Quantcast
Channel: Opinion – RBC Radio
Viewing all 410 articles
Browse latest View live

Sidee Madaxweynuhu ku hanan karaa qalbiga shacabka Somaliyeed?. W/Q Saciid Aadam

$
0
0

Sidee Madaxweynugu ku hanan karaa qalbiga shacabka Somaliyeed?.
Said Adam
Said.adams@gmail.com
Maarso 16 2013

Said Adam

Waxaad moddaa in badan oo olole u soo gashay in laga gudbo , marxalada lagu jirey ee kumeel gaark aheyd , ay bilaabeen dib ugurasho, ma waxay olole ugu jireen dad gaar ah oo iyagu wateen, mise waxay arkeen saan-saanka Dowladu cusubi leedahaay, taas oo shaki badan gelisey in aaney karti u laheyn wadanka hogaamintiisa.Doorashadii baarlamanka , Madaxweynaha iyo Ra`iisalwasaaraha, waxay gelisey Somalida inteeda badan yididiilo cusub , taas oo ay rabeen in laga gudbo ku meel gaarkii oo loo gudbo dowlad rasmi ah.Hase yeeshee sida wax u muuqdaan ma aha mid dhiirigelinta dad shacabka ah, waxaa bilowday in dowlada iyo shacabkii gobolada kala xuubsiibanayaa, in kalsoonida loo qabay maalintii la doortey iyo maanta uu isbedel badan ku dhacay, sababbahaas oo dhan waxay u baahan yihiin in la lafaguro sidii xal loogu gaari lahaa.

Waa suuragal in lagu dhaliilo in shacabka Somalidu in aanay dul qaad laheyn , dhaliilaha ay dowlada ay u soo jeedinayaana ay yihiin kuwo aan la garowsan karin. Taa macnaheedu waxay tahay, in shacabka maanta jooga intooda badani makhraati ka ahaayeen isbedelkii Dowladihii ku meel gaarka ahaa, oo caan ku ahaa isqabqabsiga iyo maamul xumo gaabis ah.

Maxaa looga baahan hogaanka sare ee dalka hogaamiya, ma ahi khabiir xog-ogaal u ah shaqo qeybsiga dowlada, iyo xiriirka wada shaeqeyn ee ka dhexeeya saddex madax ee dowlada ugu sareeya. Lakiin waxaan dareemayaa in xiriirka ka dhexeeya Madaxweynaha ,Wasiirka kowaad,iyo Goddomiyaha baarlamanku, inuusan sahal aheyn si dad badani u arkaan, ama siduu Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay. Inta badan dhaliilaha loo soo jeediyo Dowlada ,waxay ku dhacaan Madaxweye Hassan Sheekh Mohamhed , taas oo aan sabab uga dhigi karo, socodka iyo kulamada kala duwan ee wadanka baanaankiisa ku tegey, iyo ka qey qaadashada doodaha. Waxaa qabaa in dhaliilasha jirta uu Ra`iisal Wasaaruhu masuul ka yahay. Ma qabo in madaxweynuhu dhaliilahaa xaq loogu leehahay keligii ,Taas macnaheedu maaha, in Madaxweynuhu dhaliil laheyn, laakin waxaan u fahmay in ay tahay fariintaa la gaarsiiyo , Wasiirka kowaad , iyo Gudoomiyaha baarlamka.

Madaxweynaha iyo dowladiisu waxay hayaan hami sare oo wadan lagu hogaamin karo, su`aasha ugu horeysa ee Maamulka laga doonayaa in ay is weydiiyaan, waxay tahay ma yahay wadankani mid lagu hogaamin karo hamiga noocan ah. Waxaad moodaa in Madaxweyne Hassan Sheekh iyo la taliyaashiisu indha kale ku arkaan marxalada dalku ku sugan yahay, hadii aan labo tusaale idiin xusuusiyo. Magacaabistii dowlada waxaa Madaxweyne Hassan Sheekh iyo Ra`iisal waasaare Saacid hadaladooda ka mid ah , in aan loo baahneyn wasiiro badan laakiin loo baahany yahay wasiiro tayo, taas run ah. Wasiiro tayo leh, waxay wax ka qaban karaa wadan hayadihiisu shaqeynayaan,wasiirada maanta la doortay, waxaaa carqabad ku noqoneysa in ay ku guuleystaan dhisid waasarad keliya, sababta ooah, ma wasiiradu wasiiro dowlad hore oo shaqeyneysey ka imaaday, shaqaalaha joogana ma aha kuwo xirfad u leh shaqadooda. Sidaa awgeed doodaasi ma laha mid sal leh.Sidaas oo kale ayaa madaxwenye Xasaan Sheekh diidey inuu faragelin ku sameeyo, weriye ku xiraa Muqadishu, waa run sida madaxweynu sheegay in la ixtiraamo cadaalada, laakiin waa goorma, waa marka saddexdii rukun ee cadaaladu ay shaqeynayaan.

Waa adagtahay inuu Madaxweynuhu inuu wadanka wada gaaro,waxaad mooda marka laga reebo maalmihii ugu danbeeyey in safarka dowladu uusan dhaafsaneyn Bay iyo gobolada dhexe, ma aha mid ay ka madax banaan yihiin eedaas, garoowshiyeedana waa laga sugaayaa.Maadama Dowladu ay ku adag tahay in wada gaari karin, waxaa la gudboon inuu madaxweynuhu wax ka bedelo xiriirka uu shacabka la leeyahay.

Waxaa mudnaa in dowladu gacan ka siiso maamul goboleedka cusub, sidaa oo kalena wada shaqeyn joogta la yeelato kuwii jirey , iyadoo loo eegin koox- A ama Koob-B, sidaas oo kalena dar dar geliso kuwa u baahan sidii ay maamul sameyn lahayeen. Waxa arintaa hareysan maamul u sameynta Jubbaland iyo Gedo,taas oo dowladu si wada jir ah ugu guuldareysanatay dhillilo badana muujisey inay aanay metali karin awooda loo doortey. Laakin ay weli haystaan fursad ay ku saxaan isfaham darida ka dhex aloosan Dowlada iyo shacabka,waxaa maaumulada cusub iyo kuwa jira looga baahan yahay debacsaan dhinacyada wadashqeynta dowlada dhexe iyo shacab ay metalaan, iyadoo talaabada ugu horeysa iyo tan ugu danbeysabab laga rabo in dowladau ku dhaqaaqdo.

Waa lama huraan inuu helo lataliye xirfad u leh sidii dadka soomalida loo gaarsiin lahaa hindisaha dowlada,sababta oo ah habka wax loogu gudbiyo shacabka Somaliya,waa ka duwan tahay sida kuwa reer galbeedka ama Mareykanka wax loogu gudbiyo, hadii lataliyaashu ay isbarbar dhig noocaan sameeyeen, waxaa dalow ka dhacaysa in la isku soo dhaweeyo dowlada iyo shacabka ay xukunto. Waxaa aa ii muuqata in haddii uusan Madaxweynaha iyo Ra`isal waasuruhu aanay socod ku gaareen dalka, waa inay hadal ku gaaraan, taasi waxay fududeyneysaa inuu dowlada iyo shacabku isku soo dhawaado, dibna loo abuuro in ay helaan kalsoonida shacabka , taas oo aanay marna ka maarmi karin. Waxay haystaan aalado ay fariinta ugu lalin karaa shacabka, sida idaacada la is arko iyo tan la iska maqlo bishiiba ama saddex billoodkiiba mar.

Waxaa qabaa hadii taa laga helo dowlada in tuhun badan oo ku jirey dhinaca shacabka uu meesha ka baxayo.

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Talo ku socota Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. W/Q Dr. Jama A Yasin

$
0
0

Talo ku socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Dr. Jama A Yasin
Jama.yasin1010@gmail.com
Maarso 17 2013

Mudane Madaxweyne waxaan rabaa in aan kuusoo jeediyo talo anigoo jeclaan lahaan in aad iga qaadatid taasoo ku anfacaysa aakhiro iyo adduunba hadba sidaad u qaadato ama ugu dhaqanto.

Madaxweyne xasuuso in lagugu doortay Dastuurka oo aad weliba ku dhaaratay magaca ilaahay iyo kitaabka qur’aanka kariimka ah oo aad gacanta saartay iyo in aad ku dhaqmaysid adiga oo og in uu federal yahay, waxaad kaloo ku dhaaratay in aad dadka soomaaliyeed u caddaalad samaynaysid.

Waxay ahayd in aadan imaan oo aadan u tartamin kuna dhaaran haddii aadan raalli ka ahayn ama aadan aaminsanayn in aad ku shaqaysid. Waxaad ogaataa sida aad ku timid in aanay ahayn xoog, inqilaab millatary iyo qori caaraddiis sidii dowladdii Maxamed Siyaad Barre Alle-ha’unaxariistee. Waxaad ogaataa dadka kusoo doortay in aanay kugu soo dooran qabiil, qoys, saaxiib, aqoon gaar ah ama qofeed, rabitaan, jacayl shakhsi ah iyo nin jeclaysi balse lagugu soo doortay oo keliya Tanaasul sababtoo ah dadkani ma’ahayn qabiilkaaga oo keliya balse waxay ka koobnaayeen qabaa’ilka soomaalida oo dhan oo ay weliba ku jiraan kuwii aad dagaallanteen qabiilkaaga oo aad qof ahaan iyo qabiil ahaanba uga mid ahayd.

Dadkaasi waxa ay garowsadeen in aanay suurto gal ahayn in qabaa’ilka soomaalida oo dhammi aanay madaxweyne wada heli Karin taa bedelkeedana loo baahan yahay in laysu tanaasulo oo lakala roonaado mar haddii aanay dhacayn in madaxweyneyaal badan lasameeyo dastuurkuna noqdo waxa u dhexeeya dadka ama qabaa’ilka, caalamkuna markhaati iyo garsoore uga noqdo uguna ilaaliyo sida loogu dhaqmayo, cidda ku dhaqmaysa iyo cidda aan ku dhaqmayn intaba siqarannimadii soomaaliya loohelo una soo noqoto haddii aad ogtahay iyo haddii aadan ogaynba waana taas talaysku doortay, laysku aaminay oo laysugu tanaasusalay xilkana laysugu dhiibay. Mana ay dhacdeen haddii aan sidaa layeelin in soomaali isutimaaddo oo ay dawlad dhisato adna aad madaxweyne u noqoto.

Marka xasuuso oo dib u eeg sida aad ku timid iyo in innaga oo dhan dusha la’inaga wada ilaalinayo gaar ahaan adiga iyo inta mas’uuliyadda haysa oo aad ugu horraysid, waxkasta oo xumaadana aad mas’uuliyaddeeda qaadaysid maddaama aad tahay mas’uulkii ugu sarreeyey waddanka taa bedelkeedana waxii hagaaga aad magaceeda qaadanaysid.

Waxaad kaloo ogaataa haddii aad qodob dastuuri ah ka hortimaaddid sida maamul goboleeddada iyo waxii lamid ah, ogow kuuma hirgalayso, caalamka iyo dadkii wax isku darsadayna kaamayeelayaan haddii taasi dhacdana waxaad luminaysaa fursad qaali ah oo soomartay dadka soomaaliyeed iyo adigaba maanta iyadoo dhici karto in codkii iyo kalsoonidii markii hore lagu siiyey dib lagaala noqdo oo dadkii kusoo doortay markii horeba sida fudud codka kuu siiyey ay haddana dhici karto in ay sidii oo kale kuu qaadaan codka kalsoonida in lagaala laabto (Vote of Confidence), iyaga oo cuskanaya dastuurka ladhigtay maaddaama aad jebisay dastuurkii iyo waxii lagu heshiiyey ee laysku aaminay caalamkuna goob-joogga iyo markhaatiga ka ahaa sidaasna aad ku dhacdid waana sharci iyo qodob dastuuri ah, kaddibna qof kale ladoorto ama ay adkaataba si ay mardambe ku dhacdo ama ku hirgasho ama laysugu yimaaddo amaba laysu aamino waana sharci dastuuri in sidaas layeelikaro, halkaasna ay ku baaba’aan waxii yaraa ee caalamku inoo sameeyey mardambena soomaali isu imaan waydo illeen waa lahubaa oo soomaali isuma imaan waxna masaysan ee caalamka ayaa wax inoo sameeyay kaddibna qarannimadii soomaaliya halis sidaas ku gasho, taas oo aad adigu qaadaysid waxii ka yimaadda mas’uuliyaddeeda aakhiro iyo adduunba ka madaxweyne ahaan sidaana sharaftaadii, karaamadaadii, sumcaddaadii, shakhsiyaddaadii qof ahaaneed iyo mustaqbalkaagii siyaasadeedba oo ceeb, meelxun iyo mugdi ku danbeeya aakhirana cadaam iyo guud ahaan cidhib la’aan adduun iyo mid aakhirobo iyo weliba mustaqbalkaaga dhow iyo kan dheerba mugdi iyo magic xumo taas oo aan ilaahay kaaga baryayo in aadan noqon mid ku kasbada intaas oo dhan mas’uuliyadda aad qaadday. Maxaad kaga badbaadaysaa intaas oo dhan:

Bal eeg hareerahaaga, yaajooga, yaakula taliya, maxay yihiin, ma hal reerbaa, meeye kuwii kale, sifiican u eeg talada lagu siinayo iyo kuwa ku siinaya, ma dad dhexdhexaada baa mise waa dad hal dhinac ah, aad uga feker arrimahaas aan kuu sheegay, adiga ayaa madaxweyne ah, ee iyagu maaha madaxweyne xilna masaarna, ceeb, magac xumo, eed, sumcad xumo intuba adiga ayay ku fuulaysaa iyo weliba cidhib la’aan adduun iyo cadaab aakhiro oo laga dhaxl ee yay ku dhaxalsiin.

Xasanow dhulka waad joogtay waadna ogtahay dadka waxa kala dhexyaal ee qofna qof ha’umaqlin, sifiican oo mas’uuliyadi ku jirto u feker uguna shaqee xilka iyo magaca aad ummadda u haysid taas oo lagugula xisaabtamayo adduun iyo aakhiraba, soomaalidu waxay ku maah-maahdaa qof aan kuu furi doonin yaanu kuu rarin oo aan ula jeedo adigay hadhow kuwaasi kaaga wada baxsanayaan xumaantii ay kugula taliyeen, waxaa laga yaabaa in aadan weligaa kafekerin kuna seexan habeenna oo aadan ku riyoon in aad maalin maalmaha ka mid ah noqon doontid madaxweyne.

Ka feker sida waxa u dhaceen iyo waxa laguula soo doontay xilkaas intaa le’eg, haddaba waa mucjiso ee si caddaalad ah ugu adeeg dadka iyo dalka soomaaliyeed ogow waa lagugu eegayaaye oo waa imtixaan, dhinac walba u feker oo ha’isdhihin waa khayr lagula soo doontay oo keliya balse waxay noqon kartaa halaag lagula maagay waase hadba sidaad ka dhigatid waana lagugu eegayaa, dhib iyo dheefna waa leedahay waana hadba dhinacaad ka istaagtid ama ugu caddaalad samaysid, ilmaha yar ee maanta gaajo darteed meel soomaaliya ka mid ah ugu dhinto waxbaa lagaa weydiinayaa ee ogow, marka noqo madaxweyne caddaali ah oo dadka iyo dalkuba mahadiyaan ee hanoqon mid ay eersadaan, hanoqon mid ku gubta ee noqo mid ku qabooba lagana sheekeeyo hadhow taariikh wanaagsan oo lagu xasuustana reeba balse aan noqon mid ka taga taariikh madow oo mugdi ah, xasuusto taariikhduna waa mahadho mana duugowdo waana hadba kaad kasbato ee ogow.

Waxaad kaloo ogaataa adiga iyo qofkasta oo mas’uul ahba in aad tihiin shaqaale ama adeegayaal (servants) ummadeed oo aydnaan waxba dheerayn dadka inta kale oo aan ka ahayn xagga mas’uuliyadda iyo in aad iyaga u shaqaysaan. Waxaad ogaataa in qofkasta oo muwaadin ah loo simanyahay waddanka marka laga hadlayo xagga sharciga iyo xaquuqda. Adiga iyo islaanta suuqa yaanyada lafadhiga xaqa iyo xaquuqda ka muwaadinnimo ee waddanka waad u simantihiin ee in aad uga xuquuq badan tahay kana xigtid ha u qaadan ee ogow.

Waxaan saas u leeyahay maaha in aadan ogayn balse waxaan ogahay in layska indha tiro oo aan lagu dhaqmin oo ay u dhaqmaan ama u dhaqmi jireen in badan oo kula mid ah ama xil u haya ummad, madaxweyne ilaa askari ilaa ka hoose iyaga oo aad moodaysid in ay dalka dadka ka xigaan ama ka leeyihiin. Way dhacday oo waan arkay xilligii dawladdii xukunka dalka ugu danbaysey 1991dii, waana dhaqan yaal maanta dhammaan caalamka waxa laysku yiraahdo dunida 3aad.

Cajaaib iyo yaab. Bal qof xukun loo dhiibay oo layiri dadkaas ugu adeeg oo u qaatay in layiri dadka iyo dalkaba adigaa is ka leh ee ku shaqayso ama hakuu shaqeeyeen. Waa wax dhab ah oo jira in sida khaldan loo turjunto laguna tunto sharciga iyadoo loo adeegsano sifa khaldan awooddii loo dhiibay ee layiri ugu adeeg ummadda iyo dalka.

Dr. Jama A Yasin. Guddoomiyaha Jaalliyadda Puntland ee

Yorkshire, North England, Uk

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Ifafaala Xumada Waddanka ku soo Fool leh. W/Q Avv.Xussein Diiriye Afrax

$
0
0

BOOBKA CAD EE DHULKA SOOMAALIYEED
Avv.Xussein Diiriye Afrax
xussein1939@hotmail.com
Maarso 19 2013

Ifafaala Xumada Waddanka ku soo Fool leh

Inta la hubo waddanka Soomaaliya waxa uu leeeyahay ugu yaraan dhul beeris ka badan 8.200.000 hektar oo ku haboon soo saarista dalag noocyo waliba sida Masagada, Galeyda iyo wixii lamid ah, waxa ay Soomaaliya kaloo leedahay labo wabi, togag dhaadheer, intaas waxa raaca bad xeeb baaxad weyn oo ay ka buuxaan kalluun nooc walbo leh, macdan iyo nimcooley kalena u dheertahay ayaa iyadoo intaasuu ILLAAH ugu deeqay ayaa hadana Soomaalidu waxaa looga maara waayey is dil is bara kicin iyo wax aad u fool xun.

Dowladaha galbeedka ay ugu horeeyaan mareykanka iyo ingiriiska waxay garwaaqsadeen in soomaaliya waqti dhow nabad laga xassilin karin, sidaasna uu waddanka qatar ku yahay danaha waddamada deriska iyo kuwa galbeed loona baahan yahay in il gaar ah lagula socdo lana adeegsado weji u muuqdo gargaar. Waxaa hore laga soo taqalussay dowlado sida ciraaq,afgaanistaan, kuwa kale sida liibiya qaar kalena is beddel raalli laga yahay lagu sameeyay ayaa waxaa muuqata in la gaaray sidii lugaha la isugu dhufan lahaa Soomaaliya.

Tafasiisha qorshahaas mar hore ayuu billabmay,waxaa soomaaliya tartiib-tartiib loogu soo daabulay hayado hab militeri u shaqeeyo oo ay ka mid yihii saraceen,black water iyo ska oo muddo hore si dadban u la wareegay qeyb ka mid ah maamulka soomaaliya, ujeedadooyinka gurracan waxay si toos ah loo hirgeliyay 17 oktoobar 2011 keddib markii ciidanka keenya oo gaaraayo 6000 si gabbasho ku jirin uu dagaal cad (linda nchi ) erayga sawaaxiliga oo la micna ah ( difaaca dalka ), ku soo qaaday geyiga soomaaliya ayagoo adeegsanaayo dayuurado nooc waliba iyo kuwa loo yaqaan droni (dayuurad bilooto la’aan) oo ay leeyihiin yahuudda iyo mareykanka.

Keenya kuma soo dhiirateen qabshadada jubbooyinka ee waxaa ku daaban oo hor boodaayo quwado ajaanib oo adeegsanaayo qubara sahmiyay in gobollada jobbooyinka ay hor mud ka yihiin wax soo saarka dalka sidaas na lagu kasbado dhul baaxad weyn oo laga soo saaro mirihii lagu quudin lahaa dadyoowga waddamada hantida badan sida mareykanka, shiinaha, hindiga, iiraan, jaabaan iyo kuwa kale.

Isla markiiba si Deg-Deg ku jirto ayaa waxaa la guddoon saday in Waddamada qaar sida Sudaan, Tanzania, Etiopia, Suudaanta Cusub, Gana, Mali, Muzambiko, Senegal, Liberiya, Kenya, Uganda laga ijaarto dhul ku habboon baarista dalagga oo nolosha bani Aadamka looga maarmin. Ilaa haatan arrinta waxay ku ektahay dhul iyo beer la ijaartay balse waqti aad u dhaw waxa loo gudbi doonaa in xoog la adeegsado sidii Dadka masaakiinta looga fara moroojin lahaa Beeraha yar-yar oo gacan falatada ah.

Dowladaha waaweyn iyo Hay’adaha Dowliga waxay mar hore billaabeen in ay la wareegaan dhul baaxaddiisa ka weyn tahay 200 Malyan Hektar, qaar la gatay iyo mid ijaar 99 sano si ay ku soo saaraan Cunto qiimo jaban oo looga baahan yahay waddamadooda.

