa soo galay, xogheynadiisii ayaa igu wargashay in aan qadar daqiiqado ah sugo, waa uu ii soo galay asagoo ka tirtiranaya weysadii salaan maxabo iyo kalgacal leh ayaan is dhaafsanay, ma aheyn sida Musharaxiintii kale ruux uu isqaadqaad iyo qoortaagi ka muuqday, danta Soomaaliyeed ayaa uga mudneyd in uu isagu xil helo, dhibaatada soomaali ayaa walbahaar ku heysay, isagoo ay u muuqatay ayaandarada Madaxda Soomaaliyeed haleeshay, waxaan xasuusnaa oo hadalkiisu ka turjumayay tixii qaaliga ahaa ee Maansadii AUN Cismaan Yuusuf Keenadiid ku jiray asagoo Duulkii Madaxdu ka xumaata ka hadlayay waxa ayna aheyd sida hoose:

Ragii madaxdu ka xumaato waa, marin habaabaaye­
Kuwii maqaddimada looga dhigay, waa manfaca-raace
Mar maxaad cuntaan keliya yuu yahay, maqsuudkoode
Nin mushaharo eexeynayaa waa, miskiin dhabahe
Muddiic waxa ka dhigay waa inuu, maarmi-waa yahaye
Mudaafacana seeg iyo inuu, maya yiraahdaaye.

Asna waa Dr Baadiyow’e ma uusan ilowsaneyn tixahaas, waana tan ku qasabtay In sagaashameeyadii uu Canada iyo Caruurtiisii ka doorto Muqdishoo hadaad milicsatid maamahaas qalbi jaleeci lahaa uusan jirin in uu yimaado iskadaaye in uu gadaal u deymoodo.

Waan wada qirsanahay dadaaladii iyo xusulduubkii uu u galay dhalintii intii le’atay maahane intii ka badbaaday Qabqable iyo qaad in uu qalinkii u dhiibay oo yiri Dhalinyaroow RAJADA WAA QALIN, Jaamacada Muqdisho ayuu xabadii dhalinyaro uga soo xareeyay, tanoo min Muqdisho ilaa Boosaaso taxan manta.

Ma tixi karo wanaaga uu dadkii iyo dalka uu u galay, aanse u laabto doorashadii oo Baarlamaankii lasoo xulay Codkoodii mid dan iyo dal ka turjumaya ma noqone Cood bay ka yeesheen, dufana in badan oo ka mid ahi afka ka tirtirte, Monitoring Report-kii 18 July 2013, ayaa daaha ka qaaday, mise awal baanan war ka heyn, ceeb allaha asturo.

Waa Fahmeen Baarlamaanku fariintii Dr Baadiyow ee aheyd sida tixaha Gabyaagii Qaranku AUN Sultan Timocade qabay

Hadafbaa dhismaha baarlamaan, lagu hubeeyaaye

Hadba shicibku caynkuu rabaa, lagu hoggaanshaaye

Mase aysan raacin oo Fuluus baa u diiday, khudbadiisii Musharaxnimo ayuu ku lahaa “Dadoow hadii aan nasiib u helo xilkan hogaankiina ah ma noqonayo wax aan ka aheyn Odayadiina mid ka mid ah, oo hal qabiil (Soomaali mid ah) ayaan kaabo qabiil u noqonayaa” ma ayanse noqon sidaas oo qabiilooyinkii 4.5 ahaa ayaaba in lasii sarifo la rabay.

Mudo hadii qolodii la huwiyay xilka aanan looga dareerin, laguna oran kaligiin celcesha, ee rag doorkii Dr Baadiyow ka mid ahaa uu kula laabtay waxii uu umada la jeclaa, yirina war iga gudooma anigu intaan ayaan wadaye, inkaloo wanaag mudnaydna ay sidoo kale wanaagii ay xambaarsanaayeen miiska saareen, miyaysan mudnayn mahadnaq? taladii wanaagsaneyd iyo waaya aragnimadoodiiba in umada loogu faa’ideeyo, ileyn waxa ay faa’iidada u rabeen waa danta shacab, ma aheyn talo Madaxweyne iyo Raysalwasaare lalahaa dantiinaa ku jidha ee waa mid shacabka Soomaaliyeed loogu gudbi’yay, balse hadii la diidey, mid dan ahna la keeni waayay, miyaysan in ay farta ku fiiqaan marin habowga danta ku jirin.

Mise waxaa la rabay in lagu daawado dib u dhaca iyo boholaha loo sii jiidayo qaranimada Soomaaliyeed in lagu cesho hal kasii hooseysa 1991-kii, Allaa yaa cisak Dr Baadiyoow bohalaha iyo hagardaamada uu nooga digay, hadii uusan ka hadleena eed baa fooli laheyd.

Waana halka ay iskaga midka yihiin Gabyaageenii Qaranka Cabdulaahi Suldaan Timacade, asagoo waxa Dr Baadiyoow arkay ishiisu qabatayna waxa uu yiri tixahan hoose

Basar baa dhismaha dawladeed, loo binayn jiraye

Boqolaal gu’ oo tagay wixii, idin buguugaayey

Bawdyaha wixii idinka jaray, haw badheedhina e

Nin qabyaalad beertoow, wanaag kuuma soo baxa e

Waxaan maalmahan danbe TV-yada Soomaaliga ku hadla ka daawan weynay Qabaa’ilo labo saf lakala gashay qaarna la yiri waa Team Dowlada kuwana leeyihiin BARBARKAAD KA BAXDAA WAA BAKEYLO QALEEN, ilaa la faagay boogihii la rabay in la dhayo, waxaa sii korodhay tirade cudurkii qabyaalada ee in la suuliyo la rabay uu soo ridanayo, isagoo noqday PANDEMIC, qaaradahana kasoo talaabay London iyo Mineapolis, South Africa iyo Jeddah dhinac walba u faafay.

Heerkaas marka ay gaartay miyaanan DR: baadiyoow iyo inwalba oo caqli u saaxiib ah la barin ka hortag iyo joojin cudurka fidaya, waana halkey misana gabyaageenii Qaranka Sultaan Timacade, iskaga midka ahaayeen, asagoo leh

Nin qabyaalad geeso u tumaa, guul ma haybsado e

Goof aan biyo lahayn maxaa, idin ku gawriirshay

Geeddigan dib loo raray tashiga, galangalcoobaaya,

Doqonniimo laga guuray baa, gibilka saarteene

Gurdan iyo hadaa Reer Gurxame, kala guraysaane

Hadduun baa waxii lagu goblamay, soo gelbinaysaane.

Hadaba amnixumida Muqdisho ku baaheysay waqtiyadan danbe oo dhan, hay’adihii dowlada oo aan hore u socod muujin, Ciidamadii iyo hawlwadeenadii kaleba oo habacsanaan baaxad leh muujiyay, hawlihii la rabay in ay dowladu dadajiso oo aan wali muuqan, sadexsano oo uga hadhay hirgalinta Doorasho, tiro koob iyo maamuladii Gobalada oo dhameystiran, daldalooladaas wax aan aheyn miyuu Dr Baadiyoow ka hadlay?

La garay qolada seegtay marinka, oo aanan rabin in la falanqeeyo dhibaha muuqda ee la tabanayo, ee waxaa cajaa’ib noqotay kuwii Dr Baadiyoow u damqanayay in ay guuxa iyo gurdanka ku raacaan kuwii aan waxba u heyn, waana halka Dr Baadiyoow iyo Abwaan Ibraahim Gadhle kawada digayeen,  tixahan ayaana muujinaya

Magacaagu yuu noqon
Mid xumaan ka marag-kaca
Sida macawisaha qaar
Ninba maalin yuu xidhan
Hadba kii muraada leh
Howga dhigin maqaarsaar
Mar waxaad dhadhamisiyo
Mijin jaad ah how dhiman
Hana Talin Masiibiyo
Wax maqluukha kala dila

Marlabaad ayaa Abwaan Ibraahin Gadhle allaha u naxariistee sida Dr Baadiyoow asagoo u diidaya in NACAMLE la iskawada noqdo yiri

Maskaxdaadu yey noqon
Maqal lagula leeyahay
Yaan toban Muftaaxiyo
Lagu furan Masaabiir
Waxaad shaleyto mudatiyo
Mahadhada xasuusnoow
Halkii qorigu kaa muday
Marlabaad lugtaadiyo
Yaan cagtaadu kula MARIN

Dr Baadiyoow waxa uu diidan yahay waa dhabihii shalay, waa dhabihii lagu hoobtay, waa tan aan hilinka cusub in aan ka doorano mudan tahay, xiligii waa dhamaaday nin jecleysiga iyo qabiilka loo durbaan tumijiray, waa aragti furan waxa in la isweydaarsadaa mudan tahay, hadii dhaliilo muuqdaan kuwa hogaan ka ahi xil baa ka saran in ay awdaan, laakiin  diidmo iyo indhocadeys cidna ugama fadhin, Sayid Maxamed Cabdule Xassan, ayaa isna isla sida Dr Baadiyow tixo ku miijiyay hadii halkii kheyr laga filayay shar kasoo baxo, wuxuuna yiri

Hadday baatir geel kuu dhashoo, baaqimaad noqoto
Barooddada big caanood haddii, biidna laga waayo
In billaawe lagu soo xafsiin, ba’a ee yow sheega

Soomaalidaa odhan jirtay Buur baa dihatay, saa la isweydiiyay tolow maxey dhali? Saa la yiri IRBAD bay dhashay, waxa muuqda manta waa taas, wixii la filayay iyo waxa muuqday waa kaaf iyo kala dheeri, nin walbana waa in ay taasi u muuqataa, Dr Baadiyowna waxa uu naleeyahay, marlabaad ayaa ka helay Abwaan Ibraahim Gadhle allaha u naxariistee,  oo maansadiisa ku muujinaya, tixihiisuna sidaan oranayeen

Dadka Reer Magool iyo
Reer Mareer u kala kacay
Shicibkaan is mariyee
La dhexdhigay masiibada
Maaraha Dagaalkiyo
Miinadaan ka Gurayaa.

Ugu danbeyn aan isweydiino maxaanaga khaldan iyo see wax loosaxaa, waa marka aan khaladka fahano, waana inta Dr Baadiyoow la gubanayo, waxa uu u gubanayana anaga tahay, Marka in aan Baadil ugu afcelino, xaasha’e ma banaana.

Qalinkii Caaqil Saciid Yusuf
Gamadiid77@gmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Sheekadii boqorka iyo siidhka. W/Q Maxamed Faarax (Khusuusi)

$
0
0

Sheekadii boqorka iyo siidhka
Maxamed Faarax (Khusuusi)
khusuusi143@hotmail.com
Luulyo 23 2013

Maxamed Faarax (Khusuusi)

Maxamed Faarax (Khusuusi)

Waa sheeko caan ah oo baddankiinu wada maqasheen laakiin waxaan jeclaystey inaan la wadaago asxaabta intaan maqal iyo is xasuusin.

Boqor ka talin jirey bariga fog ee qaarada aasiya, ayaa da’diisii sii waynaatey, waxa uuna garwaaqsadey in la gaadhey xiligii uu xilka ku wareejin lahaa qofkii uga danbeyn lahaa boqornimada.

Badanaaba boqor marka uu hawl gabo ama dhinto waxaa maamulka ka dhaxla caruurtiisa, ama dadka u dhowdhow, laakiin Boqorkani waxa uu sameeyey arintaa tu ka duwan. Wuxuu go’aansaday inuu bulshada kasoo dhex doorto qofka isaga beddalaya. Wuxuu u yeedhay dhalinyaro faro baddan, una sheegay inay tahay xiligii uu xilka ka degi lahaa, iyagana uu kasoo dhex dooranayo boqor. Dhalintii u qaadan waa ayey arintaasi ku noqotey, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi ”midkasta oo idinka mid ah waxaan u dhiibayaa geed-siidhkiis, waxaana doonayaa inaad siidhkaas soo beertaan, oo sanad ka bacdi halkan isugu keen soo celisaan idinkoo wata waxaad soo beerteen. markaas ayaana idinka dhex dooran qofka u qalma inuu hogaanka u qabto boqortooyada”.

MAQAALDhalinyaradaas waxaa ku jirey wiil la yidhaahdo Ling. Wuuna qaatey siidhkii isagoo waliba aad ugu faraxsan. Gurigoodii ayuu tegay hooyadiisna u sheegay arinka boqorka. Caro iyo daasad uu siidhka ku dhex beero ayey hooyadiis usoo iibisey. Daasadii carradu ku jirtey ayuuna siidhkii ku dhex riday, waraabintana ugu roonaadey. Mudo toddobaadyo ah ayuu koolkoolinayeyn daasadii oo kolba soo qoraansanayey bal in geedkii soo baxay, balse waxba kama soo bixin meeshii. Waxa uu la kulmaa dhalintii kale oo faraxsan oo ku faanaya in geedkii usoo baxay, niyad jab ayeyna arintaas ku riday Ling. Lix bilood markey gudubtey ayuu hubsadey in uu ku guuldareystey, siidhkiina uu dhintey. Hase yeeshee asxaabtiisii kale waxba uma sheegin oo jabkiisa wuu qarsadey.

Mudadii la isku ogaa markii ay gaadhey ayaa xaruntii boqortooyada la iskugu yimi, dhowr jeer ayuu Ling damcay inaanu meesha tegin waji gabaxeeda, balse tashi hoose dabaddeed balantii boqorka inuu fuliyaa waajib iney ku tahay qir. Dhalintii mid kastaaba waxa uu wataa geed dheer oo toosan oo caleemo iyo ubax qurxoon biyey. balse Ling daasadii oo ciid kaliya ka buuxdo ayuu meesha la yimi. Dhalinyaradii kale aad ayey ugu qosleen faro madhnaanta Ling, qaar waa ku jees jeeseen kuwo kalena niyada ayey u dhiseen oo waxay dhegta ugu rideen ” isku day wanaagsan”.

Boqorkii ayaa dhalintii soo kor meeray mid walba geedka uu keenay, isaga oo leh markuu midwalba hor marayo ”shaqo wanaagsan waa geed quruxbadan”. markii boqorku soo gaadhey Ling oo baqdin ka muuqato, kana welwelsan ciqaabta uu mudan doono. Boqorkii ayaa waydiiyey magaciisa iyo waxa ku dhacay geedkiisa, Ling isagoo naxdin weyn ka muuqato ugu war celiyey in magaciisu Ling yahay iyo in siidhkii uu ku dhex beeray daasada hortaal laakiin nasiib daro uu soo bixi waayey. Markaas ayaa Boqorkii cod dheer ku yidhi ”Waa kan ninkii idiin noqon lahaa boqor. Ling ayaa ah boqorka igu xiga”.

Boqorkii ayaa markaa ka sheekeeyey sababta uu Ling uga dhex doortay dhalinyarada kale,

waxa uuna yidhi ”Sanad ka hor ayaan halkan dhamaantiin idiinku dhiibay siidh si aad usoo beertaan, laakiin siidhka aan idiin dhiibay wuxuu ahaa mid la kariyey oo aan baxayn, mid kasta idinka mid ahina waxa uu la yimi geed qurux badan. Waxaana hubaal ah in markii siidhku idiin bixi waayey aad midkale meesha ku beerteen, laakiin Ling isagu kii loo dhiibay ma uusan bedelin, waxayna calaamad u tahay inuu yahay kan idiinku daacadsan. Sidaa darteed ayuu ku mutaystey inuu noqdo boqorka iga danbeeya”.

Ka run sheegida waxkasta oo aynu hayno iyo daacadnimada Ilaahay waa ta aynu guul ku gaadheyno.

