Quantcast
Channel: Opinion – RBC Radio
Viewing all 410 articles
Browse latest View live

Digtoor Bashiir Dadkaa u Baahane Dooxiddiisu Dow Maaha. W/Q Maxamed Nuur Shire

$
0
0

Digtoor Bashiir Dadkaa u Baahane Dooxiddiisu Dow Maaha.
Maxamed Nuur Shire
mnuur10@gmail.com
Abriil 24 2013

Digtoor Bashiir Dadkaa u Baahane Dooxiddiisu Dow Maaha, waa qormo aan kaga faalloon doono sida Digtoorku muhiimka ugu yahay dadkiisa.

Digtoor Bashiir waa kuma?

Digtoor Bashiir Axmed Salaad, sanadkii 1957 dii, ayuu wuxuu ku dhashay deegaanka Magaalada Gaalkacyo, waxaana Sheekhu markii uu dabka ka leexday waalidkiis ku dareen dugsi lagu barto qur’aanka Kariimka ah, dugsigaas ayuuna qur’aanka ku dhammeeyey ilaa 2 jeer.

Sheekhu intii uu Qur’aanka baranayey waxaa sidoo kale waalidkiis geeyeen Iskuul dugsi hoose/dhexe ahaa oo duruustu ku bixi jirtay luuqadda Carabiga, waxaana Iskuulkaas uu ka mid ahaa kuwa hoos imaanayey Jaamacadda Azhar. Sh. Bashiir Muqdisho, ayuu u soo wareegay, halkaasoo uu ka sii watay waxbarashadiisii, kaddibna waxa uu noqday Macalin wax ka dhiga dugsiyada hoose/dhexe.

Digtoor Bashiir, Intii uu Iskuulka dhiganayey iyo intii uu macalinka ahaaba, waxa uu Tafsirkaa qur’aanka ka raacan jiray Masaajid ku yaaladay degmada X/weyne, halkaasoo uu darsi ka akhrin jiray Sh. Maxamed Macalin Allaha u naxariistee, waxaana Sheekha sidaas kula taliyey Aabbihiis Axmed Salaad. intaa ka dib Digtoor Bashiir waxaa uu ka mid noqday jamaacadii lagu magacaabi jiray Al-Ahal, iyadoo markii dambena uu ka mid noqday jamaacadii Al-Itixaad Al-Islaami goleheeda dhexe, isagoona madax mar uga ahaa gobolka Banaadir.

Sheekhu wuxuu sii watay waxbarashadiisii, isagoo galay Jaamacaddii Lafoole, kana qalin jibiyey. sanadkii 1984 ayuu wuxuu waxbarasho u aaday jaamacad ku taala dalka Ciraaq, halkaasoo uu ku diyaariyey Shahaadada Master, isagoona ku soo takhakhusay Taariikhda Islaamka.

Muqdisho, ayuu ku soo laabtay, wuxuuna lix bilood wax ka dhigayey Jaamacadda Lafoole, isagoona 1988 dii, aaday dalka Pakistan, halkaas ayuu shahaado kale oo Master ah ku diyaariyey, wuxuuna sidoo kale macalin ka noqday Jaamacad, iyadoona uu mar ka noqday madaxa kuliyadda Xadiithka.

Sheekhu intaas oo dhan waxa uu ka shaqeynayey sidii umadda loo bari lahaa diinteeda iyo dhaqankeeda wanaagsan, iyadoona dadka Sheekha cilmigiisa ka faa’iideystay ayan Soomaali kaliya aheyn ee uu wax ka soo dhigay dalalka Pakistan iyo Malesia.

Sheekhu dalka ayuu ku soo laabtay xiligii Maxkamadaha Islaamiga ahaa ay soo baxayeen, waxaana sanadkii 2008 dii loo doortay guddoomiyaha jamaacada Al-Ictisaam, hal sano ka dibna waxaa loo duubay guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

Dabeecadda Sheekha.

Sheekhu waa nin Xishood badan aad dadka u sharfa, waxaana dabeecadihiisa wanaagsan ka mid ah inuu aad u deggen yahay oo uuna degdeg badneyn.

Digtoor Bashiir wuxuu leeyahay Khibrad badan oo ku saabsan ka shaqeynta diinta, isagoona noloshiisa oo dhan ku soo qaatay barashada iyo baridda shareecada Islaamka. wuxuu kale oo Sheekhu aad u yaqaanaa jamaacaadka Islaamiga ah, isagoona intii uu dibadda ku maqnaa uu afkaar badan wax ka soo ogaaday, qaarkoodna uu wax badan ka akhriyey.

Argtida Sheekha.

Digtoor Bashiir, wuxuu qabaa in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad Muslimiin ah, isla markaasna in la ilaaliyo ay ka mid tahay waxyaabaha ay shareecadu u soo degtay, wuxuuna aragtidaas la wadaagaa Culimada Soomaaliyeed intooda badan.

Mar aan Sheekha la sheekeystay dad kalena ay uga markhaati kaceen, Sheekhu wuxuu qabay in Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee 2006dii, soo baxay dhinacooda wanaagsanaa laga faa’iideysto, balse su’aalo badan la iska weydiiyo, maadaama ayan ku imaanin waddo aad looga soo baaraan degey ee ay iska ahaayeen kacdoon.

Sheekhu waligiis qori ma qaadanin, intii dagaaladii sokeeye dhacayeenna dalka waa ka maqnaa, laakiin waa geesi aan aragtidiisa la gabban, waxaana uu ka mid yahay Culimada in Al-Shabaab qalooc ku jiro horey u aragtay, iyadoona Culimo uu ka mid yahay ay 2008dii Muqdisho ka bilaabeen Muxaadaraad ay waxa khaldan ku iftiiminayeen, sidoo kale waxaa uu qoray maqaalo uu ka mid yahay qoraal cinwaankiisu ahaa ” Colka waraf ma lagu dayay” Halkan ka akhri.

Jawaabo ku socda kuwa Digtoorka Dooxiddiisa u duuban

Maadaama aan Illaahay simin caqliga, cilmiga iyo waaya aragnimada dadka: ayaa waxaa aad u badan dadka ku haliila Digtoor Bashiir, iyadoo waxa loogu dow galay ay tahay ” muxuu u xiran waayey Ookiyaalaha aan xirannahay” haddii aan si kale u dhigana waxaa Sheekha iyo Culimada kale qaarkood lagu haystaa waa” barbarka aan wax ka arko adna ka arag, haddii kale waxaad tahay Sheekh xun” qoraha maqaalkanna wuxuu dadkaas ku leeyahay ” war Digtoorka iyo idinku isku meel wax kama arki kartaan, wuxuu gashan yahay Ookiyaalo ka aragti dheer midka aad wax ku aragtaan”.

Dadkaas aragtida yar ee Sheekha dura, dilkiisana u darban ayaa waxa ay aalaaba cuskadaan arriimo ay ka mid yihiin:-

1- Digtoor Bashiir wuxuu ka soo horjeedaa Jihaadka

2-Digtoor Bashiir wuxuu ku hoos nool yahay AMISOM

1-Diftoor Bashiir wuxuu ka soo horjeeda Jihaadka

Waa eedeyn aad u culus balse aan xaqiiq ku dhisneyn, marka aan isla aragbo bal in wax la cuskan karo ay meesha yaallaan.

Jihaadku waa qeyb ka mid ah diinta Islaamka, waxaana Rasuulku (SCW) ku sheegay inuu yahay baarka ugu sareeya ee Diinta Islaamka, qofkii jiritaankiisa diidana wuxuu kaga bixi karaa moorada Islaamka, maxaa yeelay wuxuu inkirayaa aayado iyo axaadiith badan oo ku soo arooray.

Marka ay qolyahan guriga aan dadka laheyn dhistay ay leeyihiin Sheekhu Jihaadka ayuu ka soo horjeedaa malaha ma dareensana inay ku hadaaqayaan wax diinta loogu baxo oo ay ku tuurayaan Sheekha iyo Culimada kale ee duriddooda Illaah u dhawaasho laga dhiganayo, waxaana waayadan caadi noqotay in qofku uu soo halgaado kalimad ay khatari ka dhalaneyso, isagoo u haysta inuusan waxba bi’inin.

Xalay caawa u ‘ekaa

Haddii qofi yiraahdo Salaadda sidan looma tukado, ama sidan Nabiga looguma saliyo, qofkaasi kama soo horjeedo salaadda, iyo saliga Nabiga (SCW) ee waxaa mudan in laga hadlo qodobada lagugu haysto sax miyaa mise waa lagugu xadgudbay?, taas ayaa dooddu ka furan tahay, balse ma habboona inaad qofkaas dusha u saarto wax uusan aaminsaneyn, maxaa yeelay ka soo horjeedka arrimaha aan soo xusay dhamaantood waa wax moorada looga baxo.

Marka aan soo kufiyo qodobkan: Digtoor Bashiir kama soo horjeedo Jihaadka, kamana soo horjeesan karo ee Eedeeyayaasha ayaan malaha fahansaneyn waxa Digtoorku ka hadleyo, wayna dhici kartaa inay xaqiiqada sidaas ula socdaane ay maaweelinayaan dad ay mar hore been u sheegeen.

2- Digtoor Bashiir wuxuu ku hoos nool yahay AMISOM.

Qodobkan tiir adag kuma taagna, kii isaga ka horreeyey ee aan soo dhaafnayna wax ba kuma dhaamo. sida dad badani la socdaan Digtoorku marka uu Muqdisho joogo hal ama laba wiil oo Soomaali ah ayaa ilaaliya, mana jiro hal gaari oo kale oo la socda, isaga iyo wiilka la socda iyo darawalkiisa halka gaari ayey isugu tagaan, marka ma wiilashaa AMISOM ah? mise gaariga ayey u jeedaan? mise Darawalka Sheekha ee la garanayo ayaa Kampala iyo Bujumbura ka yimid?

Intaas marka laga soo gudbo, sow kan dilkiisa aad ku baaqeysaan!!!!

Sow tan Culimadii ay asaxaabta ahaayeen masaajid gudihiis iyo iyagoo ka soo baxay dad diin sheeganaya ay tooganayaan!!!

In qofku meeshuu ku noolaan karo joogo maxaa ku jaban?!!!!!

Meyeyan qolyaha qurbaha ka qeylinaya qaarkood meelaha AMISOM ka timid ku nooleyn? Mise Minneapolis, London, Nairobi iyo Kampala ayaa Muqdisho ka mudan in lagu noolaado?

Su’aalo isweydiin mudan

Sheekha iyo dadka noociisa ah baahi intee le’eg bay bulshadu u qabtaa?

Intee waqti le’eg ayey inaga qaadaneysaa inaan soo dhisno ashkhaas sidiisoo kale ah?

Wiilasha ugaarsanaya Sheekha iyo Culimada asaxaabtiisa ah ma inoo buuxin karaan booskooda?

Dooxidda Digtoor Bashiir diin ma u gargaareysaa?

Culimadii horey loo dilay maxaa laga faa’iidey oon khasaare aheyn?

Ilaalinta dhiigga Culimada iyo guud ahaan Muslimka diintu waa diiddayee ma mid banneyneysaa timid?

Digtoor Bashiir haddii la dooxo manhajka iyo aragtida uu qabo ma joogsaneysaa?

Ugu dambeyntii: Diftoor Bashiir tan iyo intii uu dab ka leexday wuu tukanayey, salaad walbana waxaa ku jirta in la qiro towxiidka. wuu soomayey. wuu xajiyey. ku dhawaad 50 sano ayuu diintaan ka soo shaqeynayey. isaga iyo inta yar ee la nooca ah in la dooxo dow maaha, diin Illaahna sidaas loogu gargaari maayo. haddii Diinta ay gargaar u noqoneyso in la boqno gooyo kuwii bartay, wax macno ah ma yeelaneyso in la barto, caqliga caafimaadka qaba ayaanna oggolaan karin in indhaha laga rido umadda.

Digtoor Bashiir Dadkaa u Baahane Dooxiddiisu Dow Maaha.

W/Q: Maxamed Nuur Shire

mnuur10@gmail.com

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Sidaan doono hala yeelo Dimuqraadiyadu maaha. W/Q Shiine Culay

$
0
0

Sidaan doono hala yeelo Dimuqraadiyadu maaha
Shiine Culay
shiine.culay@gmail.com
Abriil 26 2013

Sida aan dhamaanteen la wada socono Puntland waxay u hayaantay hanaanka xisbiyada badan, Sheki kuma jiro khilaafna kama taagna in nidaamkaasi ka faa’iido & wax tar fiican yahay nidaamkii hore aynu ugu soo dhaqmaynay ee habka wax qaybisiga beelaha kaas oo awooda siinayey in odayaasha dhaqanku soo xushaan Golayaasha Sharci dejinta ee heer deegaan ilaa heer Baarlamaan halka Nidaamkanki fursad u siinayo muwaadin kasta inuu soo doorto Wakiilkii isaga meteli lahaa.

Wuxuu kale oo nidaamkani fursad siinayaa Siyaasiyiinta ama xubnaha u han qal taagaya inay hogaamiyaan bulshada oo soo fuulaan masraxa siyaasada halka nidaamkii hore uu u dabrayey fagaarayaasha siyaasada odayaasha beelaha & hadba xubnihii ay soo xushaan.

Nidaamka Dimuqraadiyadu wuxuu kale oo sahlayaa sidii Maamulka loo baahin lahaa oo loo gaarsiin lahaa dhamaan Deegaanada Puntland min Miyi ilaa Magaalo min Tuulo ilaa Caasimad taas oo ah mid aan baahi weyn u qabno isagoo ku khasbaya inay markasta dib ugu laabtaan deegaanadii laga soo doortay si fiicana ugu adeegaan Siyaasiyiintu si aysan u lumin taageeradii ay ku lahaayeen bulshada.

Kala aragti duwanaan.

Iyadoo la wada ogyahay faa’iidooyinka Nidaamka Dimuqraadiyada aysana ka taagnayn wax dood ahi hadana Bulshada reer Puntland waxay noqotay kuwo ku kala aragti duwan qaabkii nidaaamkaas loo hirgelin lahaa iyadoo dadka qaarkiis aaminsanaayeen in Xukuumada hada xafiiska joogta ee Madaxweyne Faroole aysan awood u lahayn hirgelinta nidaamkaas ayna ka leedahay dano gaar ah.

Ka shakhsi ahaan (Anigu) waxaan ka mid ahaa kooxihii aaminsanaa in aysan Xukuumadu suurtagelin karayn nidaamkaas aysana haysan wakhti ku filan dadkuna ahayn kuwo u diyaarsan, Waxaana ku bixinay sidii aanu u soo bandhigi lahayn aragtidayda Wakhti, Qoraalo & Doodo mana aaminsanayn xataa inay jirto siyaasiyiin u diyaarsan inay Ururo furtaan oo la tartamaan Ururka Dowladda, Nasiib wanaagse waxaa qabsoomay wax badan oo aanan aaminsanayn inay qabsoomi kareen .

Dooda Ururada Siyaasada & Xukuumada.

Markii la hirgeliyey nidaamka dimuqraadiyada ayna isi soo diiwaan geliyeen Ururo dhowr ah doodii waxay u wareegtay Xukuumada & Ururada Siyaasada iyadoo ay timi kala aragti duwanaan qoloba sida ay la tahay u cabirteen.

Qodobada lagu kala aragti duwanyahay waxaa laf dhabar u ah Diiwaangelinta Dadweynaha, Dhex dhexaadnimada Gudigada Doorashooyinka & Dhismaha Maxkamada Dastuuri ah oo ka garnaqda cabashooyinka ka dhasha doorashooyinka .

Qodobadaasi waxay keeneen in Ururadii siyaasadu ku kala aragti duwanaadaan sida laga yeelayo Arrimahaas Ururada Horseed, Horcad, PDP & Wadajir waxay noqdeen kuwo isku aragti ka ah halka Ururada Midnimo & Udada ay noqdeen kuwo qaba aragti kale.

Ururada Midnimo & Udada waxay soo saareen maalinimadii shalay bayaan ay ku muujinayaan aragtidooda iyagoo shuruudo adag ku xiray sidii ay uga qayb geli lahaayeen doorashada Golayaasha Deegaanka sheegayna hadii aan la fulin qodobadaas inaysan ka qayb geli doonin doorashooyinka loo mudeeyey 30 Jun, 2013 .

Waxaa ka mid ah shuruudaha ay ku doodayaan in la fuliyo :

1:- Diiwaangeli Dadweyne.
2:- Wax ka bedel lagu sameeyo Gudiga doorashooyinka &
3:- Dhismaha Maxkamada Dastuuri ah.

Diiwaangeli Dadweyne.

Doorasho kasta oo dhacaysa in lagu galo diiwaangelin waa mid muhim ah hadii ay suurtageli karayso waxayna wax badan ka tari kartaa hubinta in doorashadaasi u dhacday si hufan & in la ogaado tirada ka qayb gashay dadkii doorashada inay ka qayb qaataan u diiwaan gashanaa hadiise aysan suurtagal ahayn in markaas la sameeyo diiwaangelin maahan wax khasab ah oo doorashooyinka loo baajin karo ama lagu qaadici karo.

Hawlkasta marka ay bilow tahay waxaa hubaal ah 100% in aysan u qabsoomi karin sidii loo baahnaa laakiin waxaa lagu dadaalaa sidii intii awoodaada ah markaas aad u fulin lahayd wixii kaa dhimanaadana aad markii wakhtigu kuu saamaxo u dhamaytiran lahayd.

Diiwaangelin la sameeyaa wakhtigan maahan mid suurtagal ah marka loo eego wakhtiga ka harsan xiligii loo mudeeyey in doorashadu dhacdo, Dhaqaalaha ku baxaya oo ah mid fara badan & Qalabka lagu samaynayo diiwaangelinta oo ah mid aynan haysan Dalkeenana oolayn.

Somaliland waa Maamul arrimaha doorashooyinka ina kaga khibrad fiican waxayna soo gashay 5 doorasho oo dhamaantood shacaku ka qayb qaateen nidaamka dimuqraadiyada Somaliland wuxuu ahaa mid soo taxnaa ilaa sanadkii 2001 .

Doorashadii ugu danbaysay Somaliland oo dhacday bishii 28 Nov, 2012 waxay ahayd doorasho la mid ah tan aynu hada isu diyaarinayno Dadweynaha reer Somaliland waxay ku soo doorteen doorashadaas Golayaashii deegaanka waxaase xusid mudan doorashaas oo ay ku herdamayeen 9 Urur in lagu galay diiwaangelin la’aan.

Dhamaan Ururada Siyaasada & Dadweynaha reer Somaliland waxay jeclaayeen in doorashada lagu galo diiwaan gelin laakiin wakhtiga & dhaqaaluhu ma ahayn mid u saamaxayey markaas sidaa darteed waxay isla go’aansadeen in doorashada lagu galo hadba sidii ay suurtagal ku tahay hadaba maxay tahay sababta inaga inoo diidan in aynu doorashada ku galno diiwaangelin la’aan maadaama aan wakhtigu inoo saamixi karin? Soo kama haboona in doorasho bilaa diiwaan gelin ah aynu galno intii ay ina ka baaqan lahayd?.

Gudiga doorashooyinka.

Gudiga KMG ee doorashada Puntland wuxuu ku yimi habraac sharci ah oo uu jideeyey Dastuurka Puntland & Xeerka Gudiga doorashadu waxayna dhigayaan in la soo dhiso Gudi doorasho oo ku meel gaar ah ayna soo kala xushaan Xukuumada & Golaha Wakiiladu kuwaas oo xilka haynaya ilaa inta laga gelayo doorashooyinka ugu horeeya ee Golayaasha Deegaanka.

Marka ay qabsoonto doorashada ugu horaysa ee Golayaasha Deegaanka waxaa soo xulanay Gudiga rasmiga ah ee doorashada Xisbiyada ku guulaysta doorashada & Xukuumada.

Hada Gudiga haya xilka waxaa la soo dhisay bartamihii sanadkii 2011 waxayna xilka hayeen mudo hada ku siman 2 sanadood iyagoo soo qabtay arrimo badan oo muhim ah, Gudiga doorashadu inay ka noqdaan doorashooyinka dhex dhexaad waa mid iyaga laga rabo, waa tii lagu soo xushay, waa tii ay Kitaabka ugu dhaarteen .