Inta la hubo Dhul Boobka waxa uu soo billawday muddo dheer balse baaxaddiisa waxaa aad loo dareemay Tobankaan Sano dambe . Soomaaliya Dowladahii hore ka jiray inta la og yahay waxaay saaxibti nimo ama ijaar ku wareejiyeen beerta LIBSOMA, bertii Falastiin, beerta Ciraaq, tan Imaaraadka, hadda se xaajada waa ha u fadhinin.

Hunguri weyninka iyo sed buursiga dowladaha waaweyn waxa uu salka ku hayaa in waddamada itaalka daran siiba kuwa Afrika lagu soo rogo Gummeysi cusub, wallow sida runta tahay ay Afrika laga soo billaabo Heshiiskii Berlin 1884 ayan marna ka xoroobin gummeysi mid toos ah ama mid maldahan.

Waddan waliba oo Afrika ah waxaa ka shaqeeyo Dad iyo Shirkado nooc waliba leh oo u xil saarnaa in ay la wareegaan wax soo saarka warshadaha iyo beeraha sida bunka, caleen shaahig, sonkorta, kakawga ayagoo ku doodayo in warshadeeyn geynayaan keddib na dib ugu soo celiyaan Afrika ayadoo qiimaha dambe u affar jibbaar ka sareeyo kii hore ay kula wareegeen.

Dhibaatada Gummeysiga cusub waxa uu si gaar ah u taabanayaa beraleyda yar-yar oo korkooda lagu kala gadanayo dhulkii ay abid ku noolayeen ayadoo loo rarayo meel hor leh oo cid sahan u tagtay ayan jirin, arrintaas waxay haatan ka taagan tahay waddanka Ugaanda oo dadka dan leyda ah qeyla dhaantooda dibadda u soo baxday.

Soomaaliya waxay gacanta ugu jirta ururo badan oo uur kiraalayaal ah una adeego hayado krishtaan ah sida Blackwater, saraceen iyo kuwa la mid ah ururadaas waxay u xilsaaran yihiin abaabulka, diyaarinta iyo taaba gelinta qaabka iyo waddada ku habboon hir gelinta nooca Gummeysiga cusub.

waddanka Soomaaliya waxa uu hore u soo maray Gummeysi kala geddisan balse midka haatan lala damacsan yahay aad ayuu uga mug weyn yahay kii loo yaqaanay TEENKA iyo kii KELI ASAAYLE waxaase lala yaaban yahay ayadoo ay muuqato dhibaatada baaxaddaas leh in haddana Dadka Soomaaliyeed iyo Madaxdoodaba ay Iska indho tirayaan ifafaala xumada waddanka ku soo fool leh.

AVV.Xussein Diiriye Afrax
Edmonton London

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Soomaaliya: Siyaasadda Geeska Afrika ee Maanta. W/Q Mahad Kooshin

$
0
0

Soomaaliya: Siyaasadda Geeska Afrika ee Maanta
Mahad Kooshin
Mahadkooshin@hotmail.com
Maarso 21 2013

Guud ahaan dalalka dunidu waxay leeyihiin dan ee ma leh saaxiib, asii ay danta daleed qeexayso in dalku uu yagleelo saaxiibbo badan oo joogto ah oo danaha lagu gabraarto. Siyaasaddu na waa wixii suurogal ah oo kula gudboon, ma aha wixii aad lexejeclo u qabto ee waa wixii had iyo goor dantu ku jirto, ayada ayaa waddo kuu jeexda ee adigu waddada uma jeexdid. Isla mar ahaantaas na waa hawlaha dawladeed ee la xiriira arrimaha siyaasadeed ee dalalku ay leeyihiin. Dal walba xiriirka uu dal kale la leeyahay waa u siyaasaddiisa gaar ahaaneed ee uu aayihiisa, jiritaankiisa iyo ujeeddooyinkiisa ku furdaamiyo.

Haddaba siyaasadda Soomaaliyeed dhankaas waxaad mooddaa in ay muddo dheer dhantaalnayd oo ay ku dhisaalnayd dan-beel, horraantii burburkii dawladdii dhexe iyo ka dib ba. Ma muuqato dhiirrinaan, garasho iyo dhug loo leeyahay arrimaha adduunweynaha iyo siyaasadaha geyiga Geeska Afrika. Ma muuqato siyaasad xambaarsan danaha guud ee dalka. Waa la dheelliyay intii la liici karay, waa laga maahsanaa isbeddelada dhacayay oo la moogganaa qaab looga miro dhaliyo. Sidaas awgeed Soomaaliya ma yeelan saaxiib joogto ah oo dan siyaasadeed ay la wadaagto. Sidaas darteed siyaasadda Soomaaliyeed waxaa saameeyay jahowareer iyo habow.

Waxaa in muddo ah farogalin ku hayay dalal ay ugu darraayeen Itoobiya iyo Masar. Run ahaantii labadaas dal siyaasadda Soomaaliya dhumuc weyn ayay ku lahaayeen jiritaankeedii. Waxaa labadaas dal dhexaadiyay loollan gahayray oo ku salaysan biyaha webiga Niil. Sidaas awgeed ayay dawladihii is xigay ee Masar ay isku taxalujiyeen in ay Soomaaliya la yeeshaan gacansaar iyo saamayn ay ku fuliyaan danaha Masar. Waxay kaalin weyn Masaaridu ku lahayd dagaalkii ‘77dii ee Soomaaliya ku guuldarraysatay dhan siyaasadeed, militariyeed, dhaqaale iyo sibil ba ee waxyeelladiisii ay teer iyo maanta aloosan tahay.

Farogelintii Itoobiya ku haysay Soomaaliya labaantankii sano ee burburku jiray siyaasad ahaan iskaashigii Masar iyo Soomaaliya ayaa door weyn ku lahaa. Itoobiya waxay ka foojignayd dawlad Soomaaliyeed oo soo celisa xiriirkii militariyeed, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay la lahayd Masar. Kaas oo Itoobiyaanku u arkay khatar ku soo food leh maadaama Masar danayso in ay Itoobiya ku furto furimmo dagaal oo hor leh, gaar ahaan dawlad Soomaaliyeed oo aagga bari colaad kaga soo qaadda. Hankaas siyaasadeed ayuu Soomaaliya ka lahaa madaxweynihii hore ee Masaarida ee Anwar Saadaad markii uu u ololeeyay in Soomaaliya ku biirto ururka Jaammacadda Carabta.

Masaaridu dedaal dheer ayay had iyo goor ugu jirtaan aafaynta Itoobiya. Tusaale ahaan waxaa jira ciidan kumaandoos ah oo ay Masar leedahay oo u tababbaran in ay ka dagaallamaan dhulal hawd iyo dhir miiran ah, taas oo Itoobiya ugu dhigan ciidan loogu talo galay dhulkeeda. Si ay cadaadis Itoobiyaanka u saaraan ayay Masaaridu xiriir dhinacyo badan leh la leedahay dalalka Suudaan iyo Soomaaliya oo labaduba soohdin dheer la wadaaga Itoobiya. Dhawaan waxaa magaalada Qaahira ee xarunta Masar warbaahinta ugu gooddiyay Itoobiya taliye sare oo ka tirsan ciidammada Sucuudi Carabiya, kaas oo si bareer ah oo aan looga baran Sucuudiyiinta ugu hanjabay Itoobiya ku na tilmaamay dal lid ku ah danaha iyo arrimaha dawladaha Carbeed.

Geesta kale dawladda Itoobiya waxay ku hawlan tahay taageero ay ka kasbato reer Galbeedka oo ay u muujiso in ay tahay dal qaddiim ah oo Kiristaan ah oo sabool ah oo ay ku oodan yihiin dalal ay ka jiraan Islaamiisteyaal xagjir ah oo yididdiilo weyn u leh in ay tirtiraan jasiirad Kiristaan ah oo dhexdooda ku taal. Itoobiyaanku waa dadka ugu waddanisan Afrika waxaa na ka jira barnaamijyo taban oo dadweynaha iyo ciidammada lagu baraarujiyo oo ku saabsan dagaalka qabow ee biyaha webiga Niil. Biyaha webiga Niil boqolkiiba sagaashan waxay ka soo gororaan buuraha Itoobiya. Biyuhu Masar waa u nolol oo la’aantood waa baa’ba. Dagaalka qabow ee labada dal wuxuu soo jiray teer iyo 1929dii markii la saxeexay Heshiiskii Niil.

Haddaba dagaalkaas qabow Soomaaliya dheef ugu ma jirto dhan walba, waxaa habboon in dalku gaar ka ahaado siyaasadaha isdiiddan iyo danaha qallafsan ee dalalku ay leeyihiin. Ogsoonaanta iyo u hoggaansanaanta xaqiiqdaasu waa in ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed u lahaato taxaddar weyn oo aan yarayn. Isla mar ahaantaas waa in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay danaha dalka iyo dadka u baadigoobaan qaabka ay siyaasiyiinta dalalka kale ugu heeggan yihiin oo waxtarkooda lagu cabbiro heerarkaas.

Dhawaan ayay ahayd markii Masar ay Muqdisho u soo dirtay wasiirka arrimaha dibedda oo ay ku dhawaaqday iskaashi dheellitiran. Heshiiskaasu waxa uu durba walbahaar ku abuuray madaxda dawladda Itoobiya, waxaa xigay in ciidammadii Itoobiya ee saacidayay ciidammada dawladda Soomaaliyeed ee ku sugan gobollada Bay iyo Bakool dib-u-gurasho ku dhaqaaqay, sidaas awgeedna ay Shabaab qabsatay Xudur.

Danta siyaasadeed ee uu dal leeyahay waxaa ugu horraysa sugidda soohdimaha iyo xiriirka deriska, taas oo ka horraysa xiriirrada dal ama dalal fog lala yeesho, gaar ahaan marka uu loollan iyo dagaal qabow ka dhexeeyo dal dhaw iyo mid fog. Xodxodashada Masaaridu waa mid dan daleed lagu gabraarto oo aan u roonayn Soomaaliya iyo guud ahaan Geesta Afrika. Mar waa colaad hor leh, mar waa Carabysi iyo saamayn, mar na waa siyaasad gurracan.

Masuuliyiinta Muqdisho waa in ay u dhugyeeshaan tagtadii shalay, waa in ay ka foojignaadaan ujeeddooyinka gurracan iyo dalalka durba meelo fog uga gacan haatiyay oo aan dhib hor leh loo loogin bulshada daashay. Khaas ahaan kuwii shalay ku dhaayaday ba’ii iyo hooggii ummaddu dhexmaquurtay oo ay weli ka soo kabanin. Ma jiraan gacaltooyo iyo gacanqabad ay Masaaridu iyo ururka Jaammacadda Carabtu Soomaaliya tareen oo la taaban karo muddadii burburka, haatan oo ay Soomaaliya cagaheeda ku istaagaysana ma muuqdaan kuwo hor leh, waxaa un muuqata fursad ay dareemeen oo burinayaan, taas oo waxyeello mooyaane faa’iidooyin aan u holladayn dalka iyo dadka.

Mahad Kooshin
Mahadkooshin@hotmail.com

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dowladda Cusub ee Soomaaliya iyo Noocyada Shacabka. W/Q Imaam Xasan Jaamici

$
0
0

DOWLADDA CUSUB EE SOOMAALIYA IYO NOOCYADA SHACABKA
Imaam Xasan Jaamici
xasanjaamici@gmail.com
Maarso 21 2013

HORUDHAC

Iimaam Xassan Jaamici

Maqaalkan waxaa igu dhaliyey inaan qoro markaan maqlay dad dhahaya wadaadada siyaasadda galay iyo kuwa dagaalamaya ayaa waxay dadka nacsiinayaan diinta Islaamka. Dadka sidaa dhahaya waxaan u kala soocnayn diinta Islaamka iyo dadka aaminsan. Diinta Islaamka waa diin sax ah oo kheyr kaliya keenta laakiin dadka aaminsan ee muslimiinta waxay isugu jiraan kuwa diinta ku dhaqma ee ka run sheega iyo kuwa aan ku dhaqmin ee sheegta magaca diinta. Dadkaasi waxay intaasi ku dareen inay Soomaalid ay cilmaaniyadda dooran doonto haddii dowladdan cusub ay dhacdo sida shacabka Romanka ay u naceen masiixiyidda ka dibna ay u doorteen nidaamka cilmaaniga (diinta oo nolosha laga fogeeyo). Dadkaasi waxay ku doodayaan in dowladdii hore ay wadaadidii ku jiray fashiliyeen tannina ay wadaada ku jira ay fashilin doonaan.Aniga waxay ila tahay inay lama huraan tahay inaan helno hal beeg aan ku kala cabirno dhaqanka wanaagsan ee horumarka keena iyo dhaqanka xun ee dib u dhaca dhaliya, iyadoo aan la fiirin qof, qabiil, urur diineed, ama urur siyaasadeed. Haddii halbeegaasi aanu jirin waxaa dhici kara caddaalad daro lagu naco shaqsi ama qabiil am urur Islaami ama urur siyaasadeed iyadoon la sameyn qiimeyn sax ah oo dhameystiran. Sayid Cali (RC) wuxuu yiray: Waligaa hal beeg ka dhigo xaqa (Qiyamka Islamka) adigoo ku cabirayo yaa wanaagsan iyo yaase xun (oo haddii qofkii, ama qabiilkaaga ama urur diineed ama urur siyaasadeedkaaga ay xaqa iyo dhaqan wanaagga raacaan adigana iyaga raac, haddiisa ay ka leexdaan waddadaasi markaasi ha raacin).

FURSAD SIIYA DOWLADDA SOOMAALIYA EE CUSUB

Marka hore madaxweyne Hassan iyo dowladdiisu aan fursad fiican siino waayo weli sanad ma jirsan si loo qiimeeyo oo la cabiro waxqabadkeeda dhinacyada dowlad wanaaga, amniga, caddaaladda, horumarka dhaqaale, la dagaalanka musuqmaasuqa, midnimada, madaxbanaanida. Ilma lix bilood jira oo guur guuranayo oo kufoo dhac ku jira ayaad leedahay muxuu ilmaha u ordi waayey.

Sidoo kale waxaa jira taxadiyaadka (challenges) iyo dhibaatooyin badan dowladda heysta ama hortaagan oo aan la soo koobi karin. Sidaa darteeda, dowladda waxay mudan tahay in la taageero oo garab loo noqdo lana siiyo waqti ay wax ku qaban karto ka dibna lagula xisaabtami karo.

NOOCYADA SHACABKA

Waxaan u arkaa in shacabka afar qeybood loo qeybin karo: 1. Taageerayaal 2. Daneystayaal 3. Dowlad Diid 4.Mucaarad dowlad.

1- Taageerayaal:

Waa in badan oo shacabka ka mid ah oo rabta dowladnimo iyo kala dambeyn oo u ooman nabad, caddaalad, midnimo, horumar iyo madaxbanaani. Kuwani waxay aaminsan yihiin inuusan qofka uusan waxba ahayn haddii uusan dowlad lahayn. Haba ahaato dowladdiisu mid tabar daran. Sidaa darteeda taageero ayey dowladda siinayaan si ay u rumowda nidaamka dowladdnimo ee Somaaliyeed.

2. Daneystayaal:

Kuwani waa danaystayaal oo qaar dowladda ku jiri kara iyo kuwaan ku jirinba. Kuwa dowladda ku jira maslaxadooday ugu jiraan. Waxayna taageeraan meeshay ay maslaxadooda ka arkaan oo dan kama gelin dowladda horumarkeeda, dalka iyo dadkaba.

3- Dowlad diid oo 3 nooc ah:

a- Kooxo diimeed qaarkood oo xag jir ah oo isugu jira kuwa hubeysan iyo kuwaan hubeysnayn: Kuwani ma ogola in ay dowladda shaqeyso ama ay jirtaba waayo waxay aaminsan yihiin dowladda inay ahayn dowladda xalaal ah ama dowlad Islaami ah oo shareecada Islaamka ku xukunta.

b- Ururo xag jir ah ama dad la shaqeeya dowlado kale:

Waxay aaminsan yihiin dowladdan haddii ay dhisanto oo ay awood yeelato inay khatar ku tahay jiritaankooda iyo jiritaanka dowladaha ay la shaqeeyaan. Sidaa darteed waxay ka shaqeeyaan fashilinta ama taag daraynta dowladda cusub.

c. Kooxda aan deganayn: Kooxdani ma degana, waddanka inuu degana dan uma arkaan. Waa kooxo ama afraad aaminsan in lala xisaabtami doono haddii la helo dowladda degan oo awood leh oo caddaalad sameyneyso. Sidee darteeda ma rabaan dowlad oo dhan. Fowdada, dilka iyo dhaca ayaa u ah sahay ay ku noolaadaan.

4- Mucaaradka dowladda waa laba nooc oo kala ah:

a- Mucaarad deg degayo: Waa kuwa ka soo horjeeda dowladda oo ku qiimeyey dowladda inay fashilantay iyagoo wax waqti ah aan siin si ay u qiimeeyaan dowladda iyo waxqabadkeeda. Hal beeg cad oo ay wax ku qiimeeyaana ma lahan.

b- Mucaaradka bisil: Waa kuwa aan ku qanacsanayn qaabka ay dowladda ku timid ama qaabka ay wax u waddo laakiin ogol inay jirta oo ay shaqeyso marxaladdan, waqtina la siiyo, iyagoo leh hal beeg (starndard) ay wax ku qiimeeyaan una qoran barnjaamijyadooda markii loo baahdo inay wax bedelaan. Waxay aaminsan yihiin isbedel weliba oo dowladeed in loo marayo waddada sharciga hadda jira ama iman doona oon gacan ka hadal ahayn. Kooxdani way naqdiyaan ama saxaan dowladda markay ku arkaan wax khalad ah ama khalad u arkeen. Kooxdani way niyad fiican yihiin oo waxay daacad u yihiin diintooda, dadkooda iyo dalkooda.

GABO GABO

Labo waa lama huraan in si fiican loo fahmo.

Ta hore, in loo fahmo inay dowladdu tahay adeegto ama qabbaan ama khaadim (servant) oo waxay u shaqeeysaa shacabka oo shacabkaa leh. Adeegto waxaa lagu yaqaan inay dhagaysato sayidkeeda (master) oo ay u shaqeyso oo ay ka amar qaadato. Shacabka waxay dowladda u keensatay inay u adeegto. Taasi micnaheed waxaa waaye inay dowladda sameyso waxay shacabka rabto oo xalaal ah oo macquul ah iyadoo isticmaalayso dhamaan aaliyaadka ugu suurta galka ah awood ahaan. Shacabka waxay rabaan: shareeco oo lagu xukumo, nabad, midnimo, caddaalad, adeegyo bulso oo horumar leh, tacliin iyo caafimaad iwm.

Ta labaad, waa inaan fahamnaa in shacabka uu yahay sayid (loo adeege). Sayidka wanaagsan waa inuu u naxriistaa oo uu la shaqeeyo khaadimkiisa. Shacabka wanaagsan waa in ay dowladda la shaqeysaa oo ay waqti siisaa si ay u gaarto hadafyadeeda waa weyn ee ay ugu khidmeynayso shacabkeeda (ku dhaqanka shareecada, dowladnimo, nabadeyn Soomaaliya oo dhan, horumar, caddaalad, midnimo iyo walaalnimo).

Imaam Xasan Jaamici, J.D.

Director of Minnesota Dawah Institute &

Adjunct Prof. Of William Mitchell College of Law

 

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Faan Rag iyo Fiiro Dumar. W/Q Cabdullaahi Janno

$
0
0

Faan Rag iyo Fiiro Dumar
Cabdullaahi Janno
Cabdullaahi Janno
claahijanno@gmail.com
facebook.com/Qalinmaal
Maarso 22 2013

Waa saddex wiil. Waa guur-doon. Waa loollan. Gabadhu waa Shukri. Garasho iyo leh gar-soor. Waa bilic muuqato iyo billad loo tartamo.

Shukri waxa ay maalmo badan soo dhageysatay oo ay mid mid ula fadhiisatay wiilashaan. Maalinkii danbe ayay go’aansatay inay saddexda wiilba hal meel isugu keento—oo ay tijaabiso.

Goobtii lagu ballamiyay ayay wiilashii hal hal u yimaadeen.

“Haddaba i maqla,” ayay tiri Shukri, “caawo waxaan xulanayaa lammaanaheyga nolosha. Waxaanse rabaa in aan caawo ogaado qof walba dhibtii ugu darneyd ee uu nolosha soo maray—iyo siduu uga baxsaday. Horaa loo yiri raggu jabkiisuu ka sheekeeyaa. Haye, yaa wax isku hayo?”

Isla markiiba waxaa isa soo maqiiqay Nuur.

“Aniga i dhageyso,” ayuu yiri Nuur, “ifka kama heleysid cid iga karti badan. Noloshaan aqaan—iyo sida la isku dabbaro.”

“Bal haddaba soo daa,” ayay tiri Shukri, “oo ii daadi sheekada.”

“Gabbal-dhac iyadoo la joogo,” ayuu hadal ku billaabay Nuur, “ayaa waxaa luuq iiga hor yimid raxan eeyo dad cun ah. Way isoo ceyrsadeen. Eeydii oo sidii ii soo ceyrsanayo ayaan laammiga weyn ku soo dhacay.

“Waxaan nasiib wanaag gacanta u taagtay gaari waddada socday. Wiil dhallinyaro ah ayaa waday, oo wuu ii istaagay. Wuxuu igu yiri gaarigaan hal mar ayaan joojiyay, mar labaadse ma joojinayo. Waxaan iri waayahay oo mar un eeydaan iga fogee walaalow. Markii aan eeydii ka soo fogaannay ayaan iri walaalow gaariga ii jooji aan degto,e.”

“Saaxiib gaarigan lama joojinayo,” ayuu igu yiri wiilkii, “horaan kuugu digay.”