Xadiiskan Nabiga ”SCW” laga so wariyey waad wada maqasheen waxu yiri SCW ”runta la sheego jidka toosan ayey kugu ridaa, jidka toosana waxay ku geeysa Janada, qofbaa run ku celceliya ilaa Ilaahay agtiisa looga qoro inuu yahay Runlow, Beenta la sheego waxay kugu ridaa jidka xun jidka xunna waxu kugu ridaa naarta, qofbaa been ku celceliya ilaa Ilaahay agtiisa looga qoro inuu yahay Beenloow”.

Maxamed Faarax (Khusuusi)

khusuusi143@hotmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dowladda Federaalku waa ka qayb qalalaasaha Siyaasadeed ee Puntland. W/Q Shiine Culay

$
0
0

Falanqeyn Idman: Dowladda Federaalku waa ka qayb qalalaasaha Siyaasadeed ee Puntland.
Falayqeeye Idman Shiine Culay
shiine.culay@gmail.com
Luulyo 23 2013

Hordhac.

Shiine Culay

Shiine Culay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaanka u hayo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud & Dowladda Puntland ee uu horseedka u yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud Faroole waxaa u dhexeeye Dagaal siyaasadeed (Political war) kaas oo leh wejiyo kala duwan kana furan furimo dhowr ah sida  :-

1. Dhismaha Maamulka Juballand.
2. Dastuurka Dowladda Federaalka.

Dhismaha Maamulka Juballand.

Dadaalada lagu dhisaayo maamulka Jubaland waxay soo socdeen mudo dheer wuxuuna ahaa mid ay iska kaashanayeen Dowlada TFG, Urur Goboleedka IGAD & Dadweynaha ku dhaqan Deegaanadaas.

Inkasta oo Dowlada Federaalku markii hore ogolaatay waxna ka ogayd dhismaha Jubaland hadana khilaafkii ugu horeeyey ee labada dhinac wuxuu soo bilaabmay markii Madaxweyne Shiikh Shiriif ka codsaday Dowladda Kenya & Midowga Africa inay Muqdisho u soo daad gureeyaan ciidan gaarayey 2000, oo Askari kuwaas oo laga soo ururiyey Gobolada Jubooyinka & Gedo ujeedada laga lahaana ay ahayd inay Deeganadaas ka xoreeyaan maleeshiyada Al-shabaab, Codsiga Madaxwaynaha waxaa ka horyimi siyaasiyiinta ku abtirsada Jubaland oo ku dooday in baahida taala Muqdisho mid ka weyni ka jirto Deeganadaas loona baahan yahay in Ciidamadaas ka hawl galaan aagagii horay loogu qorsheeyey.

Xaaladu waxay cirka isku shareertay kadib markii Ciidamdii loo tababaray Jubaland, xoogagii Raaskanbooni & Kuwa Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya furin dagaalna kaga soo fureen Kooxda Al-shabaab xadka u dhexeeya labada Dal, Hawlgalkaas huwanta ahaa waxaa si adag uga horyimi Madaxweyne Shiriif Sh. Axmed isagoo ku dooday in aan Dowladiisa waxba lagala socodsiin, nasiib wanaag dadaal dheer oo diblumaasiyeed kadib waxaa lagu guulaystay in Madaxweynaha lagu qanciyo in Dowladiisu taageerto hawlgalkaas.

DFKS si weyn isuguma mashquulin inay lug badan ku yeelato dhismaha maamul Goboleedkaas wakhtigeedii oo gabaabsi ahaa awgiis & Masuuliyiinteeda oo ku mashquulsanaa meel marinta qorshihii Road map taas bedelkeeda waxaa madaxda TFG dhexdooda ka curtay loolan siyaasadeed sidaa darteedna masuul kastaa wuxuu baahi u qabay taageerada beelaha mana doonaynin inuu lumiyo beel ka mid ah.

Doorashadii Madaxweyen Xasan Shiikh .

Doorashadii Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waxay ku soo aaday iyadoo dagaalkii u dhexeeyey Ciidamadii huwanta ahaa & Maleeshiyaadka Al-Shabaab uu ku soo fiday nawaaxiga Magaalada Kismaayo ilaa ay khasab ku noqotay kooxdu inay isaga baxdo magaalada kadib markii weeraro culus lagag soo qaaday Dhulka, Cirka & Bada.

Qabsashadii Kismaayo waxay keentay in Maamul KMG ah looga dhawaaqo magaaadaas lana soo dedejiyo qorshihii maamul Goboleedka loogu dhisayey Gobolada Jubooyinka & Gedo.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud mudadii uu xafiiska joogay wuxuu adeegsaday awood & farsamo kasta oo uu ku xagal daacin karay dhisitaankii Maamul Goboleedka Jubaland markii uu ku guuldaraystay isku day walba ugu danabayntii wuxuu ku gacan sayray doorashadii Madaxweyne Axmed Madoobe isagoo diiday inuu aqoonsado Maamulkaas.

Taageerada Puntland.

Dowlada Puntland oo bud dhig u ah nidaamka Federaalka Soomaaliya isla markaasna ah Maamul Goboleedkii ugu horeeyey ee ka hana qaada geyiga Soomaalida waxay si aan hagar lahayn ugu fidisay taageero nooc kasta leh dadaaladii lagu dhisayey Jubaland & socod siinta maamulka curdinka ah ee uu hogaanka u hayo Axmed Madoobe.

Puntland & Jubalad ma wadaagaan wax xuduud ah waxayna kaga kala yaalaan Soomaaliya Bari & Koonfur ma qabo inay jirto ujeed ama dan siyaasadeed oo kale taas oo ku khasbaysay Xukuumada Madaxweyne Faroole inay taageerto Maamul Goboleedkaas marka laga yimaado inay Puntland ku dadaalaysay in la helo Dowlado xubno ka noqda Dowlada dhexe si loo meel mariyo hirgelinta nidaamka Federaalka waxaana taas tusaale kuugu filan sida Puntland ugu balan qaaday taageero la mid ah tii ay siisay Jubaland qorshe kasta oo maamul Goboleed cusub loogu dhisayo Gobolada Dalka.

Puntland waxay u fidisay Jubaland taageero siyaasadeed iyadoo ku qancisay wadamada deriska ah & Beesha Caalamku inay taageeraan Maamulkaas waxayna ku guulaysatay inay albaab kasta oo diblumaasiyadeed ka soo xirto Dowlada Federaalka Soomaaliya oo iyaduna dhankeeda dadaal ugu jirtay sidii ay u curyaamin lahayd hana qaadka Jubaland.

Talaabada geesinimada leh ee ay qaaday Puntland waxay si weyn uga caraysiisay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud taas oo sababtay inuu xumaado xiriirka u dhexeeya DFKS & Puntland.

Dastuurka Dowladda Federaalka.

Ka sakoow Puntland inay ahayd hooyadii & hindisihii in Dalka laga hirgeliyo Nidaamka Federaalka hadana waxay qayb libaax ka qaadatay diyaarinta Dastuurka oo qayb ka ahaa qorshihii Road map iyadoo Garoowe ku qabatay shirarkii 1 & 2 oo dhamaantood ku saabsanaa dhamaystirka Dastuurkii qabyada ahaa taas oo ay amaan badan kaga mutaysatay Soomaalida dhexdeeda & Beesha Caalamka.

Dadaal, Himilo & Hindise kasta oo Puntland ugu jirtay sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa ku dhaqanka hanaanka Federaalka waxaa barbar socday xagal daacin ka imanaysay siyaasiyiinta reer Koonfureedka oo dhankooda aaminsanaa in Dalka loo dhiso Dowlada dhexe oo awoodeedu ku urursan tahay Muqdisho.

Si sahlan kuma iman in maantadan la joogo uu leeyahay Dalku Dastuur & Dowlada Federaal ah oo aduunka dhaqami aqoonsan yahay sidoo kale weli ma uusan dhamaan aragtidii siyaasiyiinta reer koonfureedku ku diidanaaayeen nidaamkaas waana sababta keentay in Dastuurkii wakhtiga badan lagu bixiyey, Beesha Caalamku xogog gaalka u ahayd, la aaminsanaa inuu yahay xalka keliye ee Soomaali dib isugu soo celin kara, inta laga daba yimaado maalinba qodobkii la doono laga saaro.

Inkasta oo Madaxweyne Xasan marar badan ku celceliyo inuu taageersan yahay hanaanka federaalka hadana waxaa la aaminsan yahay inuu laali lahaa nidaamkaas hadii uusan u baqynin sharciyadiisa maadaama isaga lagu soo doortay uuna ku khasan yahay inuu ku shaqeeyo, Wadada keliya ee u furanatayna waxay noqotay in uu dagaal hoose u galo sidii uu habka Federaalka uga takhalusi lahaa wuxuuse mar kale laf ka liqi waayey Puntland oo meel kasta & miis walba soo saartay Dastuurkii saxda ahaa & cadaymo muujinaya sida uusan Madaxweynuhu daacad uga ahayn in Dalka laga hirgeliyo Nidaamkii Soomaali ku heshiisay (Federaal).

Xasan Shiikh Vs Cabdiramaan Faroole.

Madaxweyne Xasan Shiikh markii uu garawsaday sida uu u fashilmay iskudaygii uu ku doonayey inuu ku hor istaago dhismaha Jubaland & sida Puntland uga hortimi wax ka bedelkii uu ku sameeyey Dastuurka wuxuu aaminay ilaa ay xafiiska banayso Xukuumada Madaxweyne Faroole in aysan waxba ka suurtageli karin isku dayadaas .

Dowladda Federaalku way ka dheregsan tahay sida shacabka reer Puntland & waxgaradkoodu aysan uga suurto gelin inay gacmahooda ku burburiyaan maamulkii ay mudada dheer ku soo caana maalayeen sidaa darteed waxay garwaaqsadeen inay uga fududa tahay sidii ay ku burburin lahaayeen Maamulkaas inay helaan Xukuumad uu hogaanka u hayo Madaxweyne ay iyagu kursiga ku fariisiyeen oo aan sinaba uga hor iman karin qorshe kasta oo ay wataan sida Raysal Wasaare Saacidna iskaga qanacsan oo qura xilka uu huwan yahay.

Sidaa darteed waxay abaabul u gashay sidii ay u taageeri lahayd siyaasiyiintii ka soo horjeeday geedi socodka Dimuqraadiyada Puntland maadaama ay ku adkaan lahayd inay rumowdo riyadoodu hadii hanaankaasi hirgalo kaas oo shacabka xaq u siinayey inay soo doortaan hadba xisbigii ay ku qancaan qorshayaashiisa.

DFS markii ay ku guulaysatay qorshayaashii lagu majo xaabinayey nidaamkii xisbiyada badan lana filayo Madaxweynaha soo socda inay soo doortaan Golaha Baarlamaanka (66 Xildhibaan) oo lagu xanto inay hadba codadka u badiyaan musharaxii jeeb buuran waxay bilowday sidii doorashada Madaxtooyada Puntland uu ugu guulaysan lahaa siyaasi ay iyadu soo maalgelisay sida lagu helayo xogo dhowr ahna waxay tibaaxayaan in ay samaysatay laba qorshe (A Plan & B Plan ) si aysan marna uga khasaarin fursadaas.

Qorshaha Koowaad.

Qorshaha koowaad Dowladda Federaalku waxay ku taageeraysaa Xildhibaan: Siciid Cabdulaahi Dani oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya & koox diimeedka Al-islaax ee majaraha u haya Madaxtooyada Soomaaliya, aqoon ahaan & maaliyad ahaana ah nin dhisan.

Xildhibaan. Deni kooxda damul jadiid waxay u arkaan nin muhim u ah doonitaankooda waa siyaasi ku cusub masraxa siyaasada, Ka tirsan kooxda Al-Islaax, Waayo aragnimo fiican aan u lahayn hanaanka Federaalka ayna fududaan doonto sida ay isula jaan qaadi doonaan hadii uu u fariisto Madaxtooyada Garoowe sidaasna uu meesha kaga bixi doono khilaafka u dhexeeya iyaga & Puntland.

Kama mid ahayn mudanayaashii u ololeeyey dhismaha Maamulka Jubaland marna ma cadayn mowqifkiisa ku aadan nidaamka federaalka taas oo ku dhiiri gelisay Villa Soomaaliya taageeradiisa.

Sidaa darteed waxay ku bixinayaan dadaal & kharash kasta sidii uu majaraha ugu qaban lahaa hogaanka Puntland waxaana durba ololihiisa laga dareemi karaa Dalka gudihiisa & Dibadiisa gaar ahaan Dubai, Isagoo waayadan danbe si weyn isugu mashquuliyey xaaladaha siyaasadeed ee Puntland iskana ilaaway xilkii loo igmaday ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Qorshaha Labaad.

Hadii ay Dowlada Federaalku ku guuldaraysato qorshaheeda koowaad waxaa u diyaarsan qorshe labaad waayo waxay ka dheregsan yihiin in musharaxa ay wataan uu yahay shakhsi ku cusub masraxa siyaasada ayna dhici karto inuusan ku guulaysan doorashada.

Qorshaha labaad sida laga soo xiganayo ilo xogogaal ah waxaa kooxda Damul jadiid miiska u saaran Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo hada si weyn u mucaaradsan Xukuumada Puntland.

Dr. Gaas dhankiisa kooxdu waxay u arkaan nin muhiim ah wax badana kaga duwan Xildhibaan: Deni kana fursad fiicnaan kara, wuxuu leeyahay waayo aragnimo siyaasadeed, Waxay qabaan in si weyn looga taageersan yahay gudaha Puntland & In si fudud loo iibin karo siyaasadiisa laakiin waxay qorshaha koowaad uga dhigan waayeen waayo aragnimada uu u leeyahay Dowladda dhexe oo uu mar ka soo noqday Raysal Wasaare, Xiriirka uu la leeyahay qaybo badan oo ka tirsan beesha caalamka, Taageerada uu u hayo Jubaland oo uu marar badan cadeeyey & Sida uu xogogaal ugu yahay Dastuurka Federaalka .

Heshiiska hoose ee u dhexeeya Villa Soomaaliya & Dr. Gaas waxaa laga dheehan karaa sida uu uga aamusay wax ka bedelka Madaxweyne Xasan Shiikh ku sameeyey Dastuurka oo la rabay inuu si weyn uga gilgisho maadaama uu ahaa Shakhsigii wakhtiga badan ku bixiyey sidii loo meel marin lahaa khariiradii Road map.

Waayo Aragnimo la dhaxlay.

Maaha markii ugu horaysay oo Dowlad fadhigeedu yahay Muqdisho ama Madaxweyne Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Gobolada koonfurtu uu isku dayo inuu afka ciida u daro Maamulka Puntland ama ugu yaraan ugu sameeyo faragelin siyaasadeed.

Dowladii Carta ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan waxay isku dayday inay talada ka tuurto Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland AHN. Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo si weyn uga biyo diidsanaa qorshihii lagu dhisay Dowladaas talaabadaas oo qayb ka noqotay dagaalkii sukeeye ee ka qarxay gudaha Puntland 2001.

Sababo isku eg.

Faragelintii Dowlada Carta ku samaysay Puntland sanadkii 2001 & faragelinta ay hada ka wado Xukuumada Madaxweyne Xasan Shiikh gudaha Puntland waxay isaga egyihiin sababo dhowr ah sida :

1. Khilaafka hanaanka Federaalka.

2. Xaaladaha Gobolada Jubooyinka.

Labadaas qodob waxay bud dhig u ahaayeen khilaafkii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan & Madaxweyne AHN. Cabdulaahi Yuusuf sidoo kalena maantadan la joogo waxay bud dhig u yihiin khilaafka ka dhex oogan Madaxweyne Xasan Shiikh & Dr. Cabdiraxamaan Faroole.

