Quantcast
Channel: Opinion – RBC Radio
Viewing all 410 articles
Browse latest View live

Cadde Muusow haddad Canada ku laabato maxaa kaa halaabaya?! W/Q Axmed Maxamed Alam-tara

$
0
0

Cadde Muusow haddad Canada ku laabato maxaa kaa halaabaya?!
Axmed Maxamed Alam-tara
axmedalamtara@yahoo.com
Agoosto 21 2013

maqaalUgu horeyn waxan salaamayaa madaxda iyo shacabka reer Puntland guud ahaan, waxaana Alle ka baryayaa inuu wixii wanaaggeenu ku jiro ina waafajiyo oo ay ugu horeyso cibaadadiis, intaas ka dib waxaan qoraal lagu faafiyay shabakadda raxanreb oo uu qoray Gen. Cadde Muuse.

Qoraalkan uu soo qoray si uu Gen. Cadde is lahaa ka taxaddar ay u ekaa mid canaad badan iyo xaqiirnimo ay ku dheehantahay, waxaase ka muuqday in General-ku garowsanyahay inu ku gefay ummadda iyo maamulkeeda hasa yeeshee usan quuri kaqrin inuu raali geliyo, taasoo ah cillad ama iin ka muuqata tayada qofnimo ee uu leeyahay Gen. Cadde.

Waxaad moodaa qoraalkiisu inu ku salaysanyahay anigu waxaan rabo ayaan samayniyaa denbina layma qabsan karo waayo Oday Baan Ahay! Hadde sidaasi gartu ma noqotaa?! Haddii xaqiiqda laga leexdo, oo garta la inkiro side baa odaynimo laysugu aqoonsanayaa, tan kale mas’uuliadda uu Gen. Cadde leeyahay “Oday baan ahay xil baa iga saran Puntland ma midda awodda u siisay sida la sheegay inuu ku laayo saraakiishii iyo ciidammadii degmadiisa joogay ee ree Puntland baa? Waxaana is-weydiin qoraalka uu soo diray Gen. Cadde farrintiisa runta maxay tahay?

Ma madax-weyne Faroole ayuu leeyahay wax baad iga qaadi weysay dalkana anigaa kula xukuma oo oday baan u ahay adna madax-weynaad u tahay?! Muxuse fal-danbiyeedka loo haysto oo umadda reer Puntland oo dhan ay wali ka ciil qabto marna ugu xusi waayay qoraalkiisa oo xataa uga tacsiyeeyn waayay xataa haddii uu sameeyay ama uusan sameynba? Mise fariintiisa oo dhan waxay ahayd yaa wax iga qaadi kara, anigaba madax baan ahayee?!!! Afkaago ku xira Alle Goo baa la yiraahdaa…marar badan oo uu Gen. Cadde ka hadlay idaacadda kuwa la dagaalsan Puntland ee Codka Maraykanka (Voice Of America) waxaan soo xasuustay Islaantii lahayd “Ilaahayow hadalkiisana ma rabee iga aamusii!” wax qoritaankiisana ma sidan baa?!

Macnaha guud ee qoraalka Gen. Cadde waxaa ka muuqda isla weynaan aan marna macne u lahayn ama aan u cuntamayn dowladda iyo shacabka reer Puntland isla markaasna aan ku haboonayn inuu la gole yimaado nin xil kas ah oo loo haysto inuu isagu ka dambeeyay fal-danbiyeedkii ka dhacay magaalada Qardho bishii la soo dhaafay (July) 14keedii sanadkan.

Waxaa iyadana weydiin banana ah muxuu Isimmada Puntland ugu yeeriyaa?! Isimmada Puntland ma garan waayin xilkooda inta aan xasusannahayna marna kaalinta u banaanna Isimmadu intay garan waayeen laguma dhaliilin, waxaase yaab leh sababta nin kasta oo danbi ka gala reer Puntland uu ugu galaangasho inay Isimmadu shir isugu yimaadaan, midse dhaqanka Isimmada iyo guud ahaan reer Puntland loogama fadhiyo inay dulmi u hiiliyaan.

Tan kale Gen.Cadde aan weydiiyee Isimmada haddii ay yimaadaan oo aad carooto ama aad xanaaqdo maxaa dhici kara?! Waase su’aalee maxaa arrintii Qardho ka dhacday odayaasha iyo wax-garadka gobolka uga hadli waayeen, waan hubaa in badan oo ka mid ah inay ka xunyihin wixii maalinkaas ka dhacay magaalada, ma la hubaa inaysan adiga kaa baqayn?!

Waxaa wanaagu ku jiray maantana taariikhdaada (Gen.Cadde ahaan) iyo tan Puntland labadaba macne weyn ku yeelan lahayd adigoo buraashaddada soo dhaansada oo markii uu madax-weyne Cabdi-raxmaan Farole ku dhawaaqay inuu joojiyay doorashadii ugu yimaada magaalada Garowe, gogol iyo xaal marina keena haddaad tahay qofka aad hadda rabto inaad iska dhigto (ODAY) Allah maxaad show Fule tahay?!

Waxaan iyadana la qarin karin in si geesinimo ah ammaanna mudan uu madax-weyne Faroole go’aan waajib ahaa uu qaatay uuna muujiyay mas’uuliyad iyo xil kasnimo, waxaana talo wanaagsan ah Gen. Caddow hadadan quuri Karin inaad ummadda ka raali geliso wixii Qardho ka dhacay inaad ka aamusto oo aadan fidno sii hurin, maxaase kaa halaabaya hadaad Canada isaga laabato?! Haddii aadan taas yeelayn waxaad ku fiicnaan lahayd inaad afkaaga ummadda ka haysato! Waa iga talo ehelnimo!

Qoraalkii Gen. Cadde halkaan ka aqri: http://www.raxanreeb.com/2013/08/fariin-ku-socota-faroole-wq-jeneraal-cadde-muuse/

Axmed Max’ed Alam-tara

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Sannad KHasaaray. W/Q Dr. Saciid Ciise Maxamuud

$
0
0

Sannad KHasaaray
Dr. Saciid Ciise Maxamuud
saciidciise258@aol.com
Agoosto 22 2013

Dr. Saciid Ciise Maxamuud Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

Dr. Saciid Ciise Maxamuud
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

Xisbiga Dadka oo Quudareyey Sannad Ka Qasaaray Shacabka Soomaaliyeed

10ka September hogaamiyaha sare ee dowlada barakeysan wuxuu maamulkiisu jirsadey Sannad, waxeyse dhiilo ka taagan tahay waxqabad muuqda oo la taaban karo oo shacabka loo soo bandhigo lama hayo.Waxaa muuqata in dowlada ay hadda tukubidii ku darsatay iney liicdo oo ay qarka u saaran tahay iney miyir beesho. Muqdisho waxey la ciirciireysa xaalado isbiirsaday oo shacabkeeda u horseedi kara diidmo ay uga soo horjeestaan hogaanka madaxda sare ee dowlada, taas oo ay wehliso khatar aan hadda la saadaalin karin. Dadweynaha Muqdisho waxey dhowrayaan waxa dhaca 10ka September, waxeyna tilmaantu muujineysa in waxa keliya ee ay ku qanci karaan ay tahay isbedel ku yimaada hogaanka dowlada, taas haddii la waayana ay dadku cadaalada ku raadsan doonan gacmahooda. Waxaa aad u rajo yar saadaasha laga qabo in madaxada sare ay iska casilaan xilalka ay hayaan ama in baarlamaanka uu ka keeno codbixin xilalka looga qaadayo.

Madaxda dowlada waxey aamusiyeen oo dabreen inta badan xubnaha ka tirsan baarlamaanka oo musuqmaasuq siyaasadeed lagu geliyey qool. Xildhibaanada qaar waxa jagooyin laga siiyey dowlada oo ay ka yihiin howlwadeeno ka shaqeeya wasaaradaha ama la shaqeeya madaxtooyada. Taas waxey dhalisay in howlwadeenadaas marna ka tirsan baarlamaanka, marna ku dhexmilan dowlada qeybteeda fulinta ineysan awoodin iney ka hor yimadaan rabitaanka madaxda dowlada, taas oo cuuryaamineysa waajibaadkooda xildhibaanimo oo ah iney qareen u noqdaan u hiilinta sharciga iyo rabitaanka shacabka. Waxaa kaloo jira qeybo ka tirsan baarlamaanka oo u abaabulan qaab beeleed iyo koox-diimeed kuwaas oo u heelan madaxda dowlada oo ay ka dhexeyso isku hiilin salka ku heysa kala daneysi gaara. Waxaan sidoo kale aan meesha ka maqneyn koox qowleysato ah oo aaminsan in baarlamaanku yahay suuq lagu kala iibsado codadka, si ku dhisan isafgaradna xaal-mastuur waxkasta lagu dhameeyo.

Rajo xumida ay qabaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waa mid dareenkeedu gaarsiisan yahay heer uu aad u liito. Waxaa shacabka u soo baxday in madaxda sare ee dowlada ay gacan muuqata shacabka ugu dhaarteen, gacanta kalena ay si qarsoodiya dhaar hoosaad ugu galeen sidii ay dantooda gaarka ah uga hormarin lahayeen mida guud. Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxey waayeen madax daacada oo si ku dhisan wadaninimo shacabka ugu adeega ismaamul Soomaaliyeed oo madaxbanaan. Waxey dadku ay madaxda dowlada ka waayeen iney u soo gudbiyaan adeegyada dowladeed oo shacabku ay baahida weyn u qabaan sida: maamul wanaagsan, amni, xaqsoor, iyo isku xirnaan u dhexeeysa shacabka iyo madaxda dowlada. Waxaa intaas uga sii daran shacabka oo kala kulmay kooxo qaab dowladnimo isku abaabuley oo jid-gooyooyin dhigtay degaanada dhexdooda iyo jidadka waaweyn, kuwo curiyey afduub xeeladeysan oo gabdhaha Soomaaliyeed si adoonimo ah loogu iib geynayo, Waxaa kuwaas ka sii daran kuwo abuuray silsilad xiran oo ka kooban ganacsato burcada oo shacabka lacag beenabuura hantidoodi ku dhacay oo danwadaag la noqday madaxda maamulka gobolka, maxkamada hoose ilaa tan sare, madaxda amniga iyo kuwa degmooyinka, iyo koox si qaas ah ay ugu xiran tahay qandaraasyada shisheeyaha, iyo ugu dambeystii shaqsiyaad ka soo jeeda howlwadeeno ka soo tirsanaan jirey dowladihii dalka soo maray oo wax badan ka haya keydka lahaanshaha dhulka ay dowladu lahaan jirtey ama shisheeye uu lahaa. Midowgaas dhaqan dembiyeedka ku dhisan wuxuu sababay boob loo geysto dhulalkii danta guud ay dowladu ku lahayd, iyo kuwa sida gaarka ah loo lahaa oo dadkoodu ka maqan yahay, waxaa dhacaas barbar socdey muquunis lagula kacay kumanaan qoys oo shacaba rayidka ka tirsan, kuwaas oo dhulalkaas laga barakiciyey iyadoo aysan jirin dib u dejin loo qorsheeyey shacabkaas tabaleysan.

Waxaa shacabka si cad ugu muuqatay in madaxda sare ee dowlada ay sheeda ka daawanayaan dhacdooyinkaas foosha xun ee lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana aan qarsooneyn in aysan madaxda dowladu awood u lahayn in tilaabo ay ka qaadan kooxahaas fal-dambiyeedyada u abaabulan oo dowlada ku dhex-milan. Waxey shacabku garwaaqsadeen in waraabaha hororka ku ah iyo kan sheeda ka fiirsanaya ay isku mid u yihiin oo aysan jirin farqi u dhexeeya. Mar haddii la waayey madax ku tilmaaman sifada wadaniyad daacada, haddana aysan muuqan aqoon ay ku dhisaan maamul iyo xiriir wanaagsan, shacabka Soomaaliyeed waxaa hubaal u noqotay in madaxda sare ee dowlada ay ku guuldareysatay hogaaminta dalka iyaga oo heystey fursad qiimo badan oo dibeda iyo gudahaba si xoogan looga taageeray. Waxaan marna miro-dhal noqoneyn maamul kasta oo ay horseedayaan madaxdaas oo isku deyaya iney laba-kacleeyaan, iyada oo la ogsoon yahay in dadka u baahan in la turxaan-bixiyo ay xuquuqdoodu difaacan tahay, xogta ay kala hayaan awgeedna ay yihiin lama canaantaan.

10ka September waa maalin ay wada sugayaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, xog-ogaalna ay u yihiin dhaanka dabagaale ee uu horseedka ka yahay hogaamiyaha taladiisu ku soo aruurtay madaxtooyada. Waxaan dheel dheel iyo dheyelsi geli doonin xisaabtanka dhexmaraya madaxda dowlada iyo shacabka oo aysan hureyn in si dhaba oo aan ku dhisneyn caadifad qabyaaladeed iyo marin-habaabin in lagu xiltamo. Waxey maalintaas ay sugayaan mucaaradka gudaha iyo dibeda oo ku mideysan hal mowqif oo ah in hogaamiyaha dowlada uu xilka si nabadgelyo leh isaga casilo. Waxaa hubaal ah in dhaqan burcadnimo ama beelnimo ama koox-diimeednimo aan lagu socodsiin karin dowladnimo Soomaaliyeed, waana kuwaas kuwa wata waxa la doonayo in laga guuro oo hayaanka loogu jiro helitaanka dowlad ka madaxbanaan waxyaabaha soo burburiyey qaranimadii Soomaaliyeed.

Xisbiga Dadka oo ah urur siyaasadeed oo mucaarada wuxuu u soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan inuu ka tashado aayaha mustaqbalkooda, wuxuuna shacabka ku wargelinayaaa in Soomaaliya aysan ka jirin madax dowladeed oo xil iska saareysa waajibaadka faraya iney u adeegto shacabkeeda, ayna ku shaqeyso dareenka ku qotoma rabitaankooda. Wuxuu sidoo kale u soo jeedinayaa caalamka in ay guuldareysatay waxqabadkii laga sugayey madaxda dowlada Soomaaliyeed, dadkuna ay hadda u jeedsadeen sidii ay ula soo noqon lahayeen dowladnimadooda. Xisbiga Dadka wuxuu aaminsan yahay in mucaaradnimada Siyaasadeed ay salka ku hayso fikir siyaasadeed oo la isku maandhaafsan yahay, raadna aysan ku laheyn khilaaf shaqsiya ama caadifad beeleed. Wuxuu Xisbigu rumeysan yahay in mucaaradka iyo muxaafadka ay kala reebto hadba taageerada shacabka meesha ay u badato, maxaayeelay kaadiriinta taageerayaasha u ah madaxda dowlada iyo mucaaradka waxaa u dhexeeya shacabka.

Dr. Saciid Ciise Maxamuud

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

Muqdisho – Soomaliya

saciidciise258@aol.com

==========================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Quulle. W/T Maxamed Daahir N Gaani

$
0
0

MAANSADA QUULLE
MOHAMED DAHIR N. GAANI
mohamed_dahir23@hotmail.com
Agoosto 22 2013

 

MaansoWALAALNIMODEENA IYO

WANAAG BAAN KUU HAYAA

WAXYEELAAN KULA NEBCAHAY

WEHELKAYGAA TAHOO

WADNAHA WAAN KUGU HAYAA

 

MARKII WAA II BERYABA

WALAALOOW BAAN DHAHAA

WEYNAHA WAAN KUU BARYAA

INAAD NIMCO WAASICIYO

KU WAARTAA NOLOL MACAAN

 

ABWAAN WEYN BAA TAHOO

WARKAGAA LOO BOGAA

MACAAN WEEYAAN MURTIDU

DADKAAD KA WARAABISAA

QUULLOW WAAD MAHADSANTAHAY

 

ADDUUNYADU WAA WAREER

WALAAC IYO WAALALOOW

WASWAAS IYO KHANAAS

IBLIIS BAA U WEEL HAYOO

WALEECAAD BAA HABSADEY

WADEECO ALLAAN DHAHAA

 

WACYIGA WADDAN KEENA IYO

WAHEEY NABAD WIIQANTOO

WED WAA LOO SIMAN YAHOO

COLAAD WIILKAAGA IYO

WADEYGAA BAY DISHAA

 

WAABAY LA MAGOOWSADIYO

WARMAHAA NAGU FOORARIYO

DULMIGU WUU WEYRAXAA

WAJIGA LAMA SIIN KAROO

WALAAXOWLAAN DAHAA

 

WAAYUHU WAA KALA WAREEG

WAQTIGU WUU IS DABA SOCDAA

WAAYEEL WAA WAAYO ARAG

RUNTOO LAGA WAABAN IYO

WA’ IYO WOW REEBAN IYO

WAANADU WAA LAMA HU RAAN

 

WAANWAANTII NABADA IYO

WACANE CALANKEENA IYO

XALAAL LA WADAAGA IYO

WARSAN IYO WEEDH SAN IYO

WADADU WAA TOOSANTAHAY

 

MIDNIMO WEYD WEEYE OO

WALHAD BAA LOO LISAA

WADAAN BAA LAGU HABAA

WAN WEYN BAA LOO QALAA

WARAABAA LAGA JIRAA

 

WARDEER BAA DOOGSATOO

WALWAAL BAA MAYAY KU DA’AY

IIMAANKAA LAGA WABXAA

WALAYL BAA LA AKHRIYAA

DULQAAD BAA LAGU WADAA

 

WAQAL BAA DA’AAYOO

WABIYAA BU TAACOO

WAADIYAA XAREEDSIDA

WEYDIIN OGAAL IYO

DADKU NABAD HAWARIYEEN

 

WAAXYAHA WADANKEENA IYO

SHANTA GEES WALWAALOO

WARDIGIYO SALAADIYO

NIN WACDIYA DADKIISIYO

WADAADADU HA TALIYEEN (KUWA FIICAN)

 

WAXYIGA DIINTEENA IYO

XAQDHOWR KII WAALID IYO

XAQOON LAGA WEECAN IYO

DANTOO LOO WADA JIRIYO

WAKIIL EEBBAA KU FILAN

 

WADUUD EEBBAA AHOO

WAAXID IYO WAA QAHAAR

WAHAAB IYO WAA KARIIM

WAXDAANIYADIISA IYO

WUXUU DOONUU FALAA

 

AALLAAHU AKBAR

==========================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Danta Garawso. W/T Axmed Caraf Fanax Jinayare

$
0
0

Gabaygii danta garawso
Axmed Caraf Fanax Jinayare
fanax003@gmail.com
Agoosto 22 2013

gabeyDeelleyda maansada beryahan kuma dadaalayne

Markaasne daayaba dad baa iigu soo dirine

Aan dabeebto gabaygaygu waa damin colaadeede

Dariiqaad maraysiyo halkaad daw ka dhigataaba

Amaad diirad fuul dhahdiyo dagalka aad joogto

Amaad dunidaan dhahdaa dacal ka soo daawo

Amaad dalkaagii hooyo is dhahdaaa dawgiisa mari

Duniduba waa kuwa ku dhaha day guugalkaan

Markaad aragto dayiciyo rafaadkiyo duruuftaba

Damcigaagu waa kii la duma huqiyo ciilkeedba

Waxaasoo dulliya iyo dibindaabyo badantaas

Dibnihiyo addimadeenaa leh dawga arrintaase

Inaan dabar go’naa waaba halis oo layna dumiyaa

 

Taas waxaa ka sii daranoo kaba sii dulloon

Dalkaan lawada dullaalayoo dollar laga doontay

Danta gaara dayib tahay dawladnimaduna dacar tahay

Dadkeenaan iyo dalkaan oon wax dabiiba helin abid

Oo kii danqaday la guba yiri durugso oo jeel gal

Ama la yiri dacay keen ama dagalkaba isaga guur

Dullinimo waxaa noogu daran arrinta manta e

Kii damiir leh waa kii ka dida dawga hadalkaase

Doqona waa kii dugsada dulliga meeshaase

Doc ka yeerna waa kii ka ciya dagalka aaggaase

Dulucdayda maansada waxaan ugu daah af-xirey

Duulkeenaan wada dumayoo daalku wada taabtay

Daqarada iyo gadaafahaas haddaan daawo loo helinba

Inaan dabar go’naa waaba halis oo layna dumiyaa

Daa’inkeena duciyo aamiinta dhaha waqaad dawownaaye

 

CURIYE: AXMED CARAF FANAX JINAYARE

KHARTOUM SUDAN

Fanax003@gmail.com

GABAYGII DANTA GARAWSO

==========================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Soomaalidii way doorsoontay! W/Q Cabdifataax Xasan Cirguje

$
0
0

Soomaalidii way doorsoontay!
Cabdifataax Xasan Cirguje
Cirguje1986weeye@hotmail.com
Agoosto 24 2013

maqaalSoomaalidu waxay lahayd dhaqan suuban oo diinta Islaamka waafaqsan, oo markaad taariikhda dib uraacdid aadba oran kartid ayagaaba ka sharci wanaagsanayd dawladaha hormaray qaarkood shuruucda ay manta kudhaqmaan, hadii laqori lahaana way ka faa idaysan lahayeen caalamku.

