Quantcast
Channel: Opinion – RBC Radio
Viewing all 410 articles
Browse latest View live

Wali xukuumaddu goonyaheedaba ma eegin!. W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Wali xukuumaddu goonyaheedaba ma eegin!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Maajo 21 2013

[Dowladda Federal-ka: Gole dejiya oo ku-meel gaar ah u sii maamula Oo isku dhaf ah baan Kismaayo u sii samynaynaa.]

Madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud ma hubasan halka aan la’nahay, madax-weynahan u dhaqmay sidii qof qurbo ku raag ahna arrinta waa uga sii daray,.. Soomaali kala tagtay wallaahaysan cid kalana eersanayn cid kastaba ha hadasho Xasan SHiikh Max’ud bay eersan, isagaana dhabarka u ridanaya dhibaatada Soomaaliya ku socota, waxaana la wadaagay eedda 275ka xil-dhibaan ee aad moodo xilkooda inuu ku soo ururay nin kasta inuu ilmihiisa ku korsado magaca golaha shacabka una adeego cid kasta oo taas u suuro gelinaysa!

Madax-weyne Xasan dalka innagama laha waana u sheegaynaa inaysan sax ahayn sida uu wax ku wado… xilka dhammaanteen laynagu mihiyo ee uu hayana isaga gaar uma laha haddii uu garan waayay meesha ay Soomaaliya taalana noqon mayso in lagu xaq-dhowro magac uusan xilkiisa hayn ee ah madax-weynenimada, guud ahaan markaad aad fiiris mas’uuliyiinta inkaar baa inooga dhacaday, waxaana la oran karaa waxbaa u qarsoon, bal Aqristow adigu magacow, kee baad is leedahay daacad bay ka tahay siduu u shaqayniyo?! Anigu haddee aad baan u yaabanahay! Muqdisho war kasta oo inooga yimaado “Anigaa Iri”… ma Xasan baa, ma Saacid baa, ma Jawaari baa, ma Cabdi-Kariim baa waziirka arrimaha gudaha, ma 275ta mid kasta oo ka mid ahba edegta yar lagu ootay baa…sheeg halkee baa caynku ka wreegay?!

Xasan SHiikh, darajada la siiyay uma aqoonsano mid loogu adeegayo ummadda ee wuxuu u fahamsanyahay oo keliya inuu wax ku amro, wax ku caburiyo, awood ku sheegto macna kalana uma garan, wuxuuna u egyahay nin yaqaan wuxuu rabo laakiin aan ogeyn waxa laga rabo, waana dhibaato inteeda la eg…eray kasta oo uu leeyahay wuxuu salka ku hayaa anigaa iri, waxaana ku kala fogaaday oo uu sii kala geeyay ummadnimadii iyo qoomiyaddii Soomaaliya.

[Waxa maqanba xukuumaddu isma weydiin! ]

Wuxuu iska dhigay nin dal iyo qaran dhaqan haysta, wuxuu isla markii la doortayna muujiyay qab iyo oraaho taagtaagan oo ah kuwii suuqa looga hadlayay ah, wuxuu si cad isaga indho tiray waaqaca runta ah ee dalka ka jira, wuxuuna ku dhaqmay wixii uu is moodsiinayay isago hareer maraya xaqiiqda hor taal, illaa iyo haddadan la joogo wuxuu u egyahay nin Muqdisho kaga maarmay dadka iyo dalka intiisa kale, wali xukuumaddu indhahaba ma kala qaadin, goonyaheedba ma eegin! Waxaa isku kaaya haya dhaqanka shacabka Soomaaliyeed ee dhiigga iyo dhaqanka iyo diinta wadaaga iyo siyaasiyiin aad u tartiibsanaya arkana halista Xasan SHiikh Max’ud uu dalka ku sii wado, laakiin Xasan wali gudintii buu ku garaacyaa laantii uu saarnaa!

Wuxuu garan la’yahay in dalkii dhammaa maqanyahay, wuxuu garan la’yahay waxa burburay waxa ay yihiin, wuxuu garan la’yahay in ummadda ururin iyo walaalayn uga baahantahay, wuxuu garan la’yahay in xilka loo dhiibay uu macnihiisu ahaa inuu dadka u fidiyo gogol ay isugu yimaadaan, oo waa hagaagee taas xaggee baa lagu tegayaana?…waa layna haystaa Xasan iyo kuwo badan oo la mid ah oo laynagu qabsanayaana waa joogaan, maalin kastana 275 baahan oo soo doorta la dhaho nin la soo lacageeyay oo ay rag soo xusheen laynoo waayi mayo…maxaa talo ah?!

Niman dunida jecel! Oo aan naf, mood iyo maal aan waxba quuri karin baa lanyagu imtixaanay oo layna hor dhigay, oo xataa marar baad ka shakinaysaa waxay rumaysanyihiin, tusaalaha ugu yaabka badan ee mas’uuliyad darrada muujinaya waxaa ka mid madax-weynaha, ra’iisal wazaaraha iyo wasiirkooda arrimaha gudaha sida ay uga jawaabeen doorashadii ka dhacday Kismaayo!….shaki kuma jirin awalba dowladda waa ay ka soo hor jeeday shirarkii iyo dhismihii maamulka Jubbaland ee halkaas ka socday, sax iyo khalad miday doonto ha ahaato, laakiin waxaa cajiib beenta la wada ogyahay oo ah in mas’uuliyiintaas ay yiraahdaan “ Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale ayaa is haysta oo ay u ekaysiiyaan in labada nin doorasho wada galeen” macnaha waa in shacabkaaga hortiisa been intaas la eg lala yimaado….

Waxay ku habooneyd ama ha u fiicnaato ama ha u xumaatee kolayba meeshii la kala joogay ninna ka soo tanaasuli maayee “Doorashada Axmed Madoobe ma aqoonsanin!” laakiin sida hadda ay u hadleen mas’uuliyiintaas waxay mujinaysaa inay yihiin dad ay wax kasta ka suuroobi karayso, sida ay hadda wax kuwadaana ay tahay inay dadkaan horay ay u soo kala dileen hadana sii kala fogeeyaan, waxaan xasuusnahay SHariif Xasan SHiikh Aadan baan maalintii la doortay maalmo ka dib waxaan ku iri “SHariifow fursad baad heshay aad qaali u ah, nasiibkaa ku keenay! Waxaad yeeshaa magac adduun iyo raali aakharo ka raadso, oo meel dhexe arrimaha xukuumadda iyo kuwa mucaaraday ka istaag, waa intaasoo Alle ummadaan wax tar uga dhigaayee!…” maalin kasta nin aan la aqoon baa nasiibkaa keenay miyaa?! Nasiib?

Tuke caano waa heli karaa laakiin ma calfado! Bal waziirkaan arrimaha gudaha iyo Saacid iyo Xasan SHiikh laba daran baa hor taalee intay Acraabnimada ka weynaadaan tii badbaadinta umadda xigta ha qaataan! Carpet gaduudan iyo diyaarad la sii saarnaado iyo niman aydan isku dan ahayn ag fadhigooda iyo baryadooda wax ay bedelayaan ma jirto! Balse waa sharaf dhac, mararka qaarkood markaan madaxda Soomaalida oo la fadhiya madax shisheeeye ah oo tie xiran arko.. anigaa dreema yaxyax! Nin qaawan oo isu haysta inuu dhar qabo!

Cuno-qabatayntii hubkaa dowladda laga qaaday! Laakiin waxaysan is weydiin yaa is dagaalaya?! Mise Xasan iyo xukuumaddiisa waxay fahmi la’yihiin hubkaan in nin kasta gacantiisa uu soo galayo?!….aad baan uga xumahay xukuumaad sidii ciyaalkii yar-yaraa dhagxyada ay tuurayso, waxaan shaki ku jirin in hub faro badan uu dalka galay nin kastana gacmihiisa buuxaan in ku filanna haysto, waxaan shaki ku jirin in shirkado hubka iibiya arkayna caqliyadda siyaasadda dalka taala iyo kalsoonidii dad-weynaha oo ay xukuumadda hadda jirta sii kala dishay ay mar hore suuqyo ka samaysteen dalka.

DHaxalka aan rabno inaan ka tagno fool- xummaa! Bishii la soo dhaafay ee April 27keedii waxaa gudoomiyaha barlamanka iyo xukuumadda ay is hor taageen mooshin ka dhan ahaa heshiiskii madax-weynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland si sharci darro ah oo xoog sheegasho ah, Jawaari oo arintaas ka hadlayeeyna wuxuu isku dayay inuu dadka ku qanciyo guddi baan u saarnay oo ay wada hadlayaan xil-dhibaanadii mooshinka keenay! Mooshin barlamanka la keenay oo guddoomiyaha guddi u saarayo, waxaa iska muuqanaysa in loo bareeray caburin in lagu sameeyo ha’yaddii sharci dejinta, tan shalay dhacday ee askartu ku kala eriday kulan ay wada yeelan lahaayeen xil dhibaano barlamanka ka tirsann oo mooshin ka dhan ah xukuumadda ra’iisal wazaare Saacid keeni lahaa iyadana waxaa sbab u ahaa tijaabadii hore oo aysan ka gilgilan barlamanka, waxayna ku tusaysaa sida xukuumaddu uga go’ntahay maquuninta hay’adaha qaynuuniga ah.

Waxaan ka xumahay waxa barlamanka ku dhacay iyo sida uusan Jawaari uga hadlayn isagoo waliba ku magacaaban Af-hayeenka baarlamanka (The Speaker), aamusnaanta Max’ed Cusmaan Jawaari macno badan bay xambaarsantahay, waxayna marqaati u tahay sida ay isugu milmeen xafiiska madaxtooyada iyo xafiiska af-hayeenka, waxaa kaloo shaki weyn iyo mad-madow badan gelinaysaa inta ay la egtahay xoriyadda dadka aan u haysano inay xil-dhibaano inoo yihiin iyo haybadda ay huwanyihiin (Immunity), Caydiid Ilko-xanaf muxuu la aamusanyahay?!waa weydiin aan laga tegi karin.. Meeshu ma cabsi baa jirta?! Wax badan baa qarsoon oo aan dhab la macnayn karayn.

Madax-weynuhu wuxuu ku fooraraa lix tiir oo uu jeebkiisa kala soo baxay oo uusan cidna kala soo tashan, baarlamaan aan la hor geyn, mudnaantooda aan cidina ka baaraan degin hadal kasta oo uu jeedinayana uu uga dhigay hal-ku-dheg (Slogan), fikradihiisana dhammaantood wuxuu u arkay inay yihiin sharci dastuurka ka mid ah.

[Jubbooyinka 90 maalmood maamul KMG ah!... Kenya iyo Itoobiya dalka ka ceyri ]

Waxaa wararka hadda soo baxaya ay sheegayaan in madax-weyne Xasan SHiikh, ra’iisal wazaare SHir-doon iyo waziirka arrimaha gudaha Cabdi-Kariim Xuseen Guuleed oo isagu ah gacanta midig ee madax-weynaha ay qorshayniyaan inay dhisaan gole loogu magac daray Golaha Xasilinta iyo Wada Xaajoodka ee Gobollada Jubboyinka.

Sida ay qorshayniyaan madax-weynaha iyo raggiisa, golahan ayaa muddo sagaashan casho ah sii maamulaya gobolladaas, mudadaasna waxaa la soo diyaarinayaa doorasho hor leh oo ka dhacda halkaas iyadoo ay kala bar ergooyinka wax dooranaya ay keenayso dowladda, talada ay nimankan wadaan ayaa waxaa ka mid ah haddii uu madax-weynaha Jubba land ee hadda la doortay Axmed M. Islaam (Axmed-madoobe) uu taladaas ka hor yimmaado inay ku amraan ciidammada Kenya inay xabsiga Muqdisho u soo taxaabaan, madax-weynaha iyo raggisa wax walaac ah kama muujin dhinaca Barre Hiiraale.

Waxay madax-weyne Xasan SHiikh iyo ragiisa isla garteen haddii labadaas arrimood ay shaqayn waayaan in marka hore xukuumaddu si cad ugu dhwaaqdo in dowladaha Kenya iyo Itoobiya ay ka baxaan dalka Soomaaliya ka dibna ay dowladdu isticmaasho wax kasta oo u suuro gelinaya hanashada maamulka Kismaayo iyo guud ahaanba Jubooyinka.

Arrintan ayaad moodaa in taladeed laga qarinayo xubnaha kale ee golaha xukuumadda iyo waliba barlamanka oo isagu hadda la oran karo awood baa lagu maquuniyay, mana ka hadli karayo arrimaha muhiimka ah ee dalka.

Waxay arrintan haddii ay dhabowdo ay noqonaysaa talaabadii ugu muhiimsanayd ee ummadda iyo dalka kala goyn lahayd, waxayna irridaha u furaysaa burbur kale iyo colaad ummadda dhexdeeda ka bilaabata,waxaase shaki weyn ka jiraa kartida iyo awoodda xukuumaddu rabto inay qorshayaashaas ku fuliso, sidoo kale, haddii arrintu sida loo sheegayo ay dhab noqoto waxaa shaki la’aan ah inay taas horseedayso oo keliya in jabhadnimadii iyo dagaaladii beelaha dib loogu laabto, xalkuna ma aha in maanta laga hadalo bixidda ciidammada AMISOM ama ha noqdaan kuwa jooga caasimadda Muqdisho ama gobolada kale.

Hadalladaas waxay muujinayaan oo keliya colaad, waaba haddii ay jiraan, taladuna waxay ku quruxsanayd in dowladdu ay u hoggaansanaato rabitaanka shacabkeeda, gacanna ku siiso maamulada ay dhisanayaan, beelo is haysto ma jiraan, dhibka waxa wada oo aan waliba ixtiraamayn dadka deegaannadaas ku nool waa dowladda oo uu u horeeyo madax-weyne Xasan SHikh iyo siyaasiyiin ku dhowdhow isaga iyo dad xafiiskiisa laga soo abaabulay, arrintan waxay keenaysaa keliya deggenaansho la’aan iyo colaado soo noqda, madax-weynaha isagaa yaqaan danaha uu ka leeyahay gobolada Jubooyinka waxayse ku haboonaan lahayd inuu dariiq siyaasadeed iyo maamul u soo maro ee ma ahayn inuu colaad soo abaabulo iyo fidno dadka deegaanka laysga hor keenayo iyadoo aysan jirin sabab taas ku qasab ka dhigaysa.

[ Federal-ka: labo gobol iyo wixii ka badan baa ku midoobi kara, hadalkaas waa cadyahay in la macneeyana uma baahna! ]

Waxaa iyadan xusid mudan mar kasta oo madax-weynaha iyo siyaasiyiinta la fikirka ah ay ka hadlayaan Federalismka waxay ku celceliyaan labo gobol baa ku midoobi kar ee labo beel ma aha!!…waa hadal xaqiiqda aan laga sheegin, waa hadal aad moodo sida loogu celcelinayo iyo sida uu runta uga fogyahay in dano badan lagu qarinayo, maxaa yeelay, taas wax dhib ah oo lagu cilladeeyo kama muuqdaan, Aan wax qalano mindiyahana qarsano! Sababaynta madax-weynaha iyo ragga ay isku ra’yiga yihiin ma aha cillad sharci lagu salayn karo mana aha , maxaa yeelay asal ahaan sababaha federalism-ka dad badan oo Soomaali ah u qaateen ama u aaminsanyihiin ayaa ah ; I) Ammaan iyo Kalsooni. II) Xoriyad maamul siyaasadeed deegaan ahaan….

Marka aad fiiriso dhibaatadii dhacday nin kasta gobolkiisii buu dib ugu laabtay isagoo beel ah, laakiin iyadoo ay sidaas tahay hadan danaha ka dhexeeya deegaannada beelnimo waxba uma dhimin, waxaana taas daliil u ah maantadan aan joogno iyadoo aysan weli meelaha qaarkood ka jirin wax maamul ah hadana deegaan kasta beelaha kala duwan ee Soomaalida waa wada joogaan, Puntland iyo Somaliland iyaga iskaba dhaaf warkooda, oo beelaha Soomaaliyeed ee ka soo cararay colaadaha ka jiray Muqdisha iyo gobollada ku hareeraysan ee koonfurta maanta mehrado waaweyn bay ku haystaan deegaannada maamuladaas iyagoo aysan jirin cid takoorta ama beel ahaan u dhibaataysa.

Meesha la rabo in la abbaaro waa in dowladdu ay dib u dhistaa kalsoonidii dadka ka dhexaysay, iyadoo u maraysa inay ku ixtiraamto rabitaankooda aan ka hor imaanayn qaynuunka iyo dastuurka dalka, fikradda laba beelood ma midoobi karaan iyo waa midoobi karaan uma baahana in buun la qaato, laakiin waxay u baahantahay oo keliya in la ilaaliyo sharciyada iyo qaynuunka dalka u yaala, lana adkeeyo ilaalinta xuquuqda muwaadhinka, iyo u sinnaanshaha fursadaha shaqooyinka iyo xilalka.

Madax-weynaha iyo ragga ay isku fikirka yihiin waxaad moodaa in hadalkooda wax badan ku qarsoonyihiin, waxayse ka tagyaan in xasaasiyadda ku celcelinta arrintan ay tahay mid dadka sii kala fogaynaysa, iyadoo waliba ay dad badan oo Soomaaliyeed qabaan inaysan daacad ka ahayn isla markaasna aysan ku dhaqmin waxa ay ku hadlayaan laakiin ay dano kale ka leeyihiin ku celceinta hadalkaas…..Dowladdu indhaha ha kala qaado, sharcigana ha dhowrto!

=================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Taariikhda ummadda yaan laga been sheegin. W/Q Maxamed Xuseen Lafoole

$
0
0

Taariikhda ummadda yaan laga been sheegin
Maxamed Xuseen Lafoole
mlafole@hotmail.com
Maajo 21 2013

Taariikhkasta oo dal iyo dad leeyahay waa shay aad iyo aad qaali u ah xiligii ay dhacday ilaa xiliga hadba lajoogo waa midaan la qarin Karin ujeedkasta halaga lahaadee haddii cidi isku daydo in ay boorka ku duugto cidkalaa Alle u baxshaa oo boorka ka jafta.

Haddaba waxaan rabaa in aan yara iftiimiyo taariikh ay ummadda soomaaliyeed guud ahaan leedahay gaar ahaan Gobollada Waqooyi ee soomaliya taas oo ah maalintii ay xoroobeen Goboladda Waqooyiga soomaliya 26-ka June laakiin ay isku dayayaan koox yar oo waqooyiga dega in ay muran iyo mugdi galiyaan taariikhdaas kuna badelaan gacan ku samays.

26-ka June waa maalin qiimo weyn ugu fadhida ummadda Soomaaliyeed, waa maalintii ay ummadda Soomaaliyeed dhadhamiyeen macaanka xornimada, waa maalintii lagu dhawaaqay Magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ah waddan madax bannaan,waa maalintii heeryadii 1887dii ingiriisku saaray ummadda soomaaliyeed ay iska rideen , waa markii ugu horeeysay oo si xornimo leh gobanimo dhab ah, karaamo ummadeed iyo sharaf uu calankeena Cawaalle ka dul babaday dhulkii waqooyiga taasoo micnaheed yahay hanasho xoriyad iyo dhadhaminta macaanka miraha xoriyadda oo ku baxay dhiigii iyo maalkii somaalidii xalaasha aheyd oo eey horseedka kaahaayeen geesiyaashii xoogagii daraawiishta Somaaliyeed halyeey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan hogaaminayey oo aqlabiyadoodu ka soo jeedeen ama u dhasheen degaamada Maamul Gololeedka Khaaatumo hooyga xoriyada iyo karaamadda.

Xoriyaddu maahan sheeko iyo sheey la dhayalsan karo, Xoriyadda ama madax banaanida waa sheey muhiim ah laguna tilmaamo dhalashada ummadeed, hanashadda maqaamkooda jiritaaneed, iyo qaranimadooda oo loo soo maray halgan kharaar oo naf iyo maalba loo soo huray,geesiyaal halyeeyo ah god u galeen, qaarkalena kalakulmeen dhaawacyo iyo dhibaatooyin xad dhaaf ahaa kuwo ku muteen masaafuris iyo ka dheereenta dalkooda, dadkooda iyo qoysaskoodaba, halka kuwo kale oo badana kala kulmeen dhacida hantidooda qaaliga aheyd waxaas oo dhanwaxaa ka qaalisan hanashadda dhalinta xoriyadda qaaliga ah guud ahaanba geyigan somaaliyeed u iftiintay 26 kii Jun 1960-kii.

Akhristoow waxaa xusid muddan in xoriyadii aynu ku naaloonay 26_kii June maanta ay dad isku dayayaan in ay ku badelaan maalin aan la garanayn cida xoriyadada qaadatay iyo cida ay ka qaateen oo guumaysatay (18 may) balse aan ku tilmaami karno maalin qabiil asteeysteen.

Qayb ka tirsan waqooyiga soomaaliyana dadkii lagu mashquuliyey maalin xornimo in la qaatay lagu tilmaamay meel ay taariikhda ummada soomaaliyeed iyo tan caalamkana kaga qoran tahayna ay san jirin.

Waxaa arin lalayaabo ah xiligaagan ummaduhu beegsadeen horumarka caalamkiina laga dhigay qaryo yar oo aan waxba isku seeganayn in ummad dhan laga dhaadhiciyo ilmuhu labo jeer buu dhashaa oo loo durbaan dutumo taas oo aan uga jeedo in qayb ka mid ah dadka waqooyiga soomaaliya degan la yiri xornimo waxaad qaadateen 26-kii june mar labaadna waxaad dhalateen oo xoriyad qaadateen 18 may nin adduunjoogoow maxaa aragti kuu laaban.

Haddaba dadka laga dhaadhiciyey 18 may in ay tahay maalin qaran oo la marin habaabiyey waxaan u sheegaynaa in ay san gobolada waqooyi ee soomaliya laba jeer ay san xornimo qaadan maalmaha qaranna ay san ka mid ahayn taariikhdaas gacan ku samayska ah balse waxaan leenahay haddii 18 may tahay maalintii la asaasay maamul goboleedka Somaliland oo ay lamid tahay 16 Janaayo ee M Goboleedka Khaatumo, 14 Ogosto ee M Goboleedka Galmudug, 1 Ogosto ee M Goboleedka Puntland iyo 15 May M Goboleedka da’ ada yar ee Jubbaland hanbalyo xuskiina maalinta 18 may dadka shacabkana sidaaas haloogu cadeeyo runtana haloogu sheego in waxa ay u dabaadagayaan ayasan ahayn maalin qaran ama maalin xoriyad la qaatay.

Waxaa arin laga xumaado ah in taariikh dhan oo ummadeed ay isku dayaan in ay daboolaan rag yar oo siyaasiyiin sheeganaya raadinayana manasab siyaasadeed in ay ku gaaraan danta shacabka ayagoo shacabka u balan qaadaya in ay u keeni doonaan oo wadadaan ku heli doonaan sadbursi iyo mudnaan dheeraad ah oo aysan soomaalida inteed kale haysan waar hooy ka joogo arinku waa sal balaaran yahay.