“Waayahaye goormaad joojin doontaa?” ayaan iri.

Suuye: “Markii aan fuliyo camalka barakeysan—oo aan madaxtooyada gaaro.”

“Camalkee barakeysan?” ayaan iri anigoo indhaha taagaya—tuhunna i galay.

Iima uusan jawaabine wuxuu i tusay bambooyin ku xirnaa calooshiisa.

“Walaalow i deji,” ayaan iri anigoo naxdin la dubaaxeynaya, “waan ku tuugaa.”

“Ashahaado saaxiib,” ayuu igu yiri, “madaxtooyadii way soo dhowdahaye.”

Wadnaha ayaa afka i yimid. Naxdin. Quus.

“Ashahaado aah?” ayaan la soo booday.

Ima uusan eegeyn, wuxuu indhaha ku hayay laammigii dheeraa.

“Walaalow xitaa igu celi eeydii iyaga aanba orod uga baxsadee,” ayaan ka baryay, “intaas lee asxaan iigu samee.”

Wiilkii iima jawaabin, oo i inkiray.

“Waxaa iga soo daatay duuf iyo illin. Saa waxaa ii soo muuqatay sartii madaxtooyadii. Wiilkii inta sheellaraha ku sii istaagay ayuu billaabay inuu dhaho Allaahu Akbar. Allaahu Akbar. Markaasaan Ilaah ka baryay in hadduu iga badbaadiyo mixnaddaan in aan joojin doono gabdhaha badan ee aan u sheekeeyo.

Intaan iscelin waayay ayaan ilbaabkii iska furay, oo is tuuray kii oo weli ku qeylinayo takbiirta. Isagii oo aan gaarin madaxtooyada ayay dileen, anigana waxaa i soo ceyrsaday askar oo baas igu soo furay.

Jabkaas ayaan ka soo dabaashayee nimaan nolosha jab ka soo marin yuusan Shukriyeey kuu sheekeyn.”

“Sheeko iga dheh,” ayay tiri Shukri, “haye, yaa ku xigo?”

Macow dib dib ayuu isku reebay—oo isqaafiyay. Cali-xariif ayaa isa soo maqiiqay.

“Wuxuu sheegaayo waa raqiis,” ayuu yiri Cali, “aniga iga dhageyso dhibta aan nolosha ka soo maray iyo sida aan isku debbaray.”

“Bal haddaba soo daa,” ayay tiri Shukri.

“Tahriib anigoo ah,” ayuu hadal ku billaabay Cali, “ayaan ka gudbay xuduudka Sacuudiga. Waan iska lugeeyay. Habeennimo ayaa la galay. Harraad iyo tabar-darro ayaan la socon waayay. Waxaan ka soo dul dhacay tuulo yar.

“Gurigii iigu horreeyay ayaan ilbaabkiisa garaacay oo aan biyo weyddiistay. Waxaa iga furay nin maseyrlow ahaa. Markii uu arkay ninkeygaan madow ayuu la soo booday seef u surneyd derbiga. Oo i ceyrsaday isagoo leh magaaladii ayaan dartaada uga soo guurayee tuuladana ma iiga daba timid?

“Intaan sasay, oo tabar aanan laheyn iska raadshay, ayaan labo luuq ka dhex dusay. Markii aan ogaaday inuu iga haray ayaan laammigii dheeraa cagta soo saaray anigoo cabsi la hinraagayo. Saa waxaa gadaasheyda ka soo ifay nal gaari.

“Farxad darteed ayaan gaarigii u istaagay bartankii waddada. Gaarigii wuu ii istaagay. Intaan ku orday ayaan darawalkii weyddiistay biyo aan cabo. Mise waa askar Sacuudiyaan ah oo uu hor kacayo ninkii maseyrlowga ahaa. Naxdin. Oo sidii inuu dhulku igu dhegay ayaan tallaabo rogi waayay. Askartii inta iigu soo degatay sidii haaddii ayaan ka warhelay anigoo dhex jiifo sagxaddii gaarigii ciidanka. Dharbaaxo iyo qanjaruufo ayay igu billaabeen. Kii maseyrlowga ahaa ayaa ii soo baxsaday oo hal feer ah sanbuuqada igala helay. Miyir markaas ayaa iigu danbeysay.

“Waxaan soo kacay anigoo dhex jiifo sagxaddii gaariga, oo ay ciidankiina salaad ku jiraan. Intaan si tartiib ah uga degtay gaarigii, oo buraashad biyo ah horey u sii laacay, ayaan waxaan gaarigii kala baxay furihii oo ku tuuray meel mugdi aheyd. Markaasaan soo baxsaday oo waxaan Ilaah ka baryay haddii aan guuleysto inaan gudi doono xaqa gabdhihii aan soo furay.

“Nuurna kulahaa eeyo ayaa i soo ceyrsaday. Adeer nin waddankiisa uu libaax ku ceyrsaday wuxuu dhaammaa nin ay bisad ku ceyrsatay waddan shisheeye. Sababtu waxay tahay libaax dalkaaga jooga wuxuuba yaqaannaa haddii aad yur iska tiraahdid, laakiin bisad joogto dal shisheeye yaa og inay yur u taqaanno kaalay i ceyrso oo i cun?”

Shukri qosol ayaa ka soo fakaday.

Nuur iyo Cali waxa ay eegeen Macow.

“Wadaayga tookadaada waaye,” ayuu yiri Nuur, “wax ma isku heysaa?”

Macow ma’uusan jawaabin. Waa quus. Waxaa ku dhegay hadalkii.

“Macow,” ayay tiri Shukri, “waa markaaga. Bal jabkaaga nooga sheekee iyo sidaad isku debbartay.”

“Shukri ani adaa ku jeclahay,” ayuu cod qafiif leh ku yiri, “laakiin ani balaayo aan sheego ma haayi.”

Waxaa qoslay Nuur iyo Cali.

“Wadaayow meesha isaga dareer,” ayuu yiri Cali-xariif, “ha nagu noqon il-fuuree.”

“Orod hooyadaa gabar ii doon dheh,” ayuu daba dhigay Nuur oo qoslaya.

“War wiilka daaya,” ayay tiri Shukri, “ma idinkaa u yeertay? Macow, noo sheeg mar un aad dhibtootay iyo sidaad uga baxsatay.”

“Galabkoo, een, haa, galab kasta,” ayuu yiri Macow, “waxay ummaayadeey noo dubtaa bajiye.”

Markuu intaa yiri ayay Nuur iyo Cali ku cammirteen.

“Macow wiilashaan ha u bixin,” ayay tiri Shukri, “sheekada ii wad.”

Macow wuxuu haruufay Nuur iyo Cali.

“Anina waxay ummaayadeey igu deysay,” ayuu yiri Macow, “inaan sameeyo bisbaaskii lagu cuni lahaa bajiyaha. Alxaasil anoo galabkoo riiqaayo bisbaaskii aas isha iiga faniinay.”

“Markaasna?” ayay tiri Shukri, “markii uu bisbaaskii indhaha kaa galay maxaa ku xigay?”

“Hee maxaa ku xigi lahaa?” ayuu yiri Macow oo yaxyax la carooday, “ashuunkaan ku cararay, biyo qabow aan shabkax ku siiyay indhaheeyga, ummaayadeeyna way iga afuuftay.”

“Ha kaa saarto,” ayuu yiri Nuur oo jeesjeesaya.

“Macow ha u bixin,” ayay tiri Shukri, “noo dhameystir sheekada.”

“Markaaseetina bajiyihii aan suuqa u qaaday,” ayuu yiri Macow, “laakiin hee galabkaasoo dhan ishaa i guduudneyd, oohin lee iga qubaheysay. Markaan bajiyihii soo gadaa soo baxay. Mininka markaan dalaq dhahaa damcay inaan beesadii siiyo ummaayadeey. Laakiin maxaa ii dhiibataa ka dhacday, jeeb-siibaa laygu sameeyay. Kud aan isku dhahay. Dhididkii ummaayadeey aa tacab qasaaray noqday. Mashaqo lee. Waa i murjiyeen kuwii i jeeb-siibay.”

“Baravo,” ayuu yiri Nuur oo sacbo-tumaya, “baravo Macow. Kafantaada ayaad gacanta ku tolatay.”

“Ar idinkana waad i murjiseen,” ayuu yiri Macow, “laakiin calafkey lee sugahaa. Booto wax ma tareeso, yaa Allaah.”

Waxaa hadalkii daftay Shukri, oo go’aankii ugu danbeeyay dhiibtay.

“Dhallinyaro i maqla,” ayay tiri Shukri, “waxa aan kulankaan isugu kiin yeeray si aan u xusho lammaanaheyga nolosha. Nuur, aad baan uga helay sheekadaada iyo sida aad uga soo baxsatay qaraxii shabaabka. Cali adigana salaan ayaanba kuu taagay, oo dalmar ayaadba tahay. Macow, meesha waxba kuma heysid, oo jabka aad sheegtay waa mid raqiis ah.”

Macow loox soo taagan ayuu noqday. Waxaa ka tagay tabartii iyo nashaadkii ruuxda. Oo quustay.

“Nuur,” ayay tiri Shukri, “jabkaaga ka sheekaysaye hayeeshee waxaad jebisay hankii aan kuu qabay. Markii aad Ilaah barisay waxaad ku duceysatay inaad joojin doontid gabdhaha badan ee aad u sheekeysid. Haddaba aniga Shukri ahaan xiise iyo maaro uma hayo sheekeeye gabdho-shiriye ah. Iga raalli noqo wiilyahow.”

Nuur afkaa kala tegay. Sas iyo filanwaa.

“Cali,” ayay tiri Shukri, “markii aad Ilaah gacmaha u taagatay waxaad ku duceysatay inaad xaqooda siin doontid gabdhihii aad soo furtay. Nin dumar kale soo luggooyay uma maleynayo inay nafteyda ku xasileyso. Iga raalli noqo wiilyahow.”

Cali ma nixine madaxa ayuu iska xoqxoqday. Nuurna wuxuu ku farxay wixii lagu dhigay Cali.

“Macow, markii aan sheekadaada dhageystay,” ayay tiri Shukri, “waxaa ii soo baxday inaad tahay wiil jecel inuu shaqeysto oo iimaan ku qabo dalkiisa inuu bajiye ku gado, oo xirfad leh, xalaal miiradna ah, oo aan suuqyada ka booteeynin.”

Waxaa is-eegay Nuur iyo Cali-xariif.

“Macow,” ayay tiri Shukri, “adigaan caawo ku doortay.”

Macow neecow qabow ayaa laabtiisa dhex mushaaxday. Oo farxad isla kala waayay.

“Shukri,” ayuu yiri Macow, “sharaf badaney, soo baxba ummaayadeey aan ka soo farxiyee galabta.”

“Waryaahee Cali,” ayuu yiri Nuur, “waan jabnayee maxaa talo ah?”

“Gabar ma kula dhalatay?” ayuu yiri Cali-xariif.

~Dhammaad~

Qore: Cabdullaahi Janno

Qoraaga kala xirii cinwaankan:

claahijanno@gmail.com ama
facebook.com/Qalinmaal

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Waa maxay Damul-Jadiid, halkey salka ku hayaan, hadafkoodu-se maxuu yahay? W/Q Bishar Haji

$
0
0

Waa maxay Damul-Jadiid, halkey salka ku hayaan, hadafkoodu-se maxuu yahay?
Bishar Haji
b.haji114@hotmail.com
Maarso 22 2013

Akhristow intaanan u gelin ka hadalka Kooxda Damul-jadiid, waxaan jeclahay inaan si kooban u qeexno Xarakada Al-islaax, maadaama ay weli kooxdani si khaldan u isticmaasho magaca Ururka Al-islaax oo ay waa hore ka fallaagowday .

SOO IFBIXII FIKIRKA IKHWAANKA SOOMAALIYA

Fikirka Al-islaax ama Ikhwaanka-Soomaaliya ayaa ka soo jeeda Manhajka guud ee urur weynaha Ikhwaanul-Muslimiinka caalamiga ah, kaasoo ah dhex’dhexaadnimo iyo in diinta loofidiyo si xikmadeysan oo dhaxdhxaad ah, wacdi iyo waano iyo akhlaaq wanaagsan, sidoo kale in umadda jahliga laga saaro, islamarkaana laga dhiso dhanka tacliinta diiniga ah iyo tan maadiga ah labadaba, lagana fogaado shidada iyo xagjirnimada.

Fikirkan Ikhwaaniga ah ayaa soomaaliya ka soo ifbaxay dabayaaqadii lixdamaadkii, waxaana keenay nin la oran jitay Sh.Abdi Qani Sh.Ahmed Sh.Aadam oo ah ninka aas aasay majmac la oran jiray Alnahdatul-Culamaa, (hinqashada ama baraaruga culimada), Sheekha oo masar wax ku soo bartay islamarkaana aaminsanaa fikirka Ikhwaanu-muslimiinka caalamiga ah ayaa u sabab noqday in fikirka Ikwanka soo gaaro dalka Soomaaliya.

Sh. Abdi Qani Sh. Ahmed Sh. Aadam oo ku dhashay Degmada Xudur ee gobolka Bakool, ayaa waalidiinta dhalay waxaay ka soo jeedeen deeganka Soomaalida ee dalka Ethiopiya.

Sheekha oo jagooyin sarsare ka soo qabtay dalka Soomaaliya,sida lataliye maxkamada sare iyo Wasiirka Cadaalada ayaa markii dambe waxay isku dheceen, Kacaanka oo ka hor yimid fikirka Ikhwaanka, taasoo kaliftay inuu u baxsado dhanka dalka Kuwayt.

Sheekha oo lahaa waxbarasho tayadeedu sareyso ayaa markiiba xibin buuxda ka noqday Golaha Fuqahada dalka Kuweyt. Sheekha ayaa ku geeriyooday dalka Kuwayt, sanadii 2007/08/17. naxariistii eebe Allah ha ka waraabiyo aamiiin.

DHALASHADII AL-ISLAAX AMA IKHWAANKA-SOOMALIYA

Ururka oo in mudda ah ku mashquulsanaa fidinta afkarihii uu xambaarsanaa ayaa ku guuleystay soo dumida ama hanashada quluubta in badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan, dabaqada sare ee bulshada, kuwaasoo isugu jiray, culimo, aqoonyahanno iyo arday. Madaama la gaaray guul wax ku ool ah oo dhanka fikirka ah, ayaa la go’aansaday in fikirka ficil loo bedelo, waxaana si rasmi ah loogu dhawaaqay urur loogu magac daray AL-islaax, 1978/05/11, dalka Saudi Arabia.

Al-islaax waxaa aas aasay culimada kala ah:

1. Sheikh Mohammed Ahmed Nour

2. Dr. Ali Sheikh Ahmed Abubakar

3. Mr. Ahmed Rashid Sheikh Hanafi

4. Dr. Mohammed Yusuf Abdi

5. Mr. Abdullah Mohammed Abdullah

KHILAAF: AWOOD-DHAQAALE-QABYAALAD

Waxaan soo sheegnay in inta badan xibnaha ururka ay ahaayeen, dabaqada sare ee bulshada, Culimo kawaadir muthaqafiin ah oo xambaarsan shahaadooyin jaamacadeed, sidaasi darteed marna saaxada kama marneyn tartan “siyaasad, awood iyo dhaqaale-raadis ah”.

Markii la soo gaaray dabayaaqadii sideetamaadkii, oo ay dhamatay shahrul-casalkii, Kacaankiina sii liicayo, ayaa waxaa soo muuqday ifafaalo wanaagsan iyo in mardhow laga bixi doona ashuun ku adimka, Waxaa bilowday baratan dhanka siyaasadda ah, waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya hogaanka sare ee Ururka.

Khilaafka ururka ayaa sii laba lixaadsaday, markii ay bur’burtay dowladdii Jaale Siyaad, waqtigaas oo la filayay inuu ururku ka faaiidi doono, maadaama ay meesha baxday dowladii xooga badneyd ee dagaalka kula jirtay, laakiin taas bedelkeeda waxaa sii kordhay loolankii siyaasadeed. Markan waxaa ururka soo dhex galay khilaaf ku saleysan”Qabiil iyo Qabyaalad “, waana wakhtiga loo waqlalay, kooxda Damul-jadiid

WAA MAXAY DAMUL-JADIID?

Waxaa waayadan isa soo tarayay hadalhaynta Urur ujeedo badan ah oo la magac’baxay “Damul jadiid” ayadoo dadkuna ay siyaaba kala duwan u fasirayeen. Hadal hayntan ayaa timid ka dib markii Xassan Sheik Mahamuud oo ka tirsan Ururka uu si lama filaan ah ugu guuleystay doorshooyinkii kal hore-Agoosto-2012 ee madaxtinimada Soomaaliya.

Dhanka luqada magaca Damul-jadiid waa carabi, waana 2labo erey oo is fangashan, oo ah “Dhiig iyo Cuseyb“.Magacan sida muuqato waa mid xambaarsan dareen gaar ah . Xaqiiqada iyo danta loola baxay ilaahbaa naga og, laakiin ugu yaraan ma aha mid u wanaagsan maqalka dhegaha qofka caadiga ah.

In kasta oo Dhiiga-cusub (damul-jadiid) lagu dhawaaqay 2006 da, hadana waxaa la rumeysan yahay in kooxdani fallaagoowday horaantii sagaashameeyadii, laakiin aan si rasmi ah loo shaacinin, waxay ahaayeen dhaqdhaqaaq qarsoon oo ku qaraabta magaca xarakada Al-islaax iyo wejiyo kaloo badan.

URURKA DHIIGA-CUSUB IYO DAGAALADII AHLIGA

Dad xog ogaal ah ayaa rumeysan in kooxda Dhiiga-cusub oo ah koox bragmaatik ah (pragmatic), islamarkaana u badan maalqabeeno ay ka mid tahay kooxihii dhex dabaashay fitantii iyo dagaaladii sokeeye, hadana aan siibin shaarkii xarakada ilaa iyo haddana gashan, Ahdaafta ugu weyn ee aay higsanayaan ayaa ah “maal iyo mansab”

Madaxweyne Xassan Sheik ayaa la sheegay inuu si toos ah ugu lug lahaa dagaaladii sokeeye.Xog hoose ayaa lagu ogaaday inuu Madaxweyne Xasan Sheekh uu xubin buuxda ka ahaa ururkii dalka burburiyey ee USC, kaasoo lagu xasuusto, dil iyo xasuuq shacab, boob iyo dhac hanti qaran , kufsi iyo barakicin dadweyne.

Mr.Xassan iyo Gn.Caaydiid: Kulamo ka badan 30 sodon ayaa la sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Generaal Caydiid ay wada qaateen sanadihii u dhexeeyey 1992-1995 ka hor inta uusan geeriyoonin Caydiid.

Ilaa hada wararka la hayo ayaa ah kuwo xanbaarsan xoga farabadan, waxaana la soo gaarsiinayaa ilaa wakhtigii dagaalkii bilooyinka qaatay ee lagu halaagsamay, una dhaxeeyey labo beelood.

Waxaa laga warhayaa in markii uu fashilmay kulankii Qaahira-masar ee la isugu keenay kooxaha soomaalida, uu xassan madax ka ahaa koox ka socotay dhanka beeshiisa oo wadahadal kula jirtay dhinacii ka soo horjeeday ee ay isku hayeen gacan ku haynta Muqdisho.

Mr. Xassan iyo Eenoow: Madaxweyne Xassan, waxuu xariir dhaqaale iyo mid siyaasadeedba la lahaa ING. C/qaadir Eenoow,Bashiir raage shiiraar, maxamed dheera, Abukar cadaani, oo dhammantood ahaa hogaamiye kooxeedyo maalqabeenno ah. Madaxweyne Xassan ayaa wax ka ogaa furitaanka Dekadda Ceelmacaan oo ay shirka ku ahayeen, waxayna xubno ka ahaayeen intooda badani Ururka Dhiiga-Cusub ragga aan kor ku soo xusnay.

Waxaan hayaa tibaax ah inay jirto Sharikad lagu magac’aabo Kheeyraad oo ka dhexeysa madaxweynaha iyo Eenoow, laakiin war badan kama hayo sharikadan iyo meesha ay ku taalo, waxaan codsanayaa in la dabagalo.

Sahankii Mr.Xassan ee Jubaland: Sanadii 1988 dii, marki uu ka soo laabtay dalka India oo uu waxbarasho u aaday , waxaa la sheegay inuu sahmin ku sameeyay qaar ka mid ah gobolada dalka gaar ahaan Jubaland, asaga oo sheegay inuu halkaas ka fuliyo howlo la xiriira samafal, laakiin la filayo inuu ahaa sahan la xiriirra “maal iyo mansab”. ilaa iyo hadana lama hayo, wax samafal ah ama raad xoojinaya sheegashada Mr. Xassan.

Shirkii Carta iyo Dhiiga-Cusub: Waxaan meesha ka maqneyn Jabuuti, gaar ahaan Madaxweyne Geele, oo xibin ka ah Ururkan, sidoo kale Cabdi qaasin Salaad, Sh. shariif iyo maalqabeeno kaloo badan, oo isugu jira Soomaali, carab iyo ajaanib kale, Shakhsiyaadkaas oo dabada ku wata sharikado ganacsi oo waaweyn.

Ururka Dhiiga-cusub ayaa qeybweyn ka qaatay abaabulka shirkii Carta-Jabuuti iyo doorashadii Cabdi Qaasin, sanadii 1999-2000 ee uu hormuudka ka ahaa Madaxweyne Geelaha Jabuuti. Waxaa la hayaa xog sheegeeysa in soo bixidda Cabdil Qaasin uu ka dambeeyay Ururka, gaar ahaan madaxweynaha martida loo ahaa, sidoo kale waxa dhacday in xibnihii barlamanka berigaa lagu daray xibna qarsoon oo si toos ah u mataleyay kooxda Dhiiga-Cusub (Damul-Jadiid).