Dhaqankii noocaas ahaa hada waxaad waxuun kamida kasii arkaysaa miyiga iyo magaalooyinka yar-yar oo aan maamulada ay hoostagaan inta badan saamayn kulahay ayaguse ismaamula.

Maxay ahaan jireen Soomaalidu?

Waxay ahaayen ummad wax wada cunta, wax wada cabta, wada ducaysatta oo aan lahayn khilaaf dhankasta taabanaya sida magaalooyin waawayn aad ku arkaysid, waxaana ay salka ku hayaan khilaafyada kajira hada inta badan dalkeena hooyo: dhaqanka, sharciga, diinta, fikirka, rabitaanka wadamada shisheeya iwm.

Waxay lahaaeen umada soomaaliyeeed xilliyadii hore sharci aan qornay (Unwritten Constitution) laakiin odayaasha dhaqanka iyo isimo beeleedyadu ay xifdisanaayeen laguna kala dambayn jiray sida Wadanka Ingiriiska waayo dalkaas hadaad ka war haysid malahan sharci qoran ee waxay leeyihiin sharci aan qornayn.

· Haday dhibaato dhacdo sida: Abaar raagta/jiilaal, colaad, roob la,aan, iyo wax lamida Soomaalidu waxay ka lahayd dhaqan diinta waafaqsan. Way isku soo bixi jireen, wayna isbihinbihin jireen ilayhay bayna baryi jireen, waxayna dhihi jireen ducee kooda ugu wayn ama ugu cilmiga iyo cibaadada badan maxaa yeelay Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Ilaahayna lakala baryi og, hadalna lakala oran og” Ilaahayna waa ka aqbali jiray waayo Ilaahay asagaa Quraankiis kuyiri “Ibarya aan idin ajiibee”.

· Labo qof haday dirirto ayadoo jifo iyo deegaan midna loo eegin baa wada jir loo xiri jiray ama kan gardaran geed lagu toloyay.

· Waxaa laga hortagi jiray inuu sifudud ku burburo reer curdan ah oo dudada kusoo biiray, waana midaas mida keentay gabdhihii tobanka halaad iyo qoriga yaradka looga bixin jiray.

· Bisha barakaysan ee Ramadaan marka lafilayo si wada jir ah baa loo baadi goobiray culimo iyo caamaba oo idaacad baa sheegtay iyo sacuudigaa laga arkay ma yeeli jirin ee ishaa macalin u ahayd sida Xadiiskii Rasuulka scw ee lahaa “Aragti kusoon aragtina ku afur”.

· Waxay kudhaganaayeen dhaqankooda mana ogolayn in labadalo, waxay ahaayeen dad jecel diintooda, dhaqankooda, dalkooda iyo waliba dadkooda. Hadaa xasuusatid Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya C/rashiid Cali Sharmaarke markuu tagay Washington caasimada dalka maraykanka ee uu lakulmayay madaxwaynihii wadankaas ee asna ladilay, kulankooda kadib meeshii ugu horeesay ee uu booqday waxay ahayd Masjid ay umada Islaamka ee wadankaas ku tukadaan kadibna waxuu booqday jaaliyada Soomaaliyeed ee wadankaas joogta.

· Waxii la isku khilaafo waxaa toos loogu tagi jiray cidii cilmi uleh hadalkooda baana lagu wada qanci jiray.

Si kooban waxaynu ahayn:

1. Dad is jecel, israadsada oo midnimadda iyo isu keenida Soomaali weyn muqadas ku wada ahayd.

2. Dad isku dan ah, cadawgoodu mid yahay waxaana cadaw u ahaa wax alaale iyo waxii Soomaali cadaw ku ah, tusaalena waxaa kuugu filan Sayid Mohamed iyo ciidankiisii Daraawiish ee dhamaan deegaanada Soomaaliyeed kakala yimid ayagoon lahay asagu waa qabiilkee?.

3. Dad isku mawqif ah, laga soo bilaabo Raas-kambooni, Raas-casayr ilaa Obokh (Djabuti) baan ahayn.

4. Haday dhibaato timaado sida tan manta dalka haysata oo kale, waa la isku soo bixi jiray Ilaahay baana wada jir loo baryi jiray.

5. Dad jecel diintooda dalkooda, dadkooda iyo dhaqankooda oo aan ogolayn in wax laga badalo.

Maxaa is badalay hadaba?

Soomaalida danbe wax badan baa iska badalay, waayo way yartahay inaad aragto Soomaali hal yool leh.

Ilaahay SW waxuu Quraankiisa ku yiri: “Ilaahay qoom ma badalo inay ayagu isbadalaan mooyee” Markii soomaalidu bilawday isbadalka waxaa laga soo bilaabay:-

1. Ducada: Adeer ducada noo kala saar maxaa isugu kaaya daray (Hadaan kaligay ducaysto maxaa I helaya)

2. Salaada: Iga leexo adeer salaad kugu xiran maayee bidcay baa tahayoo,bisinkaa ka tagaysaa! ama waxay oran Suufi baa tahoo (Qulhuwallahu axad) baad nagu tujin.

3. Cuntada: Dhaqankeena suuban waxaa kamid ahaa inaan cuntada wadar ku cuno, waxaa hada saamayn wayn nagu yeeshay dhaqankii reer galbeed oo qof walba gaar buu ula jeesanayaa.

4. Dhaqanka: Waxaan lahayn dhaqan suuban oo diinta waa faqsan, haday tahay: Labiska, timaha, guurka, cuntada iwm. Laakiin hada waxaa la isku raacay soomaali cid dhaqan badalmi og inaysan jirin tusaale:- Haday china tagaan waaba Chinese, haday America tagaan waaba black american, waxaad ku arkaysaa wadamada caalamka qaarkod umad aadan dhaqankoodaba ubogteen sida “Cawaanta qaaqaawan” ee wadamada Africa qaarkood jooda, hadana ku dhagan dhaqankooda oo aan ogolayn in la badalo gebi ahaan.

5. Soomaalidii isugu soo bixi jirtay in ay Ilaahay baryaan, hada waxay isugu soo baxaan inay bini aadam daciim ah oo aan baahidooda haqab tiri Karin baryaan, waxaad arkaysaa Soomaali ay diif kamuuqato oo isku soo baxayoo leh “caalamka waxaan ka codsanaynaa inuu naga soo gaaro diifta nahaysata” waxaad sidoo kale arkaysaa hogaankii umada Soomaaliyeed oo asna leh “caalamka waxaan ka codsanaynaa inay naga caaiyaan amniga iyo dhaqaalaha” waxuu codsanyo in laga ilaaliyo waa soomaali kale oo maskax shisheeye saarantahay! Waxuu codsanayo asna waa maskax shisheeye!

6. Sharci: Maanta markaad wadankeena Soomaaliya aad dib u jaleecdo waad qiiroonaysaa!

waxa ka socda, tusaale ahaan kan qoriga wata waa Soomaali, kan maydka ah waa Soomaali, kan qaxaya waa Soomaali,waxaana faraha kabaxay kala danbaytii. Allow dalka noo hagaaji! Amen.

Markaad eegto dawladaha fara galinta ku haya dalkeena hooyo, inta badan waxa qoryaha wata oo dadka lanaya ayaga maahan laakiin waa maskaxdoodii, waxaana qori loo dhiibay oo dadka laynaya waa Soomaali kale ama waaba hebel oo waad garanaysaa.

Gunaanad

Hadaan damiirkeena soo celino, caqligeena dib umidayno, maskaxdaa nalaka gumaystaayee aan iska xoreyno, sidaan hada nahay si maahee aan wax iska badalno, Ilaahayna waan ku gafnayee aan unoqono, xasiloonidii iyo kala danbayntii dalku way soo noqon Ilaahay amarkiis, calankaan dhulka yaala ee tol la-aantu kudhacdayna dib buu ubaban Ilaahay idamkiis, hooyooyinka tacsida kabixi la’na way nasan, qaxootiyada Soomaaliyeed ee caalamka kala joogan dib bay usoo noqon, hadaan anagu iswadanana cid noo kala sheekayn karta majirto, fara galin kasta oo nalaku hayana waxba naga qaadimayso.

Soomaalay aan Ilaahay unoqono hadii Alle idmo xal waan helaynaayee!!!!

W/Q: Cabdifataax Xasan Cirguje
Cirguje1986weeye@hotmail.com

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Xilligii Sifeynta Xamar. W/Q Axmad Calasow

$
0
0

XILLIGI SIFEYNTA XAMAR
Axmad Calasow
Ahmedalasso@hotmail.com
Agoosto 25 2013

MAQAALWaa jawaab ku socota qoraagii maaqaala ” Sannad Khasaaray” .. waxa nasiib wanaag ah in maanta Xamar laga sifeeyay kuwi xabadaha sitay taasoo ay mahadeeda leedahay dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheikh oo xaqiijisay hamigii iyo wixii ay ka sugaayeen dadweynaha iyadoo gaarsiisay heer dowladihi ka horreeyay ay wada gaari waayeen.

Qoraagu waa nin sheegtay darajada ugu sarreysa aqoonta oo ah DOKTOOR, laakin dhaqankiisa, afkaartiisa iyo xeeladaha ow addegsaday ay uga hooseeyaan ruux aqoon leh..Sheekada wuxuu ka billaabay halka ay ku dhammaato oo ah Madaxweynaha oo isaga taga meesha kana dega xilka maalinta bisha soo socota tobankeeda.(Sept 10).

Wuxuu rabaa in lagu daydo tii ka dhacday MASAR, iyadoo Mohamed Mursi xoog looga qaaday xilka, taasoo ahayd mu’aamaro muddo sannad ah la diyaarinayay ayna fuliyeen ciidamo aad u xoog iyo awood badan oon qabiil ku tiirsaneyn.

Waxaa la yaab ah inuu qoraagu dadweynaha ka dalbaday inay soo baxaan, (sidey Masaaridu u soo bexeen June 30) oo ay maalintaas madaxweynaha meesha kala wareegaan si dowladdu u dunto..ma oga in dejinta iyo bedlidda Madaxweyne dal ay u baahan tahay tallaabooyin aad u adag fulintooda iyo ka mira dhalintooda u baahan tahay waqti iyo juhdi aad u weyn oo aysan ku riyoon karin ama qiyaasi karin dad isaga oo kale ah..waayoo wuxuu u maleeyaa in Madaxweynuhu uu is-casilaayo haddii la soo bannanbaxo..kuwa fikradas ku soo beerayna isaga kama roona, waana dad, nasiib darro, garashada ka arradan.

Madaxweyne Xasan Sheikh waa nin buuxiyay tilmaamaha looga baahan yahay hogaamiye ama zaciim dal ka taliiya, waxaana shuruudaha ka mida, haddii aan qaar ka xusno,inuu yahay shalkhsi waddani daacad ah, niyad fayow ( honest & nationalist with good intention), isku kalsoon (self confidence), leh awood dad-soo-jiidasho,fikrad-abuur (initiative and creativity) adduunka oo dhanna ay ku kalsoonaadeen hogaankiisa ( acceptable leadership quality)..marki la sameeyay qiimeyn howl-gudasho (performance evaluation) wuxuu ku soo baxay ” the best available person” inta hadda muuqata ninka ugu habboon hogaanka Somaliya. Anigu qof ahaan ma aqaanno asagana ima yaqaan, laakin waxaan ka qayb galay qiimeynta ”performance evaluation” ee lagu baarayay madaxda dowladda hadda jirta.

Haddaba, dhibaatada ugu weyn ama sannadka khasaaray waxaa u sabab ah qoraaga maqaalka iyo kuwa la midka ah oo Xamar ku xarshaashaaya, dadki nicmadaas dhaliyayna aan u aqoonsaneyn guusha ay horseedeen.

Sidaa awgeed, waxaan ka codsaneyna Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay tallaabo cad ka qaado dadka ku ganbanaya magac xisbi oon wax sharci ah ku taagneyn, siiba kuwa fitnada buufihaaya oo inta hadda soo shaac baxday ay yihiin laba xisbi-ku-sheeg oo hogaankoodu habaaw yahay..magaalada Xamar ha laga sifeeyo kuwa jecel inay cadaawo ku abuuraan dadka..qaybta Nabad-sugidda waa inay billawdaa dabagal iyo baaritaan joogta ah oo ay daba socdaan kulamo lala yeesho fitna-wadayaasha si loo meeleeyo mowqifkooda ku aadan dalka iyo dowladda ka talisa.

Axmad Calasow
Ahmedalasso@hotmail.com

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Sanad iyo Sifaynta Xamar W/Q F Xiirane

$
0
0

Sanad iy Sifaynta Xamar
F Xiirane
fahiira@gmail.com
Agoosto 26 2013

maqaalMarkii Madaxwayne Siyaad xoogga ay xoogaga qabiilku kaga saareen xamar ayaa asagoo jooga Xaruntii fidinta beeraha Gobalka Gedo ee Buurdhuubo duleedkeeda ku taal ayaa waxaa laanta Af Soomaaliga ee BBC du waraysatay Sarkaal la socday wuxuu yiri ( Madaxwaynuhu wuxuu booqasho ku marayaa gobalka ) wuu ogaa inuu been sheegayo , laakiin taageeradiisa indhaha beeshay ayaa u diiday inuu runta sheego .

Markuu C/llaahi yuusuf Xamar tagay asagoo kaashanaya Xoogga Itoobiya ayaa Aljazeera waxay dood ku dhex martay Sakariye Xaaji iyo Azhari , wuxuu ku Dooday Azhari in shacabka Soomaaliyeed ay xamar kusoo qul qulayaan asagoo hambalyaynaya kana barakaysanaya Madaxwaynaha , Azhari wuu ogaa in qofka loogu neceb yahay Xamar maalintaas uu ahaa C.laahi yuusuf iyo Wasiirkiisa 1 aad Geeddi , laakiin waxaa ka xoog batay taageeradiisii indha la’aanta ahayd .

Taliyihii Nabad suggida ee Barbara , Madaxwaynahii Hargaysa xiliga Qaran Jabka Daahir Riyaale Kaahin markii Diyaarad laga leeyahay Itoobiya oo uu ka raacayay Garoonka Hargaysa , markay shaqaalaha Diyaaradda ay shaarkiisa hoostiisa xuleen si xurmo darro ah ,ayaa af hayeen u hadlay wuu iska diiday xaqiiqadaas dhabta ah , sababtuna waa jacaylka indha beelay ee madaxdeenna aan u qaadno .

2006 dii markay Ciidanka Cirka ee Itoobiya duqeeyeen Baladwayne iyo heeradkeeda waxaa BBC da AFka Soomaaliga u waramay Danjiraha haattan ee dawladda Xamar u jooga Jubba C/raxmaan Diinaari wuxuuna yiri ( Nin Daad qaaday xunbo cuskay , Ciidan itoobiyaan ma soo galin dalke ee xoogga dalka ayaa soogalay ) Diinaari wuu hubay in waxa la dilayaa ay Soomaali yihiin waxa dilayana ay Itoobiyaan yihiin laakiin taageeradiisa ayaa indha tirtay oo uu ka doortay shacabkiisa shisheeye inuu gabaad u noqdo gadaalkiina darajuu ku helay oo danjire ayaa la dalacsiiyay .

Xamar maalin ay ka xuntahay ma jirto , Hablihii Soomaaliyeed ayaa waxaa kufsanaya Askar Shisheeye ,waxaana dicaaf iyo darbi u noqday Soomaali , wiilka Reer Jabuuti ee inkiraadda la soo istaagay asagoo u hadlaya Afrikaanka xamar dhooban , soo kamay darna Wasiiraddii Haweenka oo hadalkiiba nagu dhajisay , hablaa lacag lasiiyaa soo gaf naguma ahan inay wasiiraddeennu tiraahdo markay gabdheheenii soo cawdeen ma inaan ku wiirsannaa oon warmaha u aslano kuwa inay sheegaan damcay ?

Dr Siciid Sanad kaliya nagama khasaarin ee dhowr iyo labaatan ayaa naga khasaartay ee malahayga waxaad ula jeedday Sanad kale oo naga khasaaray , ama Sanad lagu hungoobay.