Gunaanud

Maalintaas qaran ee ay Gobolada waqooyi ee soo maliya xoriyadda qaateen maahan mid ciyaar ciyaar ku timid madaxa yo qoyanaa baa u qalalay darted, hooyo iyo aabe farabadan baa u gablamay si ay macaanka xornimada u dhadhanshaan, sifud hadii ay ku imaan lahayd sid fududna way ku tagi lahayd sidaa daraadeed ummadda soomaaliyeed meelkasto ay joogaan waxaan kula dardaar mayaa adkaynta midnimadda iyo malmahii ay naftooda u soo hureen,

FG: akhristoow maalintaa aan kor ku xusnay waxa inaga xiga muddo gaaban xiligaan qormadaan aan qorayomarka ballanteenu waa diyaargaroow balaaran,dabaaldeg farxadleh iyo damaashaad.

Wabilaahi tawfiiq.

Qalinkii: Maxamed Xuseen Lafoole
Khartuum sudan

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Murugada ka Muuqata Marwooyinka Soomaaliyeed. W/Q Abukar Awale (Qaad Diid)

$
0
0

MURUGADA KA MUUQATA MARWOOYINKA SOOMAALIYEED ( QAADKA )
Abukar Awale (qad diid)
abukar_aw@yahoo.co.uk
Maajo 23 2013

Hooyo waan wada garankarnaa qiimaha ay u leedahay qof walba iyo qiimaha ay uleeyihiin ummadeena soomaaliyeed, hadii aan kubilaabo diinteena macaan aynu wada ognahay xaqa hooyadu leedahay , waatii nabigeenu CSWS uu yiri janadu waxay taalaa hooyo lugaheeda hoostooda.

Dhaqan ahaan sabab weyn ayaa kadanbaysa marka la leeyahay dhulka hooyo, afka hooyo waxaa arintaas kujirta xigmad weyn oo looga danleeyahay inay hooyooyinku yihiin tiirka ugu weyn bulshada.

Dhanka kale hadaan idinka tusana dhibaatooyinkii wadanku soo maray waxaa lagu baxsaday daddaalka , dhabar adayga, kartida iyo Samirka hooyooyinka soomaaliyeed oo ahaa xubinta kaliya ee bulshada oo mar walba utagneeyd badbaadinta ubadka , kuwa la kufayey oo la dhacayey iyagoo xambaarsan caruur waxay ahaayeen dumarka Soomaaliyeed kuwa iyagoon cidna ku masruutaa aysan jirina , shaah yar oo ay meel yar ku gadaan iyo xarig xarig ku xir kusoo saaray rag jaamacado kabaxay waxay ahaayeen dumarka soomaaliyeed , una malayn maayo waana aaminsanahay inaad igu raacaysid aqristoow inay yihiin dumarka aduunka ugu dulqadka badan ( mid-mid abtigeed habaaray mooyee )

Hadaba iyadoon runtii qoraal iyo qoraalo aan marnaba lagu soo koobikari xaquuqda iyo xushmada ay mudan yihiin hooyooyinkla Soomaaliyeed ayaa waxaan maanta qoraalkan inyar ka tilmaamayaa dhibaatada ugu weyn ee waqtigaan haysata hooyinka Soomaaliyeed , waxaana muhiima in la fahmo dhibaatada haysata hooyo waa dhibaato haysata bulshada sabab too ah hooyadu waa warshadii soo saaraysay dhalaanka soo korinaysay dhalinyarada soona soosaatraysa hogaamiyayaashii berito.

Hooyooyinka ku nool qurbaha ayaa aad uga cabanaya dhibaatada balaaran ee kahaysata ku noolaaashaha wadan shisheeye oo caruurtii qurbaha ku dhalatay oo diintooda , dhaqankooda iyo luuqadoodaba,hanjabaad lagu hayo , waxay kaloo tilmaameen in ragii hagi lahaa reerka oo hogaanka u qaban lahaa kana difaaci lahaa waxwalba oo soo foodsaara , barrina lahaa caruurta diinta , dhaqanka, iyo afkoodaba, ay yihiin xarig lama sitaan aan daryeeli Karin naftooda kuwaasoo baylihiyey , dayacay, ka dibooda kana dhaqaaqay, caruurtoodii iyo xaaskiiba. Isla markaasna uu reerkaasi yahay reer bannaana uyaal dhurwaaga , tukaha iyo haaduna korkaas ka ilaashanayaan sugayaana raqdooda. ( waa marka Hooyadu adkaysan weydo, ku filaan weydo celin weydo wiilasha yar ayar ee qurbaha kudhashay , oo qaarna gaalo qaadato, qaarna xabsiyada qurbaha kabuuxaan. Ninkii caruurtaas dhalayna liilalaawda qaadka iyo heesaha marqaanka ku dhageysanayaa gododka qaadka lagu cuno.( ilaahow yaa dharbaaxo kala daala ! )

Hadii laga hadlo wadankeeniina waxaan shaki kujirin inay ku dhiban yihiin nimanka qaadka cuna oo masaariif iyo mushaar uu soo shaqaystay iska daaye uu iyada caruurta caanahooda mararka qaarkood ku qabsado inuu qaad kucuno , haday JU dhahdana faro jir-jir iyo gacan kahadal udheeryahay.

Waxaa la is weydiin karaa oo maxay uga cabanayaan qaadka iyagaaba gadee, hooyo kamida hooyinka soomaaliya qaadka ku gada ayaan weydiiye su’aashaas waxayna iigu jawaabtay ninkii caruurta masruufu lahaa Qaad baa Qaatay, camalkale oo aan hayaana majiro isagaana igu dhiiro geliyey inaan qaadka gado si aan uga helo masaariifta caruurta asna uga helo qayilaadiisa.

Waxay iyadoo hadalkeedii sii wadata intaas ku dartay inaysan maalin qura gadeen qaadka hadii ninkeedu yahay nin raga oo shaqaysta oo masaariifta caruurta meel saari kara , waxay kaloo marwadu tiri ku dhintay kuna qayirmay oo ku qallalay sidaan u qaylinayoon qorax utaagnaa, waxaan ahaan jiray gabar edeb leh, aad u afgaaban oo xishood badan laakiin hada waxaan noqday naag qaylo dheer oo raga kuleetiga ku dhagta.waxaas oo dhana qaadkaa ibaray ninkaygaana ibaday.

Gabagabadii waxaan ugu baaqayaa aabayaasha Soomaaliyeed ee qaadka laasimay war iska yareeya oo iskadaaya oo hadaydnaan naftiina u turayn u tura ubadka yar yare e aad dhasheen oo silica iyo saxariirta mudanaya, oo u tura marwooyinka aad qabtaan oo murugadu kamuuqato.

Abukar Awale ( qad diid )

Gud La dagaalanka Qaadka
Fallow me on twet @AbukarAwale
FB@Abukar Awale

=================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dhaarta xildhibaanka:”Magaca ilaahey Mooshin inaanan dhaafin waligey” W/Q Ahmed A Takar

$
0
0

Dhaarta xildhibaanka: “Magaca ilaahey Mooshin inaanan dhaafin waligey”
Ahmed A Takar
takar77@hotmail.com
Maajo 24 2013

Allah (swtc) wuxuu quraanka kariimka noogu sheegay qolooyin qas wada-yaal ah oo markii la yiraahdo:waar dhibka joojiya oo dhulka ha- fasaahaadinina waxay dhihi islaax baan wadnaa, waase mufsidiin isma oga lakinse…

Intii dhageysatay hadaladii ay warbaahinta ka sii daayeen qaar kamid ah
xildhibaanadii hor boodayey Mooshinkii dowlada lagu suul-daarayey ee fashilmay waxay dadka Mediyaha ka daawanaya ay maqashiinayeen iney wadaan Mooshin ay ugu daneynayaan maslaxada dadka iyo dalka (waa sidey hadalka u dhigeene), runtiise hadalkoodu taas muu aheyn ee waxay wadeen oo kaliya

” wixii xilka lahaa ee ay caadada u lahaayeen ,illeyn ninna caadadiis kama tagee”
Xubnaha baarlamaanka somaliya waxay u badan yihiin kuwo maal jecel, kuwo mansab jecel,kuwo muraad u gaara jecel, kuwo qabiil jecel, kuwo qayaano jecel,kuwo gumeysi jecel , kuwo gar-darro jecel …

Waxaana ku yar inta dalka jecel, inta diinta jecel, inta danta umadda jecel, inta cadaaladda jecel , inta gobanimada jecel,waayo waxay quutaan ama ku qayilaan amase qeybsadaanba waa kharash xaaraana oo jeebka loo galiyey si ay mooshin usoo maleegaan , amase waa xoolo qaran oo la dhacay, ama waaba lacago mucaawino dadka masaakiinta loogu tala -galay oo la leexsaday ..

Dadkuna waa uun laba nooc :

Mid og sababta uu dunida u joogo (u nool yahay) iyo meesha uu u socdo iyo in ALLE -CAADILA la horatagayo berito su,aasha qof kasta la hor-dhigayana eey tahay : xoolihiisa meesha uu ka tacbaday iyo halka uu ku bixiyey..

Iyo mid aan arrintaasba war u hayn oo hamigiisu yahay oo kaliya .. maxaad cuntaa! maxaad ceebeysaa! maxaad caburisaa! maxaad cilaaqdaa! maxaad ciideysaa!… waana noocaan dambe kuwa waday mooshinka fashilmay ee qof kastoo damiir lihiba uu ka damqaday.

Tiro badanaa..

waxaa wax lala yaabo ah waddan(Somaliya) lambarka koowaad kaga jira caalamka xagga faqriga, takhalufka, tacliin la,aanta, gaajada, cudurada , iyo wax kastoo umadi ku horumarto oo hadana xubnaha baarlamaankiisu kor u dhaafeeen 275 qof , oo kaba sii darane hadana xukuumada eey ka tirsan yihiin ee taagta daran ula jooga lugooyo iyo khiyaano qaran ,umada eey metalayaana usoo jiidey ceeb iyo calool xumo … iyagoon ka daalin Mooshinka iyo muranka joogtadaa, halkii ay ku mashquuli lahaayeen dhismaha wadanka,dhowrista sharciga,iyo iney dhibta
ka dulqaadaan umaddooda dhibaateysan taasoo ah tii ay u dhaarteen .

Geba-gebada qormadeyda waxaan jeclahay inaan tilmaamo iney jiraan xildhibaano Soomaaliyeed oo sharaf leh mudana in lagu deydo ,kuwaasoo leh sharaftii lagu yaqaaney muwaadinka jecel dalkiisa ,dadkiissa iyo diintiisaba. waana qeybtaan kuwa salaanta sharafta aan halkaan uga dirayo ee ka dhabeeyey magacii alle ee ay ku dhaarteen …

Qore/ Ahmed A.Takar
takar77@hotmail.com

=================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Cunuggaan Marabee Qaata !! W/Q Aadam Zaki

$
0
0

Cunuggaan Marabee Qaata !!
Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com
Maajo 25 2013

Wiil yar oo ka caraysan sida ay Macalimaddu ugu dacwaysay aabihii ayaa ku yiri Macalimadiisa aabahay ayaad igu dirtay oo wuxuu igu yiri mar danbe haddii lagaa soo dacwoodo waan ku ciqaabi waliba si adag . Durba macalimaddii ayaa kulan deg deg ah waydiisatay maamulka dugsiga waxaana la isla gorfeeyay arinta uu wiilkan yar soo kordhiyay .

Waxaa la isla gartay go’aan ah in lagu war galiyo Booliiska , isna kaalintiisii ayuu qaatay oo waxaa la faray qolyaha Daryeelka Bulshada inay arintaas u kuur galaan . waxaa si kadis ah ay u galeen gurigii reerka dhalay wiilka baaritaan saacado qaatay kadib waxay u gudbiyeen Booliska farriin ah in Odayga mar hadduu wiilka yar u caga jugleeyay loo diido inuu aqalka heeradkiisa uusan soo istaagi Karin .

Maasajidka magaaladda oo haattan ah Xarunta badashay Xafiisyadii lugooyada ee la oran jiray Adeega dadka (Community Service) guddiga masaajidka oo bishiiba lama ama saddex jeer kulan la qaata Booliska iyo laamaha Ammaanka arintan xal kama gaarin.

Gabdho : 

Hooyadood waxaa ku dhacay xanuun Ilaahay caafimaad ha siiyee ka haleeyay maskaxda markay dhashay labadaan gabdhood , Aabohood wuxuu isku dayay inuu buuxiyo kaalintay banaysay oo wuxuu wacad ku maray inuusan labadiisa gabdhood ciil badin iyo canaano eeddo. Intay xarumaha wax –barasho ku maqan yihiin ma ahane mar walba oo ay dan ka yeesho magaalada waxay ahaayeen labadiisa gacmood wuxuu ahaa nin la isu tilmaahay oo ay yaqaanaan guud ahaan bulshada Soomaalida ee ku Nool Manchester waa tan Ingiriiskee.

Habraha gablanka ah iyo kuwa ubadkoodii ay dayriyeen ayaa durbaan colaadeed ka dhex shiday Iskoolkay dhiganayeen labada gabdhood , muddo ayaa Aabaha gabdhaha lagu hayay cadaadis ay dadka qaarkiis qarxi lahaayeen ama u baahan kareen Xarumaha dhimirka lagula tacaalo ,

Dumarka Soomaalida ee deegaanka waxay isku raaceen inay labaad gabdhood dharka culus ee xiliga qaboow laga xirto dhaxan aysan waligood xiran kii sanadkii hore , kulaylkana kasii daran wuxuu mar walba si hagar la’aan ah uga baahi tiri jiray hablihiisa hadba dharka ay maal mahaas xiran yihiiin asaagood , qof kasta oo yaqaanay wuxuu marag ka yahay inaysan maalina lagu arkin dayac iyo darxumo , wuxuu odaygan ka ilaaliyay Lifaaqa Beerkiisa ( gabdhihiisa ) baahida Hooya la’aanta .

Maalin ay iskoolka tageen ayaa ugu danbaysay oo waxaa ka kaxaystay Iskoolkii Daryeelka Bulshada qolyaha loo yaqaan , waxaana la xaqiijiyay in loo geeyay reer haysta Eey , labadii gabdhood tii waynayd waxay maalinkii danbe timid Iskoolka iyadoon wadan Xijaabkii ay 10 sano soo xirnayd halka tan yar ay wali xiran tahay .

Markay arintaas naxdinta leh dhacday waxaa loo qayla dhaamiyay Gudiga Masaajidka Alfuqaan waxaana warka qaaday Xaaji Cumar Baaruud. Muddo ayaa kasoo wareegtay walina masaajidku muusan soo gudbin wax jawaab ah oo uu ka hayo Gabdhahaas yar yar ee sida xoogga ah looga dareer saday aqalkoodii halisna u ah inay hareer maraan hilinka toosan .

Ma-dhashadii. Dhashay

Markuu sanad jirsaday wiilkii lagu jar jaray ayay maalin qaaday oo gaysaty Isbitaal ku yaalla magaalada , waxay ku tiri adeegayaashii isbitaalka wiilkaan ma doonayee qaata !! Amakaag ayay ku noqotay waxayse iska raarideen inay miyir ahaan dhiman tahay sidaa awgeedna aanan laguba aamini Karin wiilkaan sannan jirka ah .

Markuu warkii soo dhacay waxaa dadaal galay rag iyo dumar badan oo diidan in maalinka qiyaamaha la waydiiyo sababta ay wiilkaas ugu dayaceen diin la’aanta, kala orod ayaa la galay qolyihii Daryeelka Bulshada waxay soo istaageen waxaan liiska ku haynnaa wax ka badan 12 qof oo xigto la ah gabadhan wiilkan dayacday ( Xigto waxay ula jeedaan Adeer, Abti, Walaal, Awoow iyo Ayeeyo ) iyaguna way diideen inay ilmahaan qaataan !!!

Naxdin dheeraad ah ayaa soo korodhay . Ma Xigatadii baa diiday ? dadkii badankood candhuuftoodii ayay dib u liqeen oo way iska aamuseen , hasa yeesheen laba nin ayaa diiday inay haraan ( Magacooda ma sheegayo) ayagiina maalin ka hor (Qoraalkan) ayaa loo soo tabiyay farriin ah haddii aydaan iska iloobin wiilkaas yar waxaan idiinka ashtakoon doonnaa Booliska !!! farriintu waa Af-Soomaali ma ahan Af-Ingiriisi !!!

Xigtadeeda waxay ku andooceedeen inuu Ninka haattan qaba gabadha uu ku qasbay inay wiilkan yar tuurto , sidoo kale qolada Daryeelka Bulshada waxay xaqiijiyeen inay gabadhu uur leedahay lagana qaadan doono markay dhasho .

Anqaastii Aadam Zaki

Aadan17@yahoo.com

=================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Shisheeyuhu waa hubka Soomaalidu hadda isu isticmaasho. W/Q Mursal Geeldoon

$
0
0

Shisheeyuhu waa hubka Soomaalidu hadda isu isticmaasho
Mursal Geeldoon
Geeldooniya@Gmail.com
Maajo 27 2013

Shirkii IGAD oo dhowaan lagu soo gabogebeeyay Addis Abeba aad ayuu uga farxiyay taageerayaasha madaxweyne Xasan Sheekh waayo way og yihiin in maanta Soomaalida, gaadh ahaan Soomaalida koonfurta, taladoodu ku jirto gacan shisheeye. Wax lala yaabo ma ahayn in siyaasiyiinta maamulka Somaliland ku tilmaameen madaxweyne Xasan Sheekh nin ” Saawixili uu ilaaliyo.”

Khudbaddii madaxweynaha ka jeediyay Addis Abeba intii uu socday shirka IGAD wuxuu ku xusay in beesha caalamiga qaarkeed u la dhaqanto qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya sida kuwo ka madax-bannaan dowladda Soomaaliya. Hadalkaasi wuxuu ahaa duris dadban oo uu madaxweyne Xasan Sheekh ku muujinayay sida uu uga xun yahay hadalkii Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ku taageeray Somaliland: ” Waannu ka difaacaynaa Somaliland halis kasta.”

Sillan-sugan

Go’aanka IGAD wuxuu dowladda federaalka Soomaaliyeed siiyay kaalin horseed (a lead role) si maamul ku meel gaadh ah loogu sameeyo Jubbooyinka inkastoo maamulka dhowaan laga yagleelay Jubbooyinka uu ka soo horjeestay soo-jeedintaas. Dowladda Soomaaliyeed waxay qaadday dagaallo diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Kiinya iyo Itoobiya si dowladdu ugu madax-bannaanaato samaynta maamul goboleedyada. Yaabkuse waa waddada dowladdu u martay gaadhista ujeeddadaas waa IGAD oo Kiinya iyo Itoobiya ay xubno ka yihiin. Siyaasadda dowladda Soomaaliyeed waxa hareeyay hiraal sillan-sugan ah (paradoxical vision): Keenya iyo Itoobiya yaysan farogelin siyaasadda Soomaaliya hase ahaatee ha u codeeyeen siyaasadda aan Soomaaliya ku maamuli rabo madaxweyne ahaan

Marnaba dowladdu kama fiirsanin waxa ka iman kara siyaasaddeeda lagu tilmaami karo beerka-jecli, xeydha jantay. Waxay oggollaatay oo u ololaysay in arrimaha siyaasadda Soomaalida gacanta loo geliyo Hailemariam, Kenyata, Ismaaciil Cumar Geele, Yuweri Museveni iyo madax kale oo IGAD ka mid ah. Dowladda Soomaaliya way illowsan tahay in halista Kiinya ka cabsanayso ay tahay mid reer Galbeedkuna qabaan waayo Kismaayo waxay gacanta ugu jirtay urur Alqaacida la midoobay. Soomaaliya ma laha ciidan u babac-dhigi kara Al Shabaab taageerada AMISOM la’aanteed.

Yaa is lahaa labaatan sanadood ka dib Soomaalidu waxay isu soo mari doontaa shisheeyaha? Qabqable naga raalli ahow. Maynan u baahnayn shisheeye markii aannu karkaarka ku weydaarinaynay oo ku diraynay meel ay adag tahay inaad si fudud uga noqoto.

=================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Xassan SH Maxamuud: Shimbiro Bajis. W/Q Axmed Cabdi xirsi

$
0
0

XASAN SHEIKH MAXAMUUD: SHIMBIRO- BAJIS
Axmed Cabdi xirsi (axmed katiitow)
axmedkatiitow@hotmail.com
Maajo 28 2013

Salaamulaahi calaykum salaam dabadeed maqaalkan waxaan ku cabirayaa dareenkeyga Shaqsiyadeed kaasoo ku aadan arimaha juboobinka.

Kagadaal 22 sanno oo dagaalo sokeeye oo ay soomaliya soo martay walina aysan si wanaagsan uga bixin Soomaalidu waxay xal u arkeen in ay maamulada iyo dowladaha ay sameystaan ay ku qeybsadaan Qaab qabiil iyadoo aysan jirin si kale oo ay isku aaminaan kaliya ay u arkeen in tani ay tahay wax ay isku aamini karaan.

Hadaba aan usoo dago nuxurka maqaalkeygan oo aan diirada kusaari doono arimaha jubooyinka iyo xasaradaha ha aloosan Gobolada seddexda ah ee mataanaha ah ee laka yiraahdo jubbada hoose, jubbada dhexe iyo gedo waa sadex gobol Oo kamid ah gobolada dalka soomaaliya layiraahdo, waa gobolo soo maray inta badan dhibaatooyinkii laga dhaxlay Colaadihii iyo dagaaladii sokeeye, waa gobolo hadba qolo gaar ah ama koox gaar ah gacanta u galeysay.

Maanta waa gobolo dadkii deegaanka u lahaa ay garteen in ay masiirkooda iyo aayahooda nololeed ay katashadaan Ayna geed dheer iyo geed gaaban u fuuleen in ay ka xoreystaan cadowgii Alshabaab ee heystay in muddo ah oo aysan dhici lahayn In ciidamo xamar katagay ay kaxoreeyaan.

Hadaba kolkii dadkii deegaanka u lahaa ay garteen in ay sameystaan maamul goboleed ay ugu magac dareen jubba-land Ayna inta badan dadkii deegaanka deganaa oo ay taladu ka go’day ay isu keeneen si ay maamul xalaal ah udhistaan waxaa Xanuun ku dhacay dowlada federaalka Somaliya madaxdii ugu sareysay gaar ahaan madaxweyne xasan sheikh.

Xanuunkaasi ka dib madaxweynuhu waxa uu awoodiisi ugu weyneyd iyo waqtigiisiiba uu galiyay hagar daameynta deegaanadaas Iyo maamulka ay dhisanayaan isagoo tilaabooyin badan oo uu qaaday aysanba kamuuqan in uu kas bado dadka deegaankaas iyo madaxdooda Balse uu doorbiday in uu shirqoolo taxane ah uu u daadiyo maamulkaas.

Tilaabada uu qaaday madaxweynaha waxaan ku sifeynayaa seddex sifo oo ah sifooyin khatar ah Hadii aan ku hormaro sifada koowaad ee uu madaxweynuhu qaaday waa

1. waa wax lagu yiraahdo afka qalaad Scare Tactics: cabdi-gelin. Waa tab qalqaalo oo dadka laga bajiyo si wax looga yeelsiiyo.

Qodobkaas madaxweynuhu wuu adeegsaday isagoo u cuskaday dastuurka dowlada federaalka ee soomaliya in uusan ogaleyn maamulkaas jubba-land Iyadoo ay cadahay in dastuurku uu ogol yahay laba gobol iyo wixii ka badan in ay sameysan karaan maamul goboleed.