Ururada Siyaasada ee dooda ka qaba Gudiga doorashada waxaa u haboonaan lahayd hadii ay sheki ka qabaan dhexdhexaadnimada Gudiga inay ka doodaan ka hor intii aysan Gudigaas iska diiwaan gelin oo faylashooda u dhiiban .

Hadii ay Ururada UDADA & MIDNIMO ka sheki qabaan dhex dhexaadnimada Gudiga waxaa looga baahan yahay inay keenaan cadaymo muujinaya in aanu gudiga dhex dhexaad ka ahayn Doorashada .

Kordhinta Gudiga Doorashada.

Xeerka Gudiga doorashooyinku wuxuu dhigayaa tirada Gudiga iyo qaabka loo soo xulanayo mana ahan wax sharciga waafaqsan in Urur gaar ah Gudiga Xubno loogu daro waxayse u muuqataa dalabka Udada & Midnimo sidaan doono ha lay yeelo dimuqraadiyaduna maahan sidaas .

Dhismaha Maxkamada Dastuuri ah.

Dastuurka Puntland Qodobkiisa 97-aad farqadiisa 1-aad waxay jidaynaysaa dhismaha Maxkadamad Dastuuri ah oo Puntland yeelato:-

“Dawladda Puntland waxay yeelaneysaa Maxkamad Dastuuriga ah, garsoorayaasheeduna waxa ay ka koobnaanayaan garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo lagu kordhiyo afar (4) garsoore oo bulshada laga soo dhex xula” ku cad farqada 1-aad..

Qodobka 97-aad farqadiisa 3-aad waxay dhigaysaa in 4-ta Xunood ee laga soo xulanayo qaybaha bulshada kana mid noqonaya Maxkadamada Dastuuriga ah ay soo kala xulanayaan Golaha Wakiilada & Golaha Xukuumadu:-

“Afarta garsoore ee bulshada laga soo xulayo, labo ka mid ah waxaa dooranaya Golaha Wakiillada, labada kalena waxaa soo xulaya Golaha Xukuumadda waxaana ansixinaya Golaha Wakiillad” ku cad farqada 3-aad.

Isla qodobka 97-aad farqadiisa 5-aad waxay dhigaysaa in Gudoomiyaha Maxkadama sare uu noqonayo Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga ah:-

“Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa noqonaya Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka” ku cad farqada 5-aad.

Dhismaha Maxkamada Dastuuriga ah sida uu dhigayo Dastuurku maahan mid laga talo gelinayo Ururada Siyaasada sida ay ku doodayaan Ururada UDAD & Midnimo dhamaan Xubnaha Maxkamada, Xoghayaha & Gudoomiyuhuba waxay ka imanayaan Maxkamada sare ee hada dhisan marka laga reebo 4 xubnoo oo soo xulashadooda Dastuurku u jideeyey Xukuumada & Golaha Wakiilada sida ku cad Qodobka 97-aad ee Dastuurka farqadihiisa 1-aad, 2-aad, 3-aad, 5-aad & 6-aad.

Maxkamada Dastuuriga ah waxaa lagu dhisayaa Xeer ay Xukuumadu soo diyaarisay ayna ansixin doonaan Golaha Wakiiladu sida ku cad farqada 10-aad ee Qodobka 97-aad:-

“Xukuumadda ayaa diyaarineysa xeer gaar ah oo lagu qeexayo dhismaha, habka iyo awoodaha Maxkamadda Dastuuriga, waxaana ansaxinaya Golaha Wakiillada” ku cad farqada 10-aad

Ururada Midnimo & Udad waxaa looga baahan yahay inay ogaadaan in Dastuurku u jideeyey dhismaha Maxkamada Dastuuriga ah Xukuumada hada xafiiska joogta, Garsoorayaasha Maxkamada Dastuuriga ah intooda badan, Xoghayana Maxkamada & Gudoomiyaha Maxkamaduna ay ka iman doonaan Maxkamada sare aysana suurtagal ahayn Dacwad ay qaadi weyday Maxkamada sare ee hada dhisan inay qaado oo si ka duwan uga garnaqdo Maxkamada Dastuuriga ah ee la dhisi doono.

Yaa ah Wakiil Dadweyne .

Marar badan waxaad ka maqlaysaa Hogaamiyayaasha Ururada Siyaasada marka ay u qiildoonayaan aragtidooda & go’aankooda inay yihiin wakiil Dadweyne, Bulshada reer Puntland ay rabto sida ay iyagu markaas arrintu ula muuqato.

Yaa ah Wakiil Dadweyne? Waa su’aal u baahan fasiraad sharci, dood & jawaab laakiin marka aad maskaxdaada kaashato oo adigu is weydiiso waxaa kuu soo baxaysa Jawaab aan u baahnayn inaad mudo badan ka fekerto.

Wakiil Dadweyne waxaa ah markaas Xukuumada xilka loo doortay ee haysa ama Xisbiyada (Muraacad/ Muxaafid) ku guulaysta Doorashooyinka oo ka hela codadka Dadweynaha aqlabiyad ku filan laakiin maahan xil qof walbaa sheegan karo ha noqodo shakhsi iska caadi ah ama Siyaasi loolan ugu jira sidii uu bulshada markaas cod uga heli lahaa.

Doorashadu Urur ma u baaqan doontaa.

Dadweynaha reer Puntland waxay u qabaan baahi weyn sidii looga miro dhalin lahaa Nidaamka Dimuqraadiyada ayna u soo dooran lahaayeen Wakiiladii u meteli lahaa Dowladda .

Hadaba waxaa is weydiin mudan hadii ay Ururada qaar qaadacaan doorashada iyagoo u cuskanaya arrimo aan waafaqsanayn sharciga ama doonitaan gaar ahaaneed doorashadu ma u baaqan doontaa?

Doorashadii Golayaasha Deegaanka Somaliland ee dhacday 28 Nov, 2012 waxaa qaadacay inay ka qayb galaan Xisbigii UDUB oo ka mid ahaa 3 da Xisbi ee rasmiga ahaa waxayna codsadeen in mudo 1 todobaad ah la siiyo si ay u soo xushaan xubnihii ugu qayb geli lahaa doorashooyinka maadaama markii hore uu jiray khilaaf iyaga dhexdood ahi.

Laakiin Gudiga doorashooyinku waxay ku gacan sayreen in ay aqbalaan codsiga UDUB taasina waxay dhabada u xaartay in UDUB qaadaco doorashada aysana ka qayb gelin.

UDUB wuxuu soo xukumayey Somaliland mudo 8 sano ah tan & 2002 ilaa 2010 wuxuuna ahaa Xisbi rasmi ah oo sharci ah laakiin codsigiisa ayaa ahaa mid sharci daro ah taasi waxay keentay in uusan doorashooyinkii ka qayb gelin siyaasiyiintii hogaaminayey ururkaasna ay ugu danbayntii ku kala biireen Ururadii kale ee doorashada ka qayb gelayey markii ay arkeen in Tareenka doorashooyinka loo hakin waayey qaadacaadoodiina wax saamayn ah kuma yeelan doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka.

Hadaba hadii ay dhacdo in Ururada UDAD & Midnimo oo ah kuwo ugub horay aan u soo gelin doorasho haysan marna ku guulaysan codka shacaka ay qaadacaan doorashooyinka soo socda ee Golayaasha Deegaanka saamayn ma ku yeelan doonaa go’aankoodaasi doorashooyinka Puntland ? waa su’aal is weydiin u baahan oo ku xiran hadba go’aanka ay ka qaataan Gudiga doorashada & Hay’adaha arrimahaas ku shaqada lihi.

Gebo gebo.

Dimuqraadiyada Puntland waa mid curdin ah una baahan gardaadin si aynu uga miro dhalino himilooyinka shacbigeena qof walba, koox walba & urur walbana waxaa looga baahan yahay inuu ka soo baxo kaalinta kaga aadan .

Waxaan aaminsanahay shaqo kasta oo bilow ahi inay u baahan tahay samir, dulqaad & shaqo badan waxaan kale oo aaminsanahay khilaaf kasta & caqabad kasta oo hareeya geedi socodka Dimuqraadiyada Dalkeena in looga gudbi karo wada hadal & isu tanaasul .

Waxaan ku boorinayaa dhinacyada ku hawlan Dimuqraadiyada Puntland inay doonitaankasta oo shakhisayadeed ama Urur ka horumariyaan himilooyinka & rabitaanka shacabkeena, Waxaana muhim ah in la ogaado Dimuqraadiyadu inaysan ahayn sidaan doono hala yeelo balse ay tahay rabitaanka & dookha shacabka.

Shiine Culay
Follow on Twitte : @Shiineculay Email: shiine.culay@gmail.com

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Kulummada Garowe waxay tijaabo u yihiin saansaanta uu yeelanayo shirka London. W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.

$
0
0

Kulummada Garowe waxay tijaabo u yihiin saansaanta uu yeelanayo shirka London.
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Abriil 28 2013

Maalinkii la doortay madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud ilaa iyo manta inta ka dhex leh waxaa la hadal haayay inuu soo booqanayo Puntland, waxaana jiray warar badan oo is burinaya oo dhammaantood tilmaamayay colaad iyo is-diidsiin madax-weynaha uu ka caga taalaynayay inuu soo booqdo Puntland waliba isaga oo raba, waxaa kaloo madax-weynaha muddo seddex bilood ah ku qaadatay inuu afkiisa soo maro magaca Puntland muddo 4bilood ah oo maalmo la’ , wuxuuna isku dayay inuu iska dhigo nin aan dhab u aqoon khariidadda Soomaaliya.

Scodaalka uu madax-weyne Xasan SHiikh maanta ku tegay Puntland laf ahaantiisa ayaa warareka ka imaanaya Muqdisho qaarkood ay xaqiijinayaan inuu ka dambeeyay ka dib markii uu xoghayaha arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska William Hague oo 25kii bishan aan ku jirno (April) uu soo booqday Muqdisho uu u soo jeediyay inuu madax-weynaha Puntland Cabdi-Raxmaan SHiikh Max’ed (Faroole) ay isa soo arkaan ka hor intaan kulanka London laysugu imaan.

Run iyo Been.. wax kastaba ha la sheego, maqaaladii iyo wararkii madax-weyne Xasan SHiikh uu khudbooyinka ku aqrinayay muddadii gaabnayd ee uu xilka hayay midna ma ahayn wax looga fadhiyay madax-weyne wadankiisu burbursanyahay, dadkiisu kala dhinteen, af iyo addinba lagu wax-yeeleeyay, cadow gudaha iyo dibadaba kaga soo duulay…wali dad badan baa rajo xumo weyn ka muujinaya dhaqanka yaala xarunta madaxtooyada Soomaaliya una arka dib u dhac hor leh muddada afarta sano ah ee soo socota.

Ha qaraaraato, ha macaanaato, waxa haddaadan marna hurayn waxay ku wanaagsanyihiin inaad iska jeclaato! Soomaali waa dadkaagii Allaah baa kaa dhigay (Ninkuu Alle ka dhigay baa nasiib badanee) madax-weynuhu waxyaabo badan oo uusan huri karayn buu isku dayay si qab aan macno badnayn ka muuqdo inuu inkiro oo uu ka soo qaado waxaan jirin, waxaad moodaa inuu ku dhaqmay waxyaabihii suuqyada ay la taagnaayeen dadka war-xumo tashiilka, in badan oo khudbooyinkiisa ka mid ahna waxay u ekaayeen in laga soo min-guuriyay sheekooyinka noocaas ah.

Dareenka noocaas ah iyo xiisadaha ka dhashay waxaa uga sii daray af-hayeenkii barlamanka iyo ra’iisal wazaarihii golaha xukuumadda oo iyagana wax ku soo kordhini waayay talada dowladda,dabeecad ahaan dhaqan mid ah yeeshay, marar badan siyaasiyiinta dowladda qaarkood ay ku dhaliileen inaysan madax-weynaha wuxuu ku gefsanyahayna waxba ka oran karin talana u soo jeedin karayn.

Waxa ugu dambeeyay waxay ahayd arrinta sharaf dhaca ahayd golaha shacabka Soomaaliyeed uu ku sameeyay af-hayeenka barlamanka markii shalay (April27,2013) mooshin ka dhan ah kulankii magaalada Ankara ay ku yeesheen xubno ka socda dowladda federal-ka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay madax-weynaha dowladda Soomaaliya iyo xubno ka socday maamulka Somaliland oo uu hor kacayay Axmed Max’ed Siilaanyo madaxa maamulkaas, waxaana xubno ka tirsan xil-dhbaanada oo taageersanaa mooshinkaas ay sheegeen in af-hayeenka barlamanka uusan waxba joojin laakiin uu fuliyay oo keliya amar laga soo siiyay madaxtooyada.

Waxaa iyadana xusid mudan in af-hayeenka barlamanka Max’ed Cusmaan Jawaari uu mooshinkaas ku tilmaamy mid aan sharci ahayn isagoo aan wax qeexitaan ah ka bixin sababta uu mooshinkaas sharci daro ku noqday iyadoo uu hor yaalo golihii sharci dejinta umadda ee xaqa u lahaa inay go’aan ka gaaraan sharci ahaanshaha go’aankii ka soo baxay shirkaas, waxaana ka muuqday go’aanka af-hayeenka meel ka-dhac barer ah iyo xad gudub uu kula kacay golaha wakiillada shacabka, waxaana dhaqanka noocaan oo kale ah uu horsed u noqon karaa in xubnaha barlamanka aysan ku shaqayn xeerarka golaha u yaala iyo khilaaf dila macnaha golaha.

Socdaalka madax-weynaha uu manta ku tegay Puntland ayaa guud ahaan wararka ka imaanaya gobolka waxay tilmaamayaan in shacabka ay aad ugu han weynyihiin in kulanka mas’uuliyiinta labada dhinac ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah oo meesha ka saara madmadowga siyaasadeed ee tan iyo intii uu madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud xilka qabtay la soo bilowday.

Waxyaabaha ugu weyn ee Puntland ka walaacsantahay ayaa lagu sheegay inay ugu horeyaan inaan haba yaratee madax-weynaha uusan ku dhaqmin dastuurka dalka u yaala, sidaasoo kalana ay madax-weynaha iyo xubno gaar ah oo isaga ku dhowdhow ay aad isugu mashquuliyeen inay shirkado shisheeye ka kireeyaan ama ay ka iibiyaan dhammaan hantida (Premises) ay ka midka yihiin dekedaha, gigooyinka diyaaradaha ee dalka, waxaana hadda inta la ogyahay ay shirkadda Dubai World dowladdu ka kiraysay dekedda Muqdisho, Socdaalkii uu ra’iisal wazaaraha ku tegay Kismaayo waxaa u weyn ee uu u socday waxay ahayd in dekedda magaaladaas iyo gigada diyaaradaha lagu wareejiyo shirkaddaas Dubai World oo ah shirkad laga leeyahay immaaradda Dubai, marka laga reebo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyay dowladda iyo maamulka ku-meel gaarka ee Kismaayo.

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka madax-weynaha ayaa laga filayaa inuu noqdo mid booga dhaya, waxaa laga filayaa inuusan ku ekaan qorshe dibadda looga soo jeexay oo keliya ee waxaa loo baahanyahay in labada mas’uul ee kulmaya ay ku dhowaadaan xaqiiqda wadanka ka jirta, siiba madax-weyne Xasan oo dhaliilaha jira intooda badan isaga wax laga saari karo waxaa laga sugayaa inuu abuuro jawi soo nooleeya kalsoonida uu uga baahnayahay dadka Soomaaliyeed si loo helo himilo qaranimo Soomaaliyeed oo lagu midaysanyahay.

Waxaa shaki la’aan ah haddii labada dhinac ay ku guul darystaan inay si wada jir ah u gaaraan go’aano wax ku ool ah oo looga gudbi karo madmadowga iyo shakiga ku dhex jira ay taasi keenayso in arrimuhu sii fogaadaan, siyaasadda dalkana ay gasho waji cusub oo dib u dhac hor leh ah, waxaana aad muhiim u ah in mas’uuliyiinta labada dhinac ay si fiidhoonaan badan ku jirto maanka ku hayaan inay ixtiraamaan ummadda Soomaaliyeed ee meel kasta cadowgeedii ugu jabtay.

Waxaan rajynaynaa inaan kulankan ama fursadan is-arag ee DF Soomaaliya iyo Puntland uusan noqon mid albaabada u fura muran, khilaaf, iyo kala fogaansho dadka Soomaaliyeed dhexdooda ah, Bara-kacayaasha xalay magaalada Muqdisho daadadka dhex barya iyo kuwa maanta ku kala firirsan dunida daafaheeda iyagoo dacdaraysan ayaa wada hadala Garowe hadda ka furmay ka dhur sugaaya.

SHirka hadda Garowe ka socda ayaa loo baahanyahay inuusan ku koobnaan arrrimaha London looga wada hadlayo iyadoo laga ambo qaadayo in fursadan ay tahay mid aan soo noqonayn hadaan hadda loo gogol xaarin in albaabada wada hadalka ay noqdaan kuwo furan oo lagama maarmaan u ah gaaritaanka iyo soo celinta himilada ummadda ee ah in qaranimmadii Soomaaliya dib loo hanto.

SHirkan maanta Garowe ka bilowday ayaa run ahaantii dad-weynaha Soomaaliyeed iyo dunidaba u noqon kara tijaabo lagu ogaan karo xil-kasnimada iyo rajada laga filayo mas’uuliyiinta maanta hogaanka u haya siyaasadda Soomaaliya, waxaana shaki ku jirin in natiijada shirkan ku dhammaado ay noqonayso midda qiyaas ahaan la filayo inuu ku soo dhammaado kulanka Soomaalida loogu qabanayo dalka ingiriiska maalmo yar ka dib.

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Mudane Madaxweyne Federaalka aan qaadanayno noociisu waxa uu ku qoranyahay Dastuurka lagugu soo doortay. W/Q Mohamed Yasin Isak

$
0
0

Mudane madaxweyne federaalka aan qaadanayno noociisu waxa uu ku qoranyahay dastuurka lagugu soo doortay.
Mohamed Yasin Isak
kajooje@gmail.com
Abriil 29 2013

Dadka soomaaliyeed oo ay haleen dagaalo dokeeye oo daba dheeraaday waxa ay in mudaa caloosha ku hayeen oo naawilaayeen, in ay ka bixidoonaan xasilooni darada halakaysay dhinacyada kala duwan ee noloshooda, shacabku waxa ay markasta alle ka baryayeen in uu dawlad Soomaaliyeed siiyo.

Haddaba markii dawladaii la helay waxaa lagamamaarmaan noqotay in laga fakaro in ay noqoto dawlad sal adag si aysan u dhicin wixii shala (1991) dhacay, waxaana arinta laga eegay dhan kasta.

Aqoonyahankii, siyaasiyiintii, waxgaradkii iyo noockasta oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah iyo xataa beesha caalamka, waxa ay ula muuqatay in habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya qaadan karto uu yahay nidaamka Federaalka.

Markaas kadib ayaa la go’aansaday in dawladaas fedaraalka ee imandoonta loo diyaariyo dastuur ay ku shaqayso,lagu soo doorta madaxdeda kalana xaddida dadka Soomaaliyeed, waxaa loofariistay qoraalkii dastuurka, waxaana qoridii dastuurka ku yimid caqabado badan waxa uuna maray marxalado badan, alle mahadi waa lagu guulaystay in la qoro dastuurka wadanku yelanayo.

Madaxweyne Xasan Sh:Maxamuud waxaa lagu soo doortay tastuurkaas, waxaase layaab igu noqotay labo arimood oo madaxweynuhu caadaystay in uu dhaho marka uu warbaahinta ka hadlaayo.

1- Waxaa uu dhahaa madaxweynuhu federaal noocee ah ayaan qaadanaynaa?
2- Soomaalidu ma taqaan nidaamka federaalka.

Marka mid waa macquul soomaalidu mataqaan federal ee halabaro waa macquul, taa oo aan qaadanayn waxbadan, laakiin waxaa layaab iyo lama filaan ah in madaxweynuhu dhaho xilligaan federaal noocee ah ayaan qaadanaynaa?