Axmed Calasoow , haddii aad ula jeeddo xiligii Sifaynta Xamar , in laga sifeeyo Gabar Soomaaliyeed oo nabad qabta , wiil damiir leh , dad run sheegaya , waad ku mala khasaartay , waxaa nala faray inaan xumaanta taan karno xoog kula dagaallano hadaan kari wayno , aan Afka ka sheegno , haddaan kari wayno aan Niyadda ka nacno, Xamar nimanka xukuma Malaa’ik ma ahan oo gafkooda sanadkay jireen baalashuu buuxinayaa , Miyaadan arkayn sida naloo yasay ee loo yiri Xoog badda ilaaliya Soomaali ma lahane shisheeyoow dhawra dheeftana gurta , Miyaadan Arkay shirkadda bisha jirta ee aan Raasa maal lahayn ee la yiri Baara Salaaddi Soomaaliya ? Miyaadan arkay sida hableheenna loogu xad gubay xurmadoodii ? War miyaysan gabar ku dhalin , kula dhalan ? miyaysan kuu muuqan dhiigga shacabka ee maalin iyo habayn micna daradda u qubanaya ? haddii aadan itaas iyo ikaloo badan aadan arkayn Daryaanka Raaca Habaqlaha dan buu mooday sidaas

Dalku wuxuu eeday Muqadasaynta Madaxdeenna

F Xiirane
fahiira@gmail.com

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Maryaneey Marna Kaama Filanayn. W/Q Marwo S. Qorane

$
0
0

Maryaneey Marna Kaama Filanayn
Marwo S Qorane
sqorane@hotmail.com
Agoosto 27 2013

MAQAALHubaal weeye xamar waxaa qoriga ku haysta waa intii ka hartay mooryaantii Muuse Suudi, Qanyare Afrax, Xuseen Caydiid , Cusmaan Caato , Cali Mahdi , Cumar Finish , Cabdi Qaybdiid,Indha Cadde iyo qaar kaloo badan oon magacooda iyo muuqoodaba necebnahay , waxay wali u dhaqmaan sidii oo laagu sii daray gabadha xijaaban waa Argagixiso dilkeeda iyo kufsigeedu waa uga sahlan yahay sanadihii ugu danbeeyay qarnigii tagay oo falalka kufsiga ay u dhawaayeen Eber marka maanta loo eego.

Markay noogu xumayd ee aan ku jirnay dagaalka qabiilka , Xamar gabadha Xijaaban xurmo iyo qadarin ayay ku lahayd , maanta oo dagaalkii loo rogay la dagaallanka Islaamka ( Qaar ku dagaalama magac islaam oo islaamkii dhaawacaya , iyo qaar islaam nacayb u dagaalamaya ) waxaa kusoo kordhay oo waliba si xanuun badan u socda gabdhaha Soomaaliyeed ee xurmadoodii lagu xad gudbay , waxaana hubaal ah inuu yahay ninka kaliya ee gabar Xamar joogta kufsan kara uu yahay nin qori xanbaarsan , waliba inuu yahay Mooryaan magac dawladeed qoorta loo suray .

Waxaad qarsato feerahay ku qarxiyaane , hadday gabdhihii Soomaaliyeed ka cawdeen Shisheeyaha hubaysan iyo sokeeyaha bahaloobay , ma inaad ku digataa Maryaneey ? ma in loo hanjabaa wariyayaashii shaaciyay dhibaatada hilbeheena lagu hayo ? mashaqada ugu wayn waxay tahay markay Wasiiraddii Haweenka tiri sidii ayadoo marag adag u haysatta ( Kuwa lacagta la Siiyo ) haddiiba ay jirto miyaysan ahayn mas’uuliyadeeda inay dawayso dhibaatada ku qaaday inay Gabar Soomaaliyeed jirkeeda iibiso !! Maryaneey Marna kaama filayn inaan naga hiiliso waliba dhurwaayo nooga hiiliso !

Maryaneey marna kaama filayn inaad meelaha ugu sareeya ee Wasaaraddeena kuwaad dhashay ku meelaynayso , kaama filayn inaad inaad Injineerada Korontada intaad uga yeerto Birmingham aad iskuuladii madax uga dhigaysid !! marna kaama filayn inaad malyuunka haween soomaaliyeed ee wax dhigatay aad ka dooranayso gabadhaada Faaisa ee nolosha wanaagsan ku haysatay UK inaad xarunteenna Xamar aad xoolo iyo xil isugu daraysid , kaama Sugayn inaad Injineer Yuusuf Bulaale, oo aqoontiisu tahay Koronto iyo kiimiko intaad UK uga yeerto inaad Madax uga dhigto tacliintii hoose dhexe iyadooy dalka dhooban yihiin xeel dheerayaal loo carbiyeeyay baridda iyo bar-baarinta ubadkeenna.

Maantana Maryan Qaasineey kaama filayn inaad Marwo Soomaaliyeed oo la kufsaday aad ogaal la’aan aad tiraahdo lacag baa la siiyay , iiga sii darane maan sugayn imaad Mooryaantii madaxeenna hoos marisay inaad darajayso oo aad marwooyinkiina muran galiso , hadal badan haan ma buuxshee , Maryaneey Hadal wuxuu ammaan yahay inta aadan oranine Afka hadduu kasoo boxo , Arkaa qaad weeye.

Gefka aad noo gaysatay haddaad guul u aragtid ogoow ficilada qaarkood quruumaha danbaa kugu nacaladee .

Marwo Qorane

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Maxaa lagu galay Ganacsade Xusseen Goley. W/Q Shiikh Ali husein

$
0
0

MAXAA LAGU GALAY GANACSADE XUSEEN GOLEY
Shiikh Ali husein
Shiikhali622@yahoo.com
Agoosto 27 2013

MAQAALDhawaan waxaa magaalada Muqdisho qarax lagula eegtay ganacsade Xuseen Golay kaasoo la rabay in lagu khaarijiyo laakiin allaah waa ka badbaadiyey inkastoo dhaawac kasoo gaaray.

Hadaba inkastoo mashruuca Shabaab ee uu hor boodayo Ina Godane uusan ahayn mid soomaaliyeed iyo mid diineed toona ee uu yahay mid u adeegaya cadawga umada soomaaliyeed hadana maahan wax lala yaabo inay beegsadaan ganasade Xuseen Goley oo kale ah, maxaa yeelay awalba shaqadoodu waxay ahayd hagardaamada umada soomaaliyeed.

Kaga hadli maayo maqaalkaan shaqsiyada Xuseen Goley oo ah ganacsade ku caan baxay deeqsinimo iyo garabistaaga dadka tabaalaysan waxaana tusaale noogu filan inuu subax u yimid nin shaxaadaya oo baahi iyo dhibaato sheeganaya markaasuu ku yiri maxaad taqaan ood ka shaqayn kartaa ? markaasuu yiri waxaan ahay darawal, islamarkiiba wuxuu ku wareejiyey gaari uu ku shaqaysto oo mulkigiisa ah, halka uu boqolaal dhaliyaro ah uu ka bixiyo waxbarashada.

Sidoo kale ka hadli maayo gumaadka ay kooxdaani ku hayso dad halbawlaha u ah umada, oo awalba ahayd umad dhiman wayday. Waxaa kale u baahan in la is waydiiyo kooxdaani yay u shaqaynayaan ? ifafaaleheedii wuu muuqdaa waanan ka jawaabi doonaa suaashaan inshaa allaah.

Waxaanse kaga hadlayaa maqaalkaan arin u baahan in la iftiimiyo oo ah kooxdaani boobka ay ku hayso hantida umada gaar ahaan lacagaha ay baada uga qaataan ganacsatada iyo shirkadaha waa weyn ee wadanka siiba koofurta Soomaaliya.

Waa mida keentay ee saacad walba handadaada iyo dilka ay ku hayaan ganacsatada, in badan oo kamida ihina ay u hogaasameen oo ay lacagahaas bixiyaan.

Marka laga soo tago lacagaha ay dibada ka helaan oo ay u soo diraan qolyaha ay u shaqeeyaan hadana lacagta ay shacabka soomaaliyeed ka boobaan ayey u isticmaalaan burburinta umada.

Dhawaan waa tay qarxiyeen xawaalada Dahabshiil, marna waatay joojiyeen adeega lacagta la isugu diro ee Hormuud.

Mid kamida ganacsatada Muqdisho oo ka hadlaya lacagaha ay kooxdaani ka qaadato ayaa yiri waxaa iga yaabiyey cida siisay xisaabaadkayaga iyo daatadeena sanad walba way imaan waxay lee yihiin intaasaad faaiiday ee intaas keen hadii kale shaqaa lagaa qaban. Qaarkood waxay ku kaliftay inay bakhaarada ka daayaan tabeelaha oo guryo ku yaala meelo luuqluuq ah badeecada ku qariyaan cidii wax ka gatadana ay halkaas usoo diraan.

Dhawaan mar warbaahintu waraysatay mid kamida hogaamiyaaashii Alshabaab ee Ina Godane kasoo cararay oo magaciisa la yiraahdo ABUU AYAAN ayaa la waydiiyey awooda ina Godanehalka ay ku tiirsan tahay wuxuuna ku jawaabay(( Alshabaab waxay gaareen isku filnaansho isku filnaanshahaasina wuxuu ku tiirsan yahay dadka ayey boobaan wuxuuna leeyahay Ina godane nidaamyo badan oo umada hantidooda ku boobo marka laga reebo sakawaatka uu umada ka aruurinayo….))

Inkastoo dawlada federaalka ihi ay tahay mid taagdaran oo aan madaxbanaanayn hadana waxaad moodaa intii tabarteed ah inaysan la tacaalin mushkilada kooxdaan iyo dhinacyadeeda oo dhanka hada aan ka hadlaynaa uu yahay meelaha ugu daran , waliba maamulka hada jiraa waxaad moodaa inuu mudnaanta waxyaalo kale siiyey oo aanan halkaan ku sheegayn.

Tusaale waxaa noogu filan maamulka Puntland oo dawlada dhexe ka tabaryari kooxdii buurta gashay wuxuu kula diriray kaliya inuu ka xiray saadkii iyo meelihii wax usoo marayeen waana kala daateen.

Waxaa kaloo iska cad waxa loo yaqaan bulshada caalamka iyo dawladaha Somaliya lugaha kula jiraana in aysan daacad ka ahayn la dagaalanka kooxdaan ee kaliya soo galida wadanka ay marmarsiinyo uga dhiganayeen qolo walba inay hesho ajandaha ay Somaaliya ka leedahay.

Ugu danbayn shacabka soomaaliyeed waa inay ku baraarugaan mushkiladaan gaar ahaan ganacsatada waxaan u soo jeedinayaa lacagta kooxdaan aad siinaysaan waa shidaalkii umada lagu burburnayey ee inta allaah ka cabsataan joojiya oo hadaad baqaysaan si kale uga xeelaysta.

Ta kale allaah ka baqa oo ogaada geeri ka fakan maysaane in shilin walba la idin xisaabin doono oo uu yeelan doono labo suaalood: xagee ka keentay? Iyo xagee ku bixisay?

Shiikh Ali husein

Shiikhali622@yahoo.com

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Si xun wax u sheeg sixir ka daran! W/Q Abukar Y. Warsame

$
0
0

Si xun wax u sheeg sixir ka daran!
Abukar Y. Warsame
Abukar60@netscape.net
Agoosto 28 2013

MAQAALAkhristow waxaan qiyaasayaa, in siday rabtaba ha kugu soo gaartee, aad maqashay doodda aadka u xanuun badan ee la xiriirta kufsiga iyo xad-gudubyada loo geysto dumarka Soomaaliyeed. Ujeeddada qoraalkeygan ma ahan inaan kugu soo kordhiyo xog cusub oo arrintaas la xiriirta balse waa inaan iftiimiyo arrin dhacdooyinkaas kufsiga la xiriirta taasoo ah sida loo marin habaabshay hadal ay jeedisay wasiiradda arrimaha bulshada Drs. Maryan Qaasim. Hadalkaas waxa ay jeedisay ka dib booqashadii guddi ay madax u tahay oo loo xilsaaray baaritaanka eedeyn ku wajahan ciidanka Xoogga dalka iyo kan AMISOM ay booqdeen hooyada Soomaaliyeed oo kufsiga in loo geystey sheegtay. Qoraalkeygan lama xiriiro eedeymo kale oo loo jeediyey wasiiradda oo ku saaabsan habka shaqaalaha wasaaradda ay masuulka ka tahay loo shaqaaleeyey.

Drs. Maryan Qaasim waxay waraysigii ay bixisay carrabka ku dhufatay laba arrimood oo ka hadalkooda ay muhiim u aragtay balse dadka qaarkiis ay u fasirteen in wasiiraddu ay meel ka dhac iyo xad-gudub baaxad weyn u geystay dhibanayaasha kufsiga. Labada arrimood ee ay ka hadashay waxay ahaayeen:

1. In laga badbadiyey oo la buun-buuniyay baaxadda dumarka la kufsaday.

2. In aan magaca iyo muuqaalka dhibanaha la faafin.

Warka wasiiradda ee ku saabsan labadaas arrimood waxaad ka dhegaysan kartaa halkan hoose inkastoo lagu dul dhigay hadal aan sax ahayn. http://www.youtube.com/watch?v=1fhknBCllXA

Runtii markaan akhriyey qoraallo ay dad kala duwan ku soo bandhigeen mareegaha Soomaaliyeed iyo boggaga bulshadu ku haasowdo sida Facebook iyagoo ka fal-celinaya hadalkaas wasiiradda ayaan waxaan malaysan kari waayey aflagaaddada iyo ihaanada ay dadka qaarkiis u geysanayaan Drs. Maryan Qasim iyagoo isu muujinaya inay difaacayaan dumarka Soomaaliyeed ee kufsiga loo geeysto. Waxay igu khasabtay inaan dhowr jeer dhegeysto hadalka ay Drs. Maryan goobta ka sheegtay si aan jawaab ugu helo waxa ay ku mutaystay:

In dadka qaarkiis ay hab dhaqankeeda diimeed shaki iyo qallooc geliyaan iyagoo labbiskeeda ku hal-qabsanayaa. http://oodweynenews.com/2013/08/maryan-qaasim-wax-la-qariyo-qurunaa-ku-jira/

In qaarkood u kala tartamaan anaa caydeeda iyo wax-ka sheeggida ku horreynay oo aad farshaxanka af-lagaaddada ah nooga dayateen. http://www.shaaciye.com/?nid=62409

In qaar kale ay Facebook iyo meelo kale ku soo qoraan erayo af-lagaaddo iyo asluub xumo ka buuxdo oo damiirkeygu ii oggolaaneyn inaan halkaan idinkula wadaago.

Waxaan is tusay in labo nooc ay u kala baxaan dadkaas aan kor ku soo sheegay ee ku talax tegey wax ka sheegidda Drs. Maryan Qaasim.

1. Dantii ay rabaan ha ka lahaadeen, koox si ula kac ah u marin habaabiyey hadalkii wasiiradda oo hadalkii u dhigay si ka duwan sidii ay u tiri.

2. Koox dameeri dhaan raacday ah oo warkii la sheegay iyo fasirkii laga baxshayba si sahlan ku rumaysatay oo aan dabagal haba yaraatee ku samayn sida warka asalkiisu ahaa.

Intii aan la fajacsanaa waxa dadkaasi ku kallifay inay sidaas ugu xad-gudbaan Drs. Maryan Qasim oo masuuliyadda wasiirnimo ee ay qaranka u hayso ka sokow ah hooyo Soomaaliyeed isla markaasna dhashay ama waalid u ah hablo Soomaaliyeed oo mudan ixtiraamka waalidnimo, walaaltinimo iyo midka qof mas’uulka ah mudan yahayba ayaa waxaa maskaxdeyda ku soo dhacday sheeko hadda ka hor aan maqlay oo ka turjumaysa cinwaanka qoraalkeyga. Waa tan sheekadii madaxeyga ku soo dhacday oo aan filayo iney kuu iftiimin doonto labadaas kooxod ee aan kor ku xusay.

Waxaa la yiri laba nin, ilaahey uma kaso qof muslimnimo sheeganayee, ayaa iyagoo meel khamri ku wada cabbaya waxaa la addimay salaaddii subax. Midkood ayaa kii kale oo ka yara aqoon badnaa ku yiri ”war waa la addimaye aan masaajidka aadno oo salaadda soo tukanno”. Bala qabihii cilmiga lagu tuhmayeyna wuxuu ugu jawaabay war noo wad hawsheenna waayo ilaahey baa quraankiisa wuxuu noogu sheegay in kuwa tukada halaag u sugnaaday ”faweylun lil musalliin” isagoo ka reebay aayaddii ku xigtay ee kaamili lahayd micnaha aayaddan uu soo qaatay. Kii hore ee talada ah aan salaadda soo tukunno soo jeediyayna wuxuu ku qancay jawaabtan marin habaabiska ah ee uu siiyey habaar qabahan uu aqoonta diimeed ku tuhmayey.

Waxaan isku dayi doonaa in aan wax yar ka iftiimiyo sida hadalkaas wasiiradda loo marin habaabiyey iyadoo ay isu kaashadeen qolo si xun wax u sheeg ah iyo qolada kale oo qaladkii iyo beentii si sahal ah ku rumaystay oo sii faafisay. Waxaa dhici karta in qolada dambe fikirkooda khaldan ee ku wajahan wasiiradda wax iska beddelaan haddii hadalka wasiiradda meesha wanaagsan laga eego oo si fiican loo bayaaniyo labadaas qodob ee ay hadalkeeda ku xustay.

Aan ku horreeyo qodobka ah in tira-koobka dumarka la kufsaday laga been sheegay oo la buun-uuniyey kaasoo sheegaya in 10 kii dumar ahba 9 la kufsaday. Akhristow waxaa is weydiin mudan immisa dumar ah ayaa ninka ragga ah ku xiriirta oo kufsigaas halis u ah mar haddii nin kasta ay dhiig iyo dhaqan ahaan ugu xiriirto hooyadiis, walaashiis, xaaskiisa, iyo gabadhiisa. Tobankii (10) rag ah waxaa dhiig iyo dhaqan ku soo aadaya 40 dumar ah. Akhristow haddii 10 kii dumar ah 9 la kufsaday waxaa kuu soo baxaysa in 40 kaas dumarka ahna 36 ka mid ah la kufsaday oo 4 keliya ay ka badbaadday dembigaas foosha xun ee kufsiga. Taas macnaheedu waa in mar haddii afar (4) dumar ahi ay ka badbaadday kufsigii ay macquul tahay in mid kastoo ka mid aha raggaas laga kufsaday mid ka mid ah dumarkii ku xeernaa. Waxaa dhici karta in kastoo ay adag tahay in hal nin oo raggaas ka mid ah aan laga kufsan dumarkii ku xeernaa oo sagaalkii kale ay yihiin dhibbanayaal.