DKM iyo Dhiiga-cusub: Dowladdii ku meel gaarka ahaeyd ee Sh. shariif , Madaxweyne Xassan waxuu ka ahaa la taliye qarsoon, sanaddii 2011-da Madaxweyne Xassan waxuu furtay xisbi ay xibnihiiso wada yihiin Dhiiga-Cusub (PDP), sidoo kale miisaaniyaddi sanadkan ee dowladda uu madaxa ka yahay waxaa qorsheeyay Arday wax ka barata Jaamacdda SIMAD oo uu leeyahay, Madaxweyne Xassan , iyada oo la heli karay khubaro arimahan ku xeel dheer oo ruugcadaa ah horena uga soo shaqeeyey wadammadda Caalamka oo illaa PHD degree wata.

GUUSHII URURKA DAMUL-JADIID KA SOO HOYEEN DOORASHADII OGOOSTO 2012.

Guusha madaxweyne Xassan ee doorashadii Ogoosto 2012, ma aheyn mid si dabiici ah u dhacday sida dad badani u maleynayaan, Waxay ku timid iskaashi wadajir ah oo aay sameeyeen qaar ka mid ah dowladaha caalamka sida dowlada Qadar iyo Dowladda Turkiga, iyo shakhsiyaad tujaar ah oo ka tirsan ururka Dhiiga-Cusub iyo kuwa calami ah oo dano kala gaar ah ka lahaa dalka Soomaaliya.

Booqashadii London, Madaxweyne Xassan wuxuu qirtay inuu ka tirsan yahay kooxda Dhiiga-Cusub iyo inuu weliba ku jiro xeyndaabkooda, oo la micno ah inuu fulinayo rabitaankooda dhaqaale iyo Awood, laaliin Ilaa iyo hadda lama oga jagada rasmiga ah ee uu ka hayo kooxda Dhiiga-Cusub (damul-jadiid), balse dadka qaarkii ay yiraahdaan Dhiiga-cusub taladooda la´aanteed waxba kuma dhaqaaqo .

Kooxda Dhiiga ay si weeyn u soo dhaweeyay markuu isu sharaxay xilka madaxweynaha, Aqoonyahanada Iyo taageerayaasha kooxda ayaa baahiyay qoraalo badan oo isugu jira, afsoomaali, Carabi iyo English. Waxay aad u adeegsanayeen TV.yada iyo Idaacaha Caalamiga iyo kuwa gudaha, ayaga oo ka dhigayay sida inuu yahay seylalaxo nabdoon( ninkii nabadeyn lahaa) oo soomaaliya loo soo diray, iyo in loo baxay nabad iyo warsan.

Aqoonyahanno ka tirsan Ururka oo ku sugan dalka Qadar ayaa madaxweyne Xassan iyo barnaamijkiisaba ka gaday dowladaha Qadar iyo Turkiga, iyada oo la wada ogyahay in Qadar tahay dawlda kaliya ee ah ikhwaanul-musliim, marka laga hadlayo dawladaha khaliijka waxayna si weyn u fangareysaa ururada ikhwaanul-muslimiinka ee ka jira wadamada carbta iyo islaamka, iyada oo adeegsaneysa hab walba, sida lacago, diblumaasiyad, iyo Telefeshinka caalamiga ah ee Al-Jazeera.

Dhiiga-cusub ayaa ku guuleystay baafinta information ah, inay matalaan aragtida cusub ee isbeddel doonka Ikhwaanka Soomaaliya, sidaas darteedna loo baahan yahay in la caawiyo si lamid ah, kacdoonada gu’ga carbeed ee ay hor boodayaan Ururka Ikhwaanka.

Istambuul-Turkiya: Go’anka ah inuu xassan ku soo baxo doorashooyinkii bishii ogoosto 2012 -ka ayaa lagu gaaray shirkii ka dhacay Istambuul-Turkiya, (kulan dhex roorsi ah oo ay ka qeybgaleen dowladaha Qadar, Turkiya, xubna ka tirsan Dhiiga-cusub oo ka tagay dalka Qadar, iyo kooxa soomaali ah oo ganacsato u badan oo danahooda ka dhex arkay). Madaxweyne Xassan Sheeikh bilaash laguma dooranin, Qiimaha halkii cod ama Xildhibaan ayaa gaaray 25000 USD.

Guusha Mr Xassan aad baa looga soo dhaweeyay geyiga soomaalida, Sababtoo ah waxaa isku soo beegmay, soomaalida oo daashay islamarkaana dhibsatay wajiyada 2labada shariif iyo Dowlad ku meel gaar ah iyo Dhiiga-Cusub oo isticmaalay kaarka Al-islaax + aqoon’laaan loo qabay Ururka iyo CV-ga Madaxweyne Xassan. Taas waxay keentay in Dhiiga-cusub loogu marxabeeyo si shuruud la’aan ah.

GUNAANAD:KOOXDA DHIIGA-CUSUB (DAMUL-JADIID) WAXAY SHABAHDAA KOOXA BADAN:

Parasitic Capitalism: Dhiiga-Cusub (Damul-jadiid), waa urur Bragmaatik ah,Ra’simaali hantigoosad naxariis daran (Parasitic Capitalism), oo wax walbana ka hormarinaya maslaxadooda dhaqaale, haba yaraatee mana jiro wax xeyndaab ah oo ay ka leexanayaan,- Diin iyo maslaxo dal iyo dad masaakiin ah, sharci umadadeed iyo qaanuun dowli ah toona, Waa koox gacansaar la leh sharikado iyo hantiilayaal caalami ah oo doonaya inay dab saaraan dalka iyo dadka soomaliyeed,

Dhankaas waxaay ka shabahaan Nidaamkii George W. Bush oo malaayiin qof u dilay batrool iyo Naafto, ceebna u soo jiiday dalka mareykanka oo u dhaqmay sida dowlad maafiyo ah, waxaa dhulka galay dhaqaalihii iyo karaamadii mareykanka, sidoo kale dhaqaalihii caalamka. Dhibka intaa la eg ee dunida wada saabtay waxaa u sabab ahaa koox tujaar ah oo ka fikiray dano dhaqale oo u gaar ah. Dhiiga -cusub (Damul-Jadiid), haba tabar darnaado, lakiin waxaa la yiri nimba taagtiisay qodax ugu tagtaaye itaalkooda yar soomaaliyaa dhib ugu fian, Dhiiga-cusub waxuu horinayaa dagaal sokeye si loo gaaro dano dhaqaale iyo awood.

Maafia Dhiiga-cusub (Damul-jadiid, waxay lacago ku kharashgareeyeen sidii loo dili lahaa dad Soomaliyeed, mana aha arin la dhayalsani karo, intii uu socday kulankii magaalada Garbahaarey ee gobola Gedo, waxaay direen 150000 USD, si loo laayo Ergadii Jubaland ee uu hogaaminayay Awlibaax, sidoo kale waxaa jira lacago badan oo gaaray meelo kale oo ay Kismaayo kamid tahay.

Rabshadii lagu beegay 23 febraayo oo ku beegneyd maalinkii uu furmi lahaa Shieweynaha Jubaland, waxaa ku daatay dhiig dad aan waxba galabsanin, sababta loo laayay dadkaas waxay aheyd in lagu gaaro maal iyo Mansab ,dhinacan waxay ka shabahaan Maafiyada caalamiga ah sababtoo ah in qaabka noocan ah wax loo dilo waa astaamaha Maafiyada.

Shabaab:Dhiiga-cusub (Damul-jadiid, sidaan horay u soo sheegnay waa koox ka fallaagowday Ururka Al-islaax, sida Al-shabaab uga falaagowday Ururka Salafiyiinta, sidoo kale waxay aaminsan yihiin qaacidada ay Shabaabku isticmaalaan ee ah: “Wax kasta oo na gaarsiinaya ujeedadayada waa noo xalaal” (The end justifies the means” haba noqoto in la sumeeyo Ceelasha biyaha laga cabo, ama la qarxiyo Arday iyo waalidiin.

Qodobadaas iyo kuwa kaloo lamid ah, sida wadaniyad xumo oo ah in danaha ururka laga hormariyo danaha qaranka, waxay ka shabahaan Alshabaab.

Warlord. Dhiiga-cusub (Damul-jadiid,waxay bilaabeen adeegsiga xeeladihii hore ee qabqablayaasha soomaaliya, dhaqankaas oo ah in magaca qabiilka lagu qaraabto, si loogu gaaro ahdaafta la doonayo, Dhiiga cusub ayaa Odayaasha Muqdisho iyo gobolada qaar ku beer laxawsada kaarka qabiilka si lamid ah, qabqalayaashii soo maray dalka.

Halkaasna waxay ka shabahaan Dagaaloogayaashii hore.

Ugudambeyn: Arinka laga baqayo in kooxdani mustaqbalka ku dhaqaaqdo ayaa ah labo arimood, wa midka hore inay iibiyaan dhulbeereedka u dhaxeeya labada wabi, Gaar ahan dhulbeereedka Jubooyinka iyo Shabeelada hoose, ayna ka iibiyaan sharikado beeraley ah oo ka kala socda daafaha dunida, sida Mareykanka amaba Yurub, inta soo hartana tujaarta Khaliijka, gaar ahaan Qadar.

Arinka labaad ayaa ah, inay wadar ahaan ama guud ahaan u iibsadaan ceelasha Shidaalka soomaaliya, gar ahaan ceelasha Jubaland ee dhaca dhanka xuduuda badda ee aan la wadaagno Kenya, si ula kac ah.

Dhiiga-Cusub : Is weydiinta badan iyo jahawareerka waxaa keenay, inta badan soomalida ma famsana ururkan oo Qaarbaa u haysta Qabiil, qaar kalaa u haysta Urur diimeed, qaarbaa u haysta wadaniyiin, qaarbaa u haysta Cilmaaniyiin, qaarbaa u haysta Dimoqraadiyiin, qaarbaa u haysta dad la doortay, halka qaar kalana waxayba u haystaan in kursiga lacag laga baxshay!!.

Intaba ma qaldana mana saxna, sababtu waxay tahay, manhajka kooxdan ayaa ku dhisan qaacidada ah: Wixii ka hor imanaya danaheena dhaqaale waa xaaraam, wixii waafaqana waa xalaal goolka la higsanayo waa “AWOOD IYO MAAL” Sidaas darteed, marka ay la dagaalamayaan Alshabaab, waxaay isticmaalayaan, kaarka wadaniyadda, hadana waxaad arkeysaa ayagoo isla Shabaabki u adeegsanaya la dagaalanka Jubaland, markana waxaay adeegsanayaan kaarka Qabiilka.

Kooxdan mustaqbalka waxay khatar ku tahay guud ahaan geyiga soomaaliya oo ay ku jiraan gobolada laga taageero.

DAM+JADIID = Economic warlord +Political Islam opportunists

Salaamaad kulli aafaad

Bishar Haji

b.haji114@hotmail.com

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Mabaa’diida Afarta ah ee Badbaadisa Aadanaha. W/Q Cabdiraxmaan Maxamed (Xiddig)

$
0
0

Mabaa’diida Afarta ah ee Badbaadisa Aadanaha
Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig)
xiddig@gmail.com
Maarso 24 2013

Q. 2aad

 

Alle wuxuu ku dhaartay waqtiga si uu u qeexo qiimihiisa, uguna digo in la dayaco. Waqtigu waa shayga ugu qaalisan ee uu qofku haysto. Oo waxaa la yidhaahdaa waqtiga wuxuu keenaa guul iyo guul darro. Wuxuu keenaa murugo iyo muusanow. Wuxuu keenaa geeri iyo gabow. Wuxuu keenaa naruuro iyo naxdimo. Sifooyinkaas kala sinjiga duwan waxaa siiyey waqtiga Alle (Subxaana Watacaalaa). Rasuulka (SCW) wuxuu Xadiis Qudsi ku yidhi, “Ha caayina waqtiga, (sababtoo ah) Alle wuxuu oranayaa aniga ayaa ah waqtiga, waxaan badbadalaa maalinta iyo habeenka” (Bukhari iyo Muslim). Imaam Baqhawi isagoo sharxaya xadiiskan wuxuu yidhi, “Carabtu waxay caayi jireen waqtiga, iyagoo u aaneeya masiibooyinka dhacaya oo dhan, tusaale ahaan, ‘waxay dhihi jireen waqtigiibaa sidaas yeelay’, ‘sanadkiiba sidaas yeelay’, ‘bishiiba sidaas yeeshay iyo maalintiibaa sidaas yeeshay’. Sidaas daraadeed ayaa waxaa laga reebay in ay caayaan waqtiga sababtoo ah qofkii caaya waqtiga, wuxuu ka dhiganyahay isagoo caayay Alle (subxaana watacaalaa)” (Fataawaa Lajnah Daa’imah, Mujalladka 15).

Dadka hormaray adduunka aan ku noolnahay maanta waa dad waqtigooda ka faaiidaystey. Aakhirana waxaa sidoo kale iska leh, kuwa waqtigooda ka faaiidaysta. Waqtigu wuxuu u qaybsamaa qaybo kala duwan. Tusaalo ahaan, Sanadku waa afar waqti, Gu’, Xagaa, Dayr iyo Jiilaal, bilooyinkuna waa labo iyo toban bilood, usbuucyada waa afartan iyo sideed Usbuuc, maalmaha waa saddex boqol iyo konton lix Maalmood, saacaduhu waa labaatan iyo afar saacadood. Waxaa waajib ah, qofku in uu isweydiiyo marwalba waqtiga iyo sida uu uga faaiidaystay isagoo og waqtigu in uusan soo noqonayn.

“Ha bireyn Ha baylihin,
Ha biimeyn maalmaha,
Qorshe la’aan ha baandheyn,
Waqti kuu banaanaa,
Adoo wax baran lahayd,
Ama aad dad bari lahayd,”—- Boobe Yuusuf Ducaale

Axaadiista ku soo aroortay fadliga waqtiga uu leeyahay waa farabadanyihiin laakiin hal mid aan kaaga far fiiqo si aad u fahamtid oo fiiro gaar ah aad ugu yeelatid. Rasuulka (SCW) wuxuu yidhi isaga oo tilmaamaya waqti walba waqti ku caksi ah in uu leeyahay, “ Ka faaiidayso Dhalinyaranimadaada inta aadan duqoobin, caafimaadkaaga inta aadan xanuunsanin, hodantinimadaada inta aadan faqrinin, waqtigaaga inta aadan mashquulin, noloshaada inta aysan naftu kaa bixin,”(Saxiix).

Haddaba, bal fiiri, waxaa la yidhaahdaa qofka raba sanadka qiimihiisa in uu ogaado, ha weydiiyo arday imtaxaan sanadeedka ku dhacay. Qofkii raba bisha qiimaheeda in uu ogaado, ha weydiiyo hooyo ilma dhicis ah dhashay. Qofkii raba usbuuca qiimihiisa in uu ogaado, ha weydiiyo qof soo saara jariirad usbuucle ah. Qofkii raba maalinta qiimaheeda in uu ogaado, ha weydiiyo, qof dukaanle ah. Qofkii raba saacada qiimaheeda in uu ogaado, ha weydiiyo qof sugaya qofkii uu u hilowsanaa. Qofkii raba daqiiqada qiimaheeda in uu ogaado, ha weydiiyo qof diyaarad ama gaari uu ka tagay. Qofkii raba sekenka qiimihiisa in uu ogaado, ha weydiiyo ciyaaryahan ku guulaystay ciyaarta orodka.

Waxaa sidoo kale xaqiiqo ah, qof kasta macno gooni ah in uu u leeyahay waqtiga. Qofka beeraylayda ah, waqtiga macno gooni ah ayuu u leeyahay. Qofka dhaqtarka ah, waqtiga macno gooni ah ayuu u leeyahay. Qofka xanuunsan, waqtiga macno gooni ah ayuu u leeyahay. Qofka injineerka ah, waqtiga macno gooni ah ayuu u leeyahay. Qofka macalinka ah, waqtiga macno gooni ayuu u leeyahay. Qofka ardayga ahna, waqtiga macnoo gooni ah ayuu u leeyahay. Sidaas aawadeed, waxaa haboon qof walba in uu is waydiiyo macnaha goonida ah oo uu waqtiga u leeyahay.

Waxaa la yidhi: Nin baa u yimid Caamir Ibn Cabdi Qays oo ka mid ahaa taabiciintii, markaas ayuu ku yidhi,“in aan kula hadla ayaa rabaa”, Caamir Ibn Cabdi Qays wuxuu ugu jawaabay ninkii, “Qoraxda jooji markaas ayaan kula hadlayaaye”, isagoo dareensiinaya qiimaha waqtiga uu u leeyahay. Cabdullaahi Ibn Mascuud isagoo tilmaamaya qiimaha maalintu ay u leedahay wuxuu yidhi, “Waxaan ka cabsi qabaa in aan ka qoomameeyo maalin qoraxdu ay igu soo baxday oo haddana ay igu dhacday oo cumrikaygu intuu hoos u dhacay, camalkayguna waxba aan u kordhin”. Cumar Ibn CabdilCaziiz wuxuu yidhi, “Maalinta iyo habeenka way kaa shaqaysanayaane, adna ka shaqayso”, isagoo u sheegaya Muslimiinta waqtigu in uu dhamaanayo haddii aan qorshe iyo abaabul lala imaan. Xasan Al Basri wuxuu yidhi, “Ibn Aadanow, maalmo kooban ayaad tahay, maalin haddii ay kaa tagto, cumrigaaga qayb ka mid ah ayaa kaa tagay”, isagoo dareensiinaya Muslimiinta maalmaha iyo cumriga in ay isku xiranyihiin. Oo maalin walba oo ku dhaafta dhanka aakhiro aad u sii dhawaanaysid. Waxaa la yidhi: Xammaad Ibn Salamah waqtigiisu wuxuu ahaa afar qaybood;

1) xadiis in uu dadka barayo
2) Quraanka in uu akhrisanayo
3) in uu tasbiixsanayo
4) salaada in uu tukanayo.

Waxaa la yidhi: saacada Khaliil Ibn Axmed ugu adag waxay ahayd saacada uu cuntada cunayo. Waxaa la yidhi: Abuu Yusuf Al-Baghdaadi wuxuu dhintay isaga oo mas’alo baaraya. Waxaa la yidhi: Maxamed Ibn Xassan habeenkii ma seexan jirin wax yar mooyaane. Waxaa la yidhi: Maxamed Al-Baykindi oo ahaa Sheekhii Imaam Al-Bukhaari lacagtiisa oo dhan qalimaan ayaa dhamaysay. Waxaa la yidhi: Yaxye Ibn Maciin boqol kun oo xadiis ah ayuu gacantiisa ku qoray.

Waqtiguna qof aan bilin,
Qof aan baanan weligii,
Basar aan u maamulin,
Qof bashaalka laasimay,
Miridhkiisa baayicin,
Barkhad aan ka dhaansannin,
Aqoon aan ka buuxsannin,
Ku baxnaanin maankiyo,
Inta uu u baahdee,
Beni-aadmi kaashado,
Ma buulleeyo weligii,
Kama dhigo qof buuniya,
Oo warkiisu badihiyo,
Buurahaba dhaafoo,
La hiigsado bidhaantii,
Cilmi-daalib baafiyo,
Baadi-doonku daalaan,—- Boobe Yuusuf Ducaale

Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig)
xiddig@gmail.com

QEYBTA 1AAD HALKAAN KA AKHRISO

=================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Qowda Maqalsii Waxna ha u Qabanin. W/Q vv. Xussein Diiriye Afrax

$
0
0

QAWDA MAQALSII WAXNA HA U QABANIN
Avv.Xussein Diiriye Afrax
xussein1939@hotmail.com
Maarso 25 2013

Arrinta foosha xun oo xarunta NSTA loogu geysta inta la hubo lix dhallinyaro oo baaris ugu xirnaa xarunta dhexe ee hayadda sirdoonka somaaliya laguna tilmaamay in ciidanka alshabaab ay ka mid ahaayeen ayaa umadda waxaa fajac ku noqotay in meedkooda oo xabbado madaxa uga yaallaan laga helay labo xaafadood ka mid ah magaala madaxda.

Dhacdadaas waxay dad badan soo xasuusiday xasuuqii 17 july 1989 xeebta jaziira loogu geystay rag reer soomaaliland ah keddib markii dad gaaraayo 47 qof oo wax ay galab sadeyn jirin in habeen barkii guryaha lagala soo baxay dabadeedna subixii meedkooda bannaanka jaziira lagu arkay,dhacdadaas waaxay ahayd arrin aad u muruga badan oo qaraabadii iyo inta xaqa jecel ilaa manta ay ka calool xun yihiin kuna noqotay uur ku taallo xanuun badan.

Balse middaan wiilasha yar-yar lagula kaxay waxay uga duwan tahay ayagoo xabsi dowladeed lagu ogaa in haddana meedkooda lagu soo tuuro waddooyinka.

Murugada iyo fadeexada madaxda NSTA ku kaceen laguma soo koobi karo war iyo qoraal,umaddana waxay sugeysaa in dhibka iyo geerida meeshaas ka dhacday deg- deg xal waafi ah oo dadka ku qanci karaan laga gaaro.

Macquul ma aha in dowladda u dhaqanto sida al shabaab ama kooxda booko xaraamta Nijeriya oo dadkii xabsiyada ku jiray la jir dilo keddibna meedkooda jidadka la soo bilqo, dowladda waxay awood u leedahay in ciddii ay dembi ku tuhunto maxkamad la tiigsato si looga abaal mariyo fal-fal xumada ay ku kaceen,balse marna dadka ma oggolaan karaan in xabsiyada habeen barkii dhallinyarada lagala baxo keddibna si aar goosi ama aano qabiil u muuqdo looga taqalluso meedad koodana sida xaabada jidka laga helo.