2. qodobka labaad waxaa lagu yiraahdaa afka qalaad Scarecrow: qof lamood; shimbiro-bajis, wax qof lamoodo oo beeraha laga dhex-taago si haada iyo shimbiruhu uga cararaan. Qodobkaasna madaxweynuhu waa uu adeegsaday waliba si cad oo cadeeymaheedu ay waadax yihiin. Markii uu ogaaday in maamulki dhismi rabo oo meel gabo-gabo ah marayo waxa uu dirsaday dad deegaanka ah oo calooshood u shaqeystayaal ah oo xamar laga diray, deetana markii maamulkii madaxweynihiisi ladoortay iyaguna saxaafada ka sheegtay in ay madaxweynayaal ladoortay yihiin si ay u carqaladeeyaan maamulkan cusub saxaafada iyo bulshada caalamkana u marin habaabiyaan, ilaa xad beentaas wey suuq gashay ilaa laga gaday ururu goboleedka IGAD.

3. qodobka saddexaad waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa SCAREMONGERING: waa balaayo-sheeg, qof war xun dadka ku cabsi galiya si uu dan-gaar ah u gaaro.

Qodobkaasna madaxweynuhu waa isticmaalay oo wuxuu kadigay in dagaalo iyo wixi ay ka digayeen ay soo socdaan hadana ay muuqdaan.

Waa qodobo khatar ah oo halis ah, waxaana isticmaala madaxweynayaasha diktaatooriyad isticmaala.

Hadaba guntii iyo gabagabdii waxaa talooyin ujeedinayaan qolyahan kala ah

1. jubba-land
2. madaxeynaha

MADAXWEYNAHA:

mudane madaxweyne waxaad tahay madaxweynihii ummada soomaliyeed, waxaad tahay hogaanki dalka iyo dadka hadii aad dooneyso midnimada soomaliya iyo in dowladaadu shaqeyso waa in aadan talooyinka ka qaadan hal dhinac oo kaliya maxaa yeelay horay baa loo yiri wax nin latoosan nin bay la qaloocan tahay. Madaxweyne arimaha jubba-land waa arinta dowladaadu ay ku najixi karto hadii ay u marto tubta toosan, tubta toosana waa towbada Alliyo tan diinti yaana laga tagin, waa in aad maskax furan oo qabhyaaladi ka maran tahay
ku firiiso arimaha jubooyinka.

Hadii aad ku adkeysato qodobadan aad u isticmaaleyso jubba-land ee ah cabsi galin, shimbiro-bajis iyo balaayo sheeg Lagama yaabo in talaabo horumar ah dowladaadu ay qaado waadna ka shaleyn doontaa maalin aan manta ahayn.

Badbaadi Somalia badbaadi gobolada jubooyinka dib ha ugu celin colaad sokeeye.

JUBBA-LAND

Madaxda jubba-land iyo shacabkeeda waxaan ugu baaqayaa in ay hurdada ka kacaan intay goori goortahay Dowladu waa cadeysatay mowqifkeeda waana u bareertay idinkuna sidaa si lamid ah Ha ogolaanina in dhulkiina ee aad dhiiga u soo daadiseen inaad xoreysaan in dib la idiinka saaro iyadoo la idin cabsi galinayo, la idin bajinayo, balaayo La sheegayo.

Ha u ogolaanina in la idin kala iibsado, la idinkala qeybiyo deetana meesha la idinka saaro.

Wafdiyada iska daba imaanaya waa inaad ka hortagtaan oo tilaabo kaqaadaan iyo dadka lasoo masaafuriyay ee fowdada wada hadii aad ogolaataan Ogaada jidkii dheeraa ayaad idib ugu noqoneysaan waliba isagoo sidii hore ka dhib badan.

Qoray: ustaad Axmed Cabdi xirsi (axmedkatiitow)

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Habka ugu haboon ee doorashada lamaanahaaga. W/Q Sh. Axmed Dheeli.

$
0
0

Habka ugu haboon ee doorashada lamaanahaaga
Sh. Axmed Dheeli.
awdheeli2000@yahoo.com
Maajo 29 2013

(qaybtii koowaad)

Arar kooban

In badan oo kamida dhalinta waxaa murugo ku haya qaabkii ay ku dooran lahaayeen lamaanahooda ay nolasha wadaagi doonaan . waxaanan dhihi karaa 70% qoyska guushiisu waxay ku xiran tahay doorashada haboon ee xiliga guurdoonka.

Hadaba halkaan waxaan kusoo gudbin doonaa qoraalo aan uga hadlayo mawduucaas oo aan uga gol leeyahay inaan ku garab istaago dhalinta guurdoonka ah rag iyo dumarba.

Waxaan u kaashan doonaa mawduucaan sadex qodob:-

1) Diinta islaamka oo faahfaahisay qaab doorashada lamaanaha.
2) Daraasadaha ay xeeldheerayaashu kaga hadleen arinkaan.
3) Khibradayda shaqsiga ah intaan ka arkay ama ka maqlay.

Muhimada doorashada haboon

Burburka ku yimaada in badan oo kamida qoysaska waxaa sabab u ah ayadoon marka hore aad looga fiirsan qaabka doorashada lamaanaha sidoo kale qofka nolosha kula wadaagayaa wuxuu saamayn ku lee yahay mustaqbalkaaga aduun iyo aakhiroba sidaa awgeed waxaa haboon in tix galin wayn la siiyo qaabka loo dooranayo.

Caruurta laga rajaynayo qoyskaas ayadana waa inaad u fakartaa cida kula barbaarin doonta waxay ahayd maahmaah soomaaliyeed : (( wiilkaagu habeen buu hiil kaaga baahan yahay waa habeenka aad hooyadiis doonayso )) . Mar aan akhrinayey kitaab ka hadlayey qaabka ugu haboon ee quraanka lagu xafido sheekhaas wuxuu ka bilaabay inaad doorato haweenay ilmahaaga ku kaalmayn karta qaabkii quraanka ay ku xafidi lahaayeen.

Muhimada arinkaan waxaa ku tusaya inuu ka dardaarmay nabi Max,ed NNKH oo yiri haweenka waxaa loo guursadaa afar arimood: quruxdeeda, maalkeeda, sharafkeeda, diinteeda ee ku guulayso mida diinta leh halka sidoo kale uu ku yiri masuuliyiinta gabdhaha haduu idiin yimaado nin akhlaaqdiisa iyo diintiisa aad ka raali noqotaan u guuriya gabadha hadii kale dhulka fitanta iyo xumahaa ku badanaya.

Sidoo kale doorashada haboon waxay keeni kartaa inaad ku guulaysato qof ku haboon inaad la wadaagto nolosha halka qofka wanaagsani uu xataa nuqsaantaada kabi karo oo uu ceebahaaga asturi karo somaaliduna waxay ku maahmaahdaa ((waxaa jirta kabane jabiso iyo jabiso kabane)) oo macneheedu yahay waxaa jira nin wanaagsan oo fashalma haweentiisa oo qof xun ah darteed iyo nin xun oo najaxa haweentiisa oo wanaagsan darteed. Waxay kaloo dhihi jireen soomaalidii hore ((nin maalin ma gaartid nina sanad ma gaartid nina waligaa ma gaartid oo kala: nin kaa faras fiican, nin naqa iyo dooga kaa hor dagay, nin kaa haween fiican)).

Dhalintu inta badan uma qabaan inay u baahan yihiin khibrada dadkii ka horeeyey qofku markuu da,daas ku jiro inta badan waa isla wayn yahay oo wuxuu qabaa inuu dadka ugu caqli badan yahay ilaa dani u run sheegto.

Daraasadaha ku saabsan nolosha biniaadamka sida qoyska, waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasada IWM sina ugama maarmaan khibradii aadanaha ilaa inta la og yahay sidaa awgeed ayaad arkaysaa marka la darsayo in laga soo bilaabo xiliyo hore sida giriigii iyo roomaankii hadaba dhalinta soomaaliyeed waxaan ku boorinaynaa inay ka faaiidaystaan khibrada dadka ka horeeyey.

Sababta keentay inaan sameeyo daraasadaan

Waxaa dhawaan aan wada xiriiray nin dhalinyar oo aan macalin u ahaan jiray iswaraysi kadib wuxuu ii sheegay inuu guurdoon yahay markaan qodqoday sida uu wax u rabo iyo cida uu rabo ayuu ii sheegay gabar ay wadasocdaan hada.

Kadib waxaan goostay inuu u diro qoraal aan hawlahaas kagala talinayo hadana waxaan ogaaday in baahidaas ay qabaan dhamaan dhalinta soomaaliyeed rag iyo dumarba sidaa awgeed waan balaariyey oo waxaanan ka dhigay qaab dad badani ka faaiidaysan karo.

Sh. Axmed Dheeli
awdheeli2000@yahoo.com

 

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


10kii Daqiiqo ee Minnesota! (SHeeko Gaaban) W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.

$
0
0

10kii Daqiiqo ee Minnesota! (SHeeko Gaaban)
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Maajo 31 2013

Illen ilmadu waa macno la’aan hadaysan cid kuu danqanaysa kula joogin! Waligayba isma oran! Ileen Agoonimmadu ma aha hooyo iyo aabo oo la waayo oo keliya! Waligayba isma oran! Maalmuhu xasuustoodu arami badanaa, “Allaah dalkeenu wanaagsanaayaa!…Ayaan dhoweyd qalbaddaa meel i go’day!” waxaa sidaas igu yiri nin aan saaxiibo nahay oo ku nool dalka Maraykanka “Mar kasta oo aan hadda wiilkayga yar arko waan naxayaa!” ayuu raaciyay, anigu wali ma garan waxa ku dhacay iyo waxa uu sheegayo, hasa yeeshee run ahaan waxaan arkayay inuu aad u qalbi xumaa, “Al-xamdu lilaah, Ilaahay noo roonaa! Haddaad ogaan lahayd sida aan maalin dhoweyd sameeyay iyo khatarta uu galay wiilkayga! Sadaqaa nagu waajibtay!” ayuu yiri, oo maxaa dhacay?!

Wuxuu dib ugu laabtay xasuusta yaraantiisii, isagoo giraan (garaangar) wata, isagoo caga-cad oo aan kabo qabin, isagoo roob ku qubaysanaya isuna dhigay biyo ka soo darooraya dhuun jiingad ah, saxansaxada uduggeeda isagoo banaanka ka tegi waayay sankana la raacaya, isagoo gaari intuu eryado daba qabsanaya, isagoo intuu ciyaal wax ku soo dhuftay aabbihii iyo hooyadii loo soo dacwoonayo, waa dabeecado aan laga helayn dalka uu yimidi ilmihiisana ay ku korayaan.

Waa meel ka nolol duwan noloshii uu soo maray, waa meel ka dag, markuu roobku soo curto digniin baa bilaabanaysa “Iska jira ha la galo gurga qaybahiisa hoose, ha laga fogaado daaqadaha iyo meelaha uu kaa soo gaari karo firidhka muraayadaha, waxaa soo socda Onkod iyo dabaylo (THUNDER STORM) ha laga fogaado..!” marka ay qorax jirto meel muraayado madmadow laga gashanayo iftiinkeeda, meel kulaylkeeda laga dhaashanayo, meel ilmuhu haddii ay is qabtaan boliis loogu yeerayo waalidintana aan looga dacwoon ha yaradaan ha weynaadaan!…markii sii yaabo, markay wax kasta ku noqdaan wuxuusan horay u arag, markay wax kasta la qaloocdaan, ayuu madax inta lulo yiraahdaa “War ileen tanoo kale?! dadkaan waan kala dhaqan duwannahay” mar kasta oo uu wax ka garan waayo intaas buu isku qanciyaa!

Waxay ahayd dhacdo uu run ahaantii uu aad ugu xummaaday, wuxuu mar kasta ku celcelinayay “ Allah mahada iska leh! Hadeer baa waxaa igu soo yaaci lahaa war baahinta Maraykanka oo aad moodo inay jecelyihiin wax ka sheegista dadka Immigrants-ka ah sidaydoo kale, hadaad Muslim tahayna kaba sii daran!” isagoo qoslaya qosol aan dhamays tirmayn ama qosol gariiraya, madaxana ruxaya “Wax kasta waxaa kaaga daran qof kasta oo aad deris tihiin waaba dhaqan ay leeyihiin marqaati inuu kugu furo hadaad gefto waxay ku leeyihiin weligeen baan shaki ka qabnay, nin xun buu u ekaa, nin khatar ah buu u ekaa, haddii lagu ammaano nin fiican buu ahaa, hawl kar buu ahaa, barafka si fiican buu gurigiisa uga xaaqi jiray,…waa dad wixii laguugu sheego u marqaati fura wax ka duwan ka maqli maysid ma cabsanayaan ma aqaan, mise?!…Al-xamdu lillaah!”

Waxaas oo dhan waxaa kaga naxdin weynaa cidllada, meel laysu gargaaro ma aha, waa adiga iyo boliiska keliya, kan dadka ugu wanaagsan marka uu rabo inuu kuu gargaaro boliiskuu kugu wacayaa, kuma xirna khatarta uu arkay inta ay la egtahay inuu wax ka qaban karo iyo in kale, macnha qaybo badan oo mas’uuliyaddii qofku uu lahaa ah waxay ku daycmi kartaa dabeecado iyo dhaqan qaynuun ah oo lagu hor joogsanayo khaladaad waayo aragnimmada laga kororsaday oo laga cabsanayo in loo helo marmarsiinyo.

Xoogaa markuu sheekeeyaba wuxuu yiraahdaa “Wallaahay waa geesi! Ilma yar oo lix jir ah, aan arkayn qof Soomaali ah, oo aan aqoon dhaqan ka baxsan kan gurigooda, Max’ed-Ammiin maa-shaa- Allaah!…” wuxuu aad uga murugaysnaa sida fudud ee uu khatarta ugu dhici lahaa wiilkiisa, KHATAR!..khatarta noocan ah waaba sahal inay ilmuhu mutaan waayo waa qayb ka mid ah dabeecadha dalalka shisheeyaha ah ee aan nimid, ma fududa in laga baxsado, wuxuu soo xasuustay habeen isagoo 8 jir ah intuu ku lumay xaafad kale uu iska seexday meel ay seexanayeen ciyaalka dibad joogta ah, “ ciyaalkii dibad joogta ahaa markay I arkeen inaan soo lumay way I wadeen waxayna I siiyeen baakad oo ii gogleen, qaarkood way iga yaryaraayeen laakiin hadana aniga ayaa la iila dhaqmayay sidii aan ka wada yarahay, waxaa casho ahaan la ii siiyay cuntooyin laysku soo dardaray oo ku jiray weel aan u malaynayo inuu ahaa teneg la soo jaray” wax kasta oo la soo helo waxaa ay ciyaalkaas lahaayeen aaway wiilkii yaraa? oo anigaa laygu hor marinayay markii la seexanayayna waxaa lay siiyay jawaan aan dhaxanta ka huwado!…Marti Soor Gobeed oo Soomaalinimo tabarta haba iska yaraatee” ayuu yiri.

Wuxuu isku dayayay inuu qariyo dareenkkisa kacsanaa, mararka qaar codkiisa xabeeb baa gelaysay ama codkaa weynaaniyay, ama wuxuu yeelanayay cod qof oohin iskucelinayo oo kale ah, indhihiisa way casaadeen illin baana ku taagtaagnayd, waxaana ka muuqday inuu bilaabay neef xooggan, isagoo waliba indhaha marmaraya, wajiga oo dhan waxaa ka muuqday raadka walaaca uu dareemayo, waxaase adkayd inay indhihiisa illin ka soo dhacdo, ….haa qasab bay ku ahayd inaysan illin ka soo dhicin sida uu ka bartay dhaqanka uu ku soo koray, dibinta hoose ayuu qaniinayay.

Xaaladu waa dabeecadda adag ee qurbaha, meeshu waa Maraykan, waxay ahayd 2dii may2013, khamiis bay ahayd, 10daqiiqo keliya ayuu ka soo daahay! Laakiin khatar kasta marka ay dhacayso waxay dhacdaa hal il biriqsi oo keliya gudihiisa, il biriqsi keliya! sidaa daraadeed 10daqiiqo waqti yar ma aha (600 il-biriqsi), ilmo yar oo 6sano jir ah oo cidla dareemay, cabsaday, qofna uusan la joogin 10daqiiqo!…waa hubaal inuu argagaxay! Hareerihiisa oo dhan waxaa uu ka milicsanayaa khatar isaga ku soo fool leh…

Waxaa dhacaysay dabayl qabow, sanadkan waxaa bishaan horaanteeda dhacayay qabow daran ama xataa mararka qaarkood baraf, in kastoo aysan ahayn mid la filayay marka la fiiriyo dabeecadda xilliyada gobolka Minnesota, Max’ed_AMMiin wuxuu ka soo degay baskii iskuulka ka soo qaaday oo guriga hor dhigay, intuusan irridkii guriga gaarina ka dhaqaaqay, isagoo sidii caadadiisu ahayd ciyaaraya ayuu isa soo taagay albaabkii aqalkooda oo garaacay ganbaleelihii, laakiin siduu arki jiray ama dhici jirtay albaabkii cid ka furto ayuu waayay, gurigii ayuu ku warwareegay, mise cid dhaqdhaqaaqda ma leh, isla markiiba waxaa ku dhacay argagax!…aad buu isugu naxay, “maxaa dhacay?” ayuu is weydiiyay laakiin jawaabtii uu qiyaasay way cabsi gelisay “MONSTER maa cunayna?!” mar keliya ayuu kor u qayliyay isagoo albaabkii garaacaya “Aabbe!..Hooyo!..AAAABBE! HOOOOOOYOO!” laakiin jawaab ma leh!

Wuxuu bilaabay inuu ooyo! Wuxuu ku celcelinayay “Aaaabbe! Hooooyo!” wuxuu ku wareegaalaystay guriga isagoo ooyniya, CIDLO! Qofna ma joogo!” Maxaa dhacay?” jawaabta ma leh, waa ku adagtahay inuu helo jawaab, reerkii qofna ma leh! “maxaa dhacay?” madaxiisa weydiintaas baa ku soo noqnoqonaysay laakiin inuu ka jawaabo way ku adkayd, deriska xaafadda oo caddaan wada ah dushana uga jeeday waxay la ahayd inuu iska ciyaarayo, ma aysan dareemin inuu keligii yahay, haddii uu aadi lahaa waxaan horay u jirin xiriir is dhex gal ah iyaga xaafadaha deriska ah ka dhexeeyay, sidaas daraadeed dhaqankiisa kama mid ahayn inuu deriska aado!

Wuxuu soo fariistay xatabadda irriddii aqalka laga geliyay, wuxuu garanayay in walaalihii ay subaxnimadii wada jarmaadeen oo dugsiyada (shools) aadeen, xaaladdu caadigii aad bay uga duwantahay! Inuu keyn cidla ah keligiis fadhiyo waxba ugama duwanayn! Boorsadiisii wali dhabarka ayeey u saaranayd xataa wuxuu xasuusan kari waayay inuu iska dhigo, siduu u ooyniyay ayaa codkii go’ay, illintii indhihiisa ka soo baxday ayaa garkiisa hoos u dhaaftay, xoogaa markuu joogo “Aaaaabow” ama “Hoooooooooooyooy” oo cod tag daran ah, wajigii buu ka bararay, dhuuntii baa qalashay, aad buu u walbahaaray, walbahaar uusan arkayn rajo ka dambaysa, waa ilmo yar oo aan wali garan rajo iyo rajo la’aan…maxaa dhacay?

Xasuustiisa waxaa ku soo dhacay inuu aabihii taleefoonka ka Waco, caado ahaan aabihii intuusan guriga imaan buu maalin kasta dhowr jeer wici jiray, wuu yara faraxay, himmad baa soo gashay, oo inta is hilmaamay kor u booday is yiri guriga gal oo wac aabahaa, mise?…oohin hor leh buu bilaabay oo albaabkii garaacid ugu noqday….oo gambaleelihii garaacay! Oo markii uu daalay hadana meeshiisii fariistay!

Wuxuu kordhay dareenkiisii cabsida, cabsi aad u weyn!! Wuxuu bilaabay inuu ku fekero xaggee baa ammaan ah oo aad aaddaa, meel ammaan ah buu garan waayay, dadka jidka marayay oo dhammaantood caddaan ahaa isla markaasna 99% eey u hoggaansanaayeen wuxuu dareemayay inaysan waxba isu ahayn, eeygana wuxuu bartay inuu yahay nijaaso aysan dadkiisa Islaamka ah guryaha ku haysan, wax kasta oo hortiisa ka muuqday waxay la noqdeen wax khalaad oo uusan waxba la wadaagin!…..

Cabsida gashay waa sii korodhay, shanqarta dabaysha, geedaha ruxanaya,iyo cida shimbiraha saaran geedaha guriga lagu beeray waxay ula ekaatay duurarkii hawdka ahaa ee Afrika ee uu wax badan telefishanka ka fiirsan jiray, Max’ed-Ammin siduu u ooyniyay ayuu ku lulooday, hurdaa qabatay, malaha wuxuu ku qarwayay codka aabihii iyo hooyadiii “hee aabo..hee hooyo” hadana isla markiiba wuu ka soo booday,wuxuu dareemay qabow, haddii uu kor fiiriyay wuxuu arkay in cirkii daruuro qariyeen, sida dabeecadaha is bedbedela ee Minnesota uu ka bartayna dabaysha siday u dhacaysay waxay la ahayd inay dhacayso Leexo weyn (Tornado), wuxuu mararka qaarkood ku haminayay “amuu baraf yimaadaa!…amuu roob yimaadaa!..” waa Minnesota wax kastaaa imaan kara….

Yaaba war isu haya?! Ilmo yar oo rafaaday buu ahaa, laakiin aabihii maxaa haysta? Miyuuba ka war hayaa….aabbihii waxaa uu ku sugnaa xaalad dareenkiisa oo dhan uu kacsanyahay, walaac uu naftiisa haaramayo! “ maxaa igu dhacay maanta? Sidee baan u hilmaamay in ilmaha waaweeyn ay dugsiga (school-ka ) ku haryaan marka fasalladu dhammaadaan oo maanta oo kale uu Max’ed-Ammiin keligiis baska keeni jiray, KHamiisba inay tahay madaxayga way ka baxday! ” gaariga xawaarihiisa ma uusan eegayn inta uu ku socdo, boqol waxyaabood baa madaxiisa ku soo dhacay; wiilkiisii oo la af-duubtay oo la xaday, markaasuu yiri “bal haddee waa hagaagee xagge baa laga heli?!” wiilkiisii oo oynaya oo laamiga iska dhex socda oo inta xaafaddii deriska ahayd ku soo xoontay, madaxa loo salaaxayo, illintii laga tirtirayo oo la waraysanayo, markaasuu yiri “Ciil-badanaa siday u waraysanayaan waxaad moodaysay inay iyaga innaga jecelyihiin ama inooga roonyihiin!” wiilkiisii oo gaari farriin ka qabtay, oo inta wadihii gaariga soo degay gacanta hayo telefoona boliiska u dirayo, markaasuu yiri “waa waxaan waligayba ka baqayay!” willkiisii oo baskii Dugsiga la noqday markii guriga oo cidla ah la arkay “Allow ay celiyaan! Yaaba taas heli kara?!”….