Akhristow sababta aan tirada 10 rag ah u soo qaatay waa inaan ku tusaaleeyo in halkii unug ee Ciidanka Xoogga Dalka ah uu badanaa ka kooban yahay 9 ama 10 askari. Tobankaas askari iyo unugyada kale ee toban-tobanka ah ee ciidanka haddii la yiraahdo waxay qayb ka yihiin kufsigaas lagu sheegay tirakoobkaas khaldan (10 kiiba 9 in la kufsaday) ee ay wasiiraddu ka qaylineyso sow micnaheedu ma ahan in mid kastoo askartaas ka mid ah ay dhici karto in la kufsaday hooyadiis, walaashiis, xaaskiisa, ama gabadhiisa. Xaalku inta waaba ka sii xun yahay haddii askarigu laba ama saddex xaasle yahay ama gabdho badan la dhasheen ama gurigaba u joogaan. Bal is weydii wasiiraddu ma ku gar leedahay iney ka difaacdo ciidanka iyo ragga Soomaaliyeedba eedeyntaas aan xaqiiqda ku salaysnayn ee caqliga fiyoobi ka sarriiganayo?

Haddii aan wax yar ka iraaho qodobka labaad oo ah ”ha la xafido xogta dhibbanaha” oo yaan magaceeda iyo muuqaalkeeda la faafin, waxaad markii aad dhegeysato hadalka Drs. Maryan markiiba ogaaneysaa in hadalkeedii qayb yar oo ka mid ah Youtube ka lagu fidiyey oo laga reebay qaybta ay kaga hadlayso ”data collection and data protection” oo dhibanaha khusaysa iyo muhiimadda ay leedahay in gabadha dhibbanaha la kaalmeeyo oo xuquuqdeed loo raadiyo. Waa meeshan midda ku habboon sheekada aan kor idiinku xusay ee labada nin dhex-martay. Waxay sheekadu ku tusineysa in qofkii ku tala gala inuu wanaagga dadka ka leexiyo uu adeegsan karo hadal asalkiisu sax yahay basle la qalloociyay micnihiisii ama nuxurkiisii. Hadalka oo la kala reebo micnihiisa ama waxa afka qalaad loo yaqaan ”out-of-context” iyo marin habaabis lagu beddelay wanaaggii iyo waanadii uu xambaarsanaa hadalka Drs. Maryan ayaa kuugu filan tusaale.

Mid ka mid ah dadka boggaga bulshada wax kaga sheegaya wasiiradda oo ku nool waddan reer galbeed ah ayaa ku andacoonaya iney khalad tahay in ay Drs. Maryan Qasim tiraahdo ha la qariyo magaca iyo muuqaalka gabadha ama hooyada kufsiga loo geeysto. Waxaan weydiiyey bal in waddanka uu joogo la soo daabaco magaca iyo muuqaalka gabadha la kufsado. Nasiib xumo wax jawaab ah kama helin balse waxaan ogahay in uusan jirin waddan warbaahinta u bannaynaya in ay falkaas ku kacaan. Waddamada qaarkoo sida Hindiya oo ah waddan kufsigu uu fara ba’an ku hayo oo maalin cad gaadiidka dadweynaha dumar lagu kufsado waxaa ka yaalla sharci xaaraantimeynaya, iska daa magaca iyo muuqaalka dhibbanahee, in xitaa la soo bandhigo meesha ay deggen tahay, meesha ay ka shaqeeyso ama wax ka barato, saaxiibadeed ama wax kastoo sahlaya in gabadhaas la ogaado midda ay tahay. ”Section 228A Indian Penal Code prohibits the disclosure, not only of the victim’s name, but also of facts that could lead to the identification of the victim, such as the place of residence, identifying or naming the victim’s family or friends, university, or work details”.

Mar haddii waddamadii kala dambeynta iyo sharcigu ka jiray ay culayskaas saarayaan sidii loo dhowri lahaa sumacadda gabadha ama hooyada dhibbanaha ah maxaa diidaya in kuweennana aan siinno xuquudaas mid la mid ah ama ka sii fiicanba? Cidina ma oran yaan la diiwaan gelin dambiga dhacay ee dooddu waa daryeelka xogta qofka dambiga laga galay oo aan mudanayn in bulshada lagu dhex ceebeeyo iyada iyo ehelkeedaba.

Waxaan qoraalkeyga ku soo gunaanadayaa talo ku wajahan inta hadalkaas Drs. Maryan Qasim sida khaldan u dhigtay anoo isla markaas rajaynaya in intii khaladkasi uu marin habaabiyey uu qoraalkeygan wax u kala caddeeyo. Eedeysanow waxaad ogaataa in aad ku xad-gudubtay hooyo Soomaaliyeed oo la mid ah midda la kufsaday oo kaaga darane ay iyadu u xilsaaran tahay wax u qabadka tan la kufsaday oo ilaahey hortiis lagula xisaabtamayo maalinta aakhiro. Waxay u doodeyso waa in xogta gabadhii la dulmay la asturto oo sharafteeda aan meel looga dhicin ee idinkama mudna Drs. Maryan Qaasim in sharafteeda iyo shakhsiyaddeeda meel looga dhaco. Wixii toosin ah wey idinka mudan tahay ee qofkii garawsan inuu ku gafayow codsi cafis ah si gooni ama si guud ugu dir boggeeda Facebook ama sidii kaloo kuu sahlan waayo taasi waxay daaweyn kartaa dhaawaca ka soo gaaray hadalkeedii sida khaldan loo fasirtay. Waxaan hubaa in haddii sidaas aad yeeshaan ay sii xoojin karto niyadda Drs. Maryan Qaasim iyo hawsha ay u heyso bulshada siiba daaficidda dumarka Soomaaliyeed ee meel walba ku dulman.
========================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Horumarka dugsiyada quraanka Puntland. W/Q Husen jamal

$
0
0

Horumarka dugsiyada quraanka Puntland
Husen jamal
husenjamal@hotmail.com
Agoosto 28 2013

maqaalQormadaan yar waxaan si kooban uga hadli doonnaa horumarka ka socda dhinaca wax barashada iyo dhaqantoosinta ardayda heer hoose ee reer Puntland, isla markaana waxaan ku eegaynaa dhinacyada u baahan in laga kobciyo, waxayna qormadaani ka dhalatay u kuurgalid kooban oo aan ku sameeyey horumarka dugsiyada quraanka

Daarulquraannada (Iskuul iyo quraan wadajir ah)

Waxaa tobankii sano ee ugu dambeeyey ku soo badanayey deegaanada Puntland habka iskujirka ah ee xifdinka qur’aanka kariimka ah iyo waxbarashada dugsiga hoose, habkaasi wuxuu aad u horumariyay barashada quraanka kariimka.

Waxyaabaha la horumariyey waxaa ka mid ah iyadoo ardayda wax lagu baro dhismeyaal la mid ah iskuullada kale ee la yaqaanay ardayguna uu fadhi wanaagsan helayo, uuna dhex fariisanayo tiro xadidan oo hal macallin wax bari karo, ardayga waxa la mamnuucay in la dilo muddada uu ku jiro barashada quraanka iskuulka dhexdiisa, macallinkana isagoo la ixtiraamayo haddana waxaa lagula xisaabtamaa qorshe wax barasho oo laga rabo ardaygu in uu gaaro sanad dugsiyeedka socda.

Inkastoo dhammaan iskuuladaasi aysan ka sinnayn tayada, haddana arintaasi waxay dad badan oo bahda waxbarashada ahí arkaan in ay keentay in tajwiidka iyo xifdinta quraanku aad uga horumarsantahay dugsiyadii soo jireenka ahaa, isla markaana waxbarashadii dugsiga hoose iyo quraankii isku meel ku baranayo, waxyay arkaan in hal dhagax laba shimbirood lagu dilay.

Waxyaabaha lagu kordhiyey ama laga dhimay habkii Dugsi quraanka soo jireenka ahaa

Inkastoo habka malcaamadaha soo jireenka ahaa ay la jaanqaadayeen hab nololeedka dadka iyo duruufohooda, aadna looga faa’idey barashada quraanka, hadana waxyaabaha lagu xasuusto dugsiyadii qadiimiga ahaa qaarkood, ka sokow barashada quraanka kariimka ah waxaa ka mid ahaa in ardaygu aanu heli jirin kuraas, beddelkeedana darin, dhagax ama ciid ku fariisanjiray, meesha wax lagu bartana ay cooshad ka samaysantahay iyadoo la heli karo dhismeyaal wanaagsan, koraas, miisas, sabuurado iyo agab kale oo wax barasho si la mid ah iskuullada , macalinku wuxuu gacanta ku haystaa ul, markii aad soo dhican martidna waxaad maqlaysaa mararka qaar oohinta ardayda ama shanqarta garaaca usha, ama noocyada ciqaabta ay ku kala duwanaayeen, kuna kala badnaayeen waxaana ka mid ahaa noocyadaas: Duubis; waa ciqaab indhaha laga xirayo ilmaha si aanu usha u arkin isagana qaban. Walshamsi; waa nooc ciqaab ah iyadoo la akhrinayo suuradda walshamsi ayaa macalinku wuxuu amar ku siinayaa dhamaan ardaydu in ay wada qandhuuftaan (qanjiiriyaan) ardayga la ciqaabayo, iyo noocyo kale oo ciqaab ah.

Waxaa ka sii darnayd marka waalidku macalinka ku dhoho aniguna lafta ayaan leeyahay adiguna jiirka, waalidkii ayaa macalinka ku dhiirigelinaya inuu isticmaali karo nooc kasta oo jirdil ah isagoo aaminsan in arintaasi ay sahlayso waxbarashada iyo dhaqan wanaajinta ardayga

Dadka aqoonta u leh cilmiga barbaarinta dhallaanka waxay sheegaan arimahaasi in ay ardayga ku abuuraan cabsi, argagax, fahan yaraan, nacayb, xaasidnimo, been iyo khiyaamo in uu barto si uu uga fakado ciqaabta joogtada ah, waxayna kala dhantaashaa korriimada, habdhaqanka iyo habfikirka ardayga, mustaqbalkana waxay dhaawac weyn iyo cuqdad u geysata garaadka qof ahaaneen.

Dhinaca kale Tirada qolkii wax ku barataa ma xadidna caafimaad ahaan, mana jirin cid la xisaabtanta macanlinta dhinaca wax barista ardayga, waalidkuna haddii uu saluugo ardayga wuxuu u wareegsanjiray dugsi kale.

Dib u dhacan muuqdaa waa mid weli laga dareemayo deegaanada Puntland ma ahan mid la jaanqaadaya horumarka xowliga ku socda ee laga gaaray waxbarashada.

Bahda waxbarashu waxay tilmaaman in Puntland uu ka jiro ololeyaal lagu horumarinayo malcaamadaha quraanka. waxayse isla qireen in ay u baahantahay iskaashi iyo in laga taageero dhinaca bulshada iyo wasaaradda waxbarashada labadaba, iyadoo lagu dhaqayo siyaasadda waxbarashada, taas oo xaddidaysa heerka laga rabo dugsiga dhinaca waxbarista iyo habdhaqanka macalinka laga rabo, isla markaana laga taageerayo dhismayaasha, tababarada macalimiinta, hagaajinta maamulka, caafimaadka iyo fayadhowrka. Waxaa kaloo muhiim ah manhajka iyo la xisaabtanka macalinka in laga hirgelinyo dugsiyada quraanka heerkasta. Iyadoo macalinka lagu wacyigelinayo khatarta iyo saameynta ay leedahay ciqaabista ilmuhu.

Dhinaca kale culimada ayaa aad u wacyigeliya horumarinta dugsiyada quraanka, kuna baraarujiya in ay arin cibaado ah tahay, ajarna laga helayo, mana wanaagsana in darxumo iyo rafaad laga dareemo xarumaha barashada quraanka, isla markaana loo dareemo xarun lagu ciqaabo jiilka soo koraya, halka arintaasi aysan ka jirin iskuullada.

Xabsiyada gaarka loo leeyahay ee dhaqantoosinta

Waxaa iyana dhowrkii sano ee u dambeeyey soo kordhay xabsiyo gaar loo leeyahay oo lagu magacaabay dhaqantoosinta, waxaa lagu xabisaa ciyaal waalidkood ay ku adkaatay in ay rabbeeyaan, waxaana laga keenaa ciyaalka waddanka gudihiisa iyo bannaankiisa intaba, iyadoo ilmaha lagu wareejinayo maamulka xabsiga si dhaqan toosin iyo waxbarasho labadaba loogu siiyo, dabadeedna looga tegayo marka la dhiibo kharashaadka nolosha, fariisinta iyo fiiga haynta iyo waxbarista ardayga iyadoo sharcinimada xabsiyadaasna inta badan aan laga wada hadlin

Si la mid ah dugsiyadii hore, iyaguna malaha xeer lagu dhaqo, isla markaana ardayda waxaa lagu isticmaalaa noocyo ciqaab ah oo kala geddisan, cagajugleyn joogto ah iyo cabsi gelin,

Aqoonyahano badan ayaa shaki geliya sharci ahaanta xabsiyadan gaarka loo leeyahay iyo qaabka loo maamulo ama loola dhaqmo maxaabiista, waxayna soo joodiyaan muhiimmada ay leedahay in dowladda iyo mulkiilayaasha xabsiyadu isla ogaadaan oo isla xaddidaan qaabka loola dhaqmayo maxaabiistan, habka loo dhaqan toosinayo iyo waxa la barayo intaba.

Husen jamal

husenjamal@hotmail.com

Bossaso

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Faroole ha loogu shubo, Xamar aan ka badbaadnee. W/Q Cumar Ayuub

$
0
0

Faroole ha loogu shubo, Xamar aan ka badbaadnee
Cumar Ayuub
ayuub-c@hotmail.com
Agoosto 29 2013

MAQAALSida dad badan aaminsanyihiin dowlad-ku-sheega Xamar haatan ka jirta in ay tahay dowladii ugu danbeysey oo Soomali wada sheegato hadii loo daayo Xassan Culusow in uu waqtigiisa dhameysto. Taasi waa marqaati ma doonto oo meelihii fara ku tiriska ahaa oo dowlada loo nisbeynayey baa mucaaradnimo, dagaalo, iyo qeylo maalin walba ka taaganyihiin. Waxaad u maleysaa Dowlad-ku-sheega in uu wacad ku maray in meelaha nabdoon uu ka kiciyo qalalaaso siyaasadeed iyo mid dagaal. Show dowlad-ku-sheega qandaraas bey ku qaadatay in Soomaliya sii kala furfurato. Shirkii la aadaba ciyaalka xaafada Xamar baa suityo soo xirta, shirarkii caalamiga bey mareysaa in macawiso looga qeybgalo, wax protocol ah iyo heybad dowladeed oo ka muuqdo ma jirto, bililiqadii berisamaadkii Xamar ka jirtay baa la qarameeyey. Mooryaantii dadka shalay wadooyinka ku baaranayey baa la yiri hoo dharkaan cusub xirta, xafiiskaana ka shaqeeya. Bal Xassan Culusow ma wuxuu Soomali ka waayey dad aqoon iyo xirfad leh oo qabiil walba ku jira?

Dowlad-ku-sheega ahmiyadeeda koowaad waa xagaldaacin iyo qabta maqashii waxna ha u qaban. Mabaa’diideeda waxaa ugu weyn niyad jabin iyo xiisad abuur. Dowlad-ku-sheega saas u dhaqmaya uma baahna baryo iyo walaaltinimo, waxay u baahantahay axad adag oo abaalkeeda mariya runtana u sheega. Waxaa haatan xaqiiqa ah madaxweyne Axmed Islaan oo intaas oo bilood baryayey dowlad-ku-sheega muxuu kala kulmay oo aan aheyn sharaf daro iyo ceeb.

Inkastoo reer Puntland ay jeclaan lahaayeen nin dagan oo furfuran in uu madaxnimada qabto hadana waxaad moodaa in Soomaliya ay marxalad dagaal ku jirto. Sideedaba caalamka hadii uu wadan dagaal ku jiro ninka markaas madaxda ah lama badalo maadaama uu madaxweynaha xilka haya uu wax badan iyo sirar badan uu xogagaal u yahay, meelaha la kala jooga yaqaan, quwadooda iyo tan cadowgaba u qiyaasantahay. Hadii qof cusub la keeno barashada intaas oo shey iyo in ka badan waqti badan baa ku lumaya ayada oo laga yaabo in natiijada dagaal saas looga guuleysto. Hadeer nimanka Faroole kula tartamaya jagadaan waa dad raba in Xamar ula macaamilaan sida Axmed Islaan. Waa dad raba in xataa shahaado dugsiyeedka looga soo saxiixo Xamar si loo aqoonsado, waa dad raba in ciyaalka lagu guro basas si Xamar baasabooro looga jaro, iwm.

Waxaan xildhibaanada cusub kula dardaarmayaa in Faroole ugu shubaan maadama wadanku marxalad dagaal ku jiro. Maalin dhaweyd caalamka dhan waa u jeedey dowlad-ku-sheega waxa farxad ka jirtay markii ay maqleen Puntland dagaal baa ka curtay, wixii idaacad iyo teleefishin ay lahaayeen waa ayaga Qardho isku shubay ayada oo xataa hal masuul ka waraysan Garowe. Faroole waa madaxii ugu horeeyey oo gartay qiyaanada dowlad-ku-sheega oo idibada u siibay oo aqoonsigii kala laabtay. Waa madaxii ugu horeeyey cunta colaadeedka ka celiyey dekada Boosaaso, waa madaxii ugu horeeyey oo qeylodhaan ka soo saaray xoolaha umada oo Xamar lagu qeybsado hadii ay waxbarasho tahay iyo caafimaadba. Waa madaxii ugu horeeyey oo ku marqaati furay dowlad-ku-sheega in uusan aaminsaneyn ‘Federalism’ oo ay rabaan wixii Soomali qaxooti ka dhigay ‘Centralism.’