Fursado isku mid ah.

Dowladii Carta waxay heshay fursad ay xukunka kaga tuuri kartay Madaxweyne Yuusuf kadib markii ay dhamaatay mudadii xilka loo dhaarshay laguna kala aragti duwanaaday mudo kordhin Xukuumadu samaysatay fursadaas oo ay si fiican uga faa’iidaysatay iyadoo kaashanaysay siyaasiyiin reer Puntland waxaana sheki ku jirin in ay boqolaal kun oo doolar u soo waariday gudaha Puntland si loogu fuliyo qorshihii siyaasadeed ee ay wadatay.

Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh waxay hada haysataa fursad la mid ah tii ay heshay Dowladii Carta kadib markii ay soo dhowaatay mudadii Xafiiska loo doortay Madaxweyne Faroole dib u dhacna uu ku yimi geedi socodkii Dimuqraadiyada oo la filayey in lagu soo doorto Xukuumada cusub welina aan la soo bandhigin qorshaha xigi doona hakinta Doorashooyinkii Dowladaha hoose fursadaas oo Dowlada Federaalku hada ugu hawlan tahay inay uga faa’iideysato sidii Xukuumadii Carta oo kale.

Maxaa la Gudboon Shacabka & Siyaasiyiinta Puntland.

Waxaan haysanaa waayo aragnimo fiican oo aynu ka dhaxalnay faragelintii Xukuumadii Carta taas oo inoo horseeday qalalaase Siyaasadeed & Dagaal sukeeyo oo khasaarooyin baaxad leh inoo geystay nasiib wanaag waxaa inoo ah in aynu ka soo badbaadnay dabinkaas la inoo maleegay.

Waxaan ka dheregsanahay khatarta ay leedahay inay siyaasadaheena gudaha soo fara gashadaan Maamulo kale ama Shakhsiyaad aan u turaynin jiritaankeena & mustaqbalka ubadkeena.

Siyaasi lehoow aragti dhow ama mid fog rajo kasta ha kaaga jirto hogaaminta Puntland waxaa hubaal ah in hadii aan adiga lagu soo adeegsan aysan u suurta geli karin cadow kasta inuu faraha la soo galo arrimaheena oo wixii dantiisa ah ka fushado sidaa darteed waxaa kula gudboon inaad ka ciyaarto kaalinta kaaga aadan sidii Dalkeena & Dadkeena looga dhowri lahaa waxkasta oo dhibaataynaya.

Dadweyne waxaa tihiin awooda ugu weyn ee jirta, Cida lagu loolamayo in masiirkeeda la hogaamiyo, Sinaba la idin kuma khasbi karo wax aan ka ahayn rabitaankiina, Waxaa tihiin  cida ka faa’iidaysa Horumarkasta oo Puntland gaarto & Cida ay taabanayso khasaaraha ugu weyn hadii dhibaato timaado, Sidaa darteed waxaa idin la gudboon in aad muujisaan Midnimo, Dulqaad, Dadaal & Isu tanaasul si aynu uga gaashaamano dhibaatooyin kasta oo la inala damac san yahay.

Guul Eebe.

Shiine Culay

Qoraa, Faaloode & FI Raxanreeb.
Facebok: Shiine Culay Follow on Tiwtter: @Shiineculay Email: shiine.culay@gmail.com

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Caqliweyne Taalo ha loo dhiso. W/Q Ahmed A. Ali

$
0
0

Caqliweyne Taalo ha loo dhiso
Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com
Luulyo 23 2013

MAQAALHorta Caqliweynow (Caqliweyne waa Abukar Awale – Qaad Diid. Magacyo kale oo badan baan bixiyey. Caqliweyne waxaan u qoondeeyey Abukar Awale, Markaan ogaadey Halganka uu ku jiro, dadka uu kula jiro & dadka uu ugu jiro. Waxaanse u hibeeyey isagoo halgankaa dheer wali ku jira, oon gaadhin guusha uu manta soo hooyey) http://www.raxanreeb.com/2013/06/nimankan-wax-la-isu-saar-anigana-sahal-wax-la-ii-saar-wq-ahmed-a-ali/

guushan aad manta soo hoysey waan kuugu hambalyeynayaa. Waanan kaaga mahad celinayaa , ilaaheyna waxaan kaaga baryayaa inuu kaa abaal mariyo. Mar toos laguula soo xidhiidhayey, TV ga Somali Chanel ayaan damcay in aan hawwada kuu soo mariyo Hambalyo & Bogaadin, waanse ku dhici kari waayey. Waxaan xaqiiqsaday in aanan xakameyn kareynin dareenkayga waqtigaa, oonan hadliba kareynin in aan farxad la ooyo mooyee. Sida aad u dareemeyso dhibaatada & waali dhaqanka qaadku leeyahay ayaan kuula dareemayaa.

Xilligaan soo kacayey, aniga iyo dhalintii aynigeyga ahayd, badi intayadii wax baranaysay HAL baanu ka sinnayn meel kasta oo aanu gayiga Soomaalida kaga nooleyn. Waxaanu ka sinnayn oonu ku taami jirney in aanu mar uun ku biirno saraakiishii ciidamadii qalabka sidey ee dalku lahaa oo ay ku jiraan golihii sare ee kacaanku.

Waxaa (Role model) wax ku dayasho mudan noo ahaa, saraakiishii markaa ciidanku lahaa. Waa intaaney Qaadka wada baran. Waa intaan wali qadhaadhku wada gaadhin. Waa intaan wali xarku galin. Waa intaan aqoontii abtirsiimadu badalin. Waa intaaney kuwii uulada la wada qoray kala qaloonin. Waa intaan kuwii weel wax ku wada cuni jirey kala baqin. Waa intaan kuwii laba sariirood oo is bar-bar yaala kala seexan jirey kala irdhoobin. Waa intaan Alifle Gass soo ifbixin. Waa intaanuu wali kala daadan. Waa intaanuu qolo-qolo u qaybsamin. Waa intaan dantu mid walba aqalkii hooyadii u wajaafin. Waa intaaney shaadhadh kale soo wada gashanin. Waa intaaney sheydaan wada noqonin. Waa intaaney shisheeye u wada shaqaynin. Waa Intaaney qabqable dagaal darajo wada moodin. Waa intaaney hogaamiye kooxeed wada hungureynin. Waa intaan qaarba meel shacabkoodii ku dubanin. Waa intaan shaki ka galin, bari waxay ahaan jireen.

Wixii rag u kaco, Dumarkuna ku raacaan
Rabbina aqbalo, waa rumoobaan.
Caqliweyne Abukar Awale (Qaad diid). 2013

Caqliweynow maantana soomaali dhamaanteed, Adigaa (Role Model) u ah. Adigaa ku dayasho mudan. Adigaa qaadka diidey dulleeya kii cuna. Adigaa daweeyey waali dhaqankiisii. Adigaa is xilqaamay oo gaadhay go’aan adag. Adigaa dadaaley oo u daneeyeey dadkaaka. Adigaa uga digey daamirigey daldalaayeen. Adigaa u daalay oo u dibjirey danahooda. Adigaan doolar dalban iyo dahab toona. Adigaan odhan dan guud baan wadaaye ha la soo diro duunyo. Adigaa David Cameroon iyo la dooday dawladiisa. Adigaa dibadda dhigay kuwii dhiiga dadkaaga durduuran jirey. Adigaan dan ka galin dibindaabyo iyo docwareen toona. Adigey kugu diirsadeen dumarkii iyo carruurtuu qaadku duleeyey. Adigey kugu daaleen kuwii ka daneysan jirey. Adigaa dajiyey dayuuradahay ku daabulayeen. Adigaa dantey Kenya ka lahayd dabool ka saarey. Adigaa dawladeenii yidhi: igu dayoo danaha guud u dadaala. Adigaa tusay in Kenya lala doodi karo. Adigaa tusay in suntey la wareegayaan laga daadin karo. Adigaa tusey hadey naga deyn waayaan in lala diriri karo.

Caqliweyne Abukar Awale, waxaad mudantahay in ruux kasta oo damiir lihi oo dareemi karaya fikradaada uu ku xuso. Kuu hiiliyo. Ku taageero. Kuu hambalyeeyo. Kuna bogaadiyo. sadaradan waxaan u qorayaa, hadaan taageeradii af & adinba gabay in aan qoraal dareenkayga iyo taagaaradayda hawsha aad ku jirto aan ku muujiyo.

Dr. Martin Luther King oo ahaa halgamaagii xuquuqda aadanah, sinaanta iyo dabargoynta midab takoorka maraykanka ayaa maalin ay taariikhdu ahayd 28.Aug.1963 waxaa halkii uu

Ka hadlayey isugu yimid mar qudha dad kor u dhaafay 250,000. Waxaa lagu wareeray oo lagarankariwaayey siday ku dhacdey in dad intaa tiro le’eg, ay mar qudha, meel qudha, waqti qudha isugu yimaadaan iyadoo aanay jirin wax lagu wada xidhiidhaa sida SMS, Facebook, Twitter iyo Internet toona. Aaladahaas oo aynu ugnahay doorka ay manta ka ciyaarayaan isu soo baxyada sida kuwa Beerta Xorriyadda ee Qaahira. Khudbaddaa Dr. King ee halkudhageedu ahaa: Waan Riyooday (I have a dream) waxay isugu yimaadeen dadkaa faraha badani oo waliba ka kala yimid meelo badan oo aad uga fogaa magaalada Washington oo ay usoo raceen dayuurado, Basas, qaar kalena Tareeno waxay ahayd oo qudha: Inay dhamaantood dareemeen fikirkii iyo wixii uu dareensanaa Dr. King. Markuu la hadlayo dadka ma odhan jirin: Waxaan rabaa. Ee wuxuu odhan jirey: Waxaan aaminsanahay. Waxaan dareensanahay. Sidaasaa dadkii aaminsanaa wuxuu aaminsanaa ugu yimaadeen. Ugumey iman iney isaga jeclaayeen. Waxay ugu yimaadeen, iyagoo dareemay wuxuu dareensanaa. Waliba, dadkaa kor u dhaafayey, Rubuc Malyuunka, waxay 25% ahaayeen dad caddaan ah. Waxaan aaminsanahay in dadka dareemi kara waxaad dareensantahay aanay ku koobnayn Soomaalida. Waxaa kuugu daliil ah dadka qaatay go’aanka mamnuucidda Qaadka (UK) iyo kuwii kale ee ku soo bogaadinayey, haba u badnaadeen dumarka eh inay dareemeen waxaad dareensantahay. Aamineenna waxaad aaminsantahay. Dadka dibindaabyada iyo weeraka kugu hayey ama kugu hayn doona Soomaali kuma koobna. Waxaa igu maqaala ah, in dad Carab ahi lahaayeen: Eesh haadaa Soomaali?. Majnuun huwa?, Eesh yakhusu? Haadaa mush shuqlahu, iyo wax la mid ah.

Ha daalin. Soomaali baad tahay Soomaali dabar Xoog badan oo ku duuduubnaa ka goyey. Soomaali waxaan leeyahay, wuu mudanyahay eh, Caqliweyne Taalo ha loo dhiso. Ha lagu daydee Meelo muhiima, sida iskuulada, dhakhtarada, Hay’adaha iyo Beeraha xoriyadda ha lagu magacaabo.

Waa la arki doonaa ninkaan dhiman ubadkaaga iyo ubadkiisa oo ku faanaya halgankaa aad ku jirto manta Caqlieynow.

Mahadsanidin;
Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Soomaaliya waa beec ee imisaa lagu iibinayaa? W/Q Muna Abshir Abdi

$
0
0

Soomaaliya waa beec ee imisaa lagu iibinayaa (arimaha badda IWM)?
Muna Abshir Abdi
Munadecent@hotmail.co.uk
Luulyo 24 2013

Baddenu waa 350 mayl (nautical mile) ee ma aha 12 mayl

Qof kasta oo aqrista ciwaankaan waxaa dhici karta in uu la yaabo oo is yiraahdo toloow maxuu qoraagu ula jeedaa ciwaaankaan. Laakiin xaqiiqda dhabta ah Dalkeenii hooyo waa iib ama Beec hadba kaayd jeceyshahay.

Maxaa daliil u ah in dalkeenu Beec yahay?

MAQAALWaxaa la yiri maayd yaa u danbeeyey , saa la yiri kaa la sii sido.Inagoon meel kale ka doon doonin jawaabta wadankeenu waa Bad iyo Biri. Waxaan leenahay xeebta Africa ugu dheer, Allhamdulilah Ilahaay ayaa na siiyeey laakiin dadka Soomaaliyeed waay ku shukrin waayeen Nimcada Alle ku manaaystey. Baddeena khaayradka ku jiraa waa uu ka badan yahay dadka Soomaaliyeed oo dhan. Laakiin Nasiib daro dadka Soomaaliyeed aqoon ma leh, dhulkii (birigii) baay ku heshiin waayeen oo aaysan aqoon u lahaayn si loo munaafacsado Baddna iyada bal Hadalkeedaba daah.

Bilaawgii Muranka Badda iyo Heshiiskii Is Af-Garad

Dowladii uu Madaxweeynaha ka ahaa Mudane Shariif Sh. Ahmed ayaa Dowladda Kenya la gashay heshiis loogu magac daray is af-garad ama IS FAHAN, kaas oo muran lagu Galinayey Xuduudda Badda Soomaaliya. Heshiiskaan oo aay Dowlada Norway Wadatey ayaa waxaa gacan weeyn ka siisay Dowlada Turk shirkii ISTANBUL.

Sidaad kor ku aragtaan waxaa xukuumadda FKMG Saxiixay C/raxmaan C/shakuur Dowladdii KMG ee uu mdaxweeynaha ka ahaa Sheikh Sh Ahmed ayaa noqotey Dowlad Soomaaliyeed tii ugu horeeysey oo heshiis Noocaan oo kale ah (muran lagu galinayo Xudduudaha Dalka Soomaaliyeed) gasha.

Heshiiskaan waxuu yimi ka dib markii aay Dowladda Kenya heshiisyo hoose la gashay Dalal aay ka mid yihiin Dalka Norway. Norway iyo dalal kale oo badan ayaa shidaal iyo macdan ka baarayey Biyaha Soomaaliya intaay Soomaaliya Dowlad la’aanta ahaayd taas oo aay ka faaidaysteen Dowladaha dariska la ah Soomaaliya oo Kenya ugu horaayso. Shirkadahaays ayaa markaay ogaadeen in aaysan Kenya lahaayn dalka aay shidaalka ka baarayaan waxaay bilaabeen olole xoogaan oo aay ku doonayaan in aay Biyaha Soomaaliya qaayb ka mid ah hoos geeyaan dalka Kenya. Tani waxaay u suurta gashay markii Dowlada Soomaaliya u saxiixday Kenya Heshiiskii is AF-GARAD oo muran gelinaya Xuddudka Badda Soomaaliya.Waxaa heshiiskii is AF_GARAD laalay bishii acotober 2011 , waxba kama jiraanna ka dhigay (NULL& AVOID) Baarlamaankii Soomaaliya ee KMG ahaa oo heshiis kaas si Geesinimo iyo wadaninimo ku jirto uga hor tagey. Qaramada midoobey ayaa tageertay go’aankii baarlamaanka Soomaaliya.