Marka federaalka laqaadanayo noocuuyahay ma tastuurka ayuuna ku qornayn mise madaxweynaha ayaanba aqrin wali tastuurka lagu soo doortay?

Waxaan qormadaan gaaban ku soo gabagabaynayaa Mudane madaxweyne federaalka aan qaadanayno noociisu waxa uu ku qoranyahay dastuurka lagugu soo doortay ee asaga tixgali si uu u hirgalo heshiiskii dadka Soomaaliyeed isku af-garteen.

Maxamed Yasin Isaxaaq
kajooje@gmail.com

=================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Aduunyo. W/Q Abudullahi Abbas Yusuf ”Abwaan Madani”

$
0
0

Aduunyo
Abudullahi Abbas Yusuf ” Abwaan Madani”
xuubsireed2025@gmail.com.
Maajo 02 2013

Bismillaahi Raxmaani Raxiim.

Allaha weyn oo 99ka magac u sugnaatay, aduunyo iyo waxa ku dulnool, Aakhiro iyo waxa ku hoos nool,Maqane, Jooge, Noole iyo manoolaba maamula ayaan marka hore u mahad celinayaa, Allaha, ii sahlay in aan curiyo Maansadaan soo socota ee quruxda badan Maash alllaah intaas kadib.

Akhristayaasha shafarta leh, Halkaan caawa haddii alle waxaan idiin ku soo bandhigayaa Gabay aan uuu magacday daray ” Aduunyo” gabaygaan oo runtii ah mid wax yaabo badan oo murti iyo xigmadba isugu jirta ka hadlaya , waxaad kusoo xasuusan doontaan dhibta hadda jirta iyo aduunkaan oo ah mid iska magac u yaal ah.

Gabaygu wuxuu ku qotomaa xaqiiq jirta oo aan in badan ka fakarayey cid qarin kartaana aysan jirin. Jawaab kale oo aan ka bixiyo waan garan waaayey suugaan ahaan in aan uga jawaabo maahane,

Gabaygaygaan ” Aduunyo” waxaan u adeegsanayaa luuqad aad u heer sareysa oo naxwe ahaan macne sare xammaarsan ama ku dhisan dhaqankeena iyo dhibta mar xaladaha kala duwan leh oo aan soo marnay haddeerna aan wali ku dhex jirno insha allah kariim.

Akhristayaal, waxaan ka cudur daaranayaa hadii gabay uu taabanayo meelo aan dadka qaarkiis jeclaysan fadlan ha u fahminina ujeed gaar ah, waxaana jirta oo aana idiin caddeenayaa runta in la sheego waa muhiim.

Sababtii ugu weyn oo igu kaliftayna waxaadka fahmi doontaa miraya iyo macnaha gabayga iyo waliba luuqadda aan isticmaalaayo insha allaah mudanayaal iyo marwooyin mar labaad waad mahadsan tihiin dhamaantiin.

 

Aduun yadaan dhabaaleey sayee dharaq dayoo xiintay,

Aduun yadaan dhagaa tigi furtoo dhigihi loo xooday,

Aduun yada’tan dheeligu galoo dhinac u liicaysa,

 

Aduun yadaan dhalaalkii batoo noqotay dhaash dhaashka,

Aduun yadaan dharaar lagu socdiyo dhixitin loo’joogo,

Aduun yada’tan dhalan teedka ahe layska dhimanaayo,

 

Aduun yada’tan dhaqankii horiyo odeygi dhaanteeyey,

Aduun yadaan dhaqmaad laga tagoo dhowrsan laga faano,

Aduun yadaan habrihi aan dhalay dhalin yartii guursan,

 

Aduun yadaan ninkii dhaanka waday dhacayo moobeelku,

Aduun yadaan ninkii dhoowr sanaa lagu dhaleeceeyo,

Aduun yadaan ninkaan dhagar lahayn dhabarka loo saaray,

 

Aduun yadaan dhibtii bada’tayoo nabaddi loo dhaartay,

Aduun yadaan ninkii dhiiranaa dilayo dhaan dhaanku,

Aduun yadaan ninkii dhiiga qabay dibadda loo dhoofsho,

 

Aduun yadaan dhabcaalkii batee noqotay dhuun raaca,

Aduun yadaan dhagxaantii la cunoo dhuuni laga raadsho,

Aduun yadaan la dhoofshoo dhirtii dhuxusha loo qaatay,

 

Aduun yadaan agoontii la dhacoo dhaxalkii loo diiday,

Aduun yadaan ninkii dharagsanaa lagu dhaqaaleeyo,

Aduun yadaan dhur waagii la cunoo dhidar xalaaloobey,

 

lama dheehan karayoo ninkii dhowrta waa dhumine,

Raggaan dheesha tumayoo aduun idinka dheereeye,

Idhagaysta talo dhiiran baan idin dhahaayaaye,

 

Naftu maalintay kaa dhacdoo dhinac ilaah joogto,

waa lagaa dhaqaaqino qabraa lagu dhigaaayaaye,

dhaqaa lahaad lahayd oo dhanbaan dhibic ku raacayne,

 

Dhalaan kaad dhashiyo waalid waa kala dhumaysaane,

Dhex yartaad jeclayd baa nin kale dhaxal sugaayaaye,

Dhalasha kuwii kuu xigaa xiran dharkaagiiye,

 

Adiguna dhakh’saad helin dhambaal aan dhayal ahayne,

Camalkii aad dhigataa qabriga kuugu soo dhicine,

Dhalan’teed hadii uu ahaa waa ku dhibayaaye,

 

Asagaa dhim bilihiyo ka daran dhuub lagaa jaraye,

Ninkaan’diinta dhigan waa dhadhamin dhamacdi naareede,

Dhagta fura dhambaal’kaani waa dheef ninkii garane.

Fadlan: Fiiro Gaar ah, ilaali xuquuqda qoraalka, lamana xadi karo waana hanti ma guurto ah, waxaana iska leh Gabaygaan, Mudane Abudullahi Abbas Yusuf ” Abwaan Madani” qof sheegan kara oo kale ma jiro laakiin waxaad u fasaxan tihiin in aad isticmaashaan hadii aad u baahataan waxaase shardi ah inaad raacisaan ama sheegtaan Abwaanka ama mu’alifka magaciisa insha allaah. mahadda 1aad allaa leh, dhamaantiina mahadsanid mar labaad.

 

=================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Mabaa’diida Afarta ah ee Badbaadisa Aadanaha. Q 3aadW/Q Cabdirahman Maxamed (Xiddig)

$
0
0

Mabaa’diida Afarta ah ee Badbaadisa Aadanaha
“Aadmiga Manida Laga Khalqaye Madaxa Taagaaya”
Abdirahman Maxamed (Xiddig)
xiddig@gmail.com
Maajo 03 2013


Q. 3aad

Alle wuxuu inoo sheegay aadanaha oo dhan in ay baadi iyo khasaaro ku suganyahyihiin. Xaqiiqdu waxay tahay, haddii loo kuurgalo aadanaha, in la arkayo dhinac walba in uu khasaaro kaga suganyahay haddii ay noqoto: heer caqiido iyo heer caqli, heer maarayn iyo heer maamul, heer fakar iyo heer ficilba. Bal, haddaba fiiri, si aad u yaqiinsatid khabark Alle, sifooyinka aadanaha kuwooda xadgudbay qaar ka mid ah.

Waxaa ku jira aadanaha nin ku talaxtagay aduunyada oo aan garaneyn ujeedka loo abuuray. Maqsuud wuxuu ku yahay in uu seexdo oo uu soo kaco, ka dibna cuno oo uu cabo. Waxaa ku jira aadanaha mid intuu jahwareeray xitaa inkiraya jiritaanka Alle. Awooda Alle maba aqoonsanaba. Haddii la waaniyo oo runta loo sheego iyo haddii aan la waaninba waa iskugu mid. Wadada khaldan oo qaloocan ayuu ka doorbiday wadadii xaqa ahayd oo uu Alle inoo qeexay. Waxaa ka mid aadanaha mid ku doodaya in uu daanyeero ka soo farcamay. Waxaa caajis galiyay cilmigiisa gaaban. Waxaana ku adkaatay aragtidiisa in uu wayneeyo. Waxaa ku jira aadanaha kuwa dabka caabudaya diinna ka dhigtay. Dabka ayeeyba u haystaan balo iyo barwaaqo in uu sababo. Waxaa ku jira aadanaha kuwo caabudaya xoolaha sida lo’da oo kale. Iyagoo u haysta lo’du in ay arsaaqdo, aaranna u horseedo. Waxaa ku jira aadanaha kuwo ragoodii dumar iska dhigtay, dumarkoodiina rag iska dhigtay. Waxaa ku jira aadanaha kuwo xuquuqdii dadku ay lahaayeen, xayawaanka siiyay, xuquuqdii xayawaanku uu lahaana dadka siiyay. Waxaa xataa ku jira kuwa doonaya in ay sinji rogaan abuurka Alle oo jirkooda jeexjeexaya midabo kala jaan ahna ku xardhaya. Intaas iyo kuwo ka sii daranba waxaa laga helaa aadanaha.

Aadmiga manida laga khalqaye madaxa taagaaya,
Oo maxalka hooyadii sagaal Mowla ku illaashey,
Mugdigaana lagu quudiyaan maara loo helin e’,
Usagoo maxiin ehe muttuxan magacna aan heysan,
Inuu marinka Eebe u yasiray waaba moogyahay e’,
Nin mardaadiyoo shaarubada kor u maleegaabaa,
Inuu mowd dhadhamiyaye waa laga ma maarmaan e’,
God madow inaynu u qodnoon mara ku duuduubno,
Oon madaxa ciida u dhignaa Mowlaheey qoray e’,

Wax is moodde laakiinse waad mala habaawdaan e’,—- Abshir Bacadle AUN

Aadanaha xadgudubkaas sameeyay haddii uu xusuusin lahaa Aakhiro, oo uu isu xisaabin lahaa si xilkas ah, waxaa u soo bixi lahaa xaqiiqda waxa laga abuuray iyo sida ay xilkasnimo u yihiin, waxaana macquul ahaan lahaa xaalkooda in uu isbadalo. Alle isaga oo wacdi iyo waano ku saabsan abuurkooda u soo jeedinaya aadanaha wuxuu yidhi, “Ha fiiriyaan dadku waxa laga abuuray. Waxaa laga abuuray Biyo booda. Kana soo baxa Dhabarka iyo laabta dhexdood. Alle wuu awoodaa soo celintooda” (Daariq 5-7). Alle wuxuu ku manaystay dadka maskax nuurka u muujisa iyo jir quruxbadan oo ay ku xaragoodaan. Waxaa dadka la siiyay maamulka dunida loona adeejiyay noolaha noocyadiisa kala duwan.

Ugu dambayntii, haddii la xisaabsho tirade dadka dunida ku nool, waxaa la yidhaahdaa in ay yihiin 7 bilyan oo qof. Dadka Muslimiinta tiradoodana waxaa lugu qiyaasaa 1.6 bilyan. Waxay ka yihiin 23% dadka adduunka ku nool. Waxaa laga yaabaa dadka sida fiican diinta u fahansan in ay ka sii yaryihiin intaas. Alle wuxuu si tifatiran u tilmaamayaa xaalka aadanaha ku suganyahay kuna sugnaan doono.

F.G:

Qoraalkan waa qoraalkii saddexaad ee ku saabsanaa Mabaa’diida Afarta ah ee Aadanaha Badbaadisa. Qoraalado waxay ku salaysanyihiin casharo laga baran karo Suratul Asr.

Qoraaladan dulucdooda iyo danta laga leeyahay waxaa fahmi kara kaliya qofkii la socday qaybihii hore.

Labadii qoraal ee hore iyo qoraalkanba waxay hordhac u yahiin afarta Mabaa’di ee ku xusan Suratul Asr. Inshallaah qoraalka xiga qoraalkan wuxuu guda gali doonaa dulucda, ubucda iyo nuxurka ee uu ku socdo maqaalka. Sidaas iyo la socod wanaagsa

QEYBTA 1AAD HALKAAN KA AKHRISO

QEYBTII 2AAD HALKAAN KA AKHRISO

=================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Puntland khibrad ku filan wey heysataa! W/Q Farah Warsame

$
0
0

Puntland khibrad ku filan wey heysataa!
Farah Warsame
Bile1971@hotmail.com
Maajo 04 2013

Puntland khibrad dowladnimo oo 15 sano ka badan ayay wadataa. Cidna ma khaldi karto!.

Faarax Warsame

Waxaa Garoowe gaaray Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sh Max’ud. Sida la sheegayna booqashada Md Xasan waxaa lagu macneeyay sidii uu Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ugala hadli lahaa shirka ka dhacaya London oo maalmo kooban uun ka harsan yihiin.

Tegista Garoowe ee madaxweyne Xasan ayaa u muuqata in ay ku timid labo arrimood mid uun. Midda hore ee loo badaniyo ayaa ah in dowlado shisheeye kula taliyeen in u booqdo dowladda 3-aad ee Soomaaliya ka jirta marka laga reebo tan Muqdisho & tan Hargeysa. Dowladdaas oo ah Puntland in uu kala hadlo arrinta shirka London, lasoo tashado, waxna meel isla soo dhigaan. Iyo in uu qaab siyaasadeed uu doonayo in uu wax ku khaldo ama ku dhex-qarinayo ay ka tahay si uu adduun-weynaha uga gado in uu booqday maamul Soomaaliya ka tirsan dowladdiisa federaalkana hoos yimaada lana soo tashaday, taladoodana ku socdo, sidaana uu ugu doodo shirka London haddii ALLE idmo.

Intiinii dhageystay shirkii jaraa’id ee labada madaxweyne Xasan & C/raxmaan ay ku qabteen Garoowe, waxay noo sheegeen in dhowr qodob la isku fahmi waayay. Dhowr-kaa qodob ee la isku mari waayay ayaa ahaa xudunta wada-hadaladii Garoowe. Waxayna kala ahaayeen, dhismaha maamul goboleedyada, ilaalinta dastuurka dalka & qaabka looga qeyb galayo shirka London.

Qodobadan ayaa labo kamid ahi khuseeyaan arrimaha gudaha halka midda saddexaad uu ku saabsan yahay siyaasadda dibedda inkastoo waxa isla qodobkaa looga hadlayo ay yihiin arrimo gudaha ku taxaluqa. Qodobkaa Shirka London aayaan wax ka oran doonaa anigoo dulmari doona arrimaha dastuurka federaalka.

Haddaba su’aalaha dad badani ka shanqariyeen ayaa ah, Maxaa la isku heystaa? Muxuuse dastuurku ka yiri arrimaha muranka keenay. Si aad u fahanto cidda sharciga ku taagan, waxaa muhiim ah in aad wax ka ogaato waxa sharcigu (dastuurka) ka qabo arrimahan.

Aan ku hormaro midda ku saabsan maqaamka ay Puntland ay ku yeelanayso marka ay dhacayaan shirar soomaalida loo qabanayo iyo waxa dastuurka federaalku u sharciyeynayo maamulka Puntland & kuwii kale ee gadaal kasoo dhisma.

Qodobka 53aad ee dastuurka federaalka kana hadlaya wada-xaajoodyada Caalamiga wuxuu leeyahay:

1) Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.

2) Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawlad-goboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

(3) Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeeduna ka muuqdaa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

Qodobka 54aad ee kala qaybinta Awoodaha wuxuu isna sharaxayaa:

Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Dawladda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo: A) Arrimaha Dibadda; B) Difaaca Qaranka; C)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso dowladda federaalka.

Haddaba qodobadaa markaad u fiirsato waxaa kuu soo baxaya in la doonayo in dowladda federaalku ay wadatashi kala yeelato maamulada federaalka marka ay timaaddo arrimaha wadaxaajoodyada caalamiga ah ee ay dowladda federaalku galeyso. Sidoo kale wakiilo ka socda maamul-goboleedyada ku weheliyaan wadaxaajoodyada iyo sidoo kale waa in dowladdu u muuqataa mid ilaalineysa danaha dowladaha xubinta ka ah federaalka.

Intaba dowladdu waxay dooneysaa in ay ku tumato. Tusaale faqradda 1-aad ee qodobka hore, dowladda federaalka waxay isku dayeysaa in fikradaheeda ku khasabto wadahadalada ay dowlad goboleedyada la geleyso, iyadoo iska indha-tireysa talooyinka ay Puntland soo jeedineyso. Marka aan Puntland leeyahay waa maamulka keliya ee sida sharcigu qabo u dhisan, waa maamulka keliya ee sharciga dabakhaya, waana sababta keentay in shirka London lagala xaajoodo Puntland oo keliya marka laga reebo Somaliland oo iyadu gooni-u-istaag iclaamisay. Sidoo kale xubinta ku xigta ee ah in dowlad goboleedyadu kaabaan ama ku weheliyaan wada-xaajoodyada si ay talada iyo go’aanada wax ugu yeeshaan, ayaysan dowladdu diyaar u aheyn sida muuqata. Marka la leeyahay waa in kaabaan taa macnaheedu waxaa weeye in go’aanada & talooyinka wax ku yeeshaan oo talada dalka lagu dhaqayo dowladda federaalka oo keliya go’aan kama gaari karto sida halkaa ku cad. Isla qodobkaas qeybta ugu dambeysa ee ka hadleysa ilaalinta danaha dowlad-goboleedyada dowladdu uma muuqato mid diyaar u ah in ay fuliso. Waxaana kuu caddeynaya dowladda oo isu aragta in ay tahay dowlad dalka oo dhan ka talisa, awwooddeedu baahsan tahay, ammaradeeduna ay gaarayaan meel walba oo soomaaliya ka tirsan. Shacabka soomaaliyeed & adduunweynuhuba waxay ka warqabaan in dalku awoodo kala duwan ka taliyaan, sidaana ahaanayeen in ay kasii xoogeystaan mooyee.

Isla qodobkaa 53-aad ee ka hadlaya wada-xaajoodyada caalamiga wuxuu sii sharraxay wadaxaajooyada laga hadlayaa waxa ay yihiin. Haddaad eegto wada-hadalada London waxaa ku jira sida lasii sheegay kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada iyo arrimo kale oo muhiim ah. Markaa Puntland waxaa khasab ah in dowr muhiim ah ay ku yeelato shirka London looguna talo galo sidaa, haddii kale ay ka maqnaato.

Qodobka xiga ee 54-aad wuxuu si cad u sheegayaa awoodaha ay dowladda federaalku leedahay oo ay kamid tahay arrimaha dibedda. Waa halkaa meesha dadka qaska wadaa ay dadka ku jaha wareeriyaan. Macnuhu waa in ay arrimaha dibedda dowladda federaalku u metesho guud ahaan Soomaaliya (Maamulada federaalka oo dhan marka ay soo dhameystirmaan), sida shirarka dowladaha shisheeye oo haddaba ay dowladdu u matasho sida kan hadda ugu dambeeyay ee ay Fowsiya – Wasiirka Arrimaha dibeddu ugu ambabaxday Itoobiya. Taa macnaheedu ma ha in wada-xaajoodyada soomaalida khuseeyaa sida kan London ay dowladda u matali karto maamul-goboleedyada.

Maxaysan dadku fahansaneyn? Maxayse shacabka Puntland doonayaan?

Kuma noqonayo awoodda Puntland u saamaxeysa in ay shir-walba oo arrimo muhiim ah oo gudaha ku saabsan looga wada hadlayo in ay goob-joog ka ahaato oo taa sidaan soo sheegay dastuurkaa u fasaxaya. Waxaa rabaa in aan qeexo waxa Puntland ay tahay dadka qaar aysan fahansaneyn ama inkiraad kala yimaadaan mar walba.

Dowladda Puntland waxay matashaa shacab, dhul & maamul. Markii madaxdeeda la doortay waxay ku dhaarteen in danta dalka & dadka u adeegayaan. Waa adeegayaal shacabku dirsaday, shacabkuna sidaa ayay u doonayaan in loogu shaqeeyo. Sidaa darteed sida uu qeexayo faqradda 3-aad ee qodobka 53-aad, Dowladda Federaalka waa in ay ilaalisaa DANAHA dowladda Puntland.