Cumar Ayuub
ayuub-c@hotmail.com

—————————-

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Aan horta Ciribtirno Qabyaaladeynta. W/Q Dr. Cabdullaahi A. Karaani

$
0
0

AAN HORTA CIRIBTIRNO QABYAALADEYNTA,QABIILKU HA NOO DANBEEYEE !
Dr. Cabdullaahi A. Karaani
karani38@aol.com
Agoosto 29 2013

Dr Cabdullaahi Axmad Karaani

Dr Cabdullaahi Axmad Karaani

In badan iyo muddo dheer,ayaa laga hadlayey dhibaatada Qabiilka ama qabyaaladdu inoo leeyahay. Waqti badan ayaana ku lumay in lagu eedeeyo qabiilka inuu sabab u yahay dhibaatooyinka tiroda badan ee hortaagan horumarka Ummadda Soomaaliyeed. Anoo taa ka duulaya ,ayaan waxaan jecleystay inaan ka dhiibto fikradeyda arrimaha ku qoran cinwaanka sare.

Bal horta, waa in si fiican loo qeexo waxa aannu rabno in lala dagaallamo oo laga ciribtirayo bulshada soomaaliyeed dhexdeeda iyo habka waxaas loola dagaallami lahaa. Marar badan oo laga hadlayo dhibaatada qabiilku leeyahay,waxaad ila moodda in leysku qaldayo micnaha labada eray oon ku qoray cinwaanka sare, Iyadoo loo heysto iney isku micne yihiin, loona isticmaalayo sida labo eray oo leysKu beddeli karo (interchangeable words). Halkaa waxaa iiga caddaatay, in waxa la rabo in la ciribtiraa yahay, waxaan leysku raacsaneyn wuxuu yahayba. Aan ka soo qaadno,haddii waxa lala dagaallamayaa yahay qabyaaladeynta,in badan oo soomalida ahi waxay u heystaan in la ciribtirayo qabiilka ama qabyaaladda,iyadoo sidaan horay u sheegay loo haysto qabiil iyo qabyaaladeyn,labo eray oo isku mid ah. Haddaan labada eray ka wada hadalno mid waa magac oo waa qabiilka, kan kalena waa fal oo waa qabyaaladeynta.

WAA MAXAY QABIIL?

Qabiil waa urur qowsas ama beelo isugu xiran xag bulsho, dhaqaale, diin iyo dhiig . Qabiilku wuu ka sarreeyaa qoyska urur ahaan. Dadyow badan oo Adduunka ku nool ayaa soo maray heerka qabiilka oo uga gudbey heerar ka sarreeya,qaar kalena, sanooyin badan ayey weli qabiil ku negaadeen sideennoo kale iyo sida dalal badan oo ku yaal Afrika iyo dalalka carabta. Qabiilka waxaa lagu xusay quraankeenna kariimka ah,waxana loogu talogalay in leysku aqoonsado (Fiiri aayada lambar 13ban,ee SuratulXujuraat),oo haddana leysku caawiyo, isla markaana waxa wanaagsan leysku faro oo leh ALLAAH ka cabsi, horumarin, wax wada qabsi iyo deris wanaag kwd. Qabiilka marka, marna looguma talogelin in lagu hagardaameeyo inta kale oon sheegan qabiilkaaga,taasoo iyaduna xaaraan ah xag diimeed iyo xag dhaqanba.

Qabiilku dhinaca kale waa abtirsiinyahaaga ugu horraan, tan labaadna waa cinwaankaaga dhabta ah. Maanta,Qurbajoogta soomaaliyeed, markey lacag u xawilayaan qaraabadooda joogta gudaha Dalka,waxay xusaan magaca qofka qabiilkiisa markii la waayo si kaloo lacagta loo gaarsiiyo, dadkii loo diray lacagtuna wey helaan lacagta loo diray shaki la’aan! Dadka wada sheegta qabiilka ,waxa ka dhexeeya Diyada,iyo arrimo kaloo badan oo iyaga khuseeya iyadoo marar bandanna xubnaha qabiilka, laga soo aruuriyo qaaraan lagu fulinayo dano horumarineed ee u gaar ah bulshadaas.

Arrimahaas iyo arrrimo kaloo badan,oo isku xiraya bulshada ka soo jeeda isku qabiilka, waa kuwo laga gudbi doono , markii shicibka soomaaliyeed awoodo inuu gaaro ilbaxnimo wadata dhaqaale, oo uu qofkastaa ku maamulan karo qoyskiisa iyo eheladiisa,taasoo yareyn doonta baahida maanta loo nisbeynayo Qabiilka iyo isku xirnaanta inta wada sheeganeysa isku qabiilka.

Waxaa kaloo jiri doonta sidaan saadaalinayo,in soomaalidu meesheey maanta qabiil kala sheeganeyso, iney degmo ama gobol sheegan doonaan( sida waxaan ka soo jeedaa degmo ama Gobol hebel), iyadoo laga maarmi doono qabiil la sheegto,laakin taasina waxay ku xiran tahay, sidaan horay u soo sheegay bulshada soomaaliyeed oo korta oo waxyaabo badan ku tillaabsata, sida iyadoo la dagaallanta jahliga iyo saboolnimada kwd.isla markaana fahamta waxa danteedu ku jirtu.

Haddaan dib isu xusuusinno isku deyiddii ku saabsaneyd ciribtirka qabiilka, waxaa ka mid ahaa, in Xisbigii SYC-SYL(1943) ka mamnuucay xubnihiisa , in qabiil la sheegto,iyadoo aan lagu guuleysan arrintaas, waxana hubaal ah in SYL ruuxeedu isticmaali jirtey qabiilka markii ay biddo in maslaxo ku jirto, sida markii reer guuraa dagaallamay la doonayo in maslaxo la dhex dhigo, iyadoo u diri jirtey guddi ka kooban labada qabiil oo dagaallamay iyo rag kale oo ka soo jeeda qabaa’ilka kale, si nabad loo gaaro. Aragtideyda taasi waxay ahayd qabiilkii oo loo adeegsadey sida habboon iyo in fidno lagu demiyo. Xisbigii SYL(1948), wacyigelin xooogleh ayuu dul dhigay ciribtirka qabiilka, waxana ka markhaati ah qasiido aan ka xusuusto erayada lahaa :” KANI WAA MIDGAAN,KANI WAA TUMAAL WAA INAAN ILLOWNAAYE” oo uu tiriyey Halgamaa MAXAMED J.CAGMADHIGE (AUN) oo ka tirsanaa idaaradda xisbiga SYL ee Galkacyood. Tankale, sida la wada og yahay,muddadii Dawladdii Kacaanka iyadana , waxa la soo saaray sharci lagu mamnuucayey qabiilka,oo dadweynuhu aad u soo dhoweeyey sida muuqatey, waxaanaan xusuustaa ilaa imminka kobtii aan ku Xabaalnay Wasaarad ahaan,(X.X.DHIRTA IYO DAAQA), wixii noo matilayey qabiilka iyo godkii dheeraa oo aan u qodnay in lagu xabaalo! Waxaan isleeyahay labadaas jeerba waxaa la khasbayey arrin aan bulshada soomaaliyeed u bisleyn, taasoo keentay in ciribtirka qabiilka lagu guuldarreysto.

ANIGA, doodeydu ma aha midaan ku xoojinayo qabiilka,umana raadinayo qabiilka qiil, mana lihi qabiil sheegashadu waa wax xun ama wanaagsan ,laakin waxaan door biday iney habboon tahay in runta laga wada hadlo, lana sheego meesha sartu ka qurmeyso, oo markaa sida xaladdeenna runta ahi tahay leysu tilmaamo, waxaanaan soo jeedin lahaa in arrimaha noocaan oo kale ah, oo bulshadeenna si xoog ah u taabanaya laga doodo, oo misana dhabta laga gaaro. Taa weeye, waxaan maanta u doortay inaan idiinku soo bandhigo fikradda aan ka qabo qabiilka iyo dhibaatooyinka la sheego inuu inoo keenay qaran ahaan.

WAA MAXAY QABYAALADEYNTU?

Qabyaaladeyntu, waa qabiilkii oo loo adeegsadey si aan habbooneyn, si xun oo bulshada soomaaliyeed u soo jiidi karta dhibaatoyin faro badan sida dib’udhac ku yimaada bulshada dhexdeeda,fidno lagu dhex abuuro bulshada iyo is-afgaranwaa la dhex dhigo qabaa’ilka dhexdooda, dadka qaarkiis oo la takooro, iyo arrimo kaloo badan oon maslaxo ugu jirin bulshoweynta soomaaliyeed guud ahaan.

Beryihii hore, soomaalidu ma lahayn waxa loo yaqaan maamul Dawladeed, oo isu keena qabaa’ilka soomaalidu ka kooban tahay,laakin kadib markii Dawlad soomaaliyeed la unkay, soomaali ahaan Dawladdii ayaa la wareegtey maamulkii dadka iyo dalkaba. Dawladdii waxay noqotay ishii keli ahayd oo dadweynuhu fiirsanayey xag shaqo, xag waxbarasho,xag dhaqaale iyo xagga tas-hiilaad badan oo Dawladnimadu la timaado.

Markaa, ayaa waxa bilowday istuhun dadkii iyo kuwii madaxda u noqday Dawladdii, iyadoo dadweynihii ay ku dhex arkeen maamulkoodii dawladeed, waxyaabo badan oo eeyan ka filaneyn madaxdii ay u igmadeen hogaaminta DAWLADDA ,sida ukala eexashada bulshada,qaraabokiilka,musuqmaasuqa , cadaalad la ’aanta, ku takrifalka awoodda Dawladeed,keli-talinta,Xisaabtan la’aanta maamulka,boobka waxa dadweynaha ka dhexeeya,shaqooyinka Dawladeed oo qaraabada lagu soo dhoweeyo( naasnuujin) inta kalena laga fogeeyo kwd. Arrimaha aan kor ku xusay,ayaa ah waxa loo yaqaan QABYAALADEYNTA, ku milantay Dawladnimadeennii , baajiseyna horurmarkii Ummadda soomaaliyeed ku taameysey. Qabyaaladeyntu, waxay leedahay dhibaatooyin soo jireen ah iyo kuwo la bilaabmay Dawladnimadeennii. Kuwa la kawsadey Dawladnimadeennii oon kor ku tilmaamay,ayaana ka dhibaato iyo lahan badan kuwa soo jireenka ah. Dhibaatooyinka qabyaaladeyntu leedahay oo soo jireenka ah ,waxa kamid ah, iyadoo dad soomaali ah xirfadda ay barteen lagu takoorayo sida kabatolidda,bir tumidda,kalluumeysiga iyo xirfado kale oo wax tar u ah ummadda soomaaliyeed.Waxay kaloo soomaalidu isugu faani jireen laandheerinimo,taasoo ahayd qabiilkeyga ayaa ka badan qabiilkaaga taasoo keeni jirtey in cudud leysu sheegto iyo fidno ka dhex dillaacda qabaa’ilka dhexdooda. Waxaa iyana jirijirey, waxa loo yaqaan kala aargoosiga, iyo u hiillinta qofka qabiilkaaga sheegta xitaa hadduusan xaq ku taagneyn ,meeshii loo xiillin lahaa xaqa,sida diinteennu na fareyso. Sida qaalibka ah, dagaallada reer quuraaga ka dhex dhici jirey, waxay ku saleysnaayeen iyadoo lagu dagaallamo baad iyo biyo,kuwaasoo asal u ahaa nolosha runta ah ee degaanka ay ku noolaayeen.

YAA ADEEGSADA QABYAALADEYNTA?

Shaki kuma jiro, in Qabyaaladeynta ay adeegsadaan dad isticmaalkeeda dani ugu jirto, waxayna u badan tahay in iyadaas lagu raadinayo mansab siyaasadeed iyo ilo dhaqaale,sida qaalibka ahna, waxa sida xun loo Isticmaalayaa oo la soo marayaa waa qabiilka,iyadoo xubnaha qabiilka laga dhaadhicinayo in Hebel, ay ku dabafaylaan si hadhow uu iyaga keli ah ugu adeego, markuu helo mansab dawladeed. Dad badani arrimaha noocaas ah horay u soo arkeen, oo waxayba u heystaan iney iyaguna markooda, ay xaq u leeyihiin In wax loo soo boobo ama iney qeyb libaax ka qaataan waxa Dadweynaha ka dhexeeya! Qabyaaladeyntu,wey ka horreysey maamulka dawladeed sidaan horay u sheegay,illowse waxay sii xoogeysatey Dawladnimadeennii wixii ka danbeeyey,waxayna la timid habab cusub oo xirfadeysan, oo dadka daneynayaa adeegsadaan.

Maahmaah soomaaliyeed ayaa waxay tiraahdaa: OODO DHACMEED SIDEY U KALA SARREEYAAN BAA LOO KALA QAADAA- marka, sidey ila tahay Qabiilka iyo Qabyaaladeynta,waxaa soomaali sharafteedii iyo horumarkeediiba la degey, waa qabyaaladeynta ku gamuurtey maamulkeenna dawladeed, waana inaan iyadaas, horta ka sifeyno maamulkeena. Haddii sidaa la yeelona ,Dawladda iyo Dadweynuhu, wey is fahmi doonaan, tuhunkii laga qabey maamulka dawladduna, meesha waa ka bixi doonaa,markaa kadibna, waqtiga ayaa xallin doona, saamenta qabiilku, uu ku dhex leeyahay maanta shicibka soomaaliyeed. Qabiilku, sidey aniga ila tahay, wuu inala joogi doonaa muddo dheer, ee marka hore aan ciribtirno qabyaaladeynta, qabiilku hanoo danbeeyee! TALO KA SOO JEEDINTA LA DAGAALLANKA QABYAALADEYNTA.

Arrimo dhowr ah ayaan soo jeedin lahaa ,oo aan isleeyahay,waxbey ka tari karaan amaba wey fududeyn karaan la dagaallanka qabyaaladeynta ku xidideysatay bulshada soomaaliyeed, waxana ka mid ah arrimahaas kuwa soo socda:

1) Waa in ugu horraan hey’adda sharci dejintu ku tillaabsato, sharci lagu xaaraantinnimeynayo Qabyaaladeynta, sharcigaas oo lagu tifaftirayo in Qabyaaladeyntu tahay denbi ciqaab mudan.

2) Waa in laga ilaaliyo maamulka Dawladeed waxa loo yaqaan Qabyaaladeynta, sida ukala eexashada dadweynaha, qaraaabada oo lagu soo dhoweysto maamulka (QARAABOKIIL), iyo saaxiibadda oo sidoo kale waxyaabo ay dadka kale ula sinnaan lahaayeen la siiyo(Naasnuujin), Musuqmaasuqa iyo isdaba-marinta xoolaha dadweynaha (xatooyo Xoolo-dadweyne),iyo arrimo kaloo badan oo Dadweynuhu arkayo oo sida qaalibka ah lagu dhex sameeyo maamulka dawladeed. Arrimahaas oo dhammi, waa kuwo shicbi-weynuhu aammus ku daawanayo, laakin ay la wada socdaan cidda markaa loo tirinayo, waana kuwo, kala fogeyn kara maamulka dawladeed iyo Dadaweynaha sidaan horay u soo sheegay.

3) Waa in la sameeyo wacyigelin xoogleh oo ku saabsan dhibaatooyinka ay leedahay Qabyaaladeyntu, iyadoo khaasatan shaqaalaha Dawladda, dhallinta soo koreysa iyo Dadweynahaba laga dhaadhicinayo, loogana digayo, waxyaabaha xun xun oo qabyaaladeyntu bulshada soomaaliyeed u soo jiidey. Axsaabta,hadda isu diyaarineysa iney wax ka qabtaan hoggaanta Dawladnimo iyaguna waa iney xil iska saaraan la dagaallanka qabyaaladeynta.

4) Waa in si degdeg ah loo xirgeliyaa GUDDIGA LA DAGAALLANKA MUSUQMAASUQA , oo ku qoran Dastuurka,(fiiri qodobka 111C ), waana in madax-bannaaninta loo igmaday guddigaas, laga rumeeyo, si uu guddigu u noqdo mid shaqadiisa fulin kara caqabad la’aan.

FAALLO KOOBAN EE KU SAABSAN QORAALKA SARE:-

Qoraalka sare, wuxuu tilmaamayaa sida loo heysto micnaha labada eray oo kala ah qabiilka iyo qabyaaladenta. wuxuu kaloo qeexayaa in waxa la degey bulshada soomaaliyeed ay tahay qabyaaladeynta, ee eeyan ahayn qabiilka ama qabyaaladda loo sameeyey in leysku aqoonsado sida quraankeena lagu tifaftiray. Qabyaaladeyntu waa qabiilkii, oo loo isticmaalay si aan habbooneyn,waxayna bulshada soomaaliyeed u keentay dhibaatooyin farobadan, sida dib-u -dhac siyaasadeed mid dhaqaale , nabad la’aan , tafaraaruq bulsho , is-aamin la’aan,qoloqoleysi iyo isneceyb joogta ah ee bulshada dhexdeeda ka dhaca iyo arrimo kaloo badan oo ragaadiyey horumarka soomaaliyeed.

Qabyaaladentu, intii muddo ahba, waxay soo xuleysey maamulka Dawladeed, Bulshada soomaaliyeedna, sida la wada og yahay,waxay u harraadan tahay in laga dulqaado iyadaas oo sabab u ah jahliga,saboolnimada iyo caafimaad darrida ku baahsan Dalkeenna beled iyo baadiyaba.

Dhowr arrimmod ayaan u arkay in lagu ciribtiri karo Qabyaaladeynta ku baahdey ummaddeenna iyo maamulkeenna Dawladeed. Haddii Dawladu arrimahaas iyadoo la kaashaneys Shicbigeeda ay isku daydo iney wax ka qabato, shaki kuma jiro in Dalkeennu gaari doono meel sare ,oo ka fog meesha maanta xaalkeennu marayo, taasoo aan ka baryeyno ALLAHA weyn, inuu noo fududeeyo oo nagu kaalmeeyo. Aamiin.

Waxaa soo diyaariy qoraalka sare iyo faallodaba,

Dr. A. Karaani.