Norway, Kenya iyo Dowladaha arintaan ka shaqeeynayey intaays kuma aaysan harin. Wakhtigii Soomaaliya loo sameeynayey Nidaamkii Roadmap-ka ayeey Norway iyo Kenya isku dayeen Dastuurka Soomaaliya in lagu soo daro inaaySoomaaliya leedahay 200 EEZ , 12 maayl badded balse nasiib wanaag waxaa cod isku hor taagey arintaan Xildhibaanadii Baarlamaanka Soomaaliya . Sidaas waxaa ku qeexan tahay war bixinta UN REPORTS: S/2013/413 ee soo baxday 12/07/2013 Boggeeda 249 iyo 250. Halkaan ka aqriso war bixintii oo kooban: http://www.un.org/ga/search/view_doc.asp?symbol=S/2013/413

Isla war bixinta waxaa lagu qoray shirkadaha kala duw duwan oo aay Kenya la gashay Heshiisyo iyo in hadii aay Soomaalidu aqbalaan in dhulbadeedkoodu yahay 12 Maayl (territorial water) aay Soomaaliya waayi doonto dhulbadeed aad u waayn Kenyana qaadan doonto dhul-baddedkaas.

Farqiga u dhexeeya EEZ, terrorial water iyo continential shelf?

Territorial water waa dhul-badeed soo hoos gelaya Xornimada (Sovereighty) Qaranka Soomaaliya oo dhaqaale iyo lahaansho labadaba Soomaali baa leh. Aagga dhaqalaha ee luuqada Ingiriiska loo yaqaan Exclusive Economic Zone (EEZ) waa dhul aad masuul ka tahay, khayradkiisana kala bixi kartid balse adigu si gaar ah uma lihid, waxaa kula leh wadamada dariska kula ah. Continential shelf (qalfoofka Qaaradda) waa wixii ka sii shisheeya 200 mayl-badded (beyond 200 nautical miles) taas oo lagu siyaadinayo ilaa 150 mayl-badded oo saaid ah. 2009 waxaa wadamada xeebaha leh loo ogolaaday in aay badsadaan Agga badda taas oo ah 200nm+150nm si loo gaarsiiyaan ilaa 350 mayl (nm). Sidaa darteed cabirka badeenu waa 350 mayl.Hadii dhul-badded keena laga dhigo 12 mayl waxaay taasi u dhigantaa in aaynu waayeyno 338 mayl-badded.

Hadaba Dhul baddedka wadanka Soomaaliya (territorial water) sida ku cad Law No: 37 waxaa weeye 200 (nm) mayl badded. 200 oo mayl baddeed waxay ku qorantahay Territorial waters (xadka Biyaha badda) ee kuma qora EEZ (Aagga dhaqalaha) sida aay hadalka u dhigayaan Dowladaha shisheeye ee raba hantidada dadka Soomaaliyeed in aay cidla ka qaataan. Law No:37 waa sharciga ilaa hada aay loodin waayeen Dowladaha shisheeye, hadii aaynan difaacina baddeena gabigeedaba waaynu waayi doonaa. Halkaan waxaad ka aqrisataa Sharciga Law NO: 37 oo soo baxay 1972. http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf Isagoo af-Soomaali ku turjuman: http://somalitalk.com/2011/badda/law_no_37.html

Heshiiskii is AF-GARAD oo dib u soo cusboonaaday

Dowlada hada jirta oo uu madaxda ka yahay Hassan Sh Mahamud ayaa misna dib u soo cusboonaaysiisay heshiiskii is AF-GARAD ee uu horay u diidey Baarlaamkii DKM ee Soomaaliya. Wasiirada Arimaha Dibada Soomaaliya Fowsiya Yusuf Adan ayaa Dowladda Kenya dib ugu saxiixday heshiiskii is AF-GARAD ee badda Soomaaliya xuddudkeeda Muranka lagu galinayey.

Isla heshiiskaas ka dib bishii June , 6, 2013 waxaa xafiiska Raaysal wasaaraha Soomaaliya Abdi Farah Shirdon ka soo baxday go’aan lagu difaacayey Sharciga Badda Soomaaliya , Law No: 37 kaas oo dhigaya in Dhul-Baddedka wadanka Soomaaliya (Territorial water) yahay 200 mayl badeed ee uusan ahaayn 12 maayl Badded. Labo qodob oo aan go’aankaas ka soo xigtey baa saan u dhignaa: Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay cadeyneysaa inaysan ka galaynin wada hadal cusub badda Soomaaliya gaar ahaan dib-u qeexida iyo xadeynta xeebta Soomaaliya. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf’’.Halkaan ka aqriso Go,aankii aay Dowladda Soomaaliya soo saartay 6/6/2013 : http://somalitalk.com/2011/badda/difaac95.html

Sharciga Cusub ee Kalluumaysiga Soomaaliya oo burburinaya Law No:37

Sharci aay ku saxiixnaayeen Ra’’iisal wasaaraha Soomaaliya Abdi Farah Shirdon iyo wasiirka khayradka Dalka Soomaaliya Abdirisaaq Omar Mahamed oo loogu gol lahaa in uu noqdo sharciga cusub ee Kalluumaysiga Soomaaliya ayaa la hor geeyey Baarlamaanka Soomaaliya July 20, 2013. Qoraalkaas oo ka koobnaa 20 bog waxaa ku qornaa in dhulka biyaha Badda Soomaaliya yahay 12 mayl (nautical miles). Hadaba maxaa ka khaldan sharciga kalluumaysiga aay xukuumada Saacid shirdoon soo gudbisey? Sida ku cad qodobka 2-aad ee sharcigaan wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa sharcigii badda Soomaaliya ee Law No:37 ee la qoray 1972. Sharciga cusub ee kalluumaysigu waxuu biyaha Soomaaliya ku soo koobay oo kaliya 12 mayl, kaas oo si cad meesha uga saaraya in Soomaaliya baddedu tahay 350 mayl.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Shirdoon waaa uu ka laabtay Go’aankii sharciga badda Soomaaliya ee aay gareen june 6, 2013 ee ku ku xusnaa. Maxaa keenay in xukumadaani ka laabato go’aankii aay gaartey ee hore? Kenya iyo beesha Caalamku waxaay u muuqdaan in aay cadaadis xoog leh saarayaan DFS si aay uga tanaasulaan xeerka badda Soomaaliya Law No:37 oo dhigaya in dhul-baddedka Soomaaliya yahay 200 mayl. Sharcigaan Cusub ee kalluumaaysigu waa mid hoosaasin ah oo hadii Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyaan Soomaaliya ku waaynayso dhul-badded aad u waayn. Sharcigaan waa mid aay doonayaan Kenya iyo xulafadeeda oo garabsanaya DFS in aay diwaanka galiyaan in uu jiro Muran baddeed ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waxaayna badda Soomaaliya (territorial water) ku soo koobmaysaa 12 mayl.

Hada sidaa darted maxaa la gudboon baarlamaanka soomaaliya?

Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in aaysan ansixin sharcigaan Cusub, qodobka oranaya Biyaha Badda Soomaaliya waa 12 mayl in aay codsadaan in lagu badalo 200 mayl ama 350 mayl. Mida labaadna in la tirtiro qodob kasta oo ka hor imaanaya Law No 37. Waxaa kale oo ka codsanayaa Baarlamaanka Soomaaliya in aay Law No: 37 ku soo celiyaan dastuurka cusub ee Soomaaliya isagoo aan waxba laga badalin.

Sababaha keenaya in dalkeena shaqsiyaad gataan

Dadka Soomaaliyeed intooda badan waxaay ka fekeraan qabyaalad uun ee maawquf sii dheer ma leh. Soomaalida intooda badan waxaan ku qiyaasay dad indhoolayaal ah oo god-dheer oo mudgi ah ku jira. Hadii qof indhool ah god dheer oo mugdi ah lagu rido ma ka bixi kara? Jawaabtu waa maya. Soomaalidu waxaay ku jirtaa god-dheer oo mugdi ah. Waxaa ka luntay damiirtii wadaninimo iyo tii dadnimo. Dadnimo ma leh oo ma aaminsana in aay iyagoo Soomaali ah wax qabsan karaan . Kuli waxaay wax ka sugayaan nin asaagood ah oo shisheeye ah in uu u taliyo waxaay cuni lahaayeena siiyo. Damiir ma leh oo wax wadaninimo ah kuma jirto. Damiir-laawe kasta oo hunguri xun rabana in uu dalka iyo dadka lacag dhaafsiisado waxaa hor boodaya koox (qabiil), kuwaas oo xaq iyo xaqdaraba ku garab-taagan. Shacabka Soomaaliyeed intooda badan waxaa dalkooda kala qiimo badan shaqsi waayo dadka Soomaaliyeed qabyalad baa indho tirtay. Inta shacabka Soomaaliyeed qareen (advocate) u yihiin damiir-laawayaasha Hunguriga xun wax xal ah lagama gaarayo arimaha Soomaaliya.. Waxaayna u badan tahay in Soomaalidu noqdaan sida Gypsy, sami ama kurdistanka. Dad aan dal la ahaayn oo uduunka dhan la yaso. Ileen qofku dalkiisa buu qiimo , qaayo iyo sharaf ku leeyahaye. Waxa ugu yar oo aaynu ku faani jirney waa luuqadeena hooyo iyo dhaqankeena labadiiba waa la tirtirayaa. Waxaad ka garan kartaa dastuurkii Soomaaliya ayaa lagu qoray English iyo Turk luuqadeenii hooyana waa laga tirtiray soo markaays ma cada in aan nahay dad gadan oo waliba lagu raadinayo beec jaban. Hadii dastuurkii lagu qoray luuqado qalaad (shisheeye) see baay baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed u fahmayaan ileen Ingiriis iyo Turk midna ma nihine.

Aqristoow maxaa talo ah?

Ka waran hagbad ama shalongo ma galnaa oo dalkeena dib ma u soo iibsanaa intii belo iyo cadowgeeni gadan lahaayeen.

Mise dagaal cusub baaynu bilaawnaa oo arintaan ka dhan ah?

Yaaynu dagaalka ka bilaawnaa ma kan inaga mid ah ee wax gadanaya (saxiixaha) mise kan wax iibsanaya (shisheeyaha)? Mise waaynu iska sugnaa inta dalkeena hooyo oo Alle ina siiyeey horteena lagu kala iibsanayo.

Aqristayaasha qiimaha iyo qaayaha lahoow idin kaan idin ka sugayaa jawaabta.

Muna Abshir Abdi

Munadecent@hotmail.co.uk

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Aan Duminno Dawladda Xamar. W/Q F. Hiirane

$
0
0

Aan Duminno Dawladda Xamar
F. Hiirane
fahiira@gmail.com
Luulyo 24 2013

MAQAALAan shir jaraa’id qabanno oo aan dhaleecayno Xukuumadda , ayuu igu yiri , waxaan ku iri yaan u sheegaynaa dhaliilaha ? wuxuu baraad la’aan yiri Beesha Caalamka ? waxaan ku iri aniga iyo adiga isku dan ma nihin isku Dal ma nihin isku aragtina ma noqon karno maanta ayayna ku egtahay Jaalla nimadeenii.

Asagoo qosol gariiraya ayuu yiri oo maxaa dhacay miyaadan arkayn sida wax u socdaan ? mise waxaad raali ka tahay in Dalka xilalkiisa oo dhan lagu sharaxo qololadaas ,oo reeraha kalana laga qadiyo ? waxaan u tiriyay 19 qof oo ay isku hayb yihiin kana mid ah xukuumadda , waxaan iri kuwaas miyaad ka saarteen reerkiina ? midda kale kuwaan aad sheegayso miyaysan dhulka wax ku lahayn maamulkiisa sanado dheer sareeye waad ka ahayd dalkaan ee maxaad qabatay? qabiilkaan aad u garaacayso durbaankamaxaad u qabatay oon ka ahayn inaad wiilashoodii hub ku rartay , gabdhohoodiina soo geeri iyo gambo cad maad badin miyaadan lahayn damiir dad nimadii xageed kaga tihim ? Bal maleeyoo Muxuu i taray ‘’Ministarka’’ aan isku reerka nahay ?

Intuu si caro leh ii eegay ayuu igu yiri oo illeen Dam Jadiid baad ahayd iyo itixaad iyo wax daran !! waxaan ku iri nin yahoow xanuun aan dawo lahayn ayaa kugu dhacay , haddii aysan kooxdaada dhiigga dhalinteenna ku naaxday aysan joogin xagga sare dadka inta kale ma geel saylad joogaa. Shalay markuu Siilaanyo xukunkiisa Foolanaya aqoonsiga uu ka dhawray Muqayil iyo Marqaan ee dad micno samayn kara inta badan soo xushay cid lasoo xushayba soo ma tihid ninkii i lahaa Odaygii Argagixiso ayuu soo dhoobay ? runta goormaad sheegtaa ?Riwaadan aad jilaysaan dhamaad malahan miyaa ?

Xamar xaajada qaloocan intay ka qiiqayso ee adigoo kale xarumaha joogo dagi mayso , maxaa wacay banaanka ayaa lagaaga soo sheegaa waxa aad yeelayso , waana tan kugu kaliftay inaad iila timaaddo beesha caalamka ayaan u sheegaynaa waxay wadaan qoloda xamar joogta ! haddii ay shacabkaagu yihiin beesha caalamka anigu shacabkaygu waa Soomaali , hadday madaxdaadu yihiin Qolooyin Af- kale ku hadla anigu madaxdaydu waa Soomaali waxaan ku diidanahayna ayagaan dhaliishooda u gudbiyaa waxay diidaan oo danta shacabka ahna shacabka Soomaali ayaan u sheegaa ee shisheeye uma war sheekoodo.

Raggan caqligoodu ku iba beelay aan duminno dawladda xamar , waa dulmi soo jiray gu’yaal badan , waxaa mar kale maanta durbaanka tumayana waa dumiyayaashii loo soo dhiibi jiray dubaha uu nacabku nagu garaaco , waa kuwii maantaan Qaran qiima leh iyo maantoo naloo soo dawarsado Qasriyada ka dhistay qalbiyada Dalal kale , waa kuwii qolo qolada noo kala soocay , waa kuwii na qiima tiray , waa kuwii na khiyaamay , waa kuwii Gumaysiga Wali Xalaala Mooday ,

Maamulayaasha haattan la maamulo qudhoodu ee xamar fadhiya waxay cagta saareen wadadii cagaaga badnayd ee lagu halaagay shacabkaan waxay dhaafi la’yihiin 16 degmo ee xamar oo habaynkiina xukun leh maalinkiina xukun , waa la xakaaray shacabkii laakiin sidaan qabo danbiguu galay ayaa candha dogoblaba loogu dawgalaye duulkaan Soomaali Eebahayn ma dulmine danbi ay galabsadeen ayaa laga gudayaa .

F. Hiirane
fahiira@gmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Shacabka Soomaaliyeed waxaa u fiican in u dalka yeesho Madaxweyne ku Xigeen. W/Q Dahir Mohammed Sheikh

$
0
0

Shacabka Soomaaliyeed waxaa u fiican in u dalka yeesho Madaxweyne ku Xigeen
Dahir Mohammed Sheikh
ahirms@gmail.com
Luulyo 24 2013

Dahir Mohammed Sheikh

Dahir Mohammed Sheikh

July 1, 1960: Waa markii Soomaaliya Xornimada Qaadataey hase yeeshe maalintaas waxaa dhacay nasiib daro Waxaa loo bahna in Madaxweynaha Shacabka ay doortaan isla markaana uu Dalka yeesho Madaxweyne Ku xigeen, maxaa yeeley dhibaatada hadda taagan waxaa u sabab ah Qalad kii maalintaas la sameeyay in kasto Qadar Allah u Jirey.