Wuxuu is tusay riyo naxdin lahayd ee uu habeenkii ku riyooday inay uga furantay xaaladda wiilkiisu ku sugnaa, wuxuu meesha iska soo dhigtay inaysan xaaladda wiilkiisa wanaagsanayn! “iska dhaaf riyadii xalay waa iga furantay! Ilaahayow adigaa wax badbaadiya” ayuu ku celceliyay….xawaaraha gaarigiisa lama socon, jidadka calaamadahooda qaar badan buu ku soo xad gudbay inkastoo aan la arag…Saacadduu fiiriyaa “..4daqiiqo ka hor buu dhigay….wallaahay waa yaabanyahay saacaadaan, xataa ma aanan barin wixii uu samayn lahaa haddii ay sidaan oo kale qabsato wixii uu samayn lahaa, ma yaqaan lamabarka graashka laysaga furo! Ma garan karo albaabka inuu furanyahay oo aan u sii diyaariyay, maantoo dhan buu iska garaacayaa!…..Allaah muxuu qaracansanyahay, xataa haddii uu guriga gadaal ka maro oo halkaas isaga ciyaaro!…” intuu sidaas isula hadlayo saacadda ayuu isha ku hayaa…4daqiiqo….5daqiiqo… 6daqiiqo…waqtigu waa socdaa, nalalkii taraafikada is-gooyska kasta casaankaa ku hakinayay….

Max’ed-Ammiin hooyadii oo gabar ilmaha ka mid ah Isbitaal la joogta ayaa iyadana telefoonka aan ka joojin, “Alla anigaa!” mararka qaarkood waxay wacaysay telefoonka guriga oo yaa joogana?!….”Gurigaan iska wacayaa bal haddii uu codka telefonka maqlo oo albaabka uu riixo!…Allah muu albaabka riixo!….” telefoonkaas bay goysaa, markaasay odaygii wacdaa “wali ma gaartay gurigii?! Xaggee maraysaana? Gaallada deriska ahna dad fiican kuma jiraan! Bal adiga tartiibtaada u soco…” iyadoo aan telefoonka ku celcelinaysa marna guriga wacaysa marna wiilka aabihii baa waxaa u timid Kalkaaliso aad u caraysan oo si canaan ah ku tiri “Adigoo iga raali ah calaamadaha derbiga ku dhegan ixtiraam, seel-foonka isbitaalka gudihiisa waa mamnuuc!’’ miyaaba laysu war hayaaba!….

“Albaabka waa furanyahay, garaashka haddii uu lambarkiisa baran lahaa!” waxay istaagtaa daaqadaha isbitaalka waxay fiirisaa cirka si ay u ogaato hawada maanta siday tahay, waa cir-cadaa, dabayl aan xoog badnayn baa dhacaysay, xoogaa qabow ah baa jiray, “..wallaahay qabow baa jira, Allaah aabow dhar dhaxanta ka celinayana maanta looma gelin….waxaase Alle mahaddii ah inuusan maanta wax baraf ah dhacayn!” aad bay uga walwashay, illin baa soo dhaaftay, waxay sawiratay isagoo dhaxamooday oo qabowgii markuu ka batay garka iyo labada low is gashaday, indhuhu ilmadu ka qubanayso, dharkii oo dhan diif isaga haleeyay…way fariisataa, way kacdaa, waxaa ku dheeraaday sugitaankii inay dhaqtarka u gasho, intii ay ogaatay in wiilkeedii yaraa uu gurigii oo cidla ah tagay waxay ku haminaysay inay dhaqtarka isaga soo tagto….

Iyadoo wali talada laba-labaynaysa baa taleefonkeedii gacanta u soo dhacay way fiirisay mise waa ninkeedii “Haa!..ee, een wiilka ma u tagatay?” “Haa laakiin guriga hortiisa baabuurtii boliiskii baa tuuran! Iyo Ambulance-gii oo nalalka u wada daaranyihiin, marka meel gees ah baan taagnahay waan sugayaa ….” buu cod daalan ku yiri, aad bay isugu naxday, waxaa u sawirmay wiilkeedii oo silicsan, wiilkeedii oo sakaraad ah, isla markiina illin waaweyn baa labada dhaban dareertay, gabarteedii yarayd bay gacanta ku soo dhegtay, waxayna bilowday inay isla hadasho si waliba codkeeda la maqlayo “Allaah maxaa ku dhacayna, ma baabuur jug siiyay oo ma dhintay?!” markay intaas tiri bay afkii furatay”…Allaah anigaa dayacayeey!..ma maantuu aniga oo nool hooyo la’an ku dhacday? Ma maantuu aabihii oo jooga agoon noqday!…”soo dhaqaaqday iyadooo af-labadii yeeraysa, “Allaah anigaa! Allaah xaggeen aadaayeey! Allaah…”

Gaarigeedii bay soo gashay, xijaabkeedii bay madax ku duubatay, isteersadii bay madaxa saaratay “FIQ!aah! FUQFIQ! Ufaf! Allaah anigaa dayacayeey!” gabartii yarayd baa sas qaaday oo iyadana afka furatay” Mom! Iinh! Maa! Mom …” iyadoo aad u calool xun oo meel fog ay damqayso oo indhihii casaadeen ayeey soo dhaqaaqday”hih! Haa awal bay inoo marmarsooniyeen! Maxaa i keenay Ameerika?! “ xoogaa marakay socotaba erey calaacal ah baa afkeeda ka soo baxa, si dhaqso ah waxaa madaxeeda ka baxay dhaqtarkii inay ka soo tagtay,”Allaa i lehee maantay cidlo ka heleen! Yaa loo ciirsan?! Allaah jooga, amuu dhintay?!Max’ed maantuu gacantooda galay!…” intay hadlayso talefoonkeeda waa dhacayay malaha uma aysan dhug lahayn,mise inay qabato baysan rabin oo khabar xun inay maqasho ayeey is diidsiinaysay, mise?….”haddaan qareen qabsan lahaa? Imihii..hih!aah!… ma lacagtaas baan haystaana?Allah iga dhaafeey wax kasta oo ku dhacaa annagaa dayacnayee!”…

Iyadoo aan afka isku darin, wajiga oo dhanna ka barartay bay albaabkii aqalka soo hor joogsatay, goormay soo gaartay?! Ma oga… Xaggee bay soo martay?! Ma oga! DHab ahaan way ku adkayd inay ka jawaabto weydiimahaas, waxay is aragtay iyadoo gurigeedii hor taagan, waxay indhaha ku dhufatay guriga irridiisa inay furantahay oo badh ahaan uu afka kala hayo, si bay uga yara naxday, si hanaansan bay u soo fariisatay, isla mar ahaantiina waxaa dhegeheeda ku soo dhacay oohintii gabadhii yarayd oo fuurtay uguna dambaysay inay kursiga ku xirxiraysay marka isbitaalka ka soo baxayeen, oo inta dib u jalleecday iyadoo aan kicin gadaal u laacday madaxana u salaaxday iyadoo aad moodo inay jiraan wax u diidaya inay u kacdo “Hooyo, macaan, ii aamus…” oo mar kale albaakii u soo jeesatay…

Gaarigii kama aysan soo degin, waxay dareemaysay in wax bedelanyihin, mise didsanaan baa ku jirtay?!.. dhinacyada ayey iska fiirfiirisay, wax dhaqaaqa oo nool ma aysan arag, intay madaxa ruxday iyadoo gaariga albaabkiisa iska furaysa “Wallee hadal ma yaal, Max’edna la qaaday odaygiina la waday!” si aad moodo inay wax gaadayso ayeey u soo degetay, iyadoo taagan ayeey mar kale goonyaheeda fiir-fiirisay, markay qof dhaqaaqo weyday ayeey gabarteedii yarayd inta u jilbo jabsatay dhabannada ka shumisay, hasa yeeshee waxaa soo dhaafay oo ay ceshen kari weyday illin aysan iyadu dareemayn oo aan kala joogsanayn, bishimihii baa iska gariiray, jirkii oo dhan baa bilaabay inuu iska dubaaxiyo “Aduun waa midkaas! Hii! Saaka nabad baan ku soo kacnay! “

Iyadoo wali gabdheedii wajiga ka tirtiraysa baa indhaheedu qabteen haweeneey caddaan ah oo ay deris yihiin oo taagan daaqadda aqalkeeda, siday iyadu la ahaydna indhahoodu is qabteen, laakiin ma salaamin lamina hadlin, xataa uma soo gacan haadin! SHaki hor leh, “oo maanta xataa layma salaamayo!.maxaa waxaas iga galayna! War la’aan baa ku haysa dheh, walle war la’aan baa ku haysa dheh!…” iyadoo haweeneydii u naqsanaysa bay gabadheedii gacanta soo qabsatay, una soo dhaqaaqday xaggii aqalka iyadoo saanteedu culustahay, hadday dhowr talaabo soo qaaday waxay maqashay yabaq xagga aqalka ka imaanaysa, way joogsatay oo neefta isku celisay dhegtana laadlaadisay….mise?!.. waa ku soo dhowaatay, oo ku soo dhwaatay, hasa yeeshee waxba waa ka fahmi weyday yabaqdii ay maqashay…

Markay cagta soo saartay xatabaddii irridda ay joogsatay, gabadhii ayeey gadaal marsatay, oo inta is geesinimo m gelisay si qaylo ah tiri “War yaa ku jira aqalka?” wax yarna gadaal u siqatay, waxaase markiiba indhaheedu qabteen madax ninkeedii oo albaabkii balaqaya isagoo dhulka fadhiya, intii aysan wax oraah afkeeda ka soo bixinna waxay aragtay Max’ed-Ammiin oo dhabta aabihii ka soo booday, markaasay inta isku naxday oo inta ku soo booday xambaaratay “Allah hoogi waayayeey waa isagii!! HOOYO! HOOYO! ii waran, maanta maxaa kugu dhacay” gabadheedii bay gacanta soo qabsatay oo gurigii gudaha u soo galeen…. oo inta yaabtay odeygeedii u soo jeesatay “oo aaway boliiskii aad ii sheegtay?” “guriga innaga soo hor jeeda ayaa looga yeearay marka waxay ila noqotay inay gurigeena yimmaadeen oo driska ugu yeereen Max’ed-Ammiin” ayuu yiri. Sidii nin dhintay oo soo nooladay buu wiilkii la noqday, wajigiisay fiir-fiirisay, calooshay gacanta ka saaratay “Allaah maantuu silcay. Ma intii yarayd buu sidaan isu bedelay, ilmo yar aabbe la’aan iyo hooyo la’aan midna kuma fiicna!..bal siduu u ekaaday!”

DHabteeday ku fadhiisisay, oo inta madaxa u salaaxday cabbaar raali gelin u samaysay “HOOYO waan ka xumahay, maanta ma gurigii baa laguu cidleeyay…maalin kalaysan dhici dooninee…” oo hadana odaygeedii weydiisay “oo kaalay gaarigaagii ma arkinee, mise garaashkaad gelisay?” ayeey weydiisay, “Mayee markaan boliska arkay baan meel gees ah iska soo dhigay oo lug baan ku imid si aan isugu ekeysiiyo inaanan meel dheer jirin oo wiilkiisa la joogay…” ayuu isagoo aad daal ugu muuqdo yiri, “Oo adigu goormaad u timidna, ma waqti badan baad ka soo daahday?”bay su’aashay iyadoo wali ku mashquulsan wajiga wiilkeeda,“maya wallaahay, xataa baskii dhigay jidka ayuu iiga hor yimid, laakin waxay igu qaadatay 10daqiiqo, waqti badan ma aha ee…” intay hadlkii ka dhex gashay “ wallaahay 10 daqiiqo oo Minnesota ah waa waqti aad u badan aniga Afrika kuma nooli….” isagoo qoslaaya “laakiin ha ilaawin Afrka kuma noolid waa runtaa, walise adigaa Afrikaan ah….”…iyagoo iska sheekaysanaya ayaa teleefoonkii guriga soo dhacay, labadoodiiba isku mar bay la soo boodeen “Ha qaban!…Ha nagu qaban!..Amuu isbitaalkii aan ka soo cararay yahay?!….amay iskoolkii yihiin?!..daa fariin ha ka tagaan!….” oo maxaa dhacayna?!..maxaa laga cabsaday?…..

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.

alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Xalka Jubbaland ma lagu xallin karaa xeeladda baabuurta Japan? W/Q Abukar Y. Warsame

$
0
0

Xalka Jubbaland ma lagu xallin karaa xeeladda baabuurta Japan?
Abukar Y. Warsame
abukar60@netscape.net
Juunyo 03 2013

Akhristow inta aanan u gelin ujeeddada qoraalkeyga oo ah sidii xal loogu heli lahaa muranka iyo is-qab-qabsiga beryahaan ka alloosnaa maamulkii Kismaayo looga dhawaaqay ee Jubbaland aan kuu soo hormariyo sharaxaad ku saabsan baabuurta Jabbaanka iyo sida ay iila muuqatay inay xiriir ula yeelan karto xalka Jubbaland.

Hadda ka hor ayaa waxaa dhacday in xagaaggii sannadkii 1996 aan shaqo injineernimo (Site Engineer) ku joogay tuulo yar oo Kanada ku taal oo la yiraahdo Manitouwadge oo ka tirsan Thunderbay, Ontario. Biyo xireen iyo waddo ku meeraysan baan qolo dahabka qodda u dhisaynay. Saacado badan baa laga shaqeeyaa dhul qarfa ah oo waqtigu aad buu ciriiri noogu ahaa. Waxaa gaadiid ii ah gaari 4WD Pickup ah oo nooca Soomaalidu u taqaan Qooqan oo kambaniga aan u shaqeeyo leeyahay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii madaxda ii ahaa wuxuu ii dhiibay fure gaari kale leeyahay oo wuxuu igu wargeliyey inaan gaarigaas oo meel cabbar noo jirta yaal aan ka soo qaato kaygana aan halkaas uga soo tago maadaama dayactir iyo samays la gaynayo.

Anigoon dhanna dayin ayaan waqti yar ka dib goobtii gaarigu yaallay isa soo taagay. Gaarigii aan watay inta si hal-haleel ah u soo xir-xiray ayaan kii kale horey ka koray. Kursigii iyo muraayadahii intaanan hagaagsanin ayaan is tusay inaan gaariga sii kiciyo. Furihii markaan saas ugu rogay ayuu gaarigii sidii qaalin yar oo buub ah horey iila booday oo haddana raqle ku sii daray. Anfariirkii iyo naxdintii ayaa labadii lugoodna midba waxay doonto riixday (farsyoonihii, bareeggii, iyo sheellarahii). Ilaahey mahaddiis dhawr jeer markuu raqleeyey ayuu gaarigii iskiis isaga damay oo istaagay. Nasiib wanaag gaariga hortiisa baabuur kale ama wax uu dar-daro kama ag dhawayn, dadna warkiisba daa oo meel cidla ah ayuu gaarigu hoganayey. Daqiiqaddaas ka hor maskaxdayda kuma soo dhicin in gaariga aan watay uu ahaa nooca aan marshada lahayn (automatic) kan meesha yaallayna uu yahay kii marshada lahaa (manual).

Ceebtu waxay ka dhacday in aqoontayda waddidda ee baabuurta marshada leh ay koobnayd oo Soomaaliya aan wax yar ku waday noocaas balse Kanada oo baabuurta laga wato badankooda ay yihiin nooca Automatic aan sharciga baabuur wadidda ku qaatay. Waxaan is tusay inaan nafteyda iyo tan dadka kaleba khatar gelin karo haddii aan ku indho adaygo wadista baabuurka marshada gacanta ah leh sidaas baan ninkii madaxda ii ahaa ku wargeliyey oo isna baabuur kale iigu dalbay oo meeshii la iigu keenay.

Kanada sharciga baabuur wadidda uma kala soocna mid marsho iyo midaan lahayn oo noocaad rabto ayaad ku wadan kartaa. Balse waddamada sida Sweden oo kale haddii aad sharciga baabuur wadidda ku qaadatid baabuur aan marsho lahayn (automatic) kuma wadan kartid mid marsho leh oo waa ganaax iyo sharcigoo lagaa qaado haddii aad sharcigaas jabiso. Inkastoo wadiddii baabuurta marshada leh aan markaan bartay haddana qaadashada sharciga baabuur waddida oo aad ugu dhib iyo kharash badan waddankan Sweden ayaan go’aansaday inaan isla sharcigii baabuurta aan marshada lahayn aan halkanna ku qaato. Taas macnaheedu waa inaan la igu arki karin anoo wada baabuur marsho leh. Waxaa intaasi sii dheer in xaaskeygu ay labada noocba wadan karto maadaama ay haysato kii baabuurta marshada leh loogu talagalay oo ka heer sarreeya kan baabuurta aan marshada lahayn dantuse waxay ka fursan weydey in aan yeelanno gaari nooca aan marshada lahayn ah maadaama anigii aanan kii marshada lahaa ku wadan karin sharciga baabuur wadidda ee aan hadda haysto.

Maalin dhawayd ayaan go’aansannay inaan baabuur kale soo qaadanno oo kii hore isk beddelno, Baabuurkii aan soo gadannay waa mid labadii noocba ka kooban (multi-drive) oo wuxuu leeyahay marsho markii aad rabtana u isticmaalayso sidii baabuurtii marshada lahayd, markii kalana sida kii aan marshada lahayn ayaad u wadanaysaa. Akhristow waa meeshan meesha xaalka Jubbaland iyo baabuurta Japan isu keentay.

Maadaama arrimaha Jubbaland hadal-hayntooda iyo dooddeeduba beryahaan maskaxda naga qabsadeen oo xataa salaadda mar-marka qaarkood sahwi naga geliso ayaa waxaa dhacday in xaaskeyga oo gaariga wadda anna aan xagga hore fadhiyo ay arrimaha ka taagan Jubbaland maskaxdayda ku soo dhaceen. Markaas waxaan isha ku hayey meesha marshadau ku taal (gear box). Waxaa ii sawirantay in sheekada Jubbaland ay dawladdana u tahay nin baabuur marsho ah wade looga dhigay halka maamulka Jubbaland ay baabuur nooca aan marshada lahayn ay shukaanta u fadhiyaan. Waxaan is weydiiyey sidee ku dhacday in hal dastuur ay qolaba si ugu dooddo inay yihiin cidda ilaalineysa oo ku dhaqmaysa halka qolada kalana ay ku xadgudbayso. Dawladdii waxay leedahay maamuulkii Kismaayo looga dhawaaqay waa sharci darro oo dastuurkii ku meel gaarka ahaa buu khilaafsan yahay. Maamulkii Kismaaya looga dhawaaqayna wuxuu ku doodayaa in dastuurku u oggol yahay maamulka ay samaysteen oo diidmada dawladdu ay dastuurka ka hor imaaneyso.

Waxaan dib u jaleecay qodobka ka hadlaaya maamul gobleedyada samayntoota iyo arrimaha la xiriira oo ah qodobka 49aad ee dastuurka ku meel gaarka ah wuxuuna ka kooban yahay lix (6) faqro. Waa kan qodabkaas iyo faqrooyinka/faracyada uu ka kooban yahay:

1. Tirada iyo xuduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka cusub waxaa go’aaminaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

2. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, inta aanu goyn tirada iyo xudduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, wuxuu magacaabayaa guddi heer qaran ah oo daraasad ka sameeya, warbixin ay la socdaan talooyinna u bandhiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

3. Magacaabidda guddigu lagu xusay faqradda 2 ee kore waa inuu ka horreeyo sharci Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka uu ansixyo oo qeexaya:

a. xilalka iyo awoodaha Guddiga;

b. hal-beegyada uu u cuskanayo samaynta Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo shuruudaha qayb dalka ka mid ihi ku mutaysan karto inay ka mid noqoto Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka;

c. tirada xubnaha guddiga, shuruudaha xubinnimada iyo siyaabaha lagu magacaabayo xubnaha guddiga, muddada xilhayntood, xuquuqdooda;

4. Tirada iyo xuduudaha degmooyinka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxaa goynaya sharci uu soo saaro Baarlamaanka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, Golaha Shacabka ee Federaalkuna oggolaado.

5. Xuduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalku waxay ku salaysnaan doonaan xuduudihii gobollada ee jirey 1991-kii.

6. Ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaga xor u ah go’aankooda.

Ahkristow waxaa muuqata in dawladda iyo inta taagersanba uu mawqifkoodu uu la mid yahay baabuurka marshada leh oo u baahan in baabuurka lagu dhaqaajiyo marshada kowaad, kadibna tan labaad ilaa iyo midda shanaad. Waxaa intaas u dheer marshada gadaal-gadaal (Reverse) oo iyana ku lixeysa marshooyinka baabuurta marshada leh (manual). Dawladdu waxay ku taagan tahay in qodobadaas sida ay u kala horreeyaan loo kala hormarsiiyo.

Maamulka Jubbaland iyo taageerayaashiisa mawqifkoodu wuxuu u eg yahay midka baabuurta aan marshada lahayn oo “D” haddii la geeyo horey ka soconaya waana farqada 6aad ee qodobka 49aad midka shacrciyadaas siinaya oo mar walba ay ugu doodaan dastuurka ayaa noo oggolaanaya inaan maamul samaysanno maadaama saddex gobol dad matalaya aan ku midownay. Dhinaca dawladdana waxay u arkaan qof baabuurkii marshadii 6aad geliyey “R” oo baabuurkii halkii laga filayey inuu horey u socdo uu gadaal u dhaqaaqay. Waxay is tustay in haddii qodobada sida ay u kala horreeyaan aan loo hirgelin ay la mid noqoneyso baabuur lagu dhaqaajiyey marsho aan ahayn tan kowaad oo uusan markaas bood-bood iyo raqlayn huraynin oo dhib ka imaan karo. Waa collaadda ay mar walba sheegaan inay imaan karto haddii aan siday wax u rabto loo raacin.

Waxaa meeshaas ka muuqata in doodda iyo jaahwareerka ka taagan maamulka looga dhawaaqay Jubbaland ay salka ku hayso gol daloolooyin iyo khaladaad ku dhex jira dartuurkaas sida deg-degta iyo farda kula cararka lagu meel mariyey oo kuwii soo diyaariyey iyo kuwii ansixiyeyba aysan muujin foojignaanta iyo turxaanbinta uu mudan yahay qoraal ummad dhan ay rabto iney wax ku qaybsato sanooyin badan oo soo socda haddiiba ilaahey ka badbaadiyo bur-bur iyo beelo kale inay hoos tagaan.

Xalku hadda wuxuu ku jiraa in la helo fikrad suuban iyo qalbi nadiif ah oo ka madax bannaan caadifad qabiil iyo dano gaar ah oo u adeegaya shakhsiyaad, qabiil ama dawlado gaar ah. Xalkaasi waa inuu noqdaa mid is waafajiya kala fikir duwanaanshaha ka dhashay ama ka dhalan kara firqada 1aad iyo tan 6aad oo aad mooddo inay iska hor imaanayaan. Firqada kowaad waxay Baarlamaanka awood u siineysaa inuu go’aamiyo sida gobolladu isu raacayaan meesha firqadda 6aad ay awoodda siineyso in ay midoobaan gobolladii is raba.

Qoraalkeyga waxaan ku soo gunaanadayaa in la garwaaqsado in haddii xal loo helay in baabuur marsho ah iyo mid aan marsho u baahnayn la is waafajiyo oo hal meel (gear box) laga wada hoggaamiyo baabuurkii iyana ay macquul tahay in firqooyinkaas dastuurka la is waafajiyo oo dawladduna garwadeen ka noqoto sidii gaarigaas lixda marsho leh iyo rakaabka saaran ay nabad ugu gayn lahayd meesha hayaanka loo yahay oo ah sidii sharafteennii iyo qaranimadeennii dawladnimo loo soo celin lahaa. Dawlooy “D” da ha u arkin “R” ee dabacsanaan muuji aad ku qancineyso inta tuhunsan in dhisidda maamul Jubbaland aydan daacad ama diyaar u ahayn. Maamulka Jubbaland looga dhawaaqayna waxaan kula talin lahaa marshada lixaad ama “D” keligeed baabuurta oo dhan laguma wadi karee bal xisaabta ku dara in xaalkiinnu uusan la mid noqon gaarigii meesha cidlada ah igula raqleeyey oo ka dibna iskiis isaga damay. Dawladda uga dambeeya wixii dalka iyo dadka dan ugu jirto oo dudmadiinna iyo damaacigiinnu yaysan idinka il-duufin in la helo xal rabitaankiinna iyo kan dawladda la isku waafajin karo oo ummadda Soomaaliyeed oo dhanna ay dan ugu jirto.