=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Xiddigis. W/Q Abdirahman Elmi Hashi

$
0
0

CASHAR GAABAN OO XIDDIGISKA AH (Qaybta 1aad)
Abdirahman Elmi Hashi
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no
Agoosto 09 2013

MAQAALMarkaan la sheekaystay dad badan oo soomaali oo qaarkood wax bartay waxaan ogaaday in aqoonta asaasiga ah ee xiddigisku aad noogu yar tahay.Cilmigan wuxuu ka mid yahay cilmiyada ugu da,da weyn ee aadanuhu wax ka ogaaday,maantana aqoon badan oo la hubo ayaa laga ogaaday.Tusaale ahaan aqoon yahannada cilmigani waxay si dhib yar ku saadaalin karaan marka qorrax madoobaad ama dayax madoobaad dhici doonaan ama dhulku u dhaw yahay meereeyayaasha la arki karo sida Saxal,Raage iyo Marriikh.Waxaa kale oo la saadaalin karaa marka bisha cusubi dhalanayso.Anigu in kastoo aan cilmigan xiiseeyo haddana barasho rasmi ah uma lihi.Waxa aan ka aqaanna waa waxyaabaha asaasiga ah ee ilmaha dugsiga dhexe dhigta la baro.Waxaan haddaba halkan kusoo ban dhigayaa wax yar oo cilmigan kusaabsan oo aan rajeynayo in dad badan ka faaiideystaan.Aad bay muhim u tahay in qofku masawir sax ah ka haysto qaabka Allaah u sameeyey adduunka ku xeeran oo saamayn badan ku leh sida aan u fekeraynno iyo xataa waxa aan aamin sannahay.Waxaad arkaysaa dad markay maqlaan in dhulku ku wareego qorraxda ama in dhulku si rogrogo ka keenaya muran ay mararka qaarkood soo gelinayaan aayado Quraan ah.Waxaa kaloo sahlan maanta in internetka laga helo aqoonta bilowga ah ee cilmigan.

HORDHAC

Dhulka aynnu ku nool nahay wuxuu ka mid yahay meereeyeyaal 9 ah oo ku wareega qorraxda.Cufka qorraxda oo aad u weyn marka la barbar dhigo kan meeraha ayaa keenaya in meeruhu ku wareego qorraxda,meel kasta oo qorraxdu aaddana uu ku khasban yahay inuu raaco.Sidoo kale ayaa dayaxu ugu wareegaa meeraha,maadaama ay dayaxyadu aad uga yar yihiin meeraha ay ku wareegaan,aadna ugu dhaw yihiin.Qorraxdu waa kubbad weyn oo shidan,had iyo jeerna gubanaysa taasoo keenta iftiinka iyo kulaylka joogtada ah.Qorraxdu ma taagna ee waxay ayaduna ku wareegaysaa bartamaha gaalaksigeenna(carabi=Majarrah).

Gaalaksi:qorraxo tiro badan iyo walxo kale oo isu tegey,saameyn iyo is jiidashona ka dhaxayso.

Qorrax: Kubbad weyn oo gubanaysa oo leh ilays iyo kulayl.

Meere:wixii ku wareega qorraxda.meereeyeyaashu inta badan ilays ma leh,inkastoo ay jiraan qorraxo ku wareega qorrax kale.

Dayax:wixii ku wareega meere.

GAALAKSI WAA MAXAY?

Gaalaksigu waa balaayiin qorraxood,meereeyeyaal,dhagaxyo waaweyn(asteroids),qaac(gasses) iyo walxo kale oo isu tegey,wada socda uuna isu hayo xoog isjiidasho.Markaad habeyn mugdi ah cirka fiiriso waxaad arkaysaa kumanaan xiddigood oo dhinacaad eegtaba kaa xiga.Xiddigahaas dhawr mooyee intooda kale waa qorraxo.Fogaanta ayaa keentay inaan u aragno wax yar,laakiin qaarkood waa ka waaweyn yihiin qorraxdeenna.Qorraxahaas intooda badan waxay leeyihiin meereeyeyaal ku wareega sida dhulku qorraxda ugu wareego.Xiddigaha ama qorraxaha inoo muuqdaa waa qaybta deriskeenna ah ee gaalaksigeenna.Masawirka hoose waa gaalaksiga loo yaqaan NGC 1232.Aqoon yahannada cilmiga xiddigisku waxay qabaan in gaalaksigeennu u eg yahay NGC 1232 xagga qaabka(spiral galaxy) ,laakiin NGC1232 laba jeer weyn yahay.

NGC 1232

NGC 1232

Gaalaksiyadu aad bay u kala fog yihiin,kan inoogu dhawna ma arki karno haddaan la isticmaalin qalabka wax soo dhaweeya(telescope).Tusaale ahaan gaalaksiga kor ku masawiran wuxuu noo jiraa qiyaastii 100milyan oo sannad-ilayseed(light year).Sannad ilayseed waa cabbir loo isticmaalo fogaanta xiddigaha maadaama aan kiiloomitir waxba tarayn fogaanta xad dhaafka ah awgeed.1 sannad-ilayseed waa fogaanta uu jaro ilaysku hal sano.Ilayskuna wuxuu ilbiriqsigii jaraa 300,000km!!Taa macnaheedu waxaa weeye ilaysku wuxuu gaalaksigaas ku gaarayaa 100milyan oo sano.Haddaan si kale u iraahdo;ileyska gaalaksigaas ka soo baxay 100milyan oo sano ka hor ayaan hadda ina soo gaaraya!

Tirada gaalaksiyada cidna si dhab ah uma taqaan Allaah mooyee,laakiin inta la arki karo marka qalab la isticmaalo waxaa lagu qiyaasaa ila 170 bilyan oo gaalaksi.Bal haddaba ka fikir weynanka iyo baaxadda kawnka!Gaalaksi kastaa wuxuu ka kooban yahay balaayiin qorraxood oo tiiba jiidanayso tiro meereeyeyaal ah iyo dayaxyadood.

Markaad Quraanka akhrido waxaad in badan arkaysaa aayado la inaku xusuusinayo in Ilaah isagu iska leeyahay samooyinka iyo dhulalka.Markaad ogaato weynanka adduunka iyo baaxaddiisa waxaad ogaanaysa weynanka iyo awoodda Rabbiga abuuray una wada jeeda.

Gaalaksiga inoo ku dhaw waxaa la yiraahdaa Andromeda(hoos eeg)wuxuuna jiraa ilaa 2.5milyan sannad-ilayseed.Hadduu jiri lahaa qof jooga Andromeda oo aad telefoon u dirto wuxuu telefoonkiisu garaaci lahaa laba milyan iyo bar sano ka dib!(Ileyska iyo hirka raadiyaha ama telefoonku waa isku xawaare). Haddaad rabto inaad sannad-ileyseedka u rogto kiiloomitir waxaad marka hore raadisaa innta ilbiriqsi ku jirta hal sano kadibna ku dhufo 300000km.Markaa waxa kuu soo baxaysa innta kiiloomitir ilaysku jaro sannadkii.

Gaalaksiga Andromeda oo ah kan inoogu dhaw,jirana ilaa 2,5milyan oo sannad-ilayseed

Gaalaksiga Andromeda oo ah kan inoogu dhaw,jirana ilaa 2,5milyan oo sannad-ilayseed

U fiirso masawirka kore ee gaalaksiga Andromeda.Xiddigaha masawirka ka muuqda waa xiddigaha gaalaksigeenna ee ka sokeeya gaalaksiga Andromeda oo kaameradu qabatay.Way adag tahay in la masawiro xiddigaha gaalaksiyada kale fogaanta awgeed.Ogow gaalaksigeenna qaabkiisa oo sax ah lama masawiri karo maadaama aan ku dhex jirno.Waxay la mid tahay adigoo isku dayey inaad dusha ka masawirto guri aad gudihiisa ku jirtid.Haddaad habeyn mugdi ah cirka fiiriso waxaad arkaysaa xarriijin madow oo cirka ku dhereran,taasoo soomaalidu tiraahdo;meeshii shaydaan hooyadi ku jiiday.Muuqaalkaasi waa gacanka qorraxdeennu ku dhex taal ee gaalaksigeena(eeg masawirka hoose.

Xiddigis 2Gaalaksiyadu qaabab kala duwan ayey leeyihiin.Gaalaksigeenna oo af ingiriiska loo yaqaan Milk Way Galaxy waxaa qaabkiisu lagu sheegay mid ah wareeg duuban(spiral) sida labada gaalaksi ee kor ku masawiran.Inta badan bu,da gaalaksiyadu(galactic center) aad bay u iftiin badan tahay taasoo ay keentay qorraxo aad u badan oo isu dhaw,qaybaha gaalaksiguna bu,da ayey ku wareegaan.Gaalaksigeenna iyo kuwa u qaabka egi waxay leeyihiin qaab saxan,lehna qaybo si gooniya isugu taxan oo loo yaqaan gacmaha gaalaksiga(Galactic arms).Waxay u dhow yihiin cimaamad la duubay.

Haddii Allah idmo qaybta 2aad ayaan kaga hadli doonaa hab-qorraxeedkeenna.

=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Mudane Calasow fogaatey Ceebtuye Maxaa Caymo Noqon Kara? W/Q Dr. Saciid Ciise Maxamuud

$
0
0

Mudane Calasow fogaatey Ceebtuye Maxaa Caymo Noqon Kara?
Dr. Saciid Ciise Maxamuud
saciidciise258@aol.com
Sabteembar 06 2013

DR SICIID @ XISBIGA NABADAHogaamiyaha Soomaaliya wuxuu la kufay talada Dalka, rajana lagama qabo inuu ka soo kaco, mana muuqato cid kala talisa inuu tanaasulo. Talo-xumida ay la tukubeyso madaxda dowlada waxey ka soo maaxatey hogaan-xumida madaxa ugu sareeya dowlada oo ku koobay abwaaneynta siyaasada dowlada koox gaara oo mu’adimiin ka ah talao-xumida ka taagan madaxtooyada. Ganacsato iyo wadaado si xaarana isku kaashaday ayaa is tusay doorkooda ku aadan in garbaha laga galo hogaamiyaha inta uusan gelin miyir-beel, waxaana Unka iyo Sacuudiga si gara loogu diray fariimo degdega, ujeedaduna tahay wadaadnimo xumida caalamku ku saaray xanibaada in laga fududeeyo.

Hogaaminta wanaagsan waxaa saldhig u ah xiriirin xoogan iyo maamul wanaagsan oo adeegyada dowlada gaarsiiya shacabka meelkasta oo ay joogaan. Hogaamiyaha wanaagsan waxaa tilmaan u ah shaqsiyadiisa oo laga helo astaanmaha: daacad, aqoon, iyo wadaniyad. Hogaamiyihii milateriga ee Kacaanka Oktoobar(AUN) wuxuu Soomaalida tusay kelitalisnimo in wax lagu maamuli karo, waxuuna saddexda tilmaan ka watey sifada wadaninimo oo keliya, sidaas oo ay tahay wuxuu ahaay hogaamiyaha keliya ee madaxda Soomaalida soo martay oo dalka xiriir caalimiya iyo adeegyada dowlada gaarsiiyey dhamaan degaanada Soomaalida. Hogaamyihii milatari(AUN) ee u horseeday in ciidanka Xabashidu ay Xamar ka dhigaan wada xabaalo wuxuu watey tilmaanta daacadnimo oo keliya, wuxuuna ku hor kufay caalamka iyo Soomaalidaba, waxaana laga dhaxlay inaan xoog keliya wax lagu xalin karin. Hogaamiyaha barakeysan ee hadda ka jira dalka, waxaa laga hayaa oo keliya tilmaanta aqoonta, waxaana hadda laga baranayaa isku dhexdhafka qabiilka iyo qabqablayaasha diinta oo dadka loo tuso xeelad dib loo casriyeeyey oo lagu doonayo isbedel in loogu sameeyo siyaasada si loo gaaro iftiinka aayokatalinta ummadda Soomaaliyeed. Saddexdaas hogaamiye waxey ka sinaayeen mabda’ weynaha qabyaalada oo ahaa diintooda.

Mudane Calasow wuxuu ka ilduufay Muqdisho ineysan ahayn Garowe, Soomaalidana ay u tahay magaalo ay xoolaheedu iyo dadkooduba ay ku dhan yihiin. Waxaa Muqdisho ka barakacay, kana qaxay dad lagu qiyaaso 3 malyan oo ah wadaniyiin Soomaaliya, waxaan sugeyney in Soomaalida dib loogu soo celiyo guryahooda oo loo sameeyo dibudejin, iyadoo laga raali gelinayo dhibaatada loo geystey, waxaase muuqata maanta Muqdisho iney noqotay goof beelu leedahay. U fiirso oo raadraac hantida dhaqaale ee dalka tilmaanteedu meesha ay u dhaceyso si aad u fahamtid siyaasada jihada ay u socoto. 1969 Soomaaliya waxey gacanta ugu jirtey hal qabiil oo awoodi siyaasadeed gacanta ku dhigay, inkastoo ay dalkii badeen faqri aysan xoolo ka tabcan, sababtayna madaxii ugu sareeyey dalka in lagu dilo, haddana waxey ehel dhow u ahayd shacabka Muqdisho oo aysan daneyneyn dhiig inuu siyaasadooda ku daato. 1990 Muqdisho waxaa milkiyey hantida dhextaaley hal beel oo dowladnimadii ay gacanteeda ku soo aruurtay, taasna waxey sababtay kalsoonidarro dhalisay inuu daato dhiig badan. 2013 waxey muqdisho gacanta ugu jirtaa hal beel oo madaxtooyadii, maamulka Muqdisho, dekeda, garoonka diyaaradaha, dhismayaasha ugu badan magaalada, qandaraasyada shisheeyaha, iyo xataa ciidanka dowlada 2/3 iney noqto hal beel. Dulucdu waxey tahay, maanta ceebta intaas gaarsiisan in la garan waayo ma filayo oo haddana ka sii darane weli lagu adkeysanayo in taloxumadaas shacabka Soomaaliyeed lagu qanciyo, waxey taas sidoo kale tilmaameysa in xoolihii laga dhacay shacabka Soomaaliyeed xiligii ku meelgaarka oo lagu maalgashaday Kenya ay hal beel oo keliya ay u heshay naasnuujin, welina xiriirka deeqaha iyo maalgelinta ay wakiil uga yihiin Nairobi, waxeyna markasta horseed u yihiin dhowrista danaha Kenya si ay uga badbaadaan in la dhaco hantidooda. Waa arrin mudan in la derso ee waa kuma shacabka la doonayo in la qanciyo ama xiiso u haya iney maqlaan guulaha dhalanteedka ah oo ay soo jeedinayaan madaxda dowlada? Waxaa maamulka Banadir iyo wasaarada arrimaha gudaha caado u noqotay dhaqankii Kacaanka Oktoobar oo qabqabta iyo gabley-shimbirka masraxa ku yaal taalada Jeneraal Daawuud(AUN) ku soo bandhigaya xeelad duugowday oo Soomaalidu ku soo hungootey, taas oo ah dadka tabarta yar ee degan xaafadaha ku dhow madaxtooyada in lagu soo qasbo imaatinka fagaarayaasha ku dhegen madaxtooyada si loo meelmariyo mariin-habaabinta ku aadan taageerada shacabka Banaadir ee dowlada. Runtu waxey tahay haddii la doonayo in siyaasad beena laga gado shacabka Muqdisho, geesinimadeeda waa in la yeesho oo Fagaaraha Tarabuunka la isugu yimaado.

Madaxtooyadu ma ahan gelgelin uu boor ka kici karo ama ay ka kacdo ceeryaamo la isku qarin karo, cidina ma mooga waxa lagu qorsheynayo madaxtooyada, waxeyna u muuqataa kooxda gaarka ah ee madaxtooyada iney tabar dhigtay, haddana ay dantu biday in la curiyo koox-diimeed salbalaaran leh oo sida Masar lagu sahmiyo tijaabinta awooda dalka. Waxaa dhumay dadaalka xusulduubka loogu jiro wadaado waranleeya in caarada warmahooda hal meel lagu kulan siiyo. Waxaa sidoo kale burburay dhismihii ciidanka oo madaxtooyada intaan ka ahayn uusan amni ka jirin Muqdisho, waxeyna u muuqataa howlaha ciidanku inuu ku soo koobmay ilaalinta amniga madaxda iyo galbinta safaradooda, waxaana la arkayaa in dhagax waaweyn loo adeegsanayo sidii askar sugeysa amaanka wadooyinka, sidaasna looga maarmay ciidanka nabadgelyada oo mushaar siintoodu madaxda dhibtay.

Waxaa sidoo kale ciirciirka iyo cabsida dowlada dhinac socda kulamo ujeedadeedu tahay dhiirogelin lagu garbogelayo xaraaruga ay ku sugan tahay dowlada. Dowladu markii ay quus ka istaagtey kalsooni kal iyo laab leh oo ay ka hesho dadweynaha, ayey u jeesatey dhinaca bulshada caalamka oo ay horkaceyso UNka. Waa arrin mudan in la derso ee ma bulshada caalamka ayaa shacab u noqoneysa Soomaaliya? Wax qarsoon ma ahan in bulshada caalamka daaha gadaashiisa ay go’aamada dowlada u soo min-guurineyso, haddana iyada oo og lahaanshaha go’aamadaas inay muujiso sida ay u taagereyso taladeeda oo ay u turjumeyso heshiisyada kuwo dowlada ka soo baxay. Maaweelada ay bulshada caalamka u muujineyso shacabka Soomaaliyeed wuxuu ka turjumayaa iney jirto faragelin qarsoon oo ay shisheeyuhu ku hayaan arrimaha u gaarka ah Soomaalida. Waxaa hadda socda qorshe la doonayo in UNka xaafiisyadeeda lagu baahiyo dhamaan gobolada Soomaalida oo xilkii laga sugayey dowlada ay kaalinteeda buuxiso, taas oo ka durugsan waxqabad samafal ama horumarinta degaanka, waxeyna u muuqataa siyaasad cusub oo shishheyuhu ku damacsan yihiin iney dalka xoog ku qabtaan, waxaana sahanka UNka barbar socda in la keeno ciidamo fara badan oo ka socda UNKa, lana doonayo doorasho iney dalka ka qabtaan, laguna sifeeyo ciddii ka soo horjeeda rabitaankooda. Waxaa sidoo kale jira shirar maaweelo oo ka socda Muqdisho, kuwaas oo go’aamada ay ku dhowaaqayaan horay loo sii diyaariyey, natiijada ka soo baxdana ay noqoneyso si hordhaca in loogu taageerayo qorshooyinka UNka ay gadaal ka maleegeyso oo wakhtiyada dambe soo shaac bixi doona.

Dibuheshiisiin, doorasho xalaala, dhaqangelinta ama dib uga noqoshada federaalka, iyo dhab u hirgelinta xisbiyada siyaasadeed ma ahan mid koox gaar loogu yeertay iyo khubaro shisheeye ay wax ka qaban karaan ama jujuub lagu gaari karo xalka Soomaaliya. Waxaa jirta cadaalad muuqata iyo mid aan muuqan oo xoolo iyo dhiigba quseeya, mana sahlana in Faataxo iyo iscafis aan niyad ahayn lagu gaaro xal ka fog xaqiiqda kadib markii ay boqolaal kun oo rayid Soomaaliyeeda loo diray akhiro. Howlahaas waxaa ku habon in loo saaro gudiyo ka madaxbanaan dowlada oo shacabka la kaashada baaris cilmiyeysan iyo xal Soomaaliyeed in lagula xisaabtamo hantidii iyo dhiiga shacabka dadkii daadiyey. Waxaa Muqdisho looga diyaar garoobayaa dabaaldeg aan la saadaalin karin oo u muuqda inuu yahay damaashaad lagu diidayo in dowladu aysan mudnayn waxqabad ay ku muteysatay in lagu soo dhaweeyo sannadguuradeeda. Waxaana iskaashaday dhibaatooyin isbiirsaday oo kulmiyey iskacaabinta ay dad badan uga soo horjeedaan tacadiyada howlwadeenada dowlada ay kula kacayaan shacabka Muqdisho. Bisha September waa bil madow oo addunka ku soo kordhisa dhacdooyin xanuun badan iyo aafooyin, waxaana muuqata haddii aan Muqdisho laga helin isbedel siyaasadeed in calaamadaha muujinaya dhiig badan oo daata in muuqaalkoodu uu soo bislaanayo. Shacabka Muqdisho aad ayuu u hubeysan yahay, dowladiina ma jirto cid wax ka maqleysa, AMISOMna awood uma lahan in shacabka ay uga hiiliso dowlda. Eebe ha fududeeyo arrimahan murugeysan.

Rajada wanaagsaneyd ee shacabka Soomaaliyeed waxey hiigsaneysey in dowlada la doortay ay sameyso isbedel oo laga guuro qabiilka iyo koox-diimesiga dumiyey qaranimada Soomaaliyeed, loona guuro Soomaalinimo, Islaanimo,iyo dowladnimo Soomaaliyeed oo ka madaxbanaan tuugsiga shisheeyaha. Mudane Calasow ceebtu waa sii fogaataye maxaa caymis noqon kara? Mudane Sannadguuradaada aan kugu sagootino?

Dr. Saciid Ciise Maxamuud

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

Muqdisho – Soomaaliya

saciidciise258@aol.com

=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Waan ku diirsaday sida xiriirka dibada loo dhisay. W/Q Shiine Culay

$
0
0

Waan ku diirsaday sida xiriirka dibada loo dhisay
Shiine Culay
Shiine.culay@gmail.com
Sabteembar 07 2013

maqaalWaajibaadka shaqo ( Mandate-ka ) Maamul Goboleedyada kuma jiraan Siyaasada Arrimaha Dibada & Gaashandhiga waxaana arrimahaas uga wakiil ah oo ay la wadaagaan Dowlada dhexe ee Federaalka, Dhismihii Puntland ilaa wakhtigan la joogo Dalka kama jirin Dowlad dhexe oo xoog leh taas oo lagu aamini karo inay Puntland u buuxiso kaalimahaas muhiim ka ah ( Arrimaha Dibada, Difaaca IWM ) Sidaa darteed Puntland waxay u dhaqmaysaa sidii Dowlad madax banaan inta laga helayo Dastuur Federaal ah oo Soomaali ku heshiisay laguna ansixiyey afti dadweyne sida ku cad Dastuurka Puntland Qodobkiisa 4-aad farqadiisa 3-aad.

Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland wax ka ansixisay ka dibna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan.

Mudadii Puntland jirtay guulo sidaa u weyn lagama gaarin Siyaasadaha Arrimaha Dibada loomana hurin dadaalkii ay mudnayd si loo helo jawi ku dhisan kalsooni & wada shaqayn kaas oo Maamulka Puntland la wadaago bulshada Caalmka ee danaysa Arrimaha Soomaaliya, Wadamada Gobolka, Dalalkii Soomaaliya la lahaan jiray xiriirada soo jireenka ah & Ururada Caalamiga ah ee ku mashquulsan gacansiinta guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed.

Xukuumada Madaxweyne Faroole & dardargelinta Siyaasada Arrimaha Dibada.

8 Jan, 2009 Madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) waxaa loo doortay hogaanka Puntland iyadoo ay Dalka ka jirto kala daadsanaan weyn oo dhinaca hay’adaha Dowlada ah waxaana madaxweynaha horyaalay caqabado badan & shaqooyin u baahan in si xilkasnimo & waayo aragnimo ku dheehan tahay wax looga qabta kuwaas oo ay ka mid ahayd Hagaajin, Xoojin & Kaabis lagu sameeyo Siyaasada Arrimaha Dibada ee Puntland kula macaamilayso dunida inteeda kale.

Safarada Dibada.

Madaxweyne Faroole & Masuuliyiinta Xukuumadiisu waxay safaro aan kala joogsi lahayn ugu baxayeen markasta oo loo baahdo wadamada caalamka si ay u garaacaan irid walba oo loo arko inay waxka qaban karto baahiyaha Dalka ka jira iyagoo dadaal ku bixiyey sidii ay u geyn lahaayeen danaha reer Puntland miiskasta oo lagaga xaajoonayo Arrimaha Soomaaliya .

Waxay ku tageen safaro taariikhi ah wadamada Gobolka & qaar ka mid ah wadamada caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya kuwaas oo si weyn markasta loogu soo dhowaynayey iyagoo fursad u helay inay la kulmaan qaar ka mid ah madaxda caalamka sida Hogaamiyihii Liibiya Macmar Qadaafi, Madaxweynihii Dalka Yaman Cali Cabdala Saalax, Amiirka Kuwayt Sabah Al-Ahmad Al-Jaber, Madaxweynaha Turkiga Cabdale Guul & Dhamaan Madaxweynayaasha Wadamada Gobolka ee xuduuda la wadaaga Soomaaliya.

Waa markii ugu horaysay oo Madaxweyne haya talada Dalku uu kulamo la qaato madax tiradaas & xadigaas leh shekina kuma jiro inay ka mid tahay fursadaha horseeday in horumar buuxa laga gaaro siyaasada arrimaha Dibada & Iskaashiga beesha caalamka.

Xiriirka Diblumaasiyadeed ee Puntland wakhtigan.

Wakhtigan la joogo Puntland waxay si madax banaan oo aan lahayn wax ku tiirnaansho gacmo kale ah la leedahay Beesha Caalamka, Wadamada Daneeya Arrimaha Soomaaliya & Hay’adaha Caalamiga ah Xiriir Diblumaasiyadeed oo qoto dheer kaas sahlay inay si fudud u gaarsiiso codkeeda Xafiisyada ay dano wadaagta yihiin .

Iskaashiga Wadamada Gobolka.

Wadashaqayn, Iskaashi & Kalsooni Puntland la wadaagto Wadamada Gobolka ee xuduuda la leh Soomaaliya (Ethiopia, Kenya & Jabuuti) waa mid muhiim u ah dhinacyada Dhaqaalaha, Amaanka & isu socdka Gobolka sidaa darteed Xukuumadu waxay ku dadaashay sidii ay xiriir qoto dheer ula yeelan lahayd wadamada deriska ah taas oo ay guulo wax ku ool ah ka gaartay.

Si loo xaqiijiyo xiriirka joogtada ah ee Puntland la wadaagto wadama Gobolka aysana ugu iman wax dib u dhac ah Xukuumadu Waxay Xafiisyo heer qunsuliyadeed ah ka furtay Magaalooyinka Nairobi, Addis Ababa & Jabuuti halka Dowlada Ethiopia Qunsuliyad ka furtay Magaalada Garoowe iyadoo la rajaynayo wadamada Kenya & Yaman inay iyaguna dhankooda ka furtaan Qunsuliyado gudaha Puntland.

Dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia.

Wakhtiyadii hore Puntland lama lahaan jirin wax xiriir ah Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia marka laga reebo xiriirka ay la wadaagto Dalweynaha Ethiopia waxaana mararka qaar jirtay kala sheki weyn oo u dhexeeyey labada dhinac gaar ahaan dhinaca Amaanka, Markii ugu horaysay taariikhda Puntland Madaxweyne Faroole wuxuu socdaal ku tegay Jigjiga halkaas oo uu kula soo saxiixday Madaxweynaha DDSI heshiisyo dhowr ah oo bud dhig u noqday xiriirka labada maamul ee walaalaha ah.

Qodobada ay ku heshiiyeen waxaa ugu muhiimsanaa Iskaashi laga yeesho dhinacyada Dhaqaalaha & Nabad gelyada sidoo kale DDSI waxay balan qaaday inay sanad walba siin doonto deeq waxbarasho oo heer jaamacadeed ah arday reer Puntland taas oo u dhaqan gashay si wanaagsan.

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen si loo xoojiyo Ganacsiga & Isu socdka in laga furo xuduuda ay wadaagaan Furdo (Kastam) taas oo hada dhaqan gelinteedii marayso meel gebo gebo ah lana dhisay Gudi heer Wasiiro ah oo si wadajir ah uga shaqayn doona furitaanka furdadaas taas oo hadii ay hirgasho wax badan ku soo kordhin doonta dhaqaalaha una fududayn doonta Ganacsatada reer Puntland inay badeecadahooda u iibgeeyaan suuqyada Ethiopia halka ay u sahli doonta dhigooda DDSI inay shixnadahooda kana dhoofsadaan kalana soo degaan Dekeda Boosaaso.

Waan ku raad joognaa (Qawda maqashii waxna haw qaban).

Falanqeeye Idman Shiine Culay.

Falanqeeye Idman Shiine Culay.

Beesha caalamku waxay ugu tabarucdaa sanad walba malaayiin Doolar si wax looga qabto baahiyaha Arrimaha biniaadanimada, Adeegyada Bulshada & Horumarinta Dalka Soomaaliyeed waxaana inta badan deeqahaas la soo mariyaa Hay’adaha qaramada midoobay & kuwo caalami ah maadaama aanay Dalka ka jirin Dowlad dhexe oo awood u leh inay gaarsiiso bulshadu adeegyada ay u baahan yihiin talaabadaas oo ka dhigtay joogitaanka Ururada gargaarka mid aan laga maarmi karin hayan door muhiim ah.

Puntland waxaa ka hawl gelayey Hay’ado fara badan oo isugu jira kuwa qaramada midoobay, kuwo caalami ah & kuwo maxali ah (Local NGO) kuwaas oo ay ka hawl galaan shaqaale Ajaanib & Soomaaliba leh, Nasiib daro intii u dhaxaysay 2007 ilaa 2008 Ururadii samafalku waxay noqdeen kuwo dhibane u ah weeraro ay u geystaan buracad hubaysan si ay u qafaashaan shaqaalaha ajaaniibta ah ugana qaataan lacago madax furasho ah.

Xukuumadii haysay hogaanka Puntland waxay ku guuladaraysaty inay falalkaas guracan wax ka qabato isku day walbana wuxuu noqday mid lagu fashilmo ilaa shaqaalihii Ajaanibta ahaa ee Dalka u joogay gacansiinta umadeena nugul laga qafaashay goobahooda shaqada taas oo horseeday in Puntland lagu qiimeeyo meel aan nabadgelyo ka jirin ama furin dagaal oo kale dhamaana hay’adihii isaga baxeen Dalka joojiyeena intooda badan mashaariicdii ay wadeen.

Jawaabta ugu fiican ee Saraakiishii amniga & Masuuliyiintii Xukuumada wakhtigaas kaga jawaabi jireen dhacdooyinkaas argagaxa leh waxay ahayd waan ku raad joognaa kooxihii burcada ahaa!!! lamana maqli jirin hadal ka danbeeya waxaana dhici jirtay mararka qaar in Ciidamo & saraakiil Dowladu u xilsaartay sugitaanka amaanka hay’adaha ay ku lug yeeshaan afduubka kadib markii ay waayeen mushaharkooyinkii .

Xukuumada Madaxweyne Faroole dadaal & Shaqo badan kadib waxay ku guulaysatay inay dib u soo celiso kalsoonidii lagu qabay Puntland iyadoo ku qancisay Hay’adaha gargaarka inay Dalka dib ugu soo laabtaan siina wadaan shaqooyinkii ay u hayeen bulshada dhamaysna tiraan mashaariicdii ay qabyada kaga carareen mana dhicin sidii caadada ahayd in la ugaarsado shaqaalaha caalamiga ah waxaana arkaysaa iyagoo si nabad ah u gudanaya waajibaadkooda shaqo ama suuqyada magaalooyinka u dhex maraya halka markii hore gaadiid dagaal & ciidamo badan lagu ilaalin jiray .

Saamaynta Puntland ku leedahay Siyaasada Soomaalida.

Wakhtiyadii hore Puntland ma ahayn mid awood weyn ku leh siyaasada Soomaaliya lagamana tixgelin jirin amase laguma soo marti qaadi jirin miisaska lagu falanqaynayo waxaana cadayn kuugu filan sida la isaga indho tiray in wax door ah haba yaraatee laga siiyo Heshiiskii Xukuumadii KMG ahayd ee Raysal Wasaare Nuur Cade & Isbaahaysigii dib u xorayanta ee lagu soo dhisay Xukuumadii midnimo Qaran ee uu hogaanka u qabtay Madaxweyne Shiikh Shiriif Sh Axmed.

Bilowgii Xukuumada Madaxweyne Faroole waxay dadaal u gashay sidii ay uga dhaadhacsiin lahayd doorka ay ku leedahay siyaasada Soomaaliya Beesha Caalamka & Siyaasiyiinta kale ee Soomaalida taas oo u horseeday inay dagaal siyaasadeed kala hortimaado Xukuumadii Midnimo Qaran .

Dadaal, Shaqo & Wakhti badan kadib Puntland waxay ku guulaysatay in beesha Caalamka & Soomaalida kaleba ay u aqoonsadaan mid xilkas ah aana sinaba looga maarmi karin miiskasta oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyadoo markasta la siinayey mudnaan gaar ah taas oo horseeday inay Puntland door lama ilaawaan ah ka ciyaarto sidii looga bixi lahaa marxaladii KMG loona heli lahaa Dowlad rasmi ah iyadoo Garoowe ku qabatay Shirarkii Dastuurka ee G1 & G2 oo miro dhalkoodii noqday Xukuumada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Baahinta Nidaamka Federaalka.

Kadib markii umada Soomaaliyeed ku heshiisay in wadada keliya ee lagag bixi karo burburka markalena la isku aamini karaa ay tahay iyadoo Dalka laga raro nidaamkii Dowlad dhexe awooda siinayey loona guuro nidaamka Federaalka oo sahlaya in dhamaan Gobolada & Degmooyinka Dalka awooda lagu baahiyo.

Puntland waxay noqotay Maamul Goboleedkii ugu horeeyey ee dhisma & hooyada nidaamka federaalka iyadoo halgan ugu jirta sidii Gobolada kale loogu baahin lahaa nidaamka Federaalka si looga adkaado kuwa diidan nidaamkaas ee weli ku taamaya in awooda Dowlada dhexe la isugu geeyo hal maqaalo oo qura .

Puntland waxay kaalin lama ilaawaan ah ka soo ciyaartay dhismihii Maamulka Jubaland iyadoo u fidisay taageero dhaqaale, mid farsamo & mid diblumaasiyadeed ilaa ay khasab ku noqotay Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh oo in mudo ah diidanayd aqoonsiga Jubaland ugu danbayntii inay la gasho heshiis .

Gunaanad.

Muwaadin kastaa waa dareemi karaa Guusha Madaxweyne Cabdiraxamaan Sh. Maxamed Maxamuud ka soo hooyey siyaasada Arrimaha Dibada Puntland isagoo gaarsiiyey meel aanay weligeed gaarin taas oo horseed u noqotay iskaashi, wada shaqayn & Is fahan aynu la wadaagno aduunyada inteeda kale.

Guul Eebe.

Shiine Culay

Qoraa, Falanqeeye & Saxafi madax banaan

Facebook: Prince Shiine Culay | Tiwtter: @Shiinculay | Blog: sculay.wordpress.com E: Shiine.culay@gmail.com

=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

C/fitaax Xuseen waa nin dhalinyar oo ku dayasho mudan. W/Q Ahmed dheeli

$
0
0

C/fitaax Xuseen waa nin dhalinyar oo ku dayasho mudan.
Ahmed dheeli
Awdheeli2000@yahoo.com
Sabteembar 08 2013

maqaalC/fitaax Xuseen waa arday dhigta jaamacada islaamiga ah ee Madiina kuliyada shareecada sanadka afaraad, waxaan kulanay fasaxii xagaaga ramadaankiina isku meel ayaan ku soonay.

C/fitaax inkastoo uu yahay arday da,diisuna aysan sodonka buuxin ama ku dhowdahay hadana wuxuu igala sareeyaa dad badan oo maanta ku calaamadsan magac culumo.

Waxaa cajiiba in uu kasoo jeedo qoys reer miyi ah oo dagan baadiyaha magaalada Mandheera kadibna markuu quraanka halkaa ku dhameeyey uu u soo dhuuntay magaalada Xamar oo adeerkiis deganaa, halkaas oo uu ka bilaabay xerownimo uu ku xirmay xalqooyinkii cilmiga iyo iskuuladii khaaska u ahaa luqada carabiga oo Muqdisho ka hanaqaaday xiligaas nooca soomaalidu u taqaan(( biribaatiga)). Asagoon labaatan gaarin ayuu shaqo macalinimo ka bilaabay magaalada laascaanood, halkaas uu ka bilaabay iskool gaar u ah oo uu luqada carabiga ah dad aad u badana ka aflaxay, halka uu kasoo shaqeeyey iskuulada deegaankaas iyo waliba machadka caanka ah ee Faaruuq ilaa abaare 2009kii uu u wareegay jaamacada madiina oo uu deeq-waxbarasho ka helay.

Markaan u kuurgalay xaalka C/fitaax waxaa igu soo dhacday oraahdii ahayd:

Bishaan yari dayax wayn oo dhamaystiran ayey noqon doontaa inshaa allaah . oraahdaan waxaa lagu yiri Sheekh Albaani oo dhalinyaro ah waqtigii asagoo dhalin yar uu alifay kitaabka caanka noqday ee ADAABU ZAFAAF waxaana ku yiri sheekhii xiligaas uu kitaabka u bandhigay sidii sheekhu saadaaliyey ayuuna noqday allaah ha u naxariistee.

Hadaba suaasha muhiimka ah waxay tahay waa maxay waxa isoo jiitay oo mudan inay dhalinta wax barataa kaga daydaan ? waxaanan kusoo koobi karaa:-

1) Xiligaas yar ee uu fasaxa reerkiisa ugu yimid wuxuu ku jiray dadaal aan caadi ahayn oo uu waxbarashadiisii kusii hormarinayo taasoo aan la xiriirin muqararkiisii jaamacada ha ahaado ka faaiidaysiga culumada nala joogtay, kutub uu xafidayo IWM.

2) Mar aan aan waydiiyey kutubta uu xafidayo wuxuu ii sheegay inuu ka tirsan yahay labo xalqo cilmi oo jaamacada ka baxsan oo ah xadiith iyo luqal carabiya, nidaamkooduna yahay in sida faatixada kutubta la isaga dhagaysto intuusan qufku kitaabkaas ka gudbin waana nidaam soomaalidu aysan samayn laakiin aad u cajab badan.

3) Wuxuu ku dhinac wadey labo kitaab oo uu alifay asagu oo waliba ah nadmi(gabay) oo midna yahay kitaabka wayn ee fiqiga ah BIDAAYADUL MUJTAHID oo uu gabay u badalayo iyo mid ka hadlaya adaabta wanaag farista iyo xumaan reebida oo marna aadan u qaadan Karin luqada uu u adeegsanayo.

4) C/fitaax waa xaafidul quraan wax ka tujinayey taraawiixda Ramadaanka iyo waliba subac maalintii uu masaajidka kaga qayb galayey.

5) Xaga cibaadada hadaan soo koobo masjidka ayuu laazimaa oo aad uga tagayso uguna imaanayso.

6) Xaga dacwada nashaadaad ayuu ku lahaa ha ahaato akhris kitaab, khudbo jimce, wacdi soo jeedin, waliba aftahamo iyo wax ka dhaadhicin allaah ku manaystay.

7) Waxaa aad ugu sahlan isticmaalka aalada computure-ka.

Waa nin aad u dabasan cid kasta u furfuran wax islawaynan ah iyo adadkaan aysan ka muuqan , qofkasta oo wax waydiiya ama kitaab u keensada uu dantiisa ka helo.

Qiyaastayda waxaan u rajaynayaa inuu noqdo caalim umada anfaca maqaalkaan oo aan asaga ka idansaday inkastoo sawirkii uu ka cudurdaartay waxaa igu kalifay in dhamaan dhalinta cilmi dalabka ah ay ku daydaan sababtoo ah waxaa jira dhalin badan oo kitaabo ku raran oo jecel inay wax bartaan laakiin dariiqii ay ku xaqiijin lahaayeen cilmi macno leh uu ka khaldan yahay.

Ugu danbayn C/fitaax juhdigiisa allaah ha barakeeyo asagoo kalena umada haku badiyo.

Ahmed dheeli

Awdheeli2000@yahoo.com

=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Maxay Noo Qabteen Qolooyinkii Aan Dooranay? W/Q Ahemd A.Takar

$
0
0

Maxay Noo Qabteen Qolooyinkii Aan Dooranay?
Ahemd A.Takar
takar77@hotmail.com
Sabteembar 09 2013

Ahemd A.Takar

Ahemd A.Takar

20 Agoust 2013 waxay aheyd sanadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay maalintii la dhaariyey xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya, maalintaasi raggii kitaabka gacanta saaray waxaa ka mid ahaa shanta xildhibaan ee laga soo xulay Beelweynta Leelkase ee u dhaartay iney si hagar la,aan ah ugu adeegaan Dalkooda iyo Dadkooda siguud ahaan, gaar ahaana degaanadii laga soo doortay iyaga xildhibaanadaas oo kala ah:

Abukate.C/raxman Xoosh Jibriil
Eng.Ciise Mohamed Ahmed(Guraase)
Dr. Abdulkadir Abdi Hashi(Gaabane)
Maxamed C/lahi Xasan(Fadhaye)
Cali Axmed Maxamed (Ameeriko)

Qormadaan waxaan jeclahay inaan su,aalo ku weydiiyo xildhibaanadaan kor kuxusan ee sharafta leh anigoo ku hadlaya magaca dadka iyo degaanka laga soo doortay ,anigoo aan wax badan idinka weydiineyn waxqabashada guud ee Soomaali oo dhan aad xilka u heysaan oo waxaad kala mid tihiin saaxiibadiina idinkula jira Baarlamaanka dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaaliya .

1-si gaar ah maxaad u qabateen Dadkii iyo degaanadii la idinka soo doortay?

2-masoo booqateen degaanadii aad codkooda ku hadlayseen? Magaciina waa la maqlaa ee muuqiina aawey?

3-maxaa idiinka qorsheysan mustaqbalka oo aad ugu maqan tihiin Bulshadiina?

4-Iyadoo habka wax-qeybsiga soomaaliya ee maanta la ogyahay in beelo wax lagu qeybsado ,degaanada iyo dadka aad mateysaana ay ka qatan yihiin Deeqaha waxbarasho,caafimaad iyo gargaarkaba maxaa loo arki waayey idiinkoo kaalintiina kasoo baxay oo usoo dhiciyey wixii uga maqnaa Wax-qeybsiga Dowladda dhexe ?

5-maxaad ka fileysaan dadkiina markay dhamaato xilliga kooban ee aad ku fadhidaan kuraasta Baarlamaanka Dhexe oo ay noqooto in qof walba lagu qiimeeyo laguna soo doorto wixii uu qabtay?

Degaanada Beesha maanta waxaa ka bilawday mawjado horumar iyo kacdoon bulsho oo isbadal doon ah, hadaba waxaa iswaydiin mudan Dadka iyo degaanka maxay doonayaan? Dadka iyo degaanka maxay doonayaan?

1- Dadka Degaanku waxay doonayaan hoggaan wanaagsan oo horumar u horseeda.

2- Dadka iyo Degaankiinuba waxay doonayaan in ay dib u dhis bulsho abaabulaan, inay midnimo iyo isku duubni ku howgalaan,inay wax qaybsi iyo wax wada lahaansho abuuraan si ay uga baxaan marxaladda murugada leh ee maanta dul hoganeysa,iyagoo noqday mid la qaxiyay, iyo mid la cabsi galiyay oo la aamusiyay oo aan oran Karin waxaanu nama qabtaan.

3- Dadka degaanku waxay doonayaan in lala xisaabtamo dadka mansabka siyaasadeed ku gaara magacooda ha noqoto mid Goboleed (Puntlan) amase mid Dowladda dhexe, in la is waydiiyo degaankii laga soo doortay ma wax bay u qabteen mise waxeelo iyo lugooyo ayey ugu maqan yihiin?

4- Dadka Degaanku waxay doonayaan in aqoon-yahankooda qurba joogta ah iyo kuwa degaanada Nabaddaa u hayaamayba ay usoo noqdaan degaankooda si wadjir ahna degaanka loogu dhiso looguna horumariyo ayna maskaxda ku hayaanmaahmaahda oraneysa :{Misbaax minankaaga u baahan yahay minan kale lagama iftiimiyo.}

Gabagabadii iyo gunaanadkii,taariikh baa qormeysa qof walbow meeshaad ka gali lahayd iyo halkaad kaga qormi lahaydba adigu qorshayso, qof walbow waxaad qabatid iyo waxaad gaysatid taariikhday kuu galeysaa.

Tubta Toosan Allaha Nagu Toosiyo.

Ahemd A.Takar

takar77@hotmail.com

=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Al-shabaab ma laga maarmi karaa?. W/Q Axmed Cabdisamad

$
0
0

Al-shabaab ma laga maarmi karaa?
Axmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com
Sabteembar 08 2013

SH Axmed CabdisamadDad badan baa dano ku qaba ama ka leh jiritaanka iyo koboca Shabaab. Haddii aan dadkaas danohooda siyaabo kale loogu oofin ma oggolaanayaan in Shabaab uu tirtirmo ama taagbeelo. Dhinacyada aan Shabaab ka maarmin waxaa ka mid ah beesha caalamka oo u baahan inuu sii jiro;

1- si ugu tagrifalaan siyaasadda dalka, ayna ugu cadaadiyaan xaakim kasta oo danohooda ka horyimaada ama ka meermeera.

2- si ay dalka millatari ahaan iyo amni ahaanba ugu baaqi ahaadaan muddada ugu dheer.

3- si ay ugu xalaalaystaan khayraadka dalka, maamulada ka jirana ay ugaga saxiixdaan warqadaha ay uga baahanyihiin.

Dhinacyada kale ee aan Shabaab ka maarmin waa Soomaalida oo ka leh danahaan:

1- siyaasiyiinta xukunka laga qaaday iyo kuwa kale ee xukunka u hanqaltaagaya; si ay jiritaanka Shabaab iyo dhibaatooyinka ay samaynayaan ugu adeegsadaan durista iyo dhaleecaynta xukuumadda iyaga badashay ama xukunka ka hortaagan. Waxaa iyana xusid mudan in xukuumadaha hadda jira laftoodu mustaqbalka u baahandoonaan; si ay u halakeeyaan kuwa kuraastooda ka qaatay!.

2- hay’adaha amniga; si ay hawlgalo u sameeyaan, dhacdhacna uga soo galo; waayo haddii mushkilad la waayo shaqo la’aan baa dhacaysa!.

3- dhalinyarada shaqo la’aantu hayso oo shaqo waardiye ah ku helay jiritaanka Shabaab iyo cabsida laga qabo darteed.

4- qofka dulman ama u haysta inuu dulmanyahay oo cidda dulmisay kaga aarsada magaca iyo awoodda Shabaab.

5- qabiilka ciilqaba oo kaga aarsada qabiilka ay u ciilqabaan.

6- rag qoysaska ka masruufta oo Shabaab la’aanti u baqaya biilka qoyska.

7- rag ku helay qadarin iyo guurka gabdho badan oo awal isu diidi jiray ama loo diidi jirey.

8- wiilal iyo gadbho badan oo guurkii lagu qaaliyeeyey, shabaabna u raqiisiyeen.

9- rag badan oo ka helay madaxnimo, amiirnimo iyo in laga cabsado oo ay la tahay in aanay meelkale ka helayn.

Gabagabadii danaha badan ee laga leeyahay jiritaanka iyo koboca Shabaab lagama maarmi karo haddii aan siyaabo kale iyo meelo kale laga helin.

=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Xassan Sh Moxamuud Iyo Muddo Sanad ah. W/Q Khaliif Xussein (Carafdoon)

$
0
0

Hassan Sh Mohamoud Iyo Muddo Sanad ah
Khaliif Xussein( Carafdoon)
carafdoon@hotmail.com
Sabteembar 10 2013

maqaalMadaxweyne Xasan Sh Mohamoud waxaa loo doortay madaxweynaha dowlada federaalka ah ee somalia muddo ay hadda ka soo wareegtay hal sano waxaana umadda somaaliyeed meelkasta oo ay jogaan hamigoodu ahaa in ay helaan madaxweyne ku hogaamiya si cadaalad ah una sinaada umadda ee dalka iyo dibadiisaba ku nool. Haddaba waxaa maalmahan la is weydiinayaa Xasan Sh Mohamoud ma noqday sidii ay umada somaliyeed ugu hanweynayd.

Doorashadii Xasan Sh Mohamoud

Umadda somaliyeed meelkasta oo ay joogaan markay maqleen in la doortay madaxweyne cusub waxaa is qabsatay hambalyada iyo damaashaadka xafladaha iyo rajadii somalia oo dib u soo noqotay muddo 22 sano ah ka dib. Gobolada somalia oo dhan ayaa si aad ah looga soo dhaweeyay xitaa somaliland oo sheegata in ay ka go’day somalia ayaa laga soo dhaweeyay doorashadaasi.

Baahida ugu weyn ee umadda waxay ahayd in la helo dowlad loo dhan yahay oo umadda midaysa oo ka saarta jahliga iyo qabyaalada ragaadiyay dalkeena iyo amni xumada.

Xasan Sh ma uusan ahayn siyaasi hore loo yaqaanay se waxaa la islahaa waa waji cusub oo somalia aan ka bixin muddadii burburka ahaa khibradna u leh dalka iyo xaaladaha uu ku jiro.

Se waxaa ay dadka somaaliyeed ay aaminsan yihiin in dowlada ay waxna qabatay waxna ay ku rafatay.

Magacaabidii ra’isal wasaaraha.

Dad badan ayaa u haystay in madaxweynuhu waqtigii ay ku qaadatay soo magacaabidu ay ahayd waqti dheer oo uu ku soo xulayay wadatashi. Se waxaan xogwaraysi hoose ku helay in ra’isal wasaare Saacid uu sii diyaarsanaa oo xitaa ololihii Xasan uu qayb ka qaatay isaga oo taageeraya Xasan Sh. Waxaana ay is barashadoodu ay ka soo bilaabatay waqti ay ka wada shaqayn jireen howlaha NGO da Somalia, hasse ahaate waxaa jiray rag lagula heshiiyay in ra’isal wasaare loo magacaabayo oo markii dame balanta looga baxay oo uu ka mid yahay mr.Farmaajo iyo Prof Abdiwali gaas.

Arimaha Jubba

Waxaa si aad ah loo qawaday ama loo saluugay sida ay dowlada Xasan Sh u maaraysay howlaha Jubbooyinka waxaana mar aan booqdanay Mogdishu bishii october 2012 aniga iyo wafti ka socday Jubboyinka oo waliba aan la kulanay madaxweynaha waxaa hadalkiisa iiga dhadhamayay in uu damacsanaa in uu jobooyinka u dhiso maamul ku salaysan 4.5 isaga oo markaa ku raali galinaya reerka uu isagu ka soo jeedo, hasse ahaatee nin waftiga ka mid ahaa ayaa u sheegay madaxweynaha in taas uu ka bilaabo marka hore caasimada Somalia oo la wada leeyahay ee hadda noqotay meel hal qabiil ka muuqdo, waxaana wajigiisa ka dareemay cadho xoogan se annaga wax micno ah ma noo samayn cadhadiisa waayo annaba aad ayaan uga xanaaqnay sida uu dhaqmayo ninkii ay somali ku dooratay 190 cod. Heshiiskii Kismaayana ee hadda waxaa soo dadejiyay beesha caalamka oo oo si cad ugu sheegtay in uu arinta jubooyinka xal ka gaaro haddi kale uu tageerada caalamka waynayo.

Arinta jubooyinka xitaa waxaa ay khalkhal galisay xiriirka dowladaha dariska ah waxa ay gabadha wasiirada ee Fowsiya ahi ay waraaq dacwo ah ka qortay dowlada Kenya hasse ahaatee madaxweynaha ayaa markii dame joojiyay warqadaasi isaga oo u cabsi qaba in dowladu ay lumiso xiriirka wadamada dariska ah. Halkan ka Aqriso Waraqada Wasiiradu qortay. http://www.flickr.com/photos/73868385@N03/9211786995/lightbox/

Ethopia arimo la xiriira Jubbooyinska ayay ciidamadeeda uga saartay gobolada Bay iyo Bakool waxayna si toos ah u taageertay Jubbaland oo waxay cidamadeeda qaar ka mid ah ay gaysay gobolka Gedo ee Jubba halkaasna madaxweynaha waaga ayaa ugu baryay waxaana uu amray in xilka laga qaado safiirkii Somalia Eng Saciid waxaana booskiisa la geeyay nin lagu magacaabo Ahmed Abdisaalan (Ahmed Iley) oo ay madaxweynaha isku hayb yihiin.

Wadahadalka Muqdisho Iyo Hargaysa

Dad badan oo samaliyeed ayaa aaminsan in wadahadalka u socda Somalia iyo Maamulka Somaliland uu yahay waqti lumis waayo waxaaba riyo ah in Muqdisho Iyo Hargaysa ay xiriir yeeshaan iyada oo aan laga qayb galin dadka dega gobalada Sool iyo Sanaag oo xudun u ah midnimada Somalia taasi madaxweyne Siilaanyo waa uu ka war hayaa se ma ogi in Hassan Sh uu taasi xisaabta ku darsaday. Waxaana iiga muuqata in si caadifadaysan loo wajahay wadahalkaasi waayo dowladu waxay reer jubooyinka u diiday magaca Jubbaland se waxay Somaliland wax saacad ka yar ku siisay in ay maamusho hawada Somalia waxaana ii muuqata wax aan caqli gal ahayn waayo waxaa la doonayay in dad gaar ah lagu colaadiyo wadaxaajoodka Somalia iyo Maamulka Somaliland. Se waxaan marag ma doonto ah in reer hargaysa ay cadaawad u hayaan reer muqdisho waliba ay u yaqaanaan magacyo aanan halkan ku soo bandhigi karin halka ay reer garowe ay u haystaan dad ay walaalo yihiin, darisna ay yihiin taasina waa ay ka maqatahay maskaxda Hassan Sh Mohamoud.

Puntland iyo Dowlada Somalia

Puntland way taageertay doorashadii Hassan Sh Mohamoud se waxa uu dooratay in uu si cadaawad ah u wajaho maamulkaasi oo uu xitaa qaar beesha caalamka ka mid ah ayuu u sheegay in Puntland xiriirka loo jaro oo kaalamada la siiyana dowlada lagu soo wareejiyo si ay iyadu u maarayso.

Waxaa taasi ka markhaati ah safarkii ugu horeeyay ee USA ay ku tageen markii ay la kulmeen madaxda mareykanka waxay ku faaneen xulufada Xasan Sh Mohamoud in dowlada kaliya la soo marsiinayo wixii caawino ah ee somalia la siinayo halka markii hore loo qaybin jiray sadex qaybood Somaliland, Puntland iyo South central Somalia ama siyaasadii (dual track). Laakin muddo bil ka dib ah waxaa garowe tagay safiirka Mareykanka u qaabilsan Somalia waxaana uu sheegay in dowlada mareykanku ay sidii hore u bixinayso macaawinada somalia oo la micno ah in dowlada federaalka ahi loo dhiibayo oo kaliya deeqda koonfurta loogu tala galay, somaliland iyo puntland iyagu si gooni ah loo la xiriirayo.

Dhawaan waxaa Madaxweynaha laga sugayaa magaalada Brussels ee shirka New Deal waxaana laga rabaa qorshe buuxa waana sababta uu hadda u booqanayo gobolada qaar gaar ahaan kuwa beeshiisu ay degto iyo gobolka sh. Hoose oo beel somaliyeed ay degto se waxaa uu qoorta galin la’yahay puntland iyo gobolada Bay iyo Bakool oo looga kacsan yahay siyaasadiisa, Somaliland na haba sheegin. Waxaa igu maqaalo ah in uu dalbaday in uu garoonka galkacyo ka dego si uu u booqda Galmudug se Puntland ayaa u diiday taasi Amisom na wax u sheegen in aysan amaankiisa masuul ka noqon karin. Waa iska cadaan Hassan Sh in uu la rafaaday siyaasada sanadkaas shirar aan waxba soo kordhinayna uu qaban qaabiyay se wax aan hadal ahayn aysan ka soo bixin, amaanka wadanku uu sidii hore ka sii liito.

Khaliif Xussein( Carafdoon)

Kismaayo Somalia

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Viewing all 410 articles
Browse latest View live