Oktoobar 21, 1969 : Ma ogtahay in Ciidamada Qalabka sida oo Tiradooda ahey 25 Sarkaal oo kala ahaa 5 Sarkaal oo Boolis ah iyo 20 Sarkaal oo Military ah ay sameyeen Afgambi aan dhiig ku daadan, maxaa sababay in uu dhaco afgambigaas ? Jawaabta waxay tahay waxaa keeney dalka Soomaaliya oo aan laheyn Madaxweyne ku xigeen maxaa yeeley 15 Oktoobar 1969 markii la dilay Madaxweyne Allaha u naxariiste Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaa Ra,iisal Wasaare ahaa Allaha u Naxariiste Maxamed Ibraahim Cigaal, bal ka waran haddii uu ahaan lahaa Madaxweyne Ku xgeen Maxamed Ibraahim Cigaal waxaa isla markii uu noqon laha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa u fiican in u dalka yeesho Madaxweyne ku Xigeen, maxaa yeeley mar walba Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha waxay isku heystaan awoodda dalka Soomaaliya, mana la fahmi karo labadooda Qofka saxda ah ee Dacadda ah , Haddii uu dalka yeesho hal awood oo ah Madaxweynaha uu leeyahay Madaxweyne ku Xigeen markaas Soomaaliya waxay noqoneeysa meel Wanaagsan oo Horumar ka gaarta Insha Allah.

Waxaan Shacabka soomaaliyeed ka rajeeynaya Haddii Allah yirahdo in ay taladeyda qaadan doonaan oo ay iska dhaafi doonaan wax la yirahdo Ra’iisal wasaare uu dalka yeesho.

Fiiro Gaar ah;- Qoraalkaan Waa Fikradeyda oo aan weligey aaminsana in ay sax noqoneyso ee haddii aad la dhacsaneyn Fikradeyda raali noqo.

Mahad Sanadiin,

Dahir Mohammed Sheikh

Nairobi Kenya

==============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA  ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Ahow qoraa wanagsan. W/Q Khaled bouh jama

$
0
0

Ahow qoraa wanagsan
Khaled bouh jama
Filig22@hotmail.com
Luulyo 25 2013

MAQAALMarka hore salaam dhamaan umada muslimiinta ah ee ku nool dunida daafaheeda., Waxaana leeyahay dhamaantod Ramadaan Kariim, salaam kadib waxaan rabaa inaan soo gudbisto fariim. Taasoo aan doonayo inaan la qeyb sado dhaaman umada soomaliyed maadama aan fariintan ku qoreyno afka soomaliga waxaan doonaya inaan fariintaan la qeybsado umadeyda aan aadka u jeclahay ee somaliyeed.

Mudooniyankii u danbeeyay waxa isa soo taryaayay dadka wax qora, kuwaaso qof walba uu fikirkisa uu qoro, Umada somaliyeed waxay badankooda diirada saran xaga Siyaasada, aad iyo aad ayeey u yar tahay inaad aragto maqaal ka hadlaaya Waxbarashada, Caafimaadka, diinta Iwm, oo umada wax u taraya yarkooda iyo weynkooda.

Si kastaba maxuma in qoraa la noqda lakiin qofka qoraaga noqonaya waxa wanagsan inuu fikirkiisa saliimka ah ku xadidaa sharciga islaamka, oo uusan u xaglineyn dhinac siyaasadeed maxaa yeelay fikirka aad usoo bandhigtay shacabka waxa akhrinaya umad aad u tira badan oo ninba uu fikirkiisa aaminsan yahay, markaad tahay qoraa waxa aad u wanaagsan in wax aad qoreyso uu faa’ido ugu jiro dhamaan umada akhrinaysa maqaalkaaga.

Ka hor dowladii Jaalle maxamed siyaad barre umada soomaliyeed aad iyo aad ayuu ugu yaraa dadka wax qora lakiin hada waxaad arkaysa markaad gasho Aalada internet-ka maqaalo aad u tira badan kuso mudooyinkii u danbeeyay lasoo qorey, dhaqanka soomalida waxa lagu xantaa ama leysla sheegay in soomalida aysan waxba akhrin. laakin ay warkooda ku dhameystaan Waxa layiri iyo Waxaan maqlay. Lakiin mudooyinka u danbeeyay waxan u malaynaya in waxaas ay dhamadeen dadkii ay la janqaadeen aduunka hora maray.

Qaraaga wanaagsan waxa uu leeyahay calaamado aad u tira badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin, hadii aan kasoo qaadano qaar ka mid ah kuwa aan isleeyahay maqaalkaga waad kula wadaagi karta shucuubta akhristayaasha waxa ka mid ah,

1. Marka hore in maqaal lasameeyo maaha wax aad u adag, qof kasta waa sameen kara lakiin maqalka wanagsan wa inuu ku xasuusiya marka hore diinta islaamka kadibna ay isku mid ay noqdaan ciwaanka maqalka iyo maqaalka la qorey.

2. Maqaalka waa inuu yahay mid aad umada kula wadageyso wax aad isleedahay waad uga faa’ideyn karta ee uusan marnaba noqon mid aad ku weerareyso Shaqsiyad, Dawlad, Maamul, Iwn.

3. Maqaalka waa inuusan ahayn mid lagu deg-degay ee uu yahay mid in muda ah gacanta lagu hayay maxa yeelay wax kasta oo lagu deg-dega xumaantoda danbe aya aad u badata.

4. Qofka qoraaga ah waxa loo baahanyahay inuu xil iska saaro maqaalkiisa dhinac walbaba ha ahaate waa inu soo saara maqaal aad isogu dheeli tiran dhinaca qoraalka iyo fikirkaba.

5. Qoraaga waxa fiican inuu maqaalkiisa ku suntaa taarikhda la bilaabay qoraalka maqaalkan iyo tariikhda la gaba’gabeeyay maqaalka, maxa yeelay hadaad maqaalka in mudo ah aad diyaarinaysay waxad raadinaysay xog ku saabsan warbixnta adigo sameysay cilmi baaris aad u badan.

6. Maqaalka wanagsan waa maqaalka markaad akhriso aad is dhahayso Ninka qorey maqaalkan ma niyadada ayuu ku jirey, maxa yeelay waa maqaal umada oo dhan dhax-dhaxaad u ah uuna ku qancaayo qof kasta oo wax aqriya waxna qora.

7. Maqaalka wanagsan waa midka dadka xumaanta ka reebay wanaagana tusaya. Oo haduu akhristuhu aaminsana fikir qaldan kareebaya oo tusaya wadada saxda ah oo wanaga kujiro.

8. Qofka qoraaga ah waa inuu qoraalkiisa ama maqaalkiisaba ku sunntaa akhlaaq oo micnaheedu tahay inuu cidna aflagaadeen, qofka qoraaga ah wax waa dhaliili kara laakin dhaliishiisu wa ineysan xadka dhaafin.

9. Qofka qoraaga ah waa inuu leeyahay hammi, waxaan ula jeeda micnaha waa inuu hiigsanayo (Point), markaad maqaal qoreyso maaha inad u qorto dadkaba wax wey qoraane maxa adiga ka reebay ee walaal waa inad ujeedo u leedahay qoraalkaaga.

10. Maqaalkasta oo la qoraa waa inuu leeyahay Gunaanad wanaagsan maxa yeelay gunaanadka maqaalkaga waxa uu usii wanaagsananyaa bilaabida maqaal kale.

Guntii iyo gaba-gabadii hadalkayga iyo talo soo jeedinteyda waxaan uga mahadcelinaya dhamaan dadka isku taxaluujiyay waqtigooda qaaliga ah galiyay iney aqriyaan maqaalka aan soo diyaariyay kaaso aan kuguda jirey mudo todobadyo ah.

Waxaan diyaar u ahay wax kasta oo wanaaga oo maqaalka lagu dhex arko iyo wax kasta oo xumaan aad u arko ka shaqi ahaan, waxaynu nahay bini’aadam khaladna waa inaga dhacaa. Waxaan umada muslimiinta ah gaar ahaan soomalida leeyahay illaahay Ramadaan kaan wanaagiisa ha ina waafajiyo,, Ramaadaan kariim.

Khaled bouh jama

Filig22@hotmail.com

==============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA  ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Goormaan ka guurnaa kanaa ila qabiil ah iyo kanaan qola wadaagnaa? W/Q Abdirahman Adam Ibrahim (Gambool)

$
0
0

Goormaan ka guurnaa kanaa ila qabiil ah iyo kanaan qola wadaagnaa?
Abdirahman Adam Ibrahim( Gambool)
Gambool_21@hotmail.com
Luulyo 25 2013

MAQAALGoorma ayuu shacabka soomaaliyeed hurdada dheer uu ku jiro ka toosayaa? Goorma ayuu garwaaqsan uuna fahmin waxa dantiisu kujirto,iyo cidda dantiisa u oofineysa , kuna taageerayaa shakhsiyaadka hadba inta ay danahooda ka shaqaynayaan ?..iskana ilaawayaa taageerida indha la’aanta ah oo qabyaaladu ku salaysantahay ,iyo ninkaas baa Ila qabiilee kurisiga haku fariisto, iyagoon eegeyn war muxuu ii qaban karaa ? dane shisheeye miyuu wataa ,mise dantayadda buu ka shaqayn?

Kan ay qabiilka uga soo horjeedaana il caddaalad ah ku fiirin doonaan ,iyagoo run ka sheegaya waxqabadkiisa iyo awoodihiisa .

Waxan shaki ku jirin hadii shacabka soomaaliyeed sidaa u fakari lahaa ,oo cidda dantooda ka shaqaynaysa taageero buuxda lagarab istaagi lahaa ,dhibka ,saxariirka ,buruburka iyo magac xumada uu 20 sano in kabada ku soo jiray kuma uusan waareen ,nolol sharaf leh oo uu xaqiisa helaayona wuu ku noolaal lahaa

Waan ka xumahay inuusan shacabkeygii wili garan dantiisu meesha ay ku jirto, hurdadii dheereyd ee qabiilkana uusan ka toosin , ma jecleyn inaan tusaale u qaato cid gaar ah ,laakiin runta iyo caqliga saliimka ah wixii ku jira waa in la sheegaa ,hadaad qarisona waajib ku saarnaa baadan gudan , xigmad baa oranaysay: ( hadaad iska aamusto waxba khasaarimaysid ,laakiin saameyn yeelanmaysid ,laakiin hadaad runta iyo fikradaada sheegto dad badan baa ku dhaleeceen oo ka soo horjeesan laakiin waajib baad gudatay ).

Sidaasoo kale xaalada shacabkeyga reer dhul udug ku suganyahay maahan mid aan ka aamusi karo waxayna igu khasbaysaa inaan ka qeyb qaato wacyigalinta shacabkeyga kaas oo hurdo dheer oo qabiil seexday ,laga yaaba in hal qof oo maqaalkaan akhriyaa uu hurdadaas ka kaco .

Sida aan wada ogsoonahay puntland waxay tusaale u noqotay somaaliya oo gabi ahaanba burbur iyo amini xumo iyo kala danbeyn la’aan ay ka jirto , puntland waa hooyadii soomaaliya ,waa hoygii nabada iyo hormarka , shacabka puntland waxay ku sifeysanyihiin dad nabada jecel ,dulqaad badan ,isu tanaasula, marka uu khilaaf yimaado .

Puntland waxaa la asaasay 1998 , waxaana soo maray madax badan oo kala duwan ,taariikhda dheer ee puntland aysoo martay hada waxba ku laaban mayo oo dhamaan waa lawada yaqaaan, laakiin waxaan dul istaagin madaxdaas waxay so qabtaan oo kooban .

Madaxweyne (AH Cabdulaahi Yuusuf Ahmed ).

Wuxuu aha madaxweynihii kowaad ee soo mara puntland , waqtiga iyo marxalada lagu jiray iyo wax walba oo bilow ahaa, dowladii madaxweyne Yuusuf waxaa horyaalay caqabado waaweyn sida maamulka oo curdin ahaa, hay’adihii dowlada oo aan dhisneen ,runtiina wuu ku guuleystay ,wuxuu puntland soo dhaafiyey marxaladii ugu adkeyd maadama shaqo walba bilowga iyo aasaasku ugu dhib badanyahay , uma suurtoobin xukuumadii xiligaas jirtay iney hormar balaaran ka samayso gudaha puntland iyo dibadaba , sababtaas aan soo sheegney awgeed.

Madaxweyne Cadde Muuse .

Wuxuu xilka madaxnimada kala wareegay oo doorasho kaga guuleystay Madaxweyne Maxamed cabdi xaashi oo ahaa Madaxwynaha puntland kadib markii uu Madaxweyne Yusuf uu madaxweyne soomaaliyeed noqday sanadii 2004.

Madaxweyne Cade Muuse , markii dib loo eego taariikhdiisa waxyaabo badan oo hormar ah puntland wuu ka qabtay, waxaana lagu xasuustaa : dhisida airporka boosaaso oo baahi weyn loo qabay, madaxweyne cade musue, nasiib xumo uma helin awood uu kaga faaiideysto fursadii soo martay waxaaybo badan oo loo baahnaa loogana fadhiyeyna uu qabto .

Waxaa ku dhacay puntland hoos u dhac weyn xiligii madaxweyne Cade Muuse , xag amni, xag waxqabad guud , musuqmaasuq hareeyey dhamaan dowladoo idil , ilaa ay gaartay heer la yiraahdo (ana qaatee adna qaado) , looma baahna inaan idiin sii iftiimiyo xaalada ay maraysay puntland ,xiligii uu madaxweyne cade xukunka hayey , oo qof walba wuu garan karaa , waxaa kiliya tusaale idiin siin ,in Magaalo madaxdii puntland ee garoowe ay gaartay marxalad uu AH Sheikh Cabdulqadir Nur Farax uu gacanta ku qabto oo ciidanka amniga ee magaalada ilaalin uu mushahaarkooda u qoro isaguna uu siiyo. Waxay ila tahay intaa wax ka badan looma baahna oo tusaale ah .

Madaxweyne cabdiraxman sh.maxamed maxamud (faroole)

Sanadii 2009 waxaa xukuumada la wareegay madaxweyne Faroole, oo runtii nasiib u yeeshey inuu wax ka badalo xaaladii puntland ay ku jirtay.

Madaxweyne faroole wuxuu isla markiiba soo dhisay xukuumad tayo leh ,oo ay ka muuqdaan dad ku cusub saaxada siyaasada ,awood hogaamina iska leh, kuwaasoo ku caawiyey inuu muddo gaaban wax weyn ka badalo dowlada puntland , wuxuu ku guuleystay ugu horaan inuu ka hortago musuqmaasuqii hareeyey dowlada oo dhan .

Puntland waxay hormar aan lasoo koobi Karin ka gaartay meel walba iyo dhinac walba , khaas ahaan xaga arimaha dibada iyo inuu madaxweyne faroole dunida oo dhan baro puntland , intaas kuuma ekaane waxay la jaan qaaday siyaasadii dowlada dhexe ee soomaaliya , taasoo aan u baran la xisaabtan kaga yimaada xagga puntland , kuna soo koobtay dowladii soomaliya oo idil moqdisho oo kiliya . iskana ilowday wadankii intiisii kale , deeqaha caalamka iyo waxqabadka aduunku siiyo somaaliya aan soo dhaafin moqdisha .

Madaxweyen Faroole wuxuu awood qeybsi buuxda la sameeyey madaxada dowlada soomaaliya , wuxuu horseeday in puntland gudaheeda lagu qabto shirarkii soomaliya loo qaban jiray kuwaas oo dalka dibadiisa lagu qaban jiray, iyadoo lagu marmarsiiyoonayo somaliya amni kama jiro , wuxuu mar kale dunida iyo dowlada oo iska indha tiraysay meel aan moqdisho aheyn tusay in puntland amni iyo hormar ka jiro, ayna tahay in shirarka soomaliya lagu qabto iyada , waana arinta dhalisay shirarkii garoowe 1 iyo garoowe 2 oo taariikhda soomaliya galay , ee noqday kuwii sababey in ay somaaliya kumeel gaarnimadii uga baxday .