Markii warkaa foosha xun dibadda laga maqlay,dowladda waxay labo toddobaad ka hor seddex wasiir u xil saartay in ay si deg-deg iyo daacad uga soo baaraan degaan sida wax yihiin keddibna go’aanka barista dib ugu soo naqaan kal fadhiga golaha wasiirada si go’aan looga gaaro.

Ilaa manta oo mar seddexaad barista dib u dhac ku yimid waxa dad badan ay ula ekaatay in daacad maqan tahay ujeedadana ay tahay qawda maqalsii waxna ha u qabanin. Dhegaha soomaalida kuma cusbo qiyaanada ah ( baaris ayaa socoto ) keddibna shanqar dambe la waayo,haddii arrinka sidaas lagu daayo oo ciddii fal dembiyeedkaas gashay wax laga qaban waayo dowladda ha ogaato in dhibatadii la isu geysto ay masuuliyaddeda ayada qaadeyso.

Waddanka fowdada weli kama dhamaanin,waxaa maalin waliba la maqlayaa in dagaal dhex maro ciidan dowladda ka wada tirsan,markii dib loo raacana in dagaalkaas u salka ku hayo hab qabiil,fiiri midka ugu dambeeyay kana dhacay magaalada marka.

Ayadoo laga duulaayo in dowladda tahay mid dib u heshiisiin,ayaa waxaa lagu talinayaa in deg deg xal waafi ah uga gaarto sidii looga abaal marin lahaa qalatada iyo qowleystada gowraca kula kacay dhallinyaradii gacantooda lagu ogaa.

Haddii sidaas la yeeli waayo o dowladda xal keeni weydo faraheeda na kala baxdo ha ogaato in wiilasha ay reer ka dhasheen wixii dhibaato ah oo dhacana in fadeexadaas ay madaxda dusha ka saran tahay.

Shaki kuma jiro in arrintaan laga hari doonin ilaa xaqa la gaaro,mana suurtowi doonto in gil-gilisho iyo siyaasad been huwan sida haatanba ka soo yeertay rag darajo jeneraal lebisan oo ku hantaaqay in wiilasha ay xabsiga ka fakadeen, jeneraalka waxaa jawaab ugu filan nin fakad ah xabadaha lagu rido melal badan ayeey ka haleesha ee ma aha kaliya in dhowr xabadood madaxa uga dhacaan korka intiisa kale jir dil ma ahee xabado uga yaalin,yaa la isku jaha wareerin dadka na yaa lagu mashquulin been abuur raad lahayn sabab jiri na yaa raadin si umadda loo qaldo.

Arrinta ha laga abbaro runta ayadoo cidna looga baqin,haddi sidaas wax ka duwan ama arrinta lagu gooyo qawda maqalsii waxna ha u qabinin in ugu dambeyntii mar xeero iyo fandhaal kala dhecen in si xun looga qooma meyn doono.

Ugu dambeyntii umaddadda waxay u ooman tahay in caddalad lagu dhaqo,intaas ayaa deeqdo,musuq maasuq iyo dibindaabyo hore ayeey uga soo daashay,dowladda haatan jirto ididillo fiican ayaa ka muuqdo,falka NSTA ku kaceen dad badan wuxuu uugu muuqdaa in ujeeddo xun xambaarsan yahay oo la doonaayo in la iska hor keeno shacabka iyo dowladda curdunka ah oo la daala dheceyso sidii nidaamka iyo kala dambeynta dib loogu hanan lahaa. Ayadoo intaas laga duulaayo yaa nin jaceelsi xaqa looga leexanin,arrinta taagan na halaga ilaaliyo oraahdii can noqotay qawda maqalsii waxna ha u qabanin intaas ka gadaal waxa ay dadka dhoorayaan in xalka dilka wiilashaas la marsiiyo cadaalada iyo waddada ugu habboon.

Avv.Xussein Diiriye Afrax

Edmonton London

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Dam-jadiid waa qolama? W/Q Ahmed-haadi Muhumad

$
0
0

Dam-jadiid waa qolama?
Ahmed-haadi Muhumad
haadi30@hotmai.com
Maarso 25 2013

Waxaan wax badan maqalnaa mucaaradka dowladda oo leh (Dam-jadiid), ayaa wadankii qabsaday, mucaaradkaas iyaga ah, ha noqdaan kuwa is badalka cusub ku waayay danahoodii gaarka ahaa ama kuwa kursi ay u hanqal taagayeen looga fariistay oo waliba ay uga fariisteen rag isku soohan oo dadaal iyo is badal muuqda wadankii ku soo kordhiyay.

Qofka caadiga ah marka uu maqlo Dam-jadiid ” Dhiig cusub” waxaa maankiisa u soo deg degaya, koox qabiil iyo heyb wadaag dartii isu kooxeysatay, sida looga bartay dhaqanka siyaasadda soomaaliya, laakin arrintu sidaa ma ahan. Dam-jadiid waa dad fikir wadaag ah, soomaali oo dhanna ka kooban, lehna aqoon diineed iyo mid maaddi ahba.

Soomaaliya, waxaa ka jira nidaam awood qeybsi oo lagu heshiiyay, xukuumadda hadda jirtana waxay ka dhalatay heshiiskaas isaga ah, waxaana wada ognahay in Madaxweynaha, Raysal-wasaaraha, Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxa Maxkamada sare aysan ka tirsaneyn urur gaar ah. Marka waxa la yaab ah in dadka qaar ku geegaaraan Dam-jadiid baa wadankii qabsaday, iyaga oo islamarkaana dadka siinaya sawir khaldan iyo wax aan jirin.

Haddii ay jirto sida ay sheegayaan oo ah in Dam-jadiid waddankii majaraha u qabtay, maxaa dhib ah oo ku jira in dad soomaali ah oo ku midoobay fikir iyo urur ay dalka maamulaan, sow ma aheyn wixii laga cararayay (qabyaalad)?? mise arintu waa; oohintu orgiga ka weyn.

Waa muhiim in qofka siyaasiga ah lagu qiimeeyo kartidiisa iyo wax qabadkiisa, balse aanan la isku mashquulin halka uu reer ahaan iyo fikir ahaan ka soo jeedo, haddii kale hogaamiya kooxeedkii iyo kalkaaliyayaashoodii oo shalay dalka iyo dadka diirtay, ayaa shaati kale inoo soo gashanayo.

Ahmed-haadi Muhumad

haadi30@hotmai.com

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Jubba-land oo dhisantaa waxay horseedaysaa ifafaalo dowladnimo! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Jubba-land oo dhisantaa waxay horseedaysaa ifafaalo dowladnimo!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Maarso 28 2013

“Lix tiir oo muhiim ah baa dowladayda u qorshaysan oo ay Muhimadda kowaad siinaysaa…72degmo ayeey mid kasta 5mashruuc ka hir gelinaysaa intuusan sanadka dhammaan…” Marka taas bedelkeeda annagaa maamul idin soo dhisayna miyaa, mashaariicduse madax-weynaha soo ma oga inaysan ahayn wax isaga laga baryayo! Waxuba Waa Illintii Yaxaaska!

Waxyabaha ilaa intii ay inoo yimaadeen madaxda cusub ee dowladda federalka aan wali la yaabanahay waxaa ugu muhiimsan sida madax weynaha dowladda ugu mashquulay inuu awood iyo amar yeesho isagoo waliba aan wax qaynuun ah u fiirinayn, dad badan oo ka mid ah mas’uuliyiinta la wadaag taladana uusan innaba ha yaraatee waxba uga hambayn ilaa ay qaarkood naanaysyo lagu liidayo loogu yeeray, fikirka noocaas ee uu la yimid Xasan SHiikh Max’ud madax-weynaha aysan golihii doortay kuu sheegi karin sababta ay u doorteen ayaad moodaa inuu dalkii u jiheeyay soo noolaynta colaadihii iyo dhibaato lays lahaa waa laga soo doogsanayaa.

Madax-weynaha, Xasan SHiikh Max’ud marka uu hadal jeedinayo waxaa ka muuqda inuu leeyahay “Adduunka ayaa I aqoonsaday iyagaana ii kiin cabiidinaya ee wax kale oo aan idinka rabo ma jirto” shaki iigama jiro kalsoonida uu beesha caalamka ku qabo weynaanteeda marka la fiiriyo in waxyaabo badan oo laga saxiixday oo innaga qarsoon ay jiraan, Xasan inuu iska qoslo oo iska faraxsanaado inta badan dadkana aysan ku faraxsanayn habka siyaasadeed ee uu wax ku wado macno kale ma yeelanayso, waana halka ay ciribta ku hayaan tuhumo badan oo siyaasiyiin Soomaalieed ay dareensanyihiin ama ay marar badan si cad carabka ugu dhuftaan, waase is-weydiinee maxaa laga saxiixday?!.. kolayba isagu wuxuu ku faraxsanyahay in la aqoonsaday kuwa lagu tuhunsanyahay inuu wax u saxiixayna in nin ay iyagu sharciyeeyeen wax ku sharciyeysanayaan!

Sida muuqata madax-weyne Xasan sidii dowladdii kacaanka ahayd wuxuu la shir yimid hadalo faan iyo ku dhisan awood sheegasho aan rukumo adag iyo xaqiiqda dalka ka jirta ku salaysnayn, waxaana muddadii yarayd ee awoodda hayay bilowday kala shakin faro badan, iyo in gobolo dalka ka mid ah oo isu soo dhowaansho fiican ay ka jirtay ay dib u kala xirtaan albaabada, sida ka muuqata ama laga fahmi karo dabeecadda siyaasadiisana ururo gaar ah iyo dad kooban oo ay isaga isku fikir yihiin buu talada la wadaagaa dadka kale oo dhanna wuxuu u arkaa inay yihiin dad aan talada dalka waxba ku lahayn, wuxuuna u egyahay nin iska dhaadhiciyay dowlad rasmi ah oo la aqoonsaday baad tahay marka xoog baad wax kasta ku fulin kartaa…Xoog!

Wuxuu iska hilmaansanyahay in dal lagu kala tegay , la fiiqday, la burburiyay, dhaqan ahaan, dad ahaan, oo cidla ah xilkiisii loo dhiibay. Wuxuusan garan oo uu ka booday sal-dhigga xoogga uu doonayo inuu sheegto inuu ku jiray raadinta iyo isu soo dumidda ummadda kala irdhowday.

Wuxuu iska indho tirayaa wixii la soo qabtay oo dhan, wuxuuna isu ekeysiinayaa nin heerka maanta la soo gaaray isaga dalka soo gaarsiiyay, wuxuu kaloo inkirayaa waliba si wajigiisa laga dheehan karo in Puntland iyo dowladihii isaga ka horeeyay ay hawlo adag oo dhib badan ka soo mareen heerka dalku soo gaaray, ayna mudanyihiin in abaalkooda xataa mar keliya uu afkiisa ka xuso.

Waxaa haboonaan lahayd Xasan iyo Barlamanka inay dadka u qeexaan ama u sheegaan nidaamka siyaasadeed ee dowladda, waxa in lagu heshiiyay guud ahaan ee la ogyahay waa laba arrin oo midood xilligeedu dhammaad yahay midna uu hadda dalka galayo, labadana dowladdu kuma dhaqanto markii lays qabqabsado oo muran iyo jikaar loo baahanyahay madax-weynaha laftiisaa si uu qiil u helo waa soo hadal qaadaa laakin kuma dhaqmo siyaasadiisana kama mid aha.

Waa midda kowaad nidaamka afarta beelood iyo barka oo isagu la dhamaanaya xilliga xukuumadda hadda jirta cidina kuma dhaqanto, laakiin mararka ay timaado in lays khilaafo ama wax laysku qabsado waad arkaysaa iyadoo la soo hadal qaadayo ama la hadal hayo, hasa yeeshee guud ahaan kama dhex muuqdo siyaasadda dalka, waxaadse arkaysaa in siyaasi kasta oo madax-weynuhu ugu horeeyo marka khilaaf jiro oo qiil ka raadinayo arrintaas, laakiin dowladdu sida loogu heshiiyay uguma dhaqanto barlamankana haba ugu horeeyo gudoomiyaha Jawaari shaqadiisa sharci ilaalinta ah ma hayo, mana fiiriyo in la dhaqan geliyay xeerkii afarta beelood iyo barka marka xilalka la qaybinayo, waxaana guud ahaan dabeecadda xil-dhibaannada la oran karaa waa mid ku salaysan Irmaan Waraabsi, oo si qof-qof ah bay danahooda gaarka ah dowladda uga qunsadaan iyagoo dhaafsanaya tii guud ee ummadda, mise waxay ina leeyihiin wax khaldan ma jiro?…

Midda labaad oo ah Federalismka uu dalka qaatay iyada madax-weynuhu waxay ku noqotay arrin uu liqi kari la’yahay, waxaadna moodaa in nidaamkii hore ee jiray (Centralization) ee awoodda siyaasaddu ku urursanayd gacanta dowladda dhexe oo keliya uu isaga jeclaan lahaa in dalka lagu dhaqo laakiin waxaan u malayniyaa inta uu isaga madax-weynaha yahay keliya inuu jeclaan lahaa!…. Siyaasad ahaana dowladdu kuma dhaqanto, baarlamaankana haba ugu horeeyo af-hayeenka Jawaari shaqadiisa sharci ilaalinta ah ma hayo, walina xil-dhibaannada barlamanka mar keliya dowladda ma aysan weydiin sababta ay gudoomiyeyaal gobolo u magacaabayso iyadoo laga sugayo dhismayaasha dowlad goboleedyo ku midooba dowladda Federalka ah, sababtu maxay tahay?… Irmaan Waraabsi!…Mise?!

Waxaa hadda dad badan oo dhaliilsan siyaasadda dowladda ay tuhunsanyihiin in madax-weynaha oo aad uga soo hor jeeda nidaamka la qaatay ee federalismka iyo af-hayeenka barlamanka oo isagu horay xubin uga ahaa guddi qorayay dastuurka Soomaaliya kana soo hor jeeday nidaamka federalka ah ay si wada jir ah isaga iyo madax-weynaha ugu mashquulsanyihiin inay bedelaad buuxda ku sameeyaan dastuurka lagu soo heshiiyay iyagoo ku gabbanaya in meelaha qaarkood ay ku sameyniyaan erey bixin, waxa ugu weyn ee hadda dastuurka loo falanqayniyana ay tahay maxaan qiil ka dhigannaa si aan dastuurka u bedelno.

Xagee baa laynoo sitaa? Maalin kasta haddii uu imaanayo madax-weyne ama waziir ama xil-dhibaan ciil qab ku soo raagay oo uu dooonayo inuu ka aar guto kuwii uu u ciil qabay oo ay taageeraan kuwo sokeeyenimo ugu hiilanaya maxaa la gaarayaa?!…maanshe ciyaalka yiraahde “CIIL QABOW CADAABTII GAL!” illeen waxay ka yaabaan bay arkeen! Hogaanka dowladda oo madax-weynaha ah ilaa iyo hadda nidaamka uu ku socdo waa mid aan shaqo ku lahayn wax kasta oo lagu soo heshiiyay.

Maxay ku salaysanyihiin oo sharci ah ama qaynuun ah oo uu ku dhisay guddoomiyeyaasha uu magacaabay ra’iisal wazaare Cabdi SHir-doon ee uu ka sameeyay gobollada dhexe iyo gobolka Hiiraan?! Mise dareentay awoodda loo xeeladeeyay gudoomiyaha baarlamanka si uu u magacaabo guddomiyaha gobolka Bay, waxyaabo badan oo garab marsan anshaxa hoggaaminta ummadda, “…Aniga Safar Baan Galayaa, Adiga Ku-simihii Madax-weynaha Ayaad Tahay Guddoomiyihii Gobolka Bay Sii Magacow Oo saxiix !” aawayse waziirkii arrimaha gudaha muxuu qabtaa isagu? Safarada ayuu ra’iisal wazaaraha ku wehliyaa miyaa?… Marqaati mise ilaalo?! Wali dhaqankii jabhadaynta iyo askarnimada, asluubtaas dowladnimada kama mid aha.

Gal-Mudug iyo Ximin iyo Xeeb xiisad siyaasadeed oo aan horay u jirin baa laga abuuray, waxaa la dhiiri geliyay inaysan waligood is oggolaan, is af-garan, waxaa la abuuray jawi ku riixaya colaado iyo in dadku sii kala fogaadaan, waxaana madmadow iyo shaki badan oo aan horay u jirin laga dhex abuuray deegaanadaas dadkii ku noolaa oo awal cadowgoodu ah mid keliya…”Al-shabaab” waxaana talaabada ay dowladu maamulka ugu samaysay qaybo ka mid ah deegaanadaas ay xireen irridihii wada hadalka oo markii hore haba taag darnaatee waxaa jiray is weydaarsi ergooyinka, iyo wada hadalo u dhexeeya dadka walaalaha ah ee deegaanka ku wada nool.

Arrintii ahayd in dhinacyada deegaanadaas ay wax ku heshiiyaan waxaa ka soke maray maamul ay dowladdi samaysay iyadoo taas ku hor joogsanaysa in maamul dowlad goboleed ah meeshaas ka samysmo isla markaasna aan haba yaraatee hoos u fiirin xaaladaha nabad gelyo iyo arrimihii deegaanka ka socday, arrintan waxaa ka dhashay in la kala aamuso, shaki abuurmo, iyadoo ay taas dheertahay dowladda oo aan Gal-Mudug wax tix gelin ah siin, wax talo ah ama gorgortan ahna aan la samayn isla markaasna si cad maamulkaas u laashay, taasina waxay xoojisay khilaafkii iyo kala qaybsanaantii horay Gal-Mudug gudaheeda uga jiray.

Walwalka ugu weyn ee dowladda haysta waa cabsida ay ka qabto in maamul dowlad goboleed ah uu ka samaysmo Jubooyinka, sida iska cadna waxay u badantahay in maamulkaas uu dhismo oo waliba hir galo , waayo waxaa muuqda rabitaan aad u sareeya oo ka imaanaya dhinaca dadka deegaannadaas, dowladda oo ku guulaysatay inay maquuniso deegaano ay ka mid yihiin Hiiraan, Bay, iyo Bakool waliba iyadoo hareer maraysa sharciga iyo qaynuunka dalka ka jira, waxay hadda la legdamaysaa siday u kala diri lahayd dadka deegaannada Jubooyinka.

Waxyaabaha ugu yaabka badan ee dowladda ay goboladaas kula kacday waxaa ka mid ah inay xiisado u abuurtay dhowr jeer si ay isaga hor keento dadka deegaanadaas, waxaa yaab leh in dowladda ay aqoonsan weyday una bareertay inay inkirto lahaanshaha dadka deegaankaas ee gobolladaas iyadoo u ekaysiinaysa in dhulkaas shalay la helay oo aan la aqoon dadkii deggenaa, waxayna ku celcelinaysaa hadalo faro badan oo aan cadayn aadna u baahsan laakiin dadka deegaannadaas ku nool ee dagaalladu soo daashadeen wali la doonayo in lagu kala qaybiyo…waase is weydiinee dowladdu maxay rabtaa inay ku gaarto xiisadaha ay abuurayso?

Ra’isal wazaare Saacid marka aad fiiriso siyaabaha uu u tegay magaalada Kismaayo waxaa ka muuqda xil kasnimo yari aad u qoto dheer oo laysu soo qaawiyay colaadda dadka deegaannadaas , maahmaah Talyaangu leeyahay baa tiraahda Quell Farino None La Farino Del Tuo Sacco!..oo macnaheedu yahay Budadaan Ma Aha Budadii Jawaankaaga! Macnaha waxa aad ku hadlayso ma aha wax adiga kaa yimid ee waa wax cid kale kugu soo shubatay! Waana sida loo macnayn karo naanaysyo ay siyaasiyiinta qaarkood siiyeen iyagoo tilmaamaya inuusan xilka uu ku magacaabanayahay uu maamulkiisa waxba ku lahayn, waayo Saacid haddii uu talada leeyahay ra’iyigiisa marka laga hor yimaado isagoo waliba og inuu gar-daranyahay kuma sii faro adaygeen oo ummad colaad iyo dhibaato ka carar ah oo ku heshiiyay inay maamul samaystaan isma hor taageen.

Guddoomiyaha Barlamanka Max’ed Cusmaan Jawaari ayaa 24kii bishan aan ku jirno ee March booqday magaalada Baydhabo oo ay uga horeeyeen xil-dhibaano iyagana deegaankaas ka soo jeeday ujeeddadooduna ahayd inay u gogol xaaraan sidii loo qaban lahaa shir weyne dowlad goboleed loogu sameyniyo deegaannada Bay, Bakool iyo SHabeelaha –hoose, sida la sheegayna socdaalka Jawaari ayaa la mid ahaa midka uu hadda ra’iisal wazaaraha SHir-doon ku tegay magaalada Kismaayo.

Sida wararkii u dambeeyay ee magaaladaas ka yimaada ay sheegayeen Af-hayeenka wuxuu ku soo guulaystay inuu khilaaf iyo xiisad kala qaybisay ka dhex abuuray xil-dhibaannadii meeshaas isugu tegay, waxayna hadda arrintu maraysaa maamul la sameeyo warkiisa daayee inay qarka u saaranyihiin colaad iyo dagaal ka dhex dhacay iyaga gudahooda …Jawaari taariikhda ku xusi doonta, waase haddaad kala jeceshahay.