Shacabka Puntland waxay doonayaan in awoodda Puntland ay ku dhex leedahay Soomaaliya sida ay u muuqato u jirto. Go’aanadeeda & taladeedana ay u madax banaan tahay oo aan lagu dhex qarin ajandooyin gurracan oo dad gooni ah ay wataan. Tusaale arrimaha awood-qeybsiga ama wax-wada-qeybsiga soomaalida dhexdeeda, Puntland waa in ay goobjoog ka tahay shirwalba, dadkeedana u matasho.

Sidoo kale shacabka Puntland waxay doonayaan in dastuurka dalka u yaal lagu dhaqmo, ayagoo u arka in ay tahay habka keliya ee la isugu soo dhawwaan karo, talana loo wadaagi karo.

Marka cidda dooneysa in ay ka hortimaaddo waxa shacabka Puntland doonayaan waa dad ujeeddo gaar ah leh, doonayana in shacabka soomaaliyeed mar kale iska hor-keenaan. Taana suurto-gal maaha oo shacabka soomaaliyeed waxay sameysteen nidaam kala haga adduunweynuhuna uu ku taageeray kuna ictiraafay. Markaa ciddii ka hortimaaddaa waxaa hubaal in seeftu iyada la tageyso, oo waxaa dhammaaday isu yeerintii & kali-talisnimadii ay soomaaliya soo martay .

Muxuu yahay xalku marka?

Xalku waa in aan la is indho-tirin, oo waagici-ga jira loo yimaado. Dalku dastuur ayuu leeyahay ha xumaado ama ha samaado, soomaali ayaa sameysatay iyada ayayna u taallaa sidii ay ka yeelayaan mustaqbalka haddii ay afti wax-ka-badal u qaadayaan iyo haddii kale. Sidaa darteed Puntland & maamulkii kale ee dhisma, wuxuu dalka ku leeyahay xuquuq sharcigu siinayo, cid duudsin kartaana aysan jirin. Dastuurna waxaa lagu badalaa afi-dadweyne (referendum) ee inta qol lala galo wax lagama badali karo. Haddii la isku dayo-na waxa aad badashaan waa nuqul gacanta idiinku jira, ee ma aha kii sharciga ahaa ee Soomaalida kale & adduun-weynuhuba heystaan.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa Puntland khibrad ku filan xagga maamulka dowladnimo ayay heysataa, cidna ma khaldi karto. Haddii ay dulqaad ka muujiyeen dhibatootyin badan oo loo geystay taa macnaheedu ma aha in wax walba loola iman karo. Waxaan marka oranayaa mar haddii xaal sidaa yahay waa in la fakaro, lana taxadaro, khaasatan waxyaabaha keeni kara in dalku sii kala furfurmo. Maanta goosashada Somaliland ayay dadku la yaaban yihiin. Haddaan caqligu shaqeyn, weliba madaxda soomaaliya horboodeysaa aysan sharciga u hoggaansamin waxaa iman doonta maalin aan u kala sheekeysanno imaarado yar-yar oo qabaa’ilo kala duwan oo soomaali ah daggan yihiin kana taliyaan.

Wabillaahi Towfiiq

Farah Warsame
Melbourne, Australia
Bile1971@hotmail.com

==========================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dabaqadda Aragga. W/Q Cabdullaahi Janno

$
0
0

Dabaqadda Aragga
Cabdullaahi Janno
Claahijanno@gmail.com

War kaas aniga laxna kuma aamineen,” ayuu lahaa Oday fadhiyay maqaaxi laga shaaheeyo, “tolku way ku qasaareen. Cadowgiisa ma yaqaanno. ”

Waxaa isla markaasna soo galay nin Saalax la yiraahdo.

Waa doqonkaan oo kale,” ayuu yiri Odaygii, “kanna cadowgiisa ma yaqaanno.”

Adeer hee? Maxaad galabta igu maagtay?” ayuu la soo booday Saalax oo qoslaya.

Aabbahaa dhanna kama aadan raacin,” ayuu yiri Odaygii, “wuu kugu qasaaray.”

Saalax wuxuu dalbay labo koob oo shaah ah. Midna isaga ayaa loo keenay, midka kalena wuxuu u dalbay Odaygii.

Alleylehe dhanka garashadase waad ka raacday,” ayuu yiri Odaygii oo shaahii afka la aadaya, “casariyo waan u baahnaa galabta. Laakiin sida kale wuxuu aabbahaa ahaa nin cadowgiisa yaqaanna, tolkiisana u hiilliya.”

Horta adeer xaqa ayaa hiil u baahan,” ayuu yiri Saalax oo kabanaya shaahii, “xaqana uunka Ilaah u wada siman—sokeeye iyo shisheeyaba.”

Bal eega! Bal eega!” ayuu la soo booday Odaygii, “soo idinma oran waa doqon?!”

Saalax wuu muusooday.

Adeer galabta bal hal arrin iga yeel,” ayuu yiri Saalax. “Noloshaada inay isbeddesho la arkee.”

Waxaa uu Saalax jeebka kala soo baxay ookiyaale.

Adeer, hoo,” ayuu yiri Saalax, “gasho.”

War wiilyahow da’ baan ahayee,” ayuu yiri Odaygii, “ma haddaad rabtaa inuu aragga ii soo noqdo oo aan minyaro afaraad raadiyo.”

Waxaa qoslay Saalax.

Horta ookiyaalahaan waa kii qabyaaladda,” ayuu yiri Saalax, “bal gasho!”

Odaygii wuxuu gashtay ookiyaalihii—oo isku toostoosiyay.

Haye, adeer,” ayuu yiri Saalax, “ii sheeg: maxaad aragtaa?”

Waryaa hee,” ayuu yiri Odaygii, “waryaa hee illeyn ragga aan tolka u aqiinnay illeyn qaarbaa cadowga la safan. Illeyn aniga ayay iga jiraan. Bal daya kanna. Illeyn midkan aynu isku hooyada nahay waa abees hoosta iiga jiro. Oo ninku illeyn waa cadow jecel jabka qabiilkeyga. Waryaa illeyn Soomaalidu waa wada cadow. Oo jufadeyda ayay shirqool u maleegayaan. Oo kaalay beesha caalamka maxay ula soo raagtay gargaarkii daawada iyo cunnadii? Bal car yaa kursiga ku fadhiisto aan aheyn jufadeyda! Alla! Alla! Bal arka ninkan la yiri qabiil ahaan ayuu ku raacay Musaylamatul Kadaab isagoo isla markaana qabiil ahaan ku beeniyay Xabiibkii Ilaah—calayhi salaatu wasalaam.”

Ookiyaalihii qabyaaladda ayuu Saalax ka bixiyay Odaygii.

Adeer maxaad dareentay?” ayuu yiri Saalax.

Waxaan laabta ka dareemay ciriiri,” ayuu yiri Odaygii oo neeftuuraya, “iyo cabsi. Iyo naceyb. Iyo xasad. Iyo waalli. Iyo sas. Iyo shareysiga qabiillada kale. Waxaan galay xintan hoose iyo xasad. Waxaan ku faanay qabiil; waxaanse ka xishoon waayay inaan beesha caalamka gacanta u hoorsado. Waxaan ku faanay geesinnimo; dumar iyo caruurna gacanteyda ayaan ku qixiyay. Waxaan u dagaallamay kursi; Soomaali weyn iska dhaafee qabiilkii aan ka dhashay ceel biyo ah uma qodin. Waxaan un dareemay inaan ahay qasaare-u-joog.”

Waxaa muusooday Saalax. Oo intuu ookiyaalihii hore jeebka ku celiyay ayuu jeeb kale kala soo baxay ookiyaale kale.

Bal kanna gasho, adeer,” ayuu yiri Saalax, “waa ookiyaalihii urur diimeedka. Iina sheeg: maxaad aragtaa?”

Koox hebel iyo koox hebelba waa cadow,” ayuu la soo booday Odaygii, “sunnadii Nebiga iyo asxaabtiiba annaga ayaa ku taagan. Waa in laga dhammeeyo Soomaaliya. Oo la xaalufiyaa. Waa fitno ku dhex jirto bulshada. Waa inaan u diidnaa inay ku soo biiraan maamulka. Alle idin jebi, oo xooggiina ha naaqusiyo. Nebciyaa. Wallee waa keenii u danbeeyo reerka. Waa inaan dhallinyarada idinku diraa oo aan ceebihiina un sheegsheegaa—libtiinana aan xaqiraa ama dafiraa.”

Haddaba iska bixi ookiyaalaha kooxeysiga,” ayuu yiri Saalax, “maxaadna aragtay?”

Odaygii oo neeftuuraya ayaa iska bixiyay ookiyaalihii urur-diimeedka.

Waxaan arkay wadaaddadii,” ayuu yiri Odaygii, “oo kooxo kooxo isku xulafeysanaya. Oo is-neceb. Is-haruufaya. Is-habaaraya. Is-xasdaya. Midba midka kale jabkiisa ku farxaya. Shirqool isku maleegaya. Kursi iyo maamulna u tartamaya. Oo intaas la baxayo magacyo ururo diimeed—oo misana sii kala jabaya, oo xukun u sii tartamaya, oo isku jihaadayo.”

Maxaad dareentay?” ayuu yiri Saalax.

Jah-wareer,” ayuu yiri Odaygii, “iyo niyad-jab. Dhalasho waa lagu kala tegi karaa—laakiin haddii towxiidka laysku walaaleysan waayo xaggee ka danbeyso oo laysku walaaleystaa?”

Bal ookiyaalahan saddexaadna gasho,” ayuu yiri Saalax, “waa ookiyaalihii Muslimka.”

Odaygii markaan wuu aamusay. Oo cabbaar shibta ku jiray.

Maad hadashid?” ayuu yiri Saalax, “maxaad la aamustay?”

Adeer afkii baa juuqda gabay,” ayuu yiri Odaygii. “Waxaan ku hadlo ma aqaan. Waxaa ii muuqday salafkii. Iyo ehlu kheyrkii. Oo iskaashanaya. Oo kala qowmiyad iyo luuqado ah, balse ku walaaloobay mabda’a Towxiidka. Hadalkoodu waa tasbiix iyo tahliil. Salaantoodu waa duco iyo raxmad. Sadaqadoodu waa sir iyo qarsoodi. Qalbigoodu waa dhalo nadiif ah oo aan saxar madow ku oollin. Qabyaalad ma’aysan aqoon. Xasad laguma arag. Xintan qabiil way iskala weynaayeen. Kursi iyo maamul way ku xajiimoon jireen. Dhaqankoodu wuxuu ahaa cafiska iyo ceeb-asturka. Hadafkoodu wuxuu ahaa raalli-gelinta Ilaah. Walwalkoodu wuxuu ahaa inay Maalinta Qiyaamaha waayaan shafeecadii Xabiibka Ilaah.”

Caleyhi salaatu wasalaam,” ayuu yiri Saalax oo muusoonaya, “haddaba maxaad dareentay?”

Allaahu Akbar!” ayuu yiri Odaygii oo muusoonaya, “waxaan dareemay qalbi waasac ah. Farxad. Xasillooni. Kalsooni. Ilbaxnimo. Wanaag. Yaqiin. Qanac. Hodantanimo. Fudeyd ruuxi ah. Lagama sheekeyn karo.”

Saalax inta koobkii shaaha ka cabay kabashadii u danbeysay ayuu sare u kacay.

Sagaal bilood ayaa lagu wada dhashay,” ayuu yiri Saalax, “waxaase lagu kala tegay waa dabaqadda aragga.”

Odaygii waxaa uu dhageysanayay hadalkii Saalax.

Noloshu way gaaban tahay,” ayuu yiri Saalax, “qofka ayayna u taallaa inuu xusho indhihii uu nolosha ku eegi lahaa.”

Waxaa uu Saalax tegay maqalkii. Lacagtii shaaha bixiyay. Una sii dhaqaaqay dhankii iridda.

~Dhammaad~

 

Qore: Cabdullaahi Janno

Qoraaga kala xiriir cinwaankan: claahijanno@gmail.com ama facebook.com/Qalinmaal.

=============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Saaxiibkaan yeeshaba Maxaa Seymo Lagu Reeb Ka DHigay?! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.

$
0
0

Saaxiibkaan yeeshaba Maxaa Seymo Lagu Reeb Ka DHigay?!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Maajo 05 2013

{Madax-weynaha shaqadiisa ma aha inuu xeebaha Soomaaliya iib geeyo, ee waajibka looga fadhiyo ha guto.}

Norway iyo annaga maxaa ina kala haysta, reerayowga aan deriska nahay yaa u sheega macaanka aad innagu aragteen qaraar/xaraar la mid ahna waan leenahay, waa run waan dhuudhuubannahay, laakiin laynagama xoog badna, waa run waa nolol jecelnahay laakiin ma garan waayin in geeridu marar ka sharaf badantahay nolosha! Waan madownahay laakiin midib kale annagoon caayeeyn hadana keenaan ka jecelnahay!

Ha la yaabin waxa aan ku hadlayo waalida niman baa iiga horeeyay, laakiin hadda (Allah baa mahad lahee ) anigu waan miyir qabaa, Norway maxaa baddeena laga siiyaa? Waxa laga hadlayo qodobo iyo sharciyo ma aha, waxa laga hadlayo waxaa weeye dowladda Norway colaadda ay inoo qabto maxay ku salaysantahay? Ma aqaan, intaas dhul xeebeedkeena ayeey cabbiraysaa, xudduudihiisa ka hadlaysaa, ma garan waayin in annaga Soomaali ahaan wax weyn innaga khaldanyihiin oo aan nahay hilbahaas waran ee ay haaddu wada arkootay, laakiin dowladda Norway ayaad moodaa inay far soo dheeraatay ku tahay xudduudaha xeebaha Soomaaliya .

Waan ogahay inaan sidaas ku aamusayn, waana ogahay in siyaasiyiinteena gaar ahaan kuwa hadda haya hogaanka dowladda federal-ka aysan ogeyn ama kala jeclayn waxa dalka ka socda ee lagu sharciyeeysanayo in lahaanshihiisa uu ka baxo gacanta dadka Soomaaliyeed, waan ogahay in dad-weynihii talada dalka laga fogeynayo oo loo diiday inay codeeyaan ilaa 2004tiina si waxyaabo badan loo sharciyeeyo codkoodii lagu bedeshay 275 lagu tilmaami karo xil-dhibaan u yaal mushaari ah.. waan hubaa qorshayaal badan oo la saxiixday inaysan waraaqaha soo dhaafayn!

Badda hoosteeda iyo guudkeed ha la saxiixo, dhulka ha la saxiixo, ciidda ha la sxiixo, caanaha, hilbaha, iyo hargaha xoolaha ha la saxiixo, dhirta iyo dalagga ha la saxiixo, wax kasta ha la saxiixdo hasa yeeshee saxiix qof aysan shacabka soo dooran ninkii damcaa inuu berri innagula xisaabtamo waa hubaal waan isku ceeboobeyna, saxiixa kama dambaysta ahna wuxuu noqonayaa kan dad-weynaha ama kan qof ku yimid codka dad-weynaha Soomaaliyeed.

Waxaad moodaa in lays indho tirayo, bishan aan ku jirno ee May 1dii madax-weynaha dowladda federal-ka Soomaaliyeed Xasan SHiikh Max’ud wuxuu ka qayb galay shir ay kooxda loogu yeero Contact Group ku yeesheen magaalada New York isagoo Muqdisho jooga laakiin lagu xiriirinay VTC ama Video Teleconferencing, wuxuuna u sheegay inay dowladdiisa diyaar u tahay inay sii wado qorshaha dib loogu eegayo xudduudaha dhul badeedka Soomaaliyeed, arrintaan uu madax-weynaha hadda furay waa arrin uu runtii aad ugu degdegay, sharci ahaanna uusan awood u lahayn inuu go’aan ka gaaro si shakhsi ah.

Arrinta oo dhan waxaad moodaa inay salka ku hayso aar goosi suuq madow loo amaray ay hor kacayso dowladda Norway oo iyada ka ciil qabta qandraas (Contract) ay shidaal kaga baaraysay xeebaha Soomaaliya gaar ahaan xeebaha koonfureed ee ku aaddan xad xeebeedka aan la leenahay Kenya heshiiskaaso ay burisay dowladdii Max’ed Siyaad Barre, waana meesha ay dowladda Norway u ololeynayso in xuduud ahaan ay si xoog ah ugu darto dalka Kenya, waaba hadday sidaas inoo maquunin karayso e’.

Madax-weynaha oo aad moodo inuu u ciil qabo mar un inuu ku amar ku taagleeyo Soomaaliya ayaa gadaal iska mariyay wax kasta oo kale, waxaana hadda muuqata walaac weyn oo soo wajahay guud ahaan dalka, waana markii labaad ee ay socoto isku day la rabo in lagu iibiyo xeebaha Soomaaliya, horay, xilligii dowladdii SHiikh SHariif Axmed waxaa ina soo maray waziirkii qorshaynta qaranka Soomaaliyeed Cabdi-Raxmaan Cabdi-SHakuur Warsame, oo heshiis aan dhab ahaan u qeexnayn lana xiriiray xuddudaha dhul badeedka Soomaaliyeed oo ay dhexdhexaadinaysay dowladda Norway la saxiixday dowladda Kenya.

Isla barnaamijkaan waxaa hadda sida la tuhunsanyahay waxaa dabada ka wada isla waziirkaas hore Cabdi-Raxmaan Cabdi-SHakuur Warsame oo ay madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud isku soo arkeen dalka Turkiga oo waziirkaas hore uu ka mid ahaa xubnihii uu madax-weyne Xasan SHiikh u u xil saaray qabanqaabadii shirkii dhex marayay DF Soomaaliyeed iyo Somaliland, waxaana waliba la xaqiijinayaa in kulankan Video Teleconference-ga uu isaga (Waziirkaas hore) qabanqaabadiisa door weyn ku lahaa madax-weynahana ku soo qanciyay inuu aqbalo heshiiskaas khayaanada ah ee dalka lagu iibinayo.

Sida uu u qornaa warka madax-weynaha uu shirkaas u jeediyay waxaa si cad uga muuqata in hawshan aan waxaba laga ogeysiinayn golahan shacabka ee la oran karao madax-weyne Xasan horay buu meel ugu soo ogaaday, wuxuuna shirka u sheegay inuu oggolyahay in xadka xeebta Soomaaliya uu yahay 12Nautlic Miles (12mile badeed) go’aankasna uu u soo gudbin doono xoghayaha Qarammada Midoobay Banki Moon, isla markaasna uu hadda hawshaas gacanta ku hayo.

Waxyaabaha qaarkood afka lagama dhowri karo, New World Order yahay ama Globalization haddii macnaheedu yahay xoogga in lagu tijaabiyo dalalka soo koraya sida Soomaaliya, oo khayraadkooda lagu sharciyeeysto, khariidadoodana wax looga bedelo waxaa hubaal inaysan noqonayn siyaasad sii socota oo meel gaarta, mid shaki kuma jiro in xeerarka Globalization-ka uusan oggolayn in madaxda dowladaha yar-yar ay noqdaan kuwo wadaniyiin ah

Uma malayniyo madax-weyne Xasan in oraahdaas ay cabsi ku qasabtay, kooxda lagu magacaabo Contact Group oo markii u horeysay la abuuray xilliyadii uu socday dagaalkkii Bosnia waxaa ku midaysan dowlado dano muuqda oo siyaasadeed iyo horumarineedba ka leh gobolka Balkans-ka waxaana xubno ka ah 4dal oo xubno joogta ah ka ah golaha ammaanka ee qarammada midoobay oo kala ah Maraykanka, Raashka, Ingiriiska, Fransiiska, waxaana ku wehliyay Jarmalka iyo Talyaaniga, hasa yeeshee kooxda Contact Group-ka Soomaaliya oo iyada dhismaheeda laga soo min guuriyay middas hore ayaa waxaa xubno ka ah dalalka: Maraykanka, Norway, Talyaaniga, Sweden, Tanzania (waxaa la yiraahdaa Marykanka ayaa ku marti qaaday inay xubin ka noqoto) boqortooyada Ingiriiska, Madaxa iyo golaha Midowga Yurub, waxaana si Goob-joogayaal ah xubno uga ah; Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, iyo Qarammada midoobay.