Marar badan ayaan dad ka maqlaa , dowlada faroole hormar buuxa wey ka samaysay dibada , laakiin dalka gudihiisa bey ku fashilmatay !!! oo waxba kama qaban gudaha puntland , bal aan is weydiinee waa maxay arimaha gudaha? Maxayse tahay shaqooyinka ay dowladu ka qabanayso dalka gudihiisa ? oo ay u qabanayso shacabkeeda ?

Waxay ila tahay dad badani isma weydiin su’aalahaas , anigu fikir ahaan waxan qabaa in dowlada puntland dalka gudihiisa waxyaabo badan oon lasoo koobi Karin ka qabatay . oo ay ka mid tahay : aminiga , arimaha bulshada sida waxbarashada caafimaadka sports iwm .Bal aynu arimahaas isla eegno si guud.

Amaanka.

Sida aynu la wada socono amaanka deegaanada puntland waa mid heer sare ah wuxuuna marayaa meel aad u fiican ,iyadoo wili uusan gaarin meeshii u saraysay , taasna ay sabab u tahay inagoo aan micnaha dowladnimo si fiican u fahmin, oo nolosheenu ay ku salaysantahay qabiil iyo deegaaan, oo qolo walba ay hub iyo qoryo iskeed u haysato ,taas oo amniga guud khalkhal galinaysa hadii uu ismaan dhaaf dhaco .

Waxaa la oran karaa dowladu tilaabo hormar ah ayey ka samaysay xaga aminiga markii ay la dagaalantay kooxihii argagixisada ,kuwaas oo mashaa’ikhdii iyo birmigaydii naga dhameeyey , ka dib markii ay maxkamad soo istaajisay danbiilayaashii falkaas galey ,abaalkoodiina marisay hadana kuwa kale lagu wado wadadii kuwii hore la mariyey , dadkaas iyo dhalintaas la tooganayo cid kale maahane waa caruurteenii waa dadkeeni balse aminigii guud bey khalkhal galiyeen ,cadow shisheeyena wey lasoo safteen ,marka in la iska qabto oo lala dagaalamo waa waajib , waxaa la oran karaa tilaabada ay xukuumada faroole ku kacday , dowlada soomaaliya kuma aysan kicin oo hada markii ay qeyb gacanteeda soo galeen qaab qabiil bey rabtaa iney kusii deyso .

Waxbarashada.

Xukuumada madaxweyne Faroole waxay tilaabo aan looga horeyn oo hormareed ka samaysay waxbarshada , waxayna gaartay heer aysan wili gaarin dowlada dhexe ee soomaaliya , ka dib markii ay mideysay manaahijtii dugsiyada , dugsiyadoo dhana wasaarada waxbrashada laga sajilay , misana gaartay heer isku saacad loo wada fariisto imtixaanada dugsiyada sare dhamaan puntland , hal ardayna uu noqdo ardayga kowaad ee puntland .

Intaas kuma harina ardaydii ay soo saartay bey waxbarsho dibadeed la raadisay , oo markii ugu horaysay 30 sano kadib arday dadaalkiisa iyo cadaalad uu ku helay abaalmarin ah waxbarasho dibadeed takhasusyo kala duwan oo tayeysan sida caafimaad ,injineerin ,arts IWM

Caafimaadka

Sida aan la socona , wasaarada caafimaadka ee puntland waxay hormar weyn ka gaartay arimaha caafimaadka , waxayna marar badan dalka dibadiisa shirar caalami ah uga qeyb gashay si ay ugu fududeyso dan yarta aan awooda lahayn si loogu qabto adeegyo caafimaad , weyna ku guuleysatay oo in ka badan mar iyo labo ayey u fidisay adeegyo caafimaad oo bilaash ah , ayna ka faaiideysteen shacabka reer puntland ,

Dhismaha iyo xarunta caafimaadka ee dowlada puntland oo ay dhistay xukuumada madaxweyne faroole hadaad is dhextaagtid waxaad is oran ma wasaaradii caafimaadka ee wadan hormarsan baa bilicda iyo shaqada balaaran ee ka socota .

Hadaan intaas kusoo koobo waxqabadka laga arki karo dowlada puntland ,oo aan waxyaabo badan ka tagay, muhiimadu ma ahayn inaan dadka tuso waxqabadkii ay xukuumada faroole qabatay balse waxaan ula jeedaa in la is barbar dhigo oo miisaan cadaalad ahna la saaro ,waxa ay xukuumadii faroole qabatay iyo waxa ay qaban karaan dadka manta mucaaradka ah oo horboodaya qalalaasaha ka socda puntland , oo aynu wada naqaan waxay puntland usoo qabteen ,iyo waxay usoo geysteen , iyo qeybtood oo dhulkii puntlandba faraha kabixyey , marka caqligu ha shaqeeyo ,oo muwaadin cudurka qabiilka ka caafimaad qaba noqo..

Marka la eego marxalada siyaasadeed ay marayso soomaaliya , oo madaxdii dowlada soomaaliya ay usoo tafo xeyteen in ay shacabkii soomaliyeed qeybna madaxa saartaan ,qeybna xuquuqdoodii u diidaan iney danahooda iyo aayatiinkooda ka shaqaystaana ka hor istaagtay, waxaa shacabka puntland waajib ku ah inuu la socdo, indha dheerna wax ku fiirsho ,ayna iska dhaafaan hoos hoos iney isku qabsadaaan , waxaana lagama maarmaan ah in maamulka puntland uu hayo madaxweyne feejigan oo xaqa shacabkiisa raadsan kara isagoon cidna dulmineyn balse aanan ogolaanyen in shacabkiisa la dulmiyo , sifooyinkaasna cida iska leh aanu taageerno .

Laakiin waxaa nasiib xumo ah in shacabkii puntland uu qabiil ku taageero shakhsiyaad waxqabadkoodii loo soo joogay , awoodooda siyaasadeedna la yaqaan , oo taasna kusii darsaday inuu jeebka usoo buuxiyey xasan sheikh iyo ragiisu ,si meesha looga tuuro madaxweyne faroole ,markay laf kaliqi waayeen , laakiin aawey shacabkii fahmi lahaa ,war faroole maxay dowlada moqdisho u diidantahay oo ay geed dheer iyo mid gaabanba ugu koraysaa si ay xilka uga rido , waa dad jacayl uu dadkiiisa u qabo iyo cidda uu matalo.

Ma oronayo madaxweyne faroole waa nin 100% fiican oo guul iyo hormar buuxda ka sameeyey puntland maxaa yeelay wili waxaa jira waxyaabo badan oo dhiman loogana baahna inuu fuliyo , laakin waxqabadka dowladiisa markaan fiiriyo iyo waxa ay soo qabteen kuwa hada qalalaasaha wada oo raba iney masuuliyadaan culus qabtaan iyo xiliga la marayo , bey danta igu galiftay inaan dhaho maya maya , waxqabdkiina soo aragney .

Ugu danbeyn waxaan ilaah ka rajayn ,inaan maalin uun arko shacabka soomaaliyeed guud ahaan iyo kan puntland oo aan qolo ama qof gaar ah qabiil ku raacin, ee isweydiiya war yaa danteena noo wada oo waxna tarin .

W/Q : Abdirahman Adam Ibrahim( Gambool)

Facebook. Abdirahman Gambool . Twitter @Abdirahmangam Email Gambool_21@hotmail.com.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dal Jire Dahsoon. W/Q Ayanle M. Jama

$
0
0

DAL JIRE DAHSOON
Ayanle M. Jama
ayanlenuuh@yahoo.com
Luulyo 25 2013

MAQAALAllaha u naxariisto geesiyaashii soomaaliyeed ee dalkeena u soo halgamay ee soomaali oo dhana lahaa. Allahayow maxaa dad naftooda u waayey sharafta iyo qaranimada soomaliyeed: Maxaa dad u curyaamay soomaalinimada dad badan aysan dhadhansanayn micnaheeda maantay. Maxaa dad bada oo soomaali dhafar u galay danta iyo gobanimadii noo dhalatay xiligii aynu gumaysiga la dagaalamaynay. Maxaa caruur badani waalidkood ku waayey baadi goobkii soomaalinimo.

Miyaad akhristoow jiriiracootaa markaad aragto umadaha aduunka ku nool oo taariikhdooda iyo xornimadooda u dabaal degaya? Miyaad qaracantaa markaad aragto caruurtooda oo loo soo banaan bixinayo meelaha feestooyinka oo nalal qurux badana loogu daaro hawada (fire works). Maxaad dareentaa markaad aragto iyagoo iskuulaadku lagu abaabinayo macaanka dalkooda iyo dadaalkii awoowayaashood sameeyeen si ay xornimo ugu noolaadaan.

Hadaba akhristaha qaaliga ahoow maxaad u malaynaysaa in ay jeclaan lahaayeen hadii loo sheego DAL JIRAYAASHII DAHSOONAA marxalada aynu maanta ku suganahay?

Umad kasta waxaa u soo kaca jiil xiliga ay marxaladu meesha ugu xun marayso. Jiilasheena nool maanta side baynu uga gudbi karnaa imtixaanka maantay na horyaal?

Bal aynu isla eegno qodobadan hoos ku qoran:

- Marka ugu horeeya waa inaynu helnaa mowqif mideeya dadka saaxiibka u ah inay dalkooda iyo dadkooda badbaadiyaan

- Waa inaynu ku riyoono soomaali sidii ay ahaan jirtay in aynu ku soo celin karno, dabadeedna aynu qorsho degno, dabadeedna aynu ficil ku darno qorshahaynu degnay, si aynu u guulaysano

- Waa in aynu helno dad isku figrad ah balse aan isku raacin isku reer

- Waa inaynu helno dad xirfad iyo karti sida looga dhaqmo aduunka maantay leh

- Waa inuu mowqifkeenu ahaado wax ay soomaalida intooda waxgaradka ay fahmi karaan dabadeedna ay ka dhaadhicin karaan bulshada guud

- Waa inaynu awood u leenahay in aan umada ka dhaadhicin karno inay ilaashadaan, qaranimadooda, madax banaanidooda iyo xadadka dalkooda lama taabtaanka ah

- Waa in aynu yeelano karti aynu soomaali inteeda badan isugu keeni karno

- Waa inaynaan marna gorgortan ka gelin waxaanu nahay iyo waxaan aaminsanahay

Hadaba maxaa anaga noo diiday hadii hal gabar oo maraykan ah (Rosa Parks) ay boqolaal sano waxay dadkeedii garan waayeen ay iyadu garato inaan anagu teena garan weyno. Gabadhaas oo diiday baska dadweynuhu raacaan inay gadaal fariisato. Xiligaas oo ay madowgu fariisan jireen gadaal, cadaankuna horey. Geesinimadii gabadhaasi waxay dhalisay in madowgii maraykankaa ahaa ee la adoonsan jiray ay xuquuqdooda u diriraan dabadeedna loo ogolaado meesha ay rabaan inay baska ka fariistaan.

Waxaa kale oo xusad mudan wiilkii south Africanka ahaana ee aduunka caanka ka ah maantay Nelson Mandela. Waxaa maxkamad la soo saaray 1964 isagoo loogu hanjabayo in lagu xukumayo dil. Hadaladii uu yiri maalintii maxkamada la saarayey waxaa ka mid ahaa: waxaan raali ka ahay inaan u dhinto waxaan aaminsanahay oo ah in dadka reer south Africa ay ku wada noolaadaa si xor ah oo dimoqraadiyadi ay ku jirto: wax intaa ka yarna ma qaadanayo kumana qancayo. Taasi waxay dhalisay in xabsi loo taxaabo dabadeedna uu noqdo geesi hadafkiisii gaaray ka dib in ku dhaw sodon(30) sano isagoo todobaatan jir ah.

Geesiyaashii Soomaaliyeed ee taariikhdeenu xustana waxaa ka mid ahaa Axmed Gurey, Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, sadex iyo toban (13) kii leegada, Xaawo taako, cabdulaahi ciise, cabdirisaaq xaaji xuseen, Madaxweynayaashii dalkeena soo maray Aaden cade, Cabdirashiid Cali sharmaarke, Maxamed Siyaad Barre (intaba allaha u naxariistee) intuba waxay ka shaqeeynayeen dano soomaaliyeed taasoo ay baal-dahab kaga mutaysteen taariikhdeena.

Hadaba akhristow maxaa maantay nala gudboon si aynu majaraha dib ugu soo qabano Maandeeqdeenii marin habowday?

Ayanle M. Jama
waa Aqoonyahan Ku nool Minnesota, USA.
Jaamacada Minnesota (University Of Minnesota)

Mahad-sanidin

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Habka ugu habboon ee doorashada lamaanahaaga. Qeybtii 7aad. W/Q Sh. Axmed Dheeli

$
0
0

Qaybta 7aad

Habka ugu habboon ee doorashada lamaanahaaga
Sh. Axmed Dheeli
awdheeli2000@yahoo.com
Luulyo 25 22013

Cutubka labaad : dumarka.

MAQAALTilmaamaha ninka ku hanan kara

Tilmaamahaas waxaa ugu muhiimsan:-

· Diinta, akhlaaqda iyo quruxdaba wuxuu kala mid yahay intii aan kasoo sheegnay tilmaamaha marwada wanaagsan ee halkaa ugu noqo.

· Waxaa laga yaabaa dadka qaar inay dhahaan muxuu ugu daray quruxda tilmaamaha ninka, laakiin waxaysan ogayn in sida raguba u daneeyaan gabar qurxoon ay gabdhuna u daneeyaan wiil quruxsan. Waxaanan tusaale kaaga dhigi karaa geeraar ay tirisay gabar kamida gabdhihii hore ee soomaaliyeed , xiligii hore ninkii geel haysta reerkii gabar fiican loogu sheego buu soo kor dhoobi jiray geelaas qayb kamida gabadhaasna waydiisan jiray. Gabadhaan waxay geeraarkaan tirisay markii kor laga tusay ninka doonaya oo ayada raba geelana wata, waxayna saluugtay oo u cuntami waayey ninkaas oo ahaa nin fool xun waxayna tiri:-

Calaacalo buuranaa
Cidiyo daanyeer lahaa
Kurtiis coonbaarsanaa
Casiisow eebahayoow
Cagwayntiisa ha watee
Cidiisii nooga celi

Aniga laftigaygu waxaan goob joog u ahaa gabar la dhuumatay nin mooryaan ah oo gabdho badan oo hore silciyey kadibna cideedii baa ka daba duushay oo kasoo reebay markaasaan gabadhii waydiiyey walaaleey hebel waabad taqaanay ee maxaad u raacday waxay iigu jawaabtay (( saw maadan arag ninka quruxdiisa waxkasta halaga sheegee)) ninkuna waa runteed ee wuu qurux badnaa.

· Waa inuu yahay nin ay ka muuqato masuuliyad iyo karti uu kugu dhiqi karo ugu yaraana shaqo wuxuun ka haysta amaba xirfadba leh. qiyaaskuna wuxuu yahay inuu yahay labo midkood: nin dhalinyaro ah ilaa 20—30jir ah yuusan xoolo badanba lahaane laakiin ay ka muuqato dadaal ama nin oday ah oo ah 40jir iyo wixii kasii wayn oo soo shaqeeyey hanti ama magac iyo sharaf wuxuun bulshada ku dhex leh haduu rabo ha lahaado reer hore waa labadaa midkood kaan u doori lahaa gabadhii rabta nin anfaca.

· Raga kuwa la yaqaan waxay galaan iyo waxay gudaan si sahlana loo qaymayn karo way ka mudan yihiin kuwa aan la aqoon oo meelaha kale kasoo doola hadiiba hunguri kaa galo midka safarka ku yimid aad isaga baar lana kaasho dad kula baari kara.