SHabeelaha-Hoose waxaa ayaamahan ka socday dagaalo gaar ahaan magaalada Marka waxa ugu weyn ee colaaduu ka kacday waxay ahayd dad-weynaha deegaanka oo diidan maamulka ay dowladdu meesha keentay, xummaanta meesha taalo waxaad ka garanaysaa wali dowladda kama hadlin arrimaha halkaas ka socda waxay ku mashquulsantahay burburinta iyo iska hor keenista maamulo samaysmi lahaa iyo kuwo jiray.

Dadka deegaannada Jubbooyinka anigu ma arko wax ay ku khaldanyihiin kamana duwana maamulada Somaliland iyo Puntland, dowladda danta ay leedahay ha cadayso, waxay ku dhiiran la’dahay inay hal eray ka tiraahdo khilaafka iyo colaadaha maalin kasta soo noqnoqda ee u dhexeeeya KHaatuma iyo Soomaaliland, mise dowladdu waxay rumaysantahay kuwaas inaysan dalka ka mid ahayn?! Madax-weynaha xataa wuxuu iska dhega tiray saraakiil sarsare oo maamulka KHaatumo ka socday oo ka codsaday aqoonsiga maamulkaas, ma aha inuu hub siiyo, ama uu difaaco oo ammaankooda sugo, marka maxaa Jubbaland ku dheeri ah?

Jubbaland inay dhisantaa haddii dadka deegaanku isku af-gartay anigu waxaan aaminsanahay in duco loogu daro ayeey ahayd, waxayna horseedaysaa ku dayasho wanaagsan oo fududaysa in deegaan kasta maamul samaysto kana baxo is dhex yaaca, waxay xoojinaysaa ammaanka waxayna meesha ka saaraysaa in cadow aan la garanayn gabbaad ka samaysto, waana tijaabo horay loo qaaday oo fududaynaysa in dowlad goboleedyo dhismaan, waxayna xoojinaysaa dhismaha dowladda Soomaaliyeed, hasa yeeshee haddi ay jiraan cilado qarsoon oo dowladdu ogtahay waxay ahayd inay dadka u soo bandhigto, hadayse tahay annagaa guddoomiye gobol baan idin soo magacaabayna, kuwa ay hadda magacowday baan sharci ahayn ee ha ka noqoto.

Maxaa maamulka ku- meel gaarka ah ee ka jira Jubooyinka laga fili karaa haddii dowladdii ay ku fekerayso inay dadka rabitaankoodii sharciga iyo qaynuunka u oggolaayeen ay rabto inay xoog iyo awood uga hor joogsato, sow arrintu noqon mayso Geel Duqdiisii Durdurisay Maxaad Aarankiisii Moodaa? Waxaana weydiin ka war celinteeda qof kasta ku adkaanaysa ay tahay, maxay tahay danta dowladda uga dhex maqan oo ay u diidantahay inay dhismaan Dowlad Goboleedyada Federalka ku midoobaya?

Mise waxaa dhab ah oo madax-weyne Xasan uu dadka rabaa inuu ku qasbo taladii Ismaaciil Cumar Geelle madax-weynaha Djibouti uu u soo jeediyay isaga iyo Axmed Siilaanyo, kulankii ay seddexdooda ku yeesheen munaasabaddii sanad guuradii 40aad ee ka soo wareegtay Qoristii Afka Soomaaliga ee lagu qabtay dalka Djibouti, markaasoo sida la sheegay uu Ismaaciil Cumar Geelle labada nin ku dhexdhexaadiyay in Soomaaliya ay yeelato labo dowlad goboleed oo kala ah; British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ku midooba dowlad federal ah.

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Waa ayo gaalada dalka laga saarayo? W/Q Axmed C/samad

$
0
0

Waa ayo gaalada dalka laga saarayo?
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Maarso 29 2013

Kooxda Al-shabaab iyo taageerayaashoodu waxay ku hadaaqaan gaalada dalka joogta maa laga hadlo iyo maa dalka laga saaro?. Horey waxaan usoo sheegnay kooxda Al-shabaab inay heegan u tahay inay layso cid kasta oo gaalada kula dirirta siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan oo aan maamulkooda hoos-imaan. Waxaa kale oo aynu sheegnay ciddii iyaga ku biirta oo doonaysa inay gaalada la dirirto in lagu khasbayo laynta iyo hagardaamaynta muslimiinta. Waxaa intaa sii dheer in ay hubka ka dhigeen shacabkii daganaa dhulkii ay qabsadeen iyaga oo magacyo qurxoon u bixinaya hubkadhigistaas; sidaa darteed way adagtahay in gaalo wax lala qaybsado inta kooxdaasi joogto. Qormadaan maantana waxaan ku eegaynaa cidda ay tahay gaalada dalka laga saarayo iyo haddii gaaladaas dalka laga saaro cidda soo dagaysa oo badalaysa.

Ugu horrayn kooxda Al-shabaab waxay munaasabado kala duwan ku sheegtay in maamulada dalka ka jira gaalo yihiin, dadka ku hoos-noolna gaalo yihiin, suufiyaduna gaalo tahay, ururada islaamiguna gaalo yihiin. Taa macneheedu waxaa weeye in Soomaali oo dhan gaalo tahay marka laga reebo kooxda Al-shabaab. Arrintaa waxaa sii caddaynaya habka kooxda Al-shabaab ula dhaqanto bulshada Soomaaliyeed oo ah:

Dil qarsoodi ah iyo mid bareer ah oo ay si guud ugu gaystaan shacabka gaar ahaan nindoorka bulshada, qarxinta iyo weerarada millatari ee lagu xasuuqayo dadweynaha, cabsi-galinta iyo qixinta shacabka, cunaqabataynta iyo go’doominta dadweynaha haba ugu darnaato xilliyadii abaaraha oo ay kaalmadii u diideen, gobolada qaarna gaadiidkii biyaha iyo cuntada geynayey ka xayireen taas oo keentay in shacabku dalalka dariska u tallaabaan; si ay dadka waxa u nool u badbaadiyaan.

Dhinac kale marka laga eego kooxdaani shacabka Soomaaliyeed ayay dalka gudihiisa ku xasuuqdaa, qaarna ka qixisaa, mana la arag gaalo dalka ku soo qulqulaysa mooyee mid ay ka saareen xataa ciidamadii dalka laga saaray intii aanay kooxdaani xoogaysan dib ayay ugu soo noqdeen, mana la arag meel ay ku hor-istaageen soo galidooda.

Aynu isweydiino haddii Soomaali gaalo tahay, kuwa ku soo duulayna gaalo kale yihiin maxaa kooxda Al-shabaab labada gaalo ugu kala hiilinaysaa?. Haddii gaalada Afrikanka ah dalka laga saaro se soo koley meeshii gaalo uun ma daganaanayso?, mise gaalada la saarayo waa Soomaalida sida ficilka Al-shabaab tusayo.

Waxaa kale oo isweydiin mudan haddii dalka gaalo Soomaali ah iyo gaalo afrikan ah wada joogaan maxaa midna loo saarayaa midna loo daysanayaa?, maa la wada saaro ama la wada daayo. Haddii kale gaalka asalka ah ayaa kan murtadka ah dhaamee maa Soomaalida la saaro oo Afrikanka la daayo?. Ogow waa sida kooxda Al-shabaab u shaqaynaysee!!.

Arrimahaan waxay muujinayaan gaalada la sheegayo ee ay tahay in dalka laga saaro inay tahay shacabka Soomaaliyeed ee aysan ahayn ciidamada Afrikanka. Bal eeg sawir kartoon ah oo Amiin Caamir ka sameeyey Soomaaliya oo la isweydaarsano oo dadkeedii ka sii qaxayaan, ciidamo Afrikaan ahna ku soo qulqulayaan!.

 

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Heerrarka Caqliyada. W/Q. Mubarak Hadi

$
0
0

Heerrarka Caqliyada.
Mubarak Hadi
mubarakhadi@gmail.com
Abriil 01 2013

 

Kolka la abla-ablaynayo heerrarka caqliyada aadanaha iyo qaab fekerkooda waxaa la yiraahdaa waxay u kala qaybsamaan saddex nooc: caqliyo waawayn, caqliyo mee dhexaad ah iyo caqliyo yar yar. Caqliyada waawayni waxay ka wada sheekaystaan, kana doodaan mabaadii iyo afkaar, caqliyada meel dhexaadka ahna waxay ku mashquulaan ka hadalka dhacdooyinka iyo waxyaalaha aan wax ku oolka ahayn, caqliyada yar yarina waxay wakhtigooda inta badan ku lumiyaan faaqidaada  iyo falanqaynta shakhsiyaadka. Akhriste, haddii aan wada socono aan ku dul geeyo caqliyadaa saddexda ah dunida ay ku kala noolyihiin.

Aan ku horreeyo dadka caqliyada yar yar leh, dadkani waxay ku noolyihiin duni aad u hoosaysa. Waa dad aan ka fekerin iney wax hal abuuraan, wax soo saaraan, wax bixiyaan iyo ineey raad dunida kaga tagaan geeridooda ka gadaal. Noloshoodoo dhami waxay ku egtahay uun ineey ka fekeraan dadk kala gurkooda iyo ineey ceebaha dadka iyo khaladadaadkooda raac raacaan. Dadkaa iyaga ah waxaad ka helaysaa goobo badan oo kugu xeeran. Tusaale, haddaad masaajidda taktid (Iskaba daa meel kale oo lagu kulmee) waxaad ugu tagaysaa dad dhalinyaro u badan oo koox koox u fadhiya oo ka sheekaysanaya culimo isu jawaabtay, kuwo la fogeeyay, qaar kaloo la gaalaysiiyay. Haddaad usii fiirsatid waxaad arkaysaa dad isku wada maqan, had iyo jeerna ku howlan “Hebel halkaasuu maray” iyo “heblaayo halkaaseey martay”, “Hebel sidaasuu yiri” iyo heblaayo sidaasay tiri”  Akhriste, makuu sheegay kuwaan aniga dhagahayga ku maqlay? Waxaa ka mid ahaa “Wadaad hebel baryahan gadhkii buu gaabsaday”. “Wadaad hebel facebook buu ka dhammaan la’yahay”. “Hebel  waan ka shakiyay, inuu saddexda xaraf (sirdoonka maraykanka) u shaqeeyaan u maleenayaa”, Hadda garo oo intaasiba aagga masaajidka ayaan ka maqlay, meelaha kalana iskaba daa. Waxaa I danqaysa innaan iraahdo dadka noocaa u fekera meeshay doonaanba ha joogaane ineey ka mid yihiin dadka ku nool dunida hoosaysa. Dunidaa cidda ku noolina maaha kuwo laga sugayo ineey hammi ummaddeed qaadaan, iskaba daaye, laga sugi maayo ineey xitaa naftooda kob cosob u hoggaamiyaan.

Qaybta labaad waa dadka caqliga meel dhexaadka ah leh. Dadkani xoogaa kuwii hore (dadka caqliga yar yar leh) way dhaamaan, laakiin qudhoodu waxay ku noolyihiin duni aan kuwaa tooda ka fogayn. Waxaa iyagana noloshooda inta badan qaata hadal haynta dhacdooyinka aan micnaha badan ku fadhiyin. Tusaale, haddaad suuqyada tagtid iyo meelaha lagu ganacsado waxaad arkaysaa bulsho dhan oo aad mooddo in la yiri wixii dunida maanta ka dhacay oo dhan soo kooba, markaasay maantoo dhan ku hadaaqayaan “Maxaa la yiri?”, waxaa la yiri”, wuxuu yiri”, ” waxay tiri” iyo “Meel heblaayo waxaasaa ka dhacay”. Nasiib darro, waxaad suuqyada ku arkaysaa da’yartii berito iyo manta ummadda anfici lahaa  oo iyaguna ku mashquulsan Manchester baa Arsenal ka badisay, Chelsea baa hor-yaalka hoggaaminaysa, Barcelonaa kaalinta koowaad gashay iyo wax la mida. Qaar kalaa iyaguna ku mashquulsan dharka sanadkan socda, baabuurta hadda soo baxday, filimmada cusub, iwm. Waxaa dhab ah dadka iyaguna noocaa u fekera, wakhtigooda qaaliga ahna sidaa ku lumiya innaanay nolosha wax kusoo kordhin Karin, sababkii loo abuurayna aaney weli garan ama moog yihiin.

Qaybta Saddexaad waa dadka caqliga sare leh. Dadkani waxay ku noolyihiin duni la yiraahdo dunida afkaarta, dunidaa waxaad ka helaysaa caqiido, waxaad ka helaysaa akhlaaq iyo qiyam, waxaad ka helaysaa arragtiyo, waxaad ka helaysaa dood cilmiyeed, waxaad ka helaysaa  falsafad, waxaad ka helaysaa cilmiga daqaalaha, midka tiknoolajiyadda, midka siyaasadda, midka taariikhda iyo xadaaraha ummadaha,  iwm. Dadka dunidaa ku nooli waxay ka wada sheekaystaan, isna dhaafsadaan fikrado iyo afkaar sar sare.  Waxay la noolyihiin arragtiyo waaween. Waa dad garanaya  halkay ka yimaadeen, waxay u noolyihiin iyo halkay ku aroorayaan intaba.Waxay xambaarsanyihiin hammi qofeed, mid qoys iyo mid qarameedba. Waxay la nooyihiin oraahdii Mustafa Araafici (AUN) ee ahayd  “Haddaadan dunida wax ku soo kordhinayn adigaa dusheeda siyaado ku ah” Wakhtigoodu kuma boxo “Maxaa la yiri” iyo “Waxaasaa la yiri”, kuma lumiyaan ka sheekaysiga dhacdooyinka aan micnaha badan ku fadhin. Waa dad waxaasoo dhamiba la yar yihiin oo raadinaya wax intaa ka wayn oo ka macno badan. Waxaan la yaabaa dadka ku nool waddamada horumaray sida Marekanka oo aan hadda ku noolahay, waxaan in badan eeg eegay  oo aan raadiyay dad waddada tag taagan oo ka sheekaysanaysa wax la yiri iyo wax dhacay, markaasaan arki waayay qof naftiisa ku mashquulsan mooyee qof  kale. Waxaan in badan ka fekeray waxa ay horumarka intaa le’eeg ku gaareen, waxaan ogaaday ineey ku badanyihiin qaybta saddexaad ee caqliyada sar sare leh, ee la nool fikradaha wax ku oolka ah.

Guntii iyo gunnaadkii, dhalinyaro, ummaddeenu manta waxay dhex gudaysaa taariikh aad u mugdiyo badan. Waxaa maalin walba ina gudbaya oo rogmaya bogag taariikheed aad u mad madow, bogag taariikheed aad mooddo in dhiig iyo ilmo anqaas ka samaysan lagu qoray. Dhalinyaro, taariikhdaa mugdiyada badan ma baddeli karaan dadka caqliyada yar yar leh ee ku mashquulsan ka sheekaynta dadka, mana baddeli karaan kuwa caqliyada meel-dhexaadka ah leh ee ka sheekaysta dhacdooyinka aan micnaha lahayn, waxaa wax ka baddeli kara dad la nool feker sare, leh han sare iyo hirraal fog, wacyigooduna aad u sarreeyo.

Mubarak Mohamud Saleban (Muabarak Hadi)

Email: Mubarakhadi@gmail.com

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Ma dad gooniyaa maamulka C/raxmaan Faroole xanuun ku hayaa. W/Q Wardoon Cali

$
0
0

Ma dad gooniyaa maamulka C/rixmaan faroole xanuun ku hayaa.
Wardoon ali
wardoon@jounrnalist.com
Abriil 01 2013

Waxaa dhawaanahanba soo badanaye dad lagu kala afduubanayey deegaanada ay kakala arimiyaan Maamulada Gal-mudug iyo maamulka Puntland, arintaas oo salka ku haysey ama ka kacday nin sida la sheegay ay ciidamahada puntiland ka taxaabteen magaalada gaalkacyo kaasi oo ay la xariiriyeen in uu ku howlanaa arimo la xariira khalkhal gelinta nabdeggalyada gobolka, ayna sheegeen inuu ninkaasi ku hawlanaa faldanbiyeed uu ka fulinayay gudaha gobolka mudug.

Maalmo kadib ayaa kooxo ku hayba ninkaasi waxaa ay 5 ruux oo kaoo jeeda Gobolka mudug dhanka waqooyi ka kaxaysteen, kuwaasi oo la aadey deegaano ay ka arimiyaan maamulka gal mudug si ay maamulka puntland xoog ugu saaraan in ninkaasi dib loosoo daayo.

Hase ahaatee dadaalo dheer oo ay odoyaasha dhaqanka ee kasoo jeeda dhanka dhalinyarada la afduubtay ay maamulka puntland ugu tageen in ay arrimahaasi fududeeyaan dadkaasina lasoo daayo,hase ahaatee waxaa ay odayaasha dhaqanku wejigabax kala kulmeen maamulka puntland oo sheegay inaanay danbiilahaasi waxa tanaasula ka ogolayn.

Sikasta ha ahaatee dadaal dheer iyo xiriiro ay sameeyen odayaashii 5 ruux laga haysatay iyo kuwii haystey waxaa ay ay ku guulaysteen in moddo bilo ah kabid ay xoriyadoodii helaan 5 tasi ruux, walolw aanay dawlada Puntland wax dadaala oo arimkaasi la xariira iyo wax gacana midna aanay ka gaysan.

Waxaase sidaasi si lamida ninkaas maamulka Puntland lagu haystay loo afduubtay 2 ruux oo kasoo jeeda gobolka nugaal, taasi oo wararka ka soo yeeraya maamulka puntland ay tibaaxayaan in lasoo dayndoona ninkii ay hore maamulka Puntland ugu sheegeen inuu danbiile ayahay oo aanay wax tanaasula ka bixinayaan, hada maxaa is bedelay,maadaama ninkaasi loo haysto shaqsiyaad kasoo jeeeda gobolka nugaaal in ay maamulka Puntland tanasulaad ka qaataan, hadaba su’ aasha meesha taali waxaa weeyey ma dad gooniyaa maamulka C/rixmaan faroole xanuun gooniya ku haya.

wardoon ali
wardoon@jounrnalist.com

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Goormaan Garan Doonnaa Waxa Inoo Dan ah? W/Q Dr Cabdullaahi Axmed Karaani

$
0
0

GOORMAAN GARAN DOONNAA WAXA INOO DAN AH?
Dr Cabdullaahi Axmed Karaani
karani38@aol.com
Abriil 02 2013

QEYBTII 1aad

Dr Cabdullaahi Axmad Karaani

-WAR MA WAXAA INOO DAN AH, INAAN LAHOGANNO MUSIIBADAN INA KU DHACDAY,MISE WAXAA INOO DAN AH, INAAN KA HAWLGALLO , DHIBAATOOYINKAN ISBIIRSADAY EE NAGU HABSADEY, SIDAAN U KALA FURFURI LAHAYN?-WAR MA WAXAA INOO DAN AH, INAAN QABYAALADEYN IYO QOLOQOLEYSI DADKEENNA U HORSEEDNO, MISE WAXAA INOO DAN AH, INAAN MIDNIMO IYO QARANNIMO ABUURNO OO XOOJINNO?

-WAR MA WAXAA INOO DAN AH ,IN SHARAFTEENNA IYO DAWLADNIMADEENNUBA LUMAAN, MISE WAXAA INOO DAN AH INAAN SHARAFTEENNA DADNIMO IYO DAWLADNIMADEENNABA KU MINTIDNO?

- WAR MA WAXAA INOO DAN AH, INAAN WALAAHOW IYO CAQLI LA’AAN KU WAARNO , MISE INAAN FAKARNO OO TASHANNO OO SIDII DAD CAQLI IYO MASKAX LEH U SHAQEYNO?

- WAR MA WAXAA INOO DAN AH, IN ADDUUNKA KALE, MAGACA” SOOMAALI” ISKA ILAALIYO, MISE WAXAA INOO DAN AH INAAN NOQONNO DAD WANAAG LAGU YAQAAN?

- WAR MA WAXAA INOO DAN AH,IN DADKEENNII KALA CARARO COLAAD IYO BAQDIN AWGEED , MISE WAXAA INOO DAN AH INAAN COLAADDA KA JOOJINNO DADKEENNA IYO DALKEENNABA?

-WAR MA WAXAA INOO DAN AH IN DADKEENNU CEYROOBO OO DALAL QALAAD TUUGSADO, MISE WAXAA INOO DAN AH INAAN KHEYRAADKA DALKEENNA DHEXYAAL KA HAWLGALLO?

- WAR MA WAXAA INOO DAN AH , IN CARUURTEENNU WAXBARASHO IYO CAAFIMAADBA SEEGTO, MISE WAXAA INOO DAN AH INAAN DALKEENNA MUJTAMAC WANAAGSAN KU ABUURNO?

- WAR MA WAXAA INOO DAN AH, INAAN GARAN WEYNO IN NABADDU INOO TAHAY LAMA HURAAN, MISE WAXAA INOO DAN AH INAAN ANNAGOO ISKU DUUBAN NABADDA WADA QAADANNO, MISANA QORIGA ISKA TUURNO ?

-WAR MA WAXAA INOO DAN AH IN CARUURTEENNII GARANWEYDO, DIINTEENNII,AFKEENNII I IYO DHAQANKEENNIIBA,MISE WAXAA INOO DAN AH IN CARUURTEENNA AAN KU ABABINNO ARRIMAHAAS?

-WAR MA WAXAA INOO DAN AH IN DADKEENNU JAAHILNIMO IYO DIB-U-DHAC KU JIRO, MISE WAXAA INOO DAN AH IN DADKEENNU HORUMARO OO CIRKA IYO CAADDA GAARO?

- UGU DANBEYNTII SOOMAALIYEEY MARNA MEYSTIRAAHDEEN : BAL AAN EEGNO DANTEENNA GUUD, OON CALANKEENNA IYO DALKEENNABA KOR KA YEELNO?