Waxaad garanaysaa ama dareemaysaa dowladaha iyo hay’adaha ku bahoobay kooxdan inaysan daacad ama dhexdhexaad ka noqon karin arrin Norway iyo Soomaaliya ay isku haystaan, waayo waxa is haya waa annaga oo Soomaaliya ah iyo dowladda Norway, waxayna colaad hor leh innaga dhex abuurtay annaga iyo Kenya oo awalba horay dhul isku haysanay, taasi walaac weyn aniga hadda kamaba qabo, ee waxaa su’aal ka taagantahay waxa Xasan SHiikh ku kalifay inuu balan qaad uusan sharci ahaan yeelan karayn awooddisa u sameeyo dhagarta laga galayo ummadda uu magacooda meel kasta ku shir tagayo, waxaase taas ka sii daran 275ka xubnood ee isku nooca ah ee laga shakin karo cidda ay wakiilka u yihiin ee golihii shacabka innaga qabsaday ee uusan midna ka hadlayn dhagarta intaas la eg!…

Waxaan hadda soo gaarnay heer cajiib ah! Waxaan garanayaa caruurnimadii marka ay lacag ka dhunto ilmaha iygoo ciid intay tuuraan faga oo yiraahd “Jinniyow Ka Bax Malaa’igay Ku Jir!” macnaha quustii ugu dambaysay! Wax mas’uul ah ma jiraan miyaa? Aaway Jawaari, isagu gar iyo gar-daraba ma Xasan buu ku gowracanyahay, aawaye golihii waziirrada, golihii shacabka, mise innagaan waxba ka war haynee dhammaan madax-weynahaa lala qabaa miyaa.

Diplomats-i hore oo Soomaaliyeed ayaa ii sheegay in 34sano ka hor uu jiray muranka ah in xuduudda dhul xeebeedka Soomaaliyeed lagu soo kobo 12 Nautical miles, iyadoo uu waligiis ahaa 200Nautical Miles, wuxuuna intaas ku daray in dowladdi ciidanka ahayd ilaa laga ridayay diidanayd inay intaas wax ka yar yeesho.

Cigaal SHIdaad baa markuu dilay Subxaanyada oo la yiri “War sun ma laha ee maxaad u dishay?” laga sheegay inuu yiri “waxaan ka baqayaa inay Hlaqa-mareen Noqoto!” Waxay hadda joogtaa Soomaaliya yeeysan Halaq-mareen noqon,…waabay noqotayee yeeysan noqon Halaq dool ah marinkiisa,..Mise wayba tahayba?!

Madax kasta aan yeelano! Nimaan balo arag baa ka sheekeeya! Kii arkay yaab ama argagax buu la aamusanyahay mas’uul kasta oo aan yeelano maxaa saymo lagu reeb ka dhigay?! Midse waan ku calool fiyoobahay riyada soo jeedka ah ee dowladda Norway iyo mas’uul kasta oo Soomaaliyeed ee doonaya inuu na iibiyo innaga inaan ka guulaysanayno, golaha shacabka waxaa waajib ku ah inaysan arrintaan fududaysan oo ay ka hor tagaan, qaynuun ahaan awood uma laha go’aanka uu rabo inuu u saxiixo qowlaysato rabta inay dalka Soomaaliya boobto.

Kooxda Contact Group way ogyihiin inuusan sharci noqonayn saxiixa Xasan in xeebaha Soomaaliya xudduudooda wax looga bedelo laakiin marka ay xoogga ay is bidayaan iyo ay isu geeyaan xaaladda dadka Soomaaliyeed ay maanta ku suganyihiin waxay aaminsanyihiin inay iyaga sharci ka dhigi karaan isla markaasna ay socodsiin karaan, marka barlamankii xilligii SHiikh Shariif mar buu arrintaan si geesinimo leh uga hor tagay, haddee maalin kasta iyo meel kasta waxay leedahay Yaa Joogay?! Wallee ama ummadda idin aayday oo beritoo mar kale idin soo doorte marka dad-weynaha codka ku wareego…ama….

Kolayba shacabka Soomaaliyeed kaalintooda way caddahay, lama inkiri karo in xaalad adag aan ku jirno hasa yeeshee tan Xasan SHiikh iyo kooxda Contact group ay inala maageen baa ka lidata, dowladda Norway haddee waa dowlad iyadaana siyaasaddeda u madax banaan laakiin wali waxay ku wanaagsanaan lahayd inaysan qarnigan 21aad aysan isku dayin inay gumeysato dal xor ahaa in ka badan nus qarni horayna loo soo guumeystay oo khibrad ku filan u leh xumaanta guumeysiga, shacabka Soomaaliyeedna wax kale uma banana oo aan ahayn inaysan qaadan quursi iyo xoog sheegasho!

Hoos ka aqri khudbaddii madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud:

http://www.waayaha.net/view.php?articleid=16452

=============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Halkee Caasumad U Qalanta? W/Q Maxamuud Xassan Xuseen

$
0
0

Halkee Caasumad U Qalanta?
Maxamuud Xassan Xuseen
mahamuud18@gmail.com
Maajo 06 2013

 

Waxaan mar walba is weydiiyaa tolow ma adiga ayey kugu keli tahay mise waa lugula qabaa. Soomaliya oo la rabo in ay nabad iyo barwaaqo kusoo noqoto sababta loogu doortay Muqdisho inay caasimad usii ahaato.

Qof walba oo damiir iyo danqasho wadaninimo kujirto waa inuu ka fikiraa halka nalaga haysto oo ay wax inooga hagaagi la’yihiin. Aniga oo taa ka duulayo ayaa waxaan mar kasta is weydiiyaa su’aalo badan oo ay kamid tahay tan kor ku xusan, maadaama aan ku taamaayo mar keliya in aan arko Soomaaliya oo nabad ah oo aan ku noolaan karo aniga iyo dhamaan Soomaali oo dhan. Sababtoo ah aniga iyo malaayiin kale maba aanan arag Soomaaliya oo dowlad ah, waxaan ka aheyn iney sheeko nagu soo gaarto, ama aan kadaawano video laga duubey waagii dowladu ay jirtey.

Hadaan Soomaali nahay waxaa inagu dhacay jab iyo khasaaro umad ku dhaca kii ugu weynaa. Waxaa ugu weyn oo aan weynay ilaa hadana la’nahay waa dowlad caadil ah. Taas waxaa raaca in kumanaan qof oo Soomaali ah dhinteen, malyuumaad hanti ah baaba’day, dalkii khayraadkiisii la bililiqeystay, oo manta qof walba oo Soomaali ah meel walba uu dunida ka joogo uu sumcad sidaa u weyn ku heysan maadaama uu wadankeena ku caanbaxay fowdo iyo daganaansho la’aan. Hadaba, hadii aynu dooneyno inaan ka kabano jabkaas iyo masiibadaas inagu habsatay waa in nalaga helaa dad daba gala halka nalaga heysta oo ay wax ka toosi la’yihiin.

Dhamaan hadaan Soomaali nahay, waxaan wada qirsanahay inaan dhexdeena is dulminay oo midba midka kale lugooyadiisa ka shaqeynayey. Sidoo kale waxaan la wada soconaa in magaalooyinka ugu waaweyn wadanka uu kadhacay isku xadgudubyadii ugu darnaa oo loogu geystay dadka qaarkiis ama dadkii wada daganaa . Magaalooyinkaas waxaa ka mid ah Muqdisho, Hargeysa, Kismayo, Gaalkacyo, Baydhabo, Beledweyn iyo megaalooyin kale oo aynaan ogeyn balse eebe kaliya ogyahay.

Hadaan sigaar ah usoo qaato magaalada Muqdisho, iyadu waxay aheyd xaruntii wadanka somaaliya, waxaana ku burburay dowladdii Soomaaliyeed waxaa ka dhacay qaxii ugu weynaa oo umadda Soomaaliyeed qaxdo. Sidoo kale waxaa Muqdisho kadhacay dhacii iyo boobkii ugu badnaa ee hantidii qaranka iyo weliba mida gaarka loo leeyahay oo ilaa hadana weli taagantahay, waxaa lagu dilay oo dhiigoodu si xaq daro ah loogu daadshay dadkii ugu tiro badnaa. Laga soo bilaabo xilligii dowladii dhexe dhacday ila hada oo lajoogo weli waxaa ka socdo daadashada dhiig muslim oo aan waxba galabsan iyo heysashada hantida gaarka loo leeyahay. Intaasi waxaa sii raaca kufsiga lagu la kacaayo dumar masaakiin ah oo aan isdifaaci karin.

Dhamaan intaas Muqdisho kadhacay amaba hadaba ka soconaya waa macquul inay magaalooyinka kale qaarkood ee Soomaaliya ka dheceen, balse halkaan waa meesha aynu rabno in dalka aan hurmuud uga dhigno mar labaad, iyadaana ugu sidatay hogaanka inta xun welina u haysata. Su’aashu se waxey tahay magaalo ay doontaba ha noqotee, meel dhiig muslim aan waxba galabsan lagu daadshay, ama se dulmi dad masaakiin ah loogu geystay, ma istaahishaa in xarun iyo saldhig looga dhigo Soomaaliya cusub oo hada la dhisaayo, iskaba daa Muqdisho oo inta xun oo dhan ugu horeysee?

Waa muhiim in diinta aynu heysano ka barano oo aynu kala soo dhex baxno wixii danteena ah, balse taa laftigeedu fikir iyo garasho ayey ubaahantahay. Sidaan qiyaasaayo, kuligeen waa aynu wada maqalney qisada ninkii sagaal iyo sagaashanka qof dilay oo intuu nin wadaad ah u yimid yiri towbad ma ii furantahay markuu wadaadka maya yirina asagii boqol uga dhigay. Hada faham ninka inuu eebe u noqdo ayuu doonayaaye, lana barbar dhig inay Soomaalina dowlad hesho ayey dooneysaayee. Ninkii asaga ahaa oo weli rajo dhigin ayaa wadaad kale utagay oo isla su’aashii weydiyey. Wadaadkii kale wuxuu uu yiri towbad waa kuu furantahay balse shuruudo ayuu ku xiray. Talooyinka wadaadka ninkii u soo jeediyey waxay ahaayeen inuu eebe u noqdo oo uu ka towbad keeno danbiga uu galay, iyo weliba in meesha uu danbiga iyo dhiiga badan ku galay ka tago oo iskaga cararo. Ninkii taladii wadaadka wuu qaatay, asagii oo jidkii kusii jira ayuuna dhintay sidaas awgeed na janadii ku muteystay.

Hada ogsoonoow ninka sababta uu janada ku muteystay waa marka hore, asaga oo towbad keenay, mida kalena in uu ka tagay meeshuu danbiga ku galey oo dhiiga badan ku dhaadshay. Bal hada ila eeg oo ila qir meeshii dowladu ku burburtay oo muqdisho aheyd, oo intaas oo dhiig muslim oo waxba galabsan lagu daadshey weli na lagu daadinaayo, in ay weli tahay meesha misana rabno inaa dowlad ku dhisno. Cajiib! Goormaan garwaaqsanaynaa Soomaali hadaa nu nahay?

Waxaan filaayaa hadii aan caqli saliim ah oo Iislaamnimo iyo wadaninimo ku dheehantahay aan arinta ku qiimeyno, in aad iigu garaabeyso waxaan ka dhawaajiyey. Sababta aynu ilaa ku dhowaad rubuc qarni u heli la’nahay dowlad wanaagsan oo cadaalad ku dhisan, wax qabad fiican na leh, oo dalka iyo dadkaba nabad iyo barwaaqo u horseeda in ay ka mid tahay weli in aynu fahmin oo fikir dheer ku bixin inaan hormuud uga dhigno magaalo aan dulmi ka dhicin, dhiig Muslim lagu daadin. Soomaalidu waxay dhahda ratiga yar ratiga weyn saanqaadkiisu leeyahay. Sidee dal iyo dadkiis ku hagaagayaann iyagoo taagan halkii ay shalay ku burbureen oo isku dulmiyeen? Sida aynu dowlad ku dooneyno waxay lamid tahay oo kale nin hal uu soo dhacay ka filaayo inay nirig xalaal ah u dhasho.

WQ.Maxamuud Xassan Xuseen

Email: mahamuud18@gmail.com

=============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

SYL ,SNL iyo Faysal Cali Waraabe. W/Q Liibaan Axmad

$
0
0

SYL ,SNL iyo Faysal Cali Waraabe
Liibaan Axmad
libahm@gmail.com
Maajo 06 2013

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, wuxuu ku dooday in taariikhdii Somali Youth League (SYL) laga saramariyay taariikhdii Somali National League (SNL), mid ka mid ah xisbiyadii gobonimodoonka gobolladii Biritishku gumaysan jiray. Hadalka Faysal wuxuu ku soo beegmay xuska geeridii marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo ahaa hoggaamiyihii xisbigii SNL, marna ahaa ra’iisal wasaarihii Soomaaliya ( 1967-1969), ka hor geeridiisana ahaa madaxweynaha maamulka Somaliland.

Waa run in Cigaal ahaa halyay kaalin ku leh doonistii madax-bannaadida gobollada waqooyi; waana run in xisbigii SNL uu ahaa xisbi kaalin ballaaran ka soo qaatay gobanimodoonkii. Su’aashu waa : miyaa la aasay taariikhdii SNL? Haddiise la aasay, sida Faysal Cali Waraabe qabo, yaa aasay?

Xisbigii SNL muu lahayn furfurnaanta iyo ololayntii lagu yiqiin xisbigii SYL. Maxaa u diiday SNL inuu yeesho culayskii siyaasadeed uu xisbigii SYL lahaa? Ma dadkii sameeyay SNL baa hab beeleed u sameeyay oo isku hallaynayay taageerada beel ama beelo gaar ah? Maxaa loogu baahday in xisbi United Somali PArty (USP) la odhan jiray la sameeyo? Maan garanayo taariikhyahan su’laahan baaray, waxaanse ogahay in markii siyaasiyiintii reer waqooyigu Xamar laba xisbi ku yimaadeen (SNL iyo USP), halka Muqdisho lahayd hal xisbi SYL.

Dhul ahaan koonfurtu way ka wayn tahay waqooyiga; siyaasiyiinta koonfurtana way ka abaabulnaayeen kuwii waqooyiga. Sababuhu way badan yihiin, mid ka mid ah waa , isxukunkii reer koonfureedku lahaayeen oo aan ka jirin waqooyiga.

SYL waxay taageerayaal ku lahayd waqooyiga. Axmed Ismaaciil Xudeydi, oo ka sheekayay taariikhdii Allaha u naxariisto Xasan Shiikh Muumin, baa sheegay in afartamaadkii, berigii SYL tagtay ‘Galbeedka’, marxuum Xasan Sheekh Muumin oo dhallinyaro ahaa baa ka soo raacay Saylac oo la yimid Las Qoray ( ogow labada degmoba waxay ka mid yihiin dhulkii Biritishku maamuli jiray). Yaa u diiday SNL inay sidaa iyo si la mid ah u ololayso?

Markii marxuum Xaaji Maxamed Xuseen uu sameeyay xisbigii Gareedka, xafiis buu ka furtay Hargeysa.

Midnimadii ka dib SYL baa noqotay xisbiga dalka ka talin jiray. Cigaal baa ku biiray oo noqday ra’iisal wasaare. Ma jirto koox ku tashatay in SNL laga saaro taariikhda waayo waaba taarikh wayn oo ka mid taariikhda gobonimo-doonka Soomaaliya. Su’aashu waa, madaxda Somaliland miyay hubaan inaysan hadda samaynaynin gefef siyaasadeed oo la mid ah ama ka waawayn kuwii keenay in SNL iyo USP laga dhigo xisbiyo ceelal isku haystay?

Liibaan Axmad

libahm@gmail.com

=============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dalka Yaa Iska Leh? W/Q Aden Yabarow

$
0
0

WAA SU’AAL DA’WEYNE: DALKA YAA ISKA LEH? QEYBTII 2AAD
Aden Yabarow
ayabarow@yahoo.com
Maajo 07 2013

Arar

Waxaa la yidhi Sheydaanku markaad ka cawdibilaysato waa cararaa hadana wax yar dabadeed ayuu soo rogaal celiyaa, mana dalo kama waabto inuu kugu jiheeyo inaad Eebe caasido. Hadda waxaa sidaas oo kale ummadda Soomaaliyeed ku noqday dawladda Norway oo u tafaxaydatay inay Badda Soomaaliya dhaco. Sida aad wada ogtihiin sheekada Norway waxay bilaabatay sanadihii 80dii markaas oo ay rabtay inay shidaal ka baadho xeebaha koonfureed ee Soomaaliya taasoo isafgarad la’aan ku dhammatay. Waxay soo rogaal celisay 2009kii ayadoo Kenya gabaad ka dhiganeysa adeegsaneysana DFKG. Nasiib wanaag taasi waxay ku dambeysay guuldaro usoo hoyatey Norway, Kenya iyo madaxdii DFKG raggii kala socday kadib markii halgan dheer oo aan kala go’ lahayn ay galayn ummadda Soomaaliyeed iyo Barlamaankii markaas jiray oo ammaan iyo bogaadin mudan; waxaana mahadaas iska leh Illaahay oo nawaafajiyey inaan ka dhiidhino boobka NORWAY iyo dabadhilifyadeedu ay baddayada rabeen inay ku xalaaleystaan.

Waa sidaan kor ku xusaye sheydaanku ma quusto. Mar saddexaad ayey Norway soo rogaal celisay ayadoo markaan adeensaneysa Barlamaankii shalay kasoo horjeestay ujeedooyinkii guracnaa ee ay Badda Sommaaliya ka layad. Waxaase nasiib daro ah in Gudoomiyaha Barlamaanku uu u jilicsanaaday NORWAY oo uu haysto JINSIYADDEEDA. Waxaa wax laga xumaada ah in uu RB soo qaaday qoraalada gurigiisa looga furanayey uuna ka qariyey Baarlamaanka qoraalkaas asagoo mindaa leh si hoose aad xubnaha Baarlamaanka uga dhaahicisid. Arintani waxay xaqiijineysaa tuhun laga qabay in markii horeba Norway keensatay Ra’iisul Barlamanka ayna aad ugu ololeysay kharash farabaddanna ku bixisay doorashadiisii. Waxaase sharaf iyo bogaadin mudan geesiyaashii kashifay sirta Soomaaliya OSLO loogu soo maleegay oo hadda uu garwadeenka ka noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Ummadda Soomaaliyeed u dooratay in difaaco danaheeda.

Waxaa ayana nasiib daro labaad oo ka daran ah khudbaddii uu maxadweynuhu video-ahaanta 1dii May ugu jeediyey contact group shirkood oo looga hadlayey Burcad Baddeeda taasoo uu ku sheegay inay wadaan sharci xuduuda badda soomaliya ka dhigaya 12 mile. Hashu maanka gaday ee ma masaar bey liqday. Maxaa is waafajiyey waraaqaha Ra’iisul Baarlamaanka loo soo dhiibay iyo khudbadda madaxweynaha. Tolow ma markii hore ayaa laga tashaday intaan Norway-ba la aadin? Mise midba goonibaa loola faqay?

Taariikhdu ayadaa dib isu soo celisa

Intii u dhaxeysay sannaddihii 790 ilaa 1066 waxaa Yurup ila Bariga Dhexe qaar ka mid ah dhibaatooyin badan ka geystay duul Burcad Badeed ah oo loo yiqiin VIKINGS asalkooduna kasoo jeeday Norway iyo dalalka Denmark iyo Sweden, saldhiggooda weynse ahaa Norway sida taariikhda lagu hayo. Vikings-ka waxaa caado u ahayd inay qaaruun deggen badda uga yimaadaan ayagoo wata doomo markay xeebta yimaadaan ilaa biyaha xeebta ugu dhaw gaaraya si ciidanku biriga ugu lugeeyo; kolkay hawlgalkooda soo dhammaystaanna ay si sahlan ugu boodaan doonyahooda ayna badda si fudud ugu libdhaan.

Waxyaabaha ay caanka ku ahaayeen Vikings-ku waxaa ka mid ahaa inaysan diin layan, inay biliqeystaan wax kasta oo ay gaari karaan, inay dadka laayaan, dumarkana kufsadaan, dabadeena waxii ay qaadi waayaan gubaan.