Ka faaiidayso talooyinkii aan siiyey raga

Inbadan oo kamida talooyinkii aan ku qoray qaybta raga gabadhahana way anfacayaan ilaa inyar oo raga khaas u ah mooyaane ee akhri oo halkaas ugu noqo.

Haku dagmin message-yada jacaylka ah

Xiliga shukaansigu wuxuu u baahan yahay feejignaan dheeraad ah iyo baaritaan ogowna qofku xiligaas wuxuu ku dadaalayaa inuu muujiyo dhiniciisa fiican qariyana dhaqankiisa xun sidaa awgeed waxaa loo baahan yahay inaadan ku kadsoomin kalmadaha macmacaan ee hada dhalintu isugu qoraan mobaylada iyo baraha bulshadu ku xariirto.

Ha dib dhigin guurka

Qaybo kamida gabdhuhu waxay diidaan wiil walba oo wanaagsan oo soo doona sabab kasta ha ula jeedeene gaar ahaan markay ku jiraan da,da ragu gabdhaha ugu jecel yihiin (17 —- 22).

Waxaa dhacda inay gadaal kasoo doonaan rag ka hooseeya ragii ay diideen oo markaas iska aqbalaan ayagoo shallaynaya ama diidaan qaarkoodna waqtiguba ku dhaco guur la,aan.

Sidaa awgeed waxaan ku talinayaa gabadhu markay nasiib u yeelato inuu soo doono wiil munaasab ku ah yaysan fursadaas iska dayicin maxaa yeelay waqtigu waa kooban yahay in fursad kale la heli doonana lama hubo.

Inaad hesho nin munaasab ah way kaaga qaalisan tahay waxkasta ha ahaato waxbarasho, shaqo, buufis iyo dhoof intaba. Ogowna guurka iyo waxbarashada inta kuu dhiman inaad dhamaysato isma diidayaan hadii la is waafajiyo, raga qaarna markii gabadha la siiyo way sugaan inta ay jaamacada dhamaysanayso ama dugsiga sare.

Waxaanan halkaan ku sheegayaa qiso gabar tiri anigu guursan maayo ilaa aan dhaqtarad noqdo waalidkeedna ka ogolaaday gabadhaas oo aad u qurux badnayd ayaa ku takhasustay caafimaadka ilmaha iyo haweenka waxayna noqotay dhaqaatiirta loogu jecel yahay waxayna haysatay isbitaal caan ah laakiin nasiib daro ma helin cid soo doonta da,deedii oo waynaatay awgeed.

Qoraalka aan sheekadaan ka akhriyey oo gabadha laftigeedu qortay waxaa hadaladeedii kamid ahaa (( waxaan murugoodaa markasta oo ay ii soo gasho hooyo ilmeheedii wadata oo rabta inaan daaweeyo waxaan maanta aad ugu hamuun qabaa cid aan ku iraahdo kalmada HOOYO waxaan ogaaday in qofta dumarka ah waxa ugu qaalisan ay yihiin hooyanimada waxaan aad uga xumahay in waalidkay iga aqbaleen go,aankaygii khaldanaa waxaa ii fiicnaan lahayd inay i khasbaan waagii aan qaadanayey go,aankaas oo noloshayda sidaan u burburiyey)).

La soco qaybaha danbe

==============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Xaaladaha Kalaguurka iyo Puntland. W/Q Maxamed Aadan Jaamac (Jabarti)

$
0
0

XAALADAHA KALAGUURKA IYO PUNTLAND
Maxamed Aadan Jaamac (Jabarti)
jabarti67@hotmail.com
Luulyo 26 2013

MAQAALMarka hore waxaan salaanta islaamka ku salaamaya dhamaan akhristayaasha qoraal-gaabkaygan ASCWWB Soon haboon walaalayaal, marka labaad hadaan u gudbo dulucda qoraalkayga, kala-guur waa marka marxalad laga baxayo oo mid kale la galayo iyadoo yeelata saamayn siyaasadeed mid bulsho iyo mid dhaqaale oo lid ku ah xaaladii horay loogu jiray. Dawladda Puntland oo jirtay mudo 15 sano ah ayaa waxaa soo maray dhawr kalaguur oo is daba jooga oo u dhexeeyay madaxwaynayaashii soo maray maamulkaas oo ay dhacday in marka madaxwayne mid kale badalayo ay saraakiisha siyaasadeed iyo kuwa ciidanba meel kale u leexsadaan agabkii ay ummada u hayeen iyagoo ka faa’iidaysanya marxalada la galay.

Kalaguurkii 2001

Markii madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf xiligiisii dhamaaday 2001 ayaa Puntland waxaa ka bilowday duufaano siyaasadeed oo iska soo horjeeda oo ay ugu waynayd AUN Cabdulaahi oo ku adkaystay in loogu daro wakhtiga xafiiska iyo isimo iyo siyaasiin ka soo horjeeday oo shir kale qabtay.

Maxaa xilli kala-guurkaas dhacay.

1= Ciidamo badan ayaa waxay gateen hubkii iyo dharkii ciidanka.

2= Saraakiil siyaasadeed ayaa waxay la fikateen dhaqaale iyo gaadiid ay dawlada u hayeen.

3= Waxa samaysmay ciidamo badan oon dawlad shaqo ku lahayn looguna magac daray maryocalas.

4= Dad shacab ah ayaaa waxay guryo ka dhisteen dhul hanti-guud ah, iyagoo ka faa’iidaysnaya awood yarida maamul.

Kalaguurkii 2005

Doorashadii madaxwayne Cadde Muuse Boqor ee janaayo 2005 waxa ka horaysay is jiid-siyaasadeed oo sababay in…..

1= Saraakiil siyaasadeed dhaqaale la fikadaan.

2= Hormooyin ka tirsan ciidamada Puntland ay galaan dhanka Somaliland.

3= Markaas oo ah bilaabatay saxansaxada siyaasadeed ee sababtay samaynta maamulka lagu magacaabo khaatumo.

Kalaguurkii 2009

Kalaguurki 2009 waxa uu ahaa kii ugu saamaynta badnaa kadib markii madaxwaynihii xilka yimid Cabdiraxmaan Faroole ay soo food saartay arimo xasaasi ah oo ay ugu waynayd mawjadahii coladeed ee dhanka koonfurta oo ay ku xoogaysanayeen kooxaha xagjika ah. Waxa kale oo iyaguna caqabad ku noqday maamulk curdanka ahaa ee Cabdiraxmaan faroole…

1= Ururo ka tirsan ciidamada madaxtooyada Puntland oo ay isku reer ahayeen madaxwaynhii xilka ka dagayay ee Cadde Muuse ayaa hubkii iyo gaadiidkii dagaal ula goostaan dhanka Qardho iyaga oo ku andacoonaya in hubku uu yahay mid reer ee aysan dawlada Puntland lahayn. Inkastoo Madaxwayne Cadde uu toos ciidankaas ugu sheegay inay hubka u dhibaan dawlada cusub hadana ciddi dhag-jalaq uma siin.

2= Guutooyin ka tirsan ciidanka Puntland oo iyaguna hub la fariistay mudug sheegayna in aysan dawlada hoos tagin inkastoo shacabka reer Puntland ee gobolka Mudug loo ogol yahahay hubka noocyadiisa kala duwan madaama ay joogaan goob colaadeed.

2= Saraakiil siyaasadeed reer Puntland ah oo dhaqaale badan weecsaday sida ay ka dheegteen kala-guuradii hore.

Maxaa inala gudboon kala guurka 2014

Maanta Dawlada Puntland wayka lixaad wayn tahay ayaamaha aan kor ku soo xusay marka loo eego dhan-dhaqaale dhan Siyaasadeed dhan-ciidan iyo dhan-bulsheed. Waana wax ilaah loogu mahadiyo hadii aynu is jiid-jiidkii siyaaasadeed ka soo gudubnay oo dawladu ogolaatay in doorashada 2014 lagu galo habkii hore oo kale, hadaba xili kala-guurka waxa dhici kara waxyaabihii horay usoo dhacay oo kale . Walaalayaal fikirkayga waxaa la gudboon waxgaradka iyo dawlada hada xilka haysaba inay sameeyaan si looga hortago mahadhooyinka kalaguurka…

1= In ciidanka Puntland laga ilaaliyo inay la fikadaan hub marka doorasha uu ku soo baxo qof aan ahayn madaxwaynaha hada xilka haya ee Cabdiraxmaan Faroole.

2= In la sameeyo guddi-kalaguur oo ilaaliya in aan hantida dawladeed la dadwaynayn ama aan qof hanti dawladeed gaar u qaadan.

4= waa in ciidamada Puntland la dareensiiyo in aysan shakhsi u shaqayn ee ay dalka u shaqeeyaan.

5= In madaxwaynaha la doorto doorashada 2014 uu la soo wareego hubka ay ciidanku qardho iyo Gaalkacyo la fariisteen 2009 kii.

6= In saraakiisha beesha madaxwayne Cabdiraxmaan aysan u arag in hubka ay beel leedahay ee ay u arkaan in reer puntland leeyihiin.

7= Madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole waxaan kula talinayaa inuu xil iska saaro ilaalinta hantida gaashaandhigga iyo mida rayidka ee Puntland, hadii xilka looga guulaystana inuu si xilkasnimo ah oo daacadnimo ah ugu wareejiyo hantida dalka madaxwaynaha ka dambeeya.

Alaaahu macakum

Maxamed Aadan Jaamac ( Jabarti )
Salo Finland
jabarti67@hotmail.com
==============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

U Riyaaqnay Roobka ka Curtay Puntland. W/Q Abukar Awale (qaad-diid)

$
0
0

U RIYAAQNAY ROOBKA KA CURTAY PUNTLAND.
Abukar Awale (qaad-diid )
abukar_aw@yahoo.co.uk
Luulyo 27 2013

21_khat_g_w (2)Kadib markii dowlada ingiriisku ku dhawaaqday inay qaadka ka mamnuucday wadankeeda ayaa waxaa isasoo tarayey calaacalka iyo oohinta kasoo yeeraysa beeraleyda iyo qaar kamida madaxda Kenya kuwaasoo ku eedeeyey dowlada ingiriiska inay dhibaato weyn u geyysteen dhowr milyan oo qof oo kunool gobolka Miraa ee dalka Kenya. Kuwaasoo waa sida ay hadalka u dhigeene ah dad kiristian ah kana mida wadamada boqorada ingiriiska hoos yimaada. Wxayna ingiriiska ugu baqeen in ay ka nowoto go,aankeeda.

Arimahaas iyo ollolahaas ayaa ah mid aan hirgeli doonn go,aanka dowlada ingiriiskuna waa socon doonaa inshaalaah, laakiin beeraleyda Kenya wxay balan ku qaadeen iney qaadka 3 laab uga dhigi doonaan geyiga soomaaliyeed sida Puntland . waxay kaloo beeraleeydu wacad ku mareen inaysan qaadkoodu marna suuq waayeyn lana jabin doono qiimaha qaadka la geeyo Puntland iyo geyiga kale ee Soomaalidu deg-taba, laguna fidindoono dhalinyarada iyo caruurta.

Hadaba aan usoo noqdo nuxurka qoraalkane waxaa Maalinkii shalay ka dhacay magaalada garoowe caasimada Puntland shir balaaran oo kasoo qeyb galayaan qeybha kala duwan ee bulshada oo looga arinsanayo sidii looga hortagi lahaa weerarka circa ah ee suntan wata ( Qaadka ) ee lagu soo daadinayo Puntland lana doonayo in lagu baabi’iyo hanka dhalinyarada puntland laguna gurto miisaaniyada puntland. Shirkaan oo aan ku tilmaami karo ( Roob soo curtay oo loo wada riyaaqay ayaa wuxuu dhacay sidatan.

Waa kan warmurtiyeedkii shirka.

Maanta oo ay Taariikhda Hijriga ahi tahay 16-ka Ramadaan 1434 kuna beegan 25/07/2013 waxaannu Xarunta Jaamacadda Bariga Afrika – Faraca Garoowe- ku qabsannay kulan loogu magacdaray FALANQAYNTA QAADKA IYO WAXYEELLADIISA.

Kulankaas waxaa ka soo qayb galay isla markaasna xogwarranno iyo muxaadarooyin muhiim ah ka soo jeediyay masuuliinta hoos ku taxan:

1. Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika – Faraca Garoowe- Prof. Sheekh Maxamuud Xaji Yuusuf;

2. Wasiirudawlaha Amniga – Dawladda Puntland- G/Sare Cabdullaahi Jaamac Cali;

3. Wasiirudawlaha Madaxtooyada Puntland ee Arrimaha Dawlad-Wanaagga, Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan)

4. Wasiir-Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Dr. Maxamed Xirsi Ducaale (Medical Doctor);

5. Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Nugaal, isla markaasna ah bare jaamacadeed, Prof. Cabdiraxmaan Maxamed Abshir;

6. Maamulaha Machadka Shareecada ee Khadiija Bintu-Khuwaylid, Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax;

7. Guddoomiyaha Ururka Ardada Jaamacadda Bariga Afrika, Mahad Axmed Cumar;

7. Nabaddoon Khaliid Aw-Cali;

8. Ganacsade Daahir Maxamed Faarax (Sanweylood);

9. Eng. Cabdirashiid Cawad Diiriye, Khabiir la shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka Puntland, horena u ahaa Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Finland buugna ka qoray arrimaha qaadka;

Kulanka oo uu xiriiriye ka ahaa Wasiirudawlaha Arrimaha Dawlad-Wanaagga (State Minister for Good Governance), waxaa Aayado Quraanka Kariimka ah ka bilaabay Shiikh Mukhtaar Axmed Faarax.

Kaddib waxaa la guda galay in si tifaftiran mdasha looga soo jeediyo Qaadka iyo waxyeelladiisa iyadoo dhinacyo badan laga eegaayo sida hoos ku cad:

1. MAWQIFKA SHAREECADA ISLAAMKU EE QAADKA:

Mawduucan waxaa si waafi ah uga hadlay Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo Shiikh Mukhtaar Axmed Faarax, waxayna caddeeyeen inuu Qaadku XAARAAN yahay bacdamaa uu si weyn u waxyeellaynaayo shanta shay oo ay daryeelkooda iyo xifdintooda Diimaha Samaawiga ah oo dhammi isku raacsan yihiin, shantaas shay oo kala ah: 1. DIINTA; 2. NAFTA; 3. CAQLIGA; 4. MAALKA iyo 5. NASABKA IYO SHARAFTA.

2. QAADKA IYO WAXYEELLADIISA XAGGA AMNIGA:

Mawduucan waxaa ka hadlay Wasiirudawlaha Amniga oo tibaaxay inay falalka amnidarrada keena oo dhammi ay cunista qaadka ku arooraan. Wuxuu tusaale u soo qaatay shilalka ay sababaan gaadiidka qaadka soo daabula oo ugu yaraan 8 shil sababa toddobaad kasta.

3. QAADKA IYO WAXYEELLADIISA XAGGA CAAFIMAADKA:

Mawduucan waxaa si xeedldheeri leh uga warbixiyay Wasiir-Ku-Xigeen Maxamed Xirsi Ducaale oo qudhiisu takhtar caafimaad ah iyo Eng. Cabdirashiid Cawad Diiriye oo isagu qaadka cilmibaaris kaga sameeyay dalalka Finland iyo Sweden. Wuxuu injineerku qoray buug wacyigelin ah oo qaadka waxyeelladiisa ku saabsan iyo mid ka ballaaran oo uu wax ka qoray laguna soo saaray afafka Soomaalaiga, English iyo Swedish. Wasiirku wuxuu sheegay inuu qaadku qofka cuna ku rido ama u keeno 20-25 cudur oo wada halis ah inta badanna qofkaas ka abbaara maskaxda, dheefshiidka, afka iyo hunguriga iyo meelo kale. Intaas kaddib, injineerka ayaa soo bandhigay natiijadii daraasad ay sameeyeen oo filim ahaan ah.