FAALLO GAABAN:-

WAA MAXAY ULAJEEDADA QORAALKA SARE?

ULAJEEDADA QORAALKA KORE, WAXAY ILA TAHAY INEY KA MID NOQON KARTO WAXA LOO YAQAAN WACYIGELINTA DADWEYNAHA, TAASOO AH WAX ISU SHEEGID IYO KALA FAA’IDEYSIGA XOGAHA WAXTARKA U NOQON KARA UMMADDA SOOMAALIYEED. SU’AALAHA ISDABAJOOGA, OO KOR KU QORANI, WAXAY KA TARJUMAYAAN ARRIMO INA SOO MARAY OON MISANA WELI AAN KU TAAGANNAHAY OO LOO BAAHAN YAHAY INAAN KA FAKARNO OO MARKAA QAADANNO KUWA INOO WANAAGSAN OO DANTA UMMADDEENNU KU JIRTO , IYADOO AY LAMA HURAAN NOQONEYSO IN WAXYAABAHA AAN FAA’IDADA INOO LAHAYN LA TUURO. MATALAN NABADDU WAA INOO LAMA HURAAN ,WAANA FURAHA HORUMARKA DALKEENUU TIIGSANAYO , MARKA INAAN COLAADDA IYO JAHLIGA KALA DIRIRNO UMMADDEENNA WAA WAAJIB INA SAARAN DHAMMAANTEEN SHICIB IYO DAWLADBA. WAXAAN JECLAAN LAHAA IN DADKA WAX AKHRIYAA, ARRIMAHA KOR KU QORAN HOOS UGU DAADEGAAN NUXURKOODA, OO AY MARKAAS LA WADAGAAN QEYBAHA KALOO BULSHADA, SI DHAMMAAN LOO WADA QAATO WAXA UMMADDEENNA IYO DALKEENNABA DAN U AH.

WAXAA QORAY FAALLADA IYO QORAALKA SAREBA:

DR. KARAANI

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Dooxyada Dadka iyo Duunyada Halaaga!. W/Q Cabdifataax I. Mursal:

$
0
0

Dooxyada Dadka  iyo Duunyada Halaaga!
Cabdifataax I. Mursal
mrmursal@gmail.com:
Abriil 03 2013

Nimco waliba nusqaan leh. Masiibooyinka debeeciga ah ee adduunyada aynu ku nool nahay guudkeeda ka dhacaa waa kuwo fara badan. Waxaana ka mid ah Dabaylaha, Duufaannada, Daadadka, Dhul-gariirka iyo Foolkaanaha.

Soomaalidu way ku maah maahdaa “Masiibo intay kaa mqantahay, qayrkaa bay jirtaa”. Taasoo tusaale u ah rumaynta qaddarka AllAAH (SMW), hadday badhaadhe tahay iyo hadday dhibaato kula soo derista-ba, qofkasta oo Muslim ah, Iimaankiisuuna buuxaa waa mid uu aqbalsanyahay, marka laga reebo tiro yar oo Shaydaabku duufsaday.

Qaddarka AllAAH waa halkiisa, waxaase barbar taal aalado Aadamuhu samaystay oo u fududeeyay inay isaga gooshaan kumannaan ama boqollaal Kiiloo-mitir, kuwaasoo u qaybsama noocyada Badda, Berriga iyo kuwa Samadda haada.

Gaadiidka dhulka maraa waxay ka mid yihiin birta Ilaahay innoo sakhiray ee wax-tar weyn ka geysatay isu-socodka Magaallooyinka, Tuullooyinka iyo inay isaga gudbaan Waddammo. Run ahaantii waa nimco aad u weyn, Nimco waliba-na nusqaan lehe, waxay maalin kasta galaafataa dad badan oo naftooda ku waaya shilalka ay gaadiidkaasi sababaan, hadday tahay kuwo dhaca ama qallibma, kuwa is-jiidha ama is-duqeeya iyo qaar Daad qaado-ba.

Geeridu waa xaq ILLAAHAY ku xukumay noole kasta oo dunida korkeeda ku uumman, kuwaasoo Malagga ILLAAHAY u soo diray siyaabo kala duwan uga qaado nafta. Waxaase jira waxyaabo badan oo sii fududeeyay dhimashada iyo kahasaaaraha adduun oo ay saamayn ku leeyihiin Bini-Aadamku.

Inkasta oo Dhulka Soomaalidu degto intiisa badan lagu arag Masiibooyinka debeeciga ah ee aynu kor ku soo xusnay intooda badan, haddana waxa jira kuwo kooban oo debeeci ah iyo kuwo Aaladaha Aadamuhu sababaan oo ku badan. Haddaba, haddaynu is-dul-taagno dulucda qoraalkeenna. Somaliland waxa aad ugu badan shilalka ay Baabuurtu gasho oo keena khasaare naf iyo maalba isugu jira.

Haddaynu si gaar ah isu-dul-taagno ujeeddada aan maanta qalinka u qaatay, waxaa jira Dooxyada taxan waddada Laamiga ah ee isku xidha Berbera illaa Hargeysa, waxay galaaftay boqollaal nafood, kuna sahayatay hanti  badan, gaar ahaan xilligan aynu ku jirno ee Gu’ga oo Roobabku curtay ay ka dhashaan Daadad laxaad leh oo ku soo rogmada Dooxyada isdaba-yaal jidka u dhexeeya magaalo-xeebeedda Berbera iyo Caasimadda Hargeysa. Sannadkasta waxa dhegahaygu maqlayaan Haldoor, Mudane, Siyaasi, Sheekh iyo Shariif ummadda qiime ku lahaa oo Daadka Dooxyadaasi la tegeen, ILLAAHAY naxariistii Janno haka waraabiyo dhammaantoode.

Saacaddu kama soo dheerayso kamana dib dhacdo wakhtiga ILLAAHAY noole kasta u qoray inuu dunida ka tago oo u kicitimo dhinaca hoyga dhabta ah ee Aakhiro. Hase-yeeshee, geeri kasta Noolaha maanta ku timaadda waa loo magac-bixiyaa oo wax baa loo arkaa ama Aadamuhu xaqiiqsadaa inay sabab u yihiin dhimashadiisa.

Dhacdadii u dambaysay ee qalbigeenna ka qoyani waxay ahayd masiibo ka dhacday Sabtidii toddobaadkan Dooxa Lafa-ruug oo ka tirsan gobolka Saaxil oo waxyar ka sokeeya degmada Berbera, halkaas oo uu ku naf waayay Xildhibaan Aadan Shire Faaax oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, sidoo kalena ka mid ahaa Mudanayaasha faro-ku-tiriska ah ee lagu sifeeyo daacadnimmo iyo go’aan adag oo ay danaha siyaasiga ah ka horumariyaan ta shacabka iyo danta guud, ka dib markii uu Daadku qaaday gaadhigii uu saarnaa. Waxa kale oo iyaguna shilkaas ku dhintay Laba Ruux oo kale, dhammaantood ILLAAHAY ha u naxariisto.

Sannad kasta waxay Dooxyadaasi sababaan dhimashada Muwaaddiniin reer Somaliland ah, waxaanay qaataan gaadiid iyo hanta ay leeyihiin Muwaaddiniin dalka u dhashay, sidaa daraaddeed, waxay is-weydiintu tahay maxaa wax looga qaban waayey? Inkasta oo aanay Xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland soo maray weli mid ka mid ahi ku guulaysan helitaanka xal lagu bedbaadin karo dadka iyo duunyada sannad walba Dooxyadu qaadaan. Waana inay dawladdu ogaato inay dadka iyo duunyadooda maalin walba Dooxyadu qaadayaan masuuliyadda koowaad iyada ka saaran yahay.T

Tolo-soo-jeedin:

Si loo bedbaadiyo nafta iyo maalka shacabka, haddii aanay dawladdu awood u lahayn inay Biriijyo ka dhisto Dooxyadaas, waxaa jira qorshayaal kale oo ay ku yarayn karto khasaaraha tirada beelay ee maalin kasta laga soo sheegayo Dooxadaas dadka iyo duunyada-ba halaaga ee dhimashada badan, kuwaasoo ay ka mid yihiin; in dawladdu xilliyada Roobabka shaqaale kormeera geyso dhammaan Dooxyada waaweyn ee Bulshada halista ku haya, kuwaasoo masuulliyaddoodu tahay inay la socdaan xaaladda Daadadka Dooxyada mara iyo xaddigooda, oo marka ay Dooxyadu socdaan la soo socodsiiya dawladda, oo Idaacadaha iyo Warbaahinta looga digo shacabka marista waddada, lana xidho Dooxyadaas inta uu Daadadku dhammaanayaan.

Sidoo kale, waxaa dawladda looga baahan yahay inay wakhtiyada Roobabku tusan yihiin ama curran yihiin inay hawl-geliso Masuuliyiinta dawladda ee gobollada iyo degmooyinka Dooxyadu maraan ama ku dhaw yihiin, isla markaana ay ku taageerto Boolis la hawlgala madaxda degmooyinka, gobollada iyo kooxda hadday u suuragasho kormeerka samaynaysa ee soo jeedinteenna koowaad ku jira. Haddii ay Xukuumaddu ku guulaysato inay taladeennan aqbasho ama tixgeliso waxaan odhan karaa, waxaa lagu guulaysan karaa inay yaraadaan khasaaraha ay maalin kasta sababayaan Daadadka Dooxyada dadka iyo duunyada halaaga marayaa.

Warbixin: Weriye Cabdifataax I. Mursal

e-mail: mrmursal@gmail.com:

Hargeysa/Somaliland

 

============================

 

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Sahan Cusub iyo Yididiillo Wax Qabad. W/Q Avv. Xussein Diiriye Afrax

$
0
0

SAHAN CUSUB IYO YIDIDIILLO WAX QABAD
Avv.Xussein Diiriye Afrax
xussein1939@hotmail.com
Abriil 03 2013

Haddi in yar taariikhda dib loo eego jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ka unkantay isku darki 1 Luulyo 1960 labadii Baarlamaan ee 33 xildhibaan Soomaaliland iyo midkii Soomaaliya 90 xildhibaan ee Ingiriska iyo talyaaniga kala gumeysan jireen,si hadafkaas lagu meel mariyo waxaa la isku raacay 20 kii Jun 1961 in ummadda afti ku oggolaato tastuur mideynaayo Soomaaliland iyo Soomaaliya, oggolaanshihii tastuurka waxaa ka dhalatay janhuuriyad mideysan oo leh calan u gaar ah ayna u dhan yihiin sharuudaha qaran iyo dowlad nimo:

1.Barlamaan qaran oo ka kooban xildhibaanno ku yimaado doorasho (shan sano )oo qarsoodi madax bannaan huwan lehna awoodda sharci dejin, meel marinta miisaaniyadda dowladda, dib u eegidda iyo oggolaanshaha heshiisyada heer Qaran iyo wixii la mid ah.

2.Madaxweynaha Janhuuriyadda Soomaaliya waa astaanta midnimada,waxa uu jaangooya howsha barlamaanka,midda dowladda iyo tan sharciga waxaa doorto baarlamaanka muddadiisana waa shan sano,waa taliyaha ciidamada iyo madaxa guddiga sare ee maxkamadaha, xukumada ciqaabta ayuu cafis ama beddelid ka fidin kara, waa soo dhaweyaha safiiradda waddamada dibadda ee Soomaaliya joogo.

3.Dowladda,waxay ka kooban tahay wasiirka koowaad,wasiirada iyo ku xigeenada waxay masuul ka tahay hab wanaag socodka howlaha dowladda, aruurinta canshuuraha IWLamid ah.

4.Maxkamadaha waa awoodda u taagan qaadidda dacwooyinka,waa hayd madax bannaan waxay ledaha darajooyin is hoos yimaado iyo xeer ilaaliye guud ee qaran waxaana looga taliyaa maxkamadda sare.

Intaan haddii lagu dhaafo berisamaadkii waddanka soo maray waxaa soo kordhay jahawareer iyo sahan xumo oo marba marka xigto ayaa loo gudbayay marxalad tii hore aad uga xun, fal- fal xumo ayaa billaabatay oo waxaa goob jog loo noqday in doorashadii 1969 ay u tartameen 72 xisbi siyaasadeed, meeshii ahayd maxaad taqaana waxaa la doortay yaa taqaan taas oo soo dedejisay dib u dhac weynna ku keentay jiritaanka qaran nimo ee Soomaaliya ka gadaal marki degmada Laascaanood askarigii ilaalada u ahaa uu ku toogtay Allaah ha U naxariistee madaxweyne Marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaarke, geerida marxuumka waxay sabab u noqotay in ciidamo uu hoggaaminaayo Allaah ha u naxariistee General Siyaad Barre ay si dhib yar kula wareegaan talada waddanka,af-gembi ciidan markii la arko dad weynaha waxa ku dhalato ididiillo ah in loo gudbay sahan fiican iyo isbeddel nololeed oo ka wanaagsan kii hore, balse rajadii kacaanka laga qabay waxay ku soo aruurtay hal heyskii caanka aha ee reer Banaadiriga (JUG-JUG MEESHAADA JOOG ), xubnihii sida wadajirka ku dhaliyay kacaanka ayaa inta uusan waagiiba u beryin waxay iskula dhaqaaqeen in qaar laga taqalluso:Allaah ha u naxariiste ragga laga taqallusay waxaa ka mid ahaa Jeneral SALAAD GABEYRE KEDIYE, Jeneral MAXAMED CEYNANSHE GUULEED iyo Korneel CABDULQAADIR DHEEL CABDULLAAHI, sidaas ayaa dadaalkii kacaanka ku shiiqay waxa uu na ku dambeeyay (HAL BACAD LAGU LISAY), maalintaas waxi ka dambeyay ummadda waxay isu abaabushay la dirirka kacaanka, waxaa dhashay jabhado sida SNM, USC ,SPM, SSDF, SDM, SANU iyo qaar kale oo badan, jabhadaas waxay soo kordhiyeen oo kaliya jahawareer, fowdo joogto noqotay, kala dambeyn la’aan, dagaal qabiil oo faraha looga gubta,barakac baahsan,dil,isbaaro, handadaad, bahdil,kufsi iyo wax ka siiba xun.

Dhowr jeer ayaa la isku dayay in soomaalida laga caawiyo sidii ay dowlad ku dhisan lahaayeen, iskuday kasto koox ayaa ka soo hor jeeday ayagoo had iyo jeer mar-marsiyo ka dhiganaayo eraygii canka noqday oo ahaa ( LOOMA DHAMO ).

Dadaal badan,gudaha iyo dibadda keddib Ugu dambeyn haatan waxaa muuqdo in la helay sahan cusub iyo ididiillo wax qabad ka gadaal markii maamulka waddanka uu ku wareegay dowlad madax banan oo iska tuurtay heeryadii ku meel gaarka ayna hor wadeen ka yihiin dhallinyaro aqoon yahan ah oo ay ka muuqato ididiillo wax qabat,waa dad qun yar socod ah,daacad u muuqdo,aad u aragti dheer,kuna dhaqaaqay sidii xukunka iyo sharciga uga badbaadin lahaayeen qodxaha badan oo mahiiga iyo kooxdiisa ay ku hor gudbeen.

Sahan xumadii iyo rajo la’aantii Soomaalida la degtay waa laga gudbay,waxaa la gaaray waqtigii loo jeesan lahaa in madaxda lagu garab galo dib u dhiska billawday ayadoo laga faaideysanaayo gacan siinta walaal tinimo ee turkiga.

Ninkii kuu gargaaro waa loo abaal gudaa, turkiga dano gaar ah waddanka kama laha, waxaa u cad kaliya in walaalaha soomaalida uu ka saaro dhibaatada soo jireenka noqotay,waxaana turkiga abaal gud ugu filan in aan ilaal sanno mirihii ka dhashay dadaalkooda.

Avv.Xussein Diiriye Afrax
Edmonton London

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Iswaafainta Mawqifka Dawladda iyo Shirka Jubooyinka. W/Q Abdi Guled Mohamed

$
0
0

 ISWAAFAJINTA MAWQIFKA DAWLADDA IYO SHIRKA JUBBOOYINKA
Abdi Guled Mohamed
abdiguled@hotmail.com
Abriil 03 2013

Walaaltinnimadii, Soomaalinimadii, Qarannimadii iyo Dawladnimadii aan koonfurta Soomaaliya ka raadinaynay mudada dheer, ifafaalaheedii waxaan ku aragnay Kismaayo dhawrkii maalmood ee ay joogeen wafdigii ka socday dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayey R/Wasaare Shirdoon; mahadaasna waxaa leh, Allah SWT, “waase intaas oo looga sii dhawadaa”. Haddaba akhrstow: FADLAN INTAADAN ORAAHDAN LA YAABIN AKHRI MACANAHA ILAA AAD DHAMMAYSO.

WAXAAN KU BILAABAY MAGACA EEBBBE SWT EE NAXARIIS GUUD MID GAAR- BA NAXARIISTA. NABADGALYO IYO NAXARIISTA EEBBANA NABAIGA SUUBBAN KORKIISA HA AHAADEEN.

Intaas Kadib:

Macnaha Arrinta kor ku xusan waa sidan:

A. DHINACA DAWLADDA

1. Waxaa wax lugu farxo ah, kala-danbaynta iyo isku-duubnida ay muujiyeen wafdigii dalwadda ka socday, iyo sida ay hal mawqif uga soo wada jeesteen, ayagoo haybtoodu tahay wafdiga dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kaliya, iyo sida ay u ilaashadeen magacii umadda Soomaaliyeed ee ay huwanaayeen. Waxaan sidoo kale ku farxay sida xushmadda iyo nabad-galyada leh ee ay ku joogeen Kismaayo, tan iyo intii ay hawlahooda wateen;

2. Waxaa wax lugu farxo ah, sida ay ugu mahad-celiyeen, una ammaaneen, Shacbigii iyo mas’uuliyiintii, sida nabad-galyada ah, oo heerka sare ah u soo dhaweeyey, una marti galiyey, intay joogeen, dabadeedna u sagoontiyey makay baxayeen, arrintaas oo R/Wasaaruhu maqal iyo muuqaalba ku qiray, ku soo noqoshadiisa Xamar kadib. Waxaan rabaa inaan cadeeyo, inaanu maqsuudka nahay sidii Kismaayo naloogu soo dhoweeyey, iyo sidii naloo soo sagootiyay, waxaana noo xaqiiqowday in dadka Kismaayo ku nool oo duruuf adag iyo taariikh dagaal sokeeye soo maray inay diyaar u yihiin inay dawladdooda daba istaagaan oo ay qeyb ka qaataan horumarada socda” (R/Wasaare Shirdoon)

INTAAS KADIB:

3. Safarku, wuxuu, Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinkaba u ahaa fursad qaali ah iyo bandhig-siyaasadeed oo caalami ah. Maxaa yeelay, adduunku wuxuu arkay, aadna u qiimaynayaa, in dawladdii oo xubno badan ka kooban, uuna hoggaaminayo R/wasaarihii, ay safar ku tagtay, kuna joogtay asbuuc ku dhawaad magaaladdii Soomaaliya ugu xasaradda badnayd ee Kismaayo. Arrintaas waxaan oran karnaa, waa markii ugu horraysay ee, xubno intaas le’eg oo, xilalka ilaa heerkaas ah haya, ay gaaraan Kismaayo, luguna soo dhaweeyo, tan iyo intii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay dhacday, 1991. Marka adduunku gaar, ahaan kuwa dawladdu ku tiirsan-tahay ee “deeq-bixiyeyaasha” loo yaqaanno, waxay dareemayaan, in dawladdu horumar lixaad leh oo xagga aqoonsiga ah ay samaynayso, halka wufuuddii xukuumadihhii ka horreeyey lala dagaalami jiray. Markaas dawladaha deeqda bixiyaa, way sababayn karaan mucaawinda ay bixinayaan.

Sidoo kale, shacabka jubbooyinkana, waxaa loo arkayaa, dad ayagoo qabaa’ilo badan ka kooban, gogol nabadeed fadhiya oo, wada hadlaya, oo inay maamul samaystaan doonaya. Arrintaasi waa wixii Ilaahay laga baryayey, umadda Soomaaliyeed, lugula dadaalayey dhawr iyo labaatan sano. Haddaba, wafdigii halkaas tegey guul ayey dawladda u soo hooyeen; “WAASE INTAAS OO LOOGA SII DHAADAA”.

4. Xaqiiqdii, lafa-gur kadib, haddii aan nahay kuwa ku shukrinaya nimcada eebbe, wax wanaagsan ayaa Kismaayo ka dhacay (waa daahirka ee uurka Allah ayaa og), marka loo fiiriyo xaaladihii ay ku sugnayd 22kii sano ee lasoo dhaafay iyo waxyaabihii ka dhici jiray

B. SHACBIGA IYO MAS’UULIYIINTA JUBBOOYINKA EE GOGASHA DHIGAY.

1. Kismaayo oo ah magaalada 2aad ee ugu weyn koonfurta Soomaaliya, waxay ahayd magaalada ugu dhibaatada badan Soomaaliya oo dhan, tan markii xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya ay dhacday 1991, marka laga reebo caasimadda, taasna waxaa tusaale u ah inta jeer ee dagaal ka dhacay, inta dad ku dhintay iyo inta jeer ee gacan-ku-haynteedu is-baddashay. Haddaba, magaaladii sidaas ahayd oo gogol (shir) dawlad-goboleed loogu samaynayo taallo, ayna fadhiyaan dad Soomaaliyeed oo badan oo beelo kala duwan ka soo jeeda, ayna ka mid yihiin beelihii ku dagaalami jiray, ayadoo, waliba gobollo kale ku lammaansan yihiin, waa arrin cidkasta oo Soomaaliya wanaageeda iyo nabadeeda rabtaa ku faraxdo, Allahna loogu shukriyo. Dadka arrintaas u dhabar-adaygayna bogaadin ayey mudan yihiin.