Sida ka muuqata khariidadda kore asalka burcad badeedkii Vikings wuxuu ahaa dalalka loo yaqaan hadda Norway, Denmark iyo Sweden waxayna weerar ku kala bixiyeen Yurubta galbeed iyo tan Bariba sida khadka buluuga ahi muujinayo. Meelo badan sida Waqooyiga Ingriiska, Waqooyiga Scotlad, Qeybo ka mid ah Ireland, Ruuska, Yukrayn, Iceland, Greenland, iyo Gobolka Normandy ee Fransiiska oo 911 kii uu u hibeeyey boqorkii Fransiiska oo waqtigaa jiray ayey xoog ku qabsadeen Burcad Badeedaasi. Ugu dambeyntii 1066dii ayaa Normans-kii asalkoodu kasoo jeeday Vikings-ku weerar ku qabsadeen dalka Ingriiska oo dhan.

Maxay tahay Istrateejiyadda Burcad Badeeda cusub ee Norway

Maadaama aysan awood ciidan oo ay hadda dhul ku furtaan lahayn ama aysan u saamaxeyn duruufaha aduunka ka jiraa waxa kaleya ee u furani waa inay QALIN iyo Khiyaamo wax ku boobaan. Sidaan hore usoo sheegnay waxay ilaa mudoba aha dabajoogeen inay baddayada dhacaan ayagoo adeegsanaya ama ku gabanaya KENYA iyo rag u dhashay dalka NORWay oo ku jira GUDIGA BADAHA ee Jamciyadda Quruumaha ka Dhaxaysa. Waxaa nasiib daro ah in Xadka Badda Soomaaliya oo 1972 lagu qeexay QAANUUNKA LAB. 37 oo ay gacanta ku hayso JQM laga daadhiciyo MADAXDA DAWLADDA ugu sareysa sida MADAXWEYNAHA iyo RA”IISUL BAARLAMAANKA in baddaya 12 MILES lagu Xadeeyo.

Waxa yaabka ka leh waxaa weeyeye maxaa ugu kordhaya raggaas aan talada wadanka u dhiibnay inay hibeeyaan DHUL BADEED ka baaxad iyo bedba weyn DHULKEENA BIRIGA ah, Dhul badeedkaas oo weliba la tuhunsan yahay in khayraadka ceegaaga uu ka badan yahay kheyraada ku sugan BIRIGA Soomaaliya. Waaba la gartay RA’IISUL BAARLAMAANKA oo wuxuu haystaa dhalasho NORWEGIAN ah oo waxaa lagu beerlaxawsaday waxaad tahay NORWEGIAN ee MADAXWEYNUHU MUXUU KU GATAY DHUL BADEEDKA INTAAS BAAXADDIISU LE’EGTAY? WAA SU’AAL DA’WEYNE DALKA YAA ISKA LEH? JAWAABTU WAA SOOMAALIYA SOOMALI BAA LEH.

SOOMAALIDU WAXAY KU MAAHMAAHDAA “ RUQO NINKEEDII DABADA HAYO MA KACDO.” Waxaa laga yaabaa inaad akhristeyaal badani fahmin Ruqo waxay tahay ee aan macneeyo. Kolka abaar ba’ani dhacdo oo xooluhu qurub ay gooyaan waayaan, geela ayaa ugu dambeeya wax dibi gaadho. Markuu caatoobo neefka geela ahi wuxuu gaaraa inuusan kici karin in dadku kiciyo oo dhulka laga hinjiyo mooyee. Hadaba hadii neefkaas asagoo fadhiya dabada la qabto si kasta oo loo hinjiyo meesha kama kaco. Maahmaahdu waxay ifineysaa haddii neefkaas ruqada ah ninka asagu iska lehi dabada qabto hada yaa kicin. Dulucda maahmaahdan aan u soo qaatay waa haddii MADAXWEYNIHII IYO RA”IISUL BARLAMAANKII ay goosteen inay hibeeyaan Baddii ay lahaayeen yaa difaaci kara?

MAXAA NALA GUDBOON

2009kii markii Norway ku guulaysatay inay DFKG madaxdeedii u saxiixaan heshiis KENYA waxaa ka dhiidhiyey ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, waxaana hormood ka ahaa aqoonyahanadaa oo qoraallo ku dhifaacayey dalka iyo BAARLAMAANKII xilligaas oo gaashaanka ku dhuftay khiyaanaddii NORWAY soo maleegtay ee ku hadoodilneyd MOU Kenya DFKG u saxiixday. Waxaa xaqiiqdu tahay in la meersanayo dhul badeed kii hore ka baaxad iyo bedba weyn haddaan halgankii hore mid ka weyn la qaadin oo weliba markaan seefa si quman loo afaysan sababtoo ah labada Masuul oo wadanka ugu sareysa ayaa hawsha wada. Xaalku wuxuu marayaa WIXII DHIIG LAHAW KACA, YAA MAALI JIRAYEEY IYO WEEDHIHII CABDULLAAHI SULDAAN TIMACADE EE AHAA:

GUMAYSIGU HASHUU NAGA DHACAY EEN GURAYEY RAADKEEDA
GU’YAAL IYO GU’YAAL BADAN HASHII GAMA’A NOO DIIDEY
GOOBTAY ISTAAGTABA HASHAAN JOOGAY GARABKEEDA
GUURAA HABEENIMO HASHAAN GEBI WALBA U JIIDHAY
GAASHAANDHIGEEDII HASHU GALOWGU EEDAAMAY
HASHII GEEDDANKEEDII RAG BADAN GOODKU KU CASHEEYEY
GACMAA LAGU MUQUUNSHAYE XORNIMO NOOGUMAY GARANE
GARRE IYO GUNTANE MAALINTAY GEES ISUGU BOODEY
ALLAA NOO GARGAAREE XORNIMO NOOGUMAY GARANE
GEERAARRADEEDII HASHAAN ANNIGU GOOGOOYEY
GALOOL IYO MARAA IYO HASHAAN KIDIGA GEYLAANSHEY
GAAJIYO HARRAAD BADAN HASHAAN UGU GARAACAAYAY
GOOBTUU SIDKEEDII GO’AY GALABTII FOOLQAADAY
AYADOO CANDHADA GIIJISAY OO GODOL KU SII DEYSAY
GARAAD MIDAN LAHAYN BAY LA TAHAY WAAD KA GAAGIXINE
ANNAGOO GANTAALAHA DHACIYO HAYSAN QORI GAABAN
HASHAAN GAADDA WEYNOW LIBAAX UGA GABOON WAAYEY
INAAN GARAYACAWL UGA TAGAA WAA HAL SOO GUDHAYE.

Xikmadda gabaygani waa in xornimada Soomaaliya oo aabayaasheen radinteeda iyo dhalinteeda ay u babacdhegeen quwadihii reer Yurub ee aduunka gumaysanayey ayagoo waran iyo toorey waxaan ahayn haysan, gaariiseeyey markey si kale uga adkaadeen in diyaarado lagu dhukheeyo; inaan Norway iyo kuway ku gabaneyso si fudud dhul-badeedkayaga ugu hibeyno qaranigan 21aad waa noo garaad li’i. Waxaan maqaalkaan kusoo gunaanadayaa HAYAAY KA SOO KACAAY HAYAAY AAN DIFAACANO DALKEENEE, HAYAAY KA KACA FADHIGA SOOMAALIYEY.

Aden Yabarow
ayabarow@yahoo.com

=============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Federaalka Soomaaliya ma u Wanaagsan Yahay?. W/Q Prof Moxamud Xaaji Cabdiraxman

$
0
0

Federaalka Soomaaliya ma u Wanaagsan Yahay?
Prof : Moxamud Xaaji Cabdiraxman
mabdurahman1@gmail.com
Maajo 08 2013

Horta waxaan mahad naq iyo bogaadin u soo jeedinayaa Dr . Sadik Warfa dood cilmiyeedkii loogu magac daray Federaalka Soomaaliya ma u Wanaagsan yahay ? aan ku bilaabo dhexgalkii Dr. Hodan Yaan la oranine Fedraal sistemka ma u wanaagsan yahay Soomaaliya ee Fedraal sistamkee noo wanaagsan?

Waa run sida ay sheegtay Dr.Hodan oo ah in Dalka mudo burbursanaa ciladii dagaalkii sokeeye waxa ay keentay in qof walba meeshii uu ka yimid buu ku noqday waxa ay dadkii kuwada noqdeen meeshii uu reerkoodii daganaa,ay saas tahay soomaalidu ways dhex maraysa , waliba way wada shaqaystaan , oo intooda badan ganacsi xoogleh ayaa ka dhaxeeya , bal fiiro gaar ah u yeesha dadka u shiraakada ah shirkadaha ganacsiga waa wayn iyo xawaalkadaha ama isgaarsiinta , markii runta loo hadlana USC eek u dagaalgalisay hawiye darood dalka ka saara ma ahayn himiladoode , xukun raadis bay ka ahayd , meel xun buuse kala dhacay , waxaan xusuusta allaha u naxariiso nagama mid ma aha nin ka mid ahaa dadkii horboodayey dagaalkaas oo noogu yimid annagoo dagan guryaha jamicadda soomaaliya oo dadkii na waardiyeynayey ahaa , ayaa markii uu noo yabay waxuu nagu yiri , war heedhaha , war halganka fure qalda ayaan ku rognay (qabiil) , furihiina waa naga lumay , ee meesha aan idinka kaxayno , annaga laftigeena ayaa hadda nafteena u yaabaynee , wayna dhacday sidii u sheegay, waxaan sheekadaas uga danleeyahay iyado dagaalkaas jiray , ayey haddana qabaa’ilka soomaalidu is bad baadinayeen si wayn xiniftii hore intay latagtay haddii la reebo , taasna waxay ku dhacday qabaa’ilka soomaalida oo aad isku dhex galay , oo soomaliduna ku maah maahday ,Aji haygu haybsan .

dhibaatooyinkaas badan dartod baa waxaa ka dhismay gobolada qaarkood maamulo oo dadku ubaahnaayeen , ama maxkamadahii islaamiga ahaa , si dadka look ala badbaadiyo , ama si ay u helaan in yar oo nabadgalyo ah oo ay ku shaqaystaan. Maamuladaas ama goboledyo ha noqdaan ama ha hoos tagaan qabqablayaal dagaal hamigoodu waxuu ahaa side xukun u helaan waxna ku qaybsanaa ayadoo la adeegsanayo qabiil gorgotankaas lagu daahfuro.

Mid waa run oo waa loo baahanyahay in maamulgobaleedyo la helo iyo maamul degmooyin si hufan u shaqayn kara , oo dhismuhu hoos laga soo dhiso , oo aysan dhicin in markii aan warqad aqonsi ama passport iyo waxii la mid ah ee baahida bulshada haqabtiri karta in aan u imaado caasiomada dowladda dhexe, ee waa in gobolka khidmadaas laga heli karo ama dagmada laftigeeda haddi ay suurta gali karto , aan daba raaciyo aan ku lifaaqo aragtidiig Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed oo ah dowladi qabiil kuma dhismi karto , gobol hal qabiil dego dowlad ma noqon karo, dowlad waxaa noqon karo dad isku dhafan, soomaali badan leh, waxa kaloo nasiib daro lagu tilmaami kara in ay beeli tiraahdo waxaan noqoneyna gobol gaar ah oo dowlad goboleed ayaan noqoneynaa dabcan waxaa meeshaas ka dhalan karta fowdo.” , sidaas darted waxaa loo baahanyahay in si fiican loo darso qaabka layskugu qaybin karo gobolada soomaliya oo layskugu dhafi kar , mana xuma argtida Dr.Cadinur Soomaaliya oo ah Soomaaliya loo qaybiyo 4 ilaa 5 gobol oo maamul leh , oo mid walba ay dagan yihiin qabaa’il kala duwan oo mid walbo leeyahay xeeb

Aan u soo daadago Aragtida Prof Axmed samantar oo aan la qabo in federaaliismku uusan u qalmin nooc kastoo uu yahay soomaaliya , in laysku qaldo DECENTRALIZED GOVERNEMENT oo gobolado ay maamul xor ah oo kaabaya maamulka dhexe oo xoog leh , tan kale soomalidu waa dad isku dhafan oo la oran karo hal qabiil weeye , haddii aanan dano gaar ah la raadinayn iyo xukun doon si guracan loo raadinayo ummadan iyo danyartana loo danaynayn , waxaase su’aal ah hadda xaalka jira side loogu gudbi karaa , oo magacaan noo baxay oo aan xattaa aan soomaalida afti loo waydiin markii naloo bixiyey(Dowlada Federaalka Somaliya)?

Waxaan si talo ahaan Dowlada dhexe ee hadda dhalatay u soo jeedin lahaa qodobadaan soo socda :

1 – in la furo ka hadalka federaalisku soomaaliya mow dan baa mase maya oo barlamaanka , ismida aqoonyahanku iyo culumaa’udiinka ka qaybqaataan

2 – in ay dowladu ka hor imaan maamulgoboleedyada dhismaya iyo kuwawa jira dooda iyo aragti isdhaafiskuna socdaan , oo si hufan danta ummadda soiomaaliyeedna lagu helayo.

3 – in si xowliya loo hirgaliyo isku dhafka ciidamada , milatariga boliska nabadsugida ka jira maamulgoboleedyada ku sheega taagan iyo kuwa dhismi doona iyo kuwa dowladda dhexe

4- in loo howlgalo sidii loo midayn lahaa dadka ka shaqeeya maamulka maaliyada iyo canshuuraha iyo wisaaradaha maamul goboleedyada ka jira iyo dowladda dhexe .

5 – midaynta maaliyadda dalka oo waa in la helo qaabkii dowladda dhexe ay u noqon lahayd mid mushaar siin karta , muwaadin kasta ee soomaliya gobol kasta ha joogo , ama maamul goboleed ha ka tirsanaado , ayadoo taas lala qaada dhigayo ayadoo lala tashanayo maamul goboleedyada jira , sidii himilaadaas loo meel marin lahaa , lagana foohaanayo wax kasta oo caqabad keenikara.

6 – in aan haddii loo baahdo aan wax xasaasiyad ah laga keenin in casimadda soomaaliya meel kale la gayn karo si kumeel gaar ah , inta loo qaadayo afti , haddi xamar xasili waydo , waxa la kala tabanayan xal caadil ah oo qanciya dadkii ku hanta waayey ama hantidoodii la haysto , lakiin ay ka horayso in nabada caasimada la sugo si dhab ah

7 – in soomalida dhammanteed ay meel iskala soo jeestaan la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah , si ay uu suurta gasho in ciidamadda amisom uga baxaan dalka .

8 – in dhaqan celin dhab loo sameeyo maleeshiyaadka ku firirsan dalka oo hubka haysta oo ciidan ahaanta meel walba ujooga.

Wa billaahi tofiiq

Prof : Moxamud Xaaji Cabdiraxman

Kuwait

=============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dirkii Jeneraallada. W/Q Mahad Kooshin

$
0
0

Dirkii Jeneraallada
Mahad Kooshin
mahadkooshin@hotmail.com
Maajo 09 2013

 

Sooyaalka Soomaaliyeed ayaa xusi doona hawlihii ay qabteen labadii jeneraal ee hawlkarka ahaa; taliyihii hore ee XDS, jeneraal C/qaadir Sheekh Cali Diini, iyo abaanduulihii hore ee XDS, jeneraal C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”. Waxaa ay dawladdii KMG ahayd iyo dawladda hadda sutiga dalka haysa iyo shacabka u soo hoyeen guulo wax ku’ool ah oo wax weyn ka beddelay arrimaha amniyeed ee dalka. Guulo dhiillo geliyay Soomaalida oo rajo wanaagsan u iftiimiyay. Waxaa lagu xusuusnaan doonaa tayeyntii ciidammada iyo taabbogelintii qorshihii argaggixisada Al Shabaab looga xoreeyey gobolka Banaadir, gobollada koonfurta galbeed ee dalka ilaa gobollada dhexe.

Dadka saaniga u miisaama dhacdooyinka waddanku waxaa ay garwaaqsadeen halyeynimadii, waayo’aragnimadii, waddanniyaddii iyo daacadnimadii labada jeneraal. Guulaha ay dawladdu dibedaha uga faantay ama jiritaankeeda iyo nabadda sibilku u bareeray ayay horseed u ahaayeen. Ganacsiga Muqdisho iyo agagaarkeeda ku baahay, qaxoontiga soo laabtay, dibedjirka laabtay, shisheeyaha maalgashiga dalka u yimid, hay’adaha gargaarka iyo dhammaan isbeddeladii dhacay ayay labada jeneraal kaalin weyn ku lahaayeen.

Laba bilood ayaa hadda laga joogaa markii ay dawladdu wareegto ku beddeshay hoggaankii sare ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed. 8dii bishii Maarjo ayay warbaahintu shaacisay beddelaadda jeneraalladii hormuudka u ahaa barnaamijka nabadaynta dalka ee la dagaallanka argaggixisada Al Shabaab. 13kii bishaas ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si rasmi ah ka baahiyay xaflad lagu sagoontiyay labada jeneraal. Ma jirin faahfaahin dheeraad oo loo sababeeyey dirka jeneraallada ka hor ama ka dib xafladdii xil-wareejinta. Hadalkii madaxweynuhu xafladda ka jeediyay ee ku saabsanaa wareegtada waxaa uu ku koobnaa keliya; “[U]gu horrayn waxaan rabaa inaan u mahadcelinno aniga iyo shacabka Soomaaliyeed Jen. Cabdiqaadir Cali Diini iyo Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhago-badan) oo ciidanka xoogga dalka si sharaf iyo geesinnimo leh u soo hoggaamiyay sannadadii la soo dhaafay…”

Faahfaahin dheeraad ah muhiim ayay ahayd sababta oo ah guulo hor leh oo ay hoggaankii la beddelay la sii ambaqaado ayaa loo hanweynaa. Si lama-filaan ah ayaa hal mar lagu dhawaaqay jeneraallo kale. Waxaa la magacaabay Jen. Daahir Adan Cilmi Taliyaha iyo ku xigeenkiisa, Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi. Waa suurogal oo waa la rajeynayaa in hoggaanka cusub la yimaado guulo hor leh oo uu si hufan u guto waajibaadka hor yaal, si ayaga na loogu xusuusto halyeynimadii lagu yaqaannay raggii ka horreeyay. Hayeeshee weli waa laga dhursugayaa oo loo hanweyn yahay miro dhal cusub.

Sideedaba xiriirka iskaashiyeed ee u dhexeeya jeneraal iyo madaxweyne waa dhinacyo badan yahay. Sida inta badan dhacda, kolka halgan hubaysan lagu gudo jiro, madaxweynuhu waxa uu jeneraalka u adeegsadaa fulinta hawlo uu aayatiin ka leeyahay. Hawlaha jeneraal qabto sumcad ayay leeyihiin, isna waxa uu madaxweyne ka rabaa hanti iyo wakhti intii uu heli karo. Hayeeshee waa ay yar tahay jeneraal la beddelo ayada oo dagaal lagu gudo jiro oo madaxweyneyaashu waa ay ka cagojiidaan tallaabadaas, waxay ku dhaqaaqaan un marka ay lagama’maarmaan tahay.

Dirkii jeneraallada dabadeed isbeddello waaweyn ayaa dhacay, tusaale ahaan, (i) waxaa hakad galay guulihii isdabajoogga ahaa ee laga dhaliyay aagagga dagaalka, (ii) waxaa dib loo qabsaday degmooyin (Xuddur, Dhoobleey) oo Shabaab weerar ku qaadday Garbahaareydii waa’ hore la xoreeyey, (iii) waxaa xumaaday xiriirkii Itoobiya (oo ku andacootay ciidanka Soomaaliya ayaa gabay kaalintiisii), (iiii) waxaa sii hagaasay nabaddii Muqdisho oo hakaday geeddi socodkii amnigeeda guud.

Xilku waa meerto, waa isbeddel badan yahay, waa na jiraan hadafyo kale ama duruufo dahsoon. Ha ahaatee dawladdu waxaad mooddaa in ay ku banjartay dirkii jeneraallada. Labo bilood ka dib ma muuqdo ifafaale wanaagsan oo uu dhalay isbeddelkaasi filanwaaga ahaa. Dawladda hal-ku-dheggeedu yahay amniga ayaa haatan arrinteedu, sidii dawladihii hore ee KMG ahaa, u muuqdaa “la jiifiyaa bannaan, la joojiyaana bannaan.”