4. QAADKA IYO WAXYEELLADIISA XAGGA KU-XADGUDUBKA SHAREECADA ISLAAMKA IYO XEERARKA DALKA:

Mawduucan waxaa si wanaagsan u soo bandhigay Prof Cabdiraxmaan Maxamed Abshir oo tibaaxay inuu qaadku sababo ku-xadgudubka Shareecadda Islaamka oo ah saldhigga dhammaan xeerarka dalka u yaal.

Wuxuu kaloo ku xadgudbaa Xeerka Nabadgelyada Waddooyinka arrinkaas oo sababa dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Wuxuu ku xadgudbaa Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed kaasoo ku xadgudubkiisu keeno dil, dhaawac, kufsi, tahriib iyo burcadbadeednimo.

5. QAADKA IYO WAXYEELLADIISA XAGGA DHAQANKA SUUBAN EE SOOMAALIYEED:

Mawduucan waxaa si waayo-aragnimo ah uga hadlay Nabaddoon Khaliif Aw-Cali: Anshaxii suubanaa ayaa laga wada tegey, gaar ahaan haweenka qaadka ka ganacsada oo xishoodkii ka tegey. Sidii ay Culimmadu inoo sheegtay Qaadku waa XAARAAN xagga Shareecada Islaamka sidaas awgeed, haddii aan arki lahaa cid qaadka daafacaysa waxaan u qabsan lahaa si cadna u weydiisan lahaa magtii rag badan oon nabaddoon u ahay oo uu qaadku fadhiid wax-isku-mafalayaal ah ka dhigay, qoysaskoodiina burburiyay!

6. WAXYAABAHA AAN ISTICMAALKA QAADKA UGA SOO JOOGAY:

MAQAALGanacsade Daahir Maxamed Faarax (Sanweylood) wuxuu yidhi: Anigu qaadka ma cuno, hase yeeshee waxaan idiin ka sheekaynayaa waayo-aragnimadayda wixii aan uga soo joogay, waana sidatan:

Waxaan u soo joogay iyada oo bilawgii toddobaataneeyadii ay degmada Garoowe oo dhan tirada dadka qaadka cunaa ay ahaayeen 10 qof keliya; iyaguna waxay ahaayeen rag qaadka looga keeno BURCO iyadoo baabuur 2 habeen soo dhaxa lagu soo qaadi jiray. Shirkadaha ka ganacsada iyo beeraleyda ku hawlan qaadku waxay samaysteen waagaas hore qorshe ay macaamiil badan oo cunista qaadka barata ku heli lahaayeen. Sidaas awgeed, waxay waagii hore dadka lacag la’aan ku siin jireen qaadka si ay u bartaan:

Haddii ay laba jawaan oo qaad ah iib ahaan u keensadaan waxay soo raacin jireen laba jawaan oo qaad ah oo dadka lacag la’aan loogu qaybiyo. Sidaas xeesha ah ayay dad badan moorada qaadcunayaasha ugu soo dabeen kuna soo geliyeen, ilaa ay dadkaasi ku mameen ama qabatimeen cunista qaadka (addicts).

Hadda waxaynu maqashoon nahay inay Dawladda Ingiriisku dalkeeda dhowaan ka joojisay qaadka, iyadoo uu halgankiisii dheeraa ammaan ku mudan yahay halyeeyga Soomaaliyeed ee Abuukar Cawaale. Waxaynu kale oo ogsoon nahay inay Madaxda iyo beeraleyda Kenya ay olole adag ugu jiraan sidii ay Dawladda Kenya ugu cadaadin lahaayeen inay go’aankeedii qaad-joojinta ahaa ka noqoto. Haddii ay taas ku guulaysan waayaan waxaa u qorshaysan inay Soomaaliya qaybaheeda kala duwan u soo saddex-jibbaaraan tiradii qaadka ahayd ee ay hore u keeni jireen si aan iyaga wax dakhli ahi marnaba uga baaqan. Sidaas awgeed, waxaa loo baahan yahay in aynu arrintaas ku baraarugsanaanno una helno boqollaal qof oo mintidiin ah sida Abuukar Cawaale.

Ugu dambaystii, Sanweylood wuxuu sheegay inuu leeyahay hotel ganacsi kalena uu ku jiro hase yeeshee uusan

shaqaale ahaan marna u qoranin una qaadanin shakhsiyaad qaad cuna maxaa yeelay waxaan ogahay in qofka qaadka cuna uusan mushaarkiisu ku filnayn sidaas awgeedna ay doonista daroogada qaadku ku xambaarayso inuu meesha uu ka shaqaynaayo waxa uu gacanta ku hayo xado.

7. GEBAGEBADII IYO TALO-SOO-JEEDIN:

Anigu Xiriiriye ahaan kulanka ku wargeliyay inaynu labadeennu wada xiriirnay, wargelin kaddibna, aad maqaal mareegaha Soomaalida loo kala diro aad kulankayagan Garoowe diyaarisay isla markaasna aad codsatay inaad kulanka qudhiisa khadka taleefanka kaga soo qayb gashid. Waxaan kaloo wax ka tilmaamay qaybo ka mid ah halganka adag ee aad joojinta qaadka u soo gashay iyo dhibaatooyinkii kugu soo gaaray. Halkaas markii ay marayso ayaan ku soo wacay anigoo damacsanaa inaan taleefanka codka u furo si loo wada maqlo isla markaasna ay saxaafadda nala joogtay u hadalkaaga u duubato. Hase yeeshee cajalad baa iga qabatay oon farriin kuugu duubay. Muddo ayaannu ku sugnay hase yeeshee kuuma suurtagelin inaad taleefan nagu soo celiso. Galabta qudheeda waan ku soo wacay kumase helin. Haddaba, waxaan goostay aniga oo kooxdii kulanka ka soo qayb gashay oo dhan ka wakiil ah in aan qoraalkan kuu soo diro anigoo diyaar u ah in wixii faahfaahin kale aad nooga baahatid ku soo siiyo, insha Allah.

Si aan ugu maragfuro xubno kale oo xusay dedaalka ay Kenya ugu jirto cadaadiska Dawladda Ingiriiska si ay uga noqoto go’aankeedii qaad-joojinta ahaa, waxaan kulanka ka sheegay maqaalkii aad ugu jawaabtay Raila Odinga, Ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaas oo ahaa Afka Alle ku gooye waxaad u ololaynaysaa waa dilidda iyo baabi’inta qoysaska Soomaaliyeed oo Muslimiinta ah! Waa loo riyaaqay jawaabta aad siisay.

Ugu dambayntii, waxaa wadajir loo soo jeediyay:

1. In si buuxda loo soo dhoweeyo loona taageero go’aankii geesinnimada lahaa oo ay qaadatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ingiriiska, Theeresa May, kaasoo dalkeeda ka mamnuucaayay qaadka. Waxaannu aragnay inuu go’aankaasi yahay mid loogu hiilinaayay laguna daryeelaayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee U.K.

2. In Abukar Awale looga mahadceliyo dedaalka iyo halganka adag ee uu u soo galay welina ugu jiro sidii qaadka iyo waxyeelladiisa looga badbaadin lahaa Soomaalida, gaar ahaan kuwa kugula nool dalka Ingiriiska.

3. In la badiyo kulannada noocan oo kale ah isla markaasna si joogto ah bulshadeenna looga wacyigeliyo arrimaha qaadka la xiriira oo dhan.

4. In Puntland laga aasaaso Guddiga La-Dagaallanka Qaadka.

Abukar Awale ( qaad-diid )

Gud la dagaalanka Qaadka

https://twitter.com/Abukarawale

==============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Qabyaalada iyo Dhibaatada Dhalinyarada Soomaaliyeed ku hayso. W/Q Fu’ad Mohamud

$
0
0

Qabyaalada iyo dhibaatada dhalinyarada Soomaaliyeed ku hayso.
Fu’ad Mohamud
pen.bilaal7@gmail.com
Luulyo 27 2013

MAQAALWaxaan jeclaystay in aan idin la wadago waxan idinka tusiyo dhibatada iyo dhibta ay qabyaldu manta ku haysto dhalinyarada somaliyed ee laga filayey in manta u fakran maskax furan iyo dalkoda iyo dadkooda siday dhibatada uga sari lahayen. waxana igu dhaliyey in aan qoro maqalkan kadib markan dhalinyaro badan oo somaliyeed ah ubax ay sugaysay umada somaliyed ee ku jirtay mudada ka badan 20ka sano dhibta iyo balayda kaga timi qabyalada hada iftinka yare ee u baxaya ay tahay bal in dhalinyarda da’da yar ee waxbarasha ugu jira ay kasari doonan ilaah idinkis dhibta hada haysata lakinse iyaga hada ku mashqulsan qabyaalad hamigas loo qabana aad moodo inaysan gudan Karin haday sidas kusocdan oo qabyaladii na kala gaysay iyaganuna manta falanqaynteda wadan.

Arintas ay higsanaya umada somaliyeed ee ah in mar uun dhalinyaradooda ay u kici donan kana saari doonan dhibtada aya waxa aad iyo aad u muuqata in inbadan oo kamid ah dhaliyarada somaliyeed manta ay ku mashquulsan yihin qabyalada fakarkoda iyo xaydabka farkarkoda aysan dhafsisnayn inuu wax kasta ka eego wax ku duro waxa ku taagero qabylaad mararka qaybtoodna aad ku arkayso barta internetka ee facebook ama website yada commentiyda ay inta badan dhalinyaradu ka bixinaya in ay kaga hadlayan waxan dhafisisnayn qabyalada.

Hadaba qabyaladu maxay tahay maxase diintu ka qabta: qabyaaladu waa isxaqirid, isdulimin iyo sharciga islaamka oo la jabiyo garab ku siiso dalim kuna tageerto dalimkas inu mid la dhulmiyey dhibta uu kusii hayo taasina wa xaaran oo cidii sidaas u dhaqanta ama ku fikirta uu ifka dulmi iyo dulinimo ku noolanayo mustaqbalkisa danbana ka aayi doona dhibtas u sameyey darted aakhirana caadabta jahanama ayuu tagayaa. “Qabiilka in laysugu faano, in lagu dagaalamo, in dhiigga lagu xalaashado kitaabka ilaaheyna lagu hooseysiiyo looma abuurin, waxa loosoo dejiyey in ay dadku isku gartaan khayrkana isugu kaalmeystaan”Sheekh Bukhaari ayaa yiri.

Hadaba maxa nala gudboon dhalinyaroy hadii qabyaladu diintu sidas ka tiri xumantas iyo dhibtas ku ledahay arimaha bulshada kala xirxir iyo qoqob ku kenayso sow ma ahan in aan ilaah u tobad keno oo ka baxno guumaysiga uu qabyalada maskaxdena ku hayo oo noqono dad xor ah u fakaraya umad iyo dal iyo diintoda siday kor ugu qadi lahayen. Waxa iga dar daran ah walalayal in aan xumantas ka fogano ilaahna waxan ka baryaya quluubtayda iyo tiinaba in xumantas qabyalada kasaro uusana so galin bisha barakesan ee Ramadan aya ku jirna ilaah ha no aqbalo ducadas.

Aamin Aamin Aamin

Daacad Pen

E-mail: pen.bilaal7@gmail.com

==============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Somalia is Under 40 Years of Punishment. By Abdiqani Y. Farah

$
0
0

Somalia is Under 40 Years of Punishment
Abdiqani Y. Farah
Abdiqanieau@gmail.com

OPINION

OpinionLet me go straight to the point. Somalia is still under cute transition. Historical analysis has revealed that whatever time we have been living since the civil war, we were undergoing an evolution of change that bridged us through times. Nothing could surprise us here, though. For starters, a mere glance at history discloses indifferently. That what changed over the years from 1992 to 2013 was simply the political landscape and players of cards, all intended to fool us. Consider the following hypothesis with me.

However, with your indulgence, I would first want to visit theories about how change evolves. Any theory about change holds that the only constant thing on earth is the change itself—everything else changes. Change theorists of any cultural teachings are also in common agreement that change comprises in stages.

According to social theorists such as Norbert Elias and Erwin Koffman, these stages are marked as periodic sequences of twenty years—with every twenty years indicating a new form of societal direction. This is what they call a “generational” change. When one generation passes, another one comes into being. In other words, before any change to replace the preceding one can begin, full twenty cyclical years must have passed.

With this theory in mind, let us go back to our argument and analyze the facts. When Mohamed Siad Barre set on the throne of Somalia in 1969, a new generation with military mindset was born. The military reign, whatever the political philosophy and pros and cons, had been the watch-sword since 1990. Because change happens as cyclical sequences, we enjoyed twenty years of periodic elapses with regalia and insignia. Paradoxically, we had been courting another new generation in the making during all those years.

Before we knew it, the subsequent generation started in 1991 with too much uncertainty and gloomy future for most of us. Right at the outset, many, not knowing that they would taste their urine at a higher price, celebrated for the departure of the military regime. We collectively failed to realize the fact that twenty years of madness and of disorderly society had already been unleashed upon us. Even those behind the Operations Restore Hope of 1991 failed to apprehend such facts.

Similarly, we all did not get that when a nation ceases to exist, the only way to restore the normality of the died-away nation is to build the roots ab anitio. And the only way such endeavor could become reality was to use a military hand once again. Like it or not, it was the only possible move available at the time. But because our military men were divided among clan lines, the chance for a collective die-for was next to impossible.

Successive periods of transitional government then followed suit. And whoever got us into such interim periods, we started navigating sequences of provisional governments orchestrated recklessly. The result? These administrations simply did not work because a nation doomed for twenty years of madness could not recover overnight. The malfunctions and abnormalities just tripled while we watched. Ostensibly, any national government formed between 1992 and 2012 was to entertain the mad society with the hope to ease the journey ahead.

The Kampala Accord in 2011 gave birth to another generation that would last from 2011 to 2031. In my view, this generation is similar to the previous ones in many ways. It is similar in that it is another wave of twenty years whereby new administrations are about as possible as they ever were. No doubt, the selfish politicians will abort every administration. Moreover, the UN will keep on sending ambassadors in huge successions. Put differently, this country will remain banana republic until 2031.

That is why our situation is similar to that of the children of Israel. During the reign of Moses, the children of Israel were given the orders to stand up for their rights—the city that had been prescribed to them. But they refused to take up the responsibility. When they refused the blessings, they got punishment in return: they had to wander about in the land for forty years, forty years of madness. The prime idea behind this severe punishment was to pre-empty the sluggish generation with a bouncy one.

When you examine the facts closely, you will see that we are in a similar situation. Everything—the infrastructure, structure, intellectual— that could constitute a good beginning was destroyed. What’s more, people became wild and scattered all over the world. Our minds were stained to the extent that nothing good could pass into our brain. Structured corruption, weak civic education, and incompetence among our civil servants are the order of the day.

Regional flags wore by warlords are rampant. The population itself is separated by regional categorization. And if this analogy is to true, then we are under forty years of punishment. But the good news is that we are halfway down the road. In short, we have about 20 years before we realized a new beginning. By then, a newer generation that does not fully understand what went wrong may emerge. This generation will have lesser tolerance for warlords and clan-fed politicians. Prepare for the best!

Abdiqani Y. Farah
Abdiqanieau@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Viewing all 410 articles
Browse latest View live