Mahadsanid
Abukar Y. Warsame
abukar60@netscape.net

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Waxtarka kala guursiga. W/Q Axmed C/samad

$
0
0

Waxtarka kala guursiga
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Juunyo 04 2013

 

Diinta islaamku guurka waxay ka leedahay ujeeddooyin waaweyn oo la doonayo in lagu xaqiijiyo, waxaana ka mid ah in lagu xoojiyo xiriirka bulshada. Ninkii reer gabar ka guursada wuxuu la noqonayaa xidid, gabadha asalkeeda iyo faraceeduba waxay u noqonayaan maxram daa’im ah.

Ilmaha gabadhaasi dhasho waxay reerka hooyadood ku yeelanayaan awoowe, ayeeyo, abti, habaryar, ina abti, ina habreed iwm. gabadha tolkeed oo dhana waxay u noqonayaan reer abti.

Xiriirka xididnimada Ilaahay wuu inaku galladaystay, Soomaalida dhexdeedana qiime weyn buu ka leeyahay. Waxay ku magacaabeen XIDID. Ogow dadka xiriirkaas dhex maray sida xididku dhulka ugu faafay, uguna fogaaday aya isu dhexgaleen, isuguna dheeraadeen.

Waxyaabaha soo qaadista mudan waxaa ka mid ah inay Soomaalidu mashaakilka adag ku xalliyaan xididnimada. Labada qoys oo dhib kala gaaro kala magashada ka sokow waxaa la isa siiyaa gabdho GODOBTIR ah. Taa macneheedu waxaa weeye dhibtii dhacday waxa kaliya oo lagu illaawi karo waa xididnimada. Waxay dheheen: “meeshii xinjir ku daadato xab baa lagu daadiyaa” .

Maalin dhaweyd ayaa gaari shil ku galay tuulada KHAYR LAGU DHAL oo Garowe iyo L/caanood u dhaxaysa. Dhaawixii ayaa la keenay Isbitaalka Garowe. Dhaawaca waxaa ka mid ahaa inan reer Boorame ah. Isaga ayaana dadka dhaawaca ah ugu booqasho iyo ciidan badnaa marka laga reebo Sheekh Cilmi oo ahaa maamulaha Mac-hadka Al-faaruuq ee Gaalkacyo.

Gabar ka mid ah dadkii la joogay ayaan ku iri: maxaad isu tihiin wiilka?. Waxay iigu jawaabtay: eeddaday ayaa dhashay. Waa hubaal haddii la wada waraysto dadka faraha badan ee dul dhoobnaa inay noqon lahaayeen xidid ama xigaalo. Ninkaas isaga oo deegaankiisii aad u fogyahay ayaanu Garoowe nina marti ugu ahayn oo ehelkiisii buuxaa.

Hadda ka hor waxaa la iiga waramay laba reer oo dagaal dhexyalay oo qolo abaari ku dhufatay, dantuna ay ku kalliftay inay deegaankii reerkii kale nafta la aadaan. Dadkii iyo xoolihii ayaa soo galay, ka dibna dad wax ma garato ah ayaa ku qamaamay; si ay u dhibaateeyaan. Ka dibna magaaladii ayaa qaybi dhankooda ka soo safatay. Dadkaas la safanaya waa ku jiraan dad aan qaraabo la ahayn oo samajecle ah laakiin tirada u badani waa gabar meesha lagu qabo, nin ka qaba, nin ay reer abti u yihiin iwm.

Haddaba soomaaliyeey beryahaan guur hoosaadka ayaa bataye bal kan kalena hala kordhiyo; si loo xoojiyo xiriirka dadkeena ka dhexeeya.

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Siyaasada Arrimaha Dibada Xukuumada Madaxweyne Faroole waa mid qaan gaar ah. W/Q Shiine Culay

$
0
0

Siyaasada Arrimaha Dibada Xukuumada Madaxweyne Faroole waa mid qaan gaar ah.
Shiine Culay
shine.culay@gmail.com
Juunyo 05 2013

Siyaasada Arrimaha Dibada Puntland ma ahayn mid awood badan laga soo bilaabo asaaskii Puntland ilaa sanadkii 2009 oo Xafiiska loo doortay Xukuumada uu hormuudka u yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole).

Sharciyan Puntland oo aaminsan inay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya Dalkuna yeesho Dowlad Federaal ah ma lahan Wasaaradaha Gaashaan dhiga & Arrimaha Dibada oo iyagu u qaabilsan Maamulada isku duba ridka Arrimaha Difaaca & Siyaasada Arrimaha Dibada.

Biloowgii Hana qaadka Siyaasada Arrimaha Dibada Puntland.

Kadib markii ay hogaanka Puntland qabatay Xukuumada Madaxweyne Faroole waxay bilowday dardar gelinta siyaasada Arrimaha dibada, ka qayb galka shirarka caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya & Iskaashiga wax wada qabsi ee ay la leedahay wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

6 bilood kadib doorashadii Madaxweyne Faroole oo ku began Bishii Jun, 2009 Puntland waxay kaga qayb gashay Dalka Marykanka shir looga hadlayey arrimaha Soomaaliya kaas oo qaban qaabadiisa ay iska lahaayeen mudanayaasha Aqalka hoose ee Dalkaas waxaana lagu tilmaami karaa shirkaas inuu ahaa bilowgii hana qaadka siyaasada Arrimaha Dibada Puntland.

Wixii ka danbeeyey shirkaas Puntland waxay noqotay mid aan looga maarmi Karin masraxyada lagu gorfaynayo siyaasada Soomaaliya beesha Caalamkuna waxay u arkaysay qayb ka mid ah Soomaaliya oo ay ka hana qaaday xasilooni & Deganaansho furo & tusaaleba u noqon karta xal u helida Deganaansha la’aanta ka jirta Gobolada Koonfureed & kuwa Bartamaha Soomaaliya.

Khariiradii Road Map.

Mar kale Puntland waxay muujisay doorka ay ka qaadan karto xal u helida dhibaatooyinka ragaadiyey Soomaaliya tan & burburkii Dowladii dhexe ee Soomaaliya kadib markii ay kaalin lama ilaawaan ah ka ciyaartay hirgelintii qorshihii Road Map oo Dalka looga saarayey Maamuladii ku meel gaar ka ahaa looguna dhisayey Dowlad rasmi ah.

Waxay marti gelisay Shirarkii Garowe 1, Garoowe 2 & Shirkii Gaalkacayo kuwaas oo dhamaantood dhabada loogu xaarayey dhismaha Dowlad rasmi ah oo soo afjarta Xukuumadihii ku meel gaar ka ahaa iyadoo xubin firfircoon ka ahayd lixdii saxiixe.

Waxay kale oo kaalin aan qarsoonayn ku lahayd sidii Dalka looga hirgelin lahaa nidaamka Federaalka maadaama ay ahayd Dowlad Goboladii ugu horaysay ee dhalata iyadoo aaminsanayd in Dadka Soomaaliyeed ay isuku aamini karaa nidaamka Federaalka oo keliya maadaama dhibaatooyin badan laga soo dhaxlay Dowladihii Dhexe oo awoodooda & Waxqabadkoodu inta badan ku koobnaa Caasimada Muqdisho.

Dhismaha Jubaland.

Puntland oo aaminsan in dhabada keliya oo ay Soomaalidu isugu iman karto ay tahay nidaamka Federaalka & Dastuurka u yaala Soomaaliya oo dhigaya in Dalku yahay Federaal Gobolada Dalkuna dhistaan maamul Goboleedyo waxay u muujisay taageero nooc walba leh Bulshada ku dhaqan Gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe & Gedo oo waday dadaalo ay ku dhisanayeen maamul Goboleed sida uu xaqa u siinayo Dastuurka Federaalka ee Dalka u yaalaa.

Waxaa la oran karaa Dowlada Puntland waxay u buuxisay Reer Jubaland kaalintii ay gabtay Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo halkii laga sugayey inay kaalin mug leh ka qaadato dhismaha Jubaland iyadu ku noqotay caqabada ugu weyn ee hortaagan himilada shacabka Reer Jubaland .

Booqashada Madaxweyne Faroole ee Kenya.

Mudo 10 bilood ah Madaxweyne Faroole kama bixin Puntland gudaheeda sida uu sheegay isaga laf ahaantiisu marka laga reebo socdaal gaaban oo uu ku tegay Jabuuti dadka intiisa badani waxay amiinsanaayeen in dhaq dhaqaaq la’aanta Madaxweynuhu ay wiiqi doonto Siyaasada Arrimaha Dibada Puntland .

Sheki kuma jirin inay jireen baahiyo badan oo aan Madaxweynaha u saamaxayn inuu sameeyo safaro badan marka loo eego shaqada xooga badan ee u taalay Dalka gudihiisa & dadaalada Xukuumadiisu ugu jirtay hirgelinta hanaanka Asxaabta badan oo ah mid ku cusub Puntland hase yeeshee socdaalkiisii uu ugu baxay wadanka Kenya waxaa la oran karaa wuxuu noqday mid taariikhi ah marka loo eego Sidii diiranayd ee Madaxweynaha Soomaaliya ugu soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha Nairobi, Xafladii balaarnayd ee Jaaliyada Soomaalidu u qabteen, La kulankii Safiirada Wadamada daneeya Soomaaliya ee ku sugan Kenya & Kulankii uu la qaatay Madaxweyne Uhuru Kenyanta.

Kulankii Madaxweyne Faroole & Madaxweyne Uhuru Kenyanta.

Kulanka maanta ku dhex maray Xarunta Madaxtooyada Kenya Dr. Faroole & Uhuru Kenyanta wuxuu muujinayaa in Madaxweyne Faroole guul ka gaaray socdaalkiisii Kenya & sida ay u xoogan tahay Siyaasada Arrimaha Dibada Puntland.

Waxaa jira wax yaabo badan oo muhim ka dhigay in la sii xoojiyo xiriirka labada dhinac marka loo eego sida ay isku feker uga yihiin dhismaha Maamul Goboleedka Jubaland & Sida ay Kenya ugu lugta leedahay Siyaasada Soomaaliya .

Sidoo kale wuxuu kulankani niyad dhis u noqon doonaa Maamulka curdinka ah ee Jubaland oo isagu difaac kaga jira weerarada kaga imanaya dhinaca Dowladda Federaalka ee uu hogaanka u hayo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo wacad ku martay inaysan sinaba u aqbali doonin maamulkaas.

Shiine Culay
Qoraa & Faaloode
Facebook: Prince Shiine Culay
Twitter: @Shiineculay
Email: shine.culay@gmail.com

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Habka ugu haboon ee doorashada lamaanahaaga. Qeybtii 2aad. W/Q Sh. Axmed Dheeli

$
0
0

Habka ugu haboon ee doorashada lamaanahaaga
Sh. Axmed Dheeli
awdheeli2000@yahoo.com
Juunyo 06 2013

(qaybtii labaadaad)

afeef

Inta aanan guda galin mawduuca waxaan ka afeefanayaa dhawr qodob:-

• Qodobada aan kusoo bandhigayo halkaan inta badan waxaan ku dhisay sida qaalibka ah oo tusaale ahaan waxaa laga yabaa qof aan lahayn tilmaamaha aan ku talinayo qayb ahaan ayaa laga yabaa inuu ka fiicnaado mid ay u dhan yihiin tilmaamahaasi.

• sheekooyinka halkaan aan ku xusayo maahan khayaali aan sameeyey ee intooda badan anaa usoo joogay amaba waxaan ka wariyey qof lagu kalsoonaan karo.

• Khibradaydu magaarsiisna dhulka qurbaha oo soomaalidu u qexeen ee waxaan ku koobnaa qaybo kamida dalalka bariga afrika iyo wadamada carabta sidaa awgeed xog badan kama hayo qaab dhaqanka dhulalka qurbaha. Sidaa awgeed way dhici kartaa inaanan soo bandhigin waxyaalo anfaca dhalinta qurbaha ku nool.

Cutubka koowaad : Raga.

Tilmaamaha marwada wanaagsan

Tilmaamahaas waxaa ugu muhiimsan:-

1) Diinta: waxaa la oran karaa waa qodobka saldhiga u ah tilmaamaha aynu ka hadlayno, dadku waa wada muslim laakiin ujeedka qodobkaani waa in wuxuun aqoon ah ay uleedahay diinta waxaase kasii muhiimsan ku dhaqankeeda. khaladaadka waxaa ka mida in qofku fududaysto qodobkaan oo tusaale ahaan uu yiraahdo anaa baraya ama ku tababaraya arintaas oo inta badan aan lagu guulaysan .

2) Akhlaaqda: sida xishoodka, daganaanta, xushmada dadka, runta, asturka, duqaadka, dhawrsanaanta IWM.

3) Quruxda : waa qodob muhiima sababna u ah in haweentu soo jiidato saygeeda cid kalena uusan u hanqal taagin laakiin qurux aan diin iyo akhlaaq lahayni waa luggooyo sidaa awgeed gabadha quruxda loogu xilanayo waa in la iska hubiyaa diinteeda iyo akhlaaqdeeda waana meelaha ugu badan oo ragu ku dagmaan . Guduud looma raaco *** haween gabalba waa cayne waxaa kaloo khalad ah in quruxda aan la tix galin oo dhawaan wiilku gabadhii uu isaga tago kana hiyiraaco kuwo kale oo indhahiisa soo jiitay halkaasna qoysku ku burburo.

4) Qoyska gabadha: waa meelaha xasaasiga ah laakiin inta badan aysan dhalintu ku baraarugsanayn waxaana muhiima in la ogaado in gabadhu aysan marna ka madaxbannaanaan Karin qoyskeeda. saamayna buuna qoysku ku leeyahay dhibaatada ama wanaaga qoyskaaga hadaba maxaan ka eegaynaa qoyska gabadha :-

• Ku dhaqanka diinta islaamka: si kasta oo gabadhu diin iyo akhlaaqba u leedahay hadana ayada iyo ilmaheedu kama badbaadi karaan diin la,aanta qoyska ay kasoo jeedo.

• Ma kula rabaan gabadhooda: inta badan dhalintu waxay ku kaaftoomaan rabitaanka gabadha oo qura laakiin hadii qoyska lagu jajuubo si walba haku timaatee nin aysan gabadhooda la rabin reerkaas waligiis mushkilad kama baxo ee yaan la isku khasaarin mida kale ogow fursad baad haysataa aad wax ku kala dooran karto ee meel aan lagaa rabin ha isku kakabin.

• Dabaqada bulshada ay ka yihiin: waa in qoyska gabadha aad ka doonaysaa aysan dareemayn inay dabaqad ahaan kaa sareeyaan sida mid aqooneed mid dhaqaale iyo mid dhaqan toona. Sidoo kale haday qoysku aad u liitaan dhaqaale ahaan adna aadan kafayn Karin oo aadan qoyskaaga ka badin Karin ayana dhibaataa ka timaada inta badan.

• In laga talo galiyo arinta guurka: arintaasi faaiido weyn ayey keentaa tusaale ahaan hadii taladooda iyo qanaacadooda reerka lagu dhiso dhib kasta oo gabadha ka yimaada ayagaa kula xalinaya waana reer la isla leeyahay.

Tilmaamaha marwada wanaagsan way badan yihiin waxaase aasaas u ah afartaas aan kor kusoo xusnay lama helo haween dhinac walba ka fiican laakiin xooga saar afartaas qodob mar walbana niyada ku hay laakiin wey jiraan tilmaamo kale oo wanaagsan oo loogu xilan karo marwada waxaan ugu muhiimsan :-

• Inay tahay inan: gaar ahaan da,da u dhaxaysa 17—–22 Nabiguna NNKH wuu ku booriyey umadiisa laakiin gabadha garoobka ah ama da,da wayn waa loogu xilan karaa maslaxad muuqata oo ay leedahay.

• In la rajaynayo dhalmadeeda: ayadoo laga fiirinayo da,da iyo waliba gabadhaha qaraabadeeda ah waxaa kaloo muhiima inay ka caafimaad qabto dhanka habdhiska taranka gaar ahaan in dhiiga caadada waqtigiisu si saxan ku socdo oon khalal ku jirin .

• Inaad taqaan habdhaqanka bulshada ay gabadha kasoo jeedo iskana hubiso inaad la dhaqmi karto mushkiladaasna inta badan waxay qabsataa raga ayagoon ka fiirsan guursada haweenka ajnabiga ah ama kasoo jeeda gobol ka fog gobolkooda.

Sh. Axmed Dheeli

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Waa eed aan dunida oo dhan u haysano dhagarta Soomaalida looga gelayo Koonfur Afrika! W/Q Axmed-yaasiin Max”ed Sooyaan

$
0
0

Waa eed aan dunida oo dhan u haysano dhagarta Soomaalida looga gelayo Koonfur Afrika!
Axmed-yaasiin Max”ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Juunyo 06 2013 

Abaal Nin Galaa Waa La Arkay Laakiin Nin Gudaa….! Waxaa arrin aad loola yaaba ah waxa haysta Soomaalida ku nool dalka Koonfdur Afrika, waa nasiib daro waxa dowladda weyn ee Konfur Afrika iyo shacabkeedu kula kacayaan dadka Soomaaliyeed ee soo biday ugu yaraan haddaan wax la tarayn inay lafahooda badbaado ugu helaan waxaana ku dhacay, Birtii wax lagu shiilayay ka boo doo dabkii ku dhac! (Jumping from the frying Pan into the fire!) ama sida Soomaaliduba tiraahdo Kud ka guur oo Qanje u guur!…

Reer Koonfur Afrika (KA), waxa ay sameyniyaan ama dhibaatada ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool ma ahan mid sidaas lagu hilmaamayo waliba iyagoo waayo aragnimo u leh dulmiga sinji nacaybka iyo xanuunka uu leeyahay, shaki kuma jiro in dadka Soomaaliyeed ay ixtiraamaan dadka ay u martiyaan, taasna waxaa marqaati u ah oo si weyn looga dheehan karaa sida ay ugu noolyihiin dalalkii ay u qaxeen sida Kenya oo iyadu ah dalka qaxootiga ugu badan ee Soomaalida ah ay u martiyeen.

Oran mayno Soomaalidu khalad kama imaan karo, laakiin haddii ay dhacdaba inay khaladaad leeyihiin ma waxaa layna leeyahay dad-wenahaan ka adeejinayaa?! Miyaan dalku dowlad lahayn?.. ciidamo amni jirin… waxaan dareeemaynaa ama si fudud indhaheena ugu muuqda in xukuumadda uu hoggaaminayo xisbiga ANC ee la soo dagaalamay Sinji-soocii ama midab takoorkii (Apartheid -kii) dadka Konfur Afrika ay si ula kac ah ugu fiirsanayso sinji-sooca lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ay iyadu magan gelyada siisay.

Dilalka sida doqonimmada ah ay qaar ka mid ah dad-weynaha Koonfur Afrika kula kacaan dadka Soomaaliyeed maxay dowladda kaga jawaabi karaysaa? Maxayse wax uga qaban la’dahay?! Siyaabaha dadka Soomaalida ah wax ugu dhacayaan waxaa ka muuqda saansaan muujinaysa in danbiilayaasha ay haystaan sabab u oggolaanaysa inay laayaan Soomaalida, waxaana taa cadayn u ah sida xukuumadda dalka KA aysan marna uga hadlin dhagarta laga galay dadka Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed dalalka ay u qaxeen waxay run ahaantii ku leeyihiin magac wanaagsan, haddii ay tahay sida ay u ilaaliyaan qawaaniinta dalalkaas, iyo guud ahaan sida ay ula dhaqmaan shucuubtooda, waxayna waliba wadammada qaarkood ku can baxeen inay yihiin dad shaqaysta gacanna ka geysta horumarinta dalalkaas, waxaase yaab leh shacabka KA halka ay ka arkeen dadka Soomaaliyeed iyo sababta ay cadaawadda intaas la eg ugu qaadeen!

Dadka Soomaaliyeed waayadii uu dalka Koonfur Afrika ka jiray xukunkii ku dhisnaa midab kala sooca waxay si hiil iyo hooba ah isu garab taageen halgankii shacabka Koonfur Afrika ay kula jireen nidaamkii midab kala sooca ahaa, waliba waxaa la oran karaa intooda badan dadka u qaxay dalkaas waxay isku halaynayeen abaalkii ay horay u galeen, isla markaasna waxay rumaysnaayeen in shacabka reer Koonfur Afrika ay waayo aragnimo fiican u leeyihiin dhibaatada iyo xanuunka ay leedahay qofka oo midab iyo sinji lagu colaadiyo….

Waxaan xasuusnahay in madax badan oo ka mid ahaa halgamayaashii dalalka ku koonfurta Afrika ay yimaadaan Soomaaliya, qaarkoodna ciidamo loogu taba baro, waxaa sidaasoo kale aan xasuusnahay hees hobolladi Waaberi ee qaranka Soomaaliyeed ay u qaadeen halgankii ay ku jireen shacabka reer Koonfur Afrika taasoo kaga caraysiisay dowladaha qaarkood, ereyada ay ka xanaaqeen waxaa ay ahaayeen sidan “Geesiga Madow Guusha Uma Oggola Reer Yurubeey!” ereyadaas oo markii laysku qabsaday loo bedelay “Geesiga Madow Guusha Uma Oggola Guumeystuhiyee!”…

Dowladda Koonfur Afrika abaal iyo sharaf midna ugama baahnin keliya waxaan ka rabnaa in la weydiiyo ma qaynuun gaar ah oo dadkan sida loola dhaqmayo baneeyay ayaa dalkiina ka jira, maxaadse inoogu sheegi weydeen? Maxaa yeelay dhibaatada dadkaan lagu hayo ma aha wax iska dhacaya, ma aha waxaysan dowladda ka war hayn,walina ma jirto talaabo ama dadaal macno leh oo muujinaya xil kasnimo oo ay arrintan ka qaaday xukuumadda ANC.

Aawaye waxa Beesha Caalamaka (International Community) isku magacaaba marka ay gudaha ee Soomaaliya hagardaamada siyaasadeed ka wadaan? Tani waxay xeer ka dhigaysaa inaanan yeelin Soomaaliya argagixisaa ku nool? Waxay xeer ka dhigaysaa waxaan horay u ahaan jirin!….waa dariiq ay nimanka awoodda is biday raali ka noqdeen, waa xeer ay dhigeen siday horayba xeerar inoogu sameeyeen..maxaa dhacay ooKoonfur Afrika loogu daawanayaa danbiyadan iyo dhagarta ay ka gelayaan dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah?! Ma dadka Soomaaliyeed baan ahayn waxa ay iyagu dadka u yaqaanaan?!….

Arrintaan eeddeeda waxaa dowladda Koonfur Afrika la wadaaga Qarrammada Midoobay iyo dhammaan dowladaha shisheeye ee safaaradaha ku leh dalkaas, waayo arrintan ma aha mid siyaasadeed ee waa mid aadminimo, dad shacab ah oo magan gelyo aad siisay dalkaaga ku marti gelisay in sidaas horornimada ah hoostaada loogu laayo, lagu dhaco, wax kasta lagu sameeyo, waxaa loo qaadan karaa marka la fiiriyo aamusnaanta iyo sida loogu daawanayo inay tahay wax laysku ogaa iyo shirqool argagaxisnimo oo dhiiga iyo xoolaha dadka Soomaalida ah ay dowladda Koonfur Afrika ugu xalaalaysa burcadda gudaha dalkaas ka jirta.

Angola, Namibia iyo Mozambique, oo dhammaantood xilliyadii toddobaatameeyadii uu halgankoodii soo gaaray waxaan xasuusnahay in dad-weynaha iyo dowladdii Soomaaliyeedba ay la duubteen shucuubtaas si ay u hantaan gobonimadooda, si ay isaga tuuraan heeryadii guumeystaha ee boqolaalka sano saarnayd iyadoo waliba Soomaaliya ay tahay dal yar oo aan awoodin inuu kaalintaas oo kale ciyaaro, waxaan jirtay in waddamadaas qaarkood ay innaga joogeen ciidamo jabhadaha dagaalamay taba bara.

Jacob Zuma, madax-weynaha dalka Koonfur Afrika, isla markaasna ah Gudoomiyaha xizbiga dalka xukuma ee African National Congress (ANC) ayaa run ahaantii lagu dhaliili karaa xil kasnimo darro iyo inuusan wali ka hadlin wax ku dhacaya mujtamaca baaxaddaas leh ee maalin kasta sida wadarta ah loogu leeyniyo fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn,sidaas daraadeed askarta ku daawanaysa marka dadkan la leyniyo ayaa loo qaadan karaa arrintaas inay tahay mid ay la wadaagaan mas’uuliyiinta dalka xukuma.

Waxaa dhacdooyinkan soo noqonaya ay u marqaati kacayaan mas’uuliyad darrada madaxda dalkaas xukunta inta ay la egtahay,waliba madax-weyne Zuma oo isagu horay sanadkii 2005tii ay maxkamad ku taal magaallada Johannesburg ku soo eedaysay inuu kufsaday haweeneey uu dhalay nin saaxiibkiis ahaa oo dhintay, intii uusan noqon madax-weynaha dalkaas 2009kii.

Waxaan Ilaahay ugu mahdinaynaa in dadkii badnaa ee Soomaaliya ka qaxay ay gaari waayeen dalka Koonfur Afrika, waxaana mahad balaaran u jeedinaynaa dowladaha Kenya, Itoobiya, Suudaan, Uganda,Yemen, iyo shucuubtooda sida ay u soo dhoweeyeen ammaana ugu heleen dalalkooda qaxootiga Soomaaliyeed, mahad taas la mid ah waxaan u jeedinaynaa dalalka kale ee dib u dejinta u sameeyay.

Maahmaah reer Koonfur Afrika siiba qabiilka Zulu-ga ah ee uu ka soo jeedo madax-weyne Zuma ayaa tiraahda “Unyawo alunamehlo” oo macnaheedu yahay Cagtu Waa Indhoole! Hasa yeeshee waxaa loola jeedaa adigoo iska socda ilaa cagta dhigi maysidee waynu is heli doonaa! Marka meeshu waa Afrika!….dadka Soomaaliyeedna ma ilaawi doonaan godobtooda!

Sida la sheegay dadka Soomaaliyeed ee sanadkan la laayay oo waliba inta laysugu soo baxay bir iyo dhgax lagu dilay waa si aan qarsoodi ahayn waa 104qof inta hadda la xaqiijiyay, tiro intaas ku laba-laabantana waa la dhaawacay, waxaan dadka Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool looga baahanyahay inay isaga soo baxaan dalkaas waayo ma jirto sabab ay u sii joogaan, waana inay gartaan dan kastaba ha laga lahaadee dhibaatada ku socota inaysan ahayn mid si kama ah ugu dhacaysa ama dad iska gadooday ay ka timid sidaas si la egna waa in laga fiirsadaa xiriirka aan shacab iyo dowlad ahaanba la leenahay Koonfur Afrika……

Axmed-yaasiin Max”ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

==========================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Soomaaliya: Hogol colaadeed Dul Gawriirta. W/Q Mahad Kooshin

$
0
0

Soomaaliya: Hogol colaadeed Dul Gawriirta
Mahad Kooshin
mahadkooshin@hotmail.com
Juunyo 07 2013

Ilayska nabadeed ee Soomaaliya ka ifay ayaa durba banka soo dhigay duruufo hor leh oo la xiriira dhanka dalku u janjeeri doono siyaasad ahaan aayihiisa. Ma har-qoodaal Carbeed ayay Soomaaliya ka soo jeedsan doontaa oo tii shalay baa lagu soo celin doonaa? Mise surun cusub oo saaman danaha dalka ayaa la jeexi doonaa? Ma la qoomaameeyay mise weli jab kale baa u dhimman Soomaali? Waxaa hubaal ah su’aalahaan ficillada looga jawaabi doono ayaa samabixin doona ama hadimo u abuuri doona Soomaali.

Ka dib heshiiskii ay kala saxeexdeen Soomaaliya iyo Masar ee dhiillo geliyay madaxda Itoobiya ee horseeday dib-u-garashada ciidankii Itoobiya ee taakulaynayay ciidammada Soomaaliya, ayaa waxaa sii ambaqaaday tuhunkii ay dawladda Itoobiya ka qabtay siyaasadda socod-baradka ah ee dawladda Soomaaliyeed ee curdanka ah. Hoggaanka Soomaaliya waxa uu u muuqday in uu gebi ahaan ka maahsanaa dhawr xigto oo isdaba-joog ahaa; (i) sababaha soo dedejiyay xodxodashada Masaarida, (ii) sababta cilaaqaadkii dalalka derisku u xumaaday, (iii) bixitaankii ciidankii Itoobiya ee banneeyay degmooyinka qaar. Isbeddelkaas hortooda ka dhacayay ayay madaxda Soomaaliyeed sida bulshoweynta daawato ka ahayd. Waxay u muuqdeen in ay daacad ka ahaayeen isdiiddooyinka durba hogol colaadeed (oo ay Masar jiidayso) dul hagoogay. Maamulku waa uu garanwaayay in ayada oo Muqdisho iyo Qaahira heshiis kala saxeexdeen uu askari Itoobiyaan ah gaar-hayeen ka ahaanayn degmo Soomaaliyeed. Ma jiro qorshe-siyaasadeed dheehan garwaaqsiga laylisyadii qaraaraa ee tagtadii shalay.

Kannaalka Itoobiya ka dhistay webiga Niil ayaa cirka ku shareeray dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay ayada iyo Masar oo gaaray heer Masar soo afqaadday weerar ay ku qaaddo Itoobiya. Waraysi uu madaxweyne Mursi bixiyay oo si toos ah hawada looga daawaday ayay la-taliyeyaashiisu u soo jeediyeen in la gaaray wakhtigii Itoobiya si qaawan loo mudan lahaa. Wasiir Masaari ah ayaa isna yiri waxaan taageeraynaa mucaaradka Itoobiya. Waxaa heegan galay ciidanka cirka ee Masar oo tijaabiyay in toos loo duqayn karo kannaalka webiga Niila laga qoday. Waxaa loo kuurgalay adeegsiga gegi diyaaradeed ku taalla Suudaan. Marka intaas oo dhacdo isa soo tarayaan ayaa waxaa magaalada Muqdisho yimid wufuud generaallo ah oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Masar si uu ugu kuurgalo qaabaynta, tayaynta iyo haqabtirka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ujeeddada ugu weyn ee wefdiga ayaa ahayd in Itoobiyaanka loo tusmeeyo geeskaan in laga soo weerari karo haddii loo baahdo, wefdigaan iyo wefdigii ka horreeyey oo uu hoggaamiyey wasiirka arrimaha dibedda Masar, labadu ba waxay qayb ka yihiin cadaadinta Itoobiya. Muhiimadda koowaad ee Masaaridu ma aha in ay Soomaaliya dagaal geliso. Gunta laga leeyahay waa bidhaan suurogalnimo oo Masar ku hanato cudud siyaasadeed ay kula gorgortanto Itoobiya. Sidaas darteed heshiiskii Masaarida ee Muqdisho ugu horrayn baaq ayaa looga gol lahaa maadaama ay ogsoon tahay Soomaaliya dagaal tabar uma hayso – waa un xuuxin iyo gacan-maroojis diblomaasiyeed. Hase ahaatee Soomaaliya ayaa labo waran ku gedaaman yihiin oo ay adag tahay si ay uga waabato haddii aysan danaheeda u istaagin.

Waxaa cad in Masar u aragto Soomaaliya dal ay si fudud danaheeda uga fulin karto dhib yaraan. Waxay ku yeelatay saamayn ballaaran oo ay weli ba la tiigsatay dalal kale oo Carbeed – sida Qadar. Waxay beertay Carabayntii Soomaalida ee shaki gelisay Afrikaan ahaanshaha Soomaalida. Saamayntii Carbeed ee Soomaaliya waxay dhalisay jarowareer lixaad leh teer dawladaha derisku ka doc xigsaday Afrika inteeda kale oo maragmuujiyay Soomaaliya dal Carab ah oo Afrikaannimada aan u bislayn. Taasu waxay horseedday sannadihii ‘70kii iyo ‘80kii in Kiinya iyo Itoobiya oo taageero Afrikaannimo ka helay qaaradda inteeda badan ku heshiiyeen iska caabin midaysan oo Soomaaliya ah. Waxaa dheer, Soomaaliya ayaa ku gacal beeshay markii ay burburtay oo cidla ciirsila looga dhaqaaqay. Muddadii burburku jiray qolo ba danaheeda ayay dalka u tiigsanaysay. Carabtu waxay naasnuujisay Islaamiiysteyaal u gabraarta, dalalka derisku na maamul goboleedyo taas ka hortaga. Tusaale ahaan dagaalkii Cabdullaahi Yuusuf iyo urur diimeedyadii wuxuu u dhexeeyay Afrika iyo Carabta, waxaa se ku basbeelay danyar Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Waa yaab iyo amakaag; sidee madaxdu u garan waayeen siyaasadda Geeska Afrika intaas oo gu’aad ka dib? Ma waxay u adeegaan beeralayda Masar mise saboolka Soomaaliyeed? Maxaa dalku danaha Masar ugu dabar adaygay teer uu ku burburay oo ka soo kaban waayay? Maxay Soomaaliya uga gaabsataa wax-ku-yeelashada arrimaha Afrika oo Carabta u kabo qaadaa? Maxaa madaxda Soomaaliyeed Carabta uga xishoodaan oo ugu hanuunsan yihiin rabitaankooda? Sutida dalku waa u dhoy la’dahay godobta siyaasad-xumadooda in bulshadu u aanoobi doonto ugu dambaynta.

Waxaa lagama’maarmaan ah in Soomaaliya dhidibbada u taagto gobannimo siyaasadeed oo si madaxbannaan danaheeda u abbaarto oo ka gees ahaato dabinnada la maleego. Waa in ay dabaysha siyaasadeed falanqayso oo ogsoonaato dhabta ah “ ma jiro dal dhayalsada nabad sugidda”. Danta Soomaaliya iyo Itoobiya waa isku mid. Deris-wanaagga ayay labada dal daneeyaan. Itoobiya in badan ayay u dhuundhalooshay in Soomaaliya xaqiijiso hammigeeda nabadeed ee geeska Afrika. Waxay tebaysaa madax muujisa in ay arrintaas ka daacad yihiin oo soo afjara shakiga ay ka qabto aagga bari. Hoggaanka qaddariya deris-wanaagga waxaa uu kasban doonaa taageero dalka u fududayn doonta midnimada iyo xoojinta dawladda dhexe; taas ka-soo-horjeedkeeda waxaa ku yoto’an hubaynta hoggaamiye kooxeedka, gadoodka maamul goboleedyada iyo qalalaase aan dhammaad lahayn.

Siyaasadda wakhtigu u garsheegtay ee geyiga ee dalku ku dhiiqooday ayaa diiddan in Soomaaliya agnaan ka ahaato isbeddellada dhacaya xataa haddii madaxda dalku garanwayday. Fursad dalku uu labo waddo mid doorto ayaa maanta banka taal. Madaxweynihii hore ee geeryooday, Cabdullaahi Yuusuf, ayaa yiri “Masar dhibka iyada Itoobiya kala dhaxeeya ayay rabtaa in ay Soomaaliya u adeegsato”. Oraahdaas ujeeddadeedu ahayd Masareey meeshaada annaga na meesheenna ayaa ahayd waajibaad masuuliyadeed geesinnimo dhiiran guudka ku sidatay. Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waxaa laga sugayaa mowqif cad oo ku saabsan arrinta soo caariday ee dhalin karta dagaal Soomaaliya ku dhex mara Itoobiya iyo Masar. Maxaa u qorshaysan, maxaa se shanqar looga waayay? Mise waa Islaamiiste ay Masar maalgelisay doorashadiisa oo danta Masar u heellan?

 

Mahad Kooshin

mahadkooshin@hotmail.com

=================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Nimankan wax la isu saar Anigana SAHAL wax la ii saar. W/Q Ahmed A. Ali

$
0
0

Nimankan wax la isu saar Anigana SAHAL wax la ii saar
Ahmed A. Ali
E-mail: ahmedqadhabo@gmail.com
Juunyo 08 2013

Iyagaa isu muuqda, way kala irdhoobeen, Bayr bay kala qaadeen. Jubbaland iyagaa ku hirdamaya (Midi waa Dibigii Spaanishka midina waa Calalkii Cassaa) Khasaara la hubey guul u haystaan. Loolankoodu wuxuu ina dhaxalsiiyey qas iyo jaha wareer siyaasadeed iyo mid bulsho.War intaan Kamaandhe la ina weydiin ama se Gibir la inaga qaadin dajiya amuuraha, idinku wada hadla Tanaasulkana ogaada.

Faroole

Mar waa ka xod-xodasho, markuu dareemay guuxa shacabka (nin weyni wadkii waa yaqaane) iyo in wax loo maleegayo, marna waa ka gilgilasho arrimaha qaranka oon loo maarayn siduu rabay. Mar wuxuu isu muujinayaa Halyey kii Federaalka Gool ka dhalinaaya oo kaba saaray  siyaasadda,  geed weynna ku xidhay. Mar wuxuu leeyahay, hogaamiyaha Federaalka anigaaba ka horeeyey, Puntland waa hooyada Federaalka dhulkeena oo haddaanuu tayda yeelin, tiisuna soconmayso. Mar waa indha adayguu dadkaba dheeraa iyo isbar-bardhig Hoggaamiyaha Qaranka: War ma adaa I doortay oo ii magacaabay xilkayga. Mar waa  ilaalo gaara Beelaha qaar Jubbaland, cag inaanay soo dhigin. Intaasoo u duuban haddana wuu dadaalay oo wuxuu ku amaananyahay badbaadinta Puntland marxaladihii adkaa ee dalku soo maray. Jubbaland wuxuu ka dhigtay goob uu kula dagaalamo Hoggaamiyaha Federaalka iyo jidkii uu u mari lahaa sii haynta hoggaanka oo taa waa la hubaa. Hadday xaq u dirir iyo qabyaalad ka tahay kuwii agtiisa lagu halligaayey ayuu u hiilin lahaa haba qaldanaadeen haday doonaane. Hub iyo hanti wuxuu heli karayey, Jubbaland buu u raray, iyadoo ay ahayd in wada xaajood lagu doono xalka.

 

Guurguurte

Mar waa ka xeelad, xisti iyo nacweyn oo isaga u gaar ah. Mar waa canaan ka yaab lagula ballamay inuu xakameeyo gacan dhaafka Faroole ee xagga Beesha Caalamka iyo hab dhaqankiisa ka korreeya Hoggaamiye Goboleedka. Mar waa fulinta xilka hoose ee ”Dam Jadiid” inuu beelaha qaarna fogeeyo kuwana soo dhaweysto. Mar waa ka madax adayg & canaad, Faroole iska caabbi iyo ama sidayda ama sinaba. Intaad dayuurado doolar ah, dibitaati daadihinaayo, Dab iyo Naar, ereyo deelqaaf ah daan-daansi ka buuxo marba u dirayso Jubbaland, waa shacabkii shalay xilka kuu dhiibtaye maad dib u hehiisiintiyo daganaansho ku deydid. Odayaasha Dhaqanka Beeluhu, xushmad, qadarin iyo maamuusbay mudanyihiin. Casrigan la joogo ee millenium ka  iyo waxa manta taagan la shaqayn kari maayaan. Wax aan dantoodu ku jirin dooniba maayaan.  Cimilada adduunka iyo Cabbirka badaheena garanba maayaan. Yaaney inna daalinin eh inoo yara kaadsha maad ku tidhaahdid. Adigaa ka masu’ulee, Jubbooyinka maad  hagaajisid, ha is hagaane maad isu daysid, adiguna hoggaanka guud iyo hannaanka maad u haysid, ood ka daysid: Mar horaan ka diggay oo la iga diiday, hadii la is dooxo ma waxbaa igagalay. Saddexda “D”  (Dadka, Dalka & Diinta) eed u doodi, Soomaali baa kula leh oy idinka dhexeeyaan. Waa cabirkii  Maanweywne, Mudane Amiin caamire,  Ma Japan baa Jubbaland joogta oo kula garaneysa. Kaad bari daris ahaydeen iyo kii qurbaha joogay Dam Jadiid oo idil, hadaad darajayso ood Maamul Goboleed iyo Dawladaba u dhiibto, Doontu soo dagi mayso, Dowladu soo dumi mayso, DAM soo odhan mayso.  Mid-mid maad usoo daysid, maad kala yara danbaysiisid, ka Daakhiliga maad dib u yara dhigatid, intaanay Dam Jadiid (Madaxay Dab ka rabaane) Dawlado is diidan (sida Masar & Ethiopia) oo is eryanaya (sida adiga & Faroole) Xamar isugu keenin maad Garaadweyne, Cabdirisaq Xaaji Xuseen iyo kuwo la mid ah la yara tashatid. Kii tiisiiba daayacay iyo Cabdiqaasim Salaad maad iskaba deysid. Maad Danta Guud iyo Dalka hoos u eegtid. Faroole waa Hoggaamiye Gobol oo haddana Beel ah. Haba kaa weynaadee adigaa ka sareeya oo Soomaali ku dooratay oo Hogaamiye Qaran ah. Dulqaadkeeda yeelo. Hammigaaga iyo toosi Himiladeena guud ahaan. Hadaadse I ddiido, soo isla daadan mayno. Waqtigu waa qaali, danaheenna Guud iyo dalku soo lumi maayo. Duul Baas iyo Dam Jadiid baa i helay, Diyaar baan moodayee doolar uun bay doonayeen. Kuwan madaxtooyadu maamuuskii Dawladnimo garanba maayaan. Yiriisow baa iiga sii daran. Dadkii I doortay igu direen. Ilaa iyo Dayrtan tolow yaa iigu dara, aan bulshada kuwo dhaama ka day-daydee doodaadu soo noqon mayso oo Kan aad kala sasabanaysaan eed isku soofaynaysaan  lana  sawirantihiin (Bal eega Salaamahan Beerlaxowsiga ah) inna dul dagi maayo. Horaan isu diiranee yaa inaga dul qaadaya?

SAHAL

Soomaalida Neceb Midnimada (SNM) ayaanu lahayn: war walaalayaal, wixii dhacay ilaawa, inna keenoo Dadkiina & Dalkiina soo raaca. SAHAL idinkuna Ma haddaad koydeen, War xageed ku maqnaydeen 22kii sanadood ee la soo dhaafay. Maxaa SNM lagu haystay. Ma haddad billowdeen cabasho iyo cid baa wax na yeeshay, Hantaa nalaga dhacay, Waa nala xasuuqay. Ma Dabuubtii la duu-duubaad fur-furaysaan. Ma Durbaano colaadeed baad tumanaysaan. Ma hooyooyinkii baad libaaxyo ka soo dhigteen ood soo tubteen shaa-shadaha la iska arko, ood tidhaahdeen aflagaadeeya Hoggaamiyayaasha Qarankeena. Ma qalad baad qalad ku saxaysaan. Yaa magaca beesha qoraal iyo qiil idiin siiyay, Yaad ushaqaysaan, ma waalantihiin mise waad miyir qabtaan. Beeshan aad sahashateen, SAHAL ula baxdeen kaligeed jiri mayso. Hadaad wax gargaartaan sida Caqliweyne Abukar Awale (Qaad Diid) maad kuligood  wada kaalmaysaan. Beeshan magaca aad ku dahaadheen, xumaan & dakano Beelaha kale ee soomaaliyeed ha ugu beerina ee ka shaqeeya sida aad isugu soo dhawayn lahaydeen,  Beeshaa lafteeda marka hore, dhammaan Beelaha kale ee Soomaaliyeed ee walaalaha ah iyo ciddii kale ee ay dan wadaagaanba. Hadalo badan iyo qoraalo ay ka mid yihiin:

SAHAL waa sansaan dagaal sokeeye &  Idaajaa & Qabyaaladaynta Suugaanta  oo (lagu aflagaadaynayo abwaanka Idaajaa) ayaa magaca SAHAL sabab u noqday in la qoro. Soo waxay sii daayeen uurka kumay haysteen. Soo muddo dabadeed iskamay ilaaween. Soo beeshan aad magaca ku dahaadheen iyo Abwaanadeedu aflagaado iyo cay kamay badbaadeen. Soo Dadku isuma soo dhowaadeen. Soo sidaa Soomaalinimadu kuma xoogaysateen. Ayaan darro, kii hadla iyo ka wax qoraaba beelbuu aflagaadaynayaa tiisana wuu faaninayaa. Nin is Faanshay waa Ri’ is Nuugtay. Ninka tiisa faaninaya takalena caayaya waa: Ii banneeya markeyga aniguna aan is Nuugee.

Haday sahal Sad iyo Door dhali, Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiyaa dahab & Lacag dhali lahaa. Waa labo aan is dhaamine, kuwo aan wax inoo dhimayn oo dhammaan Dadka & Dalka wada deeqa inuugu dooriya.              Sabool & Agoomo Hadaf & Aragti Lahayn  “ SAHAL”
Mahadsanidin

Ahmed A. Ali

E-mail: ahmedqadhabo@gmail.com

==========================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Maandhaaf madal leh ee ha sii murgin. W/Q Cali Maxamed Cabdigiir (Caliganay)

$
0
0

Maandhaaf madal leh ee ha sii murgin.
Cali Maxamed Cabdigiir (Caliganay)
caliganay@hotmail.com
Juunyo 10 2013

Aan wada tashanno? Wada tashan mayno. Aan kala tashanno? Kala tashan mayno. Aan kuu taliyo? Ii talin meysid. Adigu ii tali walaal? Kuu talin maayo. Haddaba aan kala tagno? Kala tegi meynoo tabtaasay inoo ahaanaysaa.
Mirihii Maxamuud Cabdullaahi (Sangub)

In badan kama doodi karto tilmaanta heesta kore ee Saado Cali ku luuqayso Soomaalida ka bixinayso. Ummaddaas ayaa Mudane Xasan Sh. Maxamuud madaxweyne u yahay. Haddana, isaga oo la socda in uu xil aad u culus yahay buu codsaday in la doorto, si uu soomaali u samatabixiyo. Maxayse tahay cabashada durba shacabka ka baxaysa?

“Ujeeddadeenna iyo hadafkeennu waa in aan aragno Soomaaliya oo mid ah, oo amni ahaan iyo dhaqaale ahaanba deggan. Wax ka sokeeya oo aan danaynayno ma jirto. Waxa aan jeclahay in aan aragno Soomaaliya oo la isku xiro cirifka waqooyi ilaa Raas caseyr iyo Raas Kambooni xilliga dhow.”Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sh. Maxamud ayaa bulshada Soomaalida ee London deggan horteed ka yiri, Mey 09/2013.

Inkasta oo ay ayaandarro tahay in maanta laga doodo sidii la isugu soo uruurin lahaa gobolladii Soomaaliya sameeyey 1960, haddana, hadalka madaxweynuhu London ka yiri waa himilo qarannimo, mana mudna wax bogaadin iyo dhiirrigelin ka yar.

Su’aashuse waxa ay tahay: Xasan Sh. Maxamuud shacabkiisu ma kula socdaa aragtidaas? Silica iyo saxariirta bahdilku ugu horreeyo oo uu ka dhergay awgood, ummadda Soomaaliyeed badankeed waa doonaysaa in qaran weyne Soomaaliyeed la helo. Welise, bulshadu waxa ay aad ugu kala durugsan tahay habka loo marayo. Bal horta aan dhegaysanno sawaxankooda. Deegaanno ayaaba oranaya, “Weli Madaxweynahayagii kuuma aqoonsanin.” “Madaxweye, xeerkii lagugu doortay raac, oo isaga nagu hoggaami,” qayb bay ka soo yeeraysaa. “Aan ku raacnee sansaankeed na tus,” bulshada qaarkeed baa looxyada ku qoratay. Gobollo waxa ay leeyihiin, “federaalnimo dan nooma ah,” meesha in kalana ku guuxayso, “Madaxweynuhu qaybta federaalnimada diiddan buu u janjeeraa.” Haddaba, isweyddiinta kale waxa ay tahay: Ummadda sidaas u kala aragtida duwan, sidee la isugu keeni karaa xilliga dhow, sida Madaxweynuhu carrabka ku dhuftay?

Madaxweyne xeerkii lagugu doortay raac oo isaga nagu hoggaami

Sooyaalka dawladnimada Soomaalida marka la milicsado lagana soo bilaabo dawladdii Aadan cabdulle Cusmaan, lagu keeno tan uu hadda Madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh, oo lagu daro dawlad-goboleedyada iyo Somaliland, mid kasta waxaa dastuurkeeda ku jira in la dhiso Maxkamad Dastuuri ah. Waa maxkamada marka la dhiso kaddib xeerka qaran keli ahi la xisaabtami karo. Waa dawlad ka kooban tiro kisi ah sida 7, 9, 11, 13,.. Waa dawlad hawsheedu ku afjaran tahay ilaalinta dastuurka. Doodaha xukunnada maxkamadaha kale lagala soo gadooday ee dastuurka taabanaya baa loo soo gudbiyaa. Xubnaha maxkamadda dastuurka ah cod haldheeri ah bay ku kala baxaan oo go’aannada ku gaaraan. Inta badan, xubnaha maxkamadaasi ma dhacaan, oo geeri iyo iscasilaad ama hawlgabnimo bay shaqada uga tegi karaan. Maxkamadda noocaas ah dawlad Soomaaliyeed weligeed ma dhisin. Aragtida koowaad oo arrintaas laga dheehan karaa waa in aan dawladna kalsooni ku qabin in ay xeerka qaranka raaci doonto.

Marka laga hadlayo dawladda guud, Xasan Shiikk in lala tabantaabiyo habka uu maamulka u daadihinayo, bulsho ahaan waa xil na saaran. Dawladdiisa ayaase laga sugayaa tusaalooyin iyo turxaabixin la socon kara xeerka qaran iyo fikradaha baahsan ee bulshadaan muddada qalalaasaha ku soo jirtay. Talo ahaan, tan ugu dhow uguna horreysa oo maamulkiisu horay ugu socon karaa waa in la raaco xeerkii dawladda lagu taagay. Haddii kale waxa ay ka jawaabaysaa tixdii Yaasiin Cusmaan Keenadiid ee 1946-1947 ee oranaysa: ..odayaal guurguuranahayoo goor xun soconaaya iyo Reer Gaalkacyood (Soomaali) iyo sharciga yaa u garniqi doona!

Weli madaxweynahayagii kuuma aqoonsanin

Ceebla waa hooyo Soomaaliyeed mana oggola in Xamar looga soo qoondeeyo canshuurta laga qaadayo rida ay suuqa iibka u keensatay. Ama in guddoomiye gobol oo aan gobolkeeda laga dooran meel kale looga soo diro. Haddana, taas ulajeedadeedu ma aha in ay gebi ahaanba ka soo horjeeddo qarannimo guud. Waxa ay ku qanci kartaa in wax guud la wadaago waxna gaar loo kala lahaado. Aafooyinkii la soo maray dartood iyo urugooyin hore oo isbiirsaday baa halkaas geeyey. Gar miyeysan u lahayn in ay sidaas u hammido?

Dareenkaas Ceebla goosanka/hormada kore ku soo sheegtay gobollo badan oo Soomaaliyeed baa xambaarsan. Inkasta oo indheergarad badan qabo cantuugo libaax in ay u sii gogol xaaranayso, isla markaasna ay mudan tahay, kolba maankayga, haddana, imminka, Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa gooni-isu-taag. Maxay u goosteen darteed baa afka loogu buuraa meeshii hortii looga mahadcelin lahaa xasiloonida ay keentay. Qiimo badan baa nabadaasi Soomaali ugu fadhidaa, guud ahaan iyo gaar ahaanba. Iyada oo aan xujo lagu lifaaqin, taas in loo qiro iskeed bay sax u tahay. “Gaal dil gartiisana sii,” waa murti Soomaaliyeed .

Waxaa kale oo iyana meelka-dhac iigu muuqata in Somaliland lagu rinjiyeeyo Soomaalinimo-diid. Ma jiro cabbir sheegaya in gobollada Soomaaliyeed kala wadddanisan yihiin. Haddii ay ahaan lahayd koox, maamul-goboleed ama gobol, cidna ma haysto hubanti ay cid kale uga soomaalisan tahay. Cambaaraynta iyo rabitaankayga igu raac qarannimada Soomaalidu tiigsanayo dhib mooyaane dheef u keeni mayaan.

Afti iyo in Soomaaligu aragtidiisa si xor ah uga baaraandego, aan tusaale ku fududeeyo. Gobolka Togdheer waxa uu imminka ka tirsan yahay maamulka Somaliland. Haddii uu maalin maalmaha ka mid ah la soo istaago Puntland baan ku biiraynaa, amaba gaar baan isu taagaynaa ma dagaal baa lagu qaadayaa? Maya. Danta baa na baraysa in sidii loo jabo loo dhutiyo. Dareenka dadweynaha gobolkaas in la tixgeliyo garashada wanaagsan baa noo tilmaamaysa. Haddaba, markii heerkaas la isla gaaro, waxa keli ah oo arrintaas ka harysan waa in laga hadlo qaabkii iyo waqtigii afti lagu qaadi lahaa. Koofurba ha ugu sii liidatee, guud ahaan, Soomaaliya maanta heerkaas kuma dhawa.

Madaxweyne aan ku raacnee sansaankeed na tus

Dawladda guud waa maamul dibu-heshiineed. Madaxweynuhu waa in uu tusaaleeye noqdaa. Taladii lagu raaci waayo waa in uu cagta u dhigaa ama uu aad u sii faahfaahiyaa haddii ay ula muuqato arrin degdegsiinyo mudan. Waayahaan, siyaasadda Soomaaliya waa xargo muddo isku sii marmayey. Haddaba, marka koowaad waa in la raadshaa meeshii xargaha murugtoodu ka bilaabatay, dabadeena mudnaan la siiyaa furfuridooda sida loo kala hormarinayo. Tusaale, qof dhufays ku jira oo xabbad ka gabbanaya amaba baahan oo gaajo la liita, midna talo aan ahayn sidii uu arrimahaas xal ugu heli lahaa kama soo bixi karaan. “Nabad iyo caano ha arkin” waa la isku habaaraa. Soomaaliya dhiig baa weli ka qulqulaya. Kaas ayaa mudnaanta koowaad leh in la joojiyo. Qaabka loo joojinayo baa iyana dood dheer u baahan.

Markii la joojiyo dhimashada inteeda badan qaran la’aanta eersanayso baa loo gudbi karaa xasilooni guud, taas oo imminka ah tiirka koowaad ee dawladda Federaalka ah. Haddii tillaabadaas dhiig-joojinta ah lagu guulaysto, shacabku waxa uu helayaa kalsooni uu uga sheekaysto habka Soomaaliya qarannimo guud u soo hanan karto.

Haddaba, si xasilooni guud loo helo, shacabka Soomaaliyeed waxa uu leeyahay, “dawladdu hortii ha na dhegaysato.” Ma muuqato meel ay dawladdu taladaas uga weecan karto. Dunida badankeed waa isku raacsan tahay in dhibaato ciddii soo martay wax laga weyddiiyo. Talada ku xigtaana waa in siyaasadda lagu saleeyo sida dadkaasi wax u rabaan. Haddii aan sidaas la yeelin, waxa ay noqonaysaa, bukaankii iyo dhakhtarkiiba anaa isku ah, waana sida imminka loo arko dawladda guud.

Federaalnimo dan nooma aha

Gaf ma aha in bulshada qaarkeed federaalnimada saluugo, waxaase xeerarka loo samaystaa in nabad lagu wada noolaado. Balse Soomaalidu waxa ay dhaqan ka dhigatay in ay xeer qurux badan dawlad ku dhisto buuggana miiska looga tago. Inkasta oo guud ahaan Soomaalidu isku eedayso in ay dulqaad yartahay, haddana, dawladda Xasan Shiikh, imminka waxaa ku socota eedayn oranaysa: Federaalnimadii lagu heshiiyey in qarankii dumay ee Soomaaliya lagu soo celiyo baa dawladiisu dadaal ugu jirtaa sidii looga laaban lahaa. Waxaase jirta arrin cusub oo cid walba u baahan tahay in ay ogaato. Shacabka Soomaaliyeed ee maanta joogaa ma aha kii qiiradiisa inta la kacsho dawladda loo dhisi jirey, hadhowna hadba dhankii la doono loo jiidi jirey.

Toban (10) sano oo dimoqoraadiyad musuqmaasuq ah ku salaysan iyo Afartan iyo afar (44) sano oo xunkun ciidan iyo qalalaaso isaga dambeeyeen kaddib, Hadda, shacabku waxa uu mar kasta dib u soo xusuustaa gafafkii uu naftiisa ka galay. Saddexdii jabhadood ee waaweynaa SSDF, SNM iyo USC waxa ay ka mid ahaayeen furayaashii qaranjabkii Soomaaliya. Haba yaraatee ma aysan wadan aragti ka duwan in ay kursiga ku fariistaan. Xukundoonkaas waxa ay ku sii holciyeen colaadihii ugu dambayn keenay in qarankii dhammaa reerba qayb meel la aado. Eedda qaranjabkaas waxaa in loo saaro mudan shacab xuquuqdiisii ku ururtay isha ka fiirso hadba sida beel loo edbinayo, iyo Maamulkii M.S. Barre oo ilaalinta jiritaankiisu wax walba kala weynaa. Jabhaduhu shacabkaas ay gumaadayeen bay kala wateen, markhaatina waxaa ah dhacdooyinka soo socda.

SSDF (Somali Salvation Democratic Front) markii la unkay 1978, waxaa magacii dawladda dhib loogu geystay dad isugu jiray carruur, haween, waayeel iyo biri-ma-geydo kalaba, iyaga oo aan cidna wax u dhimin. Dhallintii deegaankaas ama beeshaas baa gadoodday ayaa qiilku ahaa. Dadweynihii kale ee Soomaaliyeed ee aan ka mid ahayn kuwa gaboodfalka lagu fulinayey kama kicin xadgudubkii dawladda ee mashxarad bay ku taageereen.

Jabhaddii SNM darteed, waxaa haddana lagu gaboodfalay deegaannadii jabhaddu ka soo jeedday. Ciidankii qaranka Soomaaliyeed ayaa lagu dareershay Hargeysa iyo Burco. Dukhayn, dhac, dil, qixin iyo kufsiba looma kala aabbayeelin. Haddana shacabka intiisii kale far kama dhaqaajin gaboodfalkii dawladu geysanaysay. Iyana waa kibreen baa hiil looga dhigay. “Xabbadi keentay” baa ka mid ahaa magacyadii loo bixiyey dadkii Xamar u qaxay. “Xabbadi sugtay” bay uga warceliyeen.

“Nin walaalkiis loo xiirayow soo qoyso adiguna” hees bay ku jirtaa. Qabtii baa timid. Dad aan weligood tegin Xaafuun, Seylac, Raas kambooni, Ceelhuur, Doolow iyo meelo kale baa Xamar xabbad looga saaray. In badan oo dadkaas ka mid ah, weli hantidoodii ma-guurtada ahayd Xamar baa lagu haystaa. Haddana, intaas kuma hakane beel walba meeshii ay u carartay ama ku hartay bay jilibyo hoose isugu cuntay. Tiiraanyada waxa aan u soo ceshay in sooyaalka hadba dib loo milicsado si loogu waano qaato, iyo in aan soo xusuusanno goortii shacabka aamuska lagu mehershay.

Maanta, shacabka Soomaaliyeed xogo badan kuma seeggana sida dawladda federaalka ahi wax u waddo. Federaalnimada Soomaaliya muran in la gesho kala furfurasho hor leb bay soo dhaweynaysaa. Sida hadda wax ku socdaan, Puntland waa sii foogaanaysaa, haddii ay goosasho ku dhawaaqdana dawladda Xasan Shiikh baa eeddaas qaadi doonta. Gobollo kale baa iyana sii durki doona. Faashilaad kale Soomaaliya kama soo kaban karto. Marka, hammigaasi si uusan qiil u helin, maamulka guud waa in uu ka soo debcaa meesha uu hadda saaran yahay.

Minjo dhooqo midba mar baa la baxshaa

Bare Qur’aanka dhiga oo carrab la’ ayaa jiri jirey. Wiil yar oo dugsigiisa la keenay buu alifka u bilaabay. Loox buu “alif, Baa, Taa,..” ugu xarriiqay. Qoraalkii markii uu dhammeeyey buu wiilkii ku yiri, “Agif dheh” maadaama uusan “alif” Karin. Wiilkii mar haddii barihii “agif” yiri, isna agif buu ka daba yiri. Barihii inta amarkii ku ceshay buu yiri, “afkayga ha raacine agif dheh.” Saawee bal waxa wiilku oran doono! Haddaba, dawladda Xasan Shiikh amay “agif” leedahay shacabkuna “alif” xusuusan yahay?

Iyada oo sooyaalka dib loo eegayo xaqiiqda hadda jirtana laga shidaal qaadanayo, dawladda guud iyo shacabka midna lagama yeeli karo in runta sacabka la saaro. Dhabbihii dhammaan dawladihii Soomaaliyeed xeerarka lagu dhiso ku soo xadgudbayeen, imminkana maraya in Alshabaab ay ugaarsato aqoonyahannada, cuqaasha iyo waxgaradkaba, dhallinyaradana ay jeegada ka birayso, dawladaha deriska ahina ay Xamar iyo magaalooyinka kalaba ka jeebbaystaan ciddii ay doonaan iyaga oo aan cidna huur iska saarayn, amaba shacabka koofur Afrika daawdaan nin Soomaaliyeed oo har cad ay qaarkood dhagax ku dilayaan wax la eegan karo ma aha. Haddana, kula tashan mayee tayda raac 2013 gadmi mayso. Seylac iyo Sanguuni baan mataanaynayaa iyada oo inta u dhexayso miino ka buuxdo waa talo aan dhego loo hayn. Deegaannada Soomaalida weli kalsooni-darro baa ku kala dhex jirta. Furdaaminta shakigaas baa isna waqti dheer qaadanaya. Ceebla in la kala negaado bay ka xigaysaa intii lagu qaramayn lahaa in ay Xamar baasaboor u soo doonato iyada oo Kalwoxagarrey deggan.

“..Waxa aan jeclahay in aan aragno Soomaaliya oo la isku xiro cirifka waqooyi ilaa Raas caseyr iyo Raas Kambooni xilliga dhow.” Madaxweynaha dawladda guud ee Soomaaiya, London, mey 09, 2013

Dawladdu guud waxa ay qabtaa in ay ku joogto marinkii Soomaalidu qarankii dumay ku soo celin lahayd. Mowqifkaas in aan dawladda ku raacno ma xuma, shacabkase shaki baa hareeyey. Qorshooyinka ay soo bandhigayso baa tusaya in dawladdu u xaglinayso deegaannada federaalnimada saluugsan. Si ay rabitaanka qaybtaas u meelmariso, waxa ay isku dayeysaa in ay indhosarcaadin la timaaddo, oo ay shacabka qiiradiisa ku kiciso isku-keenidda “.. cirifka waqooyi ilaa Raas casayr iyo Raas Kambooni.” Hase yeeshee, goobahaas waddooyin dheer dheer oo qodxo ka buuxaan baa u dhexeeya. Intii hal maamul oo dhexda ku urursan la isugu keeni lahaa in ay meelahooda sii kala joogaan bay ku adkaysanayaan.

Imminka, shacabka Soomaaliyeed dawladda uu doonayo nooceeda wax weyn baa uga bilaaban. Dawlado doorashada madaxdooda u madaxbannaan korna koofiyad weyn ka wadaaga wax ka yar Soomaaliya laguma midayn karo. Aragtiyahaas baahsan bulshaduna ku baraarugsan tahay, Xasan Shiikh xaggee ka marayaa?

Doodda daraadeed, Madaxweynaha aan ka dhigno indheergarad, aqoonyahan, siyaasi himilo fog, madaxweyne dal, dad iyo diin jecel, mar kastana danta guud koowaad u tahay. U raaci haddana in uu ku hamminayo in uu ka tago sooyaal dib loo wada bogaadiyo. Iyada oo astaamahaas oo dhan aan isugu darnay, run ahaantiina aan qabo in uu leeyahay, haddana, si aysan muran uga keenin talooyinkiisa, dadka indhosarcaad ma ku wada ridi karaa, ?

Inta aan “haa” iyo “maya” midna la oran, eeg waxa siyaasi indheergarad ahi arrintaas ka yiri.

“Dadka oo dhan hal mar waa la wada ilduufin karaa, Dadka qaarkiis mar kasta waa la wada ilduufin karaa, Balse dadka oo dhan, mar kasta, lama wada ilduufin karo.
Madaxweynihii 16aad ee Dalka Maraykanka, Abraham Lincoln.

Madaxweynuhu xagxasho iyo hadal aan dhar lahayn ma mudna dhabtuse waxa ay isugu imaanaysaa murtida Abraham Lincoln. Inkasta oo aan wax ku filan laga oran karin “hoggaaminta dawladda Federaalka ah iyo dhegaysiga guuxa bulshada,” haddana dawladnimada waxaa doorka ugu weyn ka ciyaara aqoonyahannada la taliya Madaxweynaha, ama wasiirka koowaad, ama goleyaasha xeerdejinta iyo garsoorkaa. Inta badan maqli meysid dad loo tiriyo oo bulshadu u aqoonsato maskaxda ka dambaysa tusaalooyinka iyo talooyinka wanaagsan ee xaafiiska Madaxweynaha ka soo baxa. Madaxweynuhu iskuma darsan karo ammaanaha iyo dhaliilahaba. Balse waxa uu mas’uul ka yahay dadka uu xusho in ay kala taliyaan qaranimada dalkiisa. Qaran ma dhismayo haddii aragtida xubnaha sare ee laamaha dawladdu ku soo ururto “Madaxweyne/Raysalwasaare jir oo joog marba haddii aad igu dartay goloaha fulinta.”

Inta aadan oran “qoruhu han gaabanaa, oo dayro badanaa, oo belo sheeg badanaa” aan aragno goortii shacabka Soomaaliyeed xuquuqdiisii dayacay intii ka dhimatay. Marka la isku soo wada duubo, laga soo bilaabo 1978 ilaa Juun 2013, dagaalka sokeeye oo taakulayn ka helay musiibooyin kale sida abaaro, dhulgariir iyo daadadba, marka laga reebo inta dibedaha ku rafaadsan oo aqoonyahannadu makhaayadaha saxamada u xalayaanh/dhaqayaan, ugu yaraan hal malyan oo soomaali ah ayaa u dhimatay xabbad, gaajo iyo cudur. Halka malyan waxa uu ka yimid tirooyin la isu geeyey dabadeedna la isku celceliyey, kuwaas oo ay ugu weyntahay abaartii 1992 oo jiidatay labo boqol iyo sagaashan kun ilaa saddex boqol kun.

Iyada oo aan qormooyin iyo Joornaallo midna la tixraacin, waxaa la oran karaa qoys kasta oo Soomaaliyeed ugu yaraan qof buu ku waayey dagaalka sokeeye iyo dhibaatooyinkiisa. Sidaas darteed, celceliska ka soo baxa tirokoobtaas baa kor u dhaafaya hal malyan. Iguba eedee tirada aan aadka u sugnayn haddii ay sidaas kuula muuqato, waxaase hubaal ah, intaas uunka aakhiro ku biirtay in aysan soo noqon doonin welina dhimashadii socoto.

Samaynta dawlad-goboleedayada

Gobollo ayaa haybo isugu leexanaya si ay maamul-goboleedyo u sameeyaan, sida Jubbaland iyo Hiiranland. Dawladda guud waa ka biyodiidsantahay isbahaysiyada qaarkood, inkasta oo aysan faahfaahin lagu qanci karo soo bandhigin. Waxa ay u muuqataa in ay leedahay: Haybo dartood laguma bahoobi karo iyo haddii aysan dawladdu majaraha u hayn lama samayn karo.

Haddaba, aan idin soo xusuusiyo sooyaal kooban. 1950 ilaa 1960, gobollada Bay, Bakool iyo inta afka “Mayda” isku bahaysata waa diiddnaayeen in dawlad dhexda ku urursan (centralized Goverment) qaran lagu taago. Ugu dambayntii, qiiradii gobanimodoonka darteed bay arrintaas uga tanaasuleen. Maanta ma yeelayaan in haddana afka Soomaalida kale oo “Maxayda” ku salaysan lagu maquunsho. Gobolka Gedo oo “Maxayda” ku hadla isna ma yeelayo in uu barashada “Mayda” bilaabo. Su’aashu waxa ay tahay: Sidee dawladda guud ku keentay in la israacsho Gedo, Bay iyo Bakool, si ay hal dawlad-goboleed u noqdaan? Qabyaalad baan la dagaalayaa qorshe maanka ka baxsan baana ku saxayaa waa “Kud ka guur oo qanje u guur.”

Dhirindhirinta iyo turxaanbixinta arrimaha Soomaaliya ee dawladda guud ee Soomaaliya soo bandhigtay bulshada xoogeeda ka socon mayso. Marka, geeddi-socodka nabadda waa in dib loo eegaa, oo la raadsho meeshii murugto ka gashay. Ma muuqato jid kale oo gobollada dalka la isugu soo dhaweyn karo inta aan degmo walba oran anna dawlad madaxbannaan baan ahay.

Qormada aan soo afmeerno talobixintana aan ku bilowno sheekadan yar. Wiil barbaar ah baa isaga oo arigii la jira reerkii ri’ qashay. Intii raqda joogtay baa hilbihii isku ogaatay. Lug in loo dhigo waa looga masuugay. Isaga oo gaajo la tiicaya buu fiidkii soo dhigtay. In la qadiyey baa si fiican ugu xashishay. Isaga oo gurxamaya buu baaritaan u dhaqaaqay, bal in cad hilib ah meelaha lagu halmaamay. In door ah kolkii uu meelo badan gacmaha geshay, ugu dambayntii, rida candhadeedii oo karsan oo islaan mus ku qarsatay ayuu shanta la helay. Cantuugu ayuu u kala jiiday. Gabar baa kolkaas tiri, “Ba’ay! Ba’ay! Xayte candhadii buu cunay.” Inta cantuugo kale u celiyey buu yiri, “Oo ma hilbo kalaa la arkaa!”

Haddaba, inta bulshadu ka miyirsanayso, beelaysi haddii xasilooni loogu dhawaan karo, faraha in looga qaado ka fursan mayso. Haddii nabad sugan la helo, beelaysiga markii si xun loo adeegsado, mashiiqsiga/muudsiga dambe isagaaba dacar dhadhami doonaa. Maammullada dambe baa dhego la amaahin doonaa. Sooyaalka ayaa xusi doona haddii Madaxweyne Xasan uu tusaalayn, tabantaabo, tartiib iyo “..aan wada tashanno..” ku hoggaansho soomaalidaan aan weli si sugan u qeexi Karin waxa kala irdheeyey.

Nabsigii inaka haleelay gaboodfalkii deegaanba mar lagu fulinayey inta kalana sacabka tumaysay, aan dib u milicsanno. Eebbe aan cafis ka barino innakuna kala garqaadanno. Shacab ahaan aan xuquuqdeenna ilaashanno. Dawladaha, guud iyo gaarba aan il kula shaqayno isha kalana aan iyaga isaga eegno. Maantase, aan si gaar ah ugu hiillinno dawladda Xasan Shiikh. Xeerkii isaga lagu doortay dawladdiisana lagu dhisay in uu maamulka ku wado aan ku cuslaynno. Guuxa dadweynaha in uu cabbir ka dhigto aan ku taakulaynno.

Aan ka digtoonaanno in ay nagu noqoto warcelinta, “..Reer Gaalkacyood (soomaali) iyo sharciga yaa u garniqi doona” iyo Yaasiin Cusmaan Keenadiid. Ama aan ku caanbaxno “Musuqmaasuq Soomaali waa meheredeediiye” iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Ama aan dib u dhuuxno sababtii Abshir Bacadle u lahaa “Duqii doona ducana ugu dara waad na dilateene/dubateene.” Ama “Shimbiroyahow heesa” oo Barafasoor Saciid Samatar ula jeeday “hadaltiro aan nuxur badan lahayn.”

Inkasta oo la yiraahdo “Alifkaaga xumaadaa Albakhruu ku dhibaa,” haddana, sida aan qabo, Madaxweynaha jid kale uma furna, aan ka ahayn “..waa yahaye ku daayaye wadeeco Alla.” Haddii kale Soomaalidu waxa ay ku caanbaxaysaa: Wada tashan mayno, kala tashan mayno, kuu talin maayo iina talin meysid, kalana tegi meyno”.

==========================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Qabiil Dulman iyo Qalbi Dareensan. W/Q Cabdiraxmaan Maxamed (Xiddig)

$
0
0

Qabiil Dulman iyo Qalbi Dareensan
Abdirahman Maxamed (Xiddig)
xiddig@gmail.com
Juunyo 11 2013

 

Wakhtiga waxaa ka qaata walbahaar iyo welwel joogta ah oo maanka iyo maskaxda maalin walba ka mashquuliya. Mar walba oo uu fakaro, fakarka wuu ku dheeraadaa ilaa dhidid sida roobka oo kale ah jirkiisa ay fax ka soo yiraahdaan. Xididada, murqaha, iyo margiyadaba way kaboobyoodaan oo marmarka qaar shaqadooda ayeeyba gabaan. Wuxuu ka fakaraa masaa’isha sida khaldan ay dadkiisa u macneesteen oo ay u marin habaabiyeen.

Maalin isaga oo xaalkaas ku jira oo fadhiya maktabadda buugaagta lugu akhristo gudaheeda ayaa waxaa soo akfadhiistey nin ka yaabay xaalada uu ku suganyahay. Balse, isla judhiiba wuu isbadalay oo qof caadi ah ayuu noqday.

Ninkii ayaa inta usoo dhawaaday, wuxuu ku yiri, “Assalaamu Calaykum, walaal sidee tahay waxaad u ektahay, qof xanuusan oo kale, ii waran, ma caafimaad qabtaa, mise in lugu caawiyo ayaad u baahanyahay?”

“Walaal mahadsanid, waan caafimaad qabaa, xaaladayduna waa tamaam, barasho wanaagsan, magacayguna waa Daacad, waxaase la baxay Qalbi Dareensan. Magacaas hooyadey iyo aabahey iimaysan bixin, anigaase la baxay. Waxaana ula baxay, sababta oo ah waxaa dareenkayga iyo damiirkaygaba si joogta u daashaday dhibaatooyinka joogtada ah ee ka dhex taagan dadkayga iyada oo aan daawo u heli karin.”

Ninkii wuxuu yiri, “Aniguna walaal magacayga waxaa la yiraahdaa Guhaad, balse waxaa la ii yaqaanaa Qabiil Dulman oo waxaanba raadinayey waligey qof qalbi dareensan leh oo dhibaatooyinka la igu hayo ii macneen kara. Waxaan ogahay in la I dulmiyey oo la I dhibaateeyey balse waxaan ogsooneyn sababta la igu dulmiyey oo la igu dhibaateeyey. Si walba ha ahaatee, waxaan ku faraxsanahay qalbi I dareensan in aan la kulmo maanta.”

Qalbi Dareensan wuxuu gudagaley mas’alo ka mid ah mas’aashii mashquuliyey maskaxdiisa iyo maankiisaba in uu la wadaago Qabiil Dulman, wuxuuna yiri, “Ninyahow, inkastoo luguu abuuray in la isku kaa barto, haddana waxay dadkaygu kuu qaateen in magacaaga la isku baabiyo oo la isku bahdilo. Inkastoo luguu abuuray in la isku kaa dhaxlo, haddana waxay dadkaygu kuu qaateen in magacaaga la isku dilo, dhiigna uu ku daato. Inkastoo luguu abuuray in la isku kaa xiriiriyo, haddana waxay dadkaygu kuu qaateen in magacaaga la isku fogeeyo, la iskuna takooro. Tollow, maxay tahay sababta ujeedkii abuurkaaga dadkaygu kaaga leexiyeen oo ujeedoyin kale luguugu jiheeyay? Waxa kaliya oo aan ku micneen karaa aniga waa in uu yahay jahli mug weyn oo maskaxda iyo maankaba ka degay in badan oo dadkayga ka mid ah.”

“Ileen saaxiib, waad dareensantahay dhibka dadkaaga haysta, balse waa cajiibe jahligu ma dhibkaas buu leeyahay?” ayuu Qabiil Dulman si degan u weydiiyey Qalbi Dareensan.

“Haa oo cadowga ugu weyn ee dadkaygu leeyahay waa jahliga.” ayuu yiri Qalbi Dareensan, wuxuuna ku sii daray isagoo sii faahfaahinaya hadalkiisii,“Soo ma ogid, in yar oo dadkayga ka mid ah ayaa cadowgan ka guulaystey, in badanna isaga ayaa ka guulaystey, wuxuuna sababay in dad badan ay is dilaan, isna dooxaan.”

“Oo haddii ay sidaa tahay, sidee looga badbaadi karaa?” ayuu Qabiil Dulman si layaable marlabaad u weydiiyey Qalbi Dareensan.

“Waxaa looga badbaadi karaa jahliga iyada oo maskaxda iyo maankaba la kobicyo, si hufanna looga shaqaysiiyo. Waxaa looga badbaadi karaa jahliga iyada oo ujeedka rasmiga ee Alle kuu abuuray la fiirsho, lana fahmo. Waxaa looga badbaadi karaa jahliga iyada oo la darso Rasuulka (SCW) sida uu u daweeyey qabyaaladii ka dhex jirtay Aws iyo Khasraj inta uusan Madiinah iman”, ayuu marlabaad Qalbi Dareensan ugu jawaabay Qabiil Dulman.

“Dhibaatooyinka jahliga uu leeyahay wax ma iiga sheegi kartaa”? ayuu mar saddexaad Qabiil Dulman weydiiyey Qalbi Dareensan.

“Haddii aan si xaqiiq ah kuu la hadlo” ayuu si kaftandhable ah u yiri Qalbi Dareensan, “Magacaaga waxaa lugu burburayey qaran qurux badnaa oo dunida dacaladiisa laga qiimeyn jirey. Magacaaga waxaa lugu burburay qoysas boqolaal kun gaaraya, kuwaas oo u kala qaxay qaaradaha adduunka oo dhan. Magacaaga waxaa ku qaraabtay shaqsi walba oo doonayey in uu wax qaribo, wax khiyaamo, waxna qaso. Magacaaga wuxuu qiil u noqday intii la iskala qaybiyo in dadku qaanado isku ridaan, si ay danahooda goonida ah u fushaan”.

“Su’aal kale aan ku waydiiyo” ayuu yiri Qabiil Dulman “Dadka jahliga badan ee magacayga sida khaldan u isticmaaley, oo I dulmiyey wax ma iiga tilmaami kartaa”?

“Haa” ayuu yiri Qalbi Dareensan, “Dadkaasi waxaa ka mid ah, kuwo maal kugu raadsadey. Dadkaasi waxaa ka mid ah kuwo magac kugu raadsadey. Dadkaasi waxaa ka mid ah kuwo awood kugu raadsadey. Dadkaasi waxaa ka mid ah kuwo kursi kugu raadsadey. Dadkaasi waxaa ka mid ah kuwo awrka kugu kacsadey. Intuba waxay dhinac mareen, abuurkii dhabta ahaa ee Alle kuu unkay, sababtuna waxay tahay jahli daxaloobay oo maskaxda iyo maankaba ka curyaamiyey, sidii aan kuu sheegeyba.”

“Su’aal shanaad aan ku waydiiyo” ayuu yiri Qabiil Dulman, “Dadkaasi maxay ku caqli iyo cibro qaadan karaan oo ay dulmiga iiga dhaafi karaan si dadku aysan iila dagaalin, ileen anigu waxba uma dhibine?”

“Caqli iyo cibro, talo iyo tusaale, shareecadu ulama aysan reeban dadkaasi” ayuu yiri Qalbi Dareensan, “Waxaase ku filan in ay ku caqli iyo cibro qaataan, markii saxaabigii weynaa ee Abuu Dar Al-Qaffaari (Allaha Ka Raali Noqdee) si khaldan magacaaga uu ugu isticmaaley Bilaal (Allaha Ka Raali Noqdee) in uu Rasuulka (SCW) ku yiri Abuu Dar Al-Qaffaari, “Waxaad tahay shaqsi jaahiliyadu ku dhex jirto” (Saxiix).

“Su’aashayda ugu dambaysa aan ku waydiiyo, ileen adigaa fahmi kara dulmiga la igu hayee” ayuu yiri Qabiil Dulman “Qofkii magacayga si khaldan u isticmaala, Alle agtiisa muxuu kala kulmayaa”?

“Gabagabadii iyo gunaanadkii” ayuu yiri Qalbi Dareensan “Rasuulka (SCW) marar farabadan ayuu ugu digey dadka magacaaga in ay si khaldan u isticmaalaan, shaqsigii si khaldan magacaaga u isticmaalanna in uu mutaysan doono ciqaab adag. Wuxuu Rasuulka (SCW) yiri, ‘Wey dhaafi doonaan dadka ku faanaya aabayaashood iyo awoowyadood dhintay, Iyagu, haddii ay dhaafi waayaan, waxay noqon doonaan kuwo ka liita Alle agtiisa xaarwalwaalka, kaas oo sankiisa ama afkiisa ku riixaya saxarada. Alle wuu idinka tagsiiyey kibirkii jaahiliyada iyo faankii ay awoowyada iyo aabayaasha iskugu faani jireen. Dadku waa labo: shaqsi mum’in ah oo Alle ka cabsada iyo shaqsi Alle ka furtay oo ahlu naar ah. Dadka oo dhan Aadam ayeey ka yimaadeen, Aadanna carro ayaa laga abuuray’ (Saxiix).”

“Waxaan kaaga mahad celinayaa dareenka aad I dareensantahay in aan anigu waxba dulmin, dilin, dooxin, balse dadku ay u dareemeen in aan anigu ficiladaas sameeyo. Waxaan doonayaa in aan kuu sheego qof walba oo si khaldan magacayga u isticmaalay in aan maxkamad la horistaagayo, taas oo lugu soo oogayo dambiyadii uu aniga iga galay oo dhan. Maxkamadaas waxaa loo unkay qof walba oo dulman in loogu abaal gudo. Maxkamadaas waxaa iska leh Caadil aan eexda aqoon. Waana, Garsoore aan gafin. Maxkamadaas iyada ah adduunka lagama helo, waxaa laga helaa kaliya aakhiro. Geed gaaban ayaana ugu fadhiyaa, dadka i dulmiyey oo dhan”, ayuu ku soo afmeerey Qabiil Dulman hadalkiisii.

Abdirahman Maxamed (Xiddig)
xiddig@gmail.com

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Blue Nile-ka, Masar (Egypt) & Ethiopia & Saameynta ay ku yeelan karto Soomaaliya! W/Q Cali Sheikh Aadam

$
0
0

Blue Nile-ka, Masar (Egypt) & Ethiopia & Saameynta ay ku yeelan karto Soomaaliya!
Cali Sheikh Aadam
adam783@rocketmail.com
Juunyo 11 2013

Dowladda Masar oo Akhwaanku hoggaaminayo waxay aad uga caraysan yihiin Biyo Xireenka Weyn ee ay Dowladda Ethiopia Ku Sameyesey Webiga Weyn ee loo yaqaano Niilka Buluuga ah taasoo Dowladda Masar ay u tahay lama taabtaan Biyahaa Dowladaha badan ka dhexeeya ama wada wadaagaba welibana wax u dhimi kara wax soo saarkooda, Ethiopiana weligeed wey ku fakiri jirtey iney sameyso Mashruuc Tamar Dhalin ah laakiin umayan hayn Awood ay ku fuliso.

Nasiib wannaag kolkii laga tuurey Xukunkii Dictator-kii Hosni Mubarak ayna Akhwaanku la wareegeen Hoggaaminta Dalka, ka dib Dowladda Ethiopia waxay si dhib yar ah u heshey Saudi Investors oo maal geliya Mashruucaa, Dalka Sacuudigana wuxuu ka soo horjeedaa amaba liddi ku yahay Akhwaan Al-Muslimiinta imminka Talada Masar haya… sidaa ayuuna Mashruucii weynaa sida ugu dhaqsiyaha badnaa loo bilaabey.

Dowladda Masar berigii hore wax welwel kamey qabin in Ethiopia biyo xireen ay ka sameyso Niilka Buluuga ah iyadoo Geeska Afrika ka jirto Dowlad Soomaaliya ah ee Askartu hoggaamineysey oo ay ahayd waqtigaa Ummad Midnimo u wada dhan… 22 kii sano ee burburku Soomaaliya halaagey Dowladda Masar wax tallaabo ah kamayan sameyn sidii Ummadda Soomaaliya loogu gaargaaro ama kaalmo loogu fidiyo dhinaca Carabta & Afrikaba , imminkana kolkii ay ogaatey in biyo xireenkaa weyn ay Ethiopia tamar dhallinta dhaqan galey isla markii waxaa la xusuustey Dowladda Soomaaliya….

Masar waxay dooneysaa iney la tashato Dowladda Soomaaliya isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay u xoogiso DFS dhinaca Military-ga iyo welibana loo wada qabto waddanka oo idil, taasoo aan suuragal ahayn, Ummadda Soomaaliya wey kala tagsan tahay xoogna laysuguma keeni karo wada hadal mooyee! ta kalena, Dowladda Ethiopia waxay ka qayb qaadatey in dib loo soo celiyo ammaanka Dalka Soomaaliyeed welibana Ciidamo fara badanna kaga dhintey dhinaca Koonfurta Soomaaliya..

Waa in laga foojignaadaa Qorshaha Dowladda Masar ay Maslaxadeedda darteed u dooneysa iney la dagaalanto Dowladda aan deriska nahay ee Ethiopia taasoo ay masar ka go,an tahay inay Isticmaasho Soomaaliya welibana heshiis deg deg ah ay la gasho dhinaca tababarka Ciidamada kolkaana ay soo dhoobto Ciidamo gaaraya 10.000/=(Toban kun) oo Ciidan oo soo gaari doona Soomaaliya December-ta innagu soo beegan oo dhowr qeyb qeyb ah loo keeni donna welibana soo degitaankooda laga ilaalin doonno Isha Dadweynaha & Saxaafadda…

Gebagebadii waxaan leenahay Dowladda Masar Ummadda Soomaaliyeed iib ma gasho ta kalena Dhallinyaradeenna Dagaal danbbe u geli maayaan maslaxad dani kuugu jirto. Soomaaliya waxay u baahan tahay in laga caawiyo dhinaca waxbarashada,caafimaadka,waxsoosaarka & Dimuqraadiyadda iwm.

Dowladda Soomaaliyana waxaa la gudboon iney dhammeyso wixii khilaafaad ah ee ay wadaagaan Maamul Goboleedyada Dalka siiba Jubba Land. Ayna ka fogaataa Mashruuca Dowladda Masar waayo haddii ay DFS ay heshiis la gasho Dowladda Akhwaanka ee Masar isla markiiba waxaa sii xumaan doonna Xiriirka Dowladda Sacuudiga & Soomaaliya oo asal ahaanba liita ta kale Masar & Qadarba dani ayey ka leeyihiin Soomaaliya waxayna gelin doonnaan Mahsaakillo aan laga soo kabsan doonin lagana shalaayi doonno haddii aanan laga fiirsan oo aan laga wada tashan. Dowladda Masarna marnaba doonimeyso wax lagu Magcaabo Nidaamka Federaalka ah haddii uu ka dhaqan galo Soomaaliya Danteedii ayaa halkaa ku lumaya sida ay aaminsan tahay Masar.

Dowladda Soomaaliya waa iney ku fakirtaa Dhexdhexaadnimo & deris wannaag isla markaana ayan noqon meel loo soo maro wax u dhimmida Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya.

Ali Sheikh Adam
E-Mail: adam783@rocketmail.com

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Heeryada isaaran Maamulka Masaajidka, hagartii weeye. W/Q Aadam Zaki

$
0
0

Heeryada isaaran Maamulka Masaajidka, hagartii weeye.
Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com
Juunyo 12 2013

Salaaddii jimcaha intaan la galin ayuu asagoo naxdin iyo arga-gax wajigiisa hareeyay soo galay masaajidka Al-furqaan ee ku yaalla Manchester , Boqortooyada Ingiriiska , mid kamid ah maamulka ayuu si gacal doon ah u yiri laba gabdhood oo 10 sano ka yar ayaa la iga qaatay ! wuxuu farta ugu fiiqay nin kale oo isna ka mid ahaa maamulka ‘’wadaadkaas u sheeg’’ , intii ayuu ku yiri , waayahay ayuu si qaboow ugu yiri .

Markii salaaddii laga baxay ayuu inta dhawr ogaysiis sheegay oo ay ka mid ahayd in masaajidka lacag loogu deeqo bacdamaa uu dadka soomaalida ah u adeego , ayuu gadaal ka raaciyay nin baa noo sheegay in laba caruur ah laga qaataye ha loo duceeyo !!

Intaan masaajidka laga kala dareerin ayaan waxaan anagoo dhawr ah dhinac ula istaagnay Wadaadkii dadka waydiiyay Ducada , nin ragga ka mid ah ayaa waydiiyay sheikh maxaad caruurta la qaatay ducada ficil ugu dari waydeen , sidii qof xatooyo lagu caddeeyay inuu inkirana goostay si anfariir ka muuqdo u yiri ‘’ Anigaa , hawshaas waa hawshiinnii adinkaa afka yaqaanna ‘’ mid kalaa hadalkii ku booday oo yiri oo anaga yaad matashaan marka nala yiraahdo maxaan oranaynaa ilaa adinku nooma ogolidiin xittaa inaan magaca Masaajidka ku hadalnee ?Asagoon jawaab ka bixin ayuu dhinaca kale inta u jeestay dhalin yaro meesha joogtay kula balamay inay galabta kubbad kula cayaaraan garoon masjidka hortiisa ah !!

Ninkii maciinka soo mooday masaajidka ee gabdhihiisa laga kaxaystay halistana ugu jira in laga weeciyo jidka toosan ee islaamka , asagoo goradda laa laadinaya sidii qof geeri uusan filayn markaas loosoo tabiyay ayuu isaga tagay masjidkii.

Dhawr Diraacood ka hor ayaa waxaa yimid Helsinki gabar kasoo baxsatay Norway lana soo baxsatay Ilmo 3 bilood jir ah markii laga qaatay 4 kale oo ay dhashay ayay kay nuujinaysay magan satay si qarsoodi ah Finland , maal mahaas waxaa Masaajidka Helsinki yimid Nin kasocday Urur la yiraahdo Kafaalo ( Agoon badan ayuu kafaala qaaday) , wuxuu sheegay si waliba xarago iyo xoog ka muuqato inay garab istaagaan qoysaska laga qaato caruurta ayna kasoo ridaan qolyaha gurta ubadka .

Maamulka Masaajidka ayay laba gabdhood waydiiyeen inay arinta gabadhan baxsadka ah wax ka qabtaan , shida la’aan ayuu wadaadkii ku yiri gabdhihii ‘’Kafaalo iyo qolyahaas waydiiya ayagaa hadda sheegayay inay wax ka qabtaan arimahaas oo kale’’ .

Gabdhihii oo iska niyad jabsan ayaa Mudane Google waydiistay inuu ka caawiyo siday ku heli lahaayeen Telifoonda Kafaalo , dhawr Number ayuu soo dhigay baalkiisa waxay isku dayeen inay la hadlaan kaaliin nasiib darro maalin dhan ayuu mashquul sheegayay kadibna way isaga quusteen.

Dhawr casho kadib ayay qoladii telifoonka lahayd siday ku arkeenba ku sooceliyeen gabdhihii telifoonka waxay u sheegeen sababtay usoo waceen , qofkii gabdhaha lasoo hadlay ayaa ku yiri Masaajidka Oslo waydiiya asagaa arimahaas ku shaqa lehe .

Gabdhihii oo niyadooda intii hartay ay danbaska noqotay ayaa hadana isku dayay inay la hadlaan masaajidka Oslo laakiin waxay kala kuleem jawaab aysan filanayn waxaa lagu yiri ‘’ dadka Nolosha ka dhacay ayaa caruurta laga qaataa ee ma filayno in wax laga qaban karo arintaas ‘’

Dawladda hoose ee Manchester waxay shatiyadii u diiday xafiisyadii (Somali community) wax tar xumadooda ayaana loogu daw galay , Masaajidda uu Alfuraan ka mid yahay ayay dawladdu kala xariirtaa wixii amuuraha bulshada soomaalida looga baahdo , Maamulka Masaajidkuna doorkiisa wali kamasoo bixin oo waxay bulshadu ka doonayso dawladda kalama sheekaystee wuxuu xoogga saaray siduu u aruurin lahaa lacagata ugu badan sidii ladoono ha loo adeegsadee .

Anqaastii Aadam Zaki

Aadan17@yahoo.com

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Viewing all 410 articles
Browse latest View live