 

Mahad Kooshin

mahadkooshin@hotmail.com

=============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Shirka London Waa Shirqoolka Somalida. W/Q Farhan Yasin Mire (Isqootax)

$
0
0

Shirka London Waa Shirqoolka Somalida (Dad aan Tashan Waa loo Talin).
Farhan Yasin Mire (Isqootax).
isqootax@hotmail.com
Maajo 10 2013

Farhan Yasin Mire isqootax

Waxaan Rabaa inaan Bayaaniyo Dhibaatada Somalida haysata iyo Sida Wadamada Galbeedka ay uga faa’iidaysanayaan Qoraalkaan Waxaan ku ifanayaa In aan ku soo bandhigo in Somaliya loo tashaday Boqol sano ka hor.

Shirka London waxaan tusaala ahaan uga soo qaatay Waxaa weyaan waa hogaanka ingariiska uu ka doonayo in somaliya uu lug weyn ku yeesho hogaana u noqdo waana dalkii burburiyey somaliya oo kala qaybiyey ilaa hadana lugta kula jira burburka iyo kala qaybinta somalida.

Dowladii hore ee Federalka Somaliya awood looma lahayn in laga faa’iidaysto khayraadka Bada iyo Burburka Somalida waayo ma ahayn Dowlad si rasmiya loo aqoon saday Balse waxaa laga shaqeeyey in la dhiso Dowlad ku fushan karaan danaha reer galbeedka taas oo ah dowlada hada jirta.

Somalida Dhibatada dhexdooda ka taagan waxaa ka weyn Mida Danaha shisheeye ay ka leeyihiin oo ay ku dhex abuurayaan ha ahaato reer galbeedka ama dalalka dariska la ah.

Somalida waa Dad Islaam ah Waa Dad isku af ah waa dadka isku dhaqan ah waa dad dhaqaale iyo hormar leh waa Dad jaanis uleh in laga maamulo Africa istaraatijiga reer galbeedka iyo waa dal laga maamuli karo Carabaha Ciidanka Amerikaanka ugu weyn ee geeska Africa wuxuu saldhig ka dhigtay Jabuuti oo ka mid ah somaliya.

Waxaa uu haatan doonayaa oo Guryo iyo Saldhigyo ka furtay Koonfurta Somaliya Waxana ka dareemaysaa in somaliya wali lala daba joogo burbur iyo dhibaato ha u maleenin nin shalay ku bur buriyey in maanta uu ku dhisaayo taasna caqligaaga ka saar.

Waxaad tahay dal baahan dad baahan waxaana lagaaga faa’iidaysanayaa Fursada markasta lagaaga helo Somali iyaga ayaa isku imaan kara heshiin kara waa hadii dib loogu soo laabto islaamnimada iyo wada dhalashada iyo Xaqiiqda Jirta lakiin hadii aan caalamka ka sugno in ay dal noo dhisaan waxaan taas leenahay waa riyo beena Waxaan kuu daliila oraahda oranaysa Tashan Waydaye Waa Laguu Talin.

Dowlada Norwey Waxay Fiiro dheer ugu jirtaa in ay maamusho oo gacanta ku dhigto badda somaliya Sidoo kale dowlada ingariiska iyadana waxay rajo weyn ka leedahay in ay Somali oo dhan gacantooda soo gasho.

Shirarka London ka dhacaya waxay Masuuliyiinteena uga qayb galaan Dhaqaale in ay ku helaan waa sida xaqiiqdaa kama fakaraan in La bad baadiyo dalka ee dalka gudihiisa la dhiso la isku keeno Somali laga heshiiyo wax kastoo jira sida ay mar kasta la iskugu imaanayo oo looga shaqeenayo danaha dhexdeenaa waxaa markaas imaan kara heshiis dhaba iyo dowlad dhab ah.

Waxaan rabaa inaan dib idin xasuusiyo Shirkaan shirkii ka horeeyey waxaa ka soo qayb galay Maamulada Somaliya Waxaa ku xigay iyadana shir kale lagu qabtay Turki waxaa ka soo qayb galay maamulada somaliya qaar kamida qaar kalana waa la joojiyey Maxaa sababay in hadba sida la rabo la idin maamulo Taasna waad dareemi kartaa in lagaa leeyahay danweyn oo aadan dareemi Karin adigana ku geenaysa baahi in lagaaga faa’idaysto.

Nidaamka federalka oo waxa la arkay somali ku kala badbaadaso sidaas awgeed baa waxay Britain qorshe dajisay siyaasadisi ahayd DIVIDE AND RULE.

Waxana uu rabaa sidii madaxa la iskula gali laha mar labaad somali aysan ku dhaqmin dastuurkii kala hagi lahaa iyo Nidaam Saxa ee La Sameeyo Shirar la iskaga hor keenayo iyo Qaab awooda lagu siinayo dowlada Maamuladana lagu diciifinayo oo aysan u wada heshiin qaab federalism.

Marki shirka lafuray agendihi soomaalida wadatay wa labadalay waa mida labaad waxaa TV yada caalamka loo baahiyay gaajada soomaaliya kajirta iyo macaluul aan hada taagnayn

Si indhaha caalamka laisaga jeediyo oo loo qaato in agendaha shirka uu yahay in soomaalida macaluusha haysata laga caawiyo Waxaadna Ka Dareemaysaa in Dan somaliyeed meesha lagu wadin ee dano gaara lagu fushanayo.

Shirka London Waa Shirqoolka Somalida Hadaysan Somali dhexdeeda ku heshiin oo dalka markasta laga hadlin dhex dhexaadintooda iyo isku keentooda waxaad ogataan in ay sheekadu tahay hal bacaad lagu lisay taasna ay marnaba dhici Karin in Beesha Caalanka Ay Dowlad ku sameeso sidaasna Somali ku heshiiso waa kaaf iyo kala dheeri.

Shirka London Waa Shirqoolka Somalida(Dad Tashan Waayey Waa Loo talin).

W/Q: Farhan Yasin Mire (Isqootax).
isqootax@hotmail.com

=============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Maxaa aamusiyay xisbiyada Puntland?. W/Q Farah Warsame

$
0
0

Maxaa aamusiyay xisbiyada Puntland?
Farah Warsame
Bile1971@hotmail.com
Maajo 10 2013

Faarax Warsame

Muddo dhowr sano hadda laga joogo waxaa dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo shacabkeeduba qorsheysteen in nidaamka dowladeed ee ay hadda heysato ee qaabka qabaliga ah ku dhisan ka gudbaan. Waxay Puntland isu diyaarisay in qaabka adduun-weynaha qaarkii hadda ku dhaqmo ee xisbiyada badan u wareegto. Qorshahaas waxaa soo dhaweeyay dad badan oo soomaaliyeed inkastoo ay jiraan dadyow u arka arrintan mid aan islaami aheyn.

Si walba oo ay ahaato waxaa Puntland ka hirgalay diiwaan-gelinta dhowr xisbi oo siyaasadeed, mid walba oo kamid ahna wuxuu ku doodaa in danta dadka reer Puntland ka shaqeynayo. Sida qaalibka ah sheegashada Soomaalida ee ah in dadka wax u qabanayaan ayaa ah mid afka uun ku kooban. Laga yaabe in uu jecel yahay laakiin ficilku waa shey kale.

Aan u soo gudbo qoraalkeyga oo ku saabsanaan doona xisbiyada siyaasadda Puntland oo hankii aan ka qabay iga sii yaraanayo maalinba maalinta ka dambeysa, kadib markii aan ka waayay in ay ka shaqeynayaan wax ka baxsan wax aan masalaxaddooda aheyn. Waxaan aalaaba xisbiyada Puntland ka maqlaa iyagoo ka doodaya ama difaacaya danaha xisbigooda siyaasadeed iyo sidii ay ugu guuleysan lahaayeen waqtiga dhow kuraasta GAROOWE taalla.

Waa SAX in ay dantooda ka shaqeeyaan laakiin howsha laga sugayo is-sharrixid & is-muujin ka weyn!. Maadaama xisbiyada Puntland iyo madaxdooduba heleen fursad aysan helin siyaasiyiin waaweyn oo magac & maamuus-ba ku leh gudaha & dibedda Puntland. Waxaan markaa aad u baadi goobay meel ay xuquuqda dadka reer Puntland ku difaacayaan, haddii ay noqon laheyd mid ka maqan ama mid lala damacsan yahay in hadda laga qaado intaba, khaasatan marka shakhsi iyaga lamid ah, ku martabad ah uu Puntland siduu doono ugu weeraro wax aan sharci aheyn!!.

Wey dhici kartaa in ay jirto oo taa qolooyinka igu dhaama ayaa ii sheegi doona, anigase wey iisoo bixi weyday.

Inkastoo xisbiyadani ay curdan yihiin haddana muddo wax looga qiyaas qaadan karo wey dhisnaayeen. Kuma koobna xisbiyada oo keliya dadka xilkooda gabay, xitaa waxaad mooddaa in shakhsiyaad magaca kulahaa bulshada dhexdeeda ay baryahan iska howl-yareysteen arrimo iyaga khatar ku ah. Laakiin hadafka qoraalkeyga ayaa maanta ku saabsan xisbiyada Puntland oo keliya.

Sida aan ka warqabno soomaaliya waxay soo martay welina ku jirtaa jah-wareer siyaasadeed, mid amni iyo mid caddaaladeed. Midda amniga inkasta oo Puntland lagu tiriyo qeybaha faro kutiriska ah ee ka badbaaday dhibka & fowdada soomaaliya saameeyay, haddana intii ay jirtay faro-gelin iyo in la khalkhaliyo amniga Puntland wax badan waa usoo joogtay.

Si taa loo taabo-geliyana waxaa Puntland lagala dagaalamayay arrimaha caddaaladda & siyaasadda oo sal u ah arrinta nabad-gelyada. Wax-qeybsiga nidaamka 4.5 ama Koonfur & Woqooyi, waa labo tusaale oo ka mid ah boqolaalka caddaaladda Soomaaliya lagu wiiqay, welina aan laga weynaan.

Weerarada noocan ah jihooyin kala duwan ayay Puntland kaga imanayeen, dhammaantoodna hal ujeeddo ayay lahaayeen taas oo ah in hanka siyaasadeed ee Puntland gaartay la wiiqo ama ugu yaraan hoos loo dhigo. Si taas loo hir-geliyana waxaa dagaal ba’an lagu qaaday nidaamka Federal-ka loo yaqaan ee ay Soomaaliya waqtigan yeelatay, iyadoo la iska dhaadhacshay fikrad khaldan oo ah in haddii Puntland laga weeraro arrimaha Federaalka, laga adkaan karo.

Isku dayadaa faraha badan ee danaha Puntland lagu waxyeeleynayo, Puntland keli ayay ku aheyd in ay iska difaacdo, cidda keliya ee mar walba lagu halleynayay in ay ka hadasho ama wax ka qabato waxay ahaayeen madaxweynayaashii kala duwanaa ee Puntland soo maray.

Soomaalidu waxay tiraahdaa Dab, ama hadal baa lagu bakhtiiyaa ama biyo, Waxaa la iloobay waajibkii shacabka ka saarnaa difaacidda danaha dalkooda. Kama wado in ay raadiyaan xaq aysan laheyn, laakiin midda ay xaqa u leeyihiin in ay ilaashadaan wuxuu ahaa waajib saaran. Layaab ayay igu noqotay markii aan waayay meel ay jaan & cirib dhigeen xisbiyadii siyaasadeed ee Puntland oo waajibkoodu ahaa difaacidda & u doodida danaha dadka reer Puntland.

Sharraxaad badan uma baahna halka ay Puntland siyaasad ahaan ka gaartay gudaha & dibeddaba oo waataan hore u iri: “haddii gumeystihii yiri dalku waa Koonfur & woqooyi, Puntland waxay noo sheegtay in ay jiraan jihooyin kale oo kuwaa ka waaweyn sida Woqooyi-Bari, Koonfur-Galbeed iwm”.

Laakiin arrinta aan rajeynayay ayaa waxay tahay in qofka siyaasiga ah ee magacaa Puntland wax ka-wadaagaya in uu kaalintiisa ka soo muuqdo, khaasatan goobaha afkaarta siyaasadeed ee kala duwani ka socoto, sida warbaahinada (Tv-yada, Radiyayaasha & internetka iwm) & shirarka soomaalida ee gudaha & dibeddaba ka dhaca iwm.

Waxaa maanta la filayaa in uu qabsoomo shir ballaaran oo Soomaalida loogu qabanayo dalka Ingiriiska, waxaan markaa is-weydiiyay muxuu yahay maqaamka siyaasadeed ee xisbiyada Puntland ee shirkaa & kuwa la midka ah kaga aaddan? Ma sidii hore ee siyaasaddii halka waji ku koobnayd ayaan weli ku soconnaa taas oo ah in aan dowladda Puntland wax waliba ka sugno khasaare & faa’iido wixii ay noo keento? Mise xisbiyadu kaalintooda in ay ka qaataan arrimaha siyaasadda ayaa banaan? Kama wado inay dowladda u gacan dhaafaan howlaheeda shaqo, laakiin maxaa diidaya in xisbiyadu talo & afkaar ku biiriyaan dowladda Puntland marka shirkan & kuwa la midka ahi taagan yihiin, la qaban-qaabinayo ama laga hadlayo danaha dadka Soomaaliya oo Puntland ay qeyb ka tahay? Goormaan dhaqdhaqaaqooda dareemaynaa?

Dadka qaar ayaa ku dooda in xisbiyadii siyaasadda Puntland aysan jirin ama heysan sharci u fasaxaya in ay shacabka Puntland u doodaan, laakiin fikraddahaa aniga waa ii cuntami weysay, mar haddaan aaminsanahay in xisbiyadu shaqadoodu-ba tahay in ay ummadda ay sheegteen in ay matalaan afkooda ku difaacaan.

Gobolada xaqooda la doonayo in la duudsiiyo kuma koobna Puntland oo keliya, ee waxaa iyana waayadan kusoo biiray dhulka JUBBALAND loo yaqaanno. Dhulkan oo muddo 22 sano ka badan dhib iyo fowdo lagu waday.

Waxaa Alle mahaddii ah in maanta u kaceen dad wax garad ah haddii ay noqon laheyd maamulkeeda KMG ah, shacabka reer Jubbaland, siyaasiyiin caan ah & ururo wadani ah sida ururka SAHAL ee had & jeer u dooda xuquuqda dadka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Jubbaland iyo kuwo kale.

Isku soo wada duub, Si wixii aan ka fileynay looga helo xisbiyada cusub ee Puntland, waxaa waajib ah in aysan ku mashquulin oo keliya arrimaha gudaha ee xisbiyadooda, sida xafiis-furid, loollan siyaaadeed & dibad-wareeg, ee ay xoogga saaraan sidii ay u kasban lahaayeen dadka shacabka ah ee Puntland & soomaalida kale ee sharciga & kala dambeynta jecel sida Jubbaland. Sida keliya ee taa lagu gaari karana waxay tahay in ay u hiiliyaan marka laga gardaran yahay & marka ay gardaran yihiin labadaba.

Waxaan ula jeedaa in aad afkiina ku difaacdaan XAQA, iyo sidii loo joojin lahaa dagaalka jihooyinka badan ka socda ee lagula dagaalamayo Nidaamka Federaalka ee dastuuriga ah ee ay Soomaaliya qaadatay, kaas oo aan tiro ka-9 jeer ka tiriyay isku-dayo la doonayay in looga takhaluso.

kiisii ugu dambeeyayna uu ahaa markii mudanayaal baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo iyagoo awood is-bidaya ku yiraahdeen “Mooshin ka dhan ah heshiiskii Ankara Baarlamaanka lama keeni karo” cid jawaab ka bixisayna aan la heyn.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa, ha u qaadanina in aan idin dhaleeceynayo ee waxay iga tahay waano & wax u sheegid uun. Xisbiyada 6-da ahna arrintan wey u siman yihiin oo xisbi ama laba keliya gooni kuma aha.

Wabillaahi Towfiiq

Farah Warsame
Melbourne, Australia.
Bile1971@hotmail.com

=============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Sidee ku dhacday in Prof. Axmed Samatar uu baarlamaanka ka waayo mid uu kala sheekaysto xaaladda qaxootiga Ifo?. W/Q Mursal Geeldoon

$
0
0

Sidee ku dhacday in Xidhibaan Prof. Axmed Samatar uu baarlamaanka ka waayo mid uu kala sheekaysto xaaladda qaxootiga Ifo?
Mursal Geeldoon
Geeldooniya@gmail.com
Maajo 13 2013

Habeenkii Sabtida ee ay bisha May ahayd afar 2013 ayaan waxaa aan ka qaybgalay shirka fagaaraha ee uu qaban qaabiyo Mudane Sadik Warfaa. Shirkaas waxaa looga doodayay Federaalku Soomaaliya dan ma u yahay mise maya?Waxaana arrinta qaadaa dhigay saddex professor oo kala ah Prof. Hodan Ciise (Xaaskii Prime Minister Cabdiweli Gaas), iyo Prof. Cabdi Nuur iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar. Saddexda Profesoor Waxay isku raaceen in dalka federal lagu dhaqo laakiin waxay isku khilaafsanaayeen qaabka iyo gobolada fedaraalka sida loo dhigayo. Markii ay Professoorada dhamaysteen hadalkoodii ayuu Sadik Warfaa furay Su’aalihii dadweynaha. Su’aalaha waxaa ka muuqday in dad badan dhibsadeen fikraddii Prof. Axmed Samatar ku yiri. “Fedraalka waa in loo qaybsadaa Somalilandkii British Protectorate iyo Itaalian Somalia”. Waxaa luqaddaas dhibsaday Soomaali badan oo meesha fadhiday haba ugu badnaadaan kuwa ka so jeeda Sool Sanaag iyo Cayn. Waxaan meeshii aan fadhiyay gadaashay ka maqlay cod leh “Prof. Cilmigaaga iyo caqligaaga iswaafaji”.Waxaan kale oo aan arkay Prof. Cabdinuur oo ku xiiqay difaaca Prof. Samatar.

Taasi waa warbixinta guud iyo waxaan shirka ku soo arkay haddaan u laabto mowduuca cinwaaka qoraalkayga. Waa arrinta ah in Prof. Samatar yiri xaaladda qaxootiga ee Ifo qof ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo aan kala sheekaysto waan waayey sida uu nin ka sheegay goobtii shirka. Marka hore waan rumaysan waayey laakiin waan baaray waxaa ii soo baxay in warku jiro oo cod baan dhagaystay. Haddaba arrintaas sidee ku dhicday? Horta aniga ma ahi qof difaacaya xubnaha baarlamaanka Soomaaliya waayo baarlamaanka 4.5 sidey ku imaadeen waan ognahay mana ahi qof xumaynaya Prof. Samatar oo ah oo xaq buu u leeyahay waxa uu doono inuu ku hadlo laakiin arrintaas wey iga yaabisay.

Ma in laga hadlo xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee Ifo baan haboonayn?

Ma ceeb bay ku tahay baarlamaanka arrintaas? Professorkaa miyaa iskala weynaaday ayaga?

Professor Samatar ma isku dayey inuu ka dhaadhiciyo xubnahaas mise ayagaa ka diiday?

Xattaa haddii dhanka cudurkii Soomaalida ee qabiilka laga eego, Ma arrin qabiilbaa? Baarlamaanka iyo qaxootiga Ifo ma kala qabiilbaa? Ma isneceb yihiin oo colaadbaa ka dhaxaysa? Ma dadka xerada qaxootiga ku jira iyo baarlamaanka ma neceeb baa ka dhexeeyaa? Xubnaha baarlamaanka ee diiday ma iskuwada qabiilbaa?

Sida iska cad Prof. Samatar waqti ma gelin mana marin habkii iyo xeer hoosaadkii iyo mooshinkii arrintaas looga baahnaa. Xubnaha baarlamaanka waxay u baahan yihiin qof hogaanka u qabta oo u qora mooshinada iyo bills. Resolution iwm. Ma u malaynayo inuu jiro xildhibaan diidi lahaa in laga hadlo Ifo. Dhabtii wayba jeclaan lahaayeen ama ku faanilahaayeen ka hadalka Ifo. Ninkii goobta ka istaagay waxyaabo badan oo aan halkaan ku soo koobi karin ayuu meesha ka sheegay oo ay ka mid yihiin hadallo uu Prof. Samatar hore uga yiri Public Radio oo ahaa “Soomaalida Maraykanka qaadashada dhalashada Maraykanka daacad kama aha baasaboorka waxay u qaateen inay ku safraan iyo dano kale mana la aamini karo”. ninkii waxaa uu ka codsaday Axmed Samatar inuu cudur daar ka bixiyo hadalkaas.