“LAAKIIN WAA INTAAS OO LOOGA SII DHAWADAA” oo turxaan kasta iyo caqabad kasta laga saaraa, dadkana loo xaq sooraa, samir aan dhammaanayna, loo yeeshaa.

2. Gogosha la dhigay iyo shirka wada-hadalka ee Kismaayo ka furmay, labaduba waa tallaabooyin wanaagsan, laakiin waxaa loo baahan yahay in fursadaas laga faa’iidaysto, oo inta guul deg-deg ah, ama dan deg-deg ah la raadiyo aan arrintii la bur-burin, himaladii dadku qabayna aysan halkaas ku baabi’in. Waa inaysan arrintu noqon:

cadkaanoow ama ku cunay ama ku ciideeyey! Ee ay noqotaa: Wixii cuni iyo wixii calaf ku leh Allow nabadeenni soo celi! Oo dadka Soomaaliyeed meeluu joogaba loo daneeyaa. Illeen beela isku-hayb ah kaliya hawshaan malehee!

3. Gogosha haddii waqti fiican la siiyo, dadkuna ku wada hadlaan, cid wlaba oo degaankaas ka tirsanna xuquuqdeeda loo tixagaliyo, waxay noqnaysaa taariikhdii ugu horraysay ee nooceeda ah ee, koonfurta Soomaaliya abid ka dhacda, tan iyo bur-burkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991.

4. Is-mari-waaga ka dhex oogmay shacbiga shirka jubbooyinka fadhiya oo maamulka KMG ah ee Kismaayo uu hoggaaminayo iyo xukuumadda, waa mid laga gudbi karo, oo xal loo heli karo, maxaa yeelay, danta guud ee umadda iyo himilada la higsanyo ayaa aad u weyn. Waxaa habboon inaan dawladdu ka caroon shacabkeedii oo gogol-wadhadal, oo nabadeed fadhiya. Waa la doodi karaa, si kulul ama si qabaw, laakiin duruufta Soomaaliya ka jirta ma saamixi karto in dawladdu shacabkii shirka uga baxdo, ayna tiraahdo wadahadalkii waa fashilmay. Sida laga xigtay wasiirka arrimaha gudaha. 

“Negotiations between Somali federal government and Kismayo interim administration hit a deadlock” said Mr. Abdikarim. He pointed out that his government made many sacrifices for it’s constitutional rights in order to break the deadlock and accused the interim administration for not doing enough to reach a political settlement.” (oo macnaheedu yahay; wadahadalladii u dhexeeyey dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo, waxaa isku-gudubtay caqabad; Sidaas waxaa yiri Md. C/Kariim Guuleed. Waxuu tilmaamay in dawladdiisu ay hurtay xuquuq badan oo dastuuri ah, si ay isugu daydo in laga gudbo cakirraanta. Wuxuu markaas maaulka KMG ah ku eedeeyey is-mariwaaga iyo inaysan samynayn dadaal ku filan sidii looga gudbi lahaa is-mari-waaga). Haddaba, danta laga shaqaynayaa waa mid guud oo hadba talo rog-rog u baahan.

5. Haddaan hoos ugu degno is-mari-waaga dawladdu dastuuriga ku macnaysay; horta arrintaas caddayn aan mugdi ku jirin ayey u baahan tahay. Xataa haddii ay caddahay, oo khalad jiro, ma saamixi karto in la kala caroodo, ee,

“Waa in la yiraahdaa suunka xalaasha ah caanaha nooga bixiya” . Maxaa yeelay haddii la kala tago, waxaa ku xiga waa dagaal iyo colaad soo celin kara in Kismaayo iyo gobolladaasi taariikhdoodii mugdiga ahayd ee muddada dheer socotay ku noqdaan; ilaahayse saas kama dhigo, oo xanuunkaas ma soo celiyo insha’allah.

6. Dastuurka laftiisa:

a. Ayadoo markasta ay tahay in la ixtiraamo qawaaniinta umaddu degsato, Waxay ahayd sideed bilood ka hor markii dastuurka Federaalka Soomaaliya la ansixyey, ayna ansixiyeen oday-dhaqameedyada Soomaaliyeed, oo qaarkood gogosha Kismaayo taalla fadhiyaan. Haddaba, ayagoo sii amabaqaadaya hawlahoodii dhaqanka oo, ayaguna dastuuri ah, dhammaystirayna xasilinta iyo nabadaynta Soomaaliya, ayey gogoshaan dhigeen, sidaas awgeed, gogosha wada-hadalka, nabadaynta iyo maamul-dhisiddu waxay waafaqsan tahay Dastuurka, ayadaana marjic u ah dastuurka, waxayna la mi tahay tii dawladda hadda jirta lugu soo dhisay.

b. Dastuur kasta oo dal loosamaynayo wuxuu ka kooban yahay, dhaqanka umadda intiisa fiican, waxyaabaha rumaysan yyihiin sida diintooda iyo baahida markaas taagan. Sidaas daraadeed Diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed waxay ka mid yihiin dastuur kasta oo dalka loo smaynayo ama qayb ka mid ah loo samaynayo;

c. Dhinaca kale gogosha iyo wada-hadalka iyo xallinta khilaafaadka iyo maamul-dhisidda, waxay ka mid yihiin shurucda aasaasiga ah ee dhaqanka, oo lugu magacaabo (customary law).

d. Dastuurka laftiisa, waxaa lugu heshiiyey inuu marjiciisu yahay “DIINTA ISLAAMKA” illeen dad muslim ah ayeynu nahaye. Diinta Islaamka dhexdeeda iyo qawaaniinta caalamiga ahba; sulxigu wuxuu ka mid yahay qodobbada aasaasiga ah ee jiritaanka basharka ugu muhiimsan, sidaas awgeed, dastuurku, kama hor-imaan karo, Diinta Isaamka.

e. Soomaaliya bur-burkii kadib, weli cagaheeda kuma istaagin, oo weli ma xasilin, nabadgalyo buuxdana ma helin, laakiin insha’allah waan u soconnaa:

  • Waa sababtaas awgeed, waxa dastuurka Federaalka ah ay u ansixiyeen 800-1000 qof oo kaliya, ayagoo matalaya 10 ilaa 15 milyan oo qof.
  • Waa sababtaas awgeed, waxa madaxweynaha ay u doorteen 275 qof oo kaliya ayagoo matalaya isla intaas;
  • Waa sababtaas awgeed waxa, dastuurka loogu magacaabay mid KMG ah;
  • Waa sababtaas awgeed, waxa, adduunku ugu dhibaatooday, isuguna dhabar-jabiyey, inuu Soomaaliya oo nabada ah oo, dawlad ah, xorna ah, ugu soo celiyo beesha caalamka dhexdeeda.
  • Sidaas daraadeed, waxaa loo baahan yahay inaan isu dul-qaadanno, dawlad iyo shacabba. Haddaan saas la yeelin, waxaan kulli wada oganahay inaan dawlad kaliya aysan dhibaatada Soomaaliya taalla xallin karin.

GEBO-GABADII, WAXAAN KU TALINAYAA

  • In la soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Dawladda iyo shirweynaha;
  • In dawladdu ay shirka ku soo noqoto, oo si furcaddi ah u hagto, shacabka wax dhisanayana ay ku garab-istaagto hawsha adag ee ay ku jiraan,  
  • In dawladdu u kala xaq-soorto, dadka wax-wada dhisanaya, haddii ay is-dulmiyaan, oo ay ciyaartaa, dawrkii dhex-dhexaadiyaha, ayna ka shaqaysaa siduu shirku mira-dhal ku noqon lahaa.
  • In dawladdu taageero dhaqaale la garab-istaagto, shirweynaha iyo waxa ka soo baxaya labadaba, haddii aysan awoodinna ay caalamka uga raadisaa;
  • Waxaan hubaa in dawladdu ogtahay, haddii dadku gogol wada-hadal sameeyaan, oo nabadayn iyo Soomaalinnimo la soo celiyo, in arrintaasi ay tahay dawladda oo, hawsheedii loo fududeeyey;  
  • Waxaan cidwalba oo arrintaan khusayso, uga digayaa in dagaal uu ka dhaco deegaankaas, maxaa yeelay arrintaas cawaaqib-xumada ka timaadda waxay saamayn ku yeelanaysaa Soomaaliya oo dhan gaar ahaan gobollada kuufureed. .

Wa billahi Tawfiiq

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Ceelbuur Waa Caasimada Mugahirsha. W/Q Dr. Saciid Ciise Maxamud

$
0
0

CEEL-BUUR WAA CAASIMADA MUGAHIRSHA
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
saciidciise258@aol.com
Abriil 03 2013

Dr. Saciid Ciise Maxamud Xisbiga Dadka Soomaaliyeed

Inta badan madaxda soo martay Jamhuuriyada Soomaaliya waxey ku dhasheen ama ka soo jeedaan degaano ka tirsan bartamaha Soomaaliya, madaxdaas qiimaha weyneed waxey kala ahayeen: Mudane Cabdullahi Ciise Maxamud, Mudane Aden Cabdulle Cusman, Mudane Cabdirashid Cali Sharmaarke, Mudane Cabdirisaq Haji Xussen, Mudane Janaraal Maxamed Siyad Barre, Mudane Cali Mahdi Maxamed, Mudane Janaraal Maxamed Faarax Caydiid, Mudane Cabdiqasim Salad Hassan, Mudane Korneyl Cabdullahi Yusuf Axmed, Mudane Cali Gedi Maxamed, Mudane Sharif Sheikh Axmed, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Mudane Xasan Sheikh Maxamud, iyo Mudane Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid). Doodi kama taagna in madaxdaas ay ku wanaagsanayeen dhinacyo badan, dhinacyo kalena ay ka gaabiyeen, laakiin dhamaantood waxa lagu xasuusta in maslaxada guud ee Soomaalida ay dadaal badan u galeen. Dadweynaha ka soo jeeda gobolada dhexe guud ahaan waxaa lagu tilmamaa iney yihiin wadaniyiin daacada oo naftooda, maalkooda, maskaxdooda, iyo muruqoodaba jecel iney u huraan Soomaalinimada.Maamul-goboleed wanaagiisu waa inuu weyn yahay oo ka kooban yahay degaano kala duwan iyo beelo kala gedisan oo iskudhafan. Maamulka sidaas ku dhisma wuxuu awood u yeelanaya inuu dhaqso u kobco, una muuqdo dal-yare ay ka hirgasho ku dhaqanka qawaaniinta iyo awood-qeybsi salka ku haya wadanoolaasho ay garwadeen ka yihiin aqoonyahanka degaanadaas, iyaga oo kaashanaya madaxda dowlada qaranka. Foolxumada ugu weyn ee ka jirta hamiga dowlad-goboleedka waa marka beel kasta ay si gooniya u raadsato iney degaankeeda u sameyso maamul-goboleed iyaga u gooniya. Hanqaltaagaas wuxuu halis ku yahay isdhexgalka iyo wada-noolashaha Soomaalida. Waxaa qalad laga fahmey xaqa ay Soomaalidu u leedahay in wadanka guud ahaan meeshii ay doonaan ay ku noolaan karaan iyaga oon lagu xirin degaanada ay ku nool yihiin ineysan beel ahaan uga soo jeedin. Marar badan waxaa kuu muuqanaya dareen ka turjumaya in inta badan dadka maskaxdoodu beelnimadu ka guuxeyso inay dhul doon yihiin oo aysan dooneyn dowladnimo ay dadku guud ahaan wadaagaan waxtarkeeda. Haddii la fahmi lahaa qarniga soo socda sida Soomaalida isku bedeleyso, la iskuma mashquuliyeen dhaqanka gaboobey oo gediga laga yahay. Dhulku waa dhaxalka guud ee dadweynaha, waxaana maamulkeeda iska leh dowlada degaanka iyo tan wadanka. Gobol kasta oo ka mida Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay iney ku noolaadaan qiyaasta dadweyne dhan 30 malyan. Soomaalida dhul la,aan ma heyso waxase haysata dad yari iyo saboolnimo, wuxuuna koboc dhaqaale iyo horumar tayo leh u ka curataa dowladnimo wanaagsan oo ka dhaqan gasha heer maamul-gobol iyo mid qaran.

Gobolada Dhexe oo ku yaala bartamaha Soomaaliya waxey ka kooban yihiin afar gobol oo mug weyn, kuwaas oo kala ah Mudug, Galgaduud, Hiiraan, iyo Shabeele. Dhaqan ahaan marka magac loo bixinayo deegaan waxaa lagu samiyaaa halyey qaran oo caana ama dabeecada degaanka ayaa loogu magacdara. Soomaalida maanta waa ka duwan tahay kuwii ku noola wadanka Soomaalida wakhtigii hore. Wadaniyiinta maanta ku nool dalka waxaa ka dhex jira tuhun weyn oo ka dhashay dagaaladii ay oogeen madaxdii dowladii dhacday iyo jabhadihii hubeysnaa. Magac bixinta maanta waa ka daldalool raadin badan tahay tii berigii hore. Cid walba oo si qalbisamiya u soo jeedisa magac bixin guud waxey la kulmeysa diidmo xoogan, iyadoo dadka inta badan ay ka fiirfiirinayaan wax u xaglinaya degaan gaara ama beel gaar ah. Aniga oo aan hilmaamsaneyn jikaarka dhinac walba ka imaan kara ayaan soo jeediyey magacbixinta maamul-goboleed ay ku bahoobi karaan gobolada ku yaal bartamaha Soomaaliya. Magaca MUGAHIRSHA wuxuu ka curtay labada xarfood ee ugu horeeya magacyadii dowladahii hore ay u bixiyeen afarta gobol oo ay ka kooban tahay gobolada dhexe.

Midowga gobolada dhexe wuxuu u baahan yahay magaalo-madax ku taala meel u dhaxeysa goboladaas. CEELBUUR waa magaalo jiritaankeedu facweynyahay oo ka durugsan xadka Soomaaliya ay la wadaagto Soomaalida Galbeed oo lagu tolay wadanka Itoobiya. Magaaladaas waa hoyga halyeyga caanka ah ee XALANE iyo CILMINUUR oo labaduba dagaalkii 1964 u halgamey difaaca Jamhuuriyada Soomaaliya. Magaladaas waxaa qiimo jab weyn ku dhaliyey maamulkii gumeysiga Talyaaniga oo sarkaal sare magaaladaas looga diley kadibna kala dagaalamay iney magaaladaas kobocdo, wuxuuna magaaladaas bedelkeeda xaruun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb oo dowladii milateriga ay u dalacsiisay magaalo-madaxda gobolka Galgaduud.

MUGAHIRSHA haddii ay ku guuleysato iney noqoto maamul-goboleed ay dowlada dhexe aqoonsato waxaa dhexdeeda ka abuurmi kara ilaa 20 gobol oo isku dheelitiran. Dhulna iskama dhismo ee waxa dhisa dadka, koboca dhaqaalana waxaa dhaliya dad badan oo wada dega. Midowga goboladaas waxey danta maamul-hosaadkeeda ku jirta Soomaalida jecel maamul-wanaaga iney kala qeyb-qataan dhismaha dowlad-goboleedka si ay wax ula wadaagaan dadka wakhtiga dheer horay ugu noola degaanka. Waxaan aaminsanahay dadku inuu socod u joog yahay, degaankuna uu dad doon yahay oo ay ka munaafacsanayaan marba dadka ku nool. MUGAHIRSHA waa hoyga hogaamiyeyaasha Soomaalida, CEEL-BUURNA waa caasimadeeda lama huraanka ah.

Dr. Saciid Ciise Maxamud

Xisbiga Dadka Soomaaliyeed

saciidciise258@aol.com

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Iskoolada luqadaha sidee u hormarinaa? W/Q Axmed C/samad

$
0
0

Iskoolada luqadaha sidee u hormarinaa?
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Abriil o6 2013

Qormadaan waxay ahayd jawaab aan u qoray Ustaad Siciid Cabdullaahi Yuusuf oo magaalada Garoowe ku haysta PRIVATE SCHOOL lagu barto luqada Ingiriiska oo ii soo qoray warqad isugu jirta warbixin iyo talo soo jeedin ku saabsan sidii loo badbaadin lahaa, loona horumarin lahaa da’yarta Soomaaliyeed oo qaar badan aysan Qur’aanka iyo wax diin ah baran, waalidkoodna ay horay ka geeyaan iskoolada lagu barto Ingiriiska iyo kumbuyuutarka.

Waxaa jira rag badan oo Siciid ay isku shaqo yihiin oo magaalooyin iyo wadamo kala duwan jooga, Siciidna la wadaaga dareenka islaamnimo iyo hammiga badbaadinta iyo waxtarka ummadda, waxaana jeclaystay inay wada gaarto taladii aan Siciid u qoray.

Inta aanan soo bandhigin jawaabtii aan Siciid u qoray aan akhristayaasha sharafta leh xusuusiyo in luqadu tahay weelka lagu kaydiyo, laguna soo bandhigo diinta, taariikhda, hab fakarka, hab nololeedka iyo hab dhaqanka ummadeed. Marka qofku uu luqad baranayana maaha inuu baranayo erey erey lagu turjumay ee wuxuu qaadanayaa wax kasta oo khuseeya ama la xiriira ummadda uu luqadeeda baranayo. Tusaale gaaban marka aad luqada carabiga baranaysid hadalada ugu horreeya waa: Al-salaamu calaykum, Masjid, Muxammad iwm laakiin marka aad Ingiriis baranaysid waxaa kuugu soo hormaraya: kaniisad, John, qoob ka ciyaar iwm.

Haddaba si loo helo faa’iidada barashada luqadaha, loogana badbaado xumaha ay xambaarsanyihiin muslimiintu waxay samaystaan buugaag luqada laga barto oo xambaarsan caqiidadii, fakarkii iyo dhaqankii muslimiinta, isla markaasna laga hufay xumaantii buugaagta gaaladu diyaarsatay ama inaga inoo diyaarisay. Waxaa kale oo la sameeyaa macalimiin muslimiin ah, diintana aqoon u leh; si ay ardayda luqada la barayo ugu gudbiyaan aqoontooda diimeed; sidaa darted waa in iskoolada luqaduhu ku dadaalaan helista boogaag munaasib ah iyo macalimiin diinta aqoon u leh, kuwa aan aqoona ay bartaan.

Jawaabtii Ustaad Siciid sidaan ayay u qornayd:

Salaamun calaykum

Ustaad saciid aad iyo aad ayaan kaaga mahadcelinayaa xiriirka, ducada, talooyinka qiimaha leh iyo dareenka islaamnimo ee aad u danqanaysid ummadda iyo diinteeda.

Xalka mushkiladaan meelo kala duwan ayaa laga gali karaa, mid waa kan aad soo jeedisay oo ah wacyigalinta guud iyo tan waalidiinta, intii tabar ahna waa lagu dadaalayaa. Waxaa isna xal fiican oo sahlan ah in aynu dugsiyada luqadaha lagu barto laftooda u isticmaalno dacwo iyo wacyigalin.

Waxaad dadaal galinaysaan hanuuninta, wacyigalinta iyo isku xirka macalimiinta wax ka dhiga iskoolada luqadaha, ka dibna waxaad u samaynaysaan barnaamij midaysan oo aad dhalinyarada private-yada wax ka barata ku hanuuninaysaan, kuna wacyigalinysaan.

Barnaamijkaas waxaa ka mid ah:

1- in nidaam loo sameeyo salaadaha,

2- in la dajiyo nidaam anshaxa ku saabsan, sida labiska, xiriirka wiilasha iyo gabdhaha,

3- in macalinku tawjiih ku daro darsiga ingiriiska ama computerka ah,

4-in usbuucii ama labadii usbuucba muxaadaro guud loo qabto,

5- in lagu guubaabiyo ardayda inay duruusta masaajida soo dhagaystaan, macalimiintuna ay kala qaybgalaan intii suurtagal ah,

6- in loo sameeyo tartano diini ah oo iskoolkii ama ardaygii ku guulaysta abaalmarin lagu siiyo,

7- in ardayda private-yada laftooda la isku xiro, loona sameeyo nashaadyo wanaagsan,

8- in casharada luqada ingiriiska lagu daro kuwo diinta islaamka ka hadlaya si ay ugu noqoto cashar diimeed iyo cashar luqadeed oo wada socda, waliba waxaa fiican inay dadka usoo jeediyaan ama ay qoraalo diini ah soo diyaariyaan oo ay galiyaan website-yada; si ay ugu noqoto dhiirrigalin.

9- in la siiyo duruus ku saabsan sida loo islaamiyo gaalada,

10- in marka horeba loo sheego qasadka luqada ay u baranayaan inuu noqdo waxtarka diinta iyo ummadda.

11- in si gaar ah loo maamuuso, loona dhiirrigaliyo ardayda Qur’aanka xafidsan ama diinta aqoonta u leh ee private-yada wax ka barta; si ardayda kale ugu daydaan. Waxyaabaha lagu dhiirrigalin karo waxaa ka mid ah in lacagta sanadkii hal bil laga dhaafo iwm.

Ugu dambayn Ustaad saciid wax walba nin ayaa bilaaba, dadkana ka dhaadhiciya ilaa ay dad badan ku raacaan, lana hirgaliyaan. Haddaba noqo ninkii hawshaas hormuudka ka noqon lahaa adiga oo la kaashanaya culumada iyo ehlu-khayrka kale, markaad Garowe ku guulaysataana tijaabadaas magaalooyinka kale ee Soomaaliyeed u gudbiya, mashruucaasna u niyayso kii aad ummadda wax ku tari lahayd, jannadana ku heli lahayd.

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Viewing all 410 articles
Browse latest View live