Quantcast
Channel: Opinion – RBC Radio
Viewing all 410 articles
Browse latest View live

Ciiddeena… W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Ciiddeena…
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Agoosto 08 2013

MAQAALYaa?.. ina la Soomaan baa ciidda loo dareemayaa laakiin magaalo la mushaaxo iyo qoysas isu yimaada adagtahay, caruurtii yaryarayd ee maalinta ciidda ah soo wareegi jiray xaafadaha goormaa u dmabaysay…. Waxaa soo haray Tarzan oo intaas digaya qof walbana cabsi gelinaya, waxaa soo haray madax-weyne Xasan SHiikh oo Kampala u tegay in la yiraahdo adiga iyo dowladdaad Ciidda waxaad ku tukataan dekedda magaalada Kismaayo ama gigadeeda diyaaradaha… madax-weynuhu wuxuu ku baaqay in la joojiyay oo aan laysku mashquulin hadallada Kismaayo laakiin isagu wuxuu gaarsiiyay heer loogaga hadlo golaha ammaanka!

Ciid wanaagsan! Magaalada Marka! Baar Banana Doora! Muufo baraawadii iyo shidnigii qumbaha laga sameeyay… magaaladii shanqarta yarayd, Marka Cadeey Mininkii Aw-cusmaan, Masaakiin koris, maanta waxay dowladda ku fasaxday Gen. Indho Cadde, takbiirta ciidda si fiican buu u yaqaan laakiin maanta waa General amar qaba, odayaashii dhaqanka iyo dadkii degaanka markay codsadeen madax-weyne Xasan Shiikh wuxuu isu ekeysiiyay sidii qof aan maqlayn codkooda, wuxuuna u diray Cabdi-Kariim iyo Fiqi oo uu ogyahay meel kasta oo uu u diro inaysan waligood wanaag ka keenin!

Barlamanka inay Ciid tahay iyo inkale malaha kama war hayo, laakiin wuxuu sugayaa in madaxtooyada looga soo sheego “CIID WANAAGSAN!” annagana iygaan ka sugaynaa inay madaxtooyada u sheegaan inaan deegaanka lagu qasbi karin maamul aysan raal ka ahayn waana waxa hadda ka taagan magaalada Marka…dagaalladii dhawaan ka dhacay magaaldaaas waxay ahaayeen kuwo la sugayay, waayo dadka deegaanka mar, labo, iyo seddex, muddo ayeey dowladda weydiisanayeen in maamulka dusha looga keenay laga dhaafo madax-weynahana uusan waxba ka soo qaadin cabashiiyinkaas dadka gobolka SHabeelaha-hoose.

Xamar!SHhineema Benaadir oo saf loogu jiro!….agagaarkii Ceel-gaabta oo gaari gacmeed lagu wareejinayo SHarbeed la soo qasay, “Aw-guul” lagu hayo, ciyaal yar oo koox-koox u socda oo wada qaba dhar cusub, wata buufimo iyo nacnac qori, xaafado siu gooshaya oo qaraabo iyo deris ciidda laysugu hambalyeeynayo…midabkii ay lahaayeen maalmihii ciidda ee Soomaaliya…..wax buuran yaan la haysan hadana laakin waxay ahaan jirtay maalin la wada farxsanyahay, gurigii la tagaaba waxaa caado ahaan badankood lagu soo dhoweynayay martida ciidda Qaxwo-xaraar (Qaxwo aan sokor lahayn) Xalwo, buskud guryaha lagu sameeyay!..

Xalay magaalada Gaalkacyo qarax bomb oo ka dhacay waxaa ku dhintay Alle ha u naxariistee qof haween ah! Ciideena ! Al-shabaab waa tuhun soo taagan kii agtaada soo maraaba waxaad is leedahay amuu isku kaa qarxiyaa?! Waxba kama aadan samayn, xataa isma taqaanaan waa ciid laakiin hambalyada ciidda waa Is-Qarxin!…laakiin hambalyada ra’iisal wazaaraha, Cabdi SHir-doon ee munaasabadda ciidda maxay macnoo samaynaysaa, maxaa yeelay shaqadii xafiiskiisa waxay ku soo ururtay Hambalyo iyo Tacsi!

Geedka Baarka ah ee ay caanka ku tahay magaalada Beled-Weyne (Allaah-weynee) marka ay dabaysha ruxdo shanqartiisa qofka hurdaa ku qabanaysa, laakiin waxaa taas ka muhiimsan ilmaha yar-yar faa’idada ay ku qabaan, dabaysha markay ruxdo oo mirihiisa waa Qoonahee uu soo daato?!.. yaa! Qoone! Ciyaalku mar waa jeebtaan, mar waa tumaan oo inta biyo ku qooyaan ayeey rudaan…Macaankiisana?!

Magaalada Beled-Weyne sida la xaqiijinayo waa Il iska fiirinaysa Isha Kale ciidamo Djiboutiyaan ah oo AMISOM ah, hadda ma aha inay Soomaali yihiin marka lagu saleeyo fekirka madax-weyne Ismaaciil Cumar Geelle iyagana waa joogaan! Laakiin dadka deegaannadaas ilaa iyo hadda waxay tuhunsanyihiin madax-weyne Xasan SHiikh inuu dusha uga keenay maamul uu taladiisa lahaa waziirka arrimaha gudaha Cabdi-Kariim iyagoo aad ugu xun dhowr jeer bay madax-weyne Xasan SHiikh u soo gudbiyeen cabashadooda, hasa yeeshee marna wax jawaab ah ma siin.. waxayna siyaasiyiinta qaarkood ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan aaminsanyihiin in askarta Djibouti ay si shakhsi ah halkaas ugu joogaan fulinta siyaasadda madax-weyne oo amarkaas ay dowladooda ka haystaan!…. muxuu sugayaa madax-weyne Xasan, ma wuxuu sugayaa ilaa sida SHabeelaha-Hoose laysku laayo hadhowna uu beelaha Muqdisho shir ugu qabto sida hadaba uu arrintii Marka!….

Ciid-Wanaagsan! Waxaan is-weydiinayay gobollada Puntland iyo Somaliland dadka uu madax-weynuhu ugu hambalyeeyay ciida ma ku jiraan?! Waa laga yaabaa Somaaliland laakiin Puntland xiriirkii bay ka goosatay oo waa dhici kartaa inaysan ku jirin baan ku hamiyay! Hadana waxaa is iri waa siyaasiyoo maxaa ka macna Hambalyo maalin kasta boqol bay diraanee! Waxaa ku filan oo keliya inuu yiraahdo “Ciid-Mubaarak”.

Waxaan la yaabanaa ahmbalyadii ciidal Fidriga ee Madax-weyne Xasan SHiikh marka uu ka garaabayay dhibaatada ay soo mareen dadka Soomaaliyeed qaarkood iyo gocoshada xanuunka dhibaatadii loo geystay, laakiin hadana waxaa ii soo baxday inaysan ka badnayn beer-laxawsigii gaarka uga dhexeeyay Somaliland iyo Madax-weynaha, sabatuna waxay tahay wali run lagama sheegin dhibaatada dadka Soomaaliyeed qaarkood loo geystay xilligii dowladdii askarta iyo intuu hadda burburka dhacay laakiin waxaad moodaa in siyaasiyiin aan badnayn oo dano gaara wata ay qeexitaan jeebkooda ah u sameeyeen….

Midda kale, waxaa soo baxaya oo waliba aad isu soo taraya inay dowladda federal-ka gacan weyn ku lahayd xiisadihii bishii la soo dhaafay Puntland ka dhacay, lacago bandanna ay mucaaradka siisay xilli ay arrimaha Puntland marayeen meel aad xasaasi u ah isla markaasna u nuglayd in la kala daadsho, walina wax jawaab ah kama bixin dowladda wararkaas!

Waa Ciideena maanta! Baydhabo Jinnaay! Magaaladii qaboobayd!….Bakaarihii! Moordi iyo Geleey!.. maanta sidii ma aha! Roobku kama kici jirin, Masago Caddeey iyo Masaggo Gaduud (Cilmi-Jaamac, sida Woqooyiga laga yiraahdo) ….Ishii qulqulqysay iyo Gerbidii!….Waxaa la geeyay Hoosow, waa yaab! Jawaari xilkiisii iyo shaqadiisii wuxuu ku gatay isagoo diidan nidaamka federal-ka inuu guddoomiyahaas gobolka Bay isaga uga wakiil noqdo, maanta siyaasiyiintii kale ee gobolka u dhashay badankod waxay ku ciidayaan dibadaha dalka mana hadlaan iyago taas ku badbaadinaya taageerayaashooda gudaha ku jira….

Jubbaland… madax-weynaha uma hambalyeeyn, laakiin wuxuu jeclaan lahaa in dekedda iyo hgigada diyaardaha lacagaha ka soo baxaya uu gacanta isaga ku hayo, hasa yeeshee intaan taas laysla gaarin madax-weynaha iyo waziirkiisa maaliyadda meel ha ku sheegee lacagaha eedeeyay in khasnadda dowladda lagala baxay isla markaasna ay shaksiyaad jeebabkooda gashay! …way fiicnaan lahayd in sida Maro-Ku-DHegga ah ee arrinta Jubland uu u abbaaray madax-weyne Xasan ka laabto, waayo sida muuqata ama madax-weynaha ka muuqata marka Jubbaland arrinteeda laga hadlayo waxaa ka muuqanaya danokhaldan inuu madax-weynaha ka leeyahay Jubboland isla markaasna uusan afka ku dhufan karin!…..aan ku wada ciidno Caafimaadsan! Sida uu madax-weynaha hadda wax ku wado waa dib u soo nooleyntii Jabhadaha, shaki la’aanna intii uu xafiiska yimid dalkii waa uu kala fogeeyay!…”Ciid Mubaarak”

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

=======

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


DFS deeqihii Soomaaliya loogu talagalay Xamar bay ku shubeen. W/Q Xusseen Moxamed (Xuubsireed)

$
0
0

DFS deeqihii Soomaaliya loogu talagalay Xamar bay ku shubeen
Xusseen Moxamed (Xuubsireed)
spokesman.hussein@gmail.com
Agoosto 09 2013

Xuseen XuubsireedDeeqihii iyo Mucaawinooyinkii lagu hormarinayay Soomaaliya Dowlada Federaalka ah Xamar ayay ku shubtay, maadaama dalku federaalyahay aaway qaybtii Puntland. Hay’ada aan masuulka ka ahay ee Daryeelka Bulshada Puntland wax xiriir ah iyo wax wada shaqayn ah lama lahan Magaalada Muqdisho, wixii ay xaqa u lahaayeena kama helaan Dowlada Federaalka.

Waxaa jira dad aad u farabadan oo kasoo barakacay dagaalada sokeeye ee koonfurta Soomaaliya ka jiray, dadkaasoo aad u farabadan waxay ku nool yihiin xeryo qaxooti oo lagu quudiyo, waxaa jira oo kale dad aad u farabadan oo u dhashay Gobolada Puntland oo abaaro iyo dhibaatooyin farabadan ay ku haystaan gudaha degaanada Puntland, kuwaasoo isugu jira naafo, agoomo, iyo dad aad u farabadan oo u baahan gargaar bini’aadaminimo.

Dowlad Fedraalka ah oo Muqdisho katalisaa habayaraatee ma ahan mid matasha umada Soomaaliyeed. uma lug xirnaanayno Dowlada dhexe ee Muqdisho fadhigeedu yahay, waxaana ku khasbanahay in aayaha iyo danaha Bulshada Puntland aynaan cidina marti ugu noqon.

Dowladaha deeqaha bixiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ka firsadaan mucaawinooyinka ay soomaaliya siiyaan iyo meesha ay marto. Shacabka Puntland iyo siyaasiyiintoodaba waa inay isku mowqif ka noqdaan meelna uga soo wada jeestaan Dowlada Federaalka ah siyaasadeeda ku aadan la dagaalanka shacabka reer Puntland.

Agaasimaha Guud ee Hay’ada Bulshada Puntland

Hussein Mohamed (Xuubsireed)

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Reer Puntland-yoow Musharax DHEEL meel ku sii qorta!. W/Q Farah Warsame

$
0
0

Reer Puntland-yoow Musharax DHEEL meel ku sii qorta!
Farah Warsame
Bile1971@hotmail.com
Agoosto 09 2013

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Faarax-WarsameWaxaan maalmihii ugu dambeeyay isha ku hayay musharixiinta isu soo taagtay illaa iyo hadda talada madaxtinimada Puntland ee bilowga sanadka soo socda haddii Alle idmo la rajeynayo in ay ka qabsoonto Puntland.

Musharixiintan oo isugu jira kuwo hore siyaasadda u soo maray & kuwo ku cusub ayaan ka dhex baaray shakhsi aan is leeyahay wuu ku habboonaan lahaa in talada Puntland markan looga dambeeyo. Waxay indhaheygu qabteen mid ka mid ah musharixiintan oo dhinac markaad ka eegto nagu cusub dhinaca kale markaad ka eegtona aan nagu cusbeyn qiimo weynna noogu fadhiya.

Waa Maxed C/qaadir Dheel oo dadku marka ay magacan maqlaan durba garan kara qofka uu yahay iyo halka uu kasoo jeedo. Ina Dheel waa siyaasi u dhashay Puntland kana soo jeeda qoys ab-ka-ab maamulka kusoo jiray, dadka waxay garan karaan aabaha dhalay Max’ed oo ahaa AUN C/qaadir Dheel Cabdille Islaan kaas oo taariikhda Soomaalida baal dahab ah kasoo galay. Wuxuu sidoo kale ka soo jeedaa qoys isimo ah oo gudaha Puntland magac & maamuus ku leh. Guji halkan haddii aad tahay qof aan hore u maqal taariikhda AUN C/qaadir Dheel Cabdille, si aad wax uga ogaato.

Haddaba maxaan ugu maleeyay in Max’ed C/qaadir Dheel uu u muuqdo shakhsiga ugu habboon in uu qabro talada Puntland ee xilliga soo socda? Dhowr arrimood ayaan u sababeynayaa.

Waa marka hore’e, Max’ed C/qaadir waa aqoon yahan & siyaasi waqti badan ku noolaa waddamo kamid ah yurub, doonayana in uu dadkiisa wax u qabto ugana faa’ideeyo. Waa muwaadin Puntland-nimadu ku weyn tahay, intii uu qurbaha joogay wuxuu kamid ahaa dadka aadka ugu ololeyn jiray wanaagga & horumarka Puntland. Kama mid aha siyaasiyiinta xurgufta & loolanka siyaasadeed ka dhaxeyso ee ku nool gudaha ama dibedda Soomaaliya. Sidoo kale weligii kama qeyb qaadan dhibaatada ummadda soomaaliyeed loo geystay Af ama Addin.

Waa shakhsi ka caaggan xumaanta dadkana u wada dhaxeeya, waa shakhsi dalka & dadkaba qaddarin gooni ah ku leh, dadkuna usoo istaagayaan marka ay maqlaan. Waa muwaadin Soomaali ah oo dhab ah oo aan dalka & dadka dambi ka gelin doonayana in Puntland uu ku hago aragti dheer, cod cusub hoggaan caddaalad ah. Waa hoggaamiye doonaya in Puntland ka dhigo maamul mideysan (sidii loogu talo galay, loona aasaasay) hal hadaf & ujeeddo-na leh.

Maxamed-Cabdulqaadir-DheelMax’ed C/qaadir Dheel waxa uu ku taagan yahay jidkii ay jeexeen waalidiintii uu ka soo farcamay. Waxaan isleeyahay waxaa uu doonayaa in taariikhdii wanaagsaneyd ee ay aabihii & awowyaashii ka tageen halkaa ka sii wado oo aysan tirtirmin. Waxaa uu doonayaa in uu Puntland kusoo cesho waddadii saxda aheyd taasoo ah in dadka Puntland ay mustaqbalka si xor & cadaalad ah u doortaan shakhsigii ay doonaan, oo qaabka hadda wax lagu doorto ka gudbiyo.

Wuxuu doonayaa in uu qiimeeyo sharafta Isimada Puntland oo uu aaminsan yahay in ay ahaayeen Alle kasokoow kuwii badbaadiyay Puntland, sidaa darteedna ay XAQ tahay in talada waddanka iyaga looga dambeeyo mar walba & meel walba, sida uu dhaqankeenna soojireenka ah ee wanaagsan uu weligii ahaa, ee aan lagu soo ordin oo keliya marka xaal uu murgo maadaama aan talada looga maarmi karin mar walba.

Haddaba aniga oo aad u jecel wanaagga & horumarka Puntland, waqti bandanna ku howlanaa ilaalinta & nabad-gelyada Puntland waxaan ka codsan lahaa isimada Puntland in markan xoogga saaraan sidii ay masiirka ummadda ugu aamini lahaayeen shakhsi sida Maxed C/qaadir Dheel oo kale ah, kaas oo leh meel loogu hagaago, garanna kara waxa isimada & shacabka sharafta leh ee Puntland ay doonayaan.

Ugu dambeyn haddii aad tahay, muwaadin ka fakaraya horumarka Puntland booqo bogga cusub ee Facebook uu ku leeyahay musharax Maxed C/qaadir Dheel, adigoo gujinaya link-ga hoose, taageeradaadana ku muuji,

https://www.facebook.com/pages/Mohamed-Abdulkadir-Dheel/217966965026147

….Ka faa’ideyso waqtiga, taladu yeysan ku dhaafin, masiirka ummadda ku aamin shakhsi ku habboon…Musharax Max’ed C/qaadir Dheel meel kusii qorta!

Ciid Mubaarak

Wabillaahi Towfiiq

Farah Warsame

Melbourne, Australia

Bile1971@hotmail.com

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

‘Soma Oil and Gas’ Ma nalagu Siray? W/Q Aadam Zaki

$
0
0

‘Soma Oil and Gas’ Ma nalagu Siray?
Aadam Zaki
Aadan17@hotmail.com
Agoosto 09 2013

MAQAAL18 kii November 1981 gii ayay Maxkamad ku taalla New York ku heshay Mr Bansil M. Shiblaq oo haatan ah bud dhigaha iyo Agaasimaha ( Soma Gas Oil and exploration ltd) inuu lunsaday lacag gaaraysa $306724.5 ( Doolar ) inta u dhaxaysa August 1976 ilaa August 1978, kadib markuu been abuuray ogolaanshaha qof macmiil ka ahaa Xarunta ganacsiga ee New York ( YNSE) oo uu wakiilka Shirkadeed (Merrill Lynch, Pierce, Fenner & Smith Incorporated ) waxaa wakiil nimadiisa la istaajiyay Mr Bansil Shiblaq 10 My 1978 . Gar-yaqaan John J. Mulcahy, Jr ayaa xukunka ku riday 18 November 1981gii.

7 dii January 2007 ayaa waxaa lagu qabtay dhabaha Diyaaradaha New Delhi, India , kadib codsi ka yimid Booliiska Adduunka (Interpol ) astaatiisuna ahayd Ogaysiiska Cas ( Red Notice ) oo micneheedu yahay dawladdaha xubnaha ka ah ay qasab ku tahay inay ka jawaabaan fariinta astaanta cas leh soona qabtaan sida haddii dhulkeeda soo galo qofka la doon doonayo, una wareejiyaan sida ku qeexan heshiiska dawladaha xubnaha ka ah (Interpol) kadib markii lagu eedeeyay inuu hanti ka xaday Abu Dabay, Bansil Shiblaq, oo ah madaxa ahna aas aasaha shirkadda (Soma Oil and Gas) oo ilinka sanadkaan lugu sameeyay London wuxuu 45 kii sano ee na dhaafay ahaa dullaal lagu qaaday dawcwado wax isdaba marin iyo xatooyo uu ka sameeyay News York iyo Imaaraadka laakiin waxaa jira boqolaal fayl oo uga furan wadamada Galbeedka Africa oo aysan cidina daba galin bacdamaa uu haysto Dhalasho UK ah xiriir wanaagsanna la leeyahay madaxda xisbiga hadda talada Ingiriiska haya Tory.

16 May 1996 dii wuxuu Bansil samaystay shirkad magaceedu ahaa {West African Holding Company Limited} fadhigeeduna wuxuu ahaa London shirkaddaas waxaa shatigii lagala noqday 25 September 2001 dii , isla maalintaas 16 May wuxuu sidoo kale diiwaan galiyay Mr Bansil {African Mineral Resources Plc} shaqaalaha shirkadaas waa 2 Agaasime oo kala ah Bansil Shiblaq iyo Jad Damouni , shaqaalaha kalana waa 1 ilaa 4 shaqaale , maalintaas 16 May isla sanadka1996 wuxuu sidoo kale duuwaanka shirkadaha Ingiriiska shati kaga codsaday in loo siiyo {WEST AFRICAN TIMBER LIMITED} shirkadaasna waxaa shatigii lagala noqday 21 Julay 1998 da . Markale 21 July 1998 dii waxaa laga xiray shirkad kale oo uu ka diiwaan galiyay London magaceeduna ahaa {WEST AFRICAN DIAMOND MINES LIMITED}.

14 kii December 1999 kii wuxuu diiwaan galiyay shirkad kale oo magaceedu ahaa {OMICRON HOLDINGS LIMITED} iyana waxaa irdaha loo laabay 26 June 2005 gii. Mr Bansil Shiblaq wuxuu ka dhex muuqday ilaa 6 dhagaysi maxkamadood oo ku xeeran , xatooyo hantiyeed , been abuur waraaqo aqoonsi , iyo qas lagu sameeyo sicirka suuqa dhamaan lixdaas dhagaysi waxay ku taariikhaysan yihiin 1976 ilaa 1981.

May 2013 waxaa Gudoomiye ka noqday (Soma Oil and Gas) Hogaamiyihii Xisbiga haatan talada Ingiriiska haya Tory (conservative) 72 jirka Yuhuudiga ah Michael Howard oo ay iska dhaleen Dukaanle Romania u dhashay oo kasoo cararay taliskii Romania cadaadis uu ku hayay dadka Yuhuudda ah iyo Haweenay uu dhalay galti Yuhuudda Ruushka ee soo nabad galay Gobalka Wales, UK sanadkii 1939 kii , Howard wuxuu shirkaddan aan raasa maalka lahayn u saxiixay heshiis Soomaaliya looga baadi goobayo Saliid , waa shirkad dhawr bilood jir ah , waa shirkad ay shaqaale ka yihiin 3 nin oo aan mid 4 aad lahayn , waa shirkad ay leeyihiin 3 Nin aas aasaheeduna yahay ninka taariikhdiisu ka dhex buuxdo dhaca iyo xatooyada , waa nin 1969 kii ilaa maanta suuqyada waa wayn dullaal ka ahaa , waa nin Africada Galbeed laga doon doonayo waa nin Imaaraadku toosh ku doonayaan . Ninka caynkaas ah siday Dowladdeenu ugu aamintay hantada xaddigaa le’eg ? Taloow yaa nooga jawaabi ?

Madaxda Soomaalida waxay saxiixayaan waa wax Soomaali oo dhan leedahay , waxaa maqan oo wali arinkooda aan la xalin ‘Somaliland’’ haddii ay timaaddo in lagu heshiiyo midnimo miyaysan shacabkaas dalka wax ku lahayn ? Puntland oo ay ka mid tahay meelaha loo saxiixay inay ka baaraan Shidaalka xariirka ay la leedahay xamar waa eber dhawaaqii faroole ee uu kaga carooday Xukuumadda xamar waxaa saliid kusii shubay hadalkaas Af hayeenka Madaxwaynaha Yariisoow oo ku sheegay cabashada Madaxda Puntland mas’uuliyad darro , waa hadal wax fogaynaya ee aan wax soo dumayn , ‘Jubbaland’ ta Kismaayo yuururta iyo ‘’Ahlu Sunaha’’ Gobolada dhexe waa kaaf iyo kala dheeri sida ay dawladdu wax ku waddo iyo siday doonayaan dadka ku haysta hubka meelahaas aan sheegay.

‘Somaliland’ tii shalay heshiiska lagula saxiixday Turki wixii la saxiixay ayaa muran ka aloosmay wixii la isku diidayna warkooda daa. Taleex ilaa Buuhoodlle waxaa colaad ayaa ka aloosan oo wixii dhalin yaro halkaa ku dhaqnayd waxay deegta saarteen qori iyo inay qudha ka jaraan qaar kale oo ay qaraabo yihiin .

Qardho iyo Garoowe Gaalkacyo iyo Boosaaso nabad laguma caweeyo oo Qabaa il ayaa qaran loo ekaysiinayaa qofka wuxuu galay laguma qiimeeyee qabiilkiisa ayaa lagu qiimeeya laguna khaarajigaa guud ahaa dhulka Soomaaliyeed waa baylah.

Qofweliba wuxuu noo qabtiyo qaladku noogeystay
Diiwaano-Qaran baajiroo loogu qoraayaaye,
Quruumaha danbaa kugu naclada ficilada qaarkoode
Hadaad Qaranka kala goyn lahayd quruxso taariikhda
( Abshir Bacadle Alloow kuu raxmo )

Aadam Zaki
Aadan17@hotmail.com

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Hawraarsane Hambalyada Ciidda Hooya. W/Q Ahmed A. Ali

$
0
0

Hawraarsane Hambalyada Ciidda Hooya (Mahadnaq)
Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com
Agoosto 10 13

Maqaalkaygii Yuusuf Garaadow Dowladda Ciyaarta Ka daa, een ula baxay Dawwo
(Danayste la wada yaqaan baan u diraye, Daa’imow allahayow isna ku dawoobaa)

http://www.raxanreeb.com/2013/08/yuusuf-garaadow-dawladda-ciyaarta-ka-daa-wq-ahmed-a-ali/

Ahmed A AliWuxuu noqday dab dhagax lugu dhuftay oo marqudha Dunida wada gaadhay dacaladeeda. Dadweynaha Soomaaliyeed qurbojoog iyo qolqoljoogba way kuwada diirsadeen. Allaa ilehe Dillalka dulleysan iyo malaalkoo quhaa diidey iyagana dani igama hayso.

Dowladeena hooyo iyo kuwo kaleba waa laga dareemay. Dhagahooday markiiba ku duuleen in dulmi badan oo dadka lagaggalay daaha laga rogay. In danbiyo la is lahaa waa laga soo durkay la is kala soo daba yimid. Inay dastuur kuun tahay waxa la sugaaba inta laga daabacayo.

Waxaa hadaba iska soo daba dhacay sidii daadkii, Ducooyin fara badan, mahadnaq, bogaadin, dhiirigalin iyo dardaaran la ii soo mariyey E-mail kii aan ku soo daray maqaalka: Yuusuf Garaadow Dowladda Ciyaarta Ka Daa (Dawwo) kuwaasoo iiga kala yimid daafaha aduunka Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool oo laga xusi karo: Odayaal dhaqameed, Mas’uuliyiin, Sayaasiyeen, Culimaa’udiin, Ganacsato, Bahda Saxaafada, arday, ururada bulshada, Samafalayaal iyo Dhibbanayaalba.

Waata igu kaliftay in, maadaama aanan E-mailadaa faraha badan mid mid ugu jawaabi karaynin inaan wadar ahaan halkan idiinku wada mahad celiyyo kulligiin meel kasta oo aad aduunyada kajoogtaan, intiinii Mahadnaqqa & Bogaadinta ku saabsan Maqaalkan ii soo dirtay.

Arinta aad igu adkayseen iyo dardaarankiini ahaa (U dadaal oo haka daalin wixii danaha guud ah) hayyeh ayaan idin leeyahay idinkuna,

Hawraarsane Hambalyada Ciidda Hooya:
Taqabalallah minaa wa minkum saalix al acmaal.
Wa kullu caam wa antum axsan minal acwaam (23) al maadii kullahum.
Ciid Mubaarak.
Mahadsanidin;

Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com
================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Galdogob, Iskushuban iyo Taleex Caano Laguma Miri Jirine Ma Doorshaan baa uga Dhacay?. W/Q Cabdirashiid Dhagajilic Caaqilka

$
0
0

GALDOGOB, TALEEX, IYO ISKU-SHUBAN (CAANO LAGUMA MIRI JIRINE MA DOORSHAAN BAA UGA DHACAY ??)
Cabdirashiid Dhagajilic Caaqilka
Caaqilkacmc@gmail.com
Agoosto 11 2013

Cabdirashiid Dhagajilic Caaqilka

Cabdirashiid Dhagajilic Caaqilka

Anigu Siyaasi ma’ahi , laakiin waxaan ka mid ahay soomaalida 10ka malyan ah ee wada siyaasiyiinta sheegta, inkastoo aan ku wareersanahay qaabka soomaalidu siyaasadda u taqaanno iyo sida dhabta ah ee siyaasadi tahay, haddana waxaa jira faham ku abuuran qofwalboo wax garta ama caqli usaaxiiba.

Waxaan ugala jeedaa tan iyo intii aan garaadsaday waxaan maqlaa siyaasi hebel, ama koox iskood isugu magacaaba in ay siyaasiyiin yihiin , halka dhaqanka soomaalida danbe qof walba magacaiisa uu ku lifaaqan yahay xil gooni ah, oo uu isagu iskiis isugu sheego ,waxaanse been ahayn in shaxda lagu tilmaamo siyaasad qofba uu god kayaqaan, mid waa dedan, oo waayo kadib baa la gartaa , godka la degey iyo siyaasadda degtey , midna waa daalacan oo iyadoon laguurin baaba , islaamuha waayeelka ah sii sheegaan , meesha awrta lagu furi doono.

Waxa ay taas la macne tahay, Dawladda federalka ah Ee Somaaliya ayaa 3saddex Degmo oo ka mid ah deegaannada Maamulka Puntland, deeqo maraakiib ka buuxda usoo dirtay oo gaar ugu soo magacowday, iyada oo aan waddo maamul usoo marin, loona jeedin muhiimmad keentay ama musiibo gaar ah , oo ku habsatay dadka deegaannadaas deggan Galdogob , Iskushuban , Iyo Taleex, waa goobaha Loosoo Diray markabkaas sida ay caddaynayso warbixintan hoos ku daabacan.

http://www.raxanreeb.com/2013/08/deg-degdowladda-puntland-oo-dib-u-celisey-markab-sida-raashin-mucaawino-oo-laga-soo-diray-magaaladda-muqdisho-war-saxaafadeed/ 

(CAANO IGUMA MIRI JIRINE MA DOORSHAAN BAA UGA DHACAY ??)

Waxaa is waydiin mudan ? maxay tahay ula jeedka Gaarka ah ee laga leeyahay deeqahan, la sheegay in lagu is-may deegaanno gaar ah,?

Ma dadka 3sadexdaan degaan kunool baa dalbaday ,gargaar degdeg ah,?Mise dawladda turkiga & Dawladda FD ah baa.

Xaqul ciid ahaan ula niyooday?? mise deegaannadan ayaan lahayn dawlad goboleedyo ay maamul wadaagyihiin,??mise waanan ogayne.

Xamar bay quud iyo qaaraan wadaagaan , bal adba meel u saar xaajada ?

MAQAALWaydiimahan ilaa maantoo dhan hadaan wadno loo heli maayo waraaqo lagu qoro, balse waxaad kusoo gaabsan kartaa. Haddii masuuliyiinta dawladaha turkiga iyo DF ah ee Somaliya ,deeqo u garteen dad soomaaliyeed , daacadna ay ka tahay, xisaabuhu intaas way ka badnaayeen, waxaana lagu tebayaa deeqo badan oo ka muhiimsan , badar Markab laga soo buuxshay, wax-tarna ulahaa deegaanadaas imika markabku usoo degey iyo qaarkaloo ka badan, sida deeqaha wax-barashada, iyo mashruucda, kale ee ilaa hadda aan soo dhaafin xaafado xamar ka mid ah, maxaa kol hore loogu soo gudbin waayay?

Su’aalahan iyo qaar kaloo kabadan waan hubaa in qof walbaa is waydiinaayo, sidoo kale waa wax qofwalbaana fahmayo in ay tahay shirqool cad ,oo ay Xukuumadda Xassan Sheikh Maxamuud , u maleegayso deegaanno nabad ah , iskuna dirayso Dad walaalo ah, Maamullo dhisanna ay dumintooda ka shaqaynayso, Waa caddaan in shaqadii Jubbaland , kol hore dabka la isugu dhiibay dadka wada dhashay shalayto, maantana la dhex dhigayo Reer Puntland.

Sikastaba ha ahaatee , anigoo ku halaaya afka shacabka reer Puntland , waxaan u aragnaa , tallaabada Dawladda Federalka ah ay qaaday, mid aan munaasab ahayn, mid ah gef iyo gardarro caddaan ah oo lagula kacay , jiritaanka maamulka baaxadda wayn iyo masuuliyiintiisa oo meel looga dhacay weliba si ula kac ah, Welibana ay jebisay kuna xad gudubtay ,xeerkii dastuurka federalka ahaa ee dalka lagu dhisay, waxaan ku tilmaami karaa ihaano loo gaystay dadka dhawrsan ee ka soo jeeda deegaannada 3da ah, oo laga dhigay shacab dhuuni qaatayaal ah, wax markab saaranna ay deeqaan, ama dad si gaara uga sad bursada , walaalahooda ku dhaqan deegaannada ay maamulka wadaagaan dhib iyo dheeftana qaybsada.

Waxaan ku raacsanahay ama soo dhowaynaynaa go’aankii geesinimada lahaa ee ay qaadatay xukuumadda PL iyo guddigii loosaaray amuurta markabkan lasoo gamay.

http://www.raxanreeb.com/2013/08/wasiirka-amniga-puntland-khaliif-ciise-mudan-oo-faahfaahin-ka-bixiyey-raashinka-uu-siday-markabka-ay-celiyeen/

Ugu danbayntii waxaan farriin u dirayaa baarlamaanka reer puntland ee xubnaha ka ah , dawladda federalka ah ee somaalia waxaan leeyahay mudanayaal , waxaan idiin doorannay , in aad meteshaan, shacabwaynaha ku dhaqan puntland, waxaan idiin doorannay in aad tusaale u noqotaan ama wax ku biirisaan , dadka aan hanaanka dawladnimo u carbisnayn, oo la idinku daydo.

Marna aad dar dargelisaan , waxqabadka aad qibradda u lahaydeen ee aan idinku idmannay, laakiin waxaa noo muuqata , in xataa aan la idinkala tashan , waxa laga yeelayo maamulkii aad ka timaadeen, dan soomaaliyeed ha joogtee waxaa noo muuqata in aan la idin waydiin waxba , ama laidin tebin, la’idinla tashan.

Deriskaa mar ku diin mar ku dayo marna ka darnoow miyaa xaalkiinnu yahay, waa yaabe !!mise xamar hal guri baad kaga xidhantihiin, mise sida Saacid baad hurudaan ? oo shaqadiinnii waxaaba haya xildhibaanno kale, ?

Anigu dhihi maayo kamana sugayo raalli gelin Xassan Culusoow oo hadeer hadaad wacdidid daqiiqado kadib waxaad ka waanisay ku faraha la gelaaya , laakiin raalli gelinta jaa’ifooyinka ula kaca ah ee lagu wado shacabka idin doortay, ama meel soo saara, ama soo banneeya kuraasta xildhibaannimo ee aan idkula qaldannay, qaar u qalmaan geynaynaaye, ?!!

Cabdirashiid Dhagajilic Caaqilka

E-mail:Caaqilkacmc@gmail.com

=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Maya Jaalle kama duwana Hooyadaa. W/Q F Hiirane

$
0
0

Maya Jaalle kama duwana Hooyadaa
F Hiirane
fahiira@gmail.com
Agoosto 11 2013

MAQAALAnnagoo xero ciidan oo Tiyeegloow ku taalla joogna ayaa waxaa kasoo muuqday meel duleedka magaalada ah Hooyo Soomaaliyeed oo horay ku xanbaarsan Wiil dhabarkana ku sidata caag 20 qaad ah oo biya ah , waxaan ahayn askar aan la barin inay u arxamaan cid ka taag daran , ninkii noogu sareeyay ayaa yiri islaantaas nooga soo dhiga Biyaha , anigoo kaashaday maskaxdayda qaladka u shaqaynaysay ee ku dhisanayd reerka aan ahay ayaan iri , Maya Jaalle kama duwana Hooyadaa , Taliyahagii oo caraysan ayaa u dhaqaaqay islaantii xageeda , waxaan ku iri caaga islaanta dhabarkeeda hadaad ka dajiso kama danbayn doontide ogoow Jaalle , waan ogahay inuu yahay taliyahayga laakiin anigaa ka sareeya oo reer hebel ayaan ahay.

Asagoo ilinta indhiisa kasoo daatay ay qoysa Shaarkiisa Tuutaha ah ayuu nagu soo laabtay , aad ayaan u naxay ninka wayn oohintiisa ayaan dhawri waayay , islaantii ayaan ka daba ordanay aniga iyo 3 alifle Gaarruun, waxaan niri Hooyo ma ku caawinaa oo ma kula qaadnaa caagga culayskiisa, intay istaagay oo wiilkay xanbaar sanayd farta ku tilmaantay ayay tiri waa da’diisii 9 aad , caawin kama sugayee ilaahay cadaabta ha ka dhawro.

Hadaladaas miisaanka leh maanaan garan oo dhalin yaro xero askareed lagu ciqaabay ayaan ahayn , anagoon xiise wayn u qabin hadalada Hooyadaas ayaan caaggii inta ka dajinay u qaadnay aqalkeediina gaynay , waxay Hooyadaas hor muud u ahayd reer maalintaas ka koobnaa 5 caruur ah waxay noo sheegtay inuu odageedii ka mid ahaa raggii ay soomaaliya ku wayday dagaalkii 1977 kii aan la galnay Itoobiya si aan uga soo dhacsanno dhulka Soomaali Galbeed oo haattan u muuqda mid sheeg sheegiisii dhamaaday .

Kudhawaad 30 sano kadib anigoo safar ah maalinkaasna xiran dhar shacab ayaan tiyeegloow socod ku maray meelaan u socdayba , xasuustayda kumaysan jirin Islaantii ee waxaan inta badan xasuusnaa maalimihii ay garbaha ii casaayeen ee aan joogay Tiyeegloow , Ilaahay amarkii salaad casar anigoo ku tukanaya masaajidka waynee magaalada ayay mar kaliya xasuustaydu soo dhex istaagtay islaamtii erayadii ay noogu war celisay , hal xiraale ayay igu noqotay, markaan salaaddii dhameeyay ayaan si deg deg ah kabaha u idladay , waxaan iloobay inaan laba nin oon safar wada ahayn salaaddana igu xirtay aan iraahdo halkaas ayaan gaarayaa.

Waxaan sii lalaba waxaan si aan iloowsho yarna lahayn istaagay aqalkii dhista iyo laamareeriga ka samaysnaa oo lagu badalay guri Tiyeeglow casri ka noqon kara laakiin aad moodid inuu muddo dheer soo jiray, geedo waa wayn oo la harsado ayaa lagu badalay buul yar oo ay ciyaal ku cayaarayeen maalintii aan 20 qaadka dhignay, waxaa igu soo baxay qof aan markaa is iri waa islaantii laakiin shaki iga galay , duruuftii maalintii ka muuqatay aysan sinaba ugu dayseen dhabanka galabtaa ku yaallay waxaan is iri ma walaasheed baa mise waa Curadeedii, anigoo jaha wareer i haleeyay garana waayay meel aan ka bilaabo ayay mar kaliya tiri alla waa Xiirane , hadal dheer oo rageed ayaa guriga ka dhex yiri Xiirane aa,waxaa durba soo baxay nin dheer oo timihii inta badan da’du leeftay laakii ay labeen ka muuqato, inta isku kay duubay anigoon garan ayuu yiri alla war Xiirane miyaad noolayd ? alla maxaan ku baadi goobay abaalkaaga si aan u gudo garan maayee ba soo fariiso ,war xageed ka timid? Xageedse ku socotay ? wuxuu arkay inaan fiig sanahay oo aan garan la’ahay markaasuu yiri miyaadan i garanayn waa Mad Yuusuf , waxay ila noqotay qaadan waa, waa asagii oo waa Mad Yuusuf laakiin maxaa isu keenay Taliyahaagii iyo Islaatii uu biyaha ka dhigan rabay ?

Waa Hooyadii, waa qofkay rabatay inay noo sheegto markay lahayd waa da’diisii 9 aad , waxaan mar kaliya xasuustay inuu galabtii aan islaanta la qaanay aniga iyo 3 Alifle Gaarruun allaha u naxariistee oo ku geeriyooday Magaalada Burco sanadkii 1998 kii , Mad Yuusuf habaynkaas uma soo hoyan xerada, waaga markuu baryay ayuu ii yimid oo wuxuu ii sheegay inuu doonayo rukhso ka qaato Xoogga Dalka oo markaas ay adkayd, maxaa dhacay ayaan iri wuxuu igu yiri hooyaday ayaa fariin iisoo dirtay , anigoo waydiin ayaan u raacay Waajid oo markaas ku sugnaa S/guuto ………… waxaana u sheegay in Taliye Mad Yuusuf ay hooyadii il daran tahay , asagoo sigaar dhuuqaya ayuu ogolaaday in laga fariisiyo shaqada ciidanka inta ay Hooyadiis nooshahay oo aan ku sheegay inay il daran tahay, wixii intaa ka danbeeyay Jaalle Yuusuf maan arag , mana raadin oo wax wanaag ah kamaanan dhaxlin intuu Taliyaha noo ahaa, dhawr jeer ayuu i ciqaabay haba ugu darnaatee markaan xabsiga dhexe ilaaladiisa ka mid ahayn uuna igu ciqaabay Xassan Daahir Aways oo barigaas ku xirnaa meesha uu ku dhawaad 40 sano kadib ku xiran yahay oon sheekadiisa jeclaa wax iga badalay siduu haatanba u badalo dhalin yarada.

Hooyo Luuleey 20 qaadkii aan u qaadnay aniga Gaarruun allaha u naxariistee waxay galabtaas iigu soo badashay 20 Malab uu kasoo shubay beertooda Malabka Taliyahaygii Mad Yuusuf .

 

F Hiirane

fahiira@gmail.com

=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Yaa diidan dimoqraadiyeynta Puntland?? W/Q C/risaaq M Xuseen

$
0
0

Yaa diidan dimoqraadiyeynta Puntland??
C/risaq M Xuseen ( ina xuseen dheere)
habdirisak@hotmail.com
Agoosto 11 2013

Hordhac

Gobolada la isku yiraahdo Puntland waxaa ay nasiib u yeesheen iney ka badbaadaan burburkii iyo dagaaladii sokeeye ee ku habsadey qaybo badan oo dalka Soomaaliya ka mid a

Cabdirisaaq M Xuseen

Cabdirisaaq M Xuseen

h. Taasi waxaa ay ku timid dadaal iyo garasho ay la yimaadeen shacabweynaha Puntland oo ay horseed u yihiin isimada iyo madaxda dhaqanka. Waxaa lagu guuleystey in la dhiso dowlad goboleedka Puntland oo hadda 15 jirsaday.Nidaam siyaasadeedka la yagleelay waxaa uu salka ku hayey ama saldhig u ahaa qaabka doorashada beelaha. Beelaha dega gobolada Puntland ayaa waxaa ay iska soo saaraan xubno u matala baarlamaanka Puntland, xubnahaas ayaa iyaguna doorta madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.Nidaamkan ku dhisan qaabka beelaha ayaa waxaa uu leeyahay daldaloolo iyo dhaliilo badan.Tusaale ahaan qaabka beeluhu u qaybsadaan xubnaha baarlamaanka ayaa ah mid aad cadaalada uga fog. Beelaha qaar ayaa waxaa ay helaan xubno dhowr ah halka qaar kalena lagaba yaabo iney helaan xal xubin ama aaneyba helin wax xubno ah. Haddaba si looga gudbo qaab – beeleedkaas la dhaliilay ayaa waxaa reer puntland intooda badani isla garteen in loo gudbo nidaamka xisbiyada ku dhisan, Kaas oo suurto gelin kara in dhamaan dadka reer Puntland ay codkooda dhiibtaan, ayna doortaan xisbigii ay ku qancaan barnaamijkiisa. Si kastaba ha ahaatee nidaamkaas xisbiyada badan waxaa ku yimid caqabado badan oo horseeday in gebi ahaanba dib loo dhigo. Dowladuna waxaa ay go, aamisey in qaabkii doorashada ee beelaha ku salaysnaa la sii wado. Waa maxay sabatu? Yaa diidan dimoqraadiyeynta Puntland? Yey dani ugu jirtaa qaabka doorashada beelaha ku salaysan? Haddaba Faalladaan waxaa aan ku falanqeyn doonaa arimahaas. Waxaana isku dayi doonaa inaan ka jawaabo qaar ka mid ah suàalahaan kor ku qoran.

Caqabadaha muuqda

Waxaa jira caqabado badan oo hortaagan nidaamka dimoqraadiyeynta Puntland. Waxaa jira dano gaar ah oo badan oo iska soo horjeeda oo lid ku ah nidaamka xisbiyada. Haddaba waxaa aan soo qaadan doonaa afar kooxood oo maslaxadooda ka arki waayey nidaamka xisbiyada badan, kuna dadaalaya in aan nidaamkaasi marnaba hirgelin.

Beelaha Puntland: Sidaan horay usoo sheegnay beelaha Puntland qaarkood waxaa ay baarlamaanka iyo dowlada ka helaan xubno badan oo muhiim ah. Qaar kale oo beelaha Puntland ka mid ahna waxaa ay helaan xubno aad u yar ama waxaa dhacda in aaney waxba helin. Waxaa muuqda in beelaha qaarkood ay saamayn xoog leh ku leeyihiin baarlamaanka, dowlada iyo madaxweynahaba. Sidaas darteed waxaa jira beelo ka mid ah beelweynta Puntland oo u arka in maslaxadoodu ay ku jirto nidaamka siyaasada ee beelaha ku dhisan. Maxaa yeelay waa qaab fursad u siinaaya una sahlaaya iney awood badan ku yeeshaan qaybaha kala duwan ee dowlada, baarlaamka iyo dhinacyada kale ee bulshada. Beelaha maslaxadooda siyaasadeed ka arka nidaamka qabiilka ku dhisan waxaa ay doonayaan in nidaamkani sii socdo oo aan marna loo gudbin habka xisbiyada badan. Nidaanka xisbiyada badan ayaa waxaa beelahani u arkaan mid yarayn doona saamayntooda siyaasadeed. Taasina waxaa ay dhalisay iney ka hor yimaadaan siyaasada ku salaysan xisbiyada badan.

Siyaasiyiinta qaarkood: Waxaa jira siyaasiyiin badan oo muddo ka dhex muuqday siyaasada Puntland ama guud ahaan soomaaliya oo aan ku kalsoonayn nidaamka dimoqraadiyada xisbiyada badan. Siyaasiyiintaan waxaa ay badanaaba xiriir fiican la leeyihiin isimmada iyo nabadoonada. Waxaa ay kalsooni buuxda ku qabaan iney wax ku heli karaan qaab- beeleedka haatan jira ee ay isimmada iyo nabadoonadu xubnaha baarlamaanka soo xulaan. Siyaasiyiintani diyaar uma aha iney tartan galaan iyagoo adeegsanaaya qaabka xisbiyada. WaxaanaMAQAALay badankood ka cabsi qabaan iney soo wajahdo guuldaro oo ay sidaas saaxada siyaasada kaga baxaan. Kooxdani waxaa ay ku dadaalayaan inuu sii socdo qaabka beelaha wax lagu qaybsado, waana ka soo horjeedaan nidaamka “ one man-one vote”.

Madax dhaqameedyada: Nidaamka haatan Puntland ka jira ee qaabka beelaha wax lagu qaybsado waxaa kaalin weyn ka ciyaara odayaasha beelaha iyo madax dhaqameedka kala duwan. Maxaa yeelay waa iyaga kuwa soo xula xubnaha qabaa`ilka matala ee baarlamaaka fadhiya. Nidaamka xisbiyada badani waxaa uu meesha ka saarayaa kaalintaas muhiimka ah ee ay madax dhaqameedku leeyhihiin. Dadkuna waxaa dooran doonaan xisbi. Tirada xubnaha xisbi walba uu baarlamaanka ku leeyahayna waxaa ay ku xirnaan doontaa hadba codka uu xisbigu ku helo doorashada la galay. Qaar ka mid ah madax dhaqameedka ayaa waxaa ay doonayaan in kaalinta ay siyaasada ku leeyihiin ay sii jirto, Waxaana ay kaalintaasi ku jiri kartaa oo keli ah haddii lasii wado qaabkii doorashada beelaha ku dhisnaa.

Dowlada Puntland: Dowlada haatan maamusha Puntland kaalin ayey ku leedahay dib u dhaca ku yimi nidaamka dimqoraadiyada xisbiyada badan. Dowlada ayaa waxaa laga doonaayey iney soo diyaariso nidaamka xisbiyada badan. Tusaale ahaan waxaa laga sugaayey in dadka Puntland la tirakoobo si loo ogaado dadka ka qayb geli kara doorashada. Waxaa dowalda laga rabay waxyaalo badan oo fududayn kara nidaamka doorashada. Arimahaas dowaladu ma aaney samayn ama waxaa ay u wajahdey qaab dowlada dani ugu jirto, oo sahli kara in xisbiga dowaladu si fudud doorashada ugu guuleysto. Ka gaabinta dowlada ee ku wajahan hirgelinta nidaamka axsaabta badan ayaa waxaa uu qayb weyn ka yahay dib u dhaca ku yimid nidaamkaas. Dowlada oo aan kasoo bixin kaalintii looga fadhiyey ee dhinaca dimqoraadiyada waxaa ay keentay in weli la sii wado nidaam beeleedkii aan cadaalada ku dhisneyn ee aan kor ku soo sheegay.

Gebagebo

Si loo gaaro horumar iyo nidaam siyaasadeed oo cadaalad ku dhisan waa in Puntland u gudubtaa nidaamka xisbiyada badan. Waa in loo gudbaa in qofka lagu doorto diintiisa, aqoontiisa, khibradiisa iyo kartidiisa. Waa in laga gudbaa in qofku uu xubin baarlamaan noqdo isagoo reerkiisa matalaaya. Maxaa yeelay xubinta baarlamaanka ee magaca qabiilka lagu keenay waxaa uu matalayaa oo keliya naftiisa iyo reerkii soo doortay. Qaabka qabiilka wax lagu doorto waa aragnaa natiijadiisa haddii aan eegno Puntland ama baarlamaanka federaalka soomaaliya. Nidaamkaasi ma aha mid la jaan qaadi kara wakhtiga iyo casriga aynu haatan joogno. Waa nidaam xanibaad ku ah caqliga saafiga ah ee horumarka keeni kara.

Kooxaha aan kor ku soo sheegay ee diidan dhaqangelinta nidaamka xisbiyada waa iney eegaan maslaxada bulshaweynta Puntland. Waxaan leeyahay siyaasi walbaa waa inuu xeeladiisa, xirfadiisa siyaasadeed , aqoontiisa iyo qaab maamulkiisa usoo bandhigaa dadweynaha Puntland uuna ku kalsoonaadaa waxii taageero iyo cod ah ee uu ka helo.

Mahadsanidin

Cabdirisaaq M Xuseen ( ina xuseen dheere)

habdirisak@hotmail.com

=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Cuntooy Waxaad Tahay Lama Huraan, Haddana Ma Dhibaato Yarid! W/Q Dr. Cabdullaahi A. Karaani

$
0
0

CUNTOOY! WAXAAD TAHAY LAMA HURAAN, HADDANA MA DHIBAATO YARID!
Dr. Cabdullaahi A. Karaani
karani38@aol.com
Agoosto 12 2013

Dr. Cabdullaahi  A. Karaani

Dr. Cabdullaahi A. Karaani

ILMUHU, markuu rixinka ku jiro,wuxuu jaqaa dhiigga hooyada,markuu dibedda u soo baxana si degdeg ah ayuu ugu dhegaa naaskeeda.

CUNTOOY ! si kastoo aad u tahay lama huraan oo xubnaha noolahoo dhammi, baahi weyn kuu qabaan,haddana ma dhibaato yarid, oo qofka waxaad ku jarribtaa inuu maro dhibaatooyin badan siduu kugu heli lahaa: Qaar shaqey u kallahaan habeenkoo kala bar tegey, qaar kalena si ay kuu helaan waxyaabo diinta iyo dhaqankaba ku xun ayey sameeyaan, qaar kale waxay ku dhaartaan iney ku dadaali doonaan horumarin iyo caddaalad u dhexeysa ummadda ay maamulaan, haddana iskuma dayaan labadaa midna , oo waxay noqdaan kuwo cunto daraadeed, wax kastooy u dhaarteen ka been sheega!.

CUNTOOY! Mid kalaa jira isaguna, oon waxba soo hanbeyn markuu noqdo mas’uul, illeyn iimaan ma lahoo naftiisa xor uma ahee!.

CUNTOOY! Qaarbaa markey ku cunaan jirrada, oo aad u noqotaa suntii ay u dhiman lahaayeen !.

CUNTOOY! Markii qofku u maleeyo, inuu kaa dhergey, haddana taasi dhab maaha oo gaajo ayaa dhereg-taada ku xigtee ,taana adigu ma ogtahay?

CUNTOOY! Sidee laguu helaa dhibaato la’aan, mise adigoo dhamiba waxaad tahay dhibaato asalkeed!.

CUNTOOY! Dhibaatadaadu ma yara, haddana lagaama maarmo oo nooluhu haddusan ku cunin, isagaaba geli doona qabrigii loogu talogalay!.

CUNTOOY! Sidee laguu cunaa adigoo xalaal ah, oon noolaha marsiin dhibaatooyin u daran aakhiradiisa iyo Adduunyadiisaba?

CUNTOOY! Noolaha ku nool Adduunyada oo dhammi kuma tashiilan karo, oo waxa ka go’an iney si miyir la’aana kuu cunaan, Cuntooy, adiga un baa sabab u noqon doona wax kastoo ka dhaca adduunkan cuntadiisu yar tahay, iyadoo suuragal noqon karta in Nooluhu is cuno, asagoo raadinaya wuxuu cuno!.

CUNTOOY! Taasi miyeeyan ahayn halaagii Adduunyadan aan ku nool nahay? CUNTOOY, Rag waa raggii horoo xishood iyo xarrago lahaa, maantase Adduunyo dhammiba, waa cuntoo,xishood iyo Xarragana lamaba yaqaan!.

CUNTOOY! Qofka waxaad ku abuurtaa damac waalan,oo uu ku doono inuu ku aruursado keli ahaan, wax kastoo la wada lahaaye, Cuntooy arrintaas adigu sidee u aragtaa?

CUNTOOY! Ma xaq baa in qaarkeen yihiin weligood xafyaan, qaar kalena afkooda kaa buuxsadaan,adna aad arrintaas raalli ka tahay!.

CUNTOOY! Ma og tahay in kan ku qeylinaya waxbaan hagaajin lahaa,qasadkiisu yahay inuu mar un gacmahiisa kaa buuxsadee, bal arrintiisa la soco,adigoon marnaba u jixinjixin !.

CUNTOOY! Meeshaad gashaa buuran sida la yiri,laakin dad badanina waxay u dhintaan harraad iyo gaajo daran, taasina macquul ma ahee ,bal taana ogow!.

CUNTOOY! Dawladaha waaweyni yaryeriiska ayey jecel yihiin iney cunaan,illeyn Dagaalka ADDUUNKOO dhammiba waa cuntee! Sidoo kale, Noolaha xoogeysteyna waxuu cunaa inta kaloo ka tabar daran!.

CUUNTOOY! Sida laguu calfan karo, adoon Noolaha marsiin dhibaato, waa in : ALLAHA WEYN la baryoo, loo tafaxeyto shaqoo, qofba dhididkiisa cunoo, nabadda la daryeeloo,horumar la tiigsadoo, wadajirka iyo Dawladnimadana la adkeeyoo, si sinnaan ahna laguu qeybsadoo , kwd . HADDII KALE HOW BIXIN CUNTOOY, halleys cunee had iyo jeer,subax iyo habeen, inta Adduunkoo dhammi soo gabagaboobayoo,kan taagta daranna lagusii tumanayoo!.

Dr. A. Karani
karani38@aol.com

=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

C. M. Geedi: siyaasi jebiyey gidaarki siyaasada beelaysan ee Soomaaliya. W/Q Daahir Sheekh (Daahireeto)

$
0
0

C. M. Geedi: siyaasi jebiyey gidaarki siyaasada beelaysan ee Soomaaliya.
Daahir Sheekh (Daahireeto)
daahireeto1@hotmail.com
Agoosto 12 2013

maqaalWaxaa maalmahan masraxa siyaasada Soomaaliya ka soo muuqday Ra’iisul wasaarahii ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, sida muuqata wuxuu si weyn u dhaliilsan yahay siyaasada Dawlada Federalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud. Geedi oo muddooyinkii dambe ku sugnaa dalka Kenya ayaa u muuqday inuu fasax gaaban ka qaatay howlaha siyaasada Soomaaliya, balse marna dad badan daah kama saarayn inuu yahay siyaasi damac leh oo mar uun qoobka la soo gali doona jaandheerta siyaasada..dadka qaar ayaa filayey inuu ka qayb galo doorashadii 2011 ee lagu soo doortay Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamud balse taasi ma dhicin.

Cali Maxamed Geedi si kedis ayuu siyaasada ugu soo biiray ka dib markii madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf Axmed uu u xushay ra’iisul wasaare sannadkii 2004. Mr. Geedi xilligaas wuxuu muujiyey karti iyo firficooni siyaasadeed oo aan laga filayn shaqsi siyaasada ku cusub. Geedi wuxuu lagu doodi karaa inuu ahaa hogaamiye soo joogsi leh (charismatic leader) la yimid howlkarnimo (competence), codkar dadweynaha u gudbin kara fikirkiisa siyaasadeed, isla markaana aan ku shaqayn ajande beeleed, balse lama oga inuu hayo aragti siyaayadeed (vision) oo dal sida Soomaaliya u burburay lagu badbaadin karo. dhinaca kale waxaa lagu eedeeyaa in xukuumadiisa ay la degtay musuqmaasaq baahsan oo dadka qaar ku doodaan inuu isagu shaqsi ahaan ku lug lahaa, sidoo kale waxaa lagu tilmaamaa hogaamiye mayal adag ( radical) gaar ahaan marka ay timaado la macaamilka islaamiyiinta oo uusan ogalayn inuu la galo gorgortan. waxaa suurta gal ah in dadka qaar ku eedeeyaan in isaga iyo C/laahi Yusuf ay dalka soo geliyeen ciidamo Itoobiyaan oo dhibaato ka geystay wadanka, balse dadkii arintaas ku doodi jiray iyagii ayaa maanta ka xun in ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya oo ku cadaadinaya in ay dalka sii joogaan (malaha awr kacsi ayey ka ahayd qaylodhaantii hore), waxaana muuqata in inta badan Soomaalidu xaqiiqsatay in ay u baahan yihiin gacan dibadeed oo asysan ku filayn amniga dalkooda.

Arinta ugu muhiimsan ayaa ah in Cali Maxamed Geedi u muuqdo inuu dareensan yahay in dalka Soomaaliya uusan sinaba u maamuli karin hogaamiye beeshiisa oo kaliya taageero ka haysta, balse siyaasiga doonaya inuu dalka hogaamiyaa u baahan yahay inuu taageero ka helo dhamaan ( ugu yaraan inta badan ) beelaha Soomaaliyeed iyo qaybaha iyo gobolada kaa duwan ee dalka -waa talo ka maqan hogaamiyayaasha hadda talada haya- . Khasab maaha inuusan Cali Maxamed Geedi aqoon qabyaalada oo ah habdhaqan qof kasta oo Soomaali ah lafaha kaga jira balse waxaa lagu doodi karaa inuu danta siyaasadeed ka hor mariyo midda qabiilka taasoo ah arin aysan siyaasiyiin badan oo Soomaali ahi ku dhiiran. ugu yaraan qabyaaladu wax ku qufalan ma aha (dogma) .dhinaca kale Geedi wuxuu u muuqda siyaasi fikir strategiyadeed leh (strategic thinking) oo garankara inaan Soomaaliya koox gaar ah ama beel gaar ahi sinaba xoog ugu muquunin karin, isla markaasna fahamsan isu dheelitirka awooda (balance of power) ee gobolka Geeska Africa, arintaas oo ku riixaysa inuu xiriir wanaagsan la yeesho Itoobiya iyo Kenya oo ah labada awoodeed oo hadda gobolka ka jira (regional powers)

Haddii Cali Maxamed Geedi aysan ku dhici doonin Isbedel fikir oo qoto dheer, sooyaalkiisa siyaasadeed wuxuu ina tusaya inuu yahay hogaamiye jebin kara gidaarka siyaasada qabyaaladaysan ee Soomaaliya. waxaana markhaati fur u ah arimaha soo socda::1. xilligii uu ra’iisul waraaraha ahaa wuxuu kala doortay Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dheere) oo sabab u ahaa inuu ra’iisul wasaare noqdo iyo dawladii C/laahi Yuusuf hogaaminayey oo uu ka tirsanaa oo khilaaf soo kala dhexgalay isagoo doortay inuu raaco go’aankii dawladu kaga guurtay Jowhar. 2. wuxuu si aan laablaabsho lahayn u fuliyey siyaasadii amni ee dawladii KMG ahayd isagoo garwadeen ka ahaa la dagaalankii kooxdii maxkamdaha iyo al shabaab ee dawlada dagaalka kula jiray 3. hadda wuxuu si cad u taageeray dhismaha dawlada goboleedka Jubbaland oo dawlada federalku ku tilmaantay mid aan loo dhamayn , basle Cali Maxamed Geedi uu arintaas beeniyey.

Arin kale oo Cali Maxamed Geedi ku riixaysa inuu siyaasadiisa ka fogeeyo mid beelaysan ayaa ah inuusan taageero badan ku lahayn gobolada Islaamiyiintu saamaynta badan ku leeyihiin sida Muqdisho iyo iyadoo dad badan oo reer Muqdisho ahi u arkaan in uu qayb ka ahaa tacadiyadii halkaas dhacay xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa tasoo Geedi khasab kaga dhegaysa inuu siyaasadiisa dalka oo dhan taageero uga raadiyo si uu u dheeli tiro mucaaradada kaga imaan karta Muqdisho.( waa strategiyad uu adeegsan jiray madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Aadan Cabdule Cismaan)

Muddadii uu xilka hayey Cali Maxamed Geedi wuxuu ahaa ra’iisul wasaare awood badan isagoo weliba ka hoos shaqaynayey madaxweyne awood badan (strongman) C/laahi Yuusuf Axmed oo markii dambe khilaaf adagi soo kala dhexgalay. waxaa lagu doodi karaa go’aankii C/laahi Yuusuf xilka kaga qaaday Geedi wuxuu ahaa mid ka mid ah go’aamadii ugu xumaa taariikhiisa siysaadeed oo qaato, iyadoo marka lagu kabo xulashii Nuur Cade sabab looga dhigi karo ka fariisigii Yusuf ee siyaasada, waxaana xusid mudan in qaar badan oo ka mid ah la taliyayaashi gaarka ahaa ee C/laahi Yusuf (inner circle) ay kula taliyeen inuusan xilka ka qaadin Geedi balse C/laahi Yusuf uusan dheg jalaq u siin.taladaas. la taliyayaashaas qaarkood Geedi kama dambayn oo waa ka tageen xukuumada.Yusuf. dhiniciisa Cali Maxamed Geedi inkastoo hadalo ka tageen xilligaas haddana si nabada ah ayuu xilka uga degay.

Soomaalidu waxay ku maahmaadaa fuley xantiisa ma mooga, Haddii Geedi uu iska soo kabo dhaliilaha loo jeediyo gaar ahaan arinta la xiriirta musuqmaasaqa, waxaa hubaal ah inuu noqon doona midka ugu fiican siyaasiyiinta wax-ma -tarayaasha ee hadda horboodaya siyaasada Soomaaliya ( the best of bads) iyadoo haddii uu ka dhabeeyo siyaasadiisa aan beelaysnayn lagu xasuusan doono siyaasigii jebiyey gidaarka siyaasada qabyaaladaysan ee Soomaaliya sidii kacdoonkii dimoqraadiyad doon Bariga Yurub u jabiyey gidaarki Berlin.

WQ; Daahir Sheekh (Daahireeto)

=============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Soomaaliya xagee ku socotaa, Nayroobi shirqool, Kismayo muran, Puntland dacwo, Xasan Shikh Dam jadiid. W/Q Cabdullahi Macalim Maxamuud (Cabdullahi Siyaasi)

$
0
0

Soomaaliya xagee ku socotaa, Nayroobi shirqool, Kismayo muran, Puntland dacwo, Xasan Shikh Dam jadiid.
Cabdullahi Macalim Maxamuud (Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Agoosto 12 2013

Abdallah Moallim Mahamud “Cabdullahi Siyaasi”

Abdallah Moallim Mahamud “Cabdullahi Siyaasi”

Waxaa beryahan isa soo tarayo kullama isdaba joog ah oo dalka dibadiisa loogu qabanayo shakhsiyaad ay mar soo martay fursada hogaaminta dalka Soomaaliya laakin intooda badan ku hungoobay maareynta hawlihi loo xilsaaray iyo hawlihi looga fadhiyay in ay si wacan u fulin doonaan, shakhsiyaadkan uma muuqdaan geddigood kuwa isku fikir ah ,mana ahan sida dad badan oo xog ogaal u ah hab-dhaqanka siyaasiyiinta soomalida ay tilmaameen dad isku ujeeda ahaan karo marka laga sal guuro deegaanada ay ka soo jeedaan iyo siyaasadaha is diidan ee deeganadooda.siyaasiyiintan ma ahan kuwa taageera buuran ku dhax leh bulshada ay ayaga isleeyihiin waa heli kartaan taageeradooda si aad mar kale ugu soo noqotaan masraxa siyaasada Soomaaliya.

Waxaa intaas ka daran ma ahan kuwa iyaga isdoontay ama ay isu keentay dan mideyso ama dan ay ugu daneynayaan danta guud ee ummaddan oo ay dhinac walba uga keenkeeneen siyaasiyiin faashil ah oo ka maagan maxaa ka maqan dadkan ay danahooda mas’uulka ka yihiin iyo casrigan ma yahay casrigi hoos la isugu sheegi karay wax dadka kale ka qarsan.

Kullamadan runti waxaa fadhi u ah Kenya iyo dowladaha deriska la ah Soomaaaliya oo iyagaba ku jahwareeray qaabki ay meel isugu keeeni lahaayeen Soomaliya oo nabad ah iyo iyaga oo danahooda ka gaara dalkaas khasaara la’aan . danta Kenya ay ka leedahay shakhsiyaadkan magacooda uu buux dhaafshay wejiyad hore ee mediyaha geeska afrika beryhan ma jirto cid aan garan Karin iyo ujeedada ay isugu doondooneyso in ay meel wada fadhiistaan shakhsiyaad aan isku siyaasad ahayn haddii ayba jirto siyaasad iyo mabda’a loo yaqaan shakhsi-ahaantooda. Waxaa yaab iyo amagaag ah shakhsiyaadkan badankooda waxay wadanka Soomaliya ka soo qabteen xilal waaweyn oo gaarsiisan ra’iisalwasaare, wasiir, xildhibaan, iyo u tartamayaal madaxtinimada ummdda Soomaliyeed, geddigoodna waxay u muuqdaan kuwa ka xishoon waayay in ay ka soo dhax-muuqdaan waxyaaba sharaf dhac u keenayo shakhsi-ahaantooda iyo dalka ay ka soo jeedaan maadaama ay ka soo qabteen xilal waaweyn oo mudan ixtiraam gaar ah.

Waxaasa dhinaca kale isweydiin mudan maxaa ku soo aadiyay waqtigan oo ay Soomali heshay dowlad aan ku meel gaar ahayn,iyadana jawaabta waxay u muuqataa in ay dowladahan Kenya iyo itoobiya ay ka soo hoos dhalatay qorsha ka duwan xisaabkay in badan ka soo shaqeynayeen iyo dowlad ku dhaqmeyso xisaab aynan horay taladooda ugu darsan kana ay taliyaan madax ugu yaraan fahmay cadawgooda yuu yahay laakin aan si u fahmin qaabkee la isaga celin karaa cadawgan iyada oo la gaaro dowlada Soomaliya oo ka taliso dalkeeda si buuxdo oo madax-banaan iyo iyada oo laga dheeraado fursad siinta dowladaha deriska nala ah in ay gacan xoogan ku dhax yeeshaan dowlada Soomaaliya mustaqblka dhaw iyo midka fogba.

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

W/Q Cabdullahi Macalim Maxamuud (Cabdullahi Siyaasi)

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Xasuuq dhab ah “Masar” W/Q Maxamed Callaahi Maxamud (Ildab)

$
0
0

Xasuuq dhab ah “Masar”
Maxamed Callaahi Maxamud (Ildab)
ildab20@gmail.com
Agoosto 16 2013

MAQAAL Waxa Masar ka dhacay khaas ahaan labada goobood ee ay kala fadhiyeen dadkii sida nabadgalyada ah ugu mudaharaadayay Alnahda iyo Cadawiya Mosque waxay ahayd xasuuq dhab ah oo loola gol lahaa in lagu cabsi galiyo dadaalka Muslimiinta walaaloobay ay ku doonayeen in si nabadgalyo ah ay ugu muujiyaan diidmadooda ku aadan xil ka qaadistii madaxwaynihii sida sharciga ahaa shacbigu u soo doorteen.

Waa dhacdo runtii markaad daawato sidii ay ciidamadii loo soo xulay sida gaarka ah in ay dadka shacabka ah u gumaadaan muujinaysa sida ummadaha Islaamka ah quwadahooda ciidan ay dadku aad uga niyadjabsanyihiin in aysan ahayn ciidan u adeega shacabka danahooda balse noqday kuwa seefta galka ugala baxa iyaga.

Waxaa shafka, madaxa, caloosha iyo wadnahaba laga toogtay dadkaas si dhiig qabow ah, oo haddana wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi Maxamed Ibraahim ku sheegay shirkiisa Jara’id si jees- jees ah in ay ku dagaalamayeen dadkaasi hub cul culus. Waa arin khatarteeda leh oo dalka Masar u horseedi karta dhibaato hor leh oo ka baxaad wayn tan hadda taagan.

Arinta arga- gaxa ah waxay ahayd in baraha qaarkood si dusmo ah loo soo gashay saddex qof oo dhaawac ahaa oo yaalay khaymadihii lagu daweenayay in ay ciidamadu ku dhex gubeen markii ay qabsadeen Raabi Al-cadawiya Mosque. Talow maxay ka oran doonaan kuwa ka hadla arimaha xuuqda malaha waa “ akhwaanul Muslimiin looma ooyaan ah”. Intaas waxaa sii dheer in Masjidkii ku yaalay Raabica Al-cadawiya ay dowladdu dab qabadsiisay halka wasiirka gaashaandhiga Gen Siisi uu amar ku baxshay bur bur yar oo loo gaystay Kaniisad in si deg deg ah wasaaradda gaashaandhigu ay u bixiso kharashkii lagu dhisi lahaa isagoo aan soo qaadin cagaftii la gashay Gurigii ilaahay ee ku yaalay waddan dadkiisu ay yihiin Muslimiinta ugu kartida badan caalamka Islaamka marka dib loo raaco taariikhda Islaamka kaalimihii ay Masaaridu ku lahaayeen difaaca diinta Islaamka.

La iskuma waa faqsana tirada dhabta ah ee dadkii shalay lagu xasuuqay Alcadawiya iyo Alnahda balse waxaa la isku waafaqsanyahay in dad lalaayay, lana xasuuqay si dhiig qabow. Dowladdu waxay hadalka ku bilowday markii hore 45 qof in ay dhinteen, halka ay markii danbeeto ay gaarsiisay tirada 250, markii xigay 500 markii sii xigay 678, talow maka sii badin doontaa labadii kun ee uu sheegay Maxamed Baltaaji, hoggaamiye Akhwaani ah oo goobta xasuuqa fadhiyay oo walibana meesha lagu dilay gabar uu dhalay iyo ninkeedii. Dhinaca kalena (Golaha sharciga) waxay sheegeen in 2000 oo qof la xasuuqay.

Maxaa loo laayay? Waxay diideen inqilaabkii loogu xoog sheegtay codkoodii doorashada iyagoo ku muujinaya si nabad galyo ah, iyo waliba tan ka sii daran waxa weeyaan waxay ahaayeen Islaamiyiin aaminsan diintooda iyo waddaninimadooda.

Ciidamada

Nin soo dhigay qoraal kooban baraha arimaha bulshada mar uu isbar bardhigayay General Siisiga Masar iyo Hitlerkii Germany waxa uu yiri “ Hitler waxa uu Yuhuudda u xasuuqay si Germalku u ahaadaan dadka Caalamka ugu qabka wayn halka Siisi uu u xusaquuqay Shacabkiisa si Yuhuuddu nabad iyo cadow la’aan ugu nooladaan Bariga dhexe”.

Ciidamada waddamada caalamka Islaamka gaar ahaan kuwa Bariga dhexe waxay u egyihiin kuwo u dhisan in ay ilaashaan nabadgalyada cadowgooda, madaxana ka kaawiyaan dadkooda shacabka ah haddii ay ka horyimaadaan rabitaankooda. Tusaale ahaan dalka Suuriya oo isku sheegi jiray quwadaha wax iska caabinta Bariga dhexe ayaa waxaa caddaatay in aysan dhaafsiisnayn hankiisu in uu kursiga iska fadhiyo xittaa haddii waddanka oo dhan la waayayo waa sida haatan iskudhufashada xisaabta jawaabteedu u soo baxday Suuriyada maanta.

Ciidamadu mar kasta waxay u dhisan yihiin in dadka ay u gumaadaan si ka baxsan caqliga bini aadamka, bal fiiri waddankii ugu danbeeyay caalamka Carabta, lana filayay in uu waddo hagaagsan u horseedi doono waddamada Carabta Bariga dhexe ee ka soo bad baaday wixii loo baxshay Gugii Carabta wadada uu haatan hayo. Waxay faraha la galeen dhiig dad walaalahood ah oo waliba fadhi “sit-inn” ku jiray, qaarkood waxay saxaafadu soo gudbisay iyagoo Alla u baryaya Masar in aysan fowdo faraha la galin salaadii subax bacdigeed subaxdii Arbacada 14.8.2013, xabbaduna kaga soo bilaabatay guryaha ku hareeraysnaa Raabical Cadiya Mosque, oo markaas ay u daateen sidii caleemo qallalan oo geedo kasoo hoobanaya.

Labawajiilanimada

Waxaa si cad u arki karaysaa dad shacab ah oo la warjeefay, lagu gubay khaymadihii dhaawac ahaan loogu daweenayay, isla markaana aad arkaysid in bulshada caalamku iska indhatirayso waxa dhacay in uu ahaa gumaad cad, waa laba wajiilanimada caalamka maantay uu dhibaatooyinka Muslimiinta haysta uu ku eego.

Saxaafadda Masar waxay si cad iskaga indhatiraysay xasuuqa lagula kacay taageerayaasha Muslimiinta walaaloobay in uu ahaa gumaad wadareed iyagoo ku sifeeyay kala cayrin dad isku soo ururay.

John Kerry, wasiirka arimaha dibada Maraykanka oo la aaminsanyahay dowladdiisu in ay barakaysay inqilaabkii Maxamed Mursi xilka lagaga tuuray, ayaa mar uu ka hadlayay xasuuqii Qaahira marnaba afka ma soo marin in dad la xasuuqay balse waxa uu ku gaabsaday in xaaladda bandooga aysan muhim ahayn, in la isxakameeyo, iyo in si deg deg ah horay loogu sii wado hannaankii dimoqraadiyaynta Masar iyo wadahadaladii. yaa wada hadlin hoggaankii akhwaanka dhammaan waxaa horay loo jiifiyay jeelasha, intii ka hartayna waxaa laga daba geeyay shalay (Arbacadii) . Waa haddalo yaq yaqsi xambaarsan oo diir naxid la’aan ka muuqato dilkii loo gaystay taageerayaashii Muslimiinta walaaloobay ee sida nabadgalyada ah u cabirayay ra’yigooda.

Taas micnaheedu waxa weeyaan marka dadkii hoggaanka u ahaa Akhwaanka xabsiyada la jiifiyo in ay isku soo haraan shacabkii la gumaaday iyo ciidamadii u dhaqmayay sida waxshinimada ah si markaas dadka iyo dalka loo gasho ma dhammaato dagaal sokeeye oo wax kasta baaba’sha.

Marna diidi marna ogoli

Waxaa in muddo ah, laga soo bilaabo doorashooyinkii laga afduubay Aljeeriya FIS 1991 ee xisbigii Islaamiga ahaa si cad usoo ifbaxayay in sinnaba reer galbeedku iyo kuwa wakiilada uga ah dunida Islaamka, hadday ahaan lahaayeen Boqoro, Ciidamo , Libaraaliyiin iyo Cilmaaniyiin, magacay doonaan ha lahaadeen aysan raalli ka noqon doonin in xisbiyada afkaarta Islaamiga ah xambaarsan ay talada dunida Islaamka qabtaan haddii kalase ay ka xigaan in fowdo iyo jahawareer laga abuuro waddamadaas si loo xaqiijiyo uun ammaanka Israil.

Waxaa lagu eedeeyaa xisbiyada Afkaarta Islaamiga ah xambaarsan, khaas ahaan kuwa markasta ku soo baxa doorashooyinka balse loo xoog sheegto ugu danbayntii haddii ay helaan kalsoonida shacabka sida tii ka dhacday Aljeeriya, haatana ka socota Masar in marka danbe ay qoriga u qaataan ciidankooda, waxaase su’aali ka taagantahay ciidankaasi ma ahaa mid dhowray xaqii uu ku lahaa muwaadinkii uu u dhaartay in uu sharaftiisa iyo xudduudihiisa uu dhowro marka laga eego caqiidada ciidan (Military Doctrine).

Waxaan shaki ku jirin in dunida Islaamka haddii dadku si xalaal ah loogu ogolaado in ay doortaan cidda ay rabaan in ay dooran lahaayeen xisbiyada Islaamiga ah halkii ay ka dooran lahaayeen kuwa cilmaaniga ah waayo waxaa caddaatay in danaha qaran ee waddanka ay markasta u heelan yihiin iyagu, marka laga yimaada caqiidada diin ahaaneed oo ah waxa qofka muslimka ah uu markasta u heelanyahay. Tusaale ahaan, Fiiri Pakistan xisbiga haatan talada dalka haya ee Nawaad shariif sida Maraykanku ula tacaamulay markii uu talada dalka qabtaytii Maxamed Mursi ee Masar, midda xisbiga Alnahda ee Tuuniisiya kuwaas oo runtii illaa haatan u taagan in ay muujiyaan tanaasul fara badan iyagoo cashar ka qaatay Mursi iyo Akhwaanul Muslimiinkii sidii ay talada dalka u maareeyeen balse lagu dirqinayo dhacabka in dalka isna fowdo la gasho halkii lagu kala bixi lahaa codadka doorashoyinka oo ah waxa iyaguba aaminsanyihiin .

Obama, madaxwaynaha Maraykanka waxa uu la soo shirtagay in uu si cad u yiri in ay garwaaqsadeen xil ka qaadista ciidamada Masar Madaxwayne Maxamed Mursi (elected President) markii dadkii inta badnaa ay diideen sida uu wax u wado, inkastoo arintaasi aysan dhab ahayn aqlabiyad ahaan, haddana hadday jidho maxay Maraykanku Bush uga qaadi waayeen markii shacabkiisu ku khilaafeen dagaalkii Ciraaq iyo Afgaanistaan, mise waa lajiifyaana bannaan ?.

Wadahadal dhab ah

Inta uusan General Siisi faraha ciidanka u galin dhiiga shacabka waxa jirtay rajo badan oo laga qabay in la wada hadli karo, inkastoo marnaba qolada inqilaabku muujin wax dabacsanaan ah oo la iskugu iman karo. Waxay markiiba afka qabteen saxaafaddii diiniga ahaa ee ay Akhwaanku isticmaali jireen, waxay xabsiyada u taxaabeen madaxdii taladu ka go’i jirtay ee xisbiga Alxoriya wal caddaala, waxay si aan qeexneen u afduubeen Madaxwaynihii talada dalka shacabku ku ogaayeen, waxay ku tilmaameen shacab dhan oo afkaar Islaami ah xambaarsaanaa Illaa iyo suul la saartii ( ayaamihii Cumar Bin Caas) argagixiso. Haddana waxay fureen malafaad danbiyo ah oo ka soo horjeeda madaxdaas. Haddaba sidee markaas loo dhahaa wadahadal baa socda.

Masar waxa kali ah ay ku badbaadi kartaa waxa weeyaan in qolo kastaa ay la timaado jajabnaan iyo dabacsanaan si markaas xal dhexe la iskugu yimaado, masaalixda khaaska ah waa in laga hor marshaa midka urur iyo kan siyaasad ahaaneed.

 

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Xalane oo xarun kufsi isku badashay. W/Q Cumar Ayuub

$
0
0

Xalane oo xarun kufsi isku badashay
Cumar Ayuub
ayuub-c@hotmail.comt
Agoosto 17 2013

MAQAALMaalmahaan warka idaacadaha iyo teleefishinada waxaa ku jiray gabadh soomaaliyeed oo kufsi xun u geysteen cutubyo ka tirsan ciidanka Amisom.

Arintaas hadii maanka gali weysay baan markii hore waxaan islahaa waa dacaayad raqiis ah oo ay mucaaradku wadaan. Laakiinse marka uu ka hadlay raaisul wasaaraha iyo Amisom un baan hal mar waxaan ku baraarugay in ay arintaas dhab tahay. Waxaa kale oo warsadaha Shabaab sheegayaan in gabdho la qafaasho oo laga gado Amisom ay noqotay ganacsiyada haatan Xamar ka hanaqaaday.

Anigu ma aqaani sida nin Soomali oo muslim ah gabadho Soomaaliyeed cisigeedii uga gadan karaa nin gaal madow ah. Waxaa ay tahay wax aad looga naxo in uu dhaqankaan xun ey ciidamada Amisom ey ka barteen ciidamada Soomaaliyeed oo har iyo habeen ayaga oo aan lala xisaabtamin gabadhaho Soomaaliyeed kufsada. Ma ciidamo Soomaaliyeed oo ayaga kufsanaya gabdhahoodii baa nin kale ka celin kara. Ciidamada dowlada waxaa markii hore caado u aheyd in kaamamka ugu galaan gabdhaha ceyrta ah oo kusoo dhex kufsadaan muduladooda ka dibna shicibka ku biiraan ayaga oo aan ciqaab culus iyo mid fudud la kulmin. Laga bartaa laga badiye bey noqotay, ciidamadii ajaanibta aheyd oo aan baryahaan islaheyn maxay dagaal u gali waayeen oo aan ka soo bixin dhufeysyadooda ileen waa ciidan markii mushaarkii loo kordhiyey ka mid noqday dalxiisayaasha wadanka jooga.

Waxaa kale oo aqristow aad ogaataa markii Dowlada ciidamada intaas le’eg oo mushaarka loo siyaadiyey dowladu howl gab ka dhigtay markii ay masuuliyadii-dagaal ka qaaday. Amisom dagaal fool ka fool ah waxaa ugu danbeysay waqtigii Sh. Shariif Sh. Axmed.

Intaas waxaa ka sii daran xerada Xalane waa xarunta dhexe ee taliska Amisom, waa meesha madaxda gudaha iyo dabada shirarka loogu qabto oo lagu soo dhaweeyo, baa beeska ugu weyn ee Amisom, maa meesha madaxda iyo go’aamada Amisom laga gaaro, waxaa kaloo ku yaala qololka shirarka, jiifka, hospital, iyo agabyo kale oo Amisom leedahay.

Waxaa garan la’ahay meel saas u weyn sidee qof loogu kufsadaa, ma dhaqan la aqbalay oo meesha ka jiraa, ma wax soo jireen ah baa, ma wax dowladu saxiixday baa. Sidee baa dowladaan fadhiidka ah uga warqabin oo wakiila uga joogin Xalane oo meel muhiimadeeda, istiraajiyadeeda, iyo baaxadeede intaas le’egtahay.

Tani waxay ku tusineysaa in Dowlad wadanka ka jirin hadii eysan marba ka warheyn waxa ka dhacaya xarunta ugu weyn ee Amisom. Waxaa taas ka sii daran hadii jariimo intaas le’eg ay ka dhacday xaruntii dhexe ee Amisom, ka warama meelaha iyo dhufeysyada yaryar oo amisom Soomaliya oo dhan ey ka joogto.

 

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Shirqool Lala Damacsanyahay Somaalida Minneapolis W/Q Hareed Nur

$
0
0

Qaybi Oo Xukun (Divide and Rule): Shirqool Lala Damacsanyahay Somaalida Minneapolis (qaybta 1′aad)
Hareed Nur
hareednur@gmail.com
Agoosto 17 2013

MAQAALWaa istratejiyad hab dhaqan u ahayd gumaystaha, waa cashar inta badan lagu darso bogaha iyo sadarada taariikhda xusa, waa hub lagu burbursho mujtamac wada dhashay. Musdalaxaan qaybi oo xukun ayaa ah hab maamul lagu hanto xukun mudo sii jira iyadoo lakala qaybinaayo umad islamarkaana la’iska horkeenayo awoodooda, ra’yigooda, baraarugooda iyo isku duubnidooda si ay u fududaato in lala wareego aa’yahooda iyo go’aamada noloshooda saameeya.

Waxaa dhawaan doorashada xisbiga dimuqraadiga degmada 6’aad ee magaalada Minneapolis ku guulayste shaqsigii u horeeye abid oo kasoo jeeda qowmiyada Somaalida, Mudane Abdi Warsame. Dadwaynaha Somaaliyeed ayaa shucuur qiiraysan ka muujiyey doorashadani iyadoo doorashadani iyo guusheedi noqotay hadal haynta ugu badan ee jaaliyadaha Somaalida guud ahaan Waqooyiga America.

Hadaba tan iyo doorashadii Xisbiga Dimuqraadiga ee dhamaadkii bishii April, waxaa isi soo taraaye weeraro taxano ah oo ay garwadeen ka yihiin shaqsiga gursiga demada 6’aad ku fadhiya oo lugu magacaabo Rober Lillegren iyo hor-joogayaal Somaali ah oo isaga u adeega. Weeraradaan ayaa qayb ka ah shirqool balaadhan oo ay ujeedadeedu tahay in mugdi la galiyo libintii ay gaareen 1500 oo Somaali u codeeyey aaya katalinta mustaqbalkoodu iyo in cunaqabateen siyaasadeed la saaro jaaliyada balaaran ee Somaaliyeed.

Weeraradaan ayaa ah kuwa isugu jira been abuur laga been abuuranaayo Somaalida, yasid, aflagado iyo sawiro tilmaan xun oo loogu gafaayo mabaadi’da Islamka iyo dhaqanka Somaalida. Xiligii ay doorashada socotay ayaa gabadh Somaali u shaqayso horjoogaha shirqoolkaan Robert Lilligren oo lagu magacaabo Nimco Ahmed ayaa waxay ku tiri jaraa’idka Star Tribune; “markaan tagey saraha dhaadheer ee Somaalidu degto, haweenay somaali ah baa ii timid oo I waydiisay imisaa bixinaysaa? Waxaan ku iri waxba, dabadeedna waxay I tiri Somaaliga idin kasoo horjeedo lacag buu ina siiyey.” Beentaan foosha xun ayaa ah sheeko uu usoo miin guuriyey horjooge Rober Lilligren si looga dhigo Somaalida caada qaatayaal sarif yar lugu iibsankaro.

“nin daad qaaday xunbo cuskay”

Kadib markii doorashada xisbiga dimuqraadiga looga adkaaday Robert Lilligren ayaa wuxuu dacwad maxkamadeed usoo bandhigay mas’uuliyiinta sar-sare xibiga si xisbiga dimuqraadiga ay kalsoonida ugala laabato musharaxa Somaaliyeed oo ka adkaaday. Dooda uu tiigsanayey ayaa ahayd in Somaalidu si gaar ugasoo horjeeday isaga, maadaama uu yahay xubin sare oo ka tirsanyahay qolada loo yaqaan “Qowmu Luud.”Isla gabadha Somaaliyeed oo u shaqayso Robert Lilligren, Nimco Ahmed oo u marqaati furaysay isaga ayaa maxkamada ka dhex tiri sida lagu daabacay idaacada MPR; “Microfoonka xisbiga uu leeyahay ayaa Robert loogu yeeray Qowmu Luud, ninka raba Qowmu Luudka inuu u codeeyo dhankaan mar, ninka rabo walaalkeen Somaaliga inuu u codeeyo dhanka kale mar.”Gudiga xisbiga dimuqraadiga ayaa dacwada kusoo xiray in doodoodu ay tahay mid khayaali ah islamarkaana looga adkaaday si cadaalad ah.

Shirqoolka Qaybi oo Xukun iyo damac jah wareerin ah

Nimco and LilligrenHorjooge Rober Lilligren oo ay albaabada kasoo xirmeen ayaa la yimid qorshe cusub oo la rabo in lagu kala qaybiyo jaaliyada Somaalida qaab qabaa’il. Qorshahaan oo ah qorshihii gumaystaha islamarkaana ah mid aan Somaalida ku cusbayn ayaa gar wadeen ka ah Somaalida u adeegta Robert. Warbixin ay daabacday Jaraa’idka Star Tribune ayaa lugu sheegay in tartanka doorashada guud lasoo galiyey 4 shaqsi cusub Somaali ah maalintii u dambaysay diwaan galinta, islamarkaana isku beel kasoo jeeda. Robert oo si dadban u qirtay in qorshahani uu soo maleegay ayaa ku yiri jaraa’idka; “Somaali asxaabtay ayaa i tiri hadii aan Somaali tiro badan tartanka soo galino sow adiga kuma siinayso fursad fiican, marka waa dhici kartaa in ayaga ay soo galiyeen.”

Ugu dambayntii, Somaalida Minneapolis waxay maanta haystaan fursad taariikhi ah oo ay ku qoraan taariikh cusub oo guulaysata. Waxaan ka codsanayaa shacabka Somaalida degan magaalada Minneapolis inay ka faa’idaystaan fursadaan qaaliga ayna ka hortagaan qorshaha horjooge Robert Lilligren ayna u hiiliyaan diintooda, dhaqankooda iyo midnimadooda.

Hareed Nur

hareednur@gmail.com

References:

http://www.startribune.com/local/minneapolis/204788551.html

——————

http://minnesota.publicradio.org/display/web/2013/06/03/politics/gay-rights-enters-minneapolis-city-council-seat-race

———–

http://www.startribune.com/local/minneapolis/219709491.html

==========================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Biya la’aanta & habka loo maareeeyo biyaha. W/Q Cismaan Maxamuud Cali

$
0
0

Biya la’aanta & habka loo maareeeyo biyaha
Cisman maxmud cali (gooni)
caligooni_9300@hotmail.com
Agoosto 18 2013

MAQAALBiyuhu waa aasaaska jiritaanka nolosha bani’aadanka, dhirta iyo dhulka, sida meelo badanba loogu sheegay Qur’aanka kariimka ah – meeshii aan biyo laheyn, nolol ma jirto. Faa’idooyinka biyuhu u leeyihiin nolosha adduunyada, oo ah baahi-nololeed aan laga baaqsan karin, ka sokow waxaa kale oo ay sababi karaan qasaarooyin fara badan oo naf iyo maalba leh. Biyaha halkan looga hadlayo waa biyaha-macaan (freshwater), ma aha biyaha badda (seawater).

Dhibaatada dhinaca biyo-la’aanta adduunka oo ah mid maalin walba sii kordheysa ayaa waxaa nasiib darro ah in ay ku badan tahay waddamada soo koraya (developing countries), waddamada ku horumaray dhinaca warshadaha ma aha kuwa ay waqtigan xaadirka ah haysato dhibaatada biyo-yarida, ayada oo ay sabab u tahay xaaladda jawiga cimiladooda, tirada dadkooda oo aanan kor u soconin iyo teknoolajiyada ay gaareen oo xal u noqon karta dhibaatooyinka qaar.

Dunidan aynu ku nool nahay waxay maanta dhibaato biyo-yari heystaa dad lagu qiyaasay in ay la egyihiin laba bilyan oo qof, ayada oo weliba ay tiradaasi sii kordheyso sababo badan owgood, haddii aanan waxba laga qabanin. khilaafka iyo is-maandhaafka ka taagan isticmaaalka biyaha webiyada ay dalal badan wadaagaan, khilaafkaas oo sababi kara dagaal hubeysan oo ka dhex dhaca wadamadaas. Khilaafka ugu weyni wuxuu dhex maraa waddamada kore (upstream) oo ah meesha ay biyuhu ka yimaadaan iyo waddamaha hoose (downstream) oo ah meesha ay biyuhu u socdaan. Isticmaalka tiro badan oo biyo ah iyo wasaqeynta biyaha ayaa ah labo arrimood oo sii holcin kara isfahmi-waaga waddamaha ama gobolada biyahaasi wadaaga.

Baahida biyuhu waxay badatay marka uu kordhay heerka nolosha, tirada dadka iyo dhaqaalaha adduunka. Tirada dadka adduunka ee sii kordheysa ayaa ah mid asal u noqon karta in khilaaf ka dhaco kheyraadka biyaha, waayo marka ay tirada dadku kororto waxaa kordhaya baahida loo qabo biyihii lagu noolaan lahaa, kuwii beeraha lagu waraabsan lahaa, kuwii ay warshaduhu isticmaali lahaayeen, kuwii korontada laga dhalin lahaa iyo kuwii daryeeli lahaa guud ahaan degaanka. Is-afgarawaaga ka dhasha isticmaalka biyaha waxaa meelo badan looga yaqaannaa Dagaalka Buluuga ah.

Warbixino badan oo laga qoray waxyaabaha kalifi kara in dagaal dambe dhaco ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka qarniga soo socda ee 21naad uu noqon doono dagaal ka dhasha isticmaalka biyaha webiyada, haddii aanan xal loo helin, sidan waxaa yiri guddoomiye kuxigeenka Bangiga Adduunka Ismaaciil Seregaldini. Fikraddan waxaa kaloo qaba qaar ka mid ah madaxweynaaasha iyo siyaaasiyiinta caalamka iyo weliba aqoonyahanno fara badan.

Qiimaha Biyaha

Qur’aanka Kariimka ah ayaa Rabbi ku sheegay qiimaha ay biyuhu u leeyihiin dadka, dhulka iyo xoolahaba, iyo guud ahaan nolosha dunida. Wuxuuna Ilaahay yiri dhulku marka uu dhinto oo ay abaari hesho biyo la’aan darteed waxaan ku nooleynaa roob kaasoo manaafacaad u noqda dadka iyo xoolahooda. Biyuhu waxa ay gaareen qiimahooda ugu sarreeya markii uu Rabbi yiri “…waxaannu biyaha ka yeelnay/dhignay shey walba waxa uu ku noolaado…” Suuratu Anbiyaa´, aayadda 30aad. Rabbi aayad kale (Suuratu Nuur, 45) ayuu ku sheegay in noole kasta oo socda dhulka korkiisa laga abuuray biyo. Biyuhu waxa’ay ka midyihiin kheyraadka dabiiciga/rabbaaniga ah (natural resources) ee Ilaahay ku maneystay adduunkan.

Asal ahaanba, biyuhu waxa ay laf-dhabar u yihiin horumarka bulshada iyo dhaqaalaha, tayada nolosha, iyo xasiloonaanta dhaqanka iyo ilbaxnimada, ayada oo ay ilbaxnimooyinkii ugu horeeyey adduunyada ay ka bilowdeen meelo biyo leh oo ay webiyadu maraan. Biyuhu waxa ay qeyb libaax leh ka ciyaareen (welina ka ciyaaraan) warshadeyntii Yurub iyo Ameeriko, mana suurto galeyso maanta in qaran ama dal uu horumar higsado haddii ay jirto biyo yari.

Biyuhu waa badeecad aanan ganacsi geli karin sida shidaalka, waana shey aanan deeq iyo macaawino gelin sida cuntada iyo daawada. Kaalinta iyo muhiimadda ay biyuhu ku leeyihiin nolosha waxay kalifi kartaa in ay adkaato in waddamada ku yaala dhulalka qalalan ee hawada kulul ay gaaraan horumarka bulshada ee dhinaca dhaqaalaha ayada oo ay sabab u tahay kuleylka hawadooda oo xaddidaya helitaanka biyaha ay dhirta iyo dadkuba u baahan yihiin.

Caafimaad ahaan, biyuhu waa nafaqo, la’aantoodna nolosha qofka aadanaha ah ma suuro geli karto, waayo 62% jirka bani’aadanka waa biyo, tani macnaheedu waa qofka uu culeyskiisu la egyahay 50 kiilo, 31 ka mid ah waa biyo. Biyuhu waxay lagama maarmaan u yihiin dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin hab-dhiska qashinsaarka jirka iyo dheelitirka

Isirada dhaliya biya la’aanta

1. Roobkii oo aanan imaanin xiligii uu iman jiray, qasbana in abaar dhacdo (drought). .

2. Tirade dadka o korortah o kentah biyihi la haystay aan kaafin Karin dadka ku so kordhay.

3. Ku-soo-qulqulka magaalooyinka (urbanisation) ayada oo laga soo tagayo miyiga.

4. Jaridda iyo xaalufinta keymaha/dhirta (deforestation) si loo helo dhul-beereed ama dhuxul.

Hababka loo maareeyo biyaha

Sida aan soo tibaaxnay biyuhu waa hal-bowlaha nolosha bini aadamka , inay yaraadaan oo heerkoodii hore ka hoosayaan waxaa sabab u ah hadba sida dadka degaanku ula falgalaan degaankaas , jarida dhirta oo noqotay shay ummada Soomaliyeed caadeystaan waxaa ay horseeday in xadiga roobku hoos u dhoco waayo sidaan wada ogsoonayahay dhirtu wax ay ka qeyb qaadatayaa roobka oo wax ay hawada amase gibisha ( Atmosphere ) ku siidaysa biyo. Biyahaas oo kaalin weyn ka qaatay kordhiyana biyaha hawada sare kujira ee loo yaqaan Biyaha-Uumi baxa ( Water Vapor ) .

Hadaba dhirta oo lajaro wax ay horseedaa in roobku uu yaraado oo uu raago taasoo iyaduna horseeda Abaar (drought) , aafooyinkaas oo dhami waa kuwa teel teel ah oo isdaba jooga isla mar ahaantaasna isku xirin , horseedana biyuhu inay yaraadaan .

Maareynta biyaha waxaan u qeybinaynaa labo qaybood oo kala ah : mid la maareynaayo biyaha roobka oo toos looga faa’ideysanaayo iyo mid ah in la yareeyo waxkasta oo sabab u noqon kara biya la’aanta horseedi karana abaar iyo roob yari .

Soomalia waxaa roobku uu ka da’a labo xili oo kala ah Gu’ iyo Dayr labadaas xili, waxaa ka da’a guud ahaan dhulkaan oo dhan roobab qaarkood horseeda aafo dhimasho iyo waxyeelo leh khasatan degaanada ku teedan webiyada oo intabadan webiyadu ay ku butaacaan . Biyaha roobka oo intooda badan aan laga faa’ideysan sidii loo baahnaa ayaa ka mid ah arimaha mudan in aad loogu baraarugsanaado , waayo waxaa jira hab loo yaqaan “ Water Rain harvesting “ Habka maaraynta iyo kaydinta biyaha roobka oo dunida intooda badan laga isticmaalo aadna looga faa’ideysto , wadankeena waxaa uu leeyahay meelo badan oo waro ah biyuhuna fariistaan una bahan in loo maareeyo habab casri ah si biyaha looga faa’ideysto .

In ladhiso harooyin iyo galo waa weyn oo lagu kaydiyo biyaha roobka aya ah tabaha ugu wanaagsan ee looga faa’ideysan karo biyaha roobka laguna yarayn karo xadiga biya la’aanta geyigeena oo dhan .

Maareynta sheedaha biyaha “ Water shed management “ waa habab ka mid ah hababka looga faa’ideysan karo biyaha roobka waana in la habeeyo meelaha biyaha ka soo rogmadaan si biyuhu ugu soo dhacaan bali weyn baligaas oo biyaha kaydin kara in badan , taas oo dhimi karta xadiga biya la’aanta .

Waxyalaha kale oo aad loogu bahan yahay si biya la’aanta iyo roobka la’aanta loo dhimi waxaa ka mid ah in laga hortago dhamaan falalka lagu naafaynaayo dhirta oo ah tiirka nolosha bini aadamka iyo noolaha oo dhami ku tiirsan yihiin , dhirta oo la jaro keli ah ma keento biya yari balse waxaa kale oo ay horseedaa degaan-doorsoon oo ah in degaanku isu bedelo lama degaan xaalufay. Taya xumida dhir jaridu ay leedahay waa aafo aan marnaba laga soo waaqsan Karin hadaan ilahay u bixin dad howshaan dhabarka u dhigta kana hortaga xaalufinta dhirta .

Mahadsanidiin

Cisman maxmud cali (gooni)

Email: caligooni_9300@hotmail.com

====================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Xaajada Qaloocan intay Xamar ka Qiiqayso. W/Q F Xiirane

$
0
0

Xaajada Qaloocan intay Xamar ka Qiiqayso
F Xiirane
fahiira@gmail.com
Agoosto 18 2013

MAQAALEedaynta lama yaabine waxaan garan waayay sida uu Xildhibaan Cali Khaliif Galayr ku helay Sirta Markaykanka iyo Ingriiska !!! dadka ka shaqeeya sirta iyo doon doonideeda uma dhaqmaan sida dadka caadigaa , sirta waxaa loo adkeeyaa si aad u wayn , waxay dalalka qaarkood u arkaan sirta inay ka muhiim san tahay madaxwaynaha ilaalintiisa , wararka sirta ah waxaa ogaan kara oo kaliya qofka soo tabiyay oo noqon kara sirdoon hal waji leh iyo mid laba wijeele ah gadaalkana qoorta laga jaro marka laga dhamaysto.

Waxaan is waydiiyay Galayr markuu leeyahay ma ahan hadal ay heblaayo tiri ee waa war sugan oo talifoonno la dhagaystay oo ay saraakiil shabaab ah iyo madaxwaynaha ku wada hadleen , yaa ogaysiiyay ? ma wuxuu ahaa qofkii turjumay ee sirdoonka dalalka uu sheegay hadalka la duubay ugu turjumay afkooduu ahaa ? ma isagaa ahaa qofkii gudbiyay ( dhalasho Maraykan ayuu haystaa ) su’aashu waa sidee Cali ku helay warka intaa le’eg ? mise waa shuqulkii siyaasiyeenta qofkii iga horyimaadaba waa Argagixiso iyo inta la doon doonayo ayuu ka mid yahay ?

Waa dhab in sidii loogu han waynaa aysan noqon madaxda haattan joogta xamar , waana dhab inay xildhibaanadu doorteen ogolaadeenna inay xafiiska joogaan , waa dhab inaan shacabka soomaaliyeed sidii ay ka filayeen dawladdooda aysan ugu adeegin , waxaana muuqata inay ku mashquuleen arimaha dibadda oo aan ahayn meesha ay soomaali ka bugto , waa laga yaabaa inay runtahay siduu galayr ku doodayo inay ka leexdeen jidkii saxda ahaa gaar ahaan arimaha jubbooyinka , laakiin waxaa hubaal ah inay Xukaamaddii Galayr R/Wasaaraha ka ahaa qudheedu uqaaday arinta kismaayo jid qaloocsan , Galayr wuxuu garab siiyay Moorgan , C.qaasina wuxuu garab istaagay Hiiraale , laba dagaal ooge waxay dilayeen Soomaali , labada masuulna waxay ahaayeen madax Soomaaliyeed .

Kismaayo gacan soomaali haattan si dhab ah ugu jirto sida xamar inta badan Soomaaliyaba ay shisheeye u maamulaan , laakiin Kismaayo inay sidaas noqoto waxaa sababteeda leh madaxda dawladda xamar fadhida , jabhadihii soomaalida wada ahaa ee u dagaalamay inay kismaayo Alshabaab ka saaraan ayay dawladdu u aragtay inay qaar yihiin kuwo ay shabaab dhaanto , Kismaayo haddii la yiraahdo waa magaalo Soomaaliyeed maxaa Xamaar u diiday inay noqoto Magaalo Soomaali oo dhan ka dhaxaysa.

Inta shisheeye la raali galinayo , inta qabiil laqadarinayo , inta aan reer reer isu haysano, Intay Xaajada Qaloocan Xamar ka Qiiqayso Dalka Soomaaliyeed dayac ka bixi maayo.

F Xiirane
fahiira@gmail.com

=======
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dowladdaay Dukaameysiga daa. W/Q Ahmed A. Ali

$
0
0

Dowladdaay Dukaameysiga daa
Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com
Agoosto 19 2013

Ahmed A Ali

Ahmed A Ali

Ilaahow adaan waxba kaa qarsooneyn. Anigu waxaan arkayaa, Dowladda maanta dalka ka arrimineysa, siiba hoggaankeeda sare in aanay diyaar u ahayn hanashada howlaha loo doortay ama loo igmaday.

Waa mas’uuliyeen xilal culus lagu aaminey loona dhaariyey. Balse hab dhaqankooda, hadaladooda, gudashada waajibkooda, fikradahooda, ficilladooda iyo go’aamadooduba waxay istaweynayaan niman hayya xilal dhalanteeda oon dhab ahayn.

Waxaad mooddaa inay cid kale u daba fidhiyaan jaangoynta iyo meelmarinta arimaha Dalkooda iyo dadkoodaba khuseeya. Markaan rogrogey een si taxadar leh ugu fiirsaday, waxaan ku qiyaasay khibraddooda, aqoontooda maamul dowladnimo, garaadkooda siyaasadeed, garashadooda iyo shaqadooduba inaaney ka korreynin kuray iskasoo uruursaday heerka dugsiyada dhexe ee dalka iyo dibaddaba.

Kuraydaasoo tababar iyo tijjaabo fulintuna u dheertahay ku qaadaneysa xafiisyadii ugu sareeyey talada dalka iyo dowladdaba. Dowladda Dugsiyada Dhexe (DDD) waxaa loogu sii daray awoodii madax dhab ahi lahaan jireen iyo aqoonsi caalami ah.

Shacabka Soomaaliyeed Qurbojoog iyo Qolqoljoogba aad bey ugu diirsadeen waaney soo dhoweeyeen in Dowladdooda la aqoonsado, jiritaankeedana muranka laga saaro. Waxaase ayyaan darro ah in Hoggaanka sare ee DDD aaney karti iyo aqoon ku filan u lahayn siday shacabkooda u daajin lahaayeen beerta xorriyadda caalamka ee lagu sii dhex daayey iyagoo ka maqnaa muddo ku dhow 23 sannadood.

Waa niman loo hanweynaa laguse hungoobey. Waa niman la moodey noqonse waayey. Waxay qabatimeen qaarkood, sida Mudane, Guurguurte inay sidii lo’da funaanaan beer ba’day ama waa hore la gooyey ama dagaaladii sokeeye ku gubatay.

Qosol baa ka soo hadhay, waxaa filanwaa ku ah darajadan dalka u sreysa, aqoonsigan la siiyey, beertan xorriyadda ee gun iyo baar buuxda ee uu mar qudha arkay isagoo dhextaagan, Dowladda Dugsiyada Dhexe xubnaheeda kalena uu ugu yeedhay oy ilaa hadda dhex dayeysanyihiin.

Waxaan qalbigeyga iyo qalinkaygaba ku qirayaa in Dowladda Dugsiyada Dhexe kurayda lagu weheliyyo oyna ku jiraan tiraba laba aan la dafiri Karin dadaalkooda, wax qabadkooda, kartidooda iyo habsami u dhaqankooda.

Dhankasta oo laga eegaba labadan wasiir wey ka korreeyaan kureyda intooda kale. Waxaan ka xusayyaa oo ka mid ah Dr. Marwo Maryam Qaasim Ahmed Wasiirka Waxbarashada, Caafimaadka iyo arrimaha Bulshada.

Waxaanse arkayaa oon shacabka Soomaaliyeed ee nabadda iyo horumarka jecelow idiin sheegayaa in Dr. Maryam iyo wasiirka kale eenan halkan magaciisa idiinku soo gudbin labadaba loo dardaarwalinayo oon filayo in xilka qaadis lagu sameyn doono dhowaan.

Waxaa ayaandarro ah kii kureyda la filayey inuu xakameeyo xumaha, xassarada iyo marba gobol xagxagashada afarta beerta dhex doobyeysa in aanuu kaba rooneyn. Afartu waa Hoggaamiyaha sare Nacweyne, Guurguurte + Ka madaxtooyada Dillaalweyne, Sakkiin + Ka daakhiliga dakharweyne iyo ka gaashaandhigga Qassweyne. Wasiirka kowaad howshiisu afartan ayey u qaybsantahay.

Waxaase kaalintiisii kaga aadaneyd xakameyntooda iyo waajibaad kale oo badanba gabay Danbiweyne, ka baarlamaanka Jawaari. Wuxuu si badheedh ah u difaacaa, falalkooda waxashnimo iyo xadgudubyada qawaaniinta dalka iyo xuquuqda dadka. Difaacani waa qayb ka mid ah ka dukaameysiga Jawaari ee dhiiga shacabka iyo dalka gaar ahaan shacabka iyo Badda Jubbalnd.

Dowladda Dugsiyada Dhexe waxay ku baratamayaan wax la yidhaahdo heshiisyo ay la galaan shirkado gaar loo leeyahay. Dabcan heshiisyo wax tar u leh bulshada dadka iyo dalkaba wey jiraan, lakiin Xaalkoodu taa waa ka duwanyahay waana, saxeexaye adiguna ma saxeexday. Ujeedada u weyn ee laga leeyahy heshiisyadan, waxey tahay ka dukaameysi iyo dano dhaqaale oo gaar ah.

Heshiis la galaa wuxuu u baahanyahay in si cilmi ah baadhis loogu sameeyo. Macluumaad fara badan la uruuriyo. Hay’dda ama xafiiska ay khusaysaa soo sameeyo qoraallo ay ku qeexayyaan baahidooda iyo sida ay wax u doonayaan oo lagu daro astaamaha iyo shuruudaha laga rabo inay yeeshaan shikaradaha heshiiska lala gelayaa. Wada tashi badan laga sameeyo.

Wax tar iyo wax yeello midduu leeyahay la isu miisaamo. Si guud loo soo bandhigo oo loogu tartamo. Maamulgobaleedyada talada wax laga siiyo. Golayaasha dowladda iyo shacabca oo laga ansixiyyo. Waxaadse mooddaa taa badalkeeda in lala kala cararayyo oo danaha gaarka ah laga horaysiinayo ta danta guud’

Waxaa la yidhi: Ruuxu wax kasta oo uu falo, wuxuu u sameeyaa laba sababood, mid dhab ah (oo isaga u qarsoon, marna lala arko) iyo mid uu dadka maqashiiyyo oo dhagaha u roon, waxbase ka jirin. Waxaan arkayyaa in sadexda “D” ee Mudane Xasan Sheekh ku dikriyi jiray, macnaha oo ku sheegay ay ahaayeen kuwo dhagaha u roon, laakiin macnaha dhabta ahi uu isaga u qarsoonyahay.

(Dalka, Dadka & Diinta). In saddexdiisa “D” uu macna habaabinayo Waxaa daliil u ah:

“D” Dadka:

MAQAALHoggaamiyaha Dowladda Dugsiyada Dhexe, wuxuu waaliduul af iyo addin isugu jira ku qaaday illaa iyo haddana ku hayyaa, Dadyowga ku dhaqqan Gobollada Jubbaland, Shabeelada dhexe, Shabeelada Hoose, Puntland iyo Somaliland. Iyadoo ay ahayd inuu darin nabadeed u fidiyo dib u heshiisiinna kusoo wada dabbaalo.

Waxay ahayd inuu wanaagii hore iyo heerkii la soo gaadhay meeshiisii ka sii wado. Wuxuuse gucle orod ugu jiraa inuu nabaddii yarayd ka kala daadiyo. Guurguurte waa Hoggaamiye mathalaya wanaag, oo qosol badan. Hassa yeeshee ficilkiisu ka duwanyahay afkiisa. Waana ficil iyo go’aan nac iyo cuqdadi ka buuxdo.

Dowladdani waxay xumo Dalka iyo dadkaba dhaxalsiisey halkan laguma soo koobi karo. Haday kureydu inuun damiir leeyihiin, oy dalka iyo dadka u damqanayaan, intey Gudoomiye Tarsan oo wax la taaban karo ka qabtey Caasimadda Xamar, u dig iyo dam leynayaan ka daakhiliga iyo gaashaandhiggay dalow dheer ka tuuri lahaayeen.

Labadaba Xilkay ka xayuubin lahaayeen. Dhiigey daadsheen bey kula xisaabtami lahaayeen. Xadhig, dil iyo daldalaad tay mutaystaan bey la beegsan lahaayeen. Hadday wax kale yeeliwaayaan, na dhaafoo meeshaad ka timaadeen ku noqodey odhan lahaayeen. Indhaha shacabkey dadkoodii xasuuqeen bey ka qarin lahaayeen.

Marka laga tago inta amni darro iyo tacaddi aynu wada ognahay loo geystey shacabka soomaaliyeed, mid xabsi ku jira iyo mid xaalku ku xunyahay, mid Jubbaland jooga iyo mid Jowhar iyo Marka ku nool, bal yaabkan iyo amkaaggan DDD ku lug leedahay ee la leeyahay wey ka dukaameysanayeen jidhka hablaha Somaaliyeed eega. halkan ka daawwo.

http://waamonews.com/?p=30013

“D” Dalka:

Inay tahay Dowladda Dugsiyadda Dhexe mid habowsan oo heehaabeysa bal wada shaqayn li’idan iyo is barbaryaacan eega dalka lagu duminayyo.

Wasiir DDD ka tirsan oo Dowlad Dris ah eedaynaya 30.Jun.2013 halkan ka akhriso.

http://www.allbanaadir.com/news.php?readmore=2464

DDD oo dacwad rasmi ah isla Dalkaa ka gudbisey 30.Jun.2013 halkan ka akhriso.

http://www.allbanaadir.com/news.php?readmore=2551

Todoba (7) casho dabadeed Hoggaamiyaha DDD Guurguurte ayaa beeneeyay eedaymihii wasiiradiisa, shaygayna in baadhitaano la wado, ilaa ay soo dhammaadaanna aan cidna la eedyn karin. Isla markaana shaaca ka qaaday in Dalka la eedaynayaa uu yahay Dal ay saaxiib yihiin, xidhiidhkooduna uu marayyo halkii ugu sarraysay. O7.Jul.2013

Marka dadka kiisa weyn ee khibradda leh iyo waxgaradka howsha kaaga horreeyey aan waxba la weydiin, dhaxalkeedu waa tanoo kale oy ka muuqatto bisayl la’aan dhan kastaba taabaneysa, Isbar-bar yaac , is burrin iyo is miidaamin siyaasadeed. halkan ka daawwo.

http://allbanaadir.net/infusions/the_kroax/embed.php?url=398

Waxaan arkayyaa oon aad ula yaabay, Hogaamiyaha DDD oo intuu Kambaala ka soo noqdey, bishaaro ka dhigaya in lagu wareejin doono Dakkada iyo Gagida Dayuuradaha magaalada Kismaayo, Jubbaland.

Miyyaanuu ogeyn in Dakkadan uu ka sheekeynayaa ku taallo dalka uu Hoggaamiyaha ka yahay. Mudane guurguurte wuxuu u baahanyahay dhaqan celin, siyaasad celin, qabyaalad celin, xishood celin iyo caqli celin. Waa inuu ogaado in canaad iyo isu fiirsasho aan wax natiija ah lagu gaadhi Karin, dalkana dani ugu jirin, dadkuna ku sii kala fogaanayaan. Sidaana fursado nabadeed iyo waqti kale oo fara badan oo qaali ahi ku lumayaan

“D” Diinta:

Guurguurte in “D” da uu sheegaa aanay Diinta ahayn waxaad ku xaqiiqsataan;

Wuxuu Xilalkii ka qaaday taliyihii iyo abaanduulihii ciidamada, General Diini iyo General Dhagabadan oo Shabaab meel ay ka galaan la’aayeen, geed walba iyo dhufeys walbana ugu galay.

Waa taliyayaal guulo la taaban karo ka soo hooyey la dagaalanka argagixisada Shabaab ee ka dukaameysta diinta Islaamka.

Taliyayaal Caasimada Dalka ka sifeeyey argagixisada. Taliyayaal dhul badan oo Shabaabku ka talin jireen ka xoreeyey. Taliyayaal ciidamada soomaaliyeed tayadooda iyo tiradoodaba kor u qaaday. Laba General oo geesiyaal ah oo markaan arko isoo xasuusin jirey (AUN) Daljirweyne General Daud Cabdule Xirsi oo magic wanaagsan ku dhex lahaa ciidamada Soomaaliya.

Waxaan baadhitaan ku sameeyey wax qabadka iyo taariikhda ciidan ee labada General ee loo magacaabey xilalka labada ciidan, General Indhaqarsho iyo General Saacid. Waxaan helay iney yihiin geesiyaal taariikh wadaninimo oo lagu xushmeeyo ku dhex leh Ciidamada ay kala hoggaaminayaan.

Waa Geesiyaal Billado ku mutaysytay diffaaca dalka hooyo oon la dafiri kareynin. Waa geesiyaal karti iyo aqoon dheerba u leh xilalka loo magacaabey.

Waxaa hadaba isweydiin mudan, sababta intii uu General Indhoqarsho la wareegay hoggaanka Militariga ay ciidanka soomaaliyeed iyo Argagixisada Shabaab gacan saarka u yeesheen. Sababta geesigii difaaca dadka iyo dalka billadaha ku qaatay uu waaliduulka ugu qaaday Dowlad gobaleedka Jubbaland ee xilku ka saarraa difaaceeda.

Ciidanka Dowladda oo qirtay in ay gacan saar la leeyihiin shabaab.

http://www.allbanaadir.com/news.php?readmore=2585

Waa taliskii Gaashaandhigga oo isdab siyaasadeed ka danbeeyyo. Illaa iyo hadda jawaabta loo hayyaa waxay tahay, in Hoggaamiye Guurguurte uu waqtigiisii, waqtigii DDD iyo kii Taliska ciidankaba ku lumiyey carqaladeynta iyo burburinta Dowlad Goboleedka ka hana qaaday gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Jubbaland State.

Si uu hadafkaa u gaadho waxay ku kaliftey in Dowladiisu gacan saar la yeelato lana shaqayso, hub iyo dhaqaaleba la wadaagto Argagixisada Shabaab. Waxaa iyana laga qaaday xayyiraadii hubka . Wuxuu aad ugu mashquulay inuu aduunyada meelo badan oo ka mid ah ka soo dukaameysto si uu u hubeeyo ciidan dowladeed, maleyshiyaad iyo Shabaab isku jira oo mar labaad ku Waaliduula Jubbaland.

Hoggaamiyaha DDD waxaa xaqiiqo ah, intuu ku mashquulsanaa carqaladeynta Jubbaland uu ammaankii dalku, gaar ahaan Caasimaddu faraha ka baxay. Waxaa fursad wanaagsan helay ururkii Shabaab oo gaadhay in ay maalin walba qaraxyo ka geystaan Caasimadda, Shacabkana ku laayaan.

Waxaa u suurta gashay in ay meelo badan isku uruursadaan ciidamana ka qortaan meel walba iyagoo xataa tababaraya wiilasha d’adoodu tahay 5 jirka. Halkan akhriso / ka adaawwo :

Carruur yar-yar oo ay Shabaab tababarayaan

http://www.allbanaadir.com/news.php?readmore=3256

Isku soo wada duuboo Cabdi Xaajow, waxaan arkayyaa: Dowlad aan madax iyo minjo kala lahayn. Dowlad aan mid-mid dhaamaa ba jirin. Dowlad wada bissad ah. Dadweynaheedoo wada jiir ah. Waxay dilaan oy afka u dhigtaan. Waxay xidhaan iyo waxay kufsadaan.

Ismaaciil Geelloo isku sii wada dirayya. Waa arin shacabka soomaaliyeed ka daadagi kari la’ in Caloolweyne halkuu Kurayda Dowladda Dugsiyada Dhexe, uga caqli celin lahaa, dowga toosan ku hagi lahaa uu dab iyo dabaabado beerta xorriyadda ugu dhex qaybiyo.

Soo macnaheedu ma aha ka dukaansi xasiloonidarrada Soomaaliya. Soo ma aha ka baxa beerta xorriyadda oo sidiinii ordayoo is raamsada. Waxaan arkayyaa Dowlad aan danayneyn kay daryeeli lahayd. Dowlad damaceedu Doolar uun yahay. Dowlad dalka iyo dadkaba dan ay ka leedahay jirin. kii dadaalaba daanka jabineysa oo xilka ka xayuubineysa.

Dowlad dilaalkuun rabta iyo kay ku danaysaneyso. Dowlad dakadaha uun dooni iyo garoon beeso laga dhuro. Dowlad wada dirawal ah iyo dillaalo waaweyn. Dowlad aan macna kaleba lahayn gurubsi lacageed mooyee. Dowlad dayyac tir u baahan oo dab madaxa ka rabta.

Diyaar noqo haatan cirrow waan ku dirayaaye. Adigaa dareemay dabacsanaan dawladnimo eh. Adigaa ka dhiidhiyey darxumada taala dalkaaga eh. Adigaa diyyaar u ah difaaca dumarka lagu daneysanayaaye. Adigaan dooneynin in laga wada dukaameysto dhammaantoode.

Adigaa maamulka ku fogaadey iyo mareynta guude. Adigaa geesiya oon baqine. Caasimaddii Xamar, dadka tii u dhaxaysay orodoo ka dag. Caqli baa kaa buuxoo waan ogsoonahay. Lagaa maarmi maayee, camal xumada yarna yaan lagaa garan. Hoggamiyaha Dowladda Dugsiyada Dhexe waxaad tidhaahdaa:

Jaalayaal qurbo joogaan tusmo kaaga sidaa dheh. Ku jikkaari meynee, Jubbaland ku soo dhawow dheh.

Dulmina kaa yeeli meynee daacadnimo la kaalay dheh. Dani ma inoogu wada jirtaa oo ma is dugsannaa dheh.

Jaajuus nimaan ahayn Xamar kula joogimaayo dheh. Hoggamiyaha Dowlada Dugsiga dhexe jooji xumahaad wadddo dheh. Talada dalka ciidan iyo cudud kumaad imaan dheh. Qaramada midoobaad kaga qaylisiisey, oo waaba la isku haystaa wixii Hoggaamiyaha kaa dhigay dheh.

Ismaaciil Geele hiilwalaal kama ahee, hollinta Jubbaland, Jabouti ha deyso weerarada dhankeeda dheh. weedhaha colaadda iyo waaliduulka labadaba daaya dheh. Rag walaalow wuxuu ku dhaamo, horaa loo waayey dheh. Ha lagaa helo adiguna waayimeyside dheh.

Jicsinkii horaad wada laacdeen, jawaannadii buuxi jirey dheh. Haddana Dakadda iyo Groonkaad u soo miliqsanaysaan dheh. Jawaabtii Maanweyne Xildhibaan Xiddig hadaad ku joogi lahaydeen,

Jugtani may dhacdeen, jabkan iyo halaagu dheh.

Is jii-jiidku ma fiicna muranka iyo jujuubku dheh. Jahawareerka dhaaf, dastuurka ku joog, docodoceyntana ka dhaafa dheh. Haddad jamato xaqiiqdana, Juquraafigaa lagu noqdaa, jabtarro horoo jiray dheh.

Kuwa aad jideyni jeex kamay le’gee, aqoonso tani waa Jubbaland state dheh. Jaahiisu nuuryow Madoobe iyo Jeneraal Fartaag baa hoggaminaya dheh. Annagaa dabajoognoo kalsooni bey naga haystaan dheh. Dood iyo dagaal, colaad iyo nabad, wada xaajood iyo dib u heshiis intaba diyaar bey kuula yihiin dheh. Jubbaland ha jabin, ha dhicin, jiroo joog oo jiilkaa la dheel dheh. Annagana aamiinta ducada iyo alla bariga naga hooyoo,

Dowladdaay Dalka, Dadka & Diinta Dukaameysiga ka daaya dheh

Mahadsanidin;

Ahmed A. Ali

ahmedqadhabo@gmail.com

=======

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Soo Sagaaro ima Barato? W/Q Aadam Zaki

$
0
0

Soo Sagaaro ima Barato ?
Aadam Zaki
Aadan17@hotmail.com
Agoosto 19 2013

maqaalHaddaan nahay soomaali waxaa nalagu saliday salfudaday iyo qoys jacayl , inteenna badan waxaan u aragnaa cadaw qosyka soomaaliga nala ah ee dariska aan ku nahay deegaanka iyo daaqsinta , danteenna waxaan ka dhex baar baarnaa xafiisyada ay leeyihiin dawladaha shisheeye ee loo samaystay in hayin aan haraanti aqoon looga dhigo dadkawga Afrika ee aan ka midka nahay , waxaan danta guud ka jecel nahay midda gaarka ah ee maalin joogga u badan .

Diga rogashada iyo is bad badalka siyaasiinta Soomaalida waxay nala noqotay wax caadi ah oo aan waxba la iska waydiin , kii shalay qoryaha nagu raray ee reer hebel hal ha ka reebina na lahaa ayaa maalmo kadib wasiir ama maareeye ka noqda maamul beeleed ay leeyihiin reerkuu nagu hubaynayay layntooda , dilka aan qiilka lahayn , duullaanada ay dadkale ka fiidayaan , iyo colaad aan la ogayan ujeedkeeda ayaa naga reebay asaageen .

Lama xisaabtanno kumana qiimayno qofka taariikhdiisa , wuxuu galay iyo wuxuu gubay midna ma eegno ee waxaan dhawrnaa reerka uu yahay , hadba halkuu dantiisa moodo ayuu noo diraa anaguna waan iska daba gablaynaa , dagaal maahne maalinna danguud noogama waramin , reer hebel siday wax u noqdaan ayaan kumanaan wiil u waynaa habayn iyo dharaar , dugsi wax barasho iyo xarun daryeel duni aan ku heli lahayn ayaan ka dooranaa reer hebel yaysan dameer ay biyaha ku dhaansadaan helin .

Waxaan si dhaga nugayl ah u dhagaysannaa hadalada suntan ah ee kasoo baxaya Siyaasiyiin ay quluubtooda madoobaatay , dhagaheennu maysan baran danta guud ee waxaan daacad u nahay habaar qabe aan dan noohayn , mid jini latag ah oo ubadkiisii dunida dagan ay wax uga bartaan ayaan qoriga u sidnaa u dhimanaynaa inuu dhan dhanaaan helo anagana dhaawaceena cid dhugataa ma jirto , dhimanaye maxaan u dhimanay yaan ka dhimanay ?

Bal malee adigoo heli lahaa 10000 $ haddii aad ka doorato reer hebel yaysan 100 $ oo kaliya helin , kaba sii darane bal ka waran hadaad taadii iyo tii reerka aad xididka iyo xigtada tihiin aad u dayacdo dhurwaayo dhar xiran , kaaga sii darane aad qosol iyo farxad la dhacdo adigoo ku faraxsan siday u qadeen caduurtaada abtiyaashood, xasidnimada aan u qaadnay qoysaska kale ayaan ku ilownaa tii qaranka , dalkii wuxuu noqday janada hay’adaha musuq maasuga iyo Jahanamada Shacabka Soomaaliyeed .

Taloow soo Siyaasiinteenna ma barano

Aragtida Aadam Zaki
Aadan17@hotmail.com

=======
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Labadeenuba Waa Inaan Kawada Shaqeyno Danaha Puntland “Anigoo Oday ah Iyo Adigoo Madaxweyne ah. W/Q Jeneraal Cadde Muuse

$
0
0

Labadeenuba Waa Inaan Kawada Shaqeyno Danaha Puntland “Anigoo Oday ah Iyo Adigoo Madaxweyne ah
Generaal Cadde Muuse
Agoosto 20 2013

 

MAQAALWaxaan ugu horrayn salaan diirran iyo boogaadin u soo jeedinayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland oo isugu jira isimo, nabaddoono, aqoonyahanno, culimaa’idiin, ganacsato, haween iyo dhalinyaro iyo guud ahaan xubnaha bulshada rayadka ah.

Sida lala wada socdo Puntland waa 15 sano jirsatey, muddadaas guulo iyo magac waa la soo hoyey, iyadoo dhanka kalena ay mararka qaarkood cillado iyo xiisad Jireen.

Marar badan waxaa reer puntland soo wajahay xiisado,fakrado kala duwan iyo is afgaran-waa, hayeeshee dhibaato kasta oo soo gudboonaata waxaa lagu xallin jirey laguna maarayn jirey nabadayn iyo wada-hadal,taasoo muujinaysa dhaqanka soo jireenka ah ee ay reer puntland u leeyihiin maaraynta xiisadaha.

Arrintaani waxay puntland u soo jiiddey magac iyo xurmo ay soomaali oo idili u hayso.

Dhaqanka iyo xikmadda reer puntland waxay suurta- gelisey sugidda midnimada,wadajirka iyo is walaalaysiga  dhammaan beelaha reer puntland.

Sidaa darteed, waxaa laga ma maarmaan ah in la sii xoojiyo, si dhab ahna loogu tafa-xeyto nabadaynta iyo degganaanshaha, taasoo ah tiirka iyo tiginka horumarka iyo wax-ahaanshaha reer puntiland.

Puntland waxay maraysaa xaalad xasaassi ah iyadoo ay so fool leeyihiin doorashooyin looga gol leeyahay helitaanka iyo dib-u-astaynta hannaan horseeda horumar siyaasadeed, dhaqaale,bulsho,iyo amni.

Sidaas daraaddeed, waxaa loo baahan yahay in loo soo wada jeesto lagana wada shaqeeyo, dawlad iyo shacbiba sidii loo abuuri lahaa jawi fayow oo lagu meelmariyo doorashooyin xor ah iyo nidaam maamul oo ballan qaadi kara xaqiijinta himilada dadweynaha.

Arrintaan waxaa looga fadhiyaa maamulka, isimada, aqoon-yahannada, iyo guud ahaan bulshada reer puntland.

Sidaa darteed,waxaan ku baaqayaa in laga wada hawlgalo oo aan loo kala harin  hirgelinta doorashooyinka si ay natiijadu u noqoto mid lagu wada kalsoon yahay oo la wada garabgalo.

Sida la wada ogsoon yahay isimada reer  puntland waxay shir wada-tashi ugu ballansan yihiin magaalada Qardho 15.10. 2013, haddaba waxaan rajeynayaa isimadana ugu baaqayaa inay mudnaanta siiyaan arrimaha dib u heshiisiinta, si ay meesha uga baxaan wixii khilaaf iyo is-afgarn-waa ah ee saamayn kara midnimada bulshada puntland.

Madaxweyne Faroole Iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Generaal Cadde Muuse,

Madaxweynihii hore ee Puntland Generaal Cadde Muuse,

Maalmahaan dambe waxaa soo if-baxayey in gaadiid lagu dhaco waxyeelana loogu geysto jidka laamiga ah ee Boosaaso iyo Qardho  isku xira taasoo  ififaalo xun u ah nabadgelyada, isla markaana bulshada ku abuuraysa dareen iyo cabsi gelin, waxaan maamulka u soo jeedinayaa in falalkaas laga hortago, ciddii geysatana gacan adag lagu qabto iyadoo bulshadana looga fadhiyo inay arrintaas gacan buuxda ka geysato.

Beelaha Degaanka Qardho  waxaan kula dardaarmayaa inay si wada jir ah uga shaqeeyaan xoojinta amniga iyo wax kasta oo dhibaato iyo iin nabadgelyada ku ah.

Waxay ku jirtaa inaan kelimad ku iraahdo Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole: anigu waxaan ahay oday ku hawlan,si joogto ahna uga shaqeeya midaynta iyo nabadaynta reer puntland, arrintaas ujeeddo iyo dano ii gaar ah ka ma lihi waxaanse u arkaa inay tahay mas’uuliyad iyo xil bulshada puntland iga saaran.

Cabdiraxmaan Sh Maxamed  waxaad tahay Madaxweynaha puntland, waxaa xil kaa saaran yahay mas,uuliyadduna ay ku  faraysaa inaad bulshada si daacad iyo caddaalad ah u daadihisid kana shaqaysid midaynta iyo walaaltinnimada dhammaan reer puntland.

Waxaa ila habboon in aan labadeennuba ka wada shaqayno danaha puntland, anigoo oday ah iyo adigoo madaxweyne ah.

Waxaan, bulshada caalamka iyo qaybaha kale ee Soomaaliya xusuusinaynaa in reer Puntland ay arrimahooda wada-tashi iyo is-afgarad ku xallin karaan,maarayntoodana ay ehel u yihiin, iyadoo isla markaana la soo dhoweynayo wixii gacan iyo kaalmo ah oo danaha Puntland ka turjumaya.

Ugu dambayn waxaan rajeynayaa,Eebbana ka  baryayaa inay puntland nabad iyo horumar ku waarto.

Gen. Cadde Muuse Xirsi
19.8.2013

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

 

____________________

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Ceel Cadde Iyo Sheekh Roobka!!! W/Q F Hiirane

$
0
0

Ceel Cadde Iyo Sheekh Roobka!!!
F  Hiirane
fahiira@gmail.com
Agoosto 21 2013

maqaalWadaad xume kitaab gaabloow ah , oo aan diinta wax ka aqoon laakiin cimaamad tusbax dheer oo madow iyo khamiis dufan badan xiran ayaa bartamaha 1980ka wuxuu noo keenay dacwad uu ka waday Sheekh Buuni ku ahaa Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ,oo markaas soo dagay Magaalo markaas tuulo ahayd oo laga xukumay Garbahaareey , waa ceel caddee , wadaad xumahaas wuxuu noo ahaa nin aan laga daba hadlin oo kacaanka iyo afkaartiisa daacad u ah , waxaana laga jeclaa xarumaha dawlada bacdamaa uu wax waliba oo ay askartu doonayaan uu xaashiyo wax ku qoranaayeen u rogo asuu ku sheegay kitaab.

Waxaan ahaa askari darajadiisu hoosayso, gaardiska waxaa ii dheeraa dugsi quraankii aan ka qalin jabiyay dhawr sano ka hor intaan galin ciidanka qalabka sida ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya , waxaan ka mid noqday dadkii lagu bilaabay qorista iyo akhrinta Farta Soomaaliga , Ololihii la dagaalanka wax qoris la’aanta ayaan kororsaday Qorista iyo akhrinta Afkeenna , laakiin maysan jirin buugaag badan oo lagu qoray afkeena sidoo kale hal joornaal oo ay askartu dadka ku haasaawin jireena nama soo gaari jirin dhaqaale iyo waxay noqotaba .

Markii Sheekh Xassan Daahir Xabsiga la dhigay waxaan ka mid ahaa askartii ilaalada ka ahayd xabsiga uu ku xirnaa Sheekha, la sheekaysigiisa waxaa ka faa iiday micnaha qaybo badan oo Qur’aanka ah iyo dalacsiin la’aan dhanka askarinimo , waxaan bilaabay oo aan ilaa haattan wadaa inaan tukado Salaadaha 5 ta ah hadba siday igu qabato, taliyahagii Mad Yuusuf oo markaas ahaa Kacaan ay seeftiisu banaanka tahay ayaa damcay inuu gudaha i dhigo bacdamaa ay waysadaydu badatay , laakiin waxaa arintaas been yiri ku dhaqankeenna xun ee qabiilka , caradii uu ii qabay ayuu Mad Yuusuf igu qoray badal uu hor kacayay oo Tiyeegloow loo waday .

Muddo aan dheerayn markuu Mad Yuusuf ka ruqsaystay Ciidanka Xoogga ayaa la ii badalay Garbahaareey, bil Ramadaan bartankeed ayaan ka mid noqday unug loo diray Ceel Cadde soona xira Sheekha uu kasoo war sheekooday Wadaad xumaha waddanka laga jeclaa maalintaas , goor casar liiq ah ayaan gaarnay Tuuladii , aniga iyo Muxyadiin Yalaxoow ma ahane Ragga aan la socday waxay dhuuqayeen Sigaar la oran jiray Galayr oo lagu samayn jiray warshadda kaliya ee aan ku bur birin gacan soomaali , 1993 dii ayay UNISOM gantaaladdii ay la dhaceen ku bas beeshay .

Taliye unugeedkii na watay ayaa Amar nagu siiyay aniga Iyo Muxyadiin bacdamaa aan tukano inaan warka sheekhaas u kuur galno anagoo xiran dhar shacab , intaanan sheekha dacwaddu ka timid aanan aadin ayaan dhex marnay tuulada oo dadkeedu iskaba yaraa, waxaan u kuur galnay arinta , la yaabka ugu wayn wuxuu ahaa markay dadkaan la kulanay isku raaceen siduu sheekhaan tuuladaa u yimidba in roobkiiba la waayay , oo sheekhu ma roobka ayuu maamulaa , mayee waa bidci sacuudiga laga soo diray , halkaas markay marayso ayaa maankayga waxaa qalow kusoo yiri Sheekh Xassan Daahir oo aan uga imid xabsiga dhexe ee Muqdisho .

3 kamid ah 4 kitaab oo aan ku arkay qolkuu ku xirnaa ayaan xasuustay magacoodii , Saxiixul Bukhaari , Fiqi Sunnah , Fadxul Majiid iyo mid aan iloobay, waxaana looga yaqiinay xabsiga Kitaabada Suciidiga, Ragga Hanti wadaagga cilmiga ku dhisan aaminay waxay u arkayeen halis ay tahay in laga hortago , goor casar gaab ah ayaan u tagnay wadaadkii kitaab gaablooga ahaa , wuu nasoo dhaweeyay wuxuuna isku dayay inuu na marti sooro , laakiin Muxyadiin ayaa yiri sheekh waan soomanahay , markaasuu yiri Musaafur baad tihiine iska afura , waxaan iri sanadkoo dhan sidaan ayaa shaqa noo aha markaa mar aan daganahay ma jirtee bal noo waran .

Intuu hareeraha iska eegay sidii foodleey mid kale xanteeda maagan hadalkiina hoos u dhigay ayuu yiri waxaa tuulada soo dagay wadaad bidci ah oo sucuudiga lacag laga soo siiyay , Muxyadiin ayaa yiri , ma Sucuudiguu ka yimid , wuxuu yiri haa oo asagaaba ii sheegay , ninkaas hadaan tuulada laga qaban si deg deg ah fidnaa ka dilaacaysa , maxaa ka mid ah ayuu yiri Muxyadiin , wadaadkii ayaa yiri , horta siduu u yimid roob ma imaan , dumarkiina gabdho unbay dhalayaan , dadkana wuxuu ku wacdiyaa , siyaarada qabuuraha waa xaaraan awliyada in la baryo waa shirki iyo shuqul shaydaan .

Amar xagga Muxyadiin ah ayaan arinta u kaadinay oo wuxuu ku taliyay in baaristeeda la badiyo , waxaan fiidkii u tagtay dhowr nin oo aan magacyadooda ka xasuusto , Rafle (Matooraka ninka u shida Tuulada ) , Xassan (ama Xuseen) Gacameey , iyo nin aan magaciisa iloobay oo nalagu yiri wuxuu la dhashay Sheekh Aadan Sheekh C/llaahi , wadaadkii Tafsiirka ka marin jiray Reediyoow Muqdisho Allaha u naxariisto sheekh Aadan. Markaan xoogaa la joognay ayaa waxaan bilownay si doqoni ma garatay ah inaan uga waraysano sheekhan laga cabanayo , waxay noo sheegeen war kii Wadaad xumaha ka duwan , laakiin mataan la ah oo ah inaysan ku farxin imaan shihiisa Ceel Cadde , waxay u badiyeen inuu ninkaan yahay Kacaan diid ayna tahay in Gudaha la dhigo .

Galabkii danbe ayaan u nimid nin oday ah oo la yiraahdo Sheekh Ibraahim kana mid ahaa wax-garadka degmada ceel cadde laga xurmeeyo , waraysiganagii ayaan u dhignay sidaan doonaynay , Sheekh Ibraahim wuxuu na siiyay war kuwii horaba ka duwan , waxaan ka xusuustaa erayadiisii Sheekh Xassan Dheere wuxuu yimid gurigiisii wuxuuna ka yimid Galgaduud iyo guri colaadeed, Ceel Cadana nasiib ayay leedahay haduuba ka doortay inta kale dhulka oo maanta uu degaan u doortay cilmi iyo caqli aysan aduun ku bixin ayaa u yimid .

Muxyadiin Yalaxoow oo ka mid ahaa raggii lagu aas aasay ciidanka nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa wuxuu diyaariyay warbixin dhinacyadii aan la kulanay oo dhan midkoodna ka tagin wuxuuna kusoo gunaaday galab aan Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Boqortooyada Ingiriiska kusoo dhagaysanay Guriga uu markaas ka daganaa Sheekh Xassan Dheere Tuulada Ceel Cadde , Laama yeeri guduudan guri ka samaysan ayaan hoos galabeedkiisa kusoo cabnay shaah baraad oo aan ku dhagaysanay warkii galabtaas raadiyuhu siidaayay.

F Hiirane

fahiira@gmail.com

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Viewing all 410 articles
Browse latest View live