Aqristow sidee kula tahay in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu waayey hal xidhibaan oo uu kala hadlo xaaladda murugada leh ee xerada qaxootiga ee Ifo?

Mursal Geeldoon
Geeldooniya@gmail.com

=================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Waqtiga iyo dhalinyarada maanta. W/Q Abdirashid Takar

$
0
0

Waqtiga iyo dhalinyarada maanta
Abdirashid Takar
takarisse@yahoo.com
Maajo 16 2013

Waxaan wada ognahay inay nolsheenu tahay maalmo, usbuucyo, Bilo iyo Sanado laysku daray. Markasta oo ay maalini tagtana cimrigeeenii waxaa tagay qayb aan noosoo laaban doonin ilaa Maalinta Qiyaamada laga gaaro. Maalinta Qiyaamadana waqti kasta oo nasoo maray wuxuu imaanayaa isagoo noo markhaati furaya, ama isagoo nagu markhaati furaya. Waqtigu waa raasamaalka ugu  faa’iddada badan hadii si fiican looga faa’idaysto oo loo qorsheeyo sida ay xikmadani leedahay ( Waqtigu waa waxa nolosha laga sameeyo)).

Dhalinyaronimadu waxay ka bilaabataa da’da qaangaarka meesha ay ku dhamaanaysana waa laysku khilaafsan yahay Qofka dhalinyarada ah waqtigiisu waa ka qaalisan yahay kan dadka waaweyn, waa qof wax weyn usoo kordhinkara naftiisa iyo ummaddisaba oo maskaxdiisu heerkii u fiicna ee wax fahanka joogto, waa qof noloshu ku cusub tahay oo mustaqbal Addunyo iyo Aakhiraba hadda tacabkoodii bilaabay oo waxba meel horey ugu oolin, waa qof muddo gacan dadkale kusoo noolaa, waalid iyo ehelkalabo oo hadda laga sugaayo miro dhalkii, waa qof xilka u weyn ee la saarey yahay inuu waxbarto, shaqo iyo wax tacab galo si uu naftiisa u anfaco.

Dhalinyarada manta joogta, weliba dhalinyarada Soomaaliyeed, dhib badan ayaa haysata dibad iyo gudahaba, dhibaatadaas wax halkaan lagu soo koobi karo maahan, waana wax aan wada ogsoonahay, dhibta in laga sheekeeyo waxba ma tarto, ee in xalka laga sheekeeyo ayaa wanaagsan.

Waxaan leeyahay; dhalinyarada maantow is weydiiya, see u isticmaashaan waqtigiina? .

Ma waxaad jeceshahay inaad ahaatid;

1) Laacib khatara oo footballka ciyaara ama fiirsada, laaciibiinta adduunkana mid mid u yaqaana, iyaga iyo xitaa qaraabadooda iyo meeshay maalin shah ka cabbeen. Markii laga sheekaynayana afkiisa la wada fiirsado

2) Khabiir sheekada dhalinyarada iyo shukaansiga ku xeeldheer, 20 accounts oo kale duwan ku leh dhamaan social networks oo dhan, contactskiisuna kor u dhaafeen ……,.habeen iyo maalina ku dhaafto waxay ila tahay, (like, dislike, comments etc)

3) Qof diinta wax uga bilaaban yihiin, laakiin aqoon fiican u lahayn meeshu ka raadsan lahaa waxa ka dhiman, oo markaas ku dhacay websites dad xag jir ah leeyihiin, oo inta caalamkii kale iska soo xirxiray iyaga kaliya wax ka dhegaysta. Adduunkii kalena u xanaaqsan, taasina u keentay inuu noqdo qof xanaaqsan oo xirxiran, ilaa noloshu ciriiri ku noqoto.

4) Qof belwada mukhaadaraadka dhex dabaalanaya oon ba la socon waxa adduunka ka socda iyo waqtiga laga hadlaayo

Mise waxaad jeceshay in lagugu yaqaan;

1) Qof dhalinyaro ah oo hami adduun ku jiro, ku dadaala hadba wixii uu fursad Ilaahay u siiyey,(waxbarasho, shaqo), aakhiro inay sugaysana xisaabta ugu jiro.

2) Qof ku fekara inuu waqtigiisa si fiican u isticmaalo, is weydiiya marwalba in sida uu u dhaqmayo sax ama khalad tahay iyo inkale.

3) Qof ay la weyntahay talada waalidkiis/ehelkiisa/waxgaradku, markastana ka shidaal qaata cidda uu is leeyahay wax bay kugu dhaaamaan. Niyada ku haya ciddii oo korisay inay markaan miro iyo manfac ka sugayaan.

4) Qof aan u samayn waxa uu samaynayo dhalinyarada kaleba waa samaynsaa, ee u sameeya waa sax ama dantaa saa ku jirta. Wixii xuna isaga hara xitaa haddii dhalinyaradu dhamaan sameeyaan.

Hadaba waxaan kusoo gabogebaynayaa qormadaan kooban dhalinyarow;

Qofka markuu Sanad u dhamaado, noloshiisii way soo gaabatay, oo hal sano ayaa kabaxay, duqnimo iyo dacfina way soo food saareen, mashquul iyo ilmo korina inay kusoo biireen waa laga yaabaa. Waxaana jirta Murti oranaysa (Maalinwalba waxaa kasii dhib badan, tan ka danbaysa). Waxaana dhab ah qofkii dadaala oo kafikira qiimaha noloshiisa, kuna talagala inuu khayr kasbado, naftiisa horumar gaarsiiyo, plan wax qabad jeexdo, raad fiican reebo, inuu aad ugu dadaalayo siduu waqtigiisa uga faaiidaysan lahaa.

Dadku waa laba qaybood:

1. Qayb qorshaysa waqtigeeda jeexata plankay ku shaqayn lahayd, lehna Hadaf iyo aragti ucad, maxaan rabaa inaan gaaro sanadkan; wax barasho, shaqo, dhaqan wanaag, tababarasho ilmo wax barid, Bulsha toosin iwm.

2. Qayb iska nool oo aan kala ogayn sanadka baxay siduu kaga tagay iyo kan soo galaya waxa la gudboon inuu helo, ama qabsadaba, una diyaar ah inay Badda israaciso, aragtana waxa ka horyimaada uun, wixii ka xumaadayna naftooda inta ka leexsha waqtiga u saara.

Waxay ila tahay waa inoo caddahay qaybta horumar Adduun iyo Akhiro gaari karta inay tahay qaybta hore, laakiin aad ayay ugu yartahay dhalinyarada maanta.

Dr A. Takar

=================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Mabaa’diida Afarta ah ee Badbaadisa Aadanaha. Qeybtii 4aad. W/Q Cabdirahman Maxamed (Xiddig)

$
0
0

Mabaa’diida Afarta ah ee Badbaadisa Aadanaha
Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig)
xiddig@gmail.com
Maajo 18 2013

“Inkastood wax yaabliyo, Tustay dhawr astaamood…”

Q. 4aad

Mabda’a 1aad: Iimaanka

Ma aha mid fudud, mana aha mid adag. Ma aha mid fudud oo cidii rabta iskama hesho. Mana aha mid adag oo aqoon iyo awood midna luguma helo. Oo haddii uu fududyahay Alle kuma yidhaahdeen Nabi Mohamed (SCW) “Adigu cida aad jeceshahay ma hanuunin kartid, laakiin Allaa hanuunsha ciduu doono” markii uu adeerkiis Abuu Daalib dhimanayey. Haddii aqoon iyo awood lugu helana in badan oo dadka adduunka ku nool ah ma aysan dhumeen. Waxaa iyadana dhab ah in aan dhalasho, dhaxal iyo dheef midna lugu helin balse ay tahay hibo uu Alle ciduu doono ku hibaysto. Qofkii helaa ma halaagsamo. Kii aan helinna halaag buu la hoydaa.

Inkastood wax yaabliyo,
Tustay dhawr astaamood,
Waa tay addoomuhu,
Afar iyo shan mooyee,
Kaa aamuseenoo,
Iimaansan waayeen,
Aayadaha Quraankee,
Dhegahana ka awteen—–Hadraawi

Waxaa la yidhaahdaa waa: weedh carabka laga yidhaahdo (Shahaadataynka), qalbiga laga rumeeyo, xubnahana looga dhaqmo. Marna kor u kac baa ku yimaada, marna hoos u dhac baa ku yimaadaa. Waxay ku xidhantahay cibaadadaada iyo caasinimadaada.

Eebboow ma aan arag,
Illihii Naciimiyo,
Uduga iyo raaxada,
Carfigiyo il-dooga leh,
Sida ay u eegtee,
Adigaa “rumee” yidhi,
Anna waan adeecee,
Hayga qadin Allahayow,
Eebboow ma aan arag,
Ololka iyo naartiyo,
Albaabada saciiree,
Abeesadu u hoyatee adigaa “rumee” yidhi,
Anna waan adeecee ha I gayn Allahayoow,
Eebboow ma aan arag,
Malaaigta amarkiyo,
Cibaadada adkeysee,
Adigaa “rumee” yidhi,
Anna waan adeecee,
Ha I goyn Allahayoow:—– Axmed Aw Geeddi Maxamuud “Dheeraad”

Adduunka aan ku noolnahay, lix jeer ayeey ku soo laba laabtaan dadka aan laga helin mabda’an dadka laga helay. Qofkii laga helaa waa hodan isaga oo aan hanti haysan. Wuu qanacsanyahay isaga oo aan quud haysan. Wuu ladanyahay isaga oo aan lacag haysan. Wuuna dharagsanyahay isaga oo aan dhariga u buuxin. Dhib iyo dheefba Alluu u mahad celiyaa. Wuxuu yidhaahdaa,

Allaa mahad lahoo mudan amaan waana loo magane,
Rabbi baa macbuud xaqqa ahoo muran la’aaneede,
Rabbi baan midnimadiisa uga marag kaceeynaaye,
Rabbi baan tashbiih naga mudnayd amase miisaale.—–Abshir Bacadle

Iimaanku waa mabda’ mucjiso badan. Dadkii laga helay halyeeyo ayeey noqdeen, markaas ayeey diinta dunida dacaladeeda gaarsiiyeen. Dadkii qaatay iimaanka qaaradaha adduunka ayeey furteen, markaas ayeey dadka Qur’aanka iyo qaanuunka Alle ugu yeedheen. Dadkii laga helay iimaanka khubaro ku takhasusay cilmiga qaybihiisa kala duwan ayeey noqdeen, markaas ayaa magacyadooda diiwaanka taariikhda la galayey. Dadkii laga helay Iimaanka geesiyaal aan gabanin ayeey noqdeen, markaas ayaa laga gaban jiray markii la arkaba.

Tollow! Bal anagu xaalkeenu muxuu yahay maanta.
Ninkii rodolna miisaama ee kilo raajiciya,
Ee raasamaalkuu helaa rubuc ka hooseeyo,
Xisaabtaa inuu dib u rogrogo sow ra’yigu ma aha—— Dhoodaan

Mabda’an dadkii masaakiinta ahaa madax ayuu ka dhigay. Dadkii madaxda ahaana, sida loo maareeyo maamulka ayuu baray. Dadkii waayeelka ahaa, waa cusub ayuu u dhaliyay, dhalinyaradiina noloshii dhabta ahayd ayuu dhadhansiiyey. Dumarka xaqoodii la duudsiin jiray, darajo ayuu dareensiiyey, gabdhihii nolosha lugu xabaali jirayna, nimco iyo naxariis ayuu u keenay. Reer baadiyihii ilbaxnimo ayuu u horseeday. Reer magaalkiina macno ayuu noloshoodii u yeeley. Aadanaha oo dhan wuxuu ka dhigay mabda’an in aan lugu kala darajo saraynin muruq, maskax, magac iyo muuq midna cabsida Alle mooyee, sida uu yidhiba Alle, (Subxaana Watacaalaa), “Waxaa idinku Sharaf badan Alle agtiisa, kiina idinku cabsida badan” (Xujaraat 13).

QEYBTA 1AAD HALKAAN KA AKHRISO

QEYBTII 2AAD HALKAAN KA AKHRISO

QEYBTII 3AAD HALKAAN KA AKHRISO

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Waa Jawaab Fudud, Hadii Loo Jeelan Yahay. W/Q C/raxman Geelle Ciise.

$
0
0

WAA JAWAAB FUDUD, HADDII LOO JEELAN YAHAY.
C/raxman Geelle Ciise.
inageelle@yahoo.oc.uk
Maajo 20 2013

Cabdirahman Geelle

Ujeeddo, ahdaaf iyo ka mira dhalinta qorshayaal gaara, iyo siddii lagu gari lahaa badana maaha kuwo kala hara, waxaanse shaki ku jirin in waxkasta oo uu sameeyo aadanuhu aysan ahayn marna kuwo dhamaystiran, sidiii loogu talo galayna u meel mara, taasina waa sifo ugaara Eebbe SWC.

Samaynta iyo dhisidda Dawladda federalka ah ee haysa talada dalka ayaa ah mid muddaba soo kufaa kacaysay, markii danbana gacanta u gashay madaxda maanta dalka majaraha u haysa, oo inta ugu saraysa iyo kuwo badan oo hoosaba aan waxba ku layahayn in soomaaliya laga soo saro godkii ay ku dhacday dabayaaqadii Q.20aad, kuwaas oo aad moodid inay gacanta la galeen nidaam aysan ku kalsoonayn qaadasho iyo ku dhaqan midna.

Haddii aan fududeeyo ujeeddada qoraalkaan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane. Xasan Shiikh Maxamuud, in badan wuxuu sheegay in aysan xukuumadiisu diidaneyn ku dhaqanka habka xukunka baahsan, ee waxna la wadaago waxna lakala leeyahay ee federalism-ka loo yaqaan, hase yeeshee ay adkaatay, siddii iyo goortii uu niddaamkaan u hirgali lahaa, taas oo ah jawaab uu uga fadhiyo ummadda Soomaaliyeed ee habkaan ku heshiiyey iyo intii la fikir ah.

Isuma arko ruux aqoonteed leh, kuna dhaqmay niddaamkaan, dadkana ku dhaama sida ugu habboon ee loo hirgalin karo marka laga reebo in yar oo aan akhristay, ama arkay dalal qaatay kuna dhaqmay, iyo Inta xusan Dastuurka Ku meel gaar ka ah ee Dawladda, balse waxaan igu adkaatay wax la isaga dhagatirayo, wixiilagu dhaarshay xukuumadda sidda, Golaha Shacabka iyo Golaha Fulinta iyo Shakhsi kasta oo igmado Danta Dalka in lagu dhaariyo inuu ixtiraamo, Dhawrana Dastuurka Jamhuriyadda Federalka ee Soomaaliya.

Shaki kuma jiro inay jiraan shakhsiyaad aan ku qancin in soomaalidu ay yeelato xukuumad awoodeedu kooban tahay, qolo walba iyo reer kasta uu samaysto dawlad ugaara oo leh laba calan, kii soomaaliya iyo mid ayada u gaara, taas oo mararka qaar keeni karta in waddanku noqdo ninba wax ku huluban.

Waa gar haddii loo garaabo, waayo soomaaliya waxay ahayd Jamhuuriyad Dimoqraaddi ah, lehna Awood ay ugu babac dhigto Waddamada Deriskaa oo aan marnaba la jeclayn Soomaaliya inay noqoto mid isku taagta cagaheedda sababtana waxaan u dayey akhristayaasha la socda Daljirka dahsoon ee dalka.

Qaybi oo xukun, waa Habraacii ay addeegsan jireen Gumaystayaashi dalka soo galay Bartamihii iyo dabayaaqaddii Q.18aad, taas oo la midah in Maamul Goboleed kasta oo dhisma in sigaara loola macaamilo, laguna qanciyo wixii isaga ula muuqda dangaara, hase yeeshee aan mid guud wax ugu ool.

Ku darsoo dadka taas ku doodaya kama aha soomaali jacayl iyo waddanka awoodiisa in diblo yagleeyo, ee badan koodu waa dadka ay Soomaalidu ka dagi weyday. Waxay arkeen in uu san niddaamkaa ahayn mid ay ka dhex arkayaan Danahooda siyaasaddeed iyo habdhaqanka guracan ee ah in wax kasta oo Soomaali leedahay ay beel ama qabiilooyin gaara sheegtaan, sida Odayasha Soomaaliyeed, culimada Soomaaliyeed, dhalin yaradda Soomaaliyeed, Haweenka Soomaaliyeed, aqoon yahannada Soomaaliyeed, I.W.M. kuwaas oo meel ka dhac ku ah ummad aadan matalin inaad sheegato magacoodda iyo mansabkooda.

Sidda ku cad Dastuurka ku mel gaarkaa ee Jamhuuriyadda Feredalka Soomaaliya, waxaa la qaadatay in waddanka lagu dhaqo habka Gobolaysiga iyadoo la caddeeyey, Laba Gobol iyo Wixii ka badan inay noqon karaan Dawlad Goboleed, iyadoo la tixgalinayo Rabitaanka Shacabka iyo sidda ay ugu qancaan Asaaska Dawlad Goboleedka.

Jamhuuriyadda Federal-ka Soomaaliya, waxaa lagu dhisay Dastuurka Ku meel Gaarkaa ee Ferederali-ah, waxaana lagu doortay Madaxweyne, Golaha shacabka, iyo Xukumaddii uu soo dhisay Wasiirka Kowaad.

Waxyalaha loo igmaday waxaa ugu muhiimsan, inay umadda Soomaaliyeed Dib-uheshisiiyaan, Federalism-kana Hirgaliyaan, baahinta guud ahaan niddaamka Dawliga ah, iyo Dhammaan wixii kale ee dawlad qaran laga filayey, haseyeeshee waxaa badalay taas qod-qodid boogo la dhayey dhawacoodiina la aasay Muddo hore, Hor istaagista Ummadda ayaheedda ka tashanaysa (Jubba land), ku gacansayridda talooyinka dadka caqliga u saaxiibkaa (Puntland), u magacaabidda Guddoomiyaal Gobol dad aan matalin dadka loo dirayo (Hiiraan, Gedo, Jubbada Hoose, Bay, I.M.W), La macaamilidda ummad Soomaaliyeed siddii waddan ajabi ah (Soomaaliland), taas oo ceel dheer kusi ridaysa soo celinta xasiloonidda dalka.

GEBO-GABO.

Mudane Madaxweyne, waddanka maalinba qolaa ka talinaya, shalay kuwii joogay waxay badaleen kuwii dorraad joogay, Adiga iyo xumadda aad manta utalisidna waxaad baddasheen kuwii shalay, yeynaan noqon Kuwo Hoos koodda fiirsha ee aan ahaanno kuwo hortooda fiirsha,

Majirayaan cid waaraysa, ha isku dayin inaad awoodda aad leedahay, aad ku dulmidid qabiil ama qolo gaara, ee waxaad iskudaydaa inaadan qaadan wax aadan xaq ulahayn, Cilmiga hallaguu dhiggee caqliga kaasho baa la yidhi.

Sidda waddanku federal u noqonayo waa caddahay, oo maaha mid aan isweydiino manta, ee waxay ahayd in loo daayo dadkii keenay nidaamka oo ugu horeeyo Madaxweynaha Dawladda Puntland, Dr.C/raxman Sh.faroole, iyo Mudanayaashii kale ee kala soo shaqeeyey Dhamaystirka niddaamkii Kumeel gaar ka aha. Jawaabta hadalka oo fufudna waa udaa dadka hirgalinkara feralism-ka, fikirkaagana dhiibo, taladda dalkana u celi intii kugu dooratay federalism una sheeg inaadan hirgalin karin, waa lagu jeclaan anaa huba, runtaa sheegtay awgeed.

C/raxman Geelle Ciise.
inageelle@yahoo.oc.uk

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Viewing all 410 articles
Browse